General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Mujahid-SNM, you are not answering the question.
  2. ^^^My hats of to you saxib. You are indeed tougher than most.
  3. ^^^Again a priceless piece of Rudy theater, how do you come up with those gems?
  4. ^^^Who will learn the truth the secessionists?
  5. ^^^His words are as good as the ones before them when he wanted to unite Somali & Ethiopia.
  6. "Waxa Umadda Reer Somaliland Ceeb Ku Ah Hambalyada Daahir Rayaale Ee Guusha Cabdilaahi Yuusuf," Waraysi, Muj. Muuse Biixi Cabdi Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 13 January, 2007 -------------------------------------------------------------------------------- Hargeysa (Ogaal)- Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ka mida xubnaha sare ee guddida fulinta ee Xisbiga KULMIYE, ayaa si kulul ugu dhaliilay Madaxweyne Rayaale war ay faafisay Laanta Af-soomaaliga ee Idaacadda BBC-du, kaasoo sheegaya in Madaxweyne Rayaale ugu hambalyeeyay Males Zenawi, guusha ay Itoobiya ka gaadhay Koonfurta Soomaaliya, taas oo uu xusay inay dadka Somaliland ay u sacab tumayaan. Waraysi dheer oo uu xalay (habeenkii Khamiistu soo gelaysey) siiyay Ogaal, ayuu kaga hadlay Muuse Biixi arrintaas iyo qaar kale oo badan oo wax lagaga waydiiyayba, waxana uu u dhacay sidan;-
  7. ^^^Even he knows the SSDF is gone, that struggle is outdated and we dont care for it much, kinda like the older groups and movements. Today thankfully we have Puntland and the TFG..
  8. SSDF does not exist and nor is it rushing to war with anyone.
  9. "Dagaalka waxaa wada Maxkamadaha wayna sii wadayaan ilaa inta uu ka baxayo cadowga ku soo duulay" ayuu yiri Prof. Ibraahim Xasan Caddow mas'uulkii Maxkamadaha u qaabilsanaa arrimaha dibadda, wuxuuna sheegay in Maxkamaduhu ay weli jiraan ayna taageersan yihiin shacabka Soomaaliyeed, "Shaatigii ay rabaan ha gashteen waxa Xamar ka dagaalamaya waa Maxkamadihii" ayuu yiri Prof. Ibraahim Xasan Caddow.
  10. Shir ay soo qabanqaabiyeen Soomaalida Qurba-joogta kana dalka dalka Ingiriiska oo isku khilaafay qodobo ay ka doodeen Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 08/04/07 Iyadoo xaaladda Soomaaliya ay gashay toddobaad ay ka dhaceen magaalada Muqdisho dagaaladii ugu weynaa muddo 16-sano ah kadib ayaa waxaa dhibaatooyinka ka dhashay oo saameynta ugu badan ay ka soo gaartay dadka rayidka ah, waxaa dalka dibadiisa ka bilowday dhaqdhaqaaq iyo abaabulo ay hormuud u yihiin Soomaalida qurba-joogta ah, taasi oo ay ku soo bandhigeen sida ay uga xun yihiin faragelinta Milateri ee ay Soomaaliya ku hayaan ciidamada Itoobiya. Shir ay soo qabanqaabiyeen Soomaali ku dhaqan dalka Ingiriiska ayna ka soo qeyb galeen Aqoonyahano, xubin ka socotay Maxkamadihii laga awooda roonaaday iyo siyaasiyiin ka mida Dowladda Federaalka, waxaana xubnaha ka soo qeyb galay shirkan ka mid ahaa: Prof. Cali Khaliif Galleyr, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalalka Yurub iyo Mareykanka. "Ujeedada shirka wuxuu ku saabsanaa sidii dalka looga saari lahaa cadowga ku soo duulay ee Itoobiya, isla markaana hab siyaasadeed ka duwan midka haatan socda loo wajaho" ayuu yiri Prof. Cali Khaliif Galleyr oo sheegay in kulankooda ay ka soo saari doonaan war murtiyeed ku wajahan xaalada Soomaaliya. Marka la eego jawiga shirka ay Soomaalida qurba-joogta ku yeelanayaan dalka Ingiriiska iyo xubnaha lagu casuumay oo ay ka mid yihiin Maxkamadihii Islaamiga iyo Dowladda Federaalka, waxaa muuqata in halkaasi ay isugu tageen dhammaanba kooxihii ka horjeeday howlgalada Milateri ee ay dalka ka wadaan Dowladaha Soomaaliya, hase yeeshee inkasta oo waxyaabaha ugu muhiimsan ee kulankan laga filan karo ayaa waxaa ugu horeeya inay cambaareyn ka soo saaraan dagaaladii Muqdisho ka dhacay, ku dhawaaqid urur ama xisbi mucaarad ah iwm. Dhinaca kale shirka ka dhhacay magaalada Lister ee dalka Ingiriiska, ayaa waxaa xubnihii kale ee ka hadlay aanay isku mowqif ka noqon ujeedada kulanka loo qabtay, waxaana dooda ugu weyni ka timid Islaamka iyo siyaasadda oo uu sheegay Prof. Cali Khaliif Galleyr, "Haddii aad tagto xafiiska Midowga Yurub ma oran kartid waan jihaadayaa" ayuu yiri Prof. Cali Khaliif oo sheegay in lala yimaado isla markaana la adeegsado siyaasad furfuran, isagoo ku taliyay in la is waafajiyo Islaamka iyo siyaasadda. "Dagaalka waxaa wada Maxkamadaha wayna sii wadayaan ilaa inta uu ka baxayo cadowga ku soo duulay" ayuu yiri Prof. Ibraahim Xasan Caddow mas'uulkii Maxkamadaha u qaabilsanaa arrimaha dibadda, wuxuuna sheegay in Maxkamaduhu ay weli jiraan ayna taageersan yihiin shacabka Soomaaliyeed, "Shaatigii ay rabaan ha gashteen waxa Xamar ka dagaalamaya waa Maxkamadihii" ayuu yiri Prof. Ibraahim Xasan Caddow. Hadalka Ibraahim Xasan Caddow ayaa u muuqda mid meesha ka saaraya hannaanka siyaasadeed ee ay doonayaan siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada qurba joogta ah inay uga qeyb qaataan dalkooda, iyadoo ay aad u adag tahay in shirkaasi ay ka soo baxaan go'aan ay u dhan yihiin dhammaanba ka qeyb galayaasha sida horeba u dhacday kulamadii ay yeelan jireen Soomaalida, tiiyoo ay aad u adkaan doonto sida ay Maxkamadihii laga awooda roonaaday ugu biiraan isbaheysiga ku shiraya magaalada Lister ee dalka Ingiriiska, iyagoo ka hor jeesan doona amaba aan la dhacsaneyn go'aanada kuwooda xasaasiga ah ee shirkaasi ka soo baxaya. Kulankan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa waxaa laga soo saaray ilaa iyo 18-qodob oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya, waxayna xubnaha shirkaasi ka qeyb galay isku aragti ka ahaayeen tallaabada Milateri ee ciidamada ka wadaan magaalada Muqdisho, iyagoo ku sifeeyay in lagu soo duulay dalka, sidaas darteedna ay waajib tahay in laga saaro dalka. Bayaanka ay soo saareen xubnahan ayaa waxay ku cambaareeyeen beesha caalamka sida ay isaga dhega tirtay waxa ka dhacaya magaalada Muqdisho oo ay ku tilmaameen inay tahay xasuuq loo geysanayo dad rayid ah oo aan waxba galabsan, iyadoo qoraalka lagu xusay in la magacaabo guddi 11-xubnood oo diyaariya howlaha shirka iyo tallaabooyinka kale ee xigi doona. Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra) jabra@somaliweyn.com
  11. Shirkii la filayey in lagu dhiso Urur Mucaarad ah Magaalada Birmingham ee Dalka Ingiriiska ayaa fashil ku dhamaaday kadib markii lagu heshiin-waayey in Qaab mideysan la iskuugu raaco Urur mideeya Jaaliyadaha Dibada ee Mucaaradka ku ah Siyaasada Dawlada Federaalka Soomaaliyeed. Aqoonyahanadii ka soo qayb-gashay kulanka ayaa watay fikrado kala duwan, iyadoo qaarkood soo jeediyay in la dhisi Urur Wadani ah oo ay ku mideysan-yihiin Jaaliyadaha Dibada, iyadoo qaarkoodna ay ku adkeysteen in loo wahajo Siyaasada Dawlada lagu mucaaradayo arin Qabiil, fikrada Qabiilka ayaa waxaa ka horyimid inta badan Siyaasiintii soo xaadirtay Kulanka. Dood iyo fara-taag-taag kadib Waxaa miiska la soo saaray sharci lagu dhisayo Urur xornimo doon ah oo loogu magac-daray [/i](United Somali Islamic Congress)[/i] arintaas oo Dad badan oo uu Prof. Galaydh ka mid yahay ka caraysiisay, kadib markii ay ku doodeen in Ururkan uu yahay magacii Ururkii Beelaha ****** ku mideysnaayeen ee la oran-jiray (USC)oo lagu daray Magac Islaami ah, wuxuuna sheegay Professorku Dadkii soo alifay Magacaan inay doonayaan inay marin habaabiyaan ajandaha shirka waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “haddii Urur Qabiil la sameeyo inay dan oogu jirto Siyaasadaha Dawlada Itoobiya ee ku dhisan Xukun oo qeybi" Shir-Gudoonka ayaa markii la isku mari-waayey Shirka Miiska soo saaray in la meel-mariyo Afar qodob midkood oo kala ah: 1-Qaab Qabiil in Ururka lagu dhiso 2-Qaab Diimeeed Urur ku dhisan in la qaato 3-Qaab Wadaniyeed Urur ku dhisan 4-Qaab Siyaasada Reer Galbeedka u jan-jareera in la qaato Gaba-gabadii kulanka oo la sugayey in midka mid ah Qodobadan la qaadanayo ayaa noqday Hal bacaad lagu lisay, kadib markiii lagu guuleysan-waayey in meel dhexaad ah la iskuugu yimaado. Dhinaca kale Fashilka ku yimid mar Labaad kulanka Mucaaradka ayaa loo aneynayaa Qodobadan: 1-khilaafaad u dhexeeya Proffessor Samatar iyo Galaydh 2-Reysal-wasaarihii Soomaaliya Cabdi-Risaaq Xaaji Xuseen oo ka cudur-daartay inuu ka soo qeyb-galo Shirka. 3-Ergadii Dalka Ingiriiska oo uu hogaaminayey Aqoonyahan Cabdi-Naasir Maxamuud Gureey oo ku gacan-sayray inay ka soo qeyb-galaan kulanka. Dhinaca kale waxaa Shirka Birmingham ka soo qeyb-galay Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Xubnahaan oo weligood mucaaradku ahaa Dawlada,taasoo keentay inaan Shirku wax miisaan ah yeelan. Qaban-Qaabiyaasha Shirka ayaa eeda fashilka dusha ooga tuuray Sheekh Yariisoow iyo Sheekh Tayson, oo iyago ka mid ahaa Ragii soo qaban-qaabiyay kulanka,balse doonayey in la taageero Urur loo magac-daray (United Somali Islamic Congress). Waxaa xusid mudan ah Magaalada London oo aan booqasho gaaban ku soo gaaray, inay ka mid tahay Magaalooyinka laga huriyo colaadaha Soomaaliya, waayo Dadka ku dhaqan markaad aragto waxay faraha kula jiraan fidno iyo iska horkeenka Shacabka Soomaaliyeed, waxaan maqli jiray Dalka Ingiriiska waa Xarunta laga huriyo colaadaha Soomaaliya Walee hadalkaas been ma,aha, waayo Laba usbuuc oo aan hada ku suganahay, ayaan la yaabay hab-dhaqanka Soomaalida ku nool Dalka Ingiriiska Xuseen Yaasiin Godo-Godo
  12. Tahliil, what about the young children being used as a tool of war, and then those who used them running to safety abroad? As for the joke, yes that famous fuel embargo on Baidoa and other legendary tactics from the clowns got us scared. The former Abu's were really on point then.
  13. The SNM group has been rattled we hope they come back to their senses and stop wasting our time.
  14. ^^^Step by step things are taking their true shape. All this talk of Ethiopia/US means nothing more than the anti-governt groups and their friends the secssionists have failed to do their home work..
  15. "No Al-Qaeda in Somalia" No clan courts leaders in Somalia either. Which is a good thing, since they got chased out so did Al-Qaeda, the remaining cells will be uprooted insha Allah.
  16. lool. I really did not get your last post, and it was in most part in English right?
  17. ^^^ The TFG defeated the clan courts forget the method used the group with stronger power today are the TFG, those making telephone calls in hiding or in Asmara are the leaders of the clan courts. Dont get the facts twisted, it has becoem your forte of late for example it is Puntland who is in Dhahar & LA and Buuhudle and so on. As for the fight, where is taking place, around the homes and businesses of the clan courts, not in Baidoa, Beledweyne, forget Kismayu, and leave the central regions alone. Also those fighting are distancing themselves from the clan courts, proving that this organisation has been defeated in totality when its own former fighters, supporters and sponsors now claim to be no more than a secular clan.. Thus what are you talking about?
  18. ^^^^She is doing well Alhamdulilah thanks for asking. Humour is relative, and if Somaliland can break away for clan reasons so can the people of Awdal, forget about those from SSC we know what a debacle that claim has become for the secessionists.
  19. Safiiro ilaa 35 gaaraya oo dhowaan la hor keenayo Golaha Wasiirrada Waayaha.net Warar ku dhowdhow xafiiska Ra'iisal wasaaraha DFKMG Soomaaliyeed Cali Max'ed Geeddi ayaa sheegaya in maalmaha Arbacada ama KHamiista fooda inagu soo haya golaha wasiirrada la hor keeni doono Dane-jirayaal tiradooda lagu sheegay ilaa 35Dane-jire oo dowladda FKMG Soomaaliyeed wakiilo uga noqon doona dowlado kala duwan oo qaaradaha dunida ku kala yaala. Sida warka lagu sheegay Dane-jireyaashan ayaa waxaa ka mid noqon doona Xubno siyaasadda horay loogu yaqaanay oo aad muhiim u ah, isla markaasna waxaa si rasmi ah markii u horeysay xilalkoodii Dane-jirnimo loogu magacaabayaa Max'ed Cali America oo isaga hadda si aan rasmi ahayn u sii hayay safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Kenya, iyo C/kariim Faarax Laqanyo. Warkan ayaa intaa ku daraya in safiirradii horay u jiray ay suurto gal tahay in is-bedel lagu sameeyo ama qaarkood ay waayaan xilkoodii, waxaana jirtay eedaymo horay u soo baxay oo sheegayay In Mdn. Cali Max'ed Geeddi ay marar badan is qabteen isaga iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda Mdn. Ismaaciil Hurre Buubaa arrimo la xiriira niman badan oo Dane-jirayaal sheeganay oo ay labada nin isaga hor yimmaadeen.
  20. Danjiraha Soomaaliya ee Raashiya, oo safar ku jooga Finland. Waxaa baryahan safar shaqo ah ku soo Gaaray Dalkan Finland Danjiraha Soomaaliya Ufadhiya Dalka Raashiya Caasimadiisa Mosko Maxamed Maxamud (Handule). Safiirka howlaha ugu muhimsan ee uu dalka Finland u yimid waxaa ka mid ahaa sidii ay dowlada Finland iyo shacabka Soomaliyeed ee ku nool dalkan Finland sidii ay u taageeri lahaayeen in Soomaliya lagu soo dabaalo nabad waarta. Waxaa kaloo Safiirka uu dowlada Finland uu kala hadlay sidii xiriirkii hore ee wanaagsanaa dib loogu soo celin lahaa loona bilaabi laha mashruucyadii qiimaha badnaa ee dowlada Finland ay ku caawin jirtay shacabka Soomaliyeed sida Mashruuci Tiibida iyo dhisidii xooga korontada ee Magaalooyinka Kismaanyo iyo Baydhabo. Safiirku wuxuu kaloo la kulamay madaxda dalka ugu saraysa sida xafiiska Madaxweynaha dalka Finland iyo barlamaan dalka iyo wasaarada Arimaha dibada, waxaa kaloo safiirku uu la kulmay safiirada wadamada Maraykanka Talyaaniga Konfur afrika iyo hayada CRD ee Madaxweynihii hore ee dalka Finland Marti Ahtisaari ee xafiiskiisa Helsinki. Safiirka waxaa si diiran Finland ugu soo dhoweeyay dadka soomaliyeed ee ku dhaqan dalka Finland Qaybaheeda kala duwan sababtoo ah dadka soomaaliyeed waxay aad uwada garanayaan Danjirahan Cusub ee dalka ruushka umatala Dawlada Soomaaliyeed waxay kaloo aaminsan yihiin inuu safiirka aaminsanyahay soomaalinimo dhab ah uuna dadka soomaliyeed ugu shaqeeyo si daacad ah kuna dheehan wadaninimo. Dowlada Finland waxay safiirka u balan qaaday inay udirayaan wafdi xildhiibano ah oo u soo kuur gala xaalada dalka soomaliya. Waxaa kaloo dowladu ay u balan qaaday in xiriir diblomaasiyaydeed dib loo soo celinayo iyo in ummada soomaliyeed ee ku nool dalka finland lagu taageero inay dalkooda wax u qabtaan kana qayab galaan Shirka dibuheshiisiinta iyo dib u dhiska dalka, Dowlada Finland waxay kaloo balan qaaday inay tageerayso shirka dib u heshiisiinta ayadoo dhaqaalaha umarindoonta IGAD . Safiirka wuxuu kaloo booqday bandhig buugaagta Afka Soomaliga iyo suugaanta oo ay soo bandhigeen abwaano soomaliyeed ay ku qaban qaabiyeen magaalada Helslinki ee dalka Finalnd waxaana isku soo dubarida oo sanadwalba soo qaban qaabiya Scansom publisher Mohamed Sheikh Hassan, Bashir Osam, Khalid Ali Gul Safiirku wuxuu u mahadceliyay abwaanada iyo qorayaasha sida ay afka hooyo iyo dhaqankii soomaliyeed ugu hawal galeen, waxaa kaloo uu safiirku umahad celiyay masuuliyiintii magaalada Helsinki oo suurtagalisay inuu qabsoomo Carwadani lagu soo bandhigayay Qoraalka Afka Hooyo iyo waliba Suugaanta Soomaaliyeed waxaa kaloo safiirka uu dadka soomalyeed ku guubabiyay inay dhaqankooda iyo Afkooda hooyo aysan ka tagin Ubadkoodana baraan si ay mustaqbalka u anfacaan Dalkoodiy Hooyo Wixii warbixindheeraad ah kalo soo xiriir Ali Qassim aliequal@yahoo.co.uk Radiowarsan / Helsinki