
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Roadblocks increase, where is SHARIFF, and his bosses?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dagaalka Isbaarooyinka iyo Rajo la’aanta Shacabka Muqdisho (Faallada Toddobaadka) Posted to the Web Jul 10, 20:56 Muqdisdho:-Weli, Isbaarooyinku waa kuwo ku soo kordhaya waddooyinka Muqdisho ee hareeraheeda mara, waxaa la aaminsan yahay in Isbaarooyinka badankoodu yihiin kuwo u yaalla qaab siyaasadeed oo la doonayo in lagu xagal-daaciyo siyaasadaha hoggaamiyayaasha Muqdisho ay ku doonayaan inay waddooyinka kaga banneeyaan Isbaarooyinkaas, welise waxaa dhiman nabadddii oo aan iyadu daahba laga rogin, waxaana waddooyinkii horay looga qaaday Isbaarooyinka dib ugu soo laabtay intii taallay iyo in ka badan. Dadweynuhu waxay is weydiinayaan: Sidee hoggaamiyeyaashu u xallin karaan arrintaan murugsan?,sidoo kale waxaa la isa su’aalayaa sidee hoggaamiyeyaasha Muqdisho u xallin karaan Isbaarooyinka ku soo badanaya waddooyinka iyadoo waqtigii uu ka sii dhammaanayo oo ay u hartay laba maalmood oo qura? Waxa ugu weyn ee la is-weydiinayana waa: Ma dagaal baa lagu xallin doonaa haddii Isbaarooleydu diidaan inay banneeyaan goobaha ay fadhiyaan? Intaas oo dhan waa kuwo dadka maskaxdooda ku soo laalaabanaya.Jawaab dhab ahna aan illaa hadda loo hayn, xalkuse wuxuu noqon doonaa sida looga guulaysto Isbaarooyinka. Waxaa wax lala yaabo ah in hoggaamiyeyaasha Muqdisho ay ku mashquulsan yihiin shirar wixii ka soo baxa aan lagu diirsanayn, shirkii ugu dambeeyay ee ay qabtaanna wxuuu ahaa midkii xalay ka dhacay Hotel Amiira oo ay kaga hadlayeen Isbaarooyinka iyo sidii loo qaadi lahaa oo ay qaarkood ka caroodeen, waxaana shirkii xalay ay ku dhiseen intii isugu soo hartay guddiyo ay ka mid ahaayeen guddiga Isbaaro-qaadidda oo madax looga dhigay Gen. Maxamed Nuur Galaal, taasoo dadka Muqdisho ugu ekaatay in hoggaamiyeyaashu doonayaan in Isbaarooyinka xoog lagu qaado, waayo waxaa ku tusaya arrintaas bay yiraahdeen Genenraalka Hoggaamiyaha looga dhigay guddiga Isbaaro qaaddida. Wax taxadar ah ma muuqdo, sidoo kale erayo naxariiseed ma jiri doonaan sida: Isbaarooley laga tuugayo in jidka ay ka kacaan. Arrintuna waxay u eg-tahay dagaal in looga kexeeyo goobaha ay fadhiyaan. Dadka qaar ayaa qaba in runta la arki doono marka lala dagaallamo Isbaarooleyda,waayo dadku waxay aaminsan yihiin in haddii lala dagaallamo ay carari doonaan oo ay noqonayaan dib-joogayaal aan loo naxariisan. “Waxa la doonayo in loo toog-hayana waa dhaca ay u geysan karaan dad aan waxba galabsan oo ay jidadka kula kulmaan sida inay ku soo boodaan waddooyinka ay gawaaridu isticmaasho oo ay dadka laayaan kana dhacaan waxa ay haystaan. Taasina maahan mid wiiqi karta niyadda iyo Mooralka dadka nabadda iyo hurumarka jecel, dadku waxay isticmaali doonaan haddii laga hortago Isbaarooleyda xeelad ay isaga caabiyaan haddii ay dhacdo inay soo hujuumaanâ€, ayay dadka Muqdisho iyo hareeraheed ku dhaqan sheeko ahaan isku dhaafdhaafsanayaan. Shacabku ma ahan kuwo doonaya inay arkaan Isbaarooley hami leh oo xajista goobaha ay isbaarada u taal, laakiinse waa kuwo intaas oo dhan diidan, dowladda Federaalka KMG-ka ah ee Soomaaliya ayaa iyadu ah mid geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaysa in nabad lagu soo dabbaalo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda oo ah Hooyada Mushkaladaha ka taagan dalka. Sidoo kale waxaa jira Maxkamado Islaami ah oo iyagu si weyn uga hortagay afduubka, dhaca gaadiidka, dilalkii macno darrada ahaa ee ka jiray gudaha Muqdisho, balse ma noqon maxkamadahaasi kuwo hoggaamiyeyaashu kala tashadeen sida Muqdisho ammaan loogu soo dabbaali karo. Hoggaamiyeyaasha Muqdisho oo ah kuwa inta badan ay u yaallaan Isbaarooyinka teedsan Muqdisho iyo hareeraheeda ayaa u muuqda kuwo aan doonayn in Isbaaradu meesha ka baxdo, waayo dhowr jeer oo hore oo ay shireen waxaa keliya ee ay isku mari waayeen waa qaadidda Isbaarooyinka, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa hadalkii Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow ee ahaa: “Isbaaradu waxay ku jirtaa kaalintii canshuuraadka dalka, dhallinyaraduna waxay dadka iyo baaruurta ka qaadaan waa wax aan ka badnayn cashuuraadkii dadka laga qaadi jirayâ€. Hadalkaan iyo hadallo kale oo badan ayaa waxay u taagan yihiin in hoggaamiyeyaasha Muqdisho aysan marnaba doonayn in Isbaarooyinka la qaado; xaalkuna wuxuu u ekaanayaa sidii maahmaahdii Soomaaliyeed ee oranaysay: “Sac ninkiisii saynta uga taagan yahay lama istaajin karo†, sidoo kale waxaa tusaale loo soo qaadan karaa hadalkii Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax ee ahaa: “Isbaaro hebel waxay u taallaa Malleeshiyo ku hayb ah wasiirka amniga, Isbaaro hebelna waxay u taalaa maleeshiyo ku hayb ah wasiir hebel, iyadana ha la sheego Isbaarooyinka u yaalla Cali Maxamed Geeddi iyo kuwa la mid ah†hadalkaanna waa mid aasaas labaad u ah in aan Isbaarooyinka la qaadin. Xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho waxay quus ka taagan yihiin hoggaamiyeyaasha Muqdisho iyagoo sheegay in Wasiirrada Muqdisho ay isbaaradu u taallo sidoo kalena ay iyagu ku soo raaceen hadafkoodii ahaa inay Isbaarooyinka qaadayaan, taasise waa mid meesha ka baxaysa oo aan muuqan. Intaa waxaa dheer inay iyagu yihiin kuwo ka cambaaraysan xagga dowladda oo u muuqda inay dowladda mucaarad ku yihiin halkanna aan waxba ku haysan, waa sida ay hadalka u yiraahdeenne. Dhanka kale, Soomaaliya waxaa ku soo qulqulaya xubno ka socda beesha caalamka,iyagoo doonaya inay wax uun ka ogaadaan waxqabadkii muddada 3-da bilood ah ee ay hoggaamiyeyaasha Muqdisho u qabsadeen inay magaalada caasimadda ah ku nabadeynayaan,sidoo kale waxaa imaanaya Muqdisho xubno ka socda UN-ka kuwaasoo dhankooda ka koontaroolaya sida nabadgalyo ku soo dabbaaladii Muqdisho u socoto, waxaa sidii kale dhawaan yimid xubno South African ah oo ka socday ururka Midowga Afrika kuwaasoo indho-indheyn xoog leh ku sameeyey shaqooyinka ay hoggaamiyeyaasha Muqdisho ka wadaan Caasimadda, waxay kaloo booqdeen magaalada Jowhar oo ay dowladdu deggen tahay si ay iyana u ogaadan nabadda ka jirta goobaha ay dowladdu deggen tahay, iyagoo warbixin u gudbin doona xoghayaha guud ee Ururka Midowga Afrika si looga xaajoodo in ciidammo shisheeye ah Soomaaliya la geeyo iyo in kale. Isku soo wada duuboo odayaasha dhaqanka iyo Cuqaasha reer Muqdisho waxay xoogga saarayaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen wasiirrada dowladda ka tirsan ee horay u dhigtay Isbaarooyinka maanta lala lagdamayo sidii qorshihii saddexda bilood looga dhabeyn lahaa maadaama ay ka harsan tahay laba maalmood xilligii ay qabsadeen. Reer Muqdisho waxay isla dhex marayaan oraahda ah: “Waqtigii wuu dhammaaday;rajaduna waa mid mugdi dhex muquuranaysaâ€. Waxaa isku duway: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile) Puntlandpost,Moqdisho,Soomaaliya -
Gudoomiyaha Baarlamanka oo ku hanjabay inuu isaga dhexbixi doono haddii xubnaha labada gole ee Muqdisho ,ay Todobaadka fooda inagu soo haya ay qaadi waayaan Isbaarooyinka Posted to the Web Jul 10, 20:29 Muqdisho:- Gudoomiyaha Golaha Baarlamanka FKMG-ka ee Soomaaliya Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa ku hanjabay inuu isaga dhexbixi doono xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Muqdisho haddii ay todobaadka soo socda ay qaadi waayaan gabi ahaanba Isbaarooyinka teedsan gudaha magaalada Muqdisho iyo wadooyinka soo gala. Warkan oo aynu kasoo xiganay ilo lagu kalsoonyahay oo ku dhowdhow xogheynta Gudoomiyaha baarlamanka ayaan si toos ah u sheegin meesha uu Gudoomiyuhu beegsanayo haddii ay Xubnaha Muqdisho Jooga gaar ahaan Wasiirada hubeysan ay ka dhabeen waayaan balanqaadkoodii ahaa inay gabi ahaanba Isdbaarooyinka ka ciribtirayaan G/banaadir iyo hareerihiisa. Gudoomiyaha Golaha Baarlamnka FKMG-ka ee Soomaaliya Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa wararka qaar waxaa ay ubadinayaan inuu beegsanayo islamarkaana uu ku biirayo xubnaha ku sugan magaalada Jowhar ee ku fikirka ah Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo R/wasaare Geeddi. Dhinaca kale xalay ayaa waxaa kulankii ugu dheeree oo ay yeeshaan xubnaha ku sugan Muqdisho waxaa uu ka dhacay Hotel Amiira waxaana si weyn loogu falanqeynayey kulankaasi oo ay albaabada u xirnaayeen arrimaha Isbaaro qaadista. Kulankaasi markii uusoo gabagaboobay ka dib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo sheegay waxyaabihii kulankaasi kasoo baxay in ayka mid ahaayeen, in kulan joogta ah ay yeeshaan xubnaha labada gole gaar ahaan hogaamiyaasha hubeysan ee ay Isbaarooyinka u yaalaan.kulankaasoo oo ka dhacaya maalmaha Axadda Isniinta iyo Talaadadaba isla hotelka Amiira. Waxaa uuna Cumar Xaashi intaa ku daray in lagu balamay in maalinta Talaadada ah kulanka ay yeelanayaa Baarlamanka ee ka dhacaya xarunta Xisbiga lagu sheegi doono xiliga la qaadayo Isbaarooyinka .Waxaa kaloo uu carabka uu ku dhuftay ciddi diida in Isbaarooyinka la qaado loo adeegsan doono Awood Militery,iyadoo haatanba la diyaariyey ciidamo Military ah oo madax looga dhigay Janaraal Maxamed Nuur Galaal. Kulankii xalay ayaa waxaa ka xanaaqay oo banaanka uga soo baxcay xubno ay ka mid ahaayeen Cismaan Caato iyo Maxamed Jaamac Furux,inkastoo markii Dambe Cismaan caato dib loogusoo celiyey kulanka. Hadaba waxaa laga dhursugayaa hogaamiyaasha hubeysan ee Muqdisho inay ka dhabeeyaan in ay todobaadka soo socda gabi ahaamba ka tirtiraan Isbaarooyinka G/banaadir iyo hareerihiisa,inkastoo dadka qaarkii ay qabaan in aysan taasi marnaba dhici doonin,iyagoo kuu sheegaya in ay noqoneyso sida kuwii horey loo qaaday oo ka dibna lasoo dib loogu soo celiyey. Dhinac kastoo loo dhigaba Waa meesheedii,kulanadii 3dii bilood ee la soo dhaafay ee looga hadlayey Isbaaro qaadida ay had jeer ku balan qaadi jireen hogaamiyeyaasha hubaysan ee Muqdisho ayaan waxba ka hirgelin.Waxaana la soo gaaray Asbuucii ugu danbeeyey Balantii ay ku qaadeen hogaamiyeyaasha hubaysani inay hubka kaga nadiifinayaan Magaalada Muqdisho mudo kusiman 3 bilood. Jawaabta lasugayaa ayaa waxay tahay Sheekadu ma waxay u dhacaysaa aragtida Siyaasadeed ee ay qabaan Madaxweyne C/laahi iyo Prof.Geedi iyo qolooyinka taageersan ee dowladooda oo aaminsan inaysan waxba ka jirin,go'aanada hogaamiyeyaasha hubaysan ee Muqdisho,ee ay tahay sheekadoodu oo kaliya mid lagu jahawareerinayo ummadda Soomaaliyeed,Muqdishona aysan ku soo dabaali karin waji Nabadeed maadaama horay looga waayey. Mise waxay noqondoonaan Hogaamiyeyaasa Muqdisho kuwo garawsada Masiirka ummada oo ka dhabeeya Balantii ay la galeen Safiirada Shisheeye iyo qolooyinka daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay ugu warameen inay 3 bilood gudahood ku nadiifinayaan Magaalada Muqdisho,dowladuna ay ku shaqeyn karto magaalada Muqdisho mudadaa kadib. Hadaba waxaa laga warsugayaa Waqtigii qabsadeen ee 3 bilood ahaa oo ku eg Asbuucan gudahiisa iyo meesha uu maro. C/risaaq C/laahi Maxamed (indhajaceyl) Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan
-
Trouble in galkacyo while the president is there?
General Duke replied to Nomadic Activist's topic in Politics
^^^ lol. I know who the boy/man is and thats no problem, he can like a man or clan or region and he has the right to hate. But a word of advice dont lie to yourself son. -
Trouble in galkacyo while the president is there?
General Duke replied to Nomadic Activist's topic in Politics
^^^ You must be joking..It seems the supposed child is running around headless.. Chill no such thing happened in Galkacyu. The PM and his large nevoy went to Galkacyu, met the President had a long closed door meeting then flew back to the new capital. Now thats what happened in the capital of Mudug Puntland state.. -
Dear Johny be good... I dont create the news. Is there war in Puntland? Is there friction between Cade and Yey? Evidently no. So your argument or rebutle is no good. Yey leadership has created the state of Puntland and has won a landmar election... So Qaynyare is in trouble, Musa is alos facing war in Madina, what have you to say about your leaders
-
President, PM and Mr Dheere all in Galkacyu
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Gaalkacyo: Raysulwasaaraha Soomaaliya prof: Geeddi ayaa galabta shir jaraa'id ku qabtay Gaalkacyo - Saturday, July 09, 2005 at 17:01 Gaalkacyo(AllPuntland)-Raysulwasaaraha DFKGS Mud: Cali Maxamed Geeddi ayaa galabta shir jaraa'id ku qabtay Hoteelka uu ka daggan yahay magaalada Gaalkacyo. Saxafiyiinta kala duwan ee gobolka ayaa su'aalo waydiisay Raysulwasaare Geeddi waxaana ugu horayn la waydiiyay inuu faah faahin ka bixiyo safarka uu ku yimid Gaalkacyo , waxaana uu ku jawaabay in magaalada Gaalkacyo uu u yimid wada tashi uu la yeelanayo madaxwaynaha DFKGS Mud: C/laahi Yuusuf oo haatan kusugan Gaalkacyo. Waxaa wax laga waydiiyay oo kale halka ay marayaan hawlihii dawladda , wuxuu sheegay in dawladda hawleheedii bartanka looga jiro , isla markaana qorshuhu yahay in dawladda ay hirgaliso maamulladii degmooyinka iyo kuwii gobollada. Arimo la xiriira Ciidamada shisheeye ee dalka Imaanaya ayaa wax laga waydiiyay , wuxuun sheegay in Afrika iyo beesha Caalamkuba ay raalli katahay in Ciidamo nabad ilaalin ah ay tagaan Soomaaliya , shirkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Sirta ayna isugu yimaadeen madaxda Afrikana arintaasi lagu soo dhaweeyay. Kalsoonida uu dawladiisa kuqabo inay noqoto mid hirgasha ayaa wax laga waydiiyay , wuxuuna sheegay in dawladdiisa shacabka Soomaaliyeed oo dhan ay taageereen , dawladduna haddii ay haysato taageerada Shacabkeeda ay hawlo badan qaban doonto. Wuxuu kaloo ka hadlay in la samayn doono ciidan xooggan oo dalku yeesho , kuwaasoo dhammaan beelaha Soomaaliyeed laga qori doono, Ciidan la'aan ayuu sheegay inaysan dawladdu shaqayn karin. Waxaa uu sheegay Raysulwasaare Geeddi marka uu u dhammaado wada tashiga uu la leeyahay madaxwaynaha Soomaaliya inuu dib ugu laaban doono magaalada Jowhar. CCC Farayaamo AllPuntland -
President, PM and Mr Dheere all in Galkacyu
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Cali Maxamed Geedi & Maxamed Dheere oo galabta ka degay Magaalada Galkacyo Galkacyo-09.July.2005 Ra’isalwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi ayaa 3-dii galabinimo ee maanta wuxuu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe ahna lataliyaha xaga amaanka ee madaxweynaha DFKMGah ee Soomaaliya. Ra’isalwasaare Geedi iyo xubnaha la socda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Galkacyto ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka iyo xubno ka mid ah golayaasha DFKMG ah oo ku sugan gobolka. Cali Maxamed Geedi oo isla galabta Hotel-ka uu degan yahay saxaafada kula hadley ayaa ku macneeyey safarkiisa magaalada Galkacyo la tashi ay yeelanayaan Madaxweynaah DFKMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed, taashigaas ayuu sheegay Prof.Geedi in uu ku aadan yahay hawlaha xukuumada ee laga wado dalka. Ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi wuxuu sheegay in haatan xukuumadu ay wado hawlo kala duwan oo ku aadan hirgalinta dawlada, isla markaana ay qorshaha haatan ku jirto in la dhiso golayaasha maamulka ee gobolada dalka, waxaa kale oo uu sheegay inay wadaan qorshaha dib loogu dhisayo ciidamadii xooga dalka ee Soomaaliya taasi oo sabab u ah inaysan xukuumadu shaqeyn Karin hadii aan la dhisin ciidamada qaranka. Prof.Geedi oo la waydiyey arimo ku aadan Ciidamada shisheeye ee dalka Imaanaya ayuu wuxuu sheegay in beesha Caalamka gaar ahaan Afrika ay go’aansatey raalina ay ka tahay in ciidamo nabad ilaalineed ay yimaadaan dalka, iyadoo shirkii ugu dambeeyey ee ka dhacey magaalada Sirta ee wadanka Liibiya amuurtaas si weyn loo soo dhaweeyey. Ugu dambeyntii wuxuu sheegay Cali Maxamed Geedi in marka ay u dhamaadaan kulamada la tashiga ah ee uu la leeyahay Madaxweynaha in uu dib ugu laaban doono magaalada Jawhar. Saadaq Cabdi-Guumbe SBC Galkacyo. -
R/wasaare Cali M.Geedi iyo Maxamed dheere oo gaaray M.Gaalkacyo Posted to the Web Jul 09, 16:27 Gaalkacyo:-Wafdigii uu hogaaminayayey Prof.Cali M.Geedi oo uu kamid yahay Guddoomiyaha gobolka Shabeelada Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb ayaa goor dhow ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo. Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa camiray dadweyne oo aad u fara badan iyo masuuliyiin sarsare ee ka tirsan Maamul goboleedka PL ,halkaas oo markii danbe loo gudbiyey Wafdiga R/wasaaraha Hotel Taar oo ah Hoteelada ugu casrisan deegaanada Puntland. R/wasaare Geedi ayaa markii labaad ay u tahay tegida Magaalada Gaalkacyo,halka Maxamed Cumar Xabeeb uu deegaanada Puntland uu ka gaaray oo kaliya intii ay dagaalada Sokeeye socdeen Wadanka Soomaaliya Magaalada Caasimada ah ee Garoowe dhamaadkii sanadkii 1999kii halkaas oo uu casumaad uu ugu fidiyey Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo waqtigaa ahaa hogaamiyaha Deegaanada Puntland. Galabta ayaa lagu wadaa inay Fadhi degdega ay yeeshaan Wafdiga R/wasaaraha iyo Madaxweynaha DFKS oo magaalada Gaalkacyo soo gaaray Maalintii shalay,halkaas oo ay iskula lafa guridoonaan Arrimo Siyaasadeed oo aan la shaacin. Puntlandpost.com
-
what do these warlords control, last week it was Qaynyare and the episode in Dayniile area. Now its Musa Sudi and Madina. What is the power of these men if they cannot bring normality to their areas of influance? And what happened to the Shariff and the MP's and their 5 month long effort of bringing peace and removing roadblocks within Mogadishu? ................................................................ Dagaal Saakay Xaafada Madiina ee Magaalada Muqdsho Markale Ka Qarxay E-MAIL THIS PRINT THIS Liibaan Cali Muqdisho Dadka ku dhaqan degmada Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa saaka mar kale ku waabariistay daryanka rasaasta ay is waydaarsanayaan labo maleeshiyo beeleed oo shalay ku diriray deegaanno ka tirsan degmada Madiina. Dagaal ayaa saaka saacadihii hore ka dhex bilowday labada maleeshiyo beeleed oo shalay uu dagaal dhexmaray,kasoo saacabdo badan socday sababayna geerida ugu yaraan 2 qof iyo dhaawaca kuwo kale oo rayid u badnaa Dagaalka ayaa saaka dib u bilowday ka dib markii ay guul darro ku dhammaadeen dadaallo colaad joojineed oo markii horeba gaabis ahaa oo ay wadeen wax garad ka tirsan maleeshiyada labada beelood ee dirirtu dhexmartay oo dagaalkoodu muddo dheer soo laalaabanayay. Dadka ku dhaqan xaafadaha Suuqboocle, Dabakaayo madoow iyo degaanno kale oo ka wada tirsan degmada Madiina ayaa bilaabay in ay qaxaan oo ay gaaraan deegaanno ka fog halka lagu hardamayo. Labada beelood oo shalay ilaa saaka isu hub urursanayay ayaanay muuqan in dagaalkoodu si sahlan ku dhammaanayo iyadoo xitaa la sheegayo in siyaasiyiinta qaar dagaalka ku lugyeesheen. Toddobaadkii hore ayay labada beelood oo dagaalkoodu ku salaysanyahay dadyow la kala dilay iskaga hor yimaadeen dagaal muddo kooban socday oo ugu yaraantii labo qofi ay ku geeryoodeen waxaana dagaalkaasi uu iskii u joogsaday markii lagu guul darraystay in la kala dhex galo.
-
^^^ Thats quite scary and disturbing... Get some help brother
-
Somali government news...Gedo, Xuddur, Lower Upper Juba
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ Thats the thing we where told that the minister and MP's mentioned where anti goevernment, now thats been blown away whats next?? The myht is vanashing by the day.. -
^^^ How can you stick to falsehood? Anyhow its good that those gainst the government are starting to belive their own lies. Thats a sure sign of their demise...
-
every two days something triggers war fears. Going to Jowhar triggered war fears the election 9 months ago trigered war fears. It seems some want to keep us in this cycle of fearing war. We have nothing to fear but fear itself...
-
^^^ What you might say son, all I know is when Qaynyare gets mentioned you coem out of hibernation. If that is what you do for small men imagine what happens when a big man is around. As I said this is news, its getting hot in hells kitchen enjoy...
-
Somali government news...Gedo, Xuddur, Lower Upper Juba
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Pacification of Gedo is good but my point and as the headlines report it, memebers of the TFG and locla elders where visiting the regions, some came by road through Kenya to Lower Juba, they include MP's and a minister. the froup in GEDO as pointed out above include ministers and MP's who just relocated from Nairobi. Pacification, disaramanet , recruitment and even speaking to local people is government business. Liqiye, what about Zakaria, Ali Bashi[ardent anti Yusuf] in Kismayu stating the fact that the Mogadishu group have failed? Also what about Hiiraales support and endorsment of the Police chief who is also in kismayu? Remember Qaynyare & Tool Sharif named their own Police chief and stated they would not work with anyone else.. Or do people suffer from short memory loss.. -
^^^ Even when you have been found out, you have the audacity to make further silly comments like that... The whole story was a Dayniile.com fabrication, but alas you believed it and pasted it here..
-
^^^ Yep maybe tahst far feched but what about the oppistion. They are still looking to hold a parlimenetery session in Xamar. Still looking to remove the roadblocks they moved yesterday. They have failed to open the port yet they want to fight Ethiopia, Italy and Yemen at the same time. They have lost Kismayu and gained Morgan on his own. They are in cloud cucko land and soon will be confronted by the very people who they hide behind.
-
^^^ Horn, me and you have never agreed on Hiiraale in the past and the actions of the JVA, however I must comment his actions of late. I kid you not on this.
-
Somali government news...Gedo, Xuddur, Lower Upper Juba
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xubna ka tirsan dowladda fedraaliga Soomaaliya oo gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. July 05, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Hanad Cali Guuleed “Baardheere†Xubna ka tirsan dowladda fedraaliga Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Xubnahan xildhibaanada ah ayaa waxaa horkacayey xildhibaan Xasan Dirac oo socdaalo nabadeed ku soo maray qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Gedo. Ujeedada socdaalka xildhibaanada ayaa waxa ay tahay ka soo guurida dowladda Soomaaliya gudaha dalka Kenya. Xildhibaan Xasan Dirac ayaa waxa uu kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Garbahaarey. Sidoo kale xildhibaan Xasan Dirac ayaa kulan la yeeshay maamulka Garbahaarey oo uu ka mid yahay Gaarane Nuur Maxamed oo ay ka wada hadleen xoojinta nabadda iyo ka qeyb qaadashada howlaha la xiriira sidii dowladda loo soo dhaweyn lahaa. Sidoo kale wasiirka hantida iyo qalabeynta dowladda Maxamud Sayid Aadan ayaa isagana soo gaaray magaalada Garbahaarey kaddib markii uu socdaal ku soo maray Dowlo Itoobiya balse lama sheegin socdaalkiisa Dowlo Itoobiya iyadoo la isweydiinayo in xiligan socdaal uu ku soo maro halkaas. Xildhibaanada soo gaaray magaalada Garbahaarey ayaa waxaa ka mid ah Maxamud Indha Geele, Xasan Caddaawe, Sharma’arke Xaaji, iyo C/raxmaan Diiriye. -
Wafti DKM Ka Socda oo Gaaray Degmada Afmadow ee Gobalka J/Hoose. Liibaan Cabdi Cali, Muqdisho Shalay qorax dhicii waxaa degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose soo gaaray wafdi ka socda dowladda KMG ah ee somalia iyagoo safar dhulka ah oo ay Nairobi kaga soo bexeen ku soo maray gobollo iyo degmooyin dhowr ah oo ku yaalla koofurta somalia. Wafdigan oo uu hor kacayo wasiirka warshadaha xukuumadda federaalka kmg ah ee somalia Maxamed Cabdi Tarax ayaa ka kooban dhowr xubnood,waxa ayna soo mareen degmooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin Badhaadhe,Dhoobley iyo kuwo kale,halkaasi oo ay dadka deegaanka kula hadlayeen marka ay tuulo ama degmo tagaan. Wasiirka ayaa dadka degmada Afmadow oo uu khudbad u jeediyay u sheegay in ay dhowr maalmood joogi doonaan ayna dadka sharaxaad buuxda ka siin doonaan siyaasadda dowladda ee ku wajahan gobollada iyo sida ay dowladdu u danaynayso in gobol iyo degmo kasta oo dalka ka mid ahi uu yeesho is maamul u gaar ah. waa wafdigii ugu horeeyay ee ka tirsan dowladda kmg ah ee somalia oo isagoo dhulka adeegsanaya safar kaga yimaadda dalka Kenya soona gala safar dhererkaasi le eg.
-
Latest government moves...Libya, Puntland, Kismayu , Jowhar
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Liqiye, can you touch that line up? Oh I guess the dudes who control the only working port in Mog, i.e. Cadani, Raage, Enow and BANADIR co dont have much weight. Xuseen Aydeed clan is well known to many from Xamar. Thats heavy wepons if I might ask. You ahve not seen nothing yet.. -
I like Liqya, when ever Qaynyare gets mentioned he reemerges from the dark. Welcome back old man. Any how, Qaynyare came of bad in this, he has been quite past couple of days since the incident. He has not even said it did not happen which shows there is no smoke without fire. Also what happened to the demonstration that was called by tool Sharif and his boss in dayniile. The one against the Itataly, Yemen and the old enemy Ethiopia? What happened is the people of Mogadishu said enough of the lies and the demonstration has been hastly called off.. Its getting hot in hells kitchen...
-
Its more lkely there will be some skirmishes but within groups or clan factions. For example things are shifting, an example of this was yesterdays skirmish in Dayniile where Qaynyares authority was challanged by his own kinsmen. Musa Sudi is in trouble with his supporters and from his clan. Morgan in Mogadishu and Hiiraale playing deaf to the demands of factions leaders. The conclusion there is no united faction, clan and therefore no real chance of a big clan based war.
-
Faah Faahin Dagaalkii Galabta ka Qarxay Degmada Dayniile ee u Dhexeeyay Wasiirka Amniga Qaranka iyo rag isla Beeshiisa ah oo ka soo horjeeda Dhaq Dhaqaaqiisa. Posted by : webmaster on Sunday, July 03, 2005 - 09:20 AM Warar Faah faahsan oo naga soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan, in Dagaalkii galabta ka Qaraxay Degmada Dayniile uu joogsaday galabta Makhribkii goor casar gaabada ah, taasoo caado u ah Dagaalada xamar iyo nawaaxigeeda ka dhaca. Dagaalkaan ayaa waxaa lagu soo Waramayaa in Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare looga Gubay 2 Ticknico ah halka ay ku dhaawacmeen ilaa 6 qof, Dhimashadana waxaa lagu sheegay 3, ay laba taageersanaayeen Wasiirka Amniga Qaranka. Wararku waxa ay intaas ku darayaan in Dagaalka uu ku jiray Gudoomiye ku xigeenka Gobolka dhinaca dib u dhiska Mudane Xaashi Dhabareey iyo Ganacsade lagu magacaabo Maxamed Maxamuud. Waxaa la sheegayaa in Kacdoonkaan, iyo Dagaalkaan ka dhanka ah Wasiirka Amniga Qaranka uu ayaamahanba Abaabulkiisu socday, iyadoo ay Bulshada ku dhaqan Degmada Dayniile oo ay horkacayaan Saraakiishii hore ee Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed iyo Ganacsadayaal ay iskuhayb yihiin Wasiirka Amniga Qaranka, waxayna si aad ah uga soo horjeedaan Dhaq dhaqaaqa uu wado Maxamed Qanyare ee Mucaaradnimada ah. Wararku waxay intaas ku darayaan in Qanyare uu xaruntiisii kaguuray oo uu hada ku sugan yahay Guri ku yaala Lambar Afar, iyadoo ay la socdaan Maleeshiyaad waardiyaynaysa. Wariye Saadaam Muqdisho Idamaale News