General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Jowhar: Wafdi ka socda midowga Yurub , midowga Afrika , qaramada midoobay iyo Baniga adduunka ayaa goor dhow ka dagay Jowhar - Thursday, August 04, 2005 at 10:39 Jowhar(AllPuntland)- Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta ku meel gaarka u ah Dawlada Soomaaliya ayaa sheegaya in goor dhow qiyaastaa 11:00 barqanimo ay garoonka diyaaradaha Jowhar kasoo dageen wafdi heer sare ah oo ka socda Caalamka. Wafdigaasi ayaa waxay isugu jiraan xubno ka socda qaramada midoobey (UN), Midowga Afrika (AU), Midowga Yurub (EU) Bankiga Aduunka (World Bank) iyo wakiilo ka socda dalal dhowr ah. Wafdigaasi waxaa si diiran magaalada Jowhar ugu soo dhaweeyay xubno ka socda labada gole ee dawladda iyo sidoo kale maamulka gobolka Shabeellada dhexe. Wafdigan caalamiga ah oo ka kooban 18 hey’adood ayaa Ra'iisal wasaare Geedi uu u magacaabay gudi ka mid ah golaha xukuumadiisa oo la xaajooda, gididaas oo ka kooban 8 xubnood oo isugu jira wasiiro, wasiiru-dowlayaal iyo wasiir xigeeno si ay wafdigaasi ula xaajoodaan. Wasiirka Iskaashiga Caalamiga, C/risaaq Juriile ayaa laga soo xigtay in ujeedada wafdigaan ay ku jirto una wayn tahay sidii beesha caalamku ay gacan u siin lahay hawlaha dib u dhiska Soomaaliya isagoo xusay in daraasad lagu samayn doono dib u dhiska dalka Soomaaliya, taasi oo ay xaga maalgalinta daraasadaas ay kala qeyb qaadan doonaan dawlada hey’adaha caalamiga . CCC Farayaamo AllPuntland
  2. Puntland has achieved many things, it is poor yes it is backward yes, and it has a long way to go but the state brings hope which in itself is priceless. Long live Puntland and all other parts of Somalia..
  3. ^^^ Sharif is in trouble, Juma and others should work out a clear exit strategy...
  4. ^^^ The truth comes out, these men [sudia and Co] make loads of money out of these roadblocks so why would they remove their cash cow? I belive the people of Mogadishu will kick these men out soon.. As for Xabsade and even Sharif they are minor figures, mere pawns in all of this. Don take them seriously, through Xabsade Abdiqasin, his junior Inda Cade speak. Through Shariff you can hear the voice of Qaynyare..
  5. ^^^He looks foolish and for onnce Juma is right one should not loose his dignity like that. From Speaker of parlment to defender of all things Qaynyare and Sudi.. It is sad indeed.. Jowhar should not have an airport, now what made him say that?
  6. ^^^ Indeed you are right. While the Saudi's tranfer is already complete, who will or can replace Grange in the SPLA?
  7. Dilal Habaysan oo 7 Qof Lagu Dilay oo ka Dhacay Muqdisho 24kii Saac ee La soo Dhafay. E-MAIL THIS PRINT THIS Liibaan Cabdi Cali, Muqdisho Magaalada Muqdisho Magaalada muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay noqotay meel aan la isku hallayn karin oo si dhab ah looga dheehan karayo cabsida iyo dagganaansho la'aanta ay ka cabaayaan in badan oo ka mid ah hay'adaha iyo dadka lagu boorrinayo in ay yimaaddaan. Weerarro qorshasan oo khasaare badan gaystay ayaa 24 kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada caasimadda ah ee muqdisho. Sarkaal sare oo ka tirsanaa laantii CID da soomaaliyeed ayaa shalay duhurkii kooxo hubaysani ku dileen agagaarka Teree biyaano ee magaalada muqdisho,sidoo kale shilkaa isaga ah waxaa ku geeryooday haweenay rasaasi haleeshay oo halkaasi shaah ku karinaysay. Ilaa haatan lama garan cidda ka dambaysay sarkaasi oo la oran jiray C/laahi Coon iyo sababta ay u dileen intaba,waxa kaliya ee la ogyahay waa in rag hubaysani ay soo weerareen sarkaasi oo darajadiisu ahayd colonel xilli uu doonayay in uu ka soo dago gaari yar oo uu watay. Isla shalay goor dambe waxaa agagaarka iskuulka maxamuud xarbi ee degmada wardhiiglay lagu dilay nin la oran jiran Cabdi Hodon Xaashi oo maleeshiyooyin hubaysani rasaas ku fureen ayna ka qaateen gaari mark2 ah oo uu saarnaa. Saacado yar ayaa soo wareegay markii la maqlay haddana dilka nin kale oo rayid ah oo isna fiidnimadii xalay ka dhacay xaafadda Albaraka ee magaalada muqdisho,sababo aan la garan waxaase xusid mudan in marka laga reebo haweenayda rasaasta habowga ahi haleeshay ay ragga saddexda ah oo kale isku hayb yihiin,taas oo dhiirri galinaysa in dilalka lagu macneeyo in ay aano qabiil ku xiriirsanyihiin. Dhacdo kale haweenay, gabar ay dhashay iyo wiil ay qaraabo ahaayeen ayaa xalay lagu dilay xaafadda Bermuuda ee degmada Hodon ka dib markii ay gurigooda u soo dheceen maleeshiyooyin hubaysan oo doonayay sida wararku sheegayaan in ay gabadha afduubtaan ayna fara xumeeyaan, Dilka hooyada ,gabadha iyo wiilka oo ay ehelka ayaayeen ayaa yimid ka dib markii ay isku dayeen in ay gabadha oo guriga lagala baxay u soo gurmadaan. 7 qof ayay gaarayaan dadka 24 kii saac ee la soo dhaafay lagu dilay magaalada caasimadda ah ee muqdisho oo lagu waday in amaankeedu uu ka soo hagaago kol haddii la sheegay in dowladdu ay ku howl gali doonto.
  8. Isbaarooyinkii Laga Qaaday Magaalada Muqdisho oo Dib Loosoo Celiyey E-MAIL THIS PRINT THIS www.goobjoog.net Liibaan Cabdi Cali, Muqdisho Dadkii oo Lugaynaya Sidii horayba loo saadaaliyay iyadoo laga faa'iidaysanayo waayo aragnimada loo leeyahay siyaasiyiinta dalka hor boodaya,waxaa dhab noqotay filashadii dad badan oo reer Muqdisho ah oo saadaal ka bixiyay waxa ka hir gali doona ballan qaadyadii wasiirrada magaalada muqdisho jooga oo sheegay in aanay mar dambe soo laaban doonin isbaarooynkii dhex tubnaa magaalada muqdisho oo dhowr maalmood ka hor la iclaamiyay in la cirib tiray. Toddobaad ka dib markii dhagaha dadka magaalada muqdisho ku dhaqani ay sidaasi maqleen ayay haddana saaka maqleen war kale oo aan la yaab ku noqon kaas oo sheegaya in aan gaadiidku mari kari waddada isku xirta siinaay iyo isgoyska lambar afar oo gaadiidka isga kala gooshaahi uu toddobaad oo kaliya howl galayay. Maleeshiyooyinkii horay looga kiciyay isgoyska wadada Aadan Cadde ayaa bilaabay in ay gaadiidka waddadaasi adeegsanaya oo u badan koostarro iyo gawaarida loo yaqaanno minibuaeska ka qaadaan lacago ka qaadaan ,iyagoo darawalkii aan dalabkooda u dhaga nuglaanna rasaas oodda kaga qaadaya. Waxaa la arkayay saaka iyada oo gaadiid la'aani ay haysato dadkii suuqyada magaalada Muqdisho sida bakaaraha u shaqo tagi jiray oo qaarkood bilaabeen in ay lugeeyaan halka kuwo kalena ay ku dhiirradeen in ay raacaan gawaari si qarda jeex ah ku tagaysa bakaaraha oo iyaga naf ahaantoodu ay kadiska waddada ka aamin ah ahayn. Kuwaas oo ku khasban ay isgoysyada kale ka sii raacaan gaadiid hadii ay doonayaan in ay goobo kale gaaraan. Isgoyska siinaay ayay sidoo kale xaaladdu ku soo laabatay sidii horay loogu yaqaanay iyadoo gawaarida halkaasi ka raranaysa laga qaadayo lacag xilli kasta oo ay doonayaan in ay rakaab qaadaan. Isgoyska kaaraan oo la sheegay in wasiirka ganacsiga dowladda kmg ah muuse suudii uu ka qaday jidgooyooyin u yaallanya waxaa haatan gaadiidka looga qaadaa lacagihii laga qaadi jiray mana jirto cid hadda u taagan dib u qaadista jidgooyooyinkaasi. Sidaasi si la mid ah in kasta oo ay yaraadeen waxaa iyana isbaarooyin yaallaan waddada isku xirta muqdisho iyo afgooye oo gaadiidka looga qaado lacago xooggan oo aan waxba ka yarayn tii marki hore ee 15 ka isbaaro taallay laga qaadi jiray,gaadiidlayduna waxa ay kuu sheegayaan iin la isu dumay oo kaliya maleeshiydii isbaarooyinka bilqan joogtay oo lana kordhiyay lacagtii la qaadi jiray. Ammaan darrida magaalada muqdisho ku soo korortay iyo isbaarooyinka soo laabteen qaarkood waxa ay waji gabax ku noqonayaan mas'uuliyiinta dowladda ee ku sugan magaalada muqdisho oo horay u ballan qaaday in ay magaalada muqdisho ka dhigi doonaan mid u suubata in dowladdu ku shaqayso
  9. Gaalkacyo:Xus ballaaran ayaa loo sameeyay sanadguurada 7aad ee dhismaha dawlad goboleedka Puntland . - Monday, August 01, 2005 at 10:45 Gaalkacyo(AllPuntland)- Munaasbad ballaaran oo lagu xusayo 1da Agoosto oo ah maalinta la dhisay dawlad goboleedka Puntland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo. Munaasbaddan waxay ka dhacday guriga gobolka ee magaalada Gaalkacyo , waxaana kasoo qayb galay masuuliyiin ay kamid yihiin , wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ,Cali Cabdi Awaare, taliye kuxigeenka ciidanka booliska Puntland, C/casiis Siciid Gacamey iyo masuuliyiin kale oo ay kamid yihiin madaxda gobolka , degmada iyo talisyada ciidanka daraawiishta iyo booliska iyo marti sharaf bdan. Guddoomiyaha ururka dhallinyarada Puntland C/naasir Beddel Khalaf oo kamid ahaa qaban qaabiyeyaashii munaasbaddan ayaa sheegay inay maanta tahay maalin wayn oo ah maalintii la yagleelay maamulka Puntland oo laga joogo todoba sanadood. Guddoomiyaha gobolka Mudug Mud: Sheekh Daahir Jaamac Nuur ayaa asaguna sheegay in dadka Puntland ay muhiim tahay inay midnimadooda iyo maamulkooda ilaashadaan. Wuxuu xusay in todobada sano ee maamulku Puntland ka dhisan yahay dadka reer Puntland ay heleen sumcad wayn oo ku aaddan ammaanka iyo kala danbaynta ka jirta Puntland. Wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga, Cali Cabdi Awaare ayaa asaguna halkaasi ka soojeediyay khudbad dheer oo uu kaga waramayo taariikhda dheer ee maamulka Puntland. Wuxuu sheegay wasiirku in maamulka aan dhisannay 1998dii uu naga dhigay dad maamul leh , oo leh meel loogu soo hagaago , wuxuuna sheegay in arintaasi ay sabab u tahay ammaanka aynu dalka ka hirgalinnay. Awaare wuxuu intaasi ku daray in nasiib wanaag Puntland aysan marnaba sheegan inay ka go'aday dalka Soomaaliya intiisa kale , wuxuu xusay inay ka qayb qaadatay Puntland dhismihii dawladda federaalka ah . Gabo gabadii hadalkiisa oo dheeraa ayuu dadka Puntland u dar daarmay inay ammaanka gacan adag ku qabtaan, iskana qabtaan dadka ammaankooda khal khalka galinaya. CCC Farayaamo AllPuntland
  10. It only seems yesterday... Asaaskii Puntland oo Garoowe laga xusay Posted to the Web Aug 01, 15:37 Garoowe:-1 August 2005 oo ah sanadguuradii 7-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Maamul-goboleedka Puntland, ayaa waxaa maanta lagu qabtay munaaabaasabad lagu maamuusayo maalintaas Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe, waxaana halkaasi ka hadlay Madaxwayne-kuxigeenka ahna sii-hayaha xilka Madaxwaynaha Puntland Xassan Daahir Af-qurac. Xassan Daahir Af-qurac Madaxwaynekuxigeenka Puntland, ayaa ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Maamulka Puntland, wuxuuna sheegay in markii la asaasday Maamulka Puntland laga bilaabay meel maran oo aysan waxba ka jirin, hase ahaatee uu maanta yahay mid mira dhalay. Xassan Daahir, mar uu ka hadlayay waxyaalihii ugu muhiimsanaa ee uu Maamulka Puntland qabtay ayuu si gaara u xusay, yagleelida DFKS oo uu ku sheegay in ay iyaku hormuud u ahaayeen. Madaxwayne-kuxigeenka Puntland Xassan Daahir Af-qurac, marna kama hadlin waxyaalihii shacabka Puntland ay uga fadhiyeen Maamulkiisa oo uu guul daraystay maamulku iyo waxyaalaha ay hadda u qabanayaan Bulshada. Waxaa xusid mudan in aysan dhicin xaflad aad u ballaaran oo lagu maamuusayo asaaska Puntland, hase ahaatee uu Madaxwayne-kuxigeenka Puntland uu munaasabadaan owgeed uu shacka Puntland u diray salaan, isagoo u rajeeyay sanadkaan iyo kan xigaba in ay ku noolaadaan amni iyo barwaaqo, kadibna uu hadaladaas kooban ee aynu kor ku xusnay uu jeediyay.
  11. Xubanaha Xildhibaanada ah ee Mucaaradka ah, kuna sugan Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay isugu soo Hareen 36,Halka Xildhibaanadii Iyo Wasiiradii Dawlada Taageersanaa ay ku sugan yihiin Jawhar, Xudur, Kismayo, Bu'aale, Gedo, iyo Hotel Ramadaan/Muq Posted by : webmaster on Monday, August 01, 2005 - 04:21 AM Xubnaha baarlamaanka DKFS qaybtooda MUcaaradka ah ee Muqdisho ku sugan oo ay mar tiradooda gaartay in ku dhow 120 xubnood ayaa haatan ku soo ururay tiro Dhan 36. Ilo ku dhow dhow Gudoomiyaha baarlamaanka shariif Xasan Sh. Aadan ayaa sheegaya in ay kala tegista xildhibaanada ay masuul ka yihiin Wasiirada hubaysan ee reer Muqdisho, kadib markay ku balan fureen ama ay hor istaageen arimo faro badan oo ay ka mid ahaayeen, isbaarooyinka u yaala Muqdisho oo ay qaadi waayeen. Iyo dhaqaalo daro soo food saartay xildhibaanada, oo qaarkood ay sheegayaan in daruuriyaadkii uu ciriiri ka galay aaney ku jiri karin shaxaad joogta ah iyo dawarsi aan asaageen dawarsanayno maalin walba Xubnahii ugu firfircoonaa wax kasheega Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane C/llahi Yuusuf Axmed, ama ugu afdheeraaxildhibaada Muqdisho isaga tegay ayaa waxaa ugu horeeya: Xildhibaan Jiniboqor - London Xildhibaan Jaamac Cali Jaamac - London Xildhibaan Sakariye - London Xildhibaan Cali Baashi - Jowhar Xildhibaan Sifir - Nairobi (Balse dib ugu so laabtay MUqdisho) Xildhibaan Maxamed C. Yusuf -Nijmegen - Holand Xildhibaanadaa oo ahaa xubno firfircoon hadana iyagoo fasax ama ogolaansho aanan ka helin Shariif Xasan oo ay arimo badan kadhexeeyeen isaga dhaqaaqay magaalada Muqdisho ka dib markay u muuqatay in aysan ku noolaan karin Khatarta ka jirta magaalada owgeed, iyo shariif xasan oo aan wax talo ah ka qaadan xubnaha kale ee Muqdisho ku sugan , Wasiirada reer Muqdisho maahee. Kala dareersiga xubnaha dowlada ee Muqdisho kugan ayaa u muuqata mid hakinaysa dar dar gelintii maleeshiyooyinka magaalada looga saarayay iyo qaadistii isbaarooyinka Muqdisho daafaheeda teedsan. Magaalada Jawhar ayaa lagu sheegay in ay la ciir ciirayso Xildhibaano iyo Wasiiro, kuwaasoo la sheegay in ay Gudanayaan Waajibaadkii loo doortay. Ilo ku dhow dhow xubnaha labada Gole oo aan doonayn in Magaciisa la shaaciyo, ayaa sheegay in ay shir Baarlamaani ah isugu yeeri karaan Magaalada Jawhar waa hadii loo baahdo. isaga oo sheegay in ay haystaan sadex meelood laba Meel oo ah Xubnahaha labada Gole, kuwaasoo buuxin kara Kooram lagu ansixiyo wixii loobaahdo. Idamaale News
  12. Why did desperate man speaks out against building an airport in Jowhar? SHARIIF XASAN “waa xaq daro in garoon diyaaradeed laga dhiso magaalada Jowhar Gudoomiyaha Baaralamaanka Dowladda Faderaalka Soomaaliyeed Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa si kulay uga hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada jowhar ee dayactirku ka soconayo isagoo ku tilmaamay dhismaha garoonkaasi mid xaq daro ah oo lagu duminayo garoonka diyaaradaha iyo dekedda magaalada Muqdisho. Md.shariid wuxuu intaas ku daray in shaqada garoonkaas ka socota ay tahay midaan loo baahnayn wuxuuna intaas ku daray in Magaalada jowhar tahay magaalo ka mid ah magaalooyinka Soomaaliya oo loo baahan yahay in la hormariyo laakiin inkastoo howsha hadda ka socota ay tahay mid lagu wiiqayo caasimada Muqdisho oo la isku dayayo in laga wareejiyo. Dhinaca kale gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh.Aadan oo ka hadlayay dib u heshiisiinta soomaaliya ayaa sheegay inaysan nayroobi ku dhamaan oo weli loo baahan yahay gaarahaan in xiligaan la xaliyo khilaafka u dhexeeyay xubnaha labada gole ee dowlada kuwaasoo muqdisho iyo Jowhar ku kala sugan. Shariifka oo u ekaa markuu hadlayay ruux aad u daalan ayaa muujiyay inuu ka xunyahay isbaarooyinka wali xamar yaalo oo weli ay u egtahay faanoole fari kama qodna iyadoo isbaaradii la qaadaba dib loo soo celinayo,sidoo kale gudoomiyaha baaralamaanka Shariif Xasan oo ooga bartay ereyo ku dhow dhow dhinaca Alle ka cabsiga ayaa hadda u muuqda mid ka sii caajisaya madaama ay socon weysay wacdi badan oo uu u jeediyay xubnaha labada gole ee isbaarooyinku u yaalaan muqdisho kuwaasoo sii caga cageynaya bishoodii afaraad.. MAXAMED DHEERE OO EE-DEYN U JEEDIYAY
  13. ^^^ lol. I ahve a number of other "uncles" who meet people everyday the difefrence here the man you term to be "my uncle" is the legitimate, elected leaders of the Somali republic. It is in this capacity that I, others and indeed yourself's monitor his every move. Xoogsade, does it not just blow away your silly arguments about "his ill intentions" towards a specefic clan, when you read the Presdient meeting the elders, business men and civil leaqders of all the clans of Mogadishu and the nation? Juma, supporting the elected President is of course a sign of patriotism..
  14. Its a first step. The world bank reps made a visit to Jowhar, staf from the UN, AU, IGAD have all visited the transitional capiatl and now we have an MP from Canada going. Whats important is that Somalia specially where the goevrnment is in is safe to do busienss, that fact alone brings some hope.
  15. May Allah have mercy on the marxuum. As for politics like Ngoonge said not much will change within Saudi Arabia the Saud house is an intitution that will try to maintain order for their own sake.. Grange death is going to have some impact on the peace in Sudan. Like him or not he was abig player in the South.. It is quite fishy how his plane just blow up or crashed.
  16. Jowhar:Isu soo dhawaasho ka dhex muuqda madaxda sar sare ee DFKGS ee khilaafku udhexeeyay - Sunday, July 31, 2005 at 16:17 Jowhar(AllPuntland)- Magaalada Jowhar ee ah fariisinka kumeel gaarka ah ee Dawladda Soomaaliya ayaa waxaa ka soconaya hawlo isu soo dhawaansho ah ayadoo ay dheceen xiriir xagga taleefonka ah oo dhex maray madaxdii khilaafaadku ka dhexeeyay. Raysulwasaaraha Soomaaliya Cali Maxmed Geeddi iyo madaxwaynaha Soomaaliya ayaa wada qorshayaal ay ku doonayaan inay wada hadallo diblomaasiyadeed layeeshaan madaxda kusugan Muqdisho ee uu kamid yahay Guddoomiyaha baalramaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan. Xiriir xagga taleefonka ah ayaa dhex maray madaxwaynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha baarlamaanka iyo sidoo kale raysulwasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha baarlamaanka . Inakastoo masuuliyiinta xiriirka sameeyay aysan saxaafadda u caddayn xiriirkaasi ayaa hadana sida ay AllPuntland soo gaarsiinayaan xog ogaal Jowhar kusugan , waxaa muuqda dabacsanaan labada dhinac ah oo ay kasoo dabceen mawqifyadii ay horay u taagnaayeen. Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa naf ahaantiisu Muqdisho ka sheegay inay muhiim tahay in lala shaqeeyo dawladda Soomaaliya laguna gudo jiro xallinta khilaafaadka u dhexeeya garabyada dawladda. Wada hadalladaasi waxaa bar bar socda kulan dhex maraya madaxwaynaha , rasulwasaaraha iyo qabaa'ilka Soomaaliyeed oo looga falan qoonayo xasilinta dalka . Waxaa maalmihii tagay hoos u dhacay xawligii ay ku socon jirtay doodaha madaxda Soomaaliyeed ay isku dhaafsanayaan saxaafadda ayagoo midba midka kale dhaliilayo , waxaana dadka siyaasadda ka faallooda ay sheegayaan in isu soo dhawaanshaha ka dhex muuqda madaxda DFKGS uu noqon karo mid heshiis dhab ah ka danbeeyo. CCC Farayaamo AllPuntalnd
  17. Kulan aan Caadi ahayn oo Muqdisho kadhacay iyo Xubnihii Xamar joogay oo Jowhar u {Mogadisho}Axad, July 31, 2005 Waxaa Hotel Saxafi -ee Magaalaada - Muqdisho ka dhacay Kulan aan Caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen Xubnaha B.lamaanka ee Kusugan Halkaas, Waxaana Guddooominayey Shirka Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya Mudane: Shariif Xasan Sh. Aada.......... Kulankaan oo sida lasheegayo ayan kasoo qaybgalin Xubno saas usiibadan ayaan lagu qaban Xarunta Xisbiga oo ahayd Halkii Fadhiga u ahayd Baarlamaanka Muqdisho kusugan, Waxaana loosababaynayaa Inta badan Baarlamaankii Halkaas kusugnaa oo Udusay Dhankaas iyo Magaalada Jowhar oo ah Fariisinka Rasmigaa ee Madaxwayne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Prf: Cali Maxammed Geeddi. Inkastoo uu shirkaani ahaa Mid Albaabadu uxiran yihiin ayaa Haddana wuxuu Guddoomiye:Shariif Xasan sheegay inay Guud ahaan Baarlamaanku soodhaweeyeen Wadahadalladii iyo Dadaal walba oo lagu dhexdhexaadinayo, Labada Garab ee DKMG-kaa waa Siduu Hadalka udhigaye. Kulankaan ayaa intii uusocday waxaa Shirka kusoo biiray Xubno uu horkacayo Maxamud C/llaahi Jaamac "Sifir" oo ah Ra'iisalwasaare Kuxigeenkii hore ee Soomaaliya, waxaa kaloo Wafdiga yimid kamid ahaa Zakariye Maxamuud Xaaji iyagu kawar bixiyey Safar ay uga yimaadeen Magaalada Nayroobi ee Carriga Waddanka Kenya. Isku sooduuduuboo Majirin Natiijo wayn oo kasoobaxday Kulankii Sabtilaha ahaa ee Xubnaha Baarlamaanka ee Xamar kusugan Marka laga reebo Soodhawaynta Dhexdhexaadineed ee Labada Garab ee DKMG. Bishaar C/risaaq bishaar100@hotmail.com
  18. ^^^ Headless chicken lol.So far all the palns of the old colonel have worked, he has moved the issue of security to the centre. He has shown that Mogadishu is not ready for the government and has moved against following in the fotsteps of the happless Abdiqasin and the goevrnment of Ali Mahdi. His goevrnemtn has the support of the international community and has a foothold in the south, from Hiiraan, Central Shabbele and Bakool, Gedo and the Juba regions. What does that leave occupied lower Shabbele and little more than half of Banadir. What about the 4 men Suldan spoke of?, They have been mighty quite lately. Qaynyare is talking about the constitution What about the statement from the Sharif that his group are willing to talk now, any place anytime last week he was not this week he is. Suldan as ever seem niave about what he terms "southern" politics. In Abdullahi Yusuf the south have found a man who knows how to deal with "tough" individuals. Juma, the capital is Jowhar and it wont move untll security is restored. When you check the map its the divided "opposition" who are being cornered from Wajid to Kismayu to Puntland to beledweyne the governemtn is coming, alas you will then start talking about the "constitution"
  19. ^^^ lol I saw somewhere that Geedi was in Mogadishu toady and whe I checked others he was still on his way.. So untill most of them reported take it with a pinch of salt..
  20. ^^^ Suldan I gave you the reasons in my opinion. Yes these are the foundations of the Somali national forces. As are the boys in Xuddur, Waajid, Jowhar, Kismayu, Gedo, Beledweyne and Banadir.. There are various little obsticles that one has to take into consideration but like I said the army is getting into shape a few months from now we shall see it in action.
  21. My dear Xoogsade. Dont flater yourself. As for your comments above yes youa re right I supported the peace conference and the inclusion of all the major players, and indeed most major groupings took part and most individual wit ambition of power contested the election from Ina Salad Boy, Yusuf Yey, former minister and civil group leaders. The idea that I ahve changed is baseless I have supported the process and the end product. The warlords of Xamar have hid behind two issues "Ethiopia" and the "Capital" and we both know those are just smoke screens for they wanted money on top of their position. Remember Qaynyare once said that he wanted the government to buy the wepons and airports from them. A bankrupt governmen would buy wepons from its own ministers? We also know that in Yemen the President agreed to go to the capital and not include Ethiopia in the IGAD troop deployment, yet Sharif in front of the Yemeni President said he could not agree to sign the agreement. In Xamar Yemen was included with Ethiopia as the "enemy" of Somalia. The President and PM gave three months for roadblcok removals, yet they have failed, and wont admit to this failure, we have ministers taking money from roadblocks, we have a Parmiment speaker being paid by these groups and you have the audacity to blame the President. On the Mogadishu issue and on Ethiopia the President agreed with them, why then will they not support the government plan? You hardly make any sense, what si this agenda that the President has? Creating an army and police, moving to a safe location, not rushing into the lions den. These are common sense tactics that any leadr would do. People make remarks about Jowhar, Xuddur or as you do Bossaso, but are they not Somali cities are they not as relevent as Mogadishu? You need to revisit nationhood and stop hiding behind the laymen clan arguments.
  22. ^^^ Dear boy I know what my brother from Somaliland was getting at and to be honest there are several reasons for this. Some were logistical others, politicall and of course central to the millitary aim of secrecy. The Puntland troops are just one part of the whole that will make up the foundation of the new armed forces.. The long treck was a smoke screens which many like Juma fell fr nicely..