
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
^^^ lol@Gediid. As for Juma what do you belive in, Abdiqasin failed, the performance of the "chosen" tool Sharif Xasan has been some what disapointing. The government has control of towns the opposition are trying to control some roadblocks. Give it up old cous or are you the ones who dies in denial?
-
^^^ 40% of Somalia i.e. PUNTLAND Jowhar Xauddur capital of Bakool region Beledweyne capital of Hiiraan region Baidoa already welcomed him Kismayu is next So add that all up gives you at least more than 51% of the country and what some call a majority.. What of the Xaji and Sharif how many places have they gone to? Not to mention uncle Osman who was deported from Somaliland..
-
Governemnt is working. The only thing in Somalia hat makes sense is the TFG. Somaliland is stil dreaming of Geldof and recognition.. The Mogadishu warlords are trying to safe face when its way too late. Jowhar is booming, Beledweyne is on board, Kismayu is moving towards the centre. What about the opposition, tool Sharif knows not what to do, he is unable to leave Xamar, Qaynyare is quite, Musa has done a deal. The cheerleaders are rattled, should Jowhar be in flames by now? The TNG has the people on board even dayniile.com gave it a 6 goals to Xamars 5..
-
It just show how weak these so called men are. Abdiqasin "President" could not remove a single raodblock or open the sea and airport. The strong warlords are unable to travel to parts of their city. There is no reason to take these people seriously, they control only the few battle wagons and the fear inside the average Xamar inhabitant..
-
The battle that never was..... the media promotion of the new WAR?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
incident : Ceel Gaal Duleedka Magaalada Baledweyne names: Cali Dhuux injuries: dhimasho iyo dhaawac loogu Geystay www.hobyonet.com Maleeshiyo Reer Puntland ah oo dhimasho iyo dhaawac loogu Geystay Tuulada Ceel Gaal Duleedka Magaalada Baledweyne. Hobyonet.Muqdisho.Khamiis, July 28, 2005. Hub iyo gaadiidka dagaalka oo laga Furtay Ciidamada Puntland. Warar Goor dhaw naga soo gaaray magaalada B/weyne ee Gobolka Hiraan ayaa waxa ay sheegaan in Iska hor imaad hubaysan uu maanta ku dhex maray Tuulada Ceel-Gaal maleeshiyo Reer Puntland ah iyo Ciidamada maamulka Gobolka Hiiraan ee ka Amar qaata maamulka Cusub ee dhawaan halkaasi looga dhawaaqay. Iska hor imaadka ka dhacay Ceel-Gaal ayaa lagu soo waramayaa in uu sababay dhimashada Halka maleeshiyo ah iyo dhaawaca tiro kale iyadoo laga furtay Ciidamada Puntland gaari Kuwa dagaalka ah iyo Hub isugu jira kuwa Fududu iyo qoryaha dagaalka ee daran dooriga u dhaca sida ay xaqiijiyeen dadka Degaanka oo la hadlayay saxaafada badaxa banaan ee Magaalada muqdisho. Gudoomiyaha Cusub ee maamulka dhawaan looga dhawaaqay Cali Dhuux ayaa xaqiijiyay uu dagaalkaasi ka dhacay Tuulada Ceel-Gaal oo dhawr iyo tobon Km u jirta magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Maleeshiyadda reer Puntland ayaa todobaadkii hore la dajiyay Xero Ciidan oo ku taala Duleedka magaaladda baledweyne iyaga oo ka soo tagay Degaanka Feer-feer oo ay in mudo ah ku soo qaadanayeen tababr dhinaca Ciidanka ah. Maamulka iyo Hogaamiyaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa horey digniino ugu jeediyay saraakiisha maleeshiyada Puntland in ay ka baxaan Gobolka oo ay dib ugu noqdaan halkii ay ka yimaadeen taasoo ay muuqato in ay ka dhaga adegeen. Colaad Muqdisho -
The battle that never was..... the media promotion of the new WAR?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Places: Ceel-gaal Names : C/laahi Cabdi Cali Koofi C/kariim Faarax Laqanyo Injuries: la ogyahay ku dhaawacmay hal nin www.goobjoog.net Dagaal ku Dhexmaray Ceel-gaal Ciidamo ka Yimid Puntiland iyo Kuwo reer Hiiraan. E-MAIL THIS PRINT THIS Liibaan Cabdi Cali, Muqdisho maleyshiyo hubaysan Dagaal muddo gaaban socday ayaa maanta deegaanka ceel gaal oo dhowr iyo toban km dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dhex maray ciidammo taabacsan maamulka gobolka Hiiraan kuwo kale oo ka yimid dhinaca puntland oo dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay lagu dhurayay deegaanno ku yaalla xadka ay wadaagaan soomaaliya iyo Ethiopia. Dagaalkaasi oo muddo gaaban socday intii uu socdayna la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayay wararku sheegayaan in uu bilowday ka dib markii maleeshiyooyin reer Hiiraan ahi ay rasaas huwiyeen gaari ay wateen ciidammada reer Puntland. Waxaa dagaalkaasi ilaa haatan inta la ogyahay ku dhaawacmay hal nin halka gaari ay wateen maleeshiyooyinka Puntland ka yimidna shaagaggii(tayaradii) laga qarxiyey. Si rasmi ah looma oga waxa uu ku salaysan yahay dagaalkaasi oo haatan u muuqanaya mid shiiqay iyadoo odayaal iyo wax garad gobolka ku sugani ay u istaageen daminta xiisaddaasi. waxaa horay loo ogaa in C/laahi Cabdi Cali Koofi oo ahaa ku simaha guddoomiyihii geeryooday ee goboka Hiiraan Col.Xasan Cabdulle Qalaad uu horay u diiday in ciidammo Puntland ka socda ay soo maraan gobolka ama ay magaalada Baladwayne fariisin ka dhigtaan sidaasi oo uu u ololaynayay C/kariim Faarax Laqanyo oo dhawaan magaalada Baladwayne kaga dhawaaqay maamul uu u bixiyay Middland,isagoo walibana magaalada Baladwayne ka furtay Radio lagu magacaabo Darban oo isaga magiciisa ku hadasha. -
A remarkable story, which is reported in 4 different ways.. In one case there is a battle, it lasts for hours and there is no deaths. then aother there is an injure, another report there is many deaths and yet another there is kidnaping... :confused: Case of the kid who cries wolf... Place: halka loo yaqaano Kalabeer Names: Taliyaha Ciidamada Xoogga injuries: 7 Ruux oo dagaalkaas lagu soo qabtay, www.hobyonet.com Iska Hor imaad Dhex Maray Ciidamo ka yimid Puntland iyo Maleeshiyooyin ka soo jeeda Gobolka Hiiraan. Iska hor imaad hubeysan ayaa dhex maray Ciidamo ka soo jeeda Puntland oo ku sugnaa Magaalada Feerfeer iyo Maleeshiyo ka tirsan Gobolka Hiiraan, kuwaas oo sida la sheegay diidan inay Ciidamada Puntland u soo gudbaan dhinaca iyo Gobolka Shabeelaha Dhexe oo hadda ku sugan yhaya madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed. Dagaalkan oo muddo saacado ah socday ayaa markii dambe sida ay xaqiijiyeen dad jooga magaalada B/weyne waxaa Ciidamada Puntland laga qabsaday Baabuur yar balse aan dul saaranayn qoriyaha waa weyn, isla markaana ay la socdeen 7 Ruux oo dagaalkaas lagu soo qabtay, baabuurkii iyo ciidankii la soo qabtay ayaa la keenay magaalada B/weyne. Dagaalkan ayaa waxaa uu dhacay kadib markii Ciidamada Puntland ay damaceen inay u soo gudbaan magaalada Jowhar, wuxuuna dagaalka ka dhacay halka loo yaqaano Kalabeer oo u dhaw deegaanka Feerfeer. Magaalada B/weyne ayaa laga dareemay Colaada ka jirta xuduudka Hiiraan ee dhinaca Feerfeer, iyadoo duhurnimadii manta la arkayay Maleeshiyo cusub oo ku sii jeeda deegaanka Kalabeer. Xaalada Gobolka Hiiraan ayaa kacsan sida ay sheegayan dad jooga magaalada B/weyne, waxaana socda Xiisads Colaadeed oo u dhaxeysa Maleeshiyada Madaxweynaha Dowladda Federaalka soomaaliya iyo maleeshiyada Reer Hiiraan. Xaaladda jirta darted ayaa keentay in Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka soomaaliya isaga soo cararo magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,isagoo ku soo jeeda magaalada Jowhar oo inta badan madaxda Dowladda Federaalka ku sugan tahay. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho, Soomaaliya Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
-
Indeed a battle between USC and Puntland took place on the net. Another desperate fabrication...
-
The speech of the President of Somalia in JOWHAR
-
Jowhar:Madaxwaynaha iyo Raysulwasaaraha Soomaaliya oo galabta ka qaygalay cayaar dhex martay gobollada Banaadir iyo Shabeellada dhexe. - Wednesday, July 27, 2005 at 17:54 Jowhar(AllPuntland)- Stadiumka kubadda cagta magaalada Jowhar waxaa galabta ka dhacday cayaar xiiso badan xambaarsanayd oo dhex martay wiilasha gobolka Banaadir iyo kuwa gobolka Shabeellada dhexe. Cayaartan ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed , raysulwasaaraha Prof Cali Maxamed Geeddi , guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka Prof Maxamed Cumar Dalxa , guddoomiyahaha gobolka Banaadir iyo sidoo kale daawadayaal aad u badan. Cayaartan oo kusoo gabo gabowday Labo gool oo ay latimid kooxda gobolka Banaadir iyo hal gool oo ay latimid kooxda Shabeellada dhexe ayaa waxaa hadal gaaban u jeediyay dadwaynihii kasoo qaybgalay madaxwaynaha iyo raysulwasaaraha. Prof: Cali Maxamed Geeddi oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay in loo baahanyahay in la tayaysiiyo Sportiga dalka Soomaaliya , loona baahanyahay in cayaarahan oo kale mar walba la qabto. Madaxwayne C/laahi Yuusuf ayaa hadal gaaban u jeediyay daawadayaashii cayaartan , wuxuun xusay in arimaha ammaanka ay fursad u tahay cayaarahan la qabanayo oo dadku ay is dhex galayaan. Madaxwaynuhu wuxuu sheegay in dawladdu ay bartanka uga jirto hawlihii ay bulshada u qaban lahayd ee ay kamid ahayd sugidda ammaanka. Ugu danbayn madaxwaynuhu wuxuu billad sharafyo kala duwan guddoonsiiyay cayaar yahannadii kasocday gobolka Bannaadir oo cayaartan ku guulaystay. CCC Farayaamo AllPuntland
-
Dayniile: Barre Hiiraale oo markab hub ah la soo dagaya
General Duke replied to Jacpher's topic in Politics
I guss Qaynyare is not sleeping well.. Now Hiiraale is getting wepons, I guess he never had some before :rolleyes: -
^^^ Indeed.. However it can be said that there is hope, even for you..
-
President Yusuf arrives in the interim capital of Jowhar
General Duke replied to Major-General Cawad's topic in Politics
lol, two Generals representing the new Somali nation at your service... Keep them coming Major General Cawad.... Negative activist at least comment on the article, dont get metional now.. What do you think of Jowhar, the fact that most Ministers and MP's are there, that the President got another huge welcome???? -
Walaal, your opinion is yours. I dont much agree witht your analysis, however only time will tell. We can all make prediction..
-
the tragedy continues, may allah ease the suffering of our people everywhere...
-
^^^ Let me address few points. I agree with the analysis of the brother above, yes it will come down to politics and not "the mother of all battles". Qudac, boy always shoot yourself in the foot, H.E is in Jowhar as I type this, thus he ventured 500 KM from his clan region and is less than 50 miles from Mogadishu.. As for the second person, I repeat with the grace of the almmighty for I belive in Allah my nation will stand tall once again...
-
Madaxweyne Yuusuf oo cagaha soo dhigay garoonka magaalada Jowhar iyo masúuliyiinta labada gole ee garabka guddoomiye Shariif oo isu diyaarinaya in ay weeraraan Jowhar. Ruunkinet 26/07/05 Madaxweynaha Soomaaliya Col. Cabdullahi Yuusuf oo dhawaan mashaqo ku qabsatay magaalada Gaalkacyo kadib markii uu dagaal dhex maray maleeshiya ka tirsan jufadiisa ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Jowhar. Garoonka dayuuradaha Jowhar oo ay dhawaan dayactir ku sameysay hayádda UNDP ayaa waxaa ku sugnaa marka uu madaxweynaha soo degayay mas''uuliyiin uu ka mid yahay Prof. Geeddi oo ah raÃsul wasaaraha Soomaaliya iyo Xildhibaan Dhalxa oo lagu wado in masúuliyiinta Jowar ku sugan ay dhawaan ka dhigaan guddoomiyaha baarlamaanka. Magaalada Jowhar oo ay haatan u sugan yihiin xildhibaanno ka badan 100 mudane oo qaarkood ay dhawaan ka yimaadeen Puntland iyo goobo kale ayaa la hubin waxa ay ka yeeli doonaan haddii maleeshiyada lagu uruurinayo xerooyin ka tirsan Banaadir, Shabeelada Hoose iyo Shabeellada dhexe ee taageersan Muuse Suudi, Qanyare, Caato iyo ganacsata kale ay weerar ku soo qaadaan Jowhar. Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London
-
Shock and awe I tell ya..... Madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta 20:00 duhurnimo ka soo degay garoonka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe Jowhar Wefdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey xubno ka tirsan labada gole dowladda ee Jowhar ku sugnaa, waxaana xubnaha wefdiga madaxweynaha soo dhoweeyey hor kacayey ra'isul wasaare Cali Max'ed Geedd, guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Prof. Max'ed Cumar Dalxa, waxaana madaxweynuhu markii uu ka soo degay garoonka uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida Wafdiga madaxweynaha ayaa loo galbiyey meel loogu tala galay in uu ku nasto Kala soco faahfahin intaa dheer dayniile com wararkiisa danbe . Cabdishakuur Cilmi Xasan Dayniile,Muqdisho cabdishakuur48@hotmail.com Ku noqo beejka webmaster@dayniile.com
-
Magaalada Jowhar oo u Muuqata Goob Dagaal Posted on Tuesday, July 26 @ 06:57:41 PDT by editor Magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa u muuqata goob dagaal oo ku dhexmari doona hoggaamiyeyaasha Muqdisho iyo hoggaamiye kooxeedka Max’ed Dheere, sida laga dareemayo dhaqdhaqaaqyada labada dhinac In ka badan 55 gawaarida dagaalka ayaa loo diyaariyay inay duulaan ku qaadaan Jowhar xilliyada uu ka soo dagayo C/llaahi Yuusuf Axmed halka maamulka Max’ed Dheere uu isagana waddooyinka tubay gawaarida dagaalka oo gaaraya 45 gaari, waxaana waddooyinka qarda jeexa ah uu galiyay Max’ed Dheere ayaan seexan 24 saac ee la soo dhaafay sida uu sheegay Salaad Cali Jeelle oo ah wasiir ku xigeenka Warfaafinta garabka Jowhar. Duulaanka ku wajahan Jowhar ayaa waxaa la sheegay inay hoggaaminayaan Cabdi Qeybdiid iyo Muuse Suudi Yalaxow. Abshir Cali Nuur. Jowhar – Somalia
-
BBC Somali section did not cover the landmark day... Dayniile has been quite Onkod is going crazy Ruunkinet is still ruun I will post their latest articles...
-
President Yusuf arrives in the interim capital of Jowhar
General Duke replied to Major-General Cawad's topic in Politics
Some images of the day... -
Wardheeraada oo ku saabsan tegidii Jowhar Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed Posted to the Web Jul 26, 14:57 Jowhar:- Madaxweynaha Dowladda FKMG-ka ee Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa abaarihii 2:00-duhurnimo oo qadar daqiiqado ah la'a uu maanta kasoo dagay garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Sh/dhexe. Madaxweynaha ayaa waxaa si weyn garoonka ugu soo dhaweeyey Mas’uuliyiin uu ugu horeeyey R/wasaare Cali Maxamed Geeddi,Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Prof.Maxamed Cumar Dalxa,Xubnaha labada gole ee Dowladda,Gudoomiyaha maamulka Gobalka Sh/dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo dadweyne kale oo kor u dhaafayey boqolaal ruux. Madaxweynaha ayaa intii uu garoonka ku sugnaa waxaa uu salaan sharaf ka qaatay Wasiiradii iyo Xildhibaanadii halkaasi kusoo dhaweeyey isagoo ay markaasi garab socdeen R/wasaaraha Soomaaliya Mudane, Geedi iyo Gudoomiyaha Gobalka Sh/dhexe,waxaana uu sidoo kale uu salaan ka qaatay Ciidamadii Bambeyda ee halkaasi loogu diyaariyey in ay madaxweynaha kusoo dhaweeyaan. Intaa ka dib Madaxweynaha ayaa isagoo ay la socdaan istaaf qaas ah oo isaga loo diyaariyey inay amaankiisa sugaan ayaa u gudbay magaalada jowhar waxaana la dejiyey xarunta Gobalka. Madaxweynaha ayaa intii aysan garoonka soo caga dhiganin diyaaradii siday,waxaa soo degtay diyaarad kale oo siday ciidamo gaar ah oo laga keenay Gobalada Puntland,oo Madaxweynaha Ilaaladiisa qaas ka ah noqon doona, iyadoo ciidamadaasina ay wataan labis u gaar ah iyaga si loogu aqoon sado inay yihiin ilaalada Madaxweynaha . Magaalada Jowhar oo ay horey ugu sugnaayeeen Mas’uuliyiin Dowladda ka tirsan oo uu ugu horeeyo R/wasaaraha Soomaaliya Cali M.Geedi oo maalmihi lasoo dhaafayba halkaasi ka waday diyaar garood xooggan oo ay ugu jireen Soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Mudame C/laahi Yuusuf Axmed, Waxayna masuuliyiintii DFKS ka joogay magaalada Jowhar ay si fiican u adkeeyeen gabi ahaanba amaanka Gobalka gaar ahaan magaalada Jowhar ee uu soo gaaray Madaxweynaha lana filayo in ay fariisin kumeel gaar ah u noqoto. C/risaaq C/laahi Maxamed (dhajaceyl) Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan
-
President Yusuf arrives in the interim capital of Jowhar
General Duke replied to Major-General Cawad's topic in Politics
I fear some people spoke too soon... H.E. the President in the capital Jowhar, things are moving along smoothly.. -
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Caawa la hadli doona dadweynaha Jowhar Sawirada soo dhaweynta madaxweynaha Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta soo gaaray magaalada Jowhar ayaa ugu baaqay xubnaha Labada gole ee dowladda Federaalka ee khilaafka ka dhaxeeya inay ku wada hadlaan Golahayaasha Dowladda. Madaxweyne Yuusuf oo la hadlayay Xubnaha Labada gole ee ku sugan ayaa sheegay in loo baahan yahay in la gudi galo howsha dowladda sidaas darteedna uu sheegay in laga tanasulo waxyaabaha khilaafka dhaliyay lagana gudbo khilaafka yaala. Dhinaca kale caawa ayaa lagu wadaa in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf la hadlo dadweynaha magaalada Jowhar, iyadoo la diyaariyay halkii Madaxweynaha khudbada ka jeedin lahaa. Sidoo kale ammaanka Madaxweynaha ayaa aad loo adkeeyay, waxaana guud ahaan la dhigay Waddooyinka soo gala Jowhar Ciidamo kala duwan, halka guriga Madaxweynaha ay joogaan ciidamo gaar ah oo wata Dhar gooni ka ah kuwa Maamulka shabeelaha Dhexe kuwaas oo la sheegay inay ka yimaadeen magaalada Gaalkacyo. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho, Soomaaliya Midnimo Information Center wararka@midnimo.com