General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Dagaal Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Jowhar, Soomaaliya Dagaal ayaa ka dhacay Maanta gelinka Dambe Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho wuxuuna dagaalkaasi dhex maray Maleeshiyo taabacsan Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare iyo Maleeshiyo kale oo taabacsan Ganacsade Maxamed Maxamuud Wehliye oo heyb qabiil yihiin Qanyare. Dagaalkani oo ka dhacay kana socda ilaa iyo iminka Dugsi shanaad, laamiga warshadaha meesha uu kaga leexdo laamiga Dayniile ayaa waxa uu ku bilowday sida uu sheegay Ganacsade Maxamed Maxmuud wehliye Maleeshiyada Qanyare oo weerar kusoo qaaday Maleeshiyadiisa waxayna doonayeen ayuu yiri wehliye in ay ka qabsadaan Booska ay ciidamadiisa deganyihiin. Maxamed Maxamuud wehliye oo isna xarun ku leh deegaanka Dayniile ayaa mar la weydiiyay in Halka ay maleeshiyadiisa Fadhiyaan ay horey u fadhin jireen Maleeshiyada Maxamed Qanyare ayaa waxa uu ku sheegay in Halkaasi lagu soo dhaweyn jiray oo kaliya mana ahan ayuu yiri meel ay maleeshiyadiisa fadhiso. Khasaaraha dagaalka lama hubo ilaa iyo hadda lakin dad ku dhaqan deegaanka xeraryaale oo aan khadka taleefanka kula xiriiray ayaa ii sheegay in deegaankaasi lasoo gaarsiiyay Gaari lasoo gubay iyo mid lasoo qabsaday, lakin kama helin war kale oo kusaabsan cida gawaaridaasi iskaleh. Waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in khasaaraha dagaalka uu yahay mid aad u fara badan lakin majirto cid sheegi karta ilaa iyo hadda khasaaraha labada dhinac inta uu gaarsiisan yahay, waxaanse jirin sidoo kale wax war ah oo kasoo baxay Wasiirka Amniga qaranka Maxamed Qanayare Afrax oo maleeshiyadiisa ay dagaalka ku jirto. Waxaa iminka ku baxay dagaalkaasi duqii hore ee Magaalada Muqdisho Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweey) si uu u dhex dhexaadiyo, ma jirto ilaa iyo iminka warar dheeraad ah oo kasoo baxaya Dagaalkaasi. Garabka ka soo horjeeda Qanyare ayaa la sheegay inay taageersan yihiin Madaxweynaha Soomaaliya sida ay noo sheegeen dad arrimahan la socda,waana markii ugu horeysay oo Qanyare Mucaarad beeshiisa ah ka hor yimaadan. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Jowhar, Soomaaliya Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
  2. Horn, hate is too emotive a word. I can only judge a man by his actions. Today if he[Hiiraale] stands firm then I agree with him. No need to get emotional dear lads. It seesm the Gedo boys are on board with the TFG, Bixi, Madoobe, and now Hiiraale great development indeed...
  3. For once I agree with Hiiraale, it seems he is gaining his indepence from the Mogadishu group and thats some development.
  4. ^^^ I suggest you make sense dear. The President was elected to take care of these warlords as for your constant predictions of all out total war its getting tiresome. Insha Allah there will be no all out war, no clan war... So tell us something new. Buuba spoke the truth, people ahve more confidence in the people of Mogadishu and not the intentions of men who's days are numbered.;..
  5. ^^^ FirsT of all to the Somalilanders I am happy its getting there but we have heard it before. As for bleak or the end, its the beginning of the restoration of statehood. Somaliland has no power beyound Burco. Oh Edna Aden and Bob Geldof will get recognition.... On a serious note. Warlords in Xamar have no power to remove roadblocks, open port let alone withstand ina Yey. Lets look closer at whats happening, the Sharif group have failed, to even hold a normal session of parlimetn in Xamar. They have failed to remove the roadblocks. they have failed to bring on board powerful business groups in the city.. They have failed to capture Jowhar. Their influance in Kismayu is wanning, even the most ardent supports of government were surprised at this development The government has the support of the people, the Puntland state, regions such as Hiiraan, Gedo, Middle Shabbele, and even large parts of Mogadishu.. For Somalilanders, names like Aydeed Jr, Koogare, Abukar Cadane, Engineer Enow, Bashir Raage, Mohamed Dheere can be researched to know how important these individuals are. The AU, Arab league, EC hence the attacks on Ethiopia, Yemen and Italy. Soon Libya.. The UN is funding the governmet while ignoring the Mogadishu warlords. Indeed much is changing but its bleak for the naysayrs and not the TFG...
  6. ^^^ I suppose your region has become a recognised nation... Give us a break..
  7. Barre Hiiraale oo Muqdisho culeys adag looga saarayo in uu Xildhibaan Cali Baashi Xaaji Maxamuud ka eryo magaalada Kismaayo Axad, July 03, 2005(HOL): Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dejinta Xukuumadda Federaalka, isla markaana madax ka ah Isbaheysi maamula Jubbooyinka ee Dooxada Jubba Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa la sheegay in culeys adag lagu saarayo in uu dhaqsi uga eryo magaalada Kismaayo Xildhibaan Cali Baashi Xaaji Maxamuud oo todobaadkii hore magaaladaas ka sheegay in madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geedi ay ku saxsan yihiin go’aankooda ah in aan la tegin karin magaalada Muqdisho. Wararku waxay sheegayaan in Xildhibaano ku sugan magaalada Muqdisho ay xiriir dhinaca Isgaarsiinta ah la sameeyeen Barre Hiiraale, isla markaana ay u sheegay in uu kala doorto in uu Cali Baashi ka eryo magaalada iyo in uu raaligelin ka bixiyo hadalkii uu jeediyay, iyadoo haatan laga war sugayo jawaabta uu ka soo bixiyo Col. Barre Hiiraale oo ku eg ilaa todobaadkan, wuxuuna mid ka mid ah Xildhibaanadaas uu sheegay in haddii jawaab laga waayo ay u qaadanayaan in uu raali ka ahaa shirka Jaraa’id ee uu Cali Baashi ku dhex qabtay magaalda Kismaayo. Xildhibaan Cali Baashi Xaaji Maxamuud oo horay uga soo horjeeday fikradaha ay magaalada Muqdisho ka qabaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa todobaadkii hore ka sheegay magaalada Kismaayo in hadalkaasi uu ahaa mid ay ku saxsan yihiin, isla markaana magaalada Muqdisho ay tahay meel aan lagu shaqeyn karin oo ammaankeedana uusan hagaagsaneyn. Lama oga waxa rogay fikirkii horay u aaminsanaa Xildhibaanka, waxaase loo maleynayaa in uu ka mid ah xubno dhowr ah oo ka tirsan xubnaha gole ee Muqdisho, kuwaasi oo uu Ra’iisal Wasaare Geedi si hoose ula hadlay mar uu booqasho ku tegay magaalada Muqdisho. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  8. CIIDAMO NABADA ILAALIYA OO LOO DIRI DOONO SOOMAALIYA Diyaariye :- Axmed Maxamed Sanca Yemen. ahmedwiish@hotmail.com July 2, 2005 waxaa maalintii khamiista caasimadda yemen ee sanca lagu soo gabagabeeyey kalfadhigi 32aad ee wasiirada arimaha dibada ee dalalka islaamka ,waxaa uuna kalfadhgaasi socday mudo sadex maalmood ah (28-30 / 06 / 2005) waxaana ka soo qeyb galay wadamada xubnaha ka ah ururka slaamka ,jaaliyadaha muslmiinta ee ka jira wadamada aan islaamka aheyn iyo wufuud ka kala timid yurub,aasiya,iyo ururo aan dawli aheyn . Xoghaya guud ee ururka islaamka PROF Ikmaaladiin Ixsaan Ojli ayaa furitaankii kalfadhiga sheegay in kalfadhgi sodon & labaad ee ay ka qeyb galayaan 43 wasiiro arimo dibadeed iyo lix wasiru dawlo oo hogaaminaayo wafuuda dalalkooda, tirada guud ee dalalka soo sheegay iney ka qeyb galaayaan kalfadhigaan 32 aad ayaa dhameyd 54 dawladood ,halka tirada dawladaha xubnaha ka ah ururka islaamaka ay dhan yihin 56 dawaldood tan iyo markii la aasaasay ururkan sanadkii 1969kii. Wasiirada arimaha dibada iyo madaxda wufuuda ee ka wada qeyb galay kalfadhiga ayaa ka hadlay arimo dan u ah umada islaamka waxaana arimahaas ka mid ah qaabdhismeedka ururka ,xal u helida dhibaatooyinka ka jira dadalalka soomaaliya, suudaan, falastiin, ciraaq, iyo afgaanistaan, xubin ka noqoshada islaamka ee goloha amaanka ,abuurid sanduuq dhaqqaale oo loogu tala galay in wax looga qabto dhibaatooyinka dabiiciga ah ee ka dhaca wadama islaamka iyo in la sii diyaariyo qodobadii looga hadli lahaa kalfadhiga aan caadiga aheyn ee ururka ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada barakeysan ee Maka Almukarama ee dalka Boqortooyada sacuudiga. Kalfadhigan 32 aad ee ururka islaamka waxaa soomaaliya uga qeyb galay wafdi uu hor kacaayo wasiiru dawlaha arimaha dibada ee DFMG ah mudane Ibraahim sheekh Cali (JEEBO) waana markii ugu horeysay mudo dhan 14 sano oo aysan ka qeyb galin soomaaliya fadhiyada ururukan . Intaas waxaa dheer in ay jiraan wufuud ka kala timid dalal aan muslim aheyn sida Ruushka,Tailand,yo filibin oo ay ka joogeen wasiirada arimaha dibada. talyaaniga,jabaan, jarmalka, spain, iyo wakilo ka kala socday xoghaya guud ee qaramada midoobay Koofi Anan iyo kan jaamcada carabta Camar Muusa , dhamaantood ayaa fadhiga kaga qeyb galay goob joogayaal ,waxaana tirada ka qeyb galayaasha fadhigaan 32aad lagu sheegay iney dhan yihiin 500 oo qofood. Go'aamadii lagaaray waxaa ka mid ah :- 1. in soomaaliya loo diro cidamo ka socdsa wadama islaamka si ay u ilaaliyaan nabad galyada kuwaasoo ku shaqeyn doona magaca UN ka . 2. in la sameeyo gudi ka socda ururuka islaamka oo soo arka sida dib loogu dhisaayo soomaaliya . 3.in wax laga badelo qaabka shaqo iyo kan dhismo ee ururka islaamka . 4. in ruushka uu xubin ilaalo goobjoog ah ka nqodo ururka islaamka . Kalfadhiga 33aad ee wasiirada arimaha dibada ee dawlaha islaamka waxaa lagu qaban doonaa dalka Azerbijaan . Hadaba madaxda kala qeybsan ee ka kala tirsan labada gole ee DFMG ah ee soomaaliya ma waxaa lagudboon iney ku sii socdaan jidka jahwareerinta shacabka u ooman dawladnimo ,mase waxaa la haboon iney wax la qabsadaan walaalahooda islamaaka ah ayna soo dhaweeyaan shuruud la'aan go'aanadooda , iskana iloobaan u shaqeynta cadawyga soomaaliyeed mar hadii kalfadhigii 32aad ee wasiirada arimaha dibada ee ururka islaamk lagu go'aamiyey in soomaaliya loo diro cidamo nabada ilaaliya kuwaasoo laga soo ururinaayo wadamada xubnaha ka ah ururuka islaamka . Diyaariye :- Axmed Maxamed Sanca Yemen. ahmedwiish@hotmail.com
  9. Kulan Golaha Barlamaanku Ku yeeshay Magaalada Muqdisho oo Tiradii Loobaahna ay sansoo xadirin. E-MAIL THIS PRINT THIS Liibaan Cabdi Cali, Muqdishu Kulan uu shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta ka dhacay xaruntii hore ee xisbiga ee magaalada Muqdisho . Kulankaasi oo markii hore la qorshaynayay inuu noqdo kalfadhiga rasmiga ah ee xildhibaannada ayaa loo baddaley mid looga doodo oo kaliya arrimo dalka ka jira ka dib markii uu buuxsami waayay kooramkii loo baahnaa ee uu ku qabsoomi lahaa. Xildhibaannada isu yimid ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen sidii dib loogu dar dar galin lahaa howlaha nabadaynta magaalada Muqdisho,iyo sidii la isugu soo dhawayn lahaa xubnaha dowladda ee ku kala sugan magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho. Xubnaha xildhibaannada ah ee ka soo qayb galay kulankaasi ayaa si wada jir ah dhaleecayn ugu jeediyay dowladaha Ethiopia, Yemen iyo Talyaaniga oo ay ku eedeeyeen in aanay dhex dhexaad ka ahayn arrimaha dalka somalia. Kulanka maanta oo ahaa mid si wayn dadku ugu dheg taagayeen ayna ka maqnaayeen qaar ka mid ah wasiirrada ugu muuqmuuqda sida Caato iyo Muuse suudi ayaan la sheegin xilli la isugu soo laaban doono....
  10. ISMAACIIL BUUBAA: “Qanyare hadba wuxuu cadaw u arkaa cidda aan isaga shakhsiyan taageersaneyn, waana sababta uu u maagayo dalalkaas†Sabti, July 02, 2005(HOL): Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ahna wasiirka Iskaashiga Gobolka ee Xukuumadda Federaalka Md. Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo wax laga weydiiyay sida uu u arko eedeyn uu Maxamed Qanyare oo ah Wasiirka Amniga u jeediyay Dalalka Talyaaniga, Yemen iyo Itoobiya, kuna tilmaamay in ay yihiin cadaw Soomaaliyeed ayaa sheegay in Maxamed Qanyare uu hadba cadaw u arko cidda aan isaga shakhsiyan taageersaneyn, “waana sababta uu Qanyare ku maagayo dalalkaasâ€ayuu yiri Md. Buubaa. Waxaa sidoo kale wax ka weydiinay Mr. Buubaa oo u waramayay Wargeyska SAnca Press ee ka soo baxa magaalada Muqdisho taageerada uu sheegay Qanyare in ay Qaramada Midoobay iyo Mareykanka u fidiyeen howsha nabadeynta ah ee ka socota Magaalada Muqdisho, “Wasiirrada dhowrka ah ee Xamar ku sugan waxaa ay beesha caalamku 100% kaga kalsooni badan tahay haweenka rayidka ah ee ka shaqeynaya nabadeynta, waana kuwaas kuwa ay taageerayaan UN-ka iyo Mareykanka sida ay noo sheegeen iyagoo weliba naga codsaday in aan dhiirigelinno howsha nabadeynta ah ee ay ka qeybqaadanayaan qeybaha Bulshada Rayidkaâ€ayuu ku jawaab celiyay Mr. Buubaa, isagoo dhinaca kale xusay in dib u heshiisiinta dowladda dhexdeeda ay haatan tahay mid ka dhow heerkii hore, wuxuuna tusaale u soo qaatay in Shariif Xasan, Guddoomiyaha Baarlamaanka uu haatan ka dabacsan yahay sidii hore marka la fiiriyo hadalladiisii u dambeeyay. Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Md. Qanyare Afrax oo ka hadlayay xuska munaasabadda 1-da Luulyo ee xornimo qaadashadii Gobollada Koofureed ee Soomaaliya iyo Midowgii labada gole ee Waqooyi iyo Koofur ayaa qudbadii uu ugu talagalay xuska munaasabaddaas waxaa uu kaga faa’iideystay eedeyn uu u jeediyay Dalalka Talyaaniga, Itoobiya iyo Yemen oo uu sheegay in aysan dhexdhexaad ka ahayn howlaha nabadeynta ah ee ka socda ee magaalada Muqdisho. “Yemen, Itoobiya iyo Talyaaniga dhexdhexaad kama ahan arrintan, waxayna rabaan in ay dumiyaan wax wanaagsan oo kasta marka la dhisayo, Talyaaniga wuxuu nala daba joogaa mar walba lacag, isku dirid iyo balaayo, shacabka Soomaaliyeed waxaa la rabaa in uu sidaas u ogaado, lacag haddii la bixiyo waxay noqon kartaa hub iyo rasaasâ€ayuu yiri Maxamed Qanyare Afrax oo mar kale maanta sheegay in diyaarad shalay geysay Magaalada Boosaaso Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ay waday Hub iyo Rasaas, wuxuuna caddeeyay in ay arrintaasi keeneyso dagaallo mar kale ka dhaca Soomaaliya iyo in la is-dilo. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  11. Boosaaso: Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kulan La Yeeshay Madaxda Puntland iyo Wafdi kale oo dawlada Soomaaliya oo Yimid Puntland - Saturday, July 02, 2005 at 12:03 Boosaaso (AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay duhurnimadii soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa garoonka magaaladdaas. Madaxweynaha ayaa wararku sheegayaan in uu kulamo la yeeshay qaar ka tirsan madaxda dowlad goboleedka Puntland gaar ahaan Cadde Muuse Xersi Madaxweynaha Puntland kulankaasi oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Puntland ayaa ahaa mid aan loo ogoleyn saxaafadda inkastoo wararku sheegayaan in labada mas’uul ay ka wada hadleen arimaha haatan dalku marayo iyo kaalinta looga baahan yahay Puntland ee ku aadan dowladda cusub ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa wararku sheegayaan in safarkiisa ay ku wehlyaan xubno ka socda dowladda Yamen waxaana la filayaa in madaxweynaha socdaal ku soo bixiyo deegaanno ka mid ah Puntland kadibna u soo gudbi doono xarunta KMG ah ee Dowladda oo ah Jowhar. -------------------------------------------------------------------------------- Garoowe: Wasiirka Gaashaandhiga Iyo Xubno Ka Tirsan Dowladda Oo Soo Gaaray Puntland Garoowe (AllPuntland)- Wafdi ka kooban 12 xubnood oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Jen. C/raxmaan Maxamuud Cali ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha Garowe ee maamul Goboleedka Puntland. Wafdiga oo ka koobnaa Xildhibaano iyo xubno kale ayaa 10 xubnood oo wafdiga ka mid ah ay u sii gudbeen magaalada Gaalkacyo halkaasoo ay howlahooda kasii wadan doonaan, halka labo xubnood oo kale ay ku hareen magaalada Garowe oo xarun u ah dowladda Puntland. Xubnaha dowladda ayaa maalmahan ku sii qulqulayey goblada dalka Soomaaliya iyadoo horay deegaanada Puntland u sii joogeen wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan xukuumada federaalka Soomaaliya. Cali Muxiyaddiin Cali
  12. Kismaayo: Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Kismaayo Ka Degay Kismaayo (AllPuntland)- Wafdi ballaaran ka kooban Labo iyo Toban xubnood oo uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe) ayaa maanta ka degay garoonka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose. Wafdigan oo isugu jira Xildhibaano ka tirsan xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo xubno kale ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka magaalada Kismaayo halkaasoo ku diyaarsanaa xubno ka tirsan dowladda Soomaaliyeed iyo maamulka Isbaheysiga Dooxada Jubba. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe) oo Saxaafadda ugu waramayey ujeedada socdaalkiisa ayaa sheegay in ay la xiriirto nabadeynta laga wado gobolada dalka isla markaana saraakiisha ciidamada Booliska ee ku sugan gobolada Jubbooyinka inuu kala hadlo howlaha ballaaran ee xiligan horyaala Booliska Soomaaliyeed. Cali Muxiyaddiin Cali Muqdisho, AllPuntnland
  13. Jowhar: Golaha wasiirada oo kulan ku yeeshay Jowhar; Ra’iisul Wasaare Geeddi oo Liibiya aadey; Macaawinadii Muqdisho kasoo dagtay oo la geeyay Jowhar iyo Taliyaha Bilayska Soomaaliya oo Kismaayo Jooga - Sunday, July 03, 2005 at 00:42 Jowhar (AllPuntland)- Kulan ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka KMG ah ee ku sugan magaalada Jowhar ayaa ka dhacay xarunta uu ka degan yahay Ra’iisul Wasaaraha magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Kulankan oo looga hadlayey dardargelinta howlaha Dowladda Federaalka isla markaana sidii dowladda ugu baahi karto gobolada kale ee dalka iyo maamul u sameynta gobolada dalka Soomaaliya, Shirka golaha Wasiirada uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa sida saxaafada loo sheegay qodobadii looga hadlay la isla meel dhigay. Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka ambabaxay kadib markii uu soo xeray shirka golaha wasiirada iyagoo wafdigiisu ku sii jeeda magaalada Sirta ee dalka Liibiya, halkaasoo uu ka furmi doona shirweynaha Midowga Afrika taariikhda marka ay tahay 5-ta bishan. Wafga Ra’iisul Wasaaraha safarka ayaa waxaa ku wehliya xubno ay ka mid yihiin Baarlamaanka Maxamed Cumar Dalxa, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladda ahna Wasiirka Iskaashiga Gobolka Ismaaciil Hure Buubaa, Wasiirka Qorsheynta Caalamiga C/raxmaan Jurile, Guddoomiye Kuxigeenka iyo xubno kale. Shirweynaha Madaxda Midowga Afrika oo 5-t bishan ka furmaya magaalada Sirta ee dalka Liibiya ayaa waxaa lagu wadaa in qodobada ugu muhiimsan ee looga hadlaya ay ka mid noqonayaan xalinta khilaafaadka ka jira Qaarada Afrika, isla markaana wadahadal loogu dhameyn lahaa iyo sidii dalalka Afrika u yeelan lahaayeen hal Baasaboor oo la wada oqoonsan yahay iyo arimo kale. Dhinaca kale waxaa isla maanta magaalada Jowhar gaaray 10 Gaari oo nooca N3 ah oo siday mucaawinadii shalay uu Ra’iisul Wasaaraha ka guddoomay Safiirka Dowladda Talyaaniga taasoo kasoo dagtay garoonka Cisaley ee Muqdisho, macaawinadaas ayaa lagu dejiyay bakhaaradda waaweyn ee hayadii cuntada iyo beeraha ee Soomaaliya ee magaalada Jowhar, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda deeq kale oo ka imaaneysa dowladda Talyaaniga ay soo gaarto magaalada Jowhar. Cali Muxiyaddiin Cali Muqdisho, AllPuntnland
  14. DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYEED OO TODOBAADKAN QALINKA KU DUUGEYSA HESHIIS AY KULA WAREEGEYSO LACAG MALAAYIIN DOOLLAR AH Yaa saxiixaya Heshiiskaas, waa kuweese Dalalka bixinaya lacagtaas? Sabti, July 02, 2005(HOL): Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dabayaaqada todobaadkan ay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliyeed qalinka ku jiidi doonaan heshiis ay kula wareegayaan lacag dhan ilaa 8 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah. Wararku waxay sheegayaan in heshiiskaas uu dowladda Federaalka u saxiixi doono Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamka Md. C/risaaq Cusmaan Juriille, isla markaana ay lacagtaas bixinteeda si wada jir ah u wada maamuli doonaan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo Qaramada Midoobay. Lacagtan ayaa waxay ka kala imaaneysaa Midowga Yurub oo bixinaya 3.5 Milyan, Talyaaniga oo bixinaya 2 Milyan, Ingiriiska oo isagana bixinaya 1 Milyan, halka ay dowladda Sweden ka bixineyso 1.5 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah, iyadoo lacagtaasina lagu bixin doono xaflad lagu qabanayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, inkastoo aan la ogeyn in Ra’iisal Wasaare Geedi uu goob joog ka noqon doono xafladdaas iyo in kale. Dowladaha Dhaqaalaha soo siinaya Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, garabka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa si weyn u cambaareynaya xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo dalalkaasi deeqaha bixiya ku tilmaamaya in ay yihiin kuwo aan dhexdhexaad ahayn oo la safan dhinac ka mid ah garabyada ay u qeybsantay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com
  15. Muqdisho: Xubnaha Golaha Baarlamaanka Ee Ku Sugan Muqdisho Oo Fadhi Ay Yeesheen Kasoo Saaray Qodob Ah In Arbada La Dhigo Banaanbax Looga Soo Horjeedo Talyaaniga, Yeman Iyo Itoobiya - Sunday, July 03, 2005 at 00:32 Muqdisho (AllPuntland)- Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta kalfadhi aan caadi aheyn ku yeeshay xaruntii hore ee XISBIGA kaasoo qorshaha ahaa in looga hadlo qodobo aan kan maanta looga hadlay aheyn ayaa kadib markii uu buuxsami waayay kooramkii la rabay loo weeciyay arimo kale. Shirkaas oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan ayay kaga hadleen qodobo ay ka mid ahaayeen qaabka ugu haboon ee xubnaha dowladda oo ku kala sugan Jowhar iyo Muqdisho u yeelan lahaayeen xiriir iyadoo ay guddiyo u saareen arintaasi iyo wax ay ku sheegeen faragelinta dowladdaha Talyaaniga, Yamen iyo itoobiya oo kaalmo ugu deeqday Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Kulankan oo ahaa mid albaabada u xernaa ayaa shirkaasi kadib waxa saxaafadda u waramay Xildhibaan Cumar Xaashi oo sheegay in qodobadii looga hadlayey ay ka mid ahaayeen in la dhigo Banaanbax ay kaga soo horjeedaan dowladdaha Talyaaniga, Yamen iyo Itoobiya oo ay sheegeen in ay kaalmo dhaqaale ugu deeqday xukuumada Federaalka garab ka mid ah waa sida uu hadalka u dhigay Xildhibaan Cumar Xaashi. Cali Muxiyaddiin Cali Muqdisho, AllPuntnland
  16. Shariif Xasan “Haddaad hirgelin weysaan nabaddii aan ku soo heshiinay ee aan halkan ku nimid waan is casilayaa, Itoobiya & C/llaahi & idinka ayaana isaga kiin dhex baxayaa†Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Jowhar, Soomaaliya Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku hanjabay inuu is casili doona haddii aan waxba laga qaban dhamaan wixii ay ku heshiiyeen xubnaha Labada Gole ee ku sugan magaalada Muqdisho. Shariif Xasan oo saaka ka hadlayay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay haddii amaanka magaalada muqdisho wax laga qaban waayo uu xilka iska casili doona isla markaana isaga tagayo muqdisho waa sida uu hadalka u dhigay Shariifka. “ Haddaad hirgelin weysaan nabaddii aan ku soo heshiinay ee aan halkan ku nimid waan is casilayaa, Itoobiya & C/llaahi & idinka ayaana isaga kiin dhex baxayaaâ€ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan. “Waxaa la isku haysta waxaa weeye Caasimadu amaan kama jiro, lama tagi karo intaas waaye waxaa khilaafka keenay, marka waa in wax laga qabtaa xaaladda Muqdisho ayuu yiri Shariif Xasan oo u muuqday nin ka xun sida wax u socdaan. Hadalka Shariifka ayaa waxaa u muuqday mid aragti cusub u keenayo xaaladda Dowladda Federaalka ku sugan tahay,iyadoo dad badan ay rumeysan yihiin inaan waxba laga qaban Karin amaanka muqdisho,halka qaar kale leeyihiin shariifka ayaa ku saxan oo muqdisho waxbaa laga qaban karaa. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Jowhar, Soomaaliya Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
  17. Desperate times call for desperate measures.. Ethiopia was the last scape goat of the happless warlords and their cheerleaders. Now they have added two nations to their list of why they keep failing. Italy and Yemen.... And Tool Shariff does not know where to turn, so he cries wolf once more.. MAXAMED QANYARE OO DALALKA TALYAANIGA, ITOOBIYA IYO YEMEN KU EEDEEYAY IN AYSAN DHEXDHEXAAD KA AHAYN HOWLAHA NABADEYNTA AH EE KA SOCDA MAGAALADA MUQDISHO Cusmaan Caato oo sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu maanta ka degay Magaalada Boosaaso Jimco, July 01, 2005(HOL): Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Md. Qanyare Afrax oo xalay ka hadlayay xuska munaasabadda 1-da Luulyo ee xornimo qaadashadii Gobollada Koofureed ee Soomaaliya iyo Midowgii labada gole ee Waqooyi iyo Koofur ayaa qudbadii uu ugu talagalay xuska munaasabaddaas waxaa uu kaga faa’iideystay eedeyn uu u jeediyay Dalalka Talyaaniga, Itoobiya iyo Yemen oo uu sheegay in aysan dhexdhexaad ka ahayn howlaha nabadeynta ah ee ka socda ee magaalada Muqdisho. “Yemen, Itoobiya iyo Talyaaniga dhexdhexaad kama ahan arrintan, waxayna rabaan in ay dumiyaan wax wanaagsan oo kasta marka la dhisayo, Talyaaniga wuxuu nala daba joogaa mar walba lacag, isku dirid iyo balaayo, shacabka Soomaaliyeed waxaa la rabaa in uu sidaas u ogaado, lacag haddii la bixiyo waxay noqon kartaa hub iyo rasaasâ€ayuu yiri Maxamed Qanyare Afrax. Wasiirka Amniga waxaa uu intaas ku daray in dowladahaas ay si weyn ugu xadgudbeen, welina ugu xadgudbayaan qaraarkii hubka loo mamnuucay Soomaaliya ee 733, kaasi oo UN-ka ka soo saaray Soomaaliya sanadkii 1992-kii, “Itoobiya iyo Yemen waxa si toos ah hub iyo rasaas ugu daldalaan Soomaaliya, halka Talyaaniga uu lacag ku bixiyo lug goynta Soomaaliya iyo in aaney xasilooni ka dhicin, lacagtaas uu Talyaaniga bixiyayna waxay la mid tahay hubka ay labada dowladood ee kale soo gelinayaan Soomaaliyaâ€ayuu yiri Maxamed Qanyare oo sheegay in warbixin uu dhowaan Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ka soo saaray Soomaaliya lagu xusay in ay jiraan dalal weli hub sharci darro ah geliya Soomaaliya. Maxamed Qanyare waxaa uu sheegay in seddexdaas dal marka laga reebo ay beesha Caalamka inteeda kale taageersan tahay howlaha nabadeynta ah ee ay magaalada Muqdisho ka wadaa, wuxuuna xubnihii saaxibadiisa ahaa ee uu la hadlayay uu ugu laab qaboojiyay in kooxda kale ee ka soo horjeeda la garan waayay wax ay wadaan, isla markaana sida uu hadalka u dhigay la aqrin waayay fartoodii. Wasiirka Amniga oo qudbaddiisa aad u kululeyd waxaa uu ugu baaqay Beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeedba in la cambaareeyo dowladaha Yemen iyo Talyaaniga, halka Itoobiyana uu ku sheegay in ay iyadu dhaaftay cambaareyn, isla markaana ay candho qabto, ka hadalkeeduna uu gaar yahay. Hadalka Wasiirkan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo xalay uu ku sugnaa magaalada Jowhar ee xarunta u ah xubnaha TFG-da garabka Ra’iisal Wasaare Geedi iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed Ergayga Dowladda Talyaaniga u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Signore Mario, iyadoo safiirkaasina uu maanta Ra’iisal Wasaare Geedi guddoonsiiyay Deeq ay Dowladda Talyaaniga soo gaarsiisay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, taasi oo isugu jirtay 40 Matoor oo dab dhaliyayaal ah iyo 300 oo Teendho. Dhanka kalena, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Md. Cusmaan Xasan Cali (Caato) ayaa isagoo u waramayay Idaacadda Horn Afrik waxaa uu daboolka ka qaaday in madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta gaaray magaalada Boosaaso uu halkaasi geystay hub sida uu yiri ay soo siisay dowladda Yemen, kaasi oo laga dejiyay 2-dii duhurnimo iyo qadar daqiiqado ah diyaaraddii uu la socday, iyadoo kadibna lagu daabulay 8 gaari oo nooca yar yar ah. Cusmaan Caato wuxuu sheegay in ay warkaasi soo gaarsiiyeen dad u jooga magaalada Boosaaso, kuwaasi oo arrinta la socday, wuxuuna ku cel celiyay in aaney wax laga filayay ahayn dowladda Yemen in ay dhinac ka mid ah dhinacyadii isku hayay siyaasadda Soomaaliya in ay hub soo siiso, tiiyoo weliba ay Soomaaliya saaran yahay cunaqabateyn dhinaca hubka ah. Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta sidii Maxamed Qanyare oo kale wuxuu eedeyn u jeediyay dowladda Talyaaniga oo uu sheegay in aysan arrimaha Soomaaliya dhex dhexaad ka ahayn, wuxuuna tilmaamay in deeq loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed uu faraqa u geliyay dhinac ka mid ah dhinacyada is-haya ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  18. Warsaxaafadeed ay soo saareen Eng. Enow iyo Xaaji Abuukar ayaa digniin kulul u soo jeediyay wasiirada hubaysan ee Muqdisho ku sugan kadib markay kulan kuwada,,, July 2, 2005 Radio Free Somalia Kulan ay albaabada u xiran yihiin oo ay maalinti khamiista ee bisha 30 juun ay ku qaateen guriga ganacsadaha lagu magacaabo Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ay kuwada qaateen wasiirada hubaysan ee ku sugan magaalada Muqdisho , Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalahow , Wasiirka Howlaha Guud Cismaan Xasan Cali "Caato", wasiirka Amniga Maxamed Qanyare iyo ganacsade Ing. Cabdulqadir Maxamed Nuur " Eng.Enow" . War saxaafadeed ay kulankaa ka soo saareen Xaaji Abuukar Cumar Cadaan , Cadulqadir Maxamed Nur iyo ganacsartada Beesha oo ay isku haybta yihiin Wasiirka Koowaad iyo gudoomiyaha gobolka Sh. dhexe Maxamed Cumar Xabeeb , ayaa waxay digniin kulul u soo jeediyeen wasiiradii hubaysnaa ee ganacsatada ku soo booqday degaankooda. 1. In aysan marnaba isku dayin wasiirada Hubaysan in ay weerar ku qaadaan magaalada Jowhar oo uu ka jiro maamul nabad iyo xasilooni ku dheehan. 2. In ay la yimaadaan jawi nabad , waqtina siiyaan maamulka gobolka ee uu horkayo Mudane Dr. Cadde Xasan Gaabow. 3. In aysan abaabulin soona celin dagaaladii sokeeye ay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho ka daaleen. 4.In ay la shaqeeyaan Madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo Wasiirkiisa koowaad Cali Maxamed Geedi , maadaama dowlad nabad iyo dib u heshiisiin ay tahay . Waxaa iyana warsaxaafadeed kaa la mida soo saaray Ganacsade Bashiir Raage iyo Cabduqaadir Beebe oo yiri yeysan wasiirada ismahadiyay , yaysan soo dedejin dagaal ay ku weynayaan sharaftooda. Bashir Raage iyo Cabdulqaadir Beebe oo ah wakiilada Maxamed Dheere ee Magaalada Muqdisho , maamulana qaybaha ugu balaaran ee magaalada Muqdisho iyo dekedaha iyo garoonka dabiiciga ah , ayaa si aada uga carooday kulanka ay isku soo bahaysteen wasiirada ku sugan magaalada Muqdisho ee uu horseedka u ahaa wasiirka Howlaha Guud Mudane Cisman Xasan Cali Caato ayna ku weheliyeen wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow iyo wasiirka Amiga Maxamed Qanyare, iyagoo kulankooda ku micneeyay halbacaad lagu lisay iyo dadaalo aan loo meel dayin.
  19. ^^^ Bossaso is far from Jowhar indeed. However the destination of the old Colonel is Villa Somalia. Anyone who thinks otherwise should start drinking coffee or something stronger Everyday the government gets stronger and the opposition, oh they are blaming, the roadblocks, Italy, Ethiopia, Yemen and everyone else....
  20. Indeed, the boss is in bossaso and will travel through to Jowhar...
  21. The cynics above, Bossaso, Jowhar, Galkacyu, Kismayu and Mogadishu all celebrated today... Bossaso as you know is part of Somalia. An Important city indeed.... H.E.The President is celebrating with the people of Somalia as we speak . The PM celebrated in the new Capital Jowhar.
  22. I miss you. I love you. And I wish you well! Ofleh
  23. Aadan Saransoor ayaa lagu soo waramayaa in uu u Baqooli doono Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, Isaga oo La sheegay in uu Gabi ahaanba Mowqifkiisii Siyaasadeed Badalay Posted by : webmaster on Thursday, June 30, 2005 - 04:18 AM Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Aadan saransoor uu xiriir Khatka Telefoonka ah la soo sameeyay Xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Xudur, isaga oo ku wargalinayay in uu Mowqfkiisii siyaasadeed wax ka badalay, doonayana in uu Dowlada Federaalka ah ku garab istaago howlaha nabadaynta ah ee ay ka wadaan Gobolada Baay iyo Bakool. Mar aanu xiriiro Khatka Telefoonka ah la samanay xubno ku sugan Magaalda Xudur oo ka tirsan labada Gole ee Dowlada Federaalka ah ee ku meel Gaarka ah, ayay waxa ay inoo sheegeen, in ay soo dhawaynayaa hadalka ka soo yeeray Aadan Saransoor, Balse lagu qaadi doono Qof walba danbiga uu galay. Waxaan la ogayn sababta badashay Mowqifka Aadan Saransoor oo isagu ahaa nin gacan saar dhow la leh, Hogaamiya Kooxeedyada Muqdisho iyo Xildhibaan Ibraahim Xaabsade. Waxaa ayaamahan soo badanaya Xubnihii Mucaaradka ku ahaan jiray Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliyeed oo Iyagu Mowqifkoodii Siyaasadeed wax ka badalaya. Idamaale News
  24. Cali Baashi: Amaanka Muqdisho La Iskuma Halayn Karo Dawladu Inay Meel Kale Degtana Waa Ku Saxsantahay E-MAIL THIS PRINT THIS Liban Ali, hayaan_8@hotmail.com Cali Baashi Xildhibaan Cali Baashe Xaaji Maxamuud oo ka mid ah xildhibaannada dowladda kmg ah ayaa haatan u muuqanaya nin wax ka badalay mowqifkiisii hore ee ku aaddanaa arrimaha siyaasadda Soomaaliya. Cali Baashe Xaaji oo haatan ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa tilmaamay in magaalda Muqdisho ammaankeedu uu yahay mid aan la isku hallayn karin oo aad u liita. Isagoo arrinkaa ka hadlanaya Cali Baashi wuxuu yiri "anigu waxaan ka mid ahaa xildhibaanadii ugu horeeyay ee naftooda ku soo biimeeya magaalada Muqdisho waana goob aan ammaankeeda la isku hallayn karin oo loo baahanyahay in wax badan laga qabto" Cali Baashe waxa uu tilmaamay in madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed iyo ra'iisul wasaare Geeddi ay ku saxsanyihiin in ay dowladda geeyaan meel ka baxsan magaalada Muqdisho inta ammaanka caasimadda uu ka hagaagayo, isagoo sheegay in beelaha ****** la siiyay 11 wasiir oo ka mid ah dowladda ra'iisul wasaare iyo ra'iisul wasaare ku xigeen, mudnaantaasina lagu siiyay in ay nabadeeyaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,basle aanay ilaa hadda ku guulaysan, waa sida uu hadalka u dhigaye. Guddoomiyaha baarlamaanka shariif xasan sheekh aadan ayuu sidoo kale ku tilmaamay nin gacanta ugu jira dagaal oogayaal aan doonaynin in dalku u hagaago. Mar uu ka hadlayay arrinta keenista ciidammo ka socda dalalka dariska la ah somalia waxa uu sheegay in uusan filaynin in taasi ay dhacayso,balse waxa uu sheegay in inkastoo hadda aan Ethiopian joogin dalka somalia haddana ay gobol kasta oo somalia ka mid ah joogaan wakiillo dowladda Ethiopia la shaqeeya Lama garanayo waxa sababay is baddalka ku yimid mowqifka siyaasadeed ee xildhibaan cali Baashe oo ka mid ahaa xildhibaanndii ugu horreeyay ee yimid magaalada Muqdisho oo ay ku tilmaameen xilligaasi in ay tahay mid la isku hallayn karo oo u baahan oo kaliya in la iska kaashado dhammanta waxa dhiman.
  25. Prof. Dalxa, Wasiiro, Xildhibaano, iyo Danjirayaal Shisheeye oo ka degay magaalada Jowhar Posted to the Web Jun 30, 08:11 Aayaha.com, Jowhar:- Wafdi isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Danjiriyaal ka socda Beesha Caalamka ayaa maqrabnimadii caawa ka soo degay garoonka Diyaaradaha Jowhar ee Xarunta Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wafdigan oo uu hoggaaminayay kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Cumar (Dhalxa),waxay galabta ka soo kicitimeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya,iyagoo caawa magaalada Jowhar kaga qeybgali doonaan xuska 1-da Luuliyo oo ah markii Gobolada Koonfur ee Soomaaliya Xoriyadda ka qaateen Talyaaniga iyo Israacii Labada Gobol koonfur iyo Waqooyi. Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Kuxigeenka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ahna Wasiirka Iskaashiga Gobolka Ismaaciil Buubaa, Wasiirka Warfaafinta MaxameXayir,Xildhibaano, Danjiraha Dowladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya iyo ilaa iyo 7 Nin oo Ajanabi ah. Wafdigan ayaa waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaano,waxaana la dejiyay meel loo diyaariyay,iyagoo caawana casho sharaf la leeyihiin Ra’iisal Wasaaraha soomaaliya Cali Maxamed Geeddi. Anigoo ka mid ahaa Wariyaashii tagay Garoonka ayaa waxaa noo suuragalin inaan wareysano Wafdiga, kadib markii la noo diiday inaan wareysi la yeelanao kuxigeenka Baarlamaanka Maxamed Cumar Dhalxa,waxaana naga hor istaagay mid ka mid ah Ilaaladiisa. Nuuradiin Macalin Mukhtaar (Diinow) Aayaha.com, Jowhar Diinow@aayaha.com