
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
^^^ Could not have put it better. Shiekh Mohamed much respect indeed.
-
Support for government in Mogadishu growing: Meeting
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Taageerayaasha Wasiirka arimaha Gudaha DFKGS oo shir ay ku taageerayaan DFKGS ku qabtay Magaalada Muqdisho - Thursday, May 19, 2005 at 17:50 Muqdisho (AllPuntland)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ay leeyihiin taageerayaasha guddoomiyihii hore ee ururka USC/SNA haantanse ah ah wasiirka arimaha gudaha iyo raysulwasaare kuxigeenka DFKGS. Kulankan oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin uu kamid ahaa kusimaha Xuseen Caydiid xafiiskiisa Muqdisho Abuukar Ganay , Odayaal dhaqameedyo, iyo ganacsato kala duwan. Waxaa lagu jeex jeexay kulankan sidii loo taageeri lahaa DFKGS isla markaana loogu diyaar garoobi lahaa imaatinkeeda dalka Soomaaliya. Kusimaha Xuseen Caydiid, ninka lagu magacaabo Abuukar Sheekh Cismaan (Ganey) ayaa halkaasi ka jeediyay hadal dheer oo dhinacyo kala duwan taabanayay, Abuukar wuxuu sheegay inay aad u taageerayaan Go’aankii ay gaareen golaha baarlamaanka DFKGS 11 May isla markaana aan loo baahnayn in laga hor yimaado. Go’aankaasi ayuu ku tilmaamay mid ay u dhammaayeen xubnaha baarlamaanka inkastoo qayb ay Muqdisho joogto hase ahaatee uu ansaxmay kulankii 11 May Caalamkuna aqoonsaday. Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan ayuu usoo jeediyay Codsi kusaabsan inuu dawladda Soomaaliyeed ka daayo kala fogaynta isla marakaana uu hawsha dawladda si caadi ah u wato. Duqowdii kulankaasi kasoo qaybgashay oo wajigooga ay Qiiro kamuuqatay ayaa sheegay in 15 sano aysan dawlad arag ee ay mar u baahanyihiin inta aysan toodu galin inay arkaan dawlad shaqaysa oo dalka si caadi ah uga shaqaynaysa. CC.Farayaamo AllPuntland -
KULAN WEYN OO LAGU TAAGEERAYO GO'AANKII GOLAHA BAARLAMAANKA EE 11KII BISHAN KA DHACAY MAGAALADA NAIROBI IYO KII GOLAHA WASIIRRADA KULAN WEYN OO LAGU TAAGEERAYO GO'AANKII GOLAHA BAARLAMAANKA EE 11KII BISHAN KA DHACAY MAGAALADA NAIROBI IYO KII GOLAHA WASIIRRADA EE LA XIRIIRAY KEENISTA CIIDAMADA UGANDA IYO SUUDAAN OO MAANTA LAGU QABTAY GURIGA CAAQIL KOOGAAR Waxaa maanta guriga Caaqil Maxamud Cali Jimcaale (Koogaar) lagu qabtay kulan weyn oo lagu taageerayo go'aankii golaha baarlamaanka ee 11kii bishan iyo kii Golaha wasiirrada ee la xiriiray keenista ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalalka Uganda iyo Suudaan , waxaana kulankaasi ka qeyb galay siyaasiyiin, waxgarad, aqoon yahano, culimaa'udiin, nabadoonno, fanaaniin iyo haween ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada ee magaalada Muqdisho. Kulankan waxaa ugu horreyn ka hadlay Sheekh Abuukar Cali Xuseen oo aayadihii Qur'aanka kaddib sheegay in kulankan ujeeddadiisu tahay howsha ay qabanayaan xubnaha labada gole ee dalka jooga ma waafaqsan tahay dastuurka dalka iyo danaha shacabka, iyadoo hal ku dhiggaas uu ahaa ujeeddada shirka, wuxuuna sheegay Sheekh Abuukar in bulshada Muqdisho ku dhaqan ay si weyn u fahamsan tahay waxqabadka dowladda iyo hadafka xubnaha labada gole ay u joogaan magaalada Muqdisho oo uu sheegay inay tahay mid qaran dumis ah. Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay nabadoon Muxyadiin Xaaji Weli (Baabaqaali) oo sheegay in ay diyaar u yihiin dhinacooda wixii ka soo baxay shirkii Golaha baarlamaanka 11ka bishasn ay go'aannada ka soo saareen magaalada Nairobi, wuxuuna xusay in bulshada ku dhaqan Xamar ay yihiin kuwo jecel dowladnimada, isla markaasna aysan diyaar u ahayn inay la saftaan kuwo dowlad diid ah. Abuukar Cismaan Sheekh (Ganey) oo ah ku simaha guddoomiyaha isbahaysiga SNA ee uu hoggaamiyo Xuseen Max'ed Faarax Caydiid oo ah Ku xigeenka ra'iisul wasaaraha isla markaasna ah wasiirka Arrimaha gudaha ayaa isna hadalkaas ku sheegay in uu marka hore u hambalyeynayo Caaqil Koogaar oo uu sheegay inuu isugu keenay shirkan bulshada ku dhaqan G/banaadir, wuxuuna xusay in Reer Banaadir looga baahan yahay inay dowladda garab u noqdaan oo ay soo dhoweeyaan, wuxuuna sheegay in cid kastaba lagu qiimeyn doono waxqabadkiisa. “Waa in aan gacan la siin qolo isbaaro u dhiganaysa mirihii ka dhashay shirkii dib u heshiisiinta ee dalka Kenya†ayuu yiri Abuukar Ganey oo sheegay in loo istaago sidii shacabka Soomaaliyeed loo tusi lahaa kuwa mar walba hortaagan inay dib u soo noqoto dowladnimadii aan la'eyn muddada 15ka sano ah. Waxaa sidoo kale halkaas isna ka hadlay Ibraahim Max'ed Diiriye oo ka mid ahaa xildhibaannadii Carte oo sheegay in loo baahan yahay in loo baahan yahay in shacabku garto wanaagga dowladnimada, isla markaasna ay ka digtoonaadaan kuwa mar walba la doonayo dibin daabyada oo uu sheegay inaysan dooneyn in dib uu u soo laabto qarankii Soomaaliyeed. Kulankan taageerada ah oo si weyn bulshada ku dhaqa Muqdisho ay uga qeyb qaateen ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Max'ed Xasan Cabdi, Cabdi Xaaji Goobdoon, Muxyadiin Baare Gacal iyo Max'ed Seeraar Cali Danan oo dhammaantood sheegay in loo baahan yahay in wanaagga la taageero, xumahana laga fogaado, waxayna xuseen in loo baahan yahay in waqtigan wixii ka dambeeya aan loo dulqaadan kuwa hortaagan shacabka ee aan dooneyn in la helo kala dambeyn iyo nidaam dib u soo noqda. Gabagabadii kulankaasi waxaa isna halkaas ka hadlay Caaqil Max'ud Cali Jimcaale (Koogaar) oo ah ruug caddaa weyn oo siyaasadeed, wuxuuna ka warramay dhibaatada ay dowlad la'aantu u leedahay shacbiga Soomaaliyeed iyo dhibaatadii gaartay shacbiga muddadii 15ka sano aheyd iyo halyeeyadii dalka wax tari lahaa, oo lagu waayay, haatanna ay jiraan kuwo doonaya inay dhibaatadaasi dib ugu soo celiyaan shacabka, wuxuu sidoo kale sheegay Caaqil Koogaar in kulankan maanta lagu qabtay gurigiisa uu yahay mid jebiyey khadkii cagaarnaa, wuxuuna xusay in shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan Gobolka Banaadir aanay wax colaad ah dhex oollin, kulankanina uusan ahayn kii koowaad ee la qabto, balse ay jiri doonaan kulano xiriir oo lagu taageerayo sidii lagu heli lahaa dowladda Federalka Soomaaliyeed inay dalka ka hana qaaddo, isagoo xusay in kulankan kiisa xigana lagu dhigi doono Villa Somalia, kan xigana lagu dhigi doono KM5, kan xigana lagu dhigi doono Hotel Ramadan iyo meel kasta oo leysla garto, si loo gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed waxtarka dowladnimada iyo xumaanta dowlad la'aanta iyo in shacbiga uu garto danahiisa. Kulankan oo ahaa kulan si weyn qaban qaabadiisa iyo isku imaadkiisaba si weyn loo sii qorsheeyay ayaa waxaa ka qeyb galay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada oo aan cidina ka maqnayn sida Muqdisha ay u deggan yihiin. Maxamuud axmed xasan (xuurshe) xuurshe114@hotmail.com
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa ku khudbeeyay isaga oo ku sugan Xerada Hiilwayne Waxaan qori ahayn inooma dhexeeyo Cabdullahi Yusuf iyo Cali Maxamed Geedi hadii ay Itoobiya Dalka u Horseedaan. :: (239 Reads) Posted by webmaster on Friday, May 20, 2005 - 03:46 AM Shariifka oo Beesha Caalamka iyo Umada Soomaaliyeedba ay wali layaaban yihiin nin Gudoomiye Baarlamaan ah hadana Xukuumad Mucaarad ku ah Meeshii uu dhex dhexaad ka noqon lahaa Mudanayaasha Siyaasadu ay kala fogaysay ayaa dhaq dhaqaaqiisa xag jirka ah ee aan gabashada lahayn maalinba maalinta ka danbaysa ay isa soo taraysaa. Iyadoo sida Sharcigu dhigayo uu Mudan yahay in Xilka laga qaado waliba si aqlabiyad looga cayriyo Mansabka uu ku fadhiyo, maadaama uusan mudnayn waa hadii sharci iyo Wadaninimo la dhowrayo. Shariifka ayaa waxa uu booqday Maleeshi Beeleedyada Laghu xareeyay Hiilwayne waxa uuna u jeediyay Khudbado runtii Qof walba oo wax garada uu la yaabayo. Waxa uu yiri" Waxaan dhaar ku marayaa inaan ciidayda difaaco oo aan Amxaarka iyo masuul ku sheega amxaarada u adeegaya aan ciida iyo dadkaba ka difaaco, " waxa gacanta iigu jira waa qori , kaa ayaan uga shaqaynayaa Cabdullahi Yusuf iyo Cali Maxamed Geedi , haday cadow dalka u soo horseedaan". Sidaa waxaa yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka ee DKFS Mudane Shariif Xasan isaga oo ku sugan xerada Hiilweyne isagoo qudbad u jeedinaya Dhalinyaradii hubaysnayd ee halkaa lagu soo xareeyay, Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa dadka qaarkiis waxa ay ku sheegaan in uu yahay nin aan garanayn Shaqadiisa iyo Micanaha Gudoomiye Baarlamaan, Halka dadka qaarkiis ayba yiraahdaan waxa uu u baahan yahaay haday sidaan daacad ka tahay in loo furo tababar lagu barayo shaqadiisa Idamaale News Mohamoud_hussein@yahoo.co.uk
-
The names are out: Government has a substantial majority of MP's
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wind, lol mate, no thanks never did like women from OZ Rahima, come again -
PM nominates cabinet approve, key post's:including Chief of Police
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Somali patriot, when you say the family does not care do you mean the Chief of Polices family or your own? As for you staying a while, by all means I never wanted any one to leave this place. Horn, Qaybdeed's name was being put forward by Qaynyare in order to gain some sympathy from that clan and minimise the support of Aydeed Jr. However I dont think it worked, Qaybdeed has been in contact with the PM and is not a tool that can be used easily like Sharif -
The names are out: Government has a substantial majority of MP's
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Rahima, my sister. I must give you credit and much praise. I have realised that of all those who oppose the government in SOL Politics section. You are by far the shrewdest, sharpest and most cunning. Look how the others hide and cower, when the news is not good and compare that to the way you have tried to turn this into a personal thing between us, wonderful. However let’s get back to reality, why I am engrossed in this is because I see the light at the end of the tunnel. Insha Allah Somalia will get better and this government will succeed. As for you keep struggling, you have my respect in that. -
PM nominates cabinet approve, key post's:including Chief of Police
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lol, the other names where not highlighted I guess. at least you reacted to it, how clever you are -
Nairobi:Kulan uga socda Nairobi xubnaha golaha xukuumadda iyo xilal sare oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo la magacaabay - Thursday, May 19, 2005 at 14:02 Nairobi(AllPuntland)-Waxaa saaka kulan uga furmay dhismaha KICC ee ku yaal bartamaha magaalada Nairobi golaha xukuumadda FKMG ah ee Soomaaliya ee ku sugan magaalada Nairobi. Kulankaas oo albaabku u xiran yahay uuna guddoominayo Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda FKMG ah ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geeddi ,welina socda ayaa waxay wasiiradu kaga wadahadlayaan arrimo la xiriira miisaaniyad sannadeedka xukuumadda iyo dhisidda guddiyo ku shaqo leh kaabayaasha dhaqaale ee xukuumadda KMG ah. Waxaa maanta intii kulankaasi socdey la magacaabay oo la isku raacay xilalka kala ah: -Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa loo magacaabay Gen.Cali Maxamed Xasan Looyaan(Cali Madoobe) oo markii horer darajadiisa ciidan ahayd Gaashaanle Sare balse loo dallacsiiyey Sarreeye Guuto ama General. -Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa waxaa loo magacaabay Cumar Maxamed Muxyadiin. -Xisaabiyaha Guud ee DFKMG ahna waxaa loo magacaabay Maxamed Rashiid Shiikh Daahir. Iimaan Cali Cabdi AllPuntland,Nairobi
-
^^^ You tell like it is? I guess so, nothing wrong with that, but sometimes you do get carried away with your own nonsence. What do you mean by "Abdullahi Yusuf never learns"? And what do you say about the fact that the whole cabinet, PM and 60% of parliment are united. Should they put the interest of a few warlords and a minority ahead of security and reconstruction? Lets leave the personalisation for a minute, how is your stance anything other than an ill informed emotional, outburts which has no foundation on fact and detached from reality.
-
The names are out: Government has a substantial majority of MP's
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ Going back to my Somalia for good after two decades in exile is the greater incentive. What about my sources?, they are more than credible look at the silence of the other side its almost deafining. What we have here is blatent denial of the facts on the ground. A united government at the top, PM, President and cabinet with 60% of the MP's on board. Should be very interesting dont you say dear sister. -
The names are out: Government has a substantial majority of MP's
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ Ok brother what ever you say. However you seem a tad bit tired. next time -
The greatest danger to peace in Somalia are, the occupiers of land, the drug dealing warlords, the charcoal merchants. The Scrap merchants, the divisive clan propoganda media. The people who destroyed a generation of youth in Mogadishu and beyound. The people who now want to destroy this government. Xoogsade, for all your statements one thing is clear. You are against this government for no other reason than clan, you blind yourself from the truth. The fact that we the people need a government, that we need order, that we need to restore our dignity. Blame the President all you want, Somalia has changed you are still hanging around dinasours.
-
The names are out: Government has a substantial majority of MP's
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ Oh my are you still speaking Bring facts dear boy not that rubish about Ethiopia, its been played out for weeks now. Yesterday you said that 150 MP's were in Xamar, today you say only some are there? It was not long ago when some in this forum were as usual making baseless remarks. I said the names will sort all this out, indeed they have and even I was surprised, I ahd a figure of 115. Now I know I was in error by 30, the Mogadishu group is no more than 90- Furux and some defectors and we get a magic number of 80. What ever you guys might say, its been months and the government is united, thats different to any adminstration and credit must go to the PM, President and Cabinet. Next time you want to jump in here, bring some facts, some references, instead of the usual laymen gossip. I wonder I have not seen the usaul suspects, must be their day off -
The AD Chairperson Remarks on the opening of the AD Retreat on 18th May 2005 in Bosaso The EC delegation, Mr Hans, Paul and Alberto, Mr Eric Naivasha of K-Rep Advisory Services, Members of the Board, colleagues, ladies and gentlemen, It is a great honour and pleasure for me to welcome you to this important Retreat of the Amaahda Danyarta in Bosaso. I would like to take this opportunity to thank our participants from Nairobi for braving the unfriendly Bosaso weather to join us for this crucial Retreat at a transitional and transformation period for the Amaahda Danyarta in its short history of nearly 7 years. We are sorry that the Amaah Kalkaal Board representative could not join us here today as was planned and I hope we will be able to join their Retreat in Hargeisa later. I would like to particularly thank the EC for this project, which has been both timely and highly beneficial as well as for its continued and patient support with the MFI Programme during the ups and downs of the past 7 years of learning process of a programme that was unusual to us as it was important. I also would like to thank K-Rep for their touring and guidance in our month to month activities. We had both pleasant memories of working together and quarrelsome periods in the process of trying to build and a strong and progressive AD. This sweet and sour relationship has today brought us together in this critical Retreat to discuss the transition of AD from an outfit practically run by K-Rep under specific EC contract to self-sustaining Somali MFI within a few months. In my view, this Retreat should have taken place at the beginning of the Phase-III of the Programme, when, perhaps, the documents we are discussing today should have been discussed, so that effective transition should have taken place in the last two years rather than short 5 months period. But we are here now and we should move forward. AD MFI programme, which has effectively and beneficially contributed to the improvement of thousands households in Puntland, is at a delicate phase of its development. The EC support programme is to end in a few months and that of K-Rep as a consequence. As all of us here will recall, the Board has been constantly raising the time constraints for the transition and frequent appeals for review of the situation. As the Business Plan will show, there is going to be a serious gap between the envisaged EC handover to the Somalis in October 2005 and when AD can be self-sustaining. I would like us look closely this issue in this Retreat and come up with creative ideas on how to bridge this gap. I also wish to renew my appeal to the EC not to just drop the baby they helped to be born and nursed it for 7 years but find ways to assist it until it walks firmly both in terms of directly support and assistance in mobilizing other strategic partners. We also invite K-Rep to remain with us as both a strategic partner and more active technical collaborator. Finally, I would like to remind my colleagues of the Board the new responsibilities we are to shoulder and the dedication and sacrifice required. For a long time, we have been complaining that the AD Board was merely an advisory group for an EC-K-Rep pre-determined arrangement. With the completion of these documents in front of us and the handover of AD in October, the fledgling baby will be totally ours and we will not have anymore scapegoats. So, let make an undertaking here and now to rededicate ourselves to the AD task ahead. Once again, I would like to thank the EC delegation, Eric Naivasha and members of the Board, who were given a very short notice of the Retreat but still came in full, for joining us. Asha Gelle, AD Chairperson.
-
Wafdigii Guddiga Yurub ee beryahan ku sugnaa Boosaaso oo booqday xarunta hay’adda PSAWEN Boosaaso - 18.May.2005 Wafdiga sare ee EC-da ee beryahan ku sugnaa magaaladan Boosaaso ayaa waxay maanta booqdeen xarunta hay’adda tamarta iyo biyaha ee PSAWEN. Wafdigan ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey guddoomiye kuxigeenka hay’adda PSAWEN, Axmed Maxamed Looyaan, mas’uuliyiinta Gumco, Eng. Maxamed Cabdi iyo Salaad Maareeyaha ENEE, Cali Warsame. Guddoomiyaha ayaa waxaa uu xubnaha wafdigan oo ka kooban saddex sarkaal oo katirsan gudiga reer Yurub soo dhex mariyey qaybaha kala duwan ee hay’addaas isla markaasna warbixin ku siiyey xafiiskiisa. Wafdigan ayaa waxaa kormeerkooda ku weheliyey, dhinaca dawladda goboleedka Puntland, agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka, Eng. Khaliif Nuur Cali. Wafdigan ayaa waxay maalintii shalay booqdeen degmada Waaciye ee gobolka Karkaar, waxanay marti qaad casho sharaf ah caawa ku leyihiin Madaxtooyada magaalada Boosaaso, halkaas oo uu ku qaabili doono Madaxweynaha dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde). Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com
-
Prof.Geedi oo lagu wado inuu gaaro Talyaaniga iyo codsiga Taageerada Midowga Yurub London :- Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi ayaa lagu wadaa inuu maanta dib ugu noqdo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana jira warar sheegaya inuu safar ugu sii bixi doono magaalada Roma ee Talyaaniga. Safarka Geedi ee dalka Talyaaniga ayaa ah mid salka ku haya codsiyo ay dowlada Federaalka ee Soomaaliya rabto in dowladaasi Talyaaniga ay uga qeyb qaadato qorshaha lagu rarayo dowlada Soomaaliyeed. Dowlada Talyaaniga ayaa kamid ahayd dowlada Midowga Yurub ee horey u sheegay in ay taageeri doonaan qorshaha dowlada Soomaaliyeed ay ugu guureyso dalka Soomaaliya. Prof.Geedi oo hada sheegay inuu guulo siyaasadeed kasoo gaaray dhanka magaalada Addis Ababa oo uu ugu maqnaa todobaadkaan sidii loo ansixin lahaa ciidamada Afrikaanka ah ee la geenayo dalka Soomaaliya. Geedi ayaa hada lagu wadaa inuu xooga saaro sidii lagu soo xareyn lahaa qorshaha maaliyadeed ama dhaqaale ee ku baxaya guuritaanka xukuumadiisa iyo waliba dhaqaalaha ku baxaya ciidamada IGADSOM ee la sheegay in Soomaaliya la geenayo. Inkastoo uusan weli Ra'iisul Wasaaraha si rasmi ah ugu dhawaaqin safarkiisa dalka Talyaaniga, hasae-ahaatee horey uga mid ahayd safarada uu qorsheenayey. Dowlada Talyaaniga ayaa ayadu ah mid arrimaha Soomaaliya ku xeel dheeraysa marka loo eego dalalka kale ee Midowga Yurub. Maamulka Roma oo ah mid horey lugta ugala jiray siyaasadaha Soomaaliya ayaa si weyn uga soo qeyb qaatay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya, waxayna siyaasiyiinta Soomaaliyeed qaarkood ku tilmaamaan in ay dowladaasi Talyaaniga kamid tahay dowladaha ay Soomaaliya xaaladeeda ka degi la'a dahay. Prof.Geedi ayaa asagu ku guuleystay inuu Golaha Amaanka ee Midowga Afrika ka helo taageero buuxda oo ku aadan Ciidamada la geenayo dalka Soomaaliya asagoo hada culeyskiisa siyaasadeed saaraya sidii taageero midaas lamid ah oo dhanka dhaqaalaha ah uu uga heli lahaa Midowga Yurub. Prof.Cali Maxamed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo oo kasoo kicitimi doona Addis Ababa ayaa lagu wadaa in ay galabta gaaraan Nairobi Kenya. Wafdiga Ra'iisul Wasaaraha ayey kamid yihiin Wasiirka Hantida Qaranka iyo qalabeynta Md.Maxamuud Sayid Aadan, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Md.Maxuud Xasan Cali (Cade ) iyo waliba hogaamiye Kooxeedka Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheer) ee ka taliya magaalada Jawhar oo kamid ah goobaha ay dowlada u hanqal taageyso in ay ka sameysato xarumo kumeel gaar ah. Cumar Siciid HorseedNet.com London, UK
-
DFKMG ah oo dadaal ugu jirta sidii xayiraada looga qaadi lahaa xoolaha Soomaaliya. Nairobi-18.May.2005 Ra’isalwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi ayaa lagu wadaa in dhawaan uu u socdaalo wadamo ka tirsan Qaarada Yurub. Afhayeenka Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) ayaa Idaacada SBC u xaqiijiyey in Ra’isalwasaare Geedi uu safarkiisa ugu horeeye ku tagi doono Wadanka Faransiiska caasimadiisa Paris. Ujeedada safarkaas ayuu C/raxmaan Diinaari wuxuu ku sheegay in Ra’isalwasaruhu uu magaalada Paris kaga qayb gali doono Shir balaaran oo looga hadlayo sidii xoolaha Soomaaliya xayiraada looga qaadi lahaa, bacdamaa xoolaha Soomaalida intii ay xirnaayeen ay keeneen dhaqaalo xumo baahsan iyadoo, ganacisga xooluhu ay kaalin weyn ka qaataan dhaqaalaha. C/raxmaan Nuur Maxamed(Diinaar) wuxuu intaasi ku darey in safarkaas ay ku wehlin doonaan Cali Maxamed Geedi masuuliyiin ka tirsan Labada Gole ee DFKMG ah ee Soomaaliya. Ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi ayaa lagu wadaa markii uu ka qayb galo shirkaasi ka dhacaya Magaalada Paris in uu soo Maro wadanak Belgium gaar ahaan caasimada Brussels oo ah xarunta Midowga Yurub, isagoo waydiisan doona kaalmo dhaqaale oo ay u fidiyaan Xukuumadiisa. Maxamuud C/raxmaan Rood SBC Boosaaso.
-
Prof.Geedi iyo Meles Zenawi oo shalay ku kulmay Addis Ababa iyo Geedi oo dib ugu noqday Nairobi Nairobi :- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo shalay dib ugu noqday Magaalada Nairobi ayaa intii uusan ka bixin dalka Itoobiya kulan ay albaabada u xiran yihiin la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha dalkaasi Mr.Meles Zenawi. Kulanka labada hogaamiye ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid horey loo sii qorsheeyey isla markaana la xariiray wadahadalka labada dowladood ee la xariira siyaasada dalka Soomaaliya. Prof.Geedi iyo Meles Zenawi ayey wararku sheegayaan in ay si qoto dheer uga wadahadleen ansixintii Midowga Afrika ee ciidamada la geenayo dalka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale kulankaasi looga hadlay wakhtiga ay dowlada Soomaaliya u guureyso dalka gudihiisa. Sida ay sheegayaan xubno safarka ku wehliyey Ra'iisul Wasaaraha waxay dowlada Itoobiya balan qaaday in wixii karaankeeda ah ay ka caawin doonto dowlada Soomaaliyeed. Dowlada Itoobiya oo kamid ah dowladaha safka hore ee IGAD ayaa sheegtay in ay taageeri doonto ciidamada laga keenayo dalalka Yugandha iyo Sudaan. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo magaalada Nairobi u kicitimay isla shalay ayaa halkaa gaaray shalay gelinkii danbe. Prof.Geedi iyo xubnihii safarkiisa ku wehliyey ayey si diiran ugu soo dhaweeyeen Airporka Wilson ee magaalada Nairobi xubno ka kala socda labada Golaha ee Wasiirada iyo Baarlamaanka. Xubnihii halkaa kusoo dhaweeyey oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Guddaha Md.Xussen Caydiid, Wasiirka Maaliyada Saalim Caliyow Ibrow, Guddomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Prof.Maxamed Cumar Dalxa iyo xildhibaano kale oo badan. Ra'iisul Wasaaraha ayaa markii uu gaaray Nairobi saxaafada u sheegay in safarkiisa uu si wanaagsan kusoo dhamaaday asagoo intaa ku daray in muhiimada safarkiisu ahayd in uu ka qeyb galo shirkii Golaha Amaanka ee Midowga Afrika. Prof.Geedi ayaa sheegay in ay Golaha Amaanka ee Midowga Afrika hordhigeen go'aanadii kasoo baxay Xukuumada iyo Baarlamaanka Soomaaliyeed isla markaana uu Midowga Afrika uu si shuruud la'aan ah ku aqbalay codsiga ah in ciidamo dalka Soomaaliya la geeyo. Ansixintaasi oo uu Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ku tilmaamay in ay ahayd guulweyn oo usoo hooyatay shacabka iyo dalka Soomaaliyeed. Prof.Cali Maxamed Geedi oo ka hadlay taageerada Beesha caalamka ayaa sheegay in qorshaha Midowga Afrika ay taageereen dowlada Maraykanka iyo Midowga Yurub oo uu sheegay in ay si buuxda usoo dhaweeyeen go'aanka Midowga Afrika. Ra'iisul Wasaaraha oo dalka Itoobiya ku maqnaa muddo 5 cisho ah ayaa lagu wadaa inuu magaalada Nairobi shirar kula yeesho xubnaha kamid ah Dowlada, waxaana jira wararka sheegaya inuu u gudbi doono dalka Talyaaniga oo laga yaabo inuu Prof.Geedi booqasho rasmi ah ku tago. Ahmed Musse HorseedNet.com Nairobi, Kenya
-
R. W. Rrof. Geedi iyo wafdi uu hogaaminayey oo xalay ku laabtay magaalada nairobi, ka dib lixmaalmood oo ay joogeen itoobiya Wafdi uu hogaaminayay R/wasaaraha dowlada fedralka ah ee soomaaliya Prof Cali Max'ed geedi ayaa xalay fiidkii ku soo laabtay magaalada nairobi iyaga oo ka soo anba baxay magaalada Adis ababa ee dalka itoobiya halkaas oo ay u joogeen ka qeybgalka kulanka golaha midowga afrika oo hlkaasi ka dhacay loogana hadlayey arimaha soomaaliya gaar ahaana arinta ku saabsan ciidamo loo soo dirayo dalka soomaaliya oo ka qeyb qaata nabad soo celinta. Wafdigan oo uu hogaaminayay R/wasaaraha waxaa ka mid ahaa wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah iyo xubno kale waxaana horay u soo raacay xubno halkaasi horay u joogay oo ay ka mid ahaayeen wasiirka hantida qaran iyo qalabeynta Maxuud Sayid aadan Gudoomiyaha gobalka banadir ahna duqa magaalada muqdisho Dr maxuud xasan cali (cade) gudoomiyaha gudiga siyaasada ee gobalka shabeelaha dhexe maxed cumar xabeeb (maxed dheere) iyo c/kariin faarax laqanyo oo horay u sheegtay in uu yahay madaxweynaha maamulka mid land. ra'salwaasaraha ayaa la filayaa in uu maanta ka warbixiyo socdaalkiisii iyo natiijadii ka soo baxday isaga oo u faahfaahin doono golahiisa wasiirada, waxaana soo baxayo dhinaca kale warar sheegayo in maalimada sabtida uu u kicitimi doono qaar ka mid ah dalalka yurub sida talyaaniga iyo faransiiska. Abdirahman Mahamed xudeyfi4@yahoo.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
-
:: Ra’iisal Wasaare Geedi oo Go’aankii Midowga Afrika ku tilmaamay guul u soo hoyatay Umadda Soomaaliyeed :: (162 Reads) Posted by webmaster on Wednesday, May 18, 2005 - 04:32 AM Ra’iisal wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa dib ugu laabtay xalay magaalada Nairobi kadib markii uu muddo lix maalmood ah ku qaatay booqasho uu ku tegay dalka Itoobiya. Socdaalka Ra’iisal wasaaraha ayaa ku saabsanaa ka qeyb galka shir Golaha ammaanka Midowga Afrika uga hadlay ciidamo u diritsta Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay ansixinta midowga Afrika ciidamadaasi guul u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed. Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa oo maalmo dheeraad ah ku sugnaa Adis ababa ayaa la sheegay inuu kulamo kala duwan la yeeshay madaxda Itoobiya gaar ahaan Ra’iisal wasaaraha Meles Zenawi. Idamaale News
-
^^^ MMA, you have a right to your opinion, some would argue that Sharif is a great man. However I would say he is a stooge, owned by Qaynyare, he has no real political will of his own. His masters are using him, however he is not able and can not use them. He has believed the hype of Mogadishu power, but does not see, that this power is not in the hands of his boss. He has done a bad job, he is isolated and alone in Mogadishu with his 90 MP's oops, I mean 80 as some have defected since I last posted. As for his intellect and education, was he not the man who swore himself into office rather than the President.
-
The names are out: Government has a substantial majority of MP's
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
MILK, you welcome bro. I guess Rahima is tired of all the BS in this place too Its a simple, the government has a large support in Parliment more than 60% of MP's. The opposition and its healthy to have one have around 30%. The media have played a key role in portrying a weak government, or an opposition parliment. The fact remains the cabinet, President and Parliment are united. This alone will bring much hope to the country which for once has a viable structure. Another fact, the opposition is made up of multi clan, united by interest. This brings hope, disagreements are a fact of human life but there is no split and hope is alive.