General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Gen Ismaaciil Qaasim Naaji oo waraysi siiyay Radio Galkacyo ayaa sheegay in haatan ay diyaar yihiin Ciidankii xoogga dalka Soomaaliya qaarkood , qaarna la qori doono isla markaana kuwii horay u jiray lakala sooci doono ayadoo la eegayo xagga da da , Caafimaadka iyo waxyaabo kale. Wuxuu Xusay In Ciidankii hore ee dalka Soomaaliya ay badi duqoobeen hase ahaatee Saraakiisha aan laga maarmi karin laqaadan doono . Qaabka loo qorayo Ciidanka Xoogga dalka ayuu sheegay Gen: Naaji inay noqon doonto laba waji , wajiga koowaad ayuu sheegay in sanadka ugu horeeya la qori doono ciidamo Soomaaliyeed oo gaaraya 10,000 oo askari da dooduna aysan waxbadan ka badnayn 25 sano. Wajiga labaad ayuu sheegay inay sanadka xiga la qaadan doono ayna noqon doonaan 10,000 oo Askari , dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee ka kooabn Afarta beelood iyo Barka ayaa beelohoodu kamid noqon doonaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Mar wax laga waydiiyay Gen: Naaji halka ciidamadaasi fariisin u noqon doonta ayuu sheegay in dhammaan gobollada Puntland iyo Gobollada Dhexe ay Ciidamadooda Fariisin u noqon dooto magaalada Baladwayn, dhammaan ciidamada Jubbooyinka iyo Shabeellooyinkana ay fariisin u noqon doonto Jowhar. Mar wax laga waydiiyay Gen Naaji halka ay kala jiraan Ciidankii Xoogga dalka Soomaaliyeed saraakiishiisii caanka ahaa ayuu sheegay inay ku kala firiqsan yihiin magaalooyinka , Nairobi, Kismaayo, Muqdisho, Baladwayn iyo Gaalkacyo iyo sidoo kale meelo kale oo dalka iyo dibaddaba leh. Mar wax laga waydiiyay halka laga keenayo dhaqaalaha Ciidanka lagu maalgalin doono ayuu sheegay inay jiraan dalal ballan qaaday inay taageero dhaqaale iyo mid hubba bixiyaan waxaana kamid ah dalalkaasi Yaman , wuxuu sheegay in ballanqaadkaasi loo sameeyay Soomaaliya xilli asaga iyo Eng: Xuseen Caydiid wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya ay halkaasi booqdeen. Waxaa uu kalsooni kamuujiyay Naaji in Ciidanka xoogga dalka uu noqdo mid shaqeeya , mar uu kahadlayay kalsooni darada kala gashay Soomaalida ayuu sheegay in dalalka dibadda ee ay booqdaan ay mar walba ku yiraahdaan Haddaad Soomaali tihiin Afka kaliya ayaad kawada hadashaan ee Laabta kama wada hadashaan, waxaa lagaaray ayuu yiri Xilligii Laabta lagawada hadli lahaa oo la is saamixi lahaa. Idamaale News Mohamoud_Hussein@yahoo.co.uk
  2. Wafdi uu horkacayay Ra'iisal Wasaare Geedi oo maanta Jowhar ka degey June 18, 2005 -------------------------------------------------------------------------------- Wafdi balaaran oo laba qaybood ka koobnaa uuna hogaaminayey Ra’isal-wasaaraha dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed Prof.Cali Maxamed Geedi ayaa galabta maqribnimadii ka soo degey garoonka diyaaradaha degmada Jawhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Wafdigan oo ka soo kicitimey garoonka diyaaradaha Wilson ee magaalada Nairobi ayaa socdaalkooda wuxuu qayb ka yahay hawlaha Xukuumada Soomaalidu ay ugu soo guureyso gudaha wadanka. Ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi iyo xubnihii la socdey ayaa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Degmada Jawhar maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ee hoos taga Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere). Wafdigan uu kala socdaalayey laba diyaaradood ayaa waxaa qaybtii hore horkacayey Wasiiru dawlaha Madaxtooyada Qaalid Cali Cumar waxaana ka mid ahaa wasiirka Horumarinta reer Miyiga iyo Daaqa Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo dheere), Wasiiru Dawlaha Dhaqan Celinta iyo Tababarada Maleeshiyooyinka Xasan ***** Yacquub Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Salaad Cali Jeelle Xildhibaan Cabdullaahi Bille, Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Garruun iyo Xildhibaan Maxamed Cismaan Moostaro iyo xubno kale. Wafdiga qaybtiisa labaad oo uu hogaaminayey Ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi oo la socdey diyaaradii labaad ayaa waxay garoonka Jawhar ka soo degeen casir liiqii, waxaana ka mid ahaa wafdigaas Wasiirka Kaluumaysiga Xasan Abshir Faarax, Wasiirka Dastuurka iyo arimaha Federaalka Cabdalla Deerow ***** , Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/risaaq Cismaan Xasan (Jurile), Wasiir ku xigeenka Lacagta Mire Xaaji Faarax, Taliyaha Ciidanka Soomaaliya Gen.Ismaaciil Qaasim Naaji, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Col.Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe), Xildhibaan Maxamed Cabdi Beekoos, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed (Cirro) iyo xubno kale Maxamed Cali Maxamud (Madka) Xafiiska Markacadeey Muqdisho xafiiskamuqdisho@hotmail.com
  3. Wafdi uu horkacayay Ra'iisal Wasaare Geedi oo maanta Jowhar ka degey June 18, 2005 -------------------------------------------------------------------------------- Wafdi balaaran oo laba qaybood ka koobnaa uuna hogaaminayey Ra’isal-wasaaraha dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed Prof.Cali Maxamed Geedi ayaa galabta maqribnimadii ka soo degey garoonka diyaaradaha degmada Jawhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Wafdigan oo ka soo kicitimey garoonka diyaaradaha Wilson ee magaalada Nairobi ayaa socdaalkooda wuxuu qayb ka yahay hawlaha Xukuumada Soomaalidu ay ugu soo guureyso gudaha wadanka. Ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi iyo xubnihii la socdey ayaa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Degmada Jawhar maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ee hoos taga Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere). Wafdigan uu kala socdaalayey laba diyaaradood ayaa waxaa qaybtii hore horkacayey Wasiiru dawlaha Madaxtooyada Qaalid Cali Cumar waxaana ka mid ahaa wasiirka Horumarinta reer Miyiga iyo Daaqa Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo dheere), Wasiiru Dawlaha Dhaqan Celinta iyo Tababarada Maleeshiyooyinka Xasan ***** Yacquub Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Salaad Cali Jeelle Xildhibaan Cabdullaahi Bille, Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Garruun iyo Xildhibaan Maxamed Cismaan Moostaro iyo xubno kale. Wafdiga qaybtiisa labaad oo uu hogaaminayey Ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi oo la socdey diyaaradii labaad ayaa waxay garoonka Jawhar ka soo degeen casir liiqii, waxaana ka mid ahaa wafdigaas Wasiirka Kaluumaysiga Xasan Abshir Faarax, Wasiirka Dastuurka iyo arimaha Federaalka Cabdalla Deerow ***** , Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/risaaq Cismaan Xasan (Jurile), Wasiir ku xigeenka Lacagta Mire Xaaji Faarax, Taliyaha Ciidanka Soomaaliya Gen.Ismaaciil Qaasim Naaji, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Col.Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe), Xildhibaan Maxamed Cabdi Beekoos, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed (Cirro) iyo xubno kale Maxamed Cali Maxamud (Madka) Xafiiska Markacadeey Muqdisho xafiiskamuqdisho@hotmail.com
  4. Jowhar: Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Faah Faahin kabixiyay Qodobbo Muhiim ah oo laxiriira Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed - Sunday, June 19, 2005 at 08:11 Jowhar(AllPuntland)-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen: Ismaaciil Qaasim Naaji ayaa faah faahin dheeraad ah kabixiyay Qaabka ay u shaqayn doonaan Ciidanka Xoogga dalka, qaabka loo qoranayo , tirada ay noqon doonaan iyo halka laga helayo taakulada Ciidanka. Gen: Ismaaciil Qaasim Naaji oo waraysi siiyay Radio Galkacyo ayaa sheegay in haatan ay diyaar yihiin Ciidankii xoogga dalka Soomaaliya qaarkood , qaarna la qori doono isla markaana kuwii horay u jiray lakala sooci doono ayadoo la eegayo xagga da'da , Caafimaadka iyo waxyaabo kale. Wuxuu Xusay In Ciidankii hore ee dalka Soomaaliya ay badi duqoobeen hase ahaatee Saraakiisha aan laga maarmi karin laqaadan doono . Qaabka loo qorayo Ciidanka Xoogga dalka ayuu sheegay Gen: Naaji inay noqon doonto laba waji , wajiga koowaad ayuu sheegay in sanadka ugu horeeya la qori doono ciidamo Soomaaliyeed oo gaaraya 10,000 oo askari da'dooduna aysan waxbadan ka badnayn 25 sano. Wajiga labaad ayuu sheegay inay sanadka xiga la qaadan doono ayna noqon doonaan 10,000 oo Askari , dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee ka kooabn Afarta beelood iyo Barka ayaa beelohoodu kamid noqon doonaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Mar wax laga waydiiyay Gen: Naaji halka ciidamadaasi fariisin u noqon doonta ayuu sheegay in dhammaan gobollada Puntland iyo Gobollada Dhexe ay Ciidamadooda Fariisin u noqon dooto magaalada Baladwayn, dhammaan ciidamada Jubbooyinka iyo Shabeellooyinkana ay fariisin u noqon doonto Jowhar. Mar wax laga waydiiyay Gen: Naaji halka ay kala jiraan Ciidankii Xoogga dalka Soomaaliyeed saraakiishiisii caanka ahaa ayuu sheegay inay ku kala firiqsan yihiin magaalooyinka , Nairobi, Kismaayo, Muqdisho, Baladwayn iyo Gaalkacyo iyo sidoo kale meelo kale oo dalka iyo dibaddaba leh. Mar wax laga waydiiyay halka laga keenayo dhaqaalaha Ciidanka lagu maalgalin doono ayuu sheegay inay jiraan dalal ballan qaaday inay taageero dhaqaale iyo mid hubba bixiyaan waxaana kamid ah dalalkaasi Yaman , wuxuu sheegay in ballanqaadkaasi loo sameeyay Soomaaliya xilli asaga iyo Eng: Xuseen Caydiid wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya ay halkaasi booqdeen. Waxaa uu kalsooni kamuujiyay Naaji in Ciidanka xoogga dalka uu noqdo mid shaqeeya , mar uu kahadlayay kalsooni darada kala gashay Soomaalida ayuu sheegay in dalalka dibadda ee ay booqdaan ay mar walba ku yiraahdaan Haddaad Soomaali tihiin Afka kaliya ayaad kawada hadashaan ee Laabta kama wada hadashaan, waxaa lagaaray ayuu yiri Xilligii Laabta lagawada hadli lahaa oo la is saamixi lahaa. CC.Farayaamo AllPuntland
  5. ^^^ I hear he will arrive on the 22 June when he finishes his trip in Yemen..
  6. ^^^ I hear he will arrive on the 22 June when he finishes his trip in Yemen..
  7. Geedi iyo Wafdigii la Socday oo Dhowaan Magaalada Jawhar ka Degay Liibaan Cali Cali Maxamed geeddi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta 5:30 xilliga geeska Africa ka degey garoonka diyaaradaha ee magaalada jowhar ee xarunta gobolka shabeellada dhexe. Wafdiga ra'iisuwasaraha ayaa la socday labo diyaaradood oo mid ka mid ah oo xildhibaanno iyo wasiirro saarnaayeen ay soo gaartay garoonka jowhar 5:20, taasoo ay la socdeen wasiirro siddeed ah oo uu ka mid yahay wasiirka kalluumaysiga iyo badda Xasan Abshir Faarax. Wafidgan dowldda ka socda waxaa garoonka diyaaradaha magaalada jowhar ku soo dhaweeyay xubno uu hor kacayay Maxamed dheere oo isagu garooka tagay wax yar ka hor markii wafdigu soo gaareen ka dib markii uu xaqiiqsaday in imaatinka Geedi uu dhab yahay. Soo dhawaynta dadka ayaa ahayd mid ka yar sidii horay loo arki jiray,waxana qaar ka mid ah dadka reer Jowhar oo aan la xiriirnay sheegeen in aanay u bareeri karin waxa ay ugu yeereen lug-gooyo la mid ah tii ay la kulmeen maalinkii dhawayd ee ay garoonka diyaaradaha saacado badan ku sugayeen madaxwayne c/laahi yuusuf oo markii dambena duullimaaadkii diyaaraddiisa loo weeciyay dhinaca magaalada jabuuti.
  8. Geedi iyo Wafdigii la Socday oo Dhowaan Magaalada Jawhar ka Degay Liibaan Cali Cali Maxamed geeddi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta 5:30 xilliga geeska Africa ka degey garoonka diyaaradaha ee magaalada jowhar ee xarunta gobolka shabeellada dhexe. Wafdiga ra'iisuwasaraha ayaa la socday labo diyaaradood oo mid ka mid ah oo xildhibaanno iyo wasiirro saarnaayeen ay soo gaartay garoonka jowhar 5:20, taasoo ay la socdeen wasiirro siddeed ah oo uu ka mid yahay wasiirka kalluumaysiga iyo badda Xasan Abshir Faarax. Wafidgan dowldda ka socda waxaa garoonka diyaaradaha magaalada jowhar ku soo dhaweeyay xubno uu hor kacayay Maxamed dheere oo isagu garooka tagay wax yar ka hor markii wafdigu soo gaareen ka dib markii uu xaqiiqsaday in imaatinka Geedi uu dhab yahay. Soo dhawaynta dadka ayaa ahayd mid ka yar sidii horay loo arki jiray,waxana qaar ka mid ah dadka reer Jowhar oo aan la xiriirnay sheegeen in aanay u bareeri karin waxa ay ugu yeereen lug-gooyo la mid ah tii ay la kulmeen maalinkii dhawayd ee ay garoonka diyaaradaha saacado badan ku sugayeen madaxwayne c/laahi yuusuf oo markii dambena duullimaaadkii diyaaraddiisa loo weeciyay dhinaca magaalada jabuuti.
  9. Qaar kamida Madaxda Sarsare ee DFKS oo si hufan uga degay Magaalada Jowhar Posted to the Web Jun 18, 20:46 Raysal wasaaraha DFKS Mudane.Cali M.Geedi oo hogaaminaya wafdi aad u balaaran ayaa waxay ka degeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar.Wafdigan uu horkacayey Raysal wasaaraha Soomaaliya Cali Maxmed Geedi oo ka koobnaa 18 xubnood ayaa dhamaantood waxay ku sugan yihiin Magaalada Jowhar. Diyaaradii ugu horaysay ee ka degta Magaalada Jowhar ayaa waxaa saaraa Xubno isugu jiray Labada Gole oo ka koobnaa 8 Xubnood ,ayaa waxaa kamid ahaa: 1-Khaalid Cumar Cali Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada 2-Salaad Cali Jeelle Wasiir ku xigeenka Warfaafinta 3-Xasan ***** Yacquub Xildhibaan 4-Cabdullaahi Bile Xildhibaan 5- Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmo dheere)wasiirka Horumarinta reer Miyiga iyo Daaqa iyo xubno kale . Ra'iisal wasaaraha Xukuummadda FKMG ah oo ahaa Raacii labaad ee ka dhoofa Garoonka Wilson Airport ayaa waxaa socdaalkiisa waxaa ku weheliyey Xubno ka koobnaa labada Gole ee Dawladdda oo gaarayey 10 Xubnood,wuxuuna ahaa wafdihii ugu cuslaa ee ka dega garoonka Magaalada Jowhar kuwaasoo ay ka mid ahaayeen: 1-Cali Maxamed Geedi Raysal wasaaraha Soomaaliya 2-Xasan Abshir Faarax Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda 3-C/risaaq Cismaan Xasan Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah 4-Cabdalla Deerow ***** Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka 5-Mire Xaaji Faarax Wasiir ku xigeenka Lacagta 6-Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Jen.Ismaaciil Qaasim Naaji 7-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cali Maxamed Xasan iyo xubno kale oo badan Magaalada Jowhar ayaa si fiican loogu soo dhoweeyey labadii wufuud ee halkaas ka kala degay,waxayna shacabka magaaladasi ay u ruuxayeen caleemo qoyan iyo calanka Soomaaliyeed oo ay dadku la safnaayeen magaalada jidadkeeda. Si kastaba ha'ahaatee Maanta ayey u suurta gashay qaar kamida madaxda Soomaaliyeed inay dib ugu soo laabtaan Wadanka Soomaaliya kadib markii uu dhamaaday khilaafkii weynaa ee u dhaxeeyey qaar kamida madaxda Soomaaliyeed,khilaafkaas oo looga gudbay jid siyaasadeed. Warar hoose ayaa iyagana sheegaya in Madaxweynaha Federaalka ee Soomaaliyeed Col.C/laahi Yuusuf Axmed oo ku soo beegan yahay Magaalada Jowhar Asbuucan horaantiisa ,isagoo wadanka dibadiisa ugu baxay kulano caalami ahaa oo ka dhacayey wadanka Qadar. Madaxweynaha wadanka Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa hada waxay kusugan yihiin Wadanka Yemen, kadib markii Casuumad ay ka heleen Madaxdweynaha Wadankaasi Saalax Cadala Saalax,halkaas oo uu ku dhex-dhexaadinayo labadan masuul. Puntlandpost.com
  10. Qaar kamida Madaxda Sarsare ee DFKS oo si hufan uga degay Magaalada Jowhar Posted to the Web Jun 18, 20:46 Raysal wasaaraha DFKS Mudane.Cali M.Geedi oo hogaaminaya wafdi aad u balaaran ayaa waxay ka degeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar.Wafdigan uu horkacayey Raysal wasaaraha Soomaaliya Cali Maxmed Geedi oo ka koobnaa 18 xubnood ayaa dhamaantood waxay ku sugan yihiin Magaalada Jowhar. Diyaaradii ugu horaysay ee ka degta Magaalada Jowhar ayaa waxaa saaraa Xubno isugu jiray Labada Gole oo ka koobnaa 8 Xubnood ,ayaa waxaa kamid ahaa: 1-Khaalid Cumar Cali Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada 2-Salaad Cali Jeelle Wasiir ku xigeenka Warfaafinta 3-Xasan ***** Yacquub Xildhibaan 4-Cabdullaahi Bile Xildhibaan 5- Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmo dheere)wasiirka Horumarinta reer Miyiga iyo Daaqa iyo xubno kale . Ra'iisal wasaaraha Xukuummadda FKMG ah oo ahaa Raacii labaad ee ka dhoofa Garoonka Wilson Airport ayaa waxaa socdaalkiisa waxaa ku weheliyey Xubno ka koobnaa labada Gole ee Dawladdda oo gaarayey 10 Xubnood,wuxuuna ahaa wafdihii ugu cuslaa ee ka dega garoonka Magaalada Jowhar kuwaasoo ay ka mid ahaayeen: 1-Cali Maxamed Geedi Raysal wasaaraha Soomaaliya 2-Xasan Abshir Faarax Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda 3-C/risaaq Cismaan Xasan Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah 4-Cabdalla Deerow ***** Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka 5-Mire Xaaji Faarax Wasiir ku xigeenka Lacagta 6-Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Jen.Ismaaciil Qaasim Naaji 7-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cali Maxamed Xasan iyo xubno kale oo badan Magaalada Jowhar ayaa si fiican loogu soo dhoweeyey labadii wufuud ee halkaas ka kala degay,waxayna shacabka magaaladasi ay u ruuxayeen caleemo qoyan iyo calanka Soomaaliyeed oo ay dadku la safnaayeen magaalada jidadkeeda. Si kastaba ha'ahaatee Maanta ayey u suurta gashay qaar kamida madaxda Soomaaliyeed inay dib ugu soo laabtaan Wadanka Soomaaliya kadib markii uu dhamaaday khilaafkii weynaa ee u dhaxeeyey qaar kamida madaxda Soomaaliyeed,khilaafkaas oo looga gudbay jid siyaasadeed. Warar hoose ayaa iyagana sheegaya in Madaxweynaha Federaalka ee Soomaaliyeed Col.C/laahi Yuusuf Axmed oo ku soo beegan yahay Magaalada Jowhar Asbuucan horaantiisa ,isagoo wadanka dibadiisa ugu baxay kulano caalami ahaa oo ka dhacayey wadanka Qadar. Madaxweynaha wadanka Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa hada waxay kusugan yihiin Wadanka Yemen, kadib markii Casuumad ay ka heleen Madaxdweynaha Wadankaasi Saalax Cadala Saalax,halkaas oo uu ku dhex-dhexaadinayo labadan masuul. Puntlandpost.com
  11. Ra’isalwasaaraha DFKMG ah & Wafdi uu hogaaminayo oo galabta ka soo degay Jawhar Jawhar-18.June.2005 Wafdi balaaran oo laba qaybood ka koobnaa uuna hogaaminayey Ra’isalwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Prof.Cali ayaa galabta maqribnimadii waxay ka soo degeen garoonka diyaaradaha degmada Jawhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Wafdigan oo ka soo kicitimey garoonka diyaaradaha Wilson ee magaalada Nairobi ayaa socdaalkooda wuxuu qayb ka yahay hawlaha Xukuumada Soomaalidu ay ugu soo guureyso gudaha wadanka. Ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi iyo xubnihii la socdey ayaa waxaa siheer sare ah ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Degmada Jawhar maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ee hoos taga Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheer. Wafdigan uu kala socdaalayey laba dayuuradood ayaa waxaa qaybtii hore horkacayey Wasiiru dawlaha Madaxtooyada Qaalid Cali Cumar waxaana ka mid ahaa wasiirka Horumarinta reer Miyiga iyo Daaqa Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmo dheere), Wasiiru Dawlaha Dhaqan Celinta iyo Tababarada Maleeshiyooyinka Xasan ***** Yacquub Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Salaad Cali Jeelle Xildhibaan Cabdullaahi Bille, Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Garruun iyo Xildhibaan Maxamed Cismaan Moostaro iyo xubno kale. Wafdiga qaybtiisa labaad oo uu hogaaminayey Ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi oo la socdey diyaaradii labaad ayaa waxay garoonka Jawhar ka soo degeen casir liiqii, waxaana ka mid ahaa wafdigaas Wasiirka Kaluumaysiga Xasan Abshir Faarax, Wasiirka Dastuurka iyo arimaha Federaalka Cabdalla Deerow ***** , Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/risaaq Cismaan Xasan (Jurile), Wasiir ku xigeenka Lacagta Mire Xaaji Faarax, Taliyaha Ciidanka Soomaaliya Gen.Ismaaciil Qaasim Naaji, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Col.Cali Maxamed Xasan(Cali Madoobe), Xildhibaan Maxamed Cabdi Beekoos, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed (Cirro) iyo xubno kale Axmed Xasan Mahad SBC Jawhar.
  12. Ra’isalwasaaraha DFKMG ah & Wafdi uu hogaaminayo oo galabta ka soo degay Jawhar Jawhar-18.June.2005 Wafdi balaaran oo laba qaybood ka koobnaa uuna hogaaminayey Ra’isalwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Prof.Cali ayaa galabta maqribnimadii waxay ka soo degeen garoonka diyaaradaha degmada Jawhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Wafdigan oo ka soo kicitimey garoonka diyaaradaha Wilson ee magaalada Nairobi ayaa socdaalkooda wuxuu qayb ka yahay hawlaha Xukuumada Soomaalidu ay ugu soo guureyso gudaha wadanka. Ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi iyo xubnihii la socdey ayaa waxaa siheer sare ah ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Degmada Jawhar maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ee hoos taga Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheer. Wafdigan uu kala socdaalayey laba dayuuradood ayaa waxaa qaybtii hore horkacayey Wasiiru dawlaha Madaxtooyada Qaalid Cali Cumar waxaana ka mid ahaa wasiirka Horumarinta reer Miyiga iyo Daaqa Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmo dheere), Wasiiru Dawlaha Dhaqan Celinta iyo Tababarada Maleeshiyooyinka Xasan ***** Yacquub Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Salaad Cali Jeelle Xildhibaan Cabdullaahi Bille, Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Garruun iyo Xildhibaan Maxamed Cismaan Moostaro iyo xubno kale. Wafdiga qaybtiisa labaad oo uu hogaaminayey Ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi oo la socdey diyaaradii labaad ayaa waxay garoonka Jawhar ka soo degeen casir liiqii, waxaana ka mid ahaa wafdigaas Wasiirka Kaluumaysiga Xasan Abshir Faarax, Wasiirka Dastuurka iyo arimaha Federaalka Cabdalla Deerow ***** , Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/risaaq Cismaan Xasan (Jurile), Wasiir ku xigeenka Lacagta Mire Xaaji Faarax, Taliyaha Ciidanka Soomaaliya Gen.Ismaaciil Qaasim Naaji, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Col.Cali Maxamed Xasan(Cali Madoobe), Xildhibaan Maxamed Cabdi Beekoos, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed (Cirro) iyo xubno kale Axmed Xasan Mahad SBC Jawhar.
  13. Ra’isul wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo wafdi uu hogaaminayo oo maqribkii ka soo dagay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhaxe. June 18, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Ra’isal wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo xubna ka tirsan labada golle ee dowladda Fedraaliga Soomaaliya ayaa maqribnimadii caawa waxa ay soo gaareen magaalada Jowhar. Ra’isul wasaaraha inta aanay soo dagin diyaaraddii sidday waxaa ka soo horeysay diyaarad sidday xubna ka tirsan labada gole ee dowladda fedraaliga Soomaaliya oo ka koobnaa Sideed xubnood oo ay ka mid ahaayeen wasiiru dowlaha madaxtooyada dowladda fedraaliga Soomaaliya Dr. Khaalid Cumar Cali, Wasiirka horumarinta Reer miyiga Maxamed Maxamud Guuleed “Gacma dheere†iyo xubna kale. Ra’isul wasaare Geedo oo isagana diyaaraddii waday ay iyadana soo cagadhigatay magaalada Jowhar 30 daqiiqo kaddib ayaa waxaa ka mid ahaa xubnihii la socday Wasiirka Kaluumeysiga iyo qeyraadka Badda Xasan Abshir Faarax. Ra’isul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa markii ay soo gaareen magaalada Jowhar waxa ay tageen xarun loogu talagalay oo ay ku qaabilayeen siyaasiinta iyo waxgaradka magaalada Jowhar. Wararka kale ee ka soo baxaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in tagitaanka Ra’isul wasaaraha dowladda fedraaliga Soomaaliya iyo xubnaha labada gole ay hordhac u tahay madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo la filayo labada maalmood ee soo socota in uu soo gaaro magaalada Jowhar. Ra’isul wasaare Geeddi oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi waxa uu sheegay in uu ka tagay magaalada Nairobi aanu dib dambe ugu soo laabaneen isagoo intaa ku daray in xubnaha labada gole ay kala tagayaan deegaanadii ay ka yimaadeen iyagoo bilow u ah sidii ay u nabadeyn lahaayeen deegaanada ay ka soo jeedaan iyo gobolada dalka guud ahaan. Todobaad ka hor ayey ahyed markii Guddoomiyaha guddiga siyaasadda gobolka Sh/dhaxe Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere uu sheegay in magaalada Jowhar aanay dowladdu ku nagaan karin maadaama ay tahay magaalo aad u yar. Maxamed Dheer ayaa sheegay in loo baahan yahay sida uu Ra’isul wasaare Geeddi sheegay in magaalada Muqdisho dowladdu tagto anaguna sidaa ayaan raali ka nahay. Dowladda Kenya ayaa u qabatay xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Nairobi ilaa 22-ka bishan inay uga ambabaxaan dalka Kenya haddii kale ay ku dhici doonto in la qabto ama sharci ay sameystaan --------------------------------------------------------------------------------
  14. Ra’isul wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo wafdi uu hogaaminayo oo maqribkii ka soo dagay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhaxe. June 18, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Ra’isal wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo xubna ka tirsan labada golle ee dowladda Fedraaliga Soomaaliya ayaa maqribnimadii caawa waxa ay soo gaareen magaalada Jowhar. Ra’isul wasaaraha inta aanay soo dagin diyaaraddii sidday waxaa ka soo horeysay diyaarad sidday xubna ka tirsan labada gole ee dowladda fedraaliga Soomaaliya oo ka koobnaa Sideed xubnood oo ay ka mid ahaayeen wasiiru dowlaha madaxtooyada dowladda fedraaliga Soomaaliya Dr. Khaalid Cumar Cali, Wasiirka horumarinta Reer miyiga Maxamed Maxamud Guuleed “Gacma dheere†iyo xubna kale. Ra’isul wasaare Geedo oo isagana diyaaraddii waday ay iyadana soo cagadhigatay magaalada Jowhar 30 daqiiqo kaddib ayaa waxaa ka mid ahaa xubnihii la socday Wasiirka Kaluumeysiga iyo qeyraadka Badda Xasan Abshir Faarax. Ra’isul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa markii ay soo gaareen magaalada Jowhar waxa ay tageen xarun loogu talagalay oo ay ku qaabilayeen siyaasiinta iyo waxgaradka magaalada Jowhar. Wararka kale ee ka soo baxaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in tagitaanka Ra’isul wasaaraha dowladda fedraaliga Soomaaliya iyo xubnaha labada gole ay hordhac u tahay madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo la filayo labada maalmood ee soo socota in uu soo gaaro magaalada Jowhar. Ra’isul wasaare Geeddi oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi waxa uu sheegay in uu ka tagay magaalada Nairobi aanu dib dambe ugu soo laabaneen isagoo intaa ku daray in xubnaha labada gole ay kala tagayaan deegaanadii ay ka yimaadeen iyagoo bilow u ah sidii ay u nabadeyn lahaayeen deegaanada ay ka soo jeedaan iyo gobolada dalka guud ahaan. Todobaad ka hor ayey ahyed markii Guddoomiyaha guddiga siyaasadda gobolka Sh/dhaxe Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere uu sheegay in magaalada Jowhar aanay dowladdu ku nagaan karin maadaama ay tahay magaalo aad u yar. Maxamed Dheer ayaa sheegay in loo baahan yahay sida uu Ra’isul wasaare Geeddi sheegay in magaalada Muqdisho dowladdu tagto anaguna sidaa ayaan raali ka nahay. Dowladda Kenya ayaa u qabatay xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Nairobi ilaa 22-ka bishan inay uga ambabaxaan dalka Kenya haddii kale ay ku dhici doonto in la qabto ama sharci ay sameystaan --------------------------------------------------------------------------------
  15. Insha Allah I will relocate real soon. Somalia is my home and I have been away from it for two decades now. However the West will continue to have an important place in my life, in terms of business and other interest it will be crucial for a very long time. But yes going back is the plan.
  16. BANNAANBAX WEYN OO LAGU TAAGEERAYO HESHIIS KAMA DAMBEYS AH OO MAANTA KA DHACAY BELED WEYNE Beled Weyne, June 17, 2005 (HOL) - Kaddib markii ay si fool ka foolka isu soo horfariisteen odayaashii beelihii dhowaan ku dagaalamay xaafadda Howl wadaag ee degmadan beled weyne, ayaa waxay si buuxda uga heshiiyeen khilaafkii u dhexeeyay labada beelood. Dhexdhexaadinta beelahan oo ay hormuud ka ahaayeen Ugaasyada, Odayaal dhaqameedyada iyo qaar ka mid ah ganacstada reer Hiiraan ayaa waxay si weyn xil isaga saareen sidii looga miro dhalin lahaa heshiiskan. Labada beelood oo laysa soo horfariisayay ayaa waxay si wada jir ah uga codsadeen guddiga dhexdhexaadinta bal in marka hore ay ayagu wadahadlaan, kaddibna waxyaabaha ay isku mari waayaan uu guddigu uga garsooro. Kaddib labada beelood markii ay maalin dhan wada hadlayeen ayaa waxay soo saareen hal qodob oo ay ku soo afjareen colaaddii dhextiillay, qodobkaas oo ah. 1. In ay beel waliba u cafiso beesha kale wax kasta oo khasaare ah oo ka soo gaaray dagaalka dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeedba oo aysan jirn beel wax u raacata beesha kale. Intaa dabadeed, waxa la furay suuqyadii xaafadda howl wadaag, dadkuna si caadi ah isu dhexmarayay, maalintii shalayto ahayd ayaana laga saxiixay beel walba heshiika ay gaareen, waxana lagu mariyay dhaar, beel walbana halkaas waxa lagu guddoonsiiyay kitaabka quraanka ah. Haddaba manta ayaa fagaaraha weyn ee ku yaalla xaafadda howl wadaag lagu sameeyay xaflad weyn oo lagu soo afmeerayo heshiiskan oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u farabadan. Dadkii halkaas ka hadlay ayaa dhammaantood waxay fekerkooda ku cabireen sida ay xun yihiin dagaaladan micno darrada ah, waxayna uga digeen inaysan shacabka u horseedin burbur dambe. Markaa kaddib, waxay halkaas labad beelood ku gowraceen 4 subeynood oo ay Soomalidu u taqaanno "Sumal iyo Subayn" taasoo lagu micneeyay inay si dhab ah oo kama dambeys ah ay u qaateen heshiiska beelahan. Intaa kaddib, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo soo gebegebeeyay shirkii manta ayaa marka hore waxa uu uga tacsiyadeeyay qoyskii uu ka dhashay wiil dhallin yaro ah oo ka mid ahaa ciidanka nadab ilaalinta oo habeen hore halkaas ku lagu dilay kuna geeriyooday oo aanan la garanayn illaa iyo hadda cidii dishay. Ugaaska ayaa waxa uu uga mahad celiyay sidii wanaagsanyd ee ay beeluhu u qaateen waanada ugana oggolaadeen in ay wada hadlaan, waxana uu sheegay inay sharaf weyn u tahay iyo guul u soo hoyatay reer Hiiraan heshiiskan waxana uu ugu baaqay Ugaaska meelaha ay colaaddu ka socoto ee dalka gudihisa ah ay joojiyaan colaadda ayna wadahadlaan. Ugu dambeytiina waxay dhammaan dadkii saakay isugu yimid oo ay horkacayeen Ugaasyadu halkaas socod ka soo bilaabeen fagaarahaas kuna soo dhex wareegeen dhammaan xaafadda howlwadaag, dadweynahana ay ka muuqatay farxad iyo reyn reyn. Isu soo baxa maanta ayaa ku dhammaday jawi farxadeed.
  17. ^^^ lol lies will only come back to haunt you dear boy. Its like the pot calling the kettle black, all you have to do is look closer to home and you shall see the real con-men, Afweyne lackeys and looters but alas you are blinded by envy and clan hatred.
  18. ^^^So you are not familiar with the background of the gentlemen in question? Alas you must be one of those gullible individuals who take the words of dayniile.com and the like as gospel….
  19. ^^^ Good points made, however Bossaso stability will not change because of this criminal act. Indeed Puntland suffers greatly as like other parts due to the prolifiration of small arms. However the leadership its best and must be supported. Anyhow good topic and an important issue for everyone. How to get these wepons away from the general public.
  20. ^^^ Indeed it seesm that way. As for Juma comment and dayniile's desperation. lol the gentlemen you highlighted faced greater obsticles and stronger men than the splintered warlords and their failed tool. Keep up the good work
  21. Saraakiishii hore ee Booliska oo Muqdisho kusugan ayaa iska fogeeyay howlaha ay Muqdisho ka wadaan xubnaha labada Gole, Waxa ayna sheegeen in aan Booliska xiriirna lala samayn shaqana ku lahayn waxa ka socda Magaalada kuna tilmaamay in aysan xubnahan hows Posted by webmaster on Thursday, June 16, 2005 - 03:42 AM In ka badan 300 oo ka mida Saraakiisha sare ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed kuna sugan Muqdisho ayaa maanta shir ay ku yeesheen Dugsiga sare ee Booliska Muqdisho uga dhawaaqay inaysan waxba kala socon howlaha nabadeynta ah ee ka socda Muqdisho, ayna wadaan xubnaha labada Gole, waxayna sheegeen inaan Booliska wax xiriir ah lala sameyn qeybna ka ahayn arrimaha socda. Saraakiishan oo ay hormuud u ahaayeen Jen. Cusmaan Gasgas, Jen. Maxamed Warsame Dhooley ayaa sheegay in ciidamada Boolisku diyaar u yihiin sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen nabad soo celinta, iyadoo si cad u sheegay inay isu diyaarinayaan soo dhoweynta Raysal wasaaraha iyo wafdiga la socda ee ku soo fool leh Muqdisho. Jen. Dhooley ayaa caddeeyay inay aqoonsan yihiin taliyaha ciidamada Booliska ee uu magacaabay Raysal wasaare Geedi ninka lagu magacaabo Cali Madoobe, wuxuuna sii raaciyay inuusan isagu wax aqoon ah u lahayn ninkaasi, balse uu raacayo sida sharcigu yahay. Waxa ayna intaas ku dareen in ay fowdo tahay waxa xubnaha labada Gole ee uu Hogaaminayo Shariifku ay ka hayaan Magaalada Muqdisho. Idamaale News Mohamoud_hussein@yahoo.co.uk
  22. Hoteelada Muqdisho qaarkood oo loo diyaarinayo Xunbaha labada gole ee dhawaan Muqdisho imaanaya Posted to the Web Jun 15, 21:44 Muqdisho:-Gudigii loo xilsaaray soo dhaweynta Xubnaha dowladda oo uu hormuudka u yahay R/wasaare Cali Maxamed Geeddi, ayaa maanta kormeer howleyd ku tagay qaar ka mid ah hoteelada Magaalada Muqdisho, si ay ugu diyaariyaan xubnahaasi meel ay degaan. Hoteelada ay maanta booqdeen guddiga ayaa waxaa ka mid ah Hotelada Ramadan,Kaah,iyo Lafweyn oo dhammaantood ku yaala Waqooyiga Magaalada Muqdisho , waxayna wararka qaar sheegayaan inay R/Wasaaraha u diyaarinayaan hotelka Ramadan. Kormeerka Gudigan ayaa ku soo beegnay xilli wararka laga helayo magaalada Nairobi ay sheegayaan inuu dib u dhac ku yimid safarkii la filayey in xubno ka tirsan Dowladda ee uu hogaaminayo R/wasaare Geeddi ay maalinta khamiista ah ku yimaadaan Magaalada Muqdisho, sababo lagu micneeyey inuu Geeddi kulamo la yeelanayo Dublamaasiyiin ka kala socda dalalkii deeqda ku bixiyey shirkii Soomaalida mudadii uu socday. Dhinaca kale waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray xildhibaan Hilowle Imaam Cumar iyo Profiser Afrax, oo iyagu ka tirsanaa xildhibaanadii ku fikirka ahaa Madaxweyne C/laahi yuusuf iyo R/Wasaare Cali Maxamed Geeddi. C/risaaq C/laahi Maxamed Puntlandpost,Mugadishu,Soomaaliya
  23. Hotelka Ramadaan oo loo diyaarinayo inay ku soo degaan Xubnaha Labada Gole ee uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi Hotelka Ramadaan oo ka mid ah Hoteelada waa weyn ee ku yaala magaalada muqdisho ayaa sida hadda muuqata waxaa loo diyaariyay inuu ku soo dego Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi oo maalinta sabtida imaan doono magaalada muqdisho in kastoo Safarka Ra’iisal Wasaaraha oo khamiista la filayay uu dib u dhac ku yimid. Guddiga soo dhaweynta Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee dhawaan ay magacabeen xubnaha Labada Gole ku sugan magaalada muqdisho ayaa saaka waxay tageen Hotelka Ramadaan,waxayna halkaasi kula kulmeen madaxda Hotelka,iyagoo ka wada hadlay qaabkii loo dejin lahaa Ra’iisal wasaaraha iyo Wafdiga la socda. Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Cumar Finish ayaa sheegay in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi la dejin doona Hotelka Ramadaan, sidoo kale xubnaha Labada Gole inta badan waxay deegaan u noqon doontaa buu yiri Cumar Finish Hotelka Ramadaan. Dhinaca kale 100 Saraakiisha Booliska Soomaaliyed shir ay maanta ku yeeshen Dugsiga Tababarka Booliska Muqdisho ayaa waxay sheegeen inay taageersan yihiin Taliyaha Cusub ee Booliska Soomaaliyed ee dhawaan uu Magacabay Ra’iisal wasaare Geeddi. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
  24. Nairobi:Isdiiwaan gelin ka socota xafiiska Ra'iisal Wasaaraha oo ku saabsan dib u guuritaanka iyo guddi heer qaran ah oo loo xilsaaray qorshahaas - Thursday, June 16, 2005 at 11:14 Nairobi(AllPuntland)-Tan iyo intii la soo afjaray shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida oo xafladdii xiritaankaasi ay ka dhacday aqalka madaxtooyada dalka Kenya 13kii bishan ayaa waxaa ka socdey xafiiska Ra'iisal Wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya ee magaalada Nairobi isdiiwaan gelin la xiriirta goobaha dalka gudihiisa ee ay xubnaha labada gole ee ku sugan Nairobi doonayaan inay ku laabtaan. Isdiiwaan gelintaas oo weli socota lana rajaynayo inay dhaqso u soo gabagabowdo ayaa waxaa dhinac socda raadinta helitaanka dhaqaalihii ay dib ugu noqon lahaayeen xubnahaasi ,waxaana la magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo u xilsaaran qorshaha dib ugu guuritaanka dalka iyo isku dubaridista,kuwaasoo kala ah: -Cabdalla Deerow ***** Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka. -Maxamed Cabdi Xayir Wasiirka Warfaafinta -Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere)Wasiirka Horumarinta reer miyaga , dhirta iyo Daaqa -Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiir ku xigeenka Horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska. -Cabdullaahi Axmed Cabdulle Wasiir ku xigeenka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka. -Salaad Cali Jeelle Wasiir ku xigeenka Warfaafinta iyo -Xildhibaan Axmed Xaashi Qoraalka lagu magacaabay guddigaan ayaa xubnaha labada gole ee ku sugan Nairobi ka codsanaya inay u gudbiyaan qorshaha duulimaadkooda iyo waqtiga ay baxayaan guddigaan. Iimaan Cali Cabdi AllPuntland,Nairobi
  25. Emir to open Second South Summit today Web posted at: 6/15/2005 3:8:22 DOHA: The Emir H H Sheikh Hamad bin Khalifa Al Thani will open the two-day Second South Summit of G77 plus China today. Doha was in a virtual lockdown yesterday as dozens of heads of state arrived for the summit. These include UAE President H H Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, Bahrain King H M Hamad bin Issa Al Khalifa, Kuwaiti Prime Minister Sheikh Sabah Al Ahmed Al Jaber Al Sabah, Palestinian President Mahmoud Abbas, Lebanese President Emile Lahoud, Algerian President Abdul Aziz Bouteflika, President Ali Abdullah Saleh of Yemen, Prime Minister of Bangladesh Khaleda Zia, Sudan President Omar Al Bashir, Somalia’s President Abdullah Yousuf Ahmed, Nigerian President Olusegun Obasanjo, President Of Djibouti Ismail Omar Guelleh, President Of Union Of Comoros Azali Assoumani, President Of Republic Of Mozambique Armando Guebuza, El Salvador Vice President Ana Vilma Al Banees Cobar, President Of Togolese Republic Faure Eyadema, and President of Republic of Botswana Fetus Mogae. Helicopters and patrol boats covered the sea approaches, as motorcades took leaders to their hotels. Among those presidents expected were British Prime Minister Tony Blair, Venezuela’s Hugo Chavez, Zimbabwe’s Robert Mugabe and Syria’s Bashar Al Assad. The Group of 77 developing nations and China are to call on wealthy countries to honour pledges of additional aid to close the gap between rich and poor at the summit. Qatar initiative Qatar will call for creating a fund for the poor countries of the South and will provide QR20m as initial deposit for the fund. A draft resolution approved by foreign ministers at a preparatory meeting yesterday calls on rich countries to meet their obligations by raising official development assistance (ODA) to 0.7 per cent of Gross National Product. The target was set by the United Nations several years ago but most industrialised countries are still a long way from meeting it. The 132-member bloc is also demanding that between 0.15 per cent and 0.20 per cent of ODA be directed to least developed countries. The draft declaration also calls for more debt relief for developing countries, including the cancellation of all government debt owed by least developed countries. Ministers welcomed a decision by the industrialised nations to write off some debt but said it should come with no strings attached. Finance ministers of the Group of Eight agreed on Saturday to wipe out $40bn of debt owed by 18 poor nations in Africa and Latin America. Algerian presidential envoy Abdelaziz Belkhadem called on wealthy nations to reduce the debt burden on poor African nations by transforming part of it into social investments, chiefly in education and health. The draft declaration demands that any reform of the United Nations promote multilateralism and the world body’s central role, rather than the power of particular states.