
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
TFG Meeting in XAMAR, [who has more support in]?????
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Cumar Filish, Maxamuud Salaad Nuur, Furux, Cadde Gaaboow,Gen. Maxamed Sheekh Cusmaan Miikaa'iil and many others influential figures in Mogadishu all belong to the same clan. Some are opportunists and others are realists. I know one thing that though they are all opposed both to the clannish machinations of president warlord Yeey and the apathetic selfish mendacity of the warlords..i.e. Qanyare ,Ato & Sudi.. I like the above statement, well put. You stated clearly they all belong to the same clan. Evidently its not your clan since you are Eritrian or something [pardon me if I am wrong]. So how do you know more than anyone, what they intend to do or their future plans? The truth is simple the above mentioned individuals support the plan of the government headed by President Yusuf and PM Geedi. Like I said who has more support than the TFG in Mogadishu if they can rely on just the above individuals? As for your constsant attempt at being divisive, brother you are no closer to Mogadishu than I or others say as far away as Puntland, once you realise that some of the weight might fall of your small shoulders.. -
^^^ Xiin, I was joking with my old friend Sophist. I dont support Faroole and I am getting fed up with this whole murky business dealings. Like I said I need more info before I can make a serious comment or stance... Good to see you guys again ..
-
TFG Meeting in XAMAR, [who has more support in]?????
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ra’iisal Wasaare Geedi oo maanta ka warbixiyay socdaalkiisii Talyaaniga iyo Kenya iyo Kulan lagu taageerayay horumar ay sameeyeen Xubnaha Dowladda ee Jowhar ku sugan oo maanta Muqidsho ka dhacay Arbaco, September 14, 2005(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta ka warbixiyay socdaal uu dhawaan ku soo kala bixiyay dalalka Talyaaniga iyo Kenya, kadib kulan uu la yeeshay Xubnaha Golaha Wasiirrada ee ku sugan magaalada Jowhar. Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in uu dalka Talyaaniga kulamo ku soo yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Talyaaniga, gaar ahaana Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda, kuwaasi oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo weliba sidii ay Dowladda Talyaaniga u sii wadi lahayd kaalmo ay horay u siisay, wuxuuna ra’iisal Wasaaruhu xaqiijiyay in arrintaas ay ka aqbashay Dowladda Talyaaniga. Sidoo kalena wuxuu ka hadlay Ra’iisal Wasaaraha kulamo uu magaalada Nairobi kula yeeshay wakiillo ka socday Beesha Caalamka, kuwaasi oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan gacan siinta Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, isla markaana ay xafiisyo uga furan lahaayeen magaalada Jowhar oo haatan Xarun KMG ah u ah Dowladda Federaalka. Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in heshiis taariikhi ahaa uu magaalada Nairobi ku dhexmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo ku saabsanaa iskaashi dhinacyo kala duwan leh oo ay labada dowladood yeeshaan, iyadoo heshiisyadaasna ay labada dowladood u kala saxiixeen Wasiirrada arrimaha Dibadda ee labada Dal Mr. Chirau Ali Makwere iyo Danjire C/llaahi Shiikh Ismaaciil. Sidoo kale kulankaas ayuu Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ka sheegay in dhawaan la furi doono Xafiis weyn oo magaalada Muqdisho ka qaban doona howlaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, kaasi oo uu ka howlgeli doono Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Md. Xuseen Maxamed Caydiid. Xuseen Caydiid ayaa qudhiisa waxaa uu magaalada Muqdisho ka sheegay in Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi uu dhawaan imaan doono Xamar, isla markaana ay Dowladda Federaalka si rasmi ah uga howl bilaabi doonto magaalada Muqdisho. Dhanka kalena, waxaa galabta lagu qabtay Hotelka Ramadaan ee magaalada Muqdisho kulan lagu taageerayay horumar ay sameeyeen xubnaha labada gole ee Dowladda Federaalka, kuwooda ku sugan magaalada Jowhar. Kulankan oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Xuseen Caydiid, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Md. Maxamuud Salaad Nuur, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Md. Cumar Maxamed Maxamuud (Filish), Wasiiru Dowlaha Gadiidka Badda iyo Dekedaha Md. Maxamed Jaamac Furux iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Maxamuud Xasan Cali (Cadde) ayaa lagu taageerayay heshiiskii ay dhowaan magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo weliba Xafiiskii uu Midowga Afrika ka furtay magaalada Jowhar. "Heshiiskii ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya ee uu goob jooga ka ahaa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Prof. Cali Maxamed Geedi, isla markaana uu Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ambassador C/llaahi Shiikh Ismaaciil waxaa uu ahaa mid Taariikhi ah oo aan soo dhaweyneyno"ayuuna yiri Xuseen Caydiid oo kulankan ka hadlayay isagoo sidoo kalena wax lagu farxo ku tilmaamay Xafiiska uu Midowga Afrika ka furtay magaalada Jowhar. Xuseen Caydiid oo aan maalmahaan dambe ka qeybgelin kulamada ay isugu yimaadaan xubnaha labada gole ee Magaalada Muqdisho ku sugan ayaa hadalkan uu maanta ka dhawaajiyay waxaa uu ka sii fogeynayaa Xubnaha Dowladda ee Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo maalmahaanba ka shakisnaa siyaasaddiisa Dowladda, inkastoo Xuseen Caydiid markii uu Nairobi ka guurayay uu sheegay in khilaafka u dhaxeeya xubnaha Dowladda Federaalka ee Muqdisho iyo Jowhar kala jooga uu door dhexdhexaadnimo ah ka ciyaari doono. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com -
^^^ Nah the fact where his best interest lies. One should never support the losing side, but who knows if he is just playing. Anyhow occupation anad few technicals wont win, over justice and reason. All ministers must support the government.. Most in Xamar have now left the tool and Co, for example, Furux, Finish and a couple of other "Strong men" have left, we hope all come back to the fold and work for the national interest and not keeping the people in bondage... Juma stop supporting what the people termed the "vampires of Brava" you are a big man after all..
-
The TFG support is growing in Mogadishu as highlighted by this meeting which took place in hotel Ramadan, it was attendent by the deputy PM, Governor of banadir, federal ministers, MP's, Imam Maxamud and other traditional leaders, business men and former politicians. For anyone who has any doubt the days when Mogadishu was not open are over.... ............................................................... Kulan lagu taageeerayo Xafiiskii Midowga Afrika ay ka furteen Jowhar iyo heshiiskii iskaashi ee ay dhawaan kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya oo Maanta lagu qabtay Hotelka Ramadaan ee Magaalada Muqdisho Posted to the Web Sep 14, 21:14 Muqdsiho:- (PP) - Kulan lagu taageerayay Xafiiska Midowga Afrika ay ka furteen Magaalada Jowhar, oo ah fariisinka Dowladda federaalka Soomaaliya, Heshiiskii iskaashi ee ay dhawaan Nairobi ku kala saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Imaanshaha Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu imaanayo dhawaan Magaalada Muqdisho, uuna soo agaasimay Ra'iisul wasaare ku xigeenka isla markaanka ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda federaakla Soomaaliya Xuseen Maxamed Caydiid ayaa maanta gellinkii dambe lagu qabtay Hotel Ramaadaan ee magaalada Muqdisho. Kulankaas oo ahaa mid ay ka soo qaybgaleen xubnaha dowladda ee ku sugan Muqdisho ayaa waxaa xubnihii ka soo qaybgalay ka mid ahaa: Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Owqaafta Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish), Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Maxamuud Salaad Nuur, Wasiir u dowlaha badda iyo Dekedaha Maxamed Jaamac Furux, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaaboow),Generaal.Maxamed Sheekh Cusmaan oo ahaa Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya intii ay jirtay Dowladdii Marxuum Maxamed Siyaad Barre, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo xubno kale oo aad u fara badan. Kulankaas ayaa ugu horreyn waxaa hadal ka jeediyay Ra'iisul wasaare ku xigeenka isla markaanka ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda federaakla Soomaaliya Eng.Xuseen Maxamed Caydiid oo sheegay in ay taageerayaan haddii ay yihiin xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdsho, wuxuuna sheegay in midowga Afrika xafiiskii ay ka furteen Jowhar uu ahaa mid aad iyo aad loogu baahnaa, waayo Soomaaliya waxay member buuxa ka tahay Midowga Afrika, midda kale. "Waxaan maanta doonaynaa inaan muujiyo taageeradeenna ku aaddan heshiiskii taariikhiga ahaa ee ay ku kala saxiixdeen magaalada Nairobi Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Prof. C/laahi Sheekh Ismaaciil iyo Wasiirka Arrimaha dibadda ee Kenya oo uu wakiil ka ahaa Prof. Cali Makuube, iyadoo heshiiskaas uu goobjoog ka ahaa Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi". ayuu yiri Xuseen Maxamed Caydiid oo sharraxaad ka bixinayay wixii ay kulankaas u qabteen. Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Maxamuud Salaad Nuur oo sheegay in ay taageersan yihiin haddii ay yihiin golaha wasiiradda dowladda Federaalka Soomaaliya ee kusugan Muqdisho heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhanka iskaashiga ee dhawaan dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, sidoo kale wuxuu sheegay in ay taageerayaan Xafiiska Midowga Afrika ay ka furteen Jowhar oo uu sheegay inuu ahaa mid awalba la filayay. Xuseen Maxamed Caydiid ayaa sidoo kale shirrkaas maanta ka sheegay in dhawaan uu magaalada Muqdisho imaanayo oo uu xafiis ka furayo R/wasaaraha Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay isku diyaarinayaan imaanshiyaha Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo uu sheegay inuu Muqdisho iyo Jowhar ka wada shaqeyn doono. Halkaas ayaa waxaa kaloo ka hadlay xubnihii isugu yimid, waxayna dhamaantood qireen in xubnaha Dowladda ee ku sugan Jowhar ay yihiin xubno wada qorshayaal lagu farxi karo, isla markaana gaarsiin kara Soomaaliya Yoolka ay higsanayso. Maxamed Xuseen Jimcaale(Jantiile) Wakiilka Puntlandpost -Muqdisho,Soomaaliya webmaster@puntlandpost.com
-
GUDDOOMIYAHA CUSUB EE MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN OO SI WEYN LOO TAAGAARAY Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mr. Yusuf Axmed Xagar " Arbaco, September 14, 2005(HOL): Kaddib markii ay DFKM Soomaaliya Gobolka Hiiraan u soo magacowday maamulka G/Hiiraan Mr. Yuusuf Axmed Hagar "Dabageed" ayaa kaddib waxa soo baxayay rag kale oo iyagana sheegana inay yihiin madaxda Gobolka kaddib Geeridii Marxuum Xasan Cabdulle Qalaad oo ahaa ninkii jagadan hore u hayay. Haddaba isu soo bax ballaaran oo ka dhacay fagaaraha xarunta gobolka Hiiraan Horteeda oo ay isugu yimaaddeen dhammaan qeybaha bulshada ee reer Hiiraan oo ay hoggaaminayeen duubabka iyo odayaasha dhaqanka ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay loona taageeray inuu howl galo maamulkan cusub. Cali-Dhuux Cabdi Mahadalla oo ahaa ninkii horey u sheegtay inuu yahay Masuulka ugu sareeya ee gobolka ayaa si cad fagaaraha uga sheegay inuu arinkaas ka tanasulay kaddib wax uu ugu yeeray inuu u tanasulay Yuusuf Dabageed uuna lashaqeyn doono. Dacar Xirsi Xooshow oo ah guddoomiyaha golaha wakiilada dhaqanka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan maamulkan cusub iyadoo haatanna lagu jiro marxalad aad u xun gaar ahaan dhanka ammaanka waddada dheer. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mr. Yusuf Axmed Xagar iyo Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas C/raxman Ugaas Khaliif" Ugu dambeybtii waxa halkaas hadal dheer ka soo jeediyay Ugaas C/Raxmaan Ugaash Khalif Ugaas Rooble oo ku hadlayay magaca duubabka reer Hiiraan waxana uu sheegay inay si dhab ah utaageereen ka duubab ahaan, waxana uu dhammaan qeybaha bulshada reer Hiiraan ka codsaday in sida loo soo dhoweeyay loola shaqeeya maamulkan cusub. Gebagabadii shirkan ayaa waxa halkaas hadal ka soo jeeidyay Guddoomihaa cusub Mr Yuusuf Dabageed iyo Kuxigeenkiisa Xuseen Cumar Xasan, waxana ay sheegeen in ay tahay howsha ugu horreysa in ay wax ka qaban doonaan Ammaanka, taasoo ay haddaba muuqato dhibaatada ba'an ee ka taagan ammaan darrada gaar ahaan waddada dheer ee iska xirta gobolada dhexe inta ay Hiiraan ka marto, taasoo ay 24kii saac ee ugu dambeeyay ay ku dhinteen dad gaaraya 4 qofood, halaka ay dad kale oo badan oo rakaab ahna ay ku dhaawacmeen. Dhanaka kale shir ballaaran oo shalayto galeinkii dambe ka dhacay Hotelka Hiiraan ayaa waxa uu Guddoomiyuhu kulaan kula yeeshay Aqoonyahannada iyo ganacsata Reer Beled weyne, halkaas oo ay ku soo bandhigeen qaabka ay doonayaan inay maamulkan cusub ula shaqeyn lahaayeen, waxan isla markiiba la saaray guddi farsamo oo ka soo baaraan daga dayactirka ay u baahan yihiin Xabsiga Dhexe iyo Saldhigga Booliska Beledweyne sil loo howl galiyo. Isku soo duub waxa muuqta dhaq dhaqaaq ballaaran oo la doonayo in lagu xakameeyo nabadgelyada, isla markaana reer Hiiraan ay helaan maamul dhab ah oo shaqeeya kaddib 14 sano oo dowlad la'aan uu ahaa dalku, waxayna ku xiran tahay hadba sida loola shaqeeyo maamulkan dadkuna si mideysan uu isku kaashado. Aadan Xasan Bashiir Hiiraan Online Beled Weyne Adanuu6868@yahoo.com
-
^^^ Old fart what trinity, dont get ideas into peoples heads man. There is enough trouble as it is. Take care brother..
-
Abdiqasim is desperate and a looser, Barre Hiraale is running scared Morgan is useless and past his sell by date, Indhacadde & Serar are tools, And plus the 'ministers' in Xamar are thugs and not worthy of mention, Sharif Hassan is thier tool Jumatutu ^^^^That is one fine summary of the group trying to keep Mogadishu as it is. How long can the occupation of Brava, all the way to Kimsayu continue? Thats the biggest dilema for this group sooner or later they will be chased out of Brava, Marka and even Kimsayu then what??? Change is hard to resist and the Somali's want change. As for Morgan, he has no power and is enjying himself in Mogadishu. Barre as ever the Juniour partner we thought he was smarter than Qaynyare and Musa but hey....
-
^^^ We have been here before. We have had a meeting in Balcad before the election and we have had severeal meetings of all faction leaders including Abdiqasin and Islamic courts in Mogadishu ever since March. So whats the difefrence now? Everytime the government takes a forward step the opposition have a meeting... The fact is that nothing will happen these groups dont want to lose power over their own domains and thus create a united forces and administration. This will always be their downfall for while the TFG is uniting its forces and appointing local powerful players to key positions such as Cde Gabow and the new Governor of Hiiraan, these individuals are having meetings in Barava and hotel Saxafi. An important issue here is demographics, the JVA clans are a minority in the regions that they occupy, from Barava, Marka and lower Shabbele all the way to Juba, frankly without the consent of all the clans it will be a dream to create a federal entity. It seems they dont undertsand how hard it bring to fruition Somaliland and Puntland, it took months and difficult grass root meetings to create the states in the North. Do they believe a meeting between occupiers and two subclans from Galgaduud will bring these large areas aunder their control for good? Abdiqasin's revenge is the fanatasy of a lonely man who had his time, yet desperately clutching on to every straw..
-
Cadde Muuse is a sellout. Cadde, Afqurac and Gaagaab have already sold their soul for the dollar - and are on their way to sell natural resources in northeastern Somalia. Hold on a second brother. You sound like yu know these accusations to be true. dear I say what proof do you have ? As for the blundering the natural resources thats bulshit, it takes allot of money and effort to get these minerals and fossil fuels out of the ground. It sounds so easy the whole wealth of the North east of Somalia will go in couple of months or years????? We need more information before we can jump into conclusions as for the exploration, lets not get in the way.. The question before you blunder is, are there any commercially viable minerals in Puntland or in Somalia.. Answering that question alone will take time and much effort...
-
Buuba meets President of UAE + Support for Governor of Banadir
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Support of the Banadir Clan in London -
Khalifa gets Somalia PM's note Sep 12, 2005 - 09:55 - Abu Dhabi, 12 Sept. 05 (WAM) - President H.H. Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan has received a message from Dr. Ali Mohammad Ghedi, Prime Minister of Somalia, dealing with bilateral relations and topics of mutual interest. The message was received by Sheikh Hamdan bin Zayed Al Nahyan, Deputy Prime Minister and Minister of State for Foreign Affairs while receiving Dr. Ismael Mahmoud Hara, Somali Deputy Prime Minister and Minister of Regional Cooperation who is currently on a visit to the country. The meeting discussed bilateral ties and ways to enhance them. The meeting was attended by Hussain Mohammed Balalah, Somali Ambassador and Abdul Hamid Bu Zahir, the outgoing Algerian Ambassador who called to bid Sheikh Hamdan a farewell at the end of tenure. WAM/MAB 21 42 CCCCQQE
-
UN gets back offices in Somali provisional capital The United Nations Children's Fund (UNICEF) has resumed its humanitarian operations in Jowhar, temporary seat of Somalia's transitional government, after the local administration returned its compound, a statement said here Tuesday. "Control of the UNICEF compound in Jowhar, Somalia has been returned to the UN. The chairman of the Middle Shabelle Administration Mohammed Omar Habeb aka Mohammed Dhere handed the keys to UN national staff earlier today," a statement from the UN Development Program Somalia Office said. "The national staff had been denied access to the compound since Sunday following the relocation of international staff last week as a precautionary measure due to the recent military movements in and around the area," the UN said. Tension has been building in Jowhar following the arrival last week of militia groups. The UN agencies and foreign humanitarian organizations have already evacuated staff from Jowhar, fearing clashes between followers and opponents of President Abdullahi Yusuf. The UNICEF's numerous projects in Jowhar is run by local staff following the evacuation of 13 international UN staff last week. "The UN is constantly monitoring the situation with the aim of returning the international staff to Jowhar once the security situation allows. All other UN activities in Somalia continue uninterrupted," the statement said. UNICEF was operating several projects in Jowhar including education, health centers, water, HIV/AIDS, youth projects and other humanitarian activities. Its offices in the provisional capital were also the temporary base for other UN agencies. The obvious increase in tensions between the Mogadishu and Jowhar fractions has caused renewed fear in the international community, observing that the 14th peace attempt in Somalia is slowly crumbling. But President Yusuf's allies say the troops were part of a reorganization of armed forces to secure the government's base. The president had said in July that he would recruit militia forces from his northern stronghold of Puntland and other parts of the Horn of Africa nation to join a new army. His fledgling government has insisted on operating in Jowhar, after relocating from the Kenyan capital Nairobi in June this year. Yusuf says Mogadishu is still too unsafe for the installation of a central authority. Somalia has had no operational government for the past 14 years, following the collapse in 1991 of the government of the late president Muhammad Siad Barre. Civil war erupted soon after Barre was toppled, as various factions leaders fought for power. Source: Xinhua
-
^^^ Brother, dont worry I will continue to post news from every credible source in order to get something close to the real picture. Rome was not built in a day. This Somali project will not be completed in a few months a years. One is encouraged by the progress so far, yes Abdiqasin went to the UN, but he did not have much of a plan or a clue apart from following Presidnet Gheele. What if this meeting had taken place and President Yusuf was not invited, imagine the news then????? Abdullahi Yusuf in a year has matched what all the previous admins have achieved put together. He has real estate in the country, Puntland, Hiiraan, and Central Shabbele toname a few. He has international support, hence the office of the AU, the Arab league commitment and now a visit to North America. I am keeping a close eye on the visit to Canada....
-
Jowhar: Madaxwaynaha DFKGS Md: C/laahi Yuusuf Axmed oo u dhoofay dalka Maraykanka. - Tuesday, September 13, 2005 at 17:34 Jowhar(AllPuntland)- Madaxwaynaha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta ka ambo baxay magaalada Jowhar . Madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa ka qayb galaya shir ka dhacaya magalada New York oo ay isugu imaanayaan madax kala duwan oo ka socota qaaradaha kala duwan ee dunida. Madaxwaynaha ayaa si diiran loogu sii sagootiyay gagida diyaaradaha magaalada Jowhar , waxaana madaxwaynaha sii sagootiyay xubno ka tirsan dawladda oo uu kamid yahay raysulwasaaraha dawladda Soomaaliya Prof; Cali Maxmed Geeddi. Kulanka ka dhacaya magaalada New York 15ka bishan ayaa waxaa lagu soo qaadayaa arimo ay kamid yihiin ladagaallanka Faqriga iyo la dagaallanka argogixisada caalamiga ah . Madaxwaynaha DFKGS Md: C/laahi Yuusuf Axmed ayaa lafilayaa inuu halkaasi kasoo jeediyo qudbad dheer oo uu uga hadlayo marxaladaha uu kusugan yahay dalka Soomaaliya iyo baahida dalku u qabo in laga caawiyo dhinacyada dib udhiska iyo siyaasadda. Madaxwayne Yuusuf oo waqti aad u gaaban ku hakan doona dalka Kenya ayaa waxaa la filayaa inuu sidoo kale magaalada New York kula kulmo madax ka socota beesha caalamka ee ka qayb galaysa shirkaasi. Waa markii ugu horaysay ee madaxwaynaha Soomaaliya uu u kici timo dalkaasi Maraykanka ,waxaana madaxwaynaha lafilayaa inuu gudbiyo qorshe culus oo kusaabsan dawladdiisa . CCC Farayaamo AllPuntland
-
Bannaanbax lagu taageerayo maamulka cusub ee Hiiraan oo ka dhacay Beledweyne Beledweyne - 13.September.2005 Waxaa maanta magaalada Beledweyne gaar ahaan xarunta maamulka gobolka ka dhacay bannaanbax lagu taageerayo maamulka cusub ee gobolkaas. Bannaanbaxan ayaa waxaa ka qayb galay siyaasiyiin, isimo, ganacsato, ururrada bulshada rayidka ah, haween iyo dhallinyaro. Isu soo bixii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka qayb galay Ugaas C/raxmaan Khaliif, waxana uu dadweynaha ka codsaday in la taageero guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan, Yuusuf Dabageed. Ambiyo Nuur Cali SBC Beledweyne
-
Madaxweynaha Somalia oo u ambabaxay magaalada New York Jowhar-13.September-2005 Madaxweynaha dowladda federaalka kmg ee Somalia Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta ka dhoofay magaalada Jowhar ee xarunta kmg ee dowladda federaalka Somalia. Madaxweyne Yuusuf oo safarka ay ku wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka ayaa u ambabaxay magaalada New York oo ay ku taallo xarunta Qaramada Midoobay. Madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf Axmed marka uu tago dalka Maraykanka waxa uu ka qayb geli doonaa shirar kala duwan oo Caalami ah. Si kastaba ha ahaatee safarka madaxweynaha ayaa yimid xilli ay saxaafadda qaarkeed horey u shaacisay in madaxweyne Yuusuf uu la’ yahay Viisihii dal ku galka dalka Maraykanka si uu uga qayb galo kulanka guud ee Qaramada Midoobay ee bishan. Madaxweyne C/laahi Yuusuf wuxuu noqonayaa madaxweynihii labaad ee Soomaaliya ee ka qayb gala kulan sanadeedka Qaramada Midoobay, tan iyo wixii ka dambeeyay bur burkii dowladdii Maxamed Siyaad. Sanadkii 2001-dii ayaa madaxweynihii hore ee dowladdii lagu soo dhisay Carta, Jabuuti mudane C/qaasim Salaad Xasan uu ka qayb galay kulankii loo dhamaa ee Qaramada Midoobay. SBC News Desk.
-
Cali-dhuux Cabdi Mahad-alla oo sheegay in wixii maanta ka dambeeya uu u aqoonsan yahay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabo-geed) Posted to the Web Sep 13, 16:50 Baladweyne:- (PP) – Isku soo bax ka dhacay Xarunta gobolka ee Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa halkaas hadallo ka jeediyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Cali-dhuux Cabdi Mahad-alla oo ahaa ninkii ku haystay Guddoomiyenimada Gobolka Hiiraan guddoomiyaha gobolkaas Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf dabo-geed) oo uu dhawaan magacaabay Ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi, sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiraan Dabo-geed,Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyo xubno kale oo fara badan. Hadal uu ugu horreyntii isku soo baxaas ka jeediyay Cali-dhuux Cabdi Mahad-alla ayuu ku sheegay in wixii maanta ka dambeeya uu u aqoonsan yahay maamulka gobolka Hiiraan Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Yuusuf Axmed Hagar (Dabo-geed) oo uu dhawaan u soo magacaabay gobolka, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi. “Waxaan u sheegayaan dadweynaha Gobolka Hiiraan in maanta wixii ka dambeeya uusan gobolku lahayn labada guddoomiye ee uu leeyahay hal guddoomiye oo qura, kaasuna waa Yuusuf Axmed Hagar (Dabo-geed)†ayuu khudbaddiisii ku yiri Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali-dhuux Cabdi Mahad-alla. Hadalkaan ka soo yeeray Cali-dhuux ayaa si weyn uga yaabiyay dadweynaha ku dhaqan gobolka Hiiraan oo iyagu ogaa is-qabqabsi u dhexeeya maamulka Cusub ee gobolkaas iyo Cali-dhuux, waxaase arrintaas ka hadlay Ugaaska beesha Xawaadle oo yiri: “Waxaa ILAAHAY mahadiis ah in maanta reer Hiiraan ay isku raaceen inay taageeraan guddoonka cusub ee Gobolka, taasoo dadweynaha gobolka ka dhigaysa dadweynaha gobolka inay yeeshaan hal meel oo looga arrimiyo†Heshiiskaan dhex maray Cali-dhuux iyo Yuusuf Dabo-geed ayaa waxaa ka soo shaqeeyay waxgaradka iyo culummaa’uddiinka gobolka Hiiraan, waxaana Yuusuf Dabo-geed oo isku soo baxaas dhankiisa ka hadlay uu sheegay in howsha ugu horreysa ee uu gobolka ka qaban doono ay tahay xagga nabadgalyada oo uu sheegay inuu doonayo inuu wax badan ka qabto. Maxamed Xuseen Jimcaale(Jantiile) Wakiilka Puntlandpost -Muqdisho,Soomaaliya webmaster@puntlandpost.com
-
^^^ As ever Olol or LOL as I like to call him starts having dialogue with himself. Brother keep calm nothing has happened yet, as for beautiful Barava insha Allah soon you shall be liberated from the fake wadaads and ex Presidents who want to keep you down.
-
Shacabka magaalada Beledweyne oo maanta si weyn u taageeray Maamulka Cusub ee Hiraan Beledweyne:- Wararka maanta naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa tibaaxaya in maanta ay halkaa isugu soo baxeen Dadweyne aad u badan oo taageersan maamulka cusub ee gobalka. Shacabkan oo maanta si weyn isugu soo baxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa muujinayey sida ay usoo dhaweenayaan maamulka cusub ee uu gobalkaasi u magacaabay Raysalwasaaraha Dowlada Federaalka Cali Maxamed Geedi. Yuusuf Axmed Xagar Dabageed oo ah guddoomiyaha cusub ee gobalka Hiiraan loo magacaabay ayaa asagu kamid ahaa dadkii maanta halkaasi kula hadlay shacabka. Waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay banaanbaxan taageerada ahaa, Issimada iyo cuqaasha gobalka. Shacabka Beledweyne ayaa ayagu u muuqda dad si weyn u doonaya in gobalka uu yeesho maamul wax tarleh. Guddoomiyaha cusub ee maamulka ayaa asagu sheegay in wax badan uu ka qaban doono arrimaha Bulshada iyo dhibaatooyinka ka jira gobalka ee dhanka Amaanka. Beledweyne ayaa kamid ah goobaha sida weyn looga taageeray dowlada xarunteedu tahay magaalada Jowhar, waxaana shalay soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Xukuumada Federaalka ciidamo aad u badan oo kasoo jeeda gobalka Hiiraan iyo magaalada Beledweyne. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
-
C/laahi Yusuf Ahmed oo kusii jeeda dalka Maraykanka Jowhar:- Madaxweynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya C/laahi Yusuf Ahmed ayuu maanta u bilowday safar uu ku aadayo dalka Maraykanka. Wafdigan Madaxweynaha Federaalka oo maanta sii maraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan shirka Guud ee Qaramada Midoobay isugu imaanayo. Shirkaasi oo ka dhici doona Xarunta UN-ka ee New York ayey isugu imaanayaan in ku dhow 200 oo Madaxweynayaal iyo hogaamiyaasha dowaladaha dunnida. Shirkan ayaa lagu wadaa in looga hadlayo arrimo badan oo ay kamid yihiin Amaanka Addunida iyo waliba isbedalada loo baahan yahay in lagu sameeyo Qaramada Midoobay. Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu inta uu ku sugan yahay dalka Maraykanka kulamo la yeelan doono Madaxda Caalamka. Arrinta Dalka Soomaaliya ayuu sheegay in Madaxweynaha uu markale usoo bandhigi doono dowladaha waa weyn si markaasi loo caawiyo dowlada loo soo dhisay dalka Soomaaliya oo 15kii sano ee lasoo dhaafay ku jiray burbur. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
-
Taliska Booliiska Soomaaliya oo laga furayo Jowhar Jowhar:- Waxaa maalinimadii shalay soo gaaray magaalada Jowhar Taliya Booliiska Soomaaliyeed Gen.Cali Madoobe oo kasoo noqday safar uu ku tagay dalka Yugandha. Taliyaha oo markii uu soo gaaray xarunta dowlada Soomaaliya ee Jowhar warsaxaafadeed qabtay ayaa sheegay in magaalada Jowhar laga bilaabay dhismaha Ciidamada Booliiska Qaranka. Gen.Cali ayaa sheegay in hawlahaasi la bilaabay isla markaana Xarunta Booliiska Soomaaliyeed laga hirgelin doono magaalada Jowhar ee hada xarun u ah dowlada. Taliyaha Booliiska ayey safarkiisa ku wehliyeen ugu yaraan 14 kamid ah 70kii sarkaal ee tababarka loogu diray dalka Yugandha. Gen.Cali Madoobe ayaa saxaafada u sheegay in dhawaan ay saraakiisha kale soo gaari doonaan dalka Soomaaliya, isla markaana ka qeyb qaadan doonana dib u dhiska ciidamada Booliiska. Magaalada Jowhar ayey horey uga socdaan dhismaha ciidamada Milatariga ayadoo la sheegay in diwaan gelinta iyo isu aruurinta Ciidamada Booliiska ay dhawaan bilaaban doonaan. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
-
Qaar Kamid ah Saraakiishii Boliska ee Ugandha Tababarka u Aaday oo Jowhar Kusoonoqday. E-MAIL THIS PRINT THIS Liibaan Cabdi Cali,Muqdisho Taliyaha Ciidanka Boliska Jan. Cali madoobe Waxaa shalay gelinkii dambe soo gaaray magaaladda jowhar qayb ka mid ah 65 Sargaal oo horaantii bishii hore u anba baxay magaalada kambaala ee dalka yugaandha halkaasoo ay ku soo qaateen tababar ciidan. Saraakiishaan oo katirsan ciidan booliiska soomaaliyeed ayaa waxa ay kakala yimaadeen gobaladda jubooyiinka shabeeladda dhexe iyo gobalka banaadir iyagoo soo qaatay tababar la xiriira hormarinta xirfadooda ciidanimo. Saraakiishaan oo soo gaaray magaalada jowhar ayaa waxaa hogaaminaya taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed ee uu magacaabay Ra'iisul wasaare (Geedi) Cali Maxamed Xasan(Cali Madoobe) wuxuuna sheegay mar uu war fidiyeenka lahadleyey in ay saraakiishaan soo qaateen tababar ciidan oo uu ku tilmaamay in ay wax badan ka soo faa'idaysteen wuxuuna sheegay in ay ka howlgali doonaan magaalada is lamarkaana ay tababaro siin doonaan maleeshiyooyinkii oo dhawaan lagu xareeyay Xerooyiinka Koongo iyo Mahadaay ee gobalka shabeelada dhexe. Saraakiishaan oo ah kuwo ay soo aruuriyeen xubnaha ku fikirka ah Madax weyne C/laahi Yuusuf ayaa horaantii bishan ka ambabaxay Garoonka Cisileey ee Duleedka Magaalada Muqdisho iyagoo ambabaxoodana ay canbaareeyeen Saraakiil farabadan oo booliis ah oo ku kala sugan Magaalada Muqdisho iyo Gobalada dalka
-
Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka amba baxaya magaalada Jawhar Jawhar - 13.September.2005 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta ka amba baxaya magaalada Jawhar ee xarunta kumeel gaarka ah ee dawladda Soomaaliyeed. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu ku sii jeedaa waddanka Maraykanka kadib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay dawladda Maraykanka si uu uga qayb galo fadhiga guud ee hoggaamiyayaasha caalamka ee Qaramada Midoobey oo dib loogu eegayo hormarka dhinaca caafimaadka iyo dhaqaalaha ee uu caalamku higsanayo sannadka 2015. Sidoo kale, kulanka sannadkan ayaa waxaa lagu xusayaa sannad guurada lixdanaad ee asaaska Qaramada Midoobey (UN60). Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu hoggaaminayaa wafdi ka kooban xubaha labada gole ee dawladda, waxana ka mid ah, wasiirka arrimaha dibadda, C/laahi Shiikh Cismaan, wasiirka horumarinta reer miyiga, Gacma Dheere, Marwo Khadiijo, iyo wasiirka warfaafinta Maareeye. Safarka madaxweynaha ee dalka Maraykanka ayaa ku beegmaya xilli uu isla dalkaas ku sugan yahay guddoomiyaha baarlamanka federaalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqan doona waddanka Canada, waxana wararku ay sheegayaan in uu Cabdullaahi Yuusuf Axmed wada haddallo la yeelan doono ra’iisal wasaaraha waddanka Canada, Paul Martin. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa dalka dib ugu soo laaban doona bisha Oktoobar ee soo socota. Axmed Xasan Mahad SBC Jawhar