General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Nairobi:Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminayo oo goor dhoweyd u kicitimay Jowhar - Thursday, June 30, 2005 at 14:52 Nairobi(AllPuntland)-Waxaa goor dhoweyd 3:20kii galabnimo ka dhoofay garoonka dayuuradaha ee Wilson Airport ee magaalada Nairobi wefdi sare oo ka tirsan labada gole ee Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka ahna ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Dalxa,iyagoo ku sii jeeda magaalada Jowhar. Wefdigaan oo isugu jira mudanayaal ka tirsan baarlamaanka iyo ilaa 6 wasiir oo ay ka mid yihiin Ra'iisal Wasaare Ku xigeen ahna Wasiirka Maaliyadda Mudane Saalim Caliyow Ibrow,Wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah Mudane Cabdirisaaq Cismaan Xasan (Jurile),Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir(Maareeye) iyo xubno kale ayaa waxaa safarkoodaan ku weheliyey diblomaasiyiin shisheeye oo ka socda dalalka Shiinaha,Talyaaniga iyo Ingiriiska iyo xubno kale, waxaana madaxdaan iyo diblomaasiyiintaani ku laabashada dalka ka sokow ay berito ka qaybgeli doonaan xafladda dabaal degga maalinta xornimada gobollada Koonfureed ee Soomaaliya iyo israacii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur oo sida la filayo ka dhici doonta xarunta KMG ah ee dowladda ee Jowhar. Mas'uuliyiintaan sare ayaa waxay iyagu u sii joogeen Nairobi arrimo lagu sheegay kuwo muhiim u ah dowladda ,iyadoo ay dowladdu soo gabagabaysey joogitaankeedii dalka kenya ka dib markii ay dhammaantood xubnihii labada gole ee Nairobi ku sugnaa dalka dib ugu laabteen. Iimaan Cali Cabdi AllPuntland,Nairobi
  2. Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Baarlamaanka oo Fiidnimadii Caawa soo caga dhigtay magaalada Jowhar Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Jowhar , Soomaliya Wafdi isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Danjiriyaal ka socda Beesha Caalamka ayaa maqrabnimadii caawa ka soo degay garoonka Diyaaradaha Jowhar ee Xarunta Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wafdigan oo uu hoggaaminayay kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Cumar (Dhalxa),waxay galabta ka soo kicitimeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya,iyagoo caawa magaalada Jowhar kaga qeybgali doonaan xuska 1-da Luuliyo oo ah markii Gobolada Koonfur ee Soomaaliya Xoriyadda ka qaateen Talyaaniga iyo Israacii Labada Gobol koonfur iyo Waqooyi. Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Kuxigeenka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ahna Wasiirka Iskaashiga Gobolka Ismaaciil Buubaa, Wasiirka Warfaafinta Maxame Xayir,Xildhibaano, Danjiraha Dowladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya iyo ilaa iyo 7 Nin oo Ajanabi ah. Wafdigan ayaa waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaano,waxaana la dejiyay meel loo diyaariyay,iyagoo caawana casho sharaf la leeyihiin Ra’iisal Wasaaraha soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi. Anigoo ka mid ahaa Wariyaashii tagay Garoonka ayaa waxaa noo suuragalin inaan wareysano Wafdiga, kadib markii la noo diiday inaan wareysi la yeelanao kuxigeenka Baarlamaanka Maxamed Cumar Dhalxa,waxaana naga hor istaagay mid ka mid ah Ilaaladiisa. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Jowhar, Soomaaliya Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
  3. President Yusuf interview 26-June-2005
  4. DOWLADAHA KU BAHOOBAY URURKA SAAXIL IYO SAXARA OO CIIDAMO NABAD ILAALIN AH U DIRAYA SOOMAALIYA Dowladaha Liibiya iyo Nigeria oo ciidamadaas hoggaamin doona Axad, June 26, 2005(HOL): Shir ay wadamada ku bahoobay Ururka Saaxil iyo Saxara 1-dii iyo 2-dii bishan ku yeesheen magaalada Ouagadougou ee dalka Burkino Faso ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya, kadib wixii ka dambeeyay shirkii mudada dheer ka socday dalka Kenya oo ay ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Shirkaasi oo uu Soomaaliya u metelayay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Liibiya Dr. Maxamed Xuseen Ilka Dahab ayaa waxaa ka soo baxay go’aano ay ka mid ahaayeen in ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda Wadamada ku bahoobay Ururka CEN-SAD loo diro Soomaaliya, iyadoo la isla gartay in ciidamadaasina ay hoggaamiyaan Dowladaha Liibiya iyo Nigeria, sidoo kalena laga taageero dowladda Federaalka Soomaaliyeed dhinacyada Siyaasadda iyo Dhaqaalaha. Warkan waxaa HOL u xaqiijiyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Liibiya Dr. Maxamed Xuseen Ilka Dahab oo aan xiriir dhinaca Isgaarsiinta ah la sameynay isagoo ku sugan magaalada Tripoli ee dalkaas, wuxuuna xaqiijiyay in shirkaasi uu ahaa mid si gaar ah loogu lafo guray arrimaha Soomaaliya. Dr. Ilka Dahab, Safiirka Soomaaliya ee Liibiya waxaa kale oo uu booqasho ku tegay Dalka Bulgaria, isagoo halkaas kulan kula soo yeeshay madaxweynaha Dalkaas Mr.George Parvanov, kaasi oo uu guddoonsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/llaahi Yuusuf Axmed, isagoo weliba uga xog waramay xaaladda uu haatan ku sugan yahay dalka Soomaaliya. Safiirka, wuxuu intaas ku daray in madaxweynaha Bulgaria Mr. Parvanov uu ballanqaaday in dowladdiisu ay garab istaagi doonto dowladda Soomaaliyeed, isla markaana ay ka qeybqaadan doonto dib u dhiska dalka Soomaaliya, gaar ahaan Dekedaha, Garoomada Diyaaradaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Kalluumeysiga, waxayna sidoo kalena labada dhinac isku af-garteen in la sameeyo Jimciyad loogu magac daray Jimciyadda Saaxibtinimada Soomaaliya iyo Bulgaria, taasi oo dabagal ku sameyn doonta heshiisyada ay labada dhinac wada galaan, iyadoo ay jiri doonaan wufuud ay labada dowladood is-dhaafsan doonaan. Ugu Dambeyntiina Madaxweynaha Bulgaria Mr. George Parvanov ayaa dalkiisa ku martiqaaday Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/llaahi Yuusuf Axmed, iyadoo booqashadaasina ay dhici karto xili kasta oo ku haboon. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  5. TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED OO BOOQDAY XERO CIIDAN OO KU TAALA DEGMADA MAHADAAY UNDP oo Ballanqaaday bixinta Mushaarka Toban Kun oo Ciidamo Boolis ah Axad, June 26, 2005(HOL): Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Jimcihii uu Degmada Mahadaay ee gobolkaas uu booqday Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe), si uu u soo indha indheeyo xero halkaas ku taala oo loogu talagalay in lagu xareeyo Ciidamada Booliska, iyadoo ay isla magaalada Jowhar ka bilaabatay diiwaangelinta ciidamadii hore ee Booliska Soomaaliyeed. Dhinaca kalena Hay’adda UNDP ayay wararku sheegayaan in ay ballanqaaday bixinta mushaar loogu talagalay ciidamo Boolis ah oo tiradooda gaareyso ilaa toban kun oo Askari, kuwaasoo aan weli si buuxda loo ogeyn in lagu wada xareyn doono Xerada Mahadaay ee uu booqday Taliyaha iyo in deegaano kala duwan lagu kala xareyn doono. Dhanka kalena, xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa iyaguna maleeshiyooyin ku dhow labo kun oo askari waxay ku xareeyeen labo xero oo ku kala yaala gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo kala ah Hiilweyne iyo Laantabuuro, waxaana mushaarooyin la siiyay bishii ugu horeysay bixinaya ganacsato Soomaaliyeed, mana jirto ilaa iyo haatan cid ama Hay’ad ballanqaaday in ay Maleeshiyooyinkaas ku masruufaan xerooyinka ay ku jiraan. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  6. Jowhar: Raysulwasaaraha Soomaaliya Prof: Geeddi oo Maanta ka qaybgalay Xuska 26ka Juun , iyo khudbad uu halkaasi ka jeediyay. - Sunday, June 26, 2005 at 15:03 Jowhar(AllPuntland)-Raysulwasaaraha dawladda Soomaaliya Pro Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta ka qayb galay xaflad ballaaran oo lagu xusayay maalinta ay xornimada qaateen gobollada waqooyi ee dalka Soomaaliya ee ay ka xoobeen gumaystihii Ingiriiska. Raysulwasaare Geeddi ayaa hadal dheer ka jeediyay munaasabaddaasi oo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin badan oo katirsan labada gole , maamulka gobolka , fannaaniin iyo waliba saxaafadda qaybeheeda kala duwan. Salaan uu salaamay kasoo qaybgalayaasha munaasabadda kadib wuxuu sheegay inay farxad wayn tahay in maanta annagoo dawlad ah aan xusno 26ka Juun . Wuxuu sheegay in ururadii gobonimo doonka ahaa ee SNL iyo NUF ay usoo halgameen gobonnimada dalka Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Waqooyi. Dhammaan shacabka Soomaliland ayuu raysulwasaare Geeddi udiray hambalyo iyo bogaadin ku aaddan maalintan qiimaha uleh shacabka Soomaaliyeed . Raysulwasaare geeddi asagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri" dhammaan gobollada iyo degmooyinka Soomaaliya waxaa kabilaabanaya dib uheshiisiin waxaana looga baahanyahay shacabka Soomaaliyeed inay udiyaar garoobaan,dawladduna waxay kormeeraysaa dhammaan goobaha dib uheshiisiintu ka socoto,dib u heshiisiinta waxaa bar bar socda xeraynta malleeshiyaadka ,tababarkoda iyo waliba qoridda ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, xoogga dalka haddaan la helin ,waad lasocotaan inaan marnaba la heli karin dawlad awood leh oo wax qaban karta, DFKGS waxay ballan qaadaysaa inay ilaaliso xuquuqda malleeshiyaadka iyo ciidanka xoogga dalka intaba lana siin doono wax walba oo ay xaq u leeyihiin, maalmaha soo socda waxaan soo bandhigi doonnaa qorshaha loogu talo galay xeraynta iyo dhaqan celinta malleeshiyaadka,waxaan baaq caam ah u dirayaa dhammaan malleeshiyaadka hubaysan , waxaan leeyahay yaan la idiin adeegsan inaad walaalihiin laysaan isla markaana curyaamisaan. Raysulwasaaraha oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri" dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin inay helaan dawlad , waxaa been abuur ah inuu jiro khilaaf udhexeeya DFKG madaxdeeda, hase ahaatee waxaa jira dad tiro yar oo aan dawlad doonayn kuwaasna shacabka ayaa iska celin doona, Dawladdan waa dawlad dib uheshiisiineed oo dulqaad badan leh ,ciddii isku dayda inay kutumatona laga yeeli maayo,. Raysulwasaare Geeddi wuxuu sheegay inuu safar dibadda ah tagi doono gaar ahaan magaalada Jabouti oo uu uga qaybgali doono xuska maalinta ay xornimada qaateen dadka reer Jabouti. CCC Farayaamo AllPuntland
  7. Jowhar; " Ciidankii Ajnabiga ahaa ee Imaan lahaa dalka Soomaaliya waa diyaar , malleeshiyaad Soomaaliyeed oo gaarayaa 37kun ayay DFKGS Siin doontaa Tabobaro kala duwan"........... Wasiir kuxigeenka Gaashaandhigga DFKGS. - Sunday, June 26, 2005 at 10:37 Jowhar(AllPuntland)-Wasiir kuxigeenka Gaashaandhigga ee DFKGS Cumar Aadan Xasan (Dheere) oo haatan kusugan magaalada Jowhar ee ah fariisinka DFKGS ayaa sheegay in khilaafaadka yar yar ee ku dhex jira xubnaha dawladda uusan ahayn mid dhibaato u keeni kara dawladda isla markaana uu yahay mid xalkeeda lagu jiro. Mud Cumar Dheere wuxuu ka hadlay hawlaha Ciidamada dalka Soomaaliya mar uu waraysi siiyay saxaafadda gobolka , wuxuu sheegay in Ciidamada hogaamiye kooxeedyada ay ku xereeyeen Muqdisho ay kamid noqon doonaan Ciidanka ay dawladda Federaalku siin doonto tabobarka. Wuxuu sheegay in dawladdu ay tabobaro siinayso 37 kun oo ah malleeshiyaadka hubaysan ee Soomaaliya ha ubadnaadaan kuwa magaalada Muqdisho. Mar uu ka hadlayay Ciidankii Ajnabiga ahaa ee ka imaan lahaa dalalka Suudaan iyo Uganda ayuu sheegay in labadaasi dal iyo Jaamacadda Carabtu ay diyaariyeen Ciidamadii tagi lahaa gudaha dalka Soomaaliya. Mar wax laga waydiiyay Wasiir kuxigeenka xilliga ay imaanayaan ayuu ka gaabsaday , wuxuuna sheegay inay sugayaan amarka DFKGS. Mar wax laga waydiiyay kalsoonida lagu qabi karo in Ciidamada Ajnabiga ah ee Imaanaya dalka Soomaaliya aysan dhibaato u gaysanayn dadka Soomaaliyeed iyo inkale ayuu ku jawaabay in Arintaasi aysan dhacayn oo Ciidanka Ajnabiga ah ay amar ka qaadanayaan wasaaradda Gaashaan dhigga ee DFKGS. Waxaa sidoo kale wax laga waydiiyay haddii ay iska Caabbin ka hortimaaddo Ciidanka Nabd ilaalinta inay dalalka Safka hore u yeeran karaan iyo inkale ayuu ku jawaabay in dalalka Safka hore ay yihiin dalal diyaar u ah inay na caawiyaan. CCC Farayaamo AllPuntland
  8. ^^^ I would sugest that you practice what you preach. You talk nicely and I take some of your advice however look into yourslef before giving me a lecture. Like I said before the Shariff has no interest other that of the warlords, who have failed to bring security and peace to the people they "represent" but alas you will blame Ethiopia and phantoms of your creation for all our national troubles.
  9. Rahima, I am surprised at you, I thought you never lost your cool.. Any how sis the clan BS argument does not work me in the least bit, as many of you know I have families that strech the clan spectrum. One cannot hate his own family unless he/she suffers froms elf hate. I inlcuded, you, Juma and Xoogsade for your absurd defence of all things rotten in Xamar. Its you three who defend the occupation of private property solely for clan reasons. While Wind, Horn and even MMA I dont agree with on many points they dont suffer from the hypocracy of defending the indefensable. So claiming to be religious and then saying "few houses are occupied" or Juma's "they ran from their sandels" or Xoogsades requirement of "Proof" that people even had properies is what underlined my categorising you into the same group. Your dilema is even if you know the truth you turn a blind eye. Mogadishu condition must be improved, that includes addressing issues such as property rights, the removal of checkpoints, Police and so on. To ignore this situation is not doing Mogadishu or its inhabitants any justice. The title of this topic is "Yeey and Geed have bigger plans" and what are these plans, to make Jowhar temporary capital, to create a millitary presence across the country. To create a national army and police force in order to improve the security situation. This is a noble task which I support 100%. My clan does not live in Jowhar, beledweyne [army command HQ] or in Buaale, Xuddur and so on. Yet I still support 100%. But what is the plan you support? Mobb Deep, How is Garowe? Samurai Warrior, welcome back old man
  10. ^^^ Che what on earth was that about. I think you posted on the wrong topic. As for wasting time, its only been 9 month and that was not wasted, positions where given, opposition formed programmes planned. Its implementation time. Getting headlines, more like blatent lies, and Mogadishu residents are in open revolt, they wait for the government.
  11. President Yusuf promises to root out opposition by force...! The fisrt post that made sense from your part. We wait and see.
  12. ^^^ My sister Rahima its wonderful when you writte. I enjoyed that, but it was your perception of the truth and no reality on the ground. Yes the government is losing the media war. However dear, like I said how do you people expect things to change overnight? I support this government not because of an individual, but because it represents the best hope we have. Over reacting because a certain group wants to live above their means. Or to appease a drug dealer, road block owners or to message an ego of a clan is not on the table. Thats the simple truth, the government has tried to make good moves, but people like Rahima, Xoogsade, Juma, Dayniile.com, waagacusub and so on will always try to oppose for reasons highlighted above. I support the restoration of the state, law and order, giving back to the citizen his rights, his properties and his dignity. Removing roadblocks, punishing the criminals, protecting minorities decentralisation. And above all progress. As is in our religion and culture This is what I belive the government and subsequesnt ones will bring insha Allah. But what do you guys belive in????????????
  13. ^^^ No he is not a stooge of Zanawi in my opinion. As for your commnents well put yet I can detect a small note of bitterness about the whole Baidoa episode. Lets not live in falsehood, clans exist factions exist, 4.5 formula has been adopted. The RRA is a movement representing a clan. So when I made my comments it was based on facts. You claim Baidoa is under the control of Xabsade are you serious? Is it not under the over lordship of the Marka boss Inda Cade or was I mistaken? Anyhow take care mate
  14. ^^^A good question. But its all part of the project to stir up clan animosity. Now that Ethiopia is not invading it must be those alian Puntlanders from Mars. They are coming to take over Baidoa and send their troops into Banadir so they can loot the beautiful houses and take all the camels... :rolleyes: ...................................................Maxaa ka jira Sawirada & Warka Sheegaya Ciidamo Abqaale ku Xaraysan oo Weerar ku soo ah Baydhabo & Muqdisho - Saturday, June 25, 2005 at 16:32 Marar badan ayaa la sheegaa in wararka ay baahiso saxaafadda Somalida ee mareegta ah (online) aan laysku halayn karin, wararka ay qortaana aanay sal iyo raad toonana lahayn. Tii ugu yaabka badnayd waxaa ay ahayd war saaka uu daabacay mid ka mid ah bogagga wararka Somalida oo ciwaankiisu ahaa "...SAWIRO CADAYNAYA CIIDAMA UU COL. C/YUSUF U DIYAARIYEY INAY KU DUULAAN BAYDHABO IYO MUQDISHO…" Hadii aan u dhabagalay waxaa markiiba ii muuqatay in qoraalka iyo sawiradu aanay is lahayn, isna qaban, gunudkuna aanu sugnayn. Warku waxaa uu sheegay in billihii la soo dhaafay lagu carbinayey tuulada Abqaale oo ku taal duleedka Xarfo ciidamo sida la sheegay halkaas ugu diyaarsan Madaxweynaha dawladda Somaliya oo ay tahay in ay weerar ku soo qaadaan magaalooyin ku yaal Koonfurta Somaliya, sida Baydhabo iyo Muqdisho. Haddi aad u dhabagasho sawirada, waxaa kuu cadaanaysa in 2 ka mid ah sawiradan (kor eeg) laga soo qaaday jiida hore ee Adhi-Cadeeye sannadkii hore, halkaas oo uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Daraawiishta Puntland iyo kuwa Somaliland. Markii ugu horaysayna 2-daa sawir waxaa baahisay sida muuqata shabakada wararka ee Widhwidh Online o magaceedu ku subtan yahay. Sida muuqata, sawiradii ayaa inta la farsameeyey, oo la yareeyey, lagana masaxay sumaddii Widhwidh Online, waxaa lagu suntay mid cusub. Xatooyada sawiradu waa meesheeda e, waxaana sidaa loo yeelay si run looga dhigo sawirada (authentic), akhristahana looga dhaadhiciyo in warku yahay xaqiiqa dhab ah oo jirta. Ciidamada ayaa la sheegay in ay hogaaminayaan 3 nin oo magacyadooda lagu sheegay ina Dhiig Sokeeye, ina Afguduud iyo ina Adan Bidaar. Waxaa muuqata in saddexda nin ee la sheegay in ay tababarka siinayaan ciidanka la doonayo in ay ku duulaan Baydhabo iyo Muqdisho laba ka mid ahi ay shibil yihiin (civilian), halka kan kalena yahay boolis aan milatari shaqo ku lahayn. Warka oo sidaa darteed ah been abuur uu hindisay qof aan lahayn farsamo saxaafadeed iyo karti baaritaan war oo qoto dheer ayaa la arkaa in ay rumaystaan dad badan oo hore maskaxdooda ay ugu tollayd fikir la mid ah kan uu qoraaga warku aaminsan yahay, uuna doonayo in uu dalliil uga dhigo jacbur-wareedkaas been abuurka ah si akhristuhu u yaqiinsado. Bal sawiro dadka Baydhabo iyo Muqidsho jooga oo saaka ku waabariistay war iyo sawiro is wata oo muujinaya ciidamo weerar ku soo ah. Miyaanay dagaal isu diyaarinayn? Miyaanay taasi colaad hurinayn? Miyaanay reer nabdoon caynka ku tollin oo haadaan ka tuurin? Anshaxa saxaafadda guud iyo kan qoraaga ayaa ay sharaf dhac weyn ku tahay in been cad oo la soo qoofalay dadka la quudiyo, been aan jirinna run laga dhigo si markaa wax aan jirin loo amaamudo. Halkan ka Akhri Warka Been Abuurka ah: SAWIRO CADAYNAYA CIIDAMA UU COL. C/YUSUF U DIYAARIYEY INAY KU DUULAAN BAYDHABO IYO MUQDISHO… Maxamed A Cali gorayocawl@yahoo.com
  15. Same old arguments. Shariff isgreat, why is he so great he is illeterate and stands for nothing other than being the mouth piece of Qaynyare. President Yusuf is bad, why is he so bad, because you dont like his clan, simple. You Xoogsade and Olol defend Mogadishu as if its the home of the right and insult everyone else as if they are wrong. Jowhar is bad, Beledweyne is bad, Baydoa is not even in Somalia. Forget about that dusty Bossaso. Mogadishu might have some ooops few looteed houses, a souple of roadblocks but its nice. Rubish and utter nonsence. The issue has been how we can get ourselves out of this mess. By following Shariff, a man with no clue or a President from the North East a PM from banadir and a cabinet with an equil clan representation? I would go for the latter. You have failed on the Ethiopea, on the clan card and on presenting an alternative to Yey/Geedi. You whole heartedly support the case of looters, then talk about Amxaro. Come on lads the game has just begun.
  16. Its good that the President did not budge. Sharif Xasan is nohing the problem eminates from the warlords in Xamar so what ever agreement or deal he Shariff signs up to will mean little. Now its the time to move forward. The PM and cabinet need to stick to their position and govern. No more talks and mediations just implementation of programms. Viva Somalia
  17. ^^^ lol, you are getting funnier more desperate but what are you contributing to the debate. Your leaders are stuck in Xamr under seige by the population. The tool your new spiritual leader [i jest] has failed beyound even my expectation which was below zero. So what is left for people like you? Oh to insult, to make up stories to get personel, by all means do. For it shows that you are losing. Anyhow keep it up old man.
  18. WARAYSI:MADAXWAYNAHA SOOMAALIYA MUDANE C/LLAHI YUUSUF AXMED AYUU IDAMAALE MAANTA KHATKA TELEEFOONKA KU WARAYSTAY ISAGA OO KU SUGAN MAGAALADA SANCA EE DALKA YEMEN. Posted by : webmaster on Friday, June 24, 2005 - 05:26 AM WAXAA MAANTA INOO SUURA GASHAY IN AAN MADAXWAYNAHA SOOMAALIYA MUDANE C/LLAHI YUUSUF AXM,ED OO KU SUGAN MAGAALDA SANCA EE DALKA YEMEN KHATKA TELEFOONKA KU WARAYSANO. IDAMAALE:MUDANE MADAXWAYNE BAHDA IDAMAALE AYAA KU SALAAMAYSA. MADAXWAYNAHA: WAAN IDIN SALAAMAY IDAMAALE DHAMAANTIIN. IDAMAALE: MUDANE MADAXWAYNE WAXAAD INOOGA WARANTAA WADA HADALADII IDIIN SOCDAY ADIGA IYO GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKU MEESHA UU KU DANBEEYAY. MADAXWAYNAHA: WADAHADALADII ANIGA IYO GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA INOO DHAXEEYAYA WAXA UU KU DHAMAADAY IN AANAN IS AFGARAN. SABABTEEDANA WAXAA WEEYE, NIMANKA HOGAAMIYA KOOXEEDYADA AH EE MUQDISHO JOOGA IYO GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA AYAA HORAY UGU SOO BALAMAY IN AAN LA IS AFGARAN, OO WADA HADALKANI MIRA DHAL NOQON, TAASOO MICNAHEEDU YAHAY, WAA IN LA INOOYEELAA WAXA AANU DOONAYNO, HADEE ANAGA MASUULIYADA QARANKA NAGA SAARAN WAANU GUDANAYNAA ,QOF AANU KAGA HAYBAYSANAYNAANA MA JIRO, WAX LA YIRAAHDO AMAR KU TAAGLAYN. IDAMAALE: MADAXWAYNE WAX MA INOOGA SHEEGI KARTAA WAX YAABAHA AAD ISKU MARI LA DIHIIN ADIGA IYO GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA. MADAXWAYNAHA: WAXYAABAHA AAN ISKU MARI LA NAHAY NIMANKAAN WAXAA KA MIDA. 1- IN GOAANKII GOLAHA BAARLAMAANKU ANSIXIYAY 11/05/05, EE AHAA IN DOWLADU AY KU SHAQAYSO MAGAALADA JOWHAR IYO BAYDHABO AY KU SHAQEEYAAN OO U HOGAANSAMAAN INTA LAGA NABADAYNAYO MAGAALADA MUQDISHO, OO WAATAN DHAQAN GASHAY OO AY XUBNIHII LABADA GOLE AY KU WADA SHAQAYNAYAANE, AY HAWSHA WAX KA QAATAAN, OO GARAB GALAAN, DADAALKA AANU KU JIRNO. 2- IN SI WADA JIRA AY AFRIKAAN UNIONKU WAX UGA QABTAAN ARIMAHA NABAD KU SOO DABAALIDA EE SOOMAALIYA, SI SOOMAALIYA AY NOQOTO GOOB XASILOON. 3- IN AY JOOJIYAAN CARQALADA AY WADAAN IYO XAGAL DAACINTA AY MUQDISHA LA FARIISTEEN. A- HADEE CID WALIBAA OG IN MAANTA MAGAALADA MUQDISHO ABNIGEEDU UUSAN WANAAGSANAYN, ILAA SADEX MAALUL OO HORAY LOOGA SAMEEYAYNA WAA AY KU FASHILMEEN, WAXA FASHILIYAYNA WAA MALEESHIYAADKA TIRADA BADAN EE NIN WALIBA UU MEEL KU OOTAY, WAXA AYNA DOONAYAAN NIMANKA MUQDISHO HAATAN JOOGA IN NINKII WALBA OO MAGAALADA YIMAADA OO DOONAYA IN UU MAAMUL KA HIRGALIYAA, IYAGA UGA DANBEEYO, TAASINA MA AHAN WAX AANU YEELI KARNAA OO INAGA SUUROOBA, HAATANA DFKG NIDAAMKII AY U DAJISAY NABADAYNTA MUQDISHO AYAA LA GUDA GALAY, OO WAATAN GUDOOMIYIHII GOBOLKA BANAADIR HOWSHIISII KA BILAABAY MAGAALADA MUQDISHO. B- ARINKA KALE EE AH CIIDAMADA AFRIKA, WAXAA GOAAN KEEDA GAARAY AFRIKAN UNION, ANAGUNA WAANU ANSIXINAY.MAADAAMA DALKU UUSAN LAHAYN WAX CIIDAN QARAN AH, INTA CIIDAN QARAN AANU SAMAYSANAYNO WAANU U BAAHANAHAY CIIDAN NAGA CAAWIYA TABABARKA CIIDAMA SOOMAALIYEED,WAXAANU KU KHASBANAHAY IN AANU OGOLAANO CIDII NALOO SOO DIRO,CIDII OAU NOO SOO DIRAYSO ANAGU SHAQO KUMA LIHIN. IDAMAALE: MUDANE MADAXWAYNE MAXAY TAHAY WAXA IDIIN QORSHAYSAN MAR HADAAD KA HISHIIN WAYDEEN KHILAAFAADKII IDIN DHEXYAALAY?. MADAXWAYNAHA: HORTA WAXAAN KUU SHEEGAYAA, WAX WALBA OO NIMANKAAN LAGU QANCIN KARO WAANU KULA HADLNAY, HADII GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKU UU MADAXBANAANYAHAY,OO YAHAY NIN HOWSHIISA YAQAAN, WAA HORE AYAY WAX WALIBA DHAMAN LAHAAYEEN, OO AANU XALIN LAHAYN WAX WALBA OO KHILAAFA, MANA IIGU MUUQATO ANIGA IN AY NIMANKAANI DOONAYAA WAX DOWLADNIMA AH.DHINACA KALE, WAXAA INAGA NOO QORSHAYSAN, HOWSHA BAAXADA LEH EE NA HORTAALA IN AANU GUDA GALNAA, OO QARANIMADII SOOMAALIYEED SOO CELINTIISA AANU KA SHAQAYNAA, WAA IN AANU GUDA GALNAA QORIDA CIIDAMO DALKU UU LEEYAHAY, SI WAKHTI AAD U DHOW AANU UGA KAAFTOONO BAAHIDA AANU U QABNO CIIDAMO SHISHEEYE. IDAMAALE:MUDANE MADAXWAYNE GOORMAAD DALKA DIB UGU SOO LAABANAYSAA?.XAGEESE KUU QORSHAYSAN IN AAD DALKA KA TAGTO?. MADAXWAYNAHA: ANIGU ILAA BARI WIXII KA DANBEEYA DALKA AYAAN DIB UGU SOO LAABANAYAA, DHAMAAN GOBOLADA DALKU UU LEEYAHAY INTIISA BADAN WAXAA II QORSHAYSAN IN AAN ISU MARAA. KAASUNA WAXA UU AHAA MADAXWAYNAHA SOOMAALIYA MUDANE C/LLAHI YUSUF AXMED OO AANU KHATKA TELEFOONKA KU WARAYSANAY MAANTA ISAGA OO JOOGA DALKA YEMEN. IDAMAAE NEWS
  19. Madaxweynaha DFKS oo ka biyo diiday Go'aanadii Shariifka uu la tegay Wadanka Yaman Posted to the Web Jun 24, 20:25 Yemen:-Madaxweynaha DFKS Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Soomaaliya Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa fadhigoodii uu ku soo gabagaboobay magaalada Sanca ee dalka Yemen,kadib markii ay isku af-garan waayeen qodobo dhowra. Labadan Masuul ayaa horay ugu kala fogaa go'aamada Siyaasadeed ee Dowlada Federaalka Soomaaliya kadib markii ay isku mari waayeen qodobo dhowra oo weli horyaala qaranka Soomaaliyeed.Horay ayaa waxaa isugu deyey in lagu dhex dhexaadiyo labadan masuul diblumaasiyiin shisheeye halkaas oo aan horay loogu gaarin wax natiijo ah. Umada Soomaaliyeed badankeeda ayaa horay u aamin sanaa in gogosha ay fidisay dowlada Yemen aysan waxba kaga duwanaan doonin tii horay loogu dhigay Caasimada Nairobi ee dalka Kenya. Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa is jiiray, kadib markii gudoomiyaha Baarlamaanku uu madasha shirka uu ku soo bandhigay riyo maalmeedkiisii ku aadanaa, inuu ka laabto Madaxweynuhu qodobadii horay ay u gaareen Baarlamaanka Soomaaliya qaybtii ku sugnayd Magaalada Nairobi,kaasoo lagu ansixiyey meelaha ay sii caga dhiganayso Dowlada Federaalka ee Soomaaliya,iyo Ciidamada Nabad ilaalineed ee la keenayo wadana Soomaaliya,Arrintaas ayuu madaxweynuhu uu ku tilmaamay inuusan awood u lahayn inuu dib u laalaabo arrimo qaran oo uu ansixiyey Baarlamaan Soomaaliyeed oo awoodiisa banaanka ka ah. Si kastaba ha'ahaatee Go'aanka uu gaaray Madaxweynaha Federaalka ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxay geesinimo gelinaysaa qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iyo xubnaha labada gole ee taageersan qorshaha nabad ku soo dabaalida wadanka Soomaaliya. Puntlandpost.com Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan
  20. Isbaarooyinkii oo ku soo xoogaystay Muqdisho iyo hareeraheeda, Wariye Maxamed Xuseen Jimcaale oo Saaka soo maray wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho Posted to the Web Jun 24, 10:54 Muqdisho:-Gawaarida ka shaqeysa waddooyinka magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda ayaa u muuqda kuwo howlgabi raba, waayo waxaa soo xoogaystay isbaarooyinkii ka jiray Muqdisho iyo hareeraheeda, sidoo kale dadku waxay u muuqdaan kuwo ka niyad jabay hadalladii beerlaxawisiga ahaa ee ay hoggaamiyayaasha Muqdisho isla dhex marayeen maalmihii ugu dambeeyay, waxayna dadka Muqdisho ku dhaqan dhallinyaro iyo waayeelba is weydiinayaan: Ujeeddadii ay hoggaamiyayaasha Muqdisho ka lahaayeen oraahdoodii ahyad inay isbaarooyinka ka nadiifin doonaan waddooyinka Muqdisho iyo hareeraheeda mara?. Su’aashaas jawaabteeda weli lama helin oo waxay la micno noqotay "Fallaartii cirka loo ganay ruux walboow filo" Isbaarooyinkii ayaa waddooyinka Muqdisho iyo hareeraheeda mara si weyn u soo camirmaya, waxaana layaab ku noqotay dadweynaha Muqdisho ku dhaqan isbaarooyinkii la qaaday oo dib ugu soo laabtay goobihii laga qaaday. Safar gaaban oo aan saaka aroortii hore ku maray waddada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho ayaan ku arkay in ka badan isbaarooyinkii horay u yaallay waddada isku xirta labada degmo, waxaa ka mid ah isbaarooyinka aan arkay kuwo la iigu sheegay "Soo booddo" oo dheeri ka ah kuwa laamiga yaalla. "Waa yaabe ma waxaan u shaqeynaa isbaarooley mise waxaan u shaqeynaa nafteenna" ayuu yiri darawalkii waday gaarigii aan saarnaa oo noociisu ahaa HOMMY, xilligaan waxaa darawalka ka muuqday wejigiisa dareen murugo iyo cabsi isugu jiray, waxaan weydiiyay su’aal ahayd: Qaddarka lacagta kaaga baxda Isbaarada? wuxuuna is deg-deg ah iigu yiri: "Hadday waa mid xad-dhaaf ah lacagta aan ku bixinno isbaarada, waayo hadda waxaa nooga baxa isbaarada lacag dhan 300,000 Shilling Somali oo waxaa uun helaan maalintii oo dhan lacag aan xitaa aniga nolol iigu filleyn, markii horena waxaa naga bixi jirtay 80-90-kun oo Shilling Somali, lacag wanaagsanna way noo soo hari jirtay". Intaa dabadeed waxaan weydiiyay tiradii isbaarooyinkii waddada horay u yaalay? wuxuuna iigu jawaabay: "Waxaa horay u oolli jiray 4-isbaaro oo keliya, haddase waxaa taal inta la og-yahay 13-isbaaro, mararka qaarna way ka bataan, waayo waxaa ku soo biira 5-6-isbaaro oo ah nooca loo yaqaan Soo boodada". ‘Nin u bareeray inuu isbaaro dhigto; miyaa ogolaanaya inuu qaado ama laga qaado, in xoog looga kacsho mooyee" ayuu ahaa hadal ka soo baxay haweeney qiyaastii 60-jira oo ka mid ahayd rakaabkii gaariga nala saarnaa, waxay haweeneydaas intaa ku dartay inay deggen tahay duleedka degmada Afgooye oo ay qudrad u iib geysato magaalada Muqdisho, weligeed aysanna arkin mixnadda iyo dhibaatada ka taagan maanta waddooyinka isku xira Muqdisho iyo Afgooye. Si kastaba ha ahaatee; hadalkii hoggaamiyeyaasha Muqdisho ee ahaa inay isbaarooyinka ka nadiifinayaan waddooyinka Muqdisho iyo hareeraheeda ah ayaa u muuqdo hadla uun laga yiri afka ee aan laabta jirin, waxayna dadka qaarkood saadaaliyeen maddaama hoggaamiyeyaashu kooxuhu yihiin kuwa ay isbaarooyinku u yaallaan inay doonayeen in lacagaha isbaarooyinka ay ka helaan loo kordhiyo ee uusan xaajadu ka ahayn in la qaado Isbaarooyinka. W/Q: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile) E-mail: jantiile12@hotmail.com Mogadishu - Somalia Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan
  21. back to the topic......... Isbaaro Qaadistii Muqdisho oo u Muuqata Mid Shiiqday E-MAIL THIS PRINT THIS Hoggaamiya kooxeedyadii magaalada Muqdisho ee haatan xubnaha ka ah golayaasha baarlamaanka iyo wasiirrada dowladda kmg ahe e somalia ayaa haatan u muuqanaya kuwo aad ugu wareersan tallaabadii ay qaadi lahaayeen ka dib markii ay sii kordheen isbaarooyinkii yaallay waddada isku isku xirta magaalada Muqdisho iyo Afgooye iyo xitaa qaar badan oo ka mid ah waddooyinka magaalada casimadda ah ee Muqdisho. Wasiirradan oo dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay waday howlo ay ku sheegeen in ay ku nabadaynayan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa howlohoodu hadda u muuqanayaan kuwo gaabis ah. Tan iyo markii guddoomiyaha baarlamaanka shafiif xasan sheekh aadan u amba baxay dalka Yeman waxa aad u yaraatay hadal haynta dadka ee la xiriirta maleeshiyooyinkii laga saaray magaalada Muqdisho,iyadoo aan la isku howlin in magaalada Muqdisho laga saaro maleeshiyooyin kale ama la booqdo kuwii la geeyay xeryaha hiil wayne iyo Laanta buuro. Imaatinkii wasiirka koowaad ee dowladda cali Maxamed Geedi iyo xubno ka tirsan dowladdiisu ay ka soo dageen magaalada Jowhar ayaad mooddaa in uu jawigii nabadaynta muqdisho u baddalay mid aan horay u socod ahayn, maadaama waxyaabihii la isku khilaafsanaa qaarkood lagu dhaqaaqay. Ma jiraan ilaa hadda howlo la xusi karo oo ka socda magaalada Muqdisho,waxaana yaraaday ama la dhihi karaa way hakadeen kulammadii ay yeelan jireen xildhibaannada iyo wasiirrada ku sugan magaalada Muqdisho ee ay kaga hadli jireen hadba xaaladda taagan iyo halka ay howlohoodu u marayaan Waxaa sidoo kale gaabis la dheehan karaahi ku yimid in kastoo aanay iyagu sidaa jeclayn haweenkii gobolka Banaadir oo iyagu caraadin jiray wasiirada awooda ku leh magaalada Muqdisho. Isbaarooyinkii ayay wali dhibtoodu taagantahay waxaana muuqanaysa in ay adagtahay in maleeshiyooyinka lagu qanciyo in ay waddooyinka ka tagaan. Waddada isku xirta inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye,ayaa haatan waxaa ka jirta xaalad aan caadi ahayn,waxaan jira isbaarooyin fara badan,oo gawaarida looga qaado lacago aad u fara badan oo hadii aanay bixinna gawaarida laga xayirayo.
  22. Jowhar oo Dhaqdhaqaaq Ganacsi oo Xoogani uu Ka Bilaamay E-MAIL THIS PRINT THIS Liiibaan Cabdi Cali, Muqdishu Safarkii C/hi Yusuf iyo Geedi ee Jowhar Dhaqdhaqaaqa ganacsiga ayaa aad uxoogaysatay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellada dhexe tan iyo markii mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah ay soo dageen magaalada . Jowhar oo ka kooban afar xafadood,ayaa hadda waxa ay noqotay mid si aad ah ay dadku u buux dhaafiyeen,iyadoo gaadiidka yar yar iyo kan waa wayna ay ku sii qul qulayaan,si ay ugu shaqeeyaan dowladda oo la sheegayo in culayskeeda halkaasi la gayn doono. Waxaa si aad ah magaalada Jowhar sara ugu kacay agabka guryaha,oo dadka magaalada ku soo biirayi aad u gadanayaan,iyadoo afarta hotel ee magaalada ugu caan san hadda ay buux dhaafeen . Waxaa jira dad hantiilayaal ah oo iyaguna bilaabay dhismayaal cusub oo ay sheegeen in ay hoteello ka dhigayaan,si mas’uuliyiinta dowladda ka sokow ay u dagaan dadka kale ee imanaya magaalada ee shisheeyaha iyo soomaalidaba isugu jira. Dhinaca kale maamulka degmada Jowhar ee uu madaxda ka yahay haggaamiye kooxeedka Maxamed Cumar xabeeb Maxamed dheere ayaa aad loo adkeeyay ammaankeeda,iyadoo dhammaan waddooyinka soo gala la dhigay ciidammo aad u baaraya waxyaabaha soo galaya iyo waxa baxaya intaba. Magaalada Jowhar oo dhacda goob aad u istiraatiiji ah ayaa la filayaa in joogitaanka mas’uuliyiinta dowladdu uu sara u sii qaado dhaqdhaqaaqeeda ganacsi uuna gacan ka gaysto sii ballaarashada magaalada oo muhimmada gaar ah yeelanaysa haddii aan xubnaha dowladda loola qaybin magaalada Baydhabo oo horay loogu guul darraystay in la geeyo magaalada Baydhabo.
  23. Horn, I hope you was not offended however you seem to lose the plot at times. Like I stated earlier how does a government with no money, no capital, institutions and army change a 15 year dilema overnight??? It seesm you want results to just happen. However this government has made some good steps. Avoiding Mogadishu is and has been a great move, Mogadishu is dangerous place to govern. The wors that can happen is a pitched battle resulting in the deaths of many innocent Somali's. What would this achieve and what would some like you, Juma, Rahima and even Wind say... "Oh what did we expect from Abdullahi Yusuf". Yet Yusuf/Geedi have avoided this, they have not reacted to provocation such as what took place in Badoa. The invasion of Puntland/Ethiopia has not materialised, the government has focused on building up its strength and not meeting the demand of every warlord and rabid media. Mogadishu, Mogadishu they say and send their millitias to Hobyo, Baidoa and so on. Another point that gives me confidence is look at what Shariff Xasan/Qaynyare, Ato, Suudi and co have achieved in Xamar. What difference would Geedi/Yuusf and co have done if they like the above just rushed in? Nothing because statements, orders and interviews dont matter if you dont have the institutions and funds to exert your authority. Yet there is no rationalising or even reasoning with you. For you take a narrow point of view. Whis is Abdullahi I dont like therefore everything he does will fail. Alas thats not how the world works dear boy...