
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
The government gets its way- Gains more than the 139 majority:
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ Xoogsade I think you are making quite conradictory statements. For one the warlords are against any troops, not just Ethiopian but any. The country needs impartial limited forces to help guard the governemtn and train the new Somali security institutions. The fact that peopel are going in circles or where going in circles is because the warlods and their supporters made an issue of Ethiopia and so called front line troops. The fact that this conference and the one prior took place in so called front line states was ignores. The fact that IGAD has agreed to bring Sudanese and Ugandan troops was ignored. The state of the country was also ignored. The people welcomed Geedi for they have hope, yes hope of change and improvement in security will be the greatest step towards the fullfilment of this desire and will lead to prosperity for all. Yet the governenment has a plan, it's branches Presiden, Cabinet and Parliment are at an agreement, what now, why are we still talking about Ethiopian troops? Why the lies, which are there to further only a political agenda. Lets go further, we have two sides yes, a government and an opposition. In the governemnt camp we have the President, and the PM and most of the ministers. The opposition also is made up of a diverse group, their backbone is the warlords of Mogadishu and their legitimacy stems from having the Chairman of the Parliment on side. This group includes Jinni, Jamac, Casharo, Mohamed Abdi Yusuf, Zakaria and Casha all from the Puntland region which the President is from. What we have is a difference of ideas but not clan against clan, we have battles for position and interest, politics indeed creates starnge bed fellows. But its much better than the all out clan warfare of the past 15 years. -
Dr.Khaalid Cumar Cali: Sharif Xasan knows nothing about constitution
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ Sharif is wrong and if he is unable to do the job then he must go. Just because he is Somali does not mean he has the right competency for the job. Its up to the Parliment but I agree with Deerow on this. If the dude continues with this type of behaviour then he must exit as soon as. -
Dr.Khaalid Cumar Cali: Sharif Xasan knows nothing about constitution
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Gudoomiyihii Baarlamankii C/qaasim oo ku baaqey in xilka laga xayuubiyo Shariif Xasan Xudur-14.May.2005 Guduumiyihii Baarlamankii Xukuumadii uu Madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan oo haatan ah Wasiirka Dastuurka iyo arimaha Federaalka ee DFKMG ah ee Soomaaliya Cabdalla Deerow ***** aya ka Hadley arimaha la isku hayo ee ka taagan fadhigii ugu dambeeyey ee dhawaan ay yeesheen Xildhibaanada baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya. Cabdalla Deerow ***** oo isagoo ku sugan Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool la soo xiriirey Idaacada SBC ayaa wuxuu si kulul u dhaliiley Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan waa sida hadalka uu u dhigey’e in uu ku xadgudbey qodobo ka mid ah Axdiga KMG ah ee Soomaaliya. Wasiirka Dastuurka iyo arimaha Federaalka Cabdalla Deerow ***** wuxuu ku tilmaamey Shariif Xasan in uu yahay Nin jeebka gashadey dastuurkii, isla markaana ay haboon tahay in si deg deg ah xilka Gudoomiyaha Baarlamanka looga xaytuubiyo. Cabdalla Deerow ayaa doodiisa ku aadan in xilka laga xayuubiyo Shariif Xasan wuxuu ku tilmaamey ama uu cuskadey isagoo waa sida uu hadalka u dhigay’e iska dhaga tirey dalabyo ku aadan in uu kulansiiyo Xildhibaanada Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in mudo 2 bilood ah uu diidanaa in baarlamanku uu fariisto si buu yiri ay uga hadlaan danaha qaranka iyo maslaxada Ummada. Cabdalla Deerow wuxuu ugu dambeyntii ku eedeeyey Gudoomiyaha Baarlamanka KMG Shariif Xasan in uu doonayo burburinta DFKMG ah ee Soomaaliya oo dhismaheeda laga wadey dalka Kenya mudada labada sano. Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wuxuu ku adkeysanayaa in isugu uu ku taagan yahay dhabaha saxda ah, isla markaan auu yahay kan isugu yeeri kara Xildhinaanada Baarlamanka KMG ah, isagoo saxaafada wareysiyo kala duwan oo uu siiyey ku eedeeyey Madaxweynaha waa sida hadalka uu u dhigeye in uu ku xadgudbey shaqadiisii, balse taasi Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Dastuurku uu fasaxayo in uu isugu yeero Baarlamanka. C/qaadir Maxamed Nuunow SBC Monitoring. -
US General we will support + Dr Rice Ghelle+ other news
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Adis Ababa: Ra’iisul Wasaarahe Geeddi oo soo dhoweeyay go’aanka Midowga Afrika Ee Shalay ku gaareen Adis Ababa Adis Ababa (AllPuntland)- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa soo dhoweeyay go’aankii shalay ee Midowga Afrika ku gaareen magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya. Ra’iisul Wsaaraha oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Adis Ababa ayaa soo dhoweeyay ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalalka Suudaan iyo Ugandha ee imaanaya dalka isagoo sheegay in go’aanka kasoo baxay Midowga Afrika uu yahay heshiis ay wada gaareen dalalka ku bahoobay Midowga Afrika, wuxuuna intaa ku daray in ciidamada geynta Soomaaliya ay ka bilaaban doonto magaalada Muqdisho. Raq’iisul Wasaaraha waxaa uu intaa ku daray in xukuumaddiisa sida ugu dhaqsiyaha badan u guuri doonto gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalooyinka Jowhar iyo Baydhaba. Cali Muxiyaddiin Cali -
US General we will support + Dr Rice Ghelle+ other news
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Jabuuti: Mareykanka iyo Jabuuti oo ka wada hadlay arimaha Soomaaliya iyo Warar Caalamku wuxuu ka yiri arimaha Soomaaliya - Saturday, May 14, 2005 at 13:07 Jabuuti (AllPuntland)- Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo socdaal ku maraya magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa galabta xafiiska Wasaaradda Arimaha Dibada kula kulmay Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Mrs. Condoleza Rice. Madaxweynaha iyo xoghayaha Arimaha Dibada Mareykanka ayaa qodobadii ay ka wada hadleen waxaa ka mid ah arimaha dalka Soomaaliya iyo hannaankeeda geeddi socod nabadeed. Mrs. Condoleza Rice waxay ugu hambalyeysay Madaxweynaha guushii doorashadiisa ee tartankii madaxtinimo, taasoo ay ku tilmaamtay iney aheyd doorasho ku dhacdday si xaq ah, waxayna Madaxweyne Geelle ku amaantay hanaankiisa Siyaasadeed ee uu ku hoggaamiyay Jabuuti. Waxay kaloo amaantay Xoghayaha Arimaha Dibada Mrs. Condoleza Rice xiriirka Mareykanka iyo Jabuuti oo ay ku tilmaamay inuu marayo heerkii ugu fiicnaa, waxayse ku dhaliishay Madaxweyne Geelle mowqifka Madaxweynaha ee ku aadans habka Siyaasad waarta looga helayo arimaha gobolka Daar Fuur ee dalka Suudaan. Madaxweyne Geelle ayaa sidoo kale Hotelka uu degan ku qaabilay Madax kala duwan oo ka socday Hey’addo iyo shirkaddo. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland -
Djabouti: Ciidanka Ameerikaanka ee Ilaaliya xeebaha Soomaaliya oo sheegay Inay Caawinayaan Soomaaliya, Maxayse tahay Caawintaasi? Djabouti (AllPuntland)- Ciidanka Ameerikaanka ah ee kusugan xeeabaha bariga Afrika ayaa shaaca ka qaaday inay Soomaaliya ka caawinayaan dhinacyo kala duwan si ay unoqoto dawlad waxqabsata. Major: Gen: Samuel Helland oo ah madaxa ciidanka isku dhafta ah ee ilaaliya xeebaha Geeska Afrika ayaa sheegay in Ameerikaanku caawinayaan wadamad dariska la ah Soomaaliya si ay wadamadaasina ay ilgaara ugu hayaan xeebaha dalka Soomaaliya oo ay dhici karto kooxo Argagixiso oo kasoo jeeda dalalka Pakistan iyo Afganistan inay hoyi usoo doontaan Soomaaliya. Mr: Helleand wuxuu sheegay in Badda Soomaaliya ay tahay meel aan cidina maamulin mar uu magaalada Jabouti ugu waramayay wakaaladda wararka ee Associated Press. " Soomaaliya oo muddo saddexsano ah dibad joog ku ahayd dalka Kenya waxay u baahantahay in la caawiyo si ay usoo celiso kala danbayntii iyo nidaamkii jiray'" sidaasi waxaa yiri Mr Maj. Gen Samuel Helland.. Ayadoo dawladaha Uganda iyo Suudaan ciidamo ay keeni lahaayeen Soomaaliya la ansixiyay tiradooduna ay yartahay ayaa hadana raysulwasaaraha Ethiophia uu sheegay in magaalada Muqdisho kooxo argogixiso ay ka hawlgalaan. CCC Farayaamo AllPuntland
-
Nairobi: Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Mudane Khaalid "Guddoomiyaha Baarlamaanku aqoon uma laha ama waa iska indha tirayaa waxyaabaha ku qoran Axdiga Qaranka iyo Xeer Hoosaadka Baarlamaanka ..." Warsaxaafadeed-- - Saturday, May 14, 2005 at 13:15 Nairobi(AllPuntland)- Warsaxaafadeed uu maanta ka soo saaray xafiiskiisa magaalada Nairobi Wasiiru dawlaha Madaxtooyada DFKMG ah ee Soomaaliya Mudane Khaalid Cumar Cali ayuu kaga jawaabayey waraysigii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan siiyey Idaacadda BBCda laanteeda afka Soomaaliga oo uu ku sheegay insaysan sharci ahayn go'aankii ay golaha baarlamaanku gaareen 11May 2005,ta warsaxaafadeedkaasina waxa uu u qornaa sidaan: Bayaan Anigoo tixraacaya waraysigii afhayeenka baarlamaanka Soomaaliyeed uu siiyey Idaacadda BBC-da laanta Af Soomaaliga shalay oo taariikhdu ahayd 13 May 2005 ee uu ku sheegay in aan Madaxweynuhu sharci u lahayn in uu Baarlamaanka isugu yeero iyo in aanu sharci ahayn go'aammadii golaha Baarlamaanku gaaray 11 May 2005,ayaa waxan halkaan ku cadaynayaa in Afhayeenka Baarlamaanku aanu ogayn ama uu iska indha tirayo waxyaabaha ku qoran Axdiga Qaranka iyo Xeer hoosaadka Baarlamaanka. Haddaan u gudbo muujinta iyo soo bandhigida qodobada sharci ee ay ku qotomaan tallaabooyinkii Madaxweynaha,Xukuumadda iyo Baarlamaanku qaadeen 11 May 2005 waa sidaan hoos ku qoran:- 1) Sharcinimada kulan aan caadi ahayn oo Madaxweynuhu isugu yeero Baarlamaanka a)-Qodobka 34-aad farqadiisa 2-aad ee Axdiga Qaranka KMG ah wuxuu qorayaa in kulan aan caadi ahayn ay Baarlamaanka isugu yeeri karaan Madaxweynaha ama 1/3 xubnaha Baarlamaanka,labada codsiba Afhayeenka gacanta ayaa laga geliyey ,waana diidey. b)-Qodobka 5-aad farqadiisa T,J iyo X ee xeer hoosaadka Baarlamaanka wuxuu qorayaa in kulanin kulan aan caadi ahayn ay Baarlamaanka isugu yeeri karaan Madaxweynaha ,Xukuumadda iyo 1/3 xubnaha Baarlamaanka,saddexda codsiba Afhayeenka gacanta ayaa laga geliyey ,waana diidey. 2) Sharcinimada kulan Baarlamaan oo qabsooma Guddoomiyaha oo aan ka soo qaybgelin a)-Qodobka 38 farqadiisa B iyo C ee Axdiga Qaranka wuxuu qorayaa in haddii Afhayeenka Baarlamaanku fadhi Baarlamaan ka maqnaado ay fadhiga jeerinayaan(Guddoominayaan)mid ka mid ah labadiisa ku xigeen ,haddii ay saddexdooduba maqnaadaana in goluhu iska dhex dooranayo shir guddoon KMG ah. b)-Qodobka 12-aad farqadiisa 1-aad iyo 3-aad ee xeer hoosaadka Baarlamaanku wuxuu qorayaa in haddii Afhayeen ka maqnaado fadhi Baarlamaan sabab kasta ha u maqnaadee in hawshiisa ay qabanayaan ku xigeennadiisu,haddii saddexdooduba maqnaadaana goluhu iska dhex dooranayo shir guddoon KMG ah. Haddaba ,iyadoo ay habboon tahay in mas'uuliyiinta Qaranku ay ka dhowrsadaan ku xadgudubka iyo been ka sheegidda shuruucda dalka ayaa waxaan filayaa in Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkuba ay si cad u fahmi karaan in kulankii uu Baarlamaanka Soomaaliyeed yeeshay 11 May 2005 iyo go'aanadii ka soo baxayba ay sharci ku qotomaan isla markaana aanay shuruucda Adduunka iyo kan Soomaaliyeedba aanay jirin meel ay ku qoran tahay in shaqada iyo danaha ummadu qof u xayirnaadaan. Wa Bilaahi Towfiiq Md.Dr.Khaalid Cumar Cali Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Warintii wariye Iimaan Cali Cabdi AllPuntland, Nairobi War La Xiriira
-
The government gets its way- Gains more than the 139 majority:
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
A/Yusuf was elected to bring security. The government will not attack Xamar for Xamar is the eventual seat of the government. Also one point which seems lost on these folks. The Primeminister is from Xamar and is undoubtedly the most popular leader in the city[check out his welcome]. Other leaders are from Mogadishu from Aydeed Jr to Cosoble, Ghamadere, and the government has the support of the population. Was it not the PM who was welcomed in Villa Somalia? Who runs Villa Somalia and its surroundings? This talk of war and attack on Xamar and the coming Amxaro invasion is a ploy used by those who have most to lose. These people dont represent the clans, religious community or even a minority of the people of Xamar, they stand out and cry only for their own self interest. Its easy to talk of war, and easy tod efend Somalia when there is no invasion or even a threat. But when the smoke clears there will be no wwar just some operations to clean up some dirt. -
U.S. General Calls Somalia Terror Haven Somalia Has Become a Safe Haven for Terrorists in East Africa, U.S. General Says By By CHRIS TOMLINSON Associated Press Writer ADDIS ABABA, Ethiopia May 13, 2005 — Somalia has become a safe haven for terrorists in East Africa and the government-in-exile must take power to restore law and order to the Horn of Africa nation, the commander of a U.S. counterterrorism task force said Friday. U.S. Marine Maj. Gen. Samuel Helland, the commander of the Combined Joint Task Force-Horn of Africa, said American troops were working with Somalia's neighbors to improve their border security since U.S. pressure on the al-Qaida terror group in Pakistan and Afghanistan may force some members to seek refuge in East Africa. "Somalia is a safe haven, it is ungoverned space," Helland told The Associated Press in an interview from his headquarters in Djibouti. "We, the international community, have to do something to take away that safe haven." He said Somalia's government-in-exile, formed last year in Kenya after three years of peace talks, needs to assert itself inside Somalia and introduces law and order. On Thursday, the African Union authorized deployment of 1,700 peacekeepers to Somalia to help secure the transitional government as it heads home. The Ugandan and Sudanese troops will be deployed in the towns of Baidoa and Jowhar, from where the government will operate temporarily because the Somali capital is unsafe, the AU's Said Djinnit said. Somalia has been without a central government since clan-based warlords overthrew dictator Mohamed Siad Barre in 1991. Warlords then turned on each other, plunging the Horn of Africa nation of 7 million into anarchy. Somalia's government has been based in neighboring Kenya since it was formed in 2004 because the capital, Mogadishu, is considered unsafe. The government is opposed by Islamic extremists and some of the dozens of warlords in the country. Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi told AP on Thursday that an al-Qaida terror cell was "very active" in Mogadishu, but that a Somali government was the best bet for dealing with the problem. Helland spoke to AP as he prepared to end his one-year command of the task force.
-
Maj. Gen. Samuel Helland: “Soomaaliya waxay u nugushahay in ay argagixisadu hoy ka dhigato†Jabbuuti - 13.May.2005 Generaal ka tirsan ciidamada badda ee Maraykanka gaar ahaan cutubyada ka hawl gala Bariga Afrika, haatanna ku sugan Jamhuuriyadda Jabbuuti ayaa sheegay in ay Soomaaliya suura gal tahay in ay joogaan kooxo, oo ka soo tallaabay dalalka Afghanistan iyo Pakistan, mar uu waraysi siinayey maanta wakaaladda wararka ee AP. General Samuel Helland waxaa uu sheegay in ay Soomaaliya noqotay goob u nugul in ay ku soo hirtaan argagixisado waayo buu yiri kama jirta dalkaas, dawlad hanan karta amaanka isla markaasna nidaamka guud gacanta ku dhigta. “waa in ay dawladda dibad joogga ah ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigtaa amaanka iyo awoodda dalkaas, isla markaasna ay soo celisaa sharcigii iyo kala dambayntii†ayuu yiri Jananku mar uu u warramayey wakaaladda wararka ee AP. Maj. Gen. Samuel Helland, waxaa uu sheegay in ciidamada Maraykanku ay la shaqaynayeen dalalka deriska la ah si loo hagaajiyo amaanka xuduudaha berriga iyo badda ee Soomaaliya, isla markaasna cadaadis lagu saaro al-Qaacida ka soo qaxday Pakistan iyo Afghanisan in ay qaaxoogi ahaan ku soo galaan geeska Afrika. Warka Jananka Maraykanka ah ayaa ku soo beegmay xilli uu ra’iisal wasaaraha Itoobiya uu isna sheegay in ay kooxo al-Qaacida ahi ay dalka Soomaaliya joogaan gaar ahaanna ay si muuqata uga shaqaynayaan caasimadda Muqdisho. Dawladda federaalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka hor yimid, kooxo kala duwan oo qaarkood ay yihiin ururo Islaami ah iyo tobannaan ka tirsan dagaal oogayaasha Soomaalida, taas oo iyana xagal daacin karta in ay dawladda Soomaaliyeed ay hanato amaanka Soomaaliya. Major General Helland waa nin da’ ah oo soo shaqaynayey ilaa iyo dagaalkii Vietnam, isla markaasna ka qalin jebiyey jaamacadda Minnesota ee dalka Maraykanka, waxanu sidoo kale shahaadooyin ka qaatay taliska dhexe ee ciidammada badda ee Maraykanka Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com
-
Adis-Ababa: Midowga Afrika oo Maanta go’aamiyay in Ciidamo Suudaan iyo Ugandha ku tagaan Soomaaliya - Thursday, May 12, 2005 at 23:36 Sawirku waa Khamiis, May 12, 2005 iyo ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi , bidix oo uu xarunta Midowga Afrika ee Adis Ababa ku taal uu kusoo dhaweeynayo gudoomiyaha Midowga Afrika Alpha Omar Konare, Midowga afrika waxay maanta khamiis go'aan ku gaareen inay ciidamo u diraan Soomaaliya, go'aankaas oo ka dambeeyay maalin ka dib markii baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay in Soomaaliya la keeno ciidamo nabad ilaaleen oo ka socda Midowga Afrika iyo Carabta - diyaarinta AllPuntland, xarunta Adis-Ababa (AllPuntland)- Wararka ka imaanaya magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya oo maanta shir ugu fumray Madaxda dalalka Afrika ayaa gabagabadii laga soo saaray qodobo dhowr ah oo dalalka Soomaaliya iyo Suudan ku wajahan . Shirkaasi oo duhurnimadii maanta ka furmay Adis Ababa ayaa dalalkii isugu yimid waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ah Prof. Cali Maxamed Geeddi oo halkaasi khudbad ka jeediyay isagoo sheegay in xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ay isku raaceen ama u codeeyeen in dalka la keeno ciidamo ka socda dalalka IGAD , wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha intaa ku daray in ciidamo ka socda dalalka Afrika haddii aan la helin aysan xukuumadiisa marna ka shaqeyn karin gudaha dalka. Gabagabadii shirkaasi ayaa la isla gartay in mudo labo Todobaad Gudahood ciidamo ka socda dalalka Ugandha iyo Suudaan ku tagaan dalka Soomaaliya kuwaasi oo wejiga hore sugaya amaanka xarumaha Dowladda, iyadoo labadaasi dal midkiiba ka imaanayaan ciidamo tiradooda gaareyso 850 Askari kadibna dalalka kale ee diyaarka u ah ka qeyb qaadashada xasilinta Soomaaliya wejiga labaad imaan doonaan. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
Cali Maxamed Geedi oo dowladiisa loogu yaboohay Ciidamo Nabad Ilaalineed oo ka kala socda Wadamada Suudaan iyo Ugaandha Posted to the Web May 13, 13:51 Adis-ababa:-Shirkii shalay ka furmay magaalada Adis ababa oo wadanka Soomaaliya oo uu uga qaybgalay Raysal wasaare Cali Maxamed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka dhacay Wadanka Itoobiya Caasimada Adis-Ababa. Shirkaas ayaa maalintii shalay lagu go'aamiyey in soomaaliya loo diro ciidamo ka qeyb qaata amaanka Wadanka Soomaaliya,ciidamadaas oo ka kala imaanaya Wadamada Ugaandha iyo Suudaan oo horay iyagu ubalan qaaday inay Ciidamo nabad ilaalineed ay ugu yaboohayaan Dowlada Federaaalka ee Soomaaliyeed.Ciidamadii lagu go'aamiyey maalintii shalay shirkaas, ayey si is le'eg ay u qaybsanayaan wadamada Ugaandha iyo Suudaan ,kuwaas oo ka koobnaan doona ilaa 1700 Askari. Dhinaca kale gudoomiyaha Midowga Afrika Alpha Omar Konare oo maalintii shalay khudbad dheer ka jeediyey madashii shirka ayaa ka codsaday Qaramada midoobay inay wadanka Soomaaliya ka qaado cuna qabatayntii dhinaca hubka ee saarnayd ilaa waqtigii ay bur burtay dowladii dhexe ee wadankaasi lahaan jirtay,iyo Qaramada midoobay inay taageero aan kala harlaheyn ay siiyaan dowlada feferaalka ee Soomaaliyeed si ay lugaheeda ugu istaagto. Gudoomiyaha ururka mIdowgga Afrika ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay inaysan sahlaneyn in Ciidamo nabad ilaalineed loo diro wadanka Soomaaliya ayna ku baxayso labada wadan ee hada isu diyaarinaya inay dowlada kala qaybqaataan dhinaca Nabadgelyda ayuu sheegay inay ku baxayso lacag lagu qiyaasay ilaa $100 Milyan oo doolarka maraykanka ah. Cali Maxamed Geedi oo goobtaas ka hadlay ayaa cadeeyey inay wadanka Soomaaliya ay nabadgelyo buuxda ku soo dabaalayaan ilaa 9ka bilood ee fooda nagu soo haysa.Waxuuna ka codsaday Wadamada Afrika iyo Qaramada midoobayba inay ugu yaboohaan Wadanka Soomaaliya taakulaynta xaga Amaanka iyo taageero dhaqaalle oo ay lagarab istaagaan Dowlada cusub ee u dhalatay wadanka Soomaaliya. Cali Maxamed Geedi ayey maalintii shalay u aheyd guushiisii ugu waynayd ee uu aduunweynaha ka hello, Siiba wadamada Afrika, intuu hayey Jagada Raysal Wasaaraha Wadanka Soomaaliya. Puntlandpost,Adis-ababa,Itoobiya
-
The government gets its way- Gains more than the 139 majority:
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ I guess Dayniile maths add up huh Forget it son, the IGAD groups international community and even the BBC/SOMALI section were present at the historic moment when the Somali MP's defied the warlords. Mogadishu has only 50 Mp's they all met Geedi remember. Thats why Shariff was stuck in Nairobi not enough went to Xamar. As for the truth, the cabinet, president and parliment are united... -
Mogadishu/warlord media lash out crazily at anyone..LOSING is BAD
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Horn, unlike me you are sad. For I am happy the cabinet, president and parliment are all singing fropm the same song sheet. What ever, Jini, Jamac, or the ever dumb Sharif say will matter not... As for the warlords I got some news that they have been making noises in Xamar to be given another chance... The game is nearly over, but alas you will stay sad for a while longer. Anyhow I hope you are ok brother Horn, jokes aside... -
Abwan, thanks again for kind words and the duah. I respect any brother who made the above comments. However as I tend to state regularly in this forum. I am a blind support of the nation and of no single man. My support for the gtovernment is simple, I belive if given the chance it will bring a substantial change to the current situation. I see no alternative and do not buy the cries of the few warlords and their confused supporters. Somalia needs a government to take control, in my opinion and the worlds this is the greatest opportunity for us in 15 years. Alao its important people have different opinions and share them. SOL has given us the opportunity to exchange ideas... Sky, lol thanks bro
-
^^^ LOL The last time we spoke you was fighting Oromo, so I was just catching up. Now I guess you will defend the Somali's from the Amxara or whatever excuse your senior JVA group make to try and derial the peace process. Being the President's lacky is much better and rewarding than being Yusuf Inda Cade's tin can Anyhow the topic is that the Parliment pushed through the measure necessery for the restoration of government. Its a good day indeed..
-
Mogadishu/warlord media lash out crazily at anyone..LOSING is BAD
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Golaha wasiirada DFKM ee ku sugan magalada Muqdisho oo sheegey in ay kal soonidii kala noqdeen Ra´´iisal wasaare Geeddi Nairobi Golaha wasiirada ku sugan magalada Muqdisho ayaa kal soonidii kala noqday Ra´´iisal wasare Cali Maxamed geeddi kadib markii war cad uu ka soo baxay xafiiska Ra´´iisal wasare Ku xigeenka DFKM Sifir . Go´´aankaas ayaa lagu sheegay markii ay arkeen sida uu ugu tuntay axdiga Ku meel gaarka ayey ku sheegeen waxii shalay ka dambeeyey in uusan mataleynin ayagoona shegay in in uusan Ra´´iisal wasaare u ahayna ma jiri doonta.wax aan amar ka qadaneynana ay ku soo gabagabeyeen hadalkoodii Hadalkaan ka soo yeray wasiirada Muqdisho ayaa horu dhac u ah bur bur soo wajaha DFKMG ayadoona dhawan la sugaya in kal soonidii laga laabato madaxweynaha meeshasna ay ka bixi doonta rajadii laga lahaa bal in ay wax qabata dowlada gacan ku rimiska ah ee laga unkumay Nairobi Ku noqo beejka -
Mogadishu/warlord media lash out crazily at anyone..LOSING is BAD
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ You seem to suffer from something get help dear lad. 100 MP's can request an emergency meeting, the President can request and if there are more than 139 MP's in any sitting the floor is open. Also the fool tool Sharif was asked by everyone to attend, he obviously for whate ever reason declined every opportunity and therefore the meeting was held, it was attended by 152 MP's who passed the two resolutions. Its legal, accepted and the President's signiture is still is on the paper making it law. The game is over my son. You on the other hand should be happy your man is still a minister -
Mogadishu/warlord media lash out crazily at anyone..LOSING is BAD
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Prof. Dhalxa oo dhabarka ka toogtay hoggaamiyeyaashii USC ee doortay, Guddoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaanno kale oo lagu wado in ay Xamar dhawaan aadaan kadib marka uu guddoomiyaha qabto shir jaraa'id, waliillada Talyaaniga iyo Jaamacadda carabta oo noqday kuwa kali ah oo ka socda beesha caalamka ee ka qeyb galay shirkii shalay ay in ka badan 140 xildhibaan ku ansixiyeen dhowr qodob iyo xildhibaanaddii shalay codeeyay oo xalay ku damaashaadayay guriga madaweyne Yuusuf. Ruunkinet 12/05/05 Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Prof. Dhalxa ayaa dhabarka ka toogtay hoggaamiyeyaashii ka tirsanaa xildhibaannada beesha USC ee u doortay jagada guddomiye ku xigeenka baarlamaanka. Hoggaamiyeyaashan oo ay horboodayeen Maxamed Qanyare, Cismaan Caato iyo Muuse Suudi Yalaxow ayaa horay ballan ula galay xildhibaannada beesha Gaaljecel in ay u dooran doonaan xildhiibaan ka tirsan beeshooda ku xigeenka guddoomiyaha baarlamaanka (Click halkan Riix in kastoo si lama filaan ah saacada ka hor ay uga bexeen ballantii ay saxiixeen ayagoo markaasi daneynayay in beesha Shanaad ay u codeeyaan musharax ka mid ah musharixiintii jagada madaxweynenimada oo ka tiran beesha ****** . Dhinaca kale, guddoomiyaha baarlamaanka xildhibaan Shariif Xasan iyo in ka badan 50 xubnood ayaa lagu wadaa in ay Xamar aadaan dhawaan si ay shir ugu yeeshaan magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin xildhibaanno badan oo ay isku fikrad yihiin kadib marka uu guddoomiyaha baarlamaanka qabto shir ja'raaid oo ku saabsan shirkii ay shalay yeesheen xildhibaannda soo saaray go'aannada ka soo horjeeda garabka guddoomiyaha. Warka ayaa intaasi ku daraya in xildhibaannada shalay isugu yimid kulankii ay ku ansixiyeen dhowrka qodob ay xalay ku damaashaadayeen guriga madaxweyna Cabdullahi Yuusuf degan yahay ayagoo gacmaha is haysta mararka qaar koodna heesayay si ay u muujiyaan guusha ay gaareen oo aan la hubin waxa ay ku dambeyn doonto. Shirkii ay shalay isugu yimaamaadeen xildhibaannadan ayaa waxaa beesha caalamka ka joogay wakiillada Talyaaniyo iyo Jaamacadda carabta u fadhiyay magaalada Nayroobi gaar ahaan arrimaha Soomaaliya. "Mar dhow waxaa la filayaa in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya yeelato laba madaxweyne, laba ra'isul wasaare iyo laba guddoomiye baarlamaan haddii aysan wax ka qaban beesha caalamka arrintan xasaasiga ah ee sii burburineysa dowladda Soomaaliya", ayuu yiri xildhibaan magaciisa qariyay oo aan wax ka weydiinay xaaladda dowladda Soomaaliya ee u qeybsantay labada garab. Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London -
Mogadishu/warlord media lash out crazily at anyone..LOSING is BAD
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Prof. Dalxa oo taariikhda Baal madow ka galay. Minnesotta Prof. Dalxa oo ah nin wax ku soo bartay dakhligii canshuuraha laga soo uruuriyey Shacabka Soomaaliyeed, ee Jaahilnimda iyo saboolnida la ildaran, isla markaana ka mid ahaa dadka ay danyarta soomaaliyeed sida gaarka ah ugu hanweyneyd, ayaa galay qundulka caadaqaatayaasha. waxaan ka mid ahaa dadkii aadka ugu farxay in uu Prof. Dalxa noqdo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka. waxaan Profesorka bartay 1994tii, ka sakow maqal ama kor ka arag, waqti yar kadib Profesorku wuxuu noqday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Dowladdii Jeneral Caydiid. waxaan wax ka waydiiyey sida uu u arko xilkaas iyo sida ay ugu suuro gashay in uu xilkaan ka helo. wuxuu ii sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay oo uusan horey u malaysan in uu helayo xil nuucaan ah. wuxuu kaloo ii sheegay in Shiikh Jaamac Xaaji Xuseen oo markaas ahaa Wasiirka Shaqada iyo Isboortiga aadna ay iskugu dhowaayeen Jen. Caydiid uu sabab u ahaa in Xilkaan loo dhiibo. Profesorku, wuxuu ahaa nin aad iyo aad u degan oo qunyar socod ah, wuxuu aad u jeclaa in laga gudbo qaabka qoqobka ah. wuxuu ku naaloon jiray in ay soo noqoto Muqdishadii uu ku caweyn jiray, barigii uu ku soo biiray Fanka ee Heesaha hirgalay. Profesorku, wuxuu ahaa nin sabool ah, isla markaana ay ka muuqato afgaabni, oo aniga shakhsiyan aan u qaatay in ay ka tahay dhowrsanaansho iyo wanaag jacayl. Doorashadii G/ku/xigeenka Kowaad kadib, waxaa saxaafadduu qortay Profesor Dalxa oo noqday ninka ugu laaluush qaadashada badan Xubnaha Dowladda KMG ah, taasoo aniga aan aad uga carooday oo aan is iri (way ka been sheegayaan mar labaadna aan isku jawaab celiyey oo iri Baahida ayaa u geynaysa), marnaba la ima soo marin in uu ku dhaqaaqi doono wax Sharafkiisa iyo Qaranimada Soomaaliyeed wax u dhimaya ayuu ogaalaanayaa Profesorku. bil caksi waxaa lahaa qabqablayaashu waa ku qaldameen profesorkoo wuxuu noqon doonaa, mid ay ka shalaayaan, hal adaygiisa iyo sharci ku dhaggiddiisa. Haddii uu Profesorku ku adkaysto, ama ku sii jiro wadada uu iminka qaaday wuxuu dhumin doonaa sharaf aysan soo celin karin shilimaad laga qaatay gumayste ama caadaqaatayaal sida ay qabaan xeeldheerayaal badan,waloow shirkii uu qabtay ee sharcidaradda ahaa ku dhamaaday guuldaro kadib markii ay soo xaadiriwaayeen in ka badan 124 Xildhibaan. ugu danbayntii, qofkasta oo soomaali ah ama xil ka haya Dowladda Soomaaliyeed waxay dad badan fariin ahaan ugu gudbinayaan ama kula talinayaan ha u fakarin qaab nolol gaaban ee u fakar qaab nolol dheer. ku fakar markaad duqowdo ama aad tagto meel aan ehelkaa joogin in aad hesho shacab ku jecel iyo Qaran si siman wax kuugu qabta. Muna Cabdikarim MPLS MN USA Waagacusub News -
Idaacadda BBC –da oo ka been sheegtay tiradda Xildhibaanadii ka qeeybgalay shirkii uu Dalxa gudoominayay. Nairobi Idaacadda BBC da laanteeda afka Soomaaliga ayaa si cad uga been sheegtay tiradda Xildhibaanadii ka qeeybgalay shirkii uu gudoominayay ku xigeenka koowaad ee gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cumar Dalxa kadib markii weriye goob joog ka ahaa shirkaas uu marya habaabiyay isagoo shacabka Soomaaliyeed u tebiyay war xaqiiqadda ka fog oo uu ku sheegayo in Xildhibaano gaaraya 145 Xubnood u codeeyeen Ciidamo shisheeye iyo halka Caasimadda noqon doonto. Weriyahaas oo la xaqiijiyay inuu laaluush ka qaatay Xulluffadda Cabdilahi yusuf ayay suxufiyiintii shirkaas goobjooga ka ahayd la yaab ku noqotay kadib markii uu si cad uga been sheegay tirakoob ay si wadajir ah u sameeyeen Suxufiyiintii halkaas ku sugnaa,waxaana la yaab lagu sheekeeysta noqotay kadib markii uu adeegsaday erayadda ah waxaa codeeyay 145 Xildhibaan sida uu ii sheegay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka taas oo dhalisay su'aasha ah miyuu Weriyaha ka maqnaa shirka sidee buu idaacad Caalami ah ku siin karaa war nuucaas ah oo ku dhisan rabitaanka cadawga shisheeye ee Soomaaliya. Midka mid ah Suxufiyiinta oo dibadda u soo baxay intii uu shirka socday ayaa Waagacusub u sheegay in dabaqadda sare ee KICC lagu siinayay Weriyahaas BBC da u waramay lacag dhan kun dollar ,waxaana la arkayay isagoo dadkii hoos dhoobnaa halkaas kala hadlayo oo ku leh ma dhageeysateen BBC-da. Arrintaani ayay aad uga caroodeen Suxufiyiin iyo siyaasiyiin farabadan ,waxayse arrinkaani muujineeysaa sida Idaacadda BBC da qeeybta af Soomaaliga sagxad hoose uga laalaado mar hadii ay noqotay hooyga faafinta wararka xaqiiqadda ka fog. Tusaalooyinka muujinayo sida Weriyahaas xaqiiqadda u hareermaray waxaa ka mid ah kadib markii la weeydiiyay inay jireen dad codka diiday iyo kuwa ka baxay oo uu ka gaabsaday iyadoo la ogaa inay todobo Xildhibaan ku dhex caaytameen hoolka inta uusan shirka furmin ka hor kadibna isaga baxeen. Si kastaba ha ahaatee Xildhibaano badan oo la soo xiriiray Waagacusub ayaa warkaas ku tilmaamay mid dacaayad ah ,waxayna Yusuf Garaad Cumar ugu baaqeen inuu raaligelin ka bixiyo warkaas uu baahiyay. Xildhibaanadda ka soo horjeeda siyaasadda Cabdilahi Yusuf ayaa lagu wadaa inay saakay shir Jaraa'id ku qabtaan Nairobi si ay u soo bandhigaan tiradda ay yahiin iyo inta Xamar ku maqan si ay cadeeyn buuxda uga bixiyaan warkaas BBC da faafisay inuu yahay mid ku dhisan laaluush. Idaacadda BBC da ayaa ahayd mid hore loogu yaqiin la dagaalanka musuqmaasuqa hasse ahaatee hada waxaa muuqato inay la mid noqotay idaacadda FM yada ah ee ka jira Soomaaliya kuwaas oo badankood Weriyaasha iyo maamuloyaasha ka hoowlgala uusan jirin sharci saxaafadeed xadeeya. Dahir Abdulle ALasow Waagacusub News asoj@hotmail.com
-
Brother Abwan many thanks very much for the kind words, I dear say are you a new member .. Somali Patriot are we still rescuing Ceel Waaq from the invaders or helping defend Somalia from Ethiopian incursion. Oh I beg your pardon I mistook you for the senior members of the JVA. Juma and his losses, only last week the PM of Somalia was being welcomed to Mogadishu[even though the warlords snubbed] but the people came in theie thousands. Geedi proved that he is the type of leader we need, he stated clearly the government has a programm and it will not change it for anyone. Anyhow lets do the maths again, 141 and 145 oh my I thought they where all in Xamar… Now that you lost the MP’s what’s left, the 40 or so technical’s , that will only be a mop up job. Pardon me but the Jackal has played his cards brilliantly.
-
Wadamada Carabta & kuwa Laatiin Ameerika oo soo saarey war ku saabsan Soomaaliya Brazilia-12.May.2005 Inta badan wadamada Carabta iyo Latin Ameerika ayaa kulan ay ku yeesheen wadanka Brazil waxay ka soo baxay qodobo ku aadan xaalada wadanka Soomaaliya. Shirweynahan oo ahaa mid ay ka soo qayb galeen wadamo badan ayaa waxaa maanta lagu soo gabagabeeyey Magaaladea Brazilia ee Xarunta Wadanka Brazil. War murtiyeed kulankaasi dhamaadkiisii ay soo saareen Madaxdii ka qayb gashey ayaa waxaa lagu xusey qodobo si gaar ah u quseeya Soomaaliya oo ay ka mid yihiin. 1:In wadamada Afrika ay dadajiyaan qorshaha Hubka looga dhigayo dhamaan Kooxaha kala duwan ee Soomaaliya, si wadanku nabadii ugu soo laabato. 2: In ay tahay lama taabtaan Midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo waliba Madaxbanaanida. 3: In wadamada Carabta iyo kuwa Laastin Ameerika ay si buuxda u taageerayaan dadaalka nabada Soomaaliya. 4: In wadamada Midowga Afrika iyo kuwa Jaamacada Carabta ay ka dhabeeyaan hawsha lagu dhameynayo colaada ka aloosan wadanka Soomaal;iya mudada 14-ka sano ah. Shirweynaha Wadamada Carbta iyo kuwa Laatin Ameerika ayaa waxaa ka qayb galey 34 wadan Masuuliyiin ka socda oo isugu jira Madaxweynayaal, Ra’salwasaarayaal, Boqoro, Wasiiro iyo Hogaamiyaal kala duwan, waxaana waxyaabihii diirsada lagu saarey ka mid ahaa xoojinta xiriirka Iskaashi ee wadamada ku yaal Laatin Ameerika iyo kuwa Carabta. Shirkan ayaa waxaa sidoo kale looga Hadley xaaladaha Falastiin, Ciraaq, Gobolka Darfur, Suuriya iyo xaalada guud ee Caalamka. Farxiyo Cali Xuseen SBC Monitoring.