General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. MUQDISHO: Xuseen Xaaji Bood: "Kooxda ka soo horjeedda dowladda waxaan ku qancinnay inay wadahadallo la yeeshaan..." Posted to the Web Apr 13, 10:16 Muqdisho (PP) - Xuseen Xaaji Bood oo ah Siyaasi ka soo jeeda Beelaha Mudullood ayaa sheegay inay kulammo ay la qaateen kooxda kale ee ka tirsan beesha ****** ee ka soo horjeedda Dowladda ay isku afgarteen in wax walba lagu dhameeyo nabad iyo wadahadal, xabbaduna aysan xal ahayn. Mudane Xuseen Bood wuxuu sheegay in kooxdaan ay kulan kula qaateen Muqdisho, isla markaana ay isku afgarteen inay dhammeeyaan khilaafaadyada kala dhexeeya Dowladda ayna ka doortaan xabbada inay wax ku dhameeyaan nabad iyo wadahadal. "Waxaan la kulannay annagoo ah guddi ****** balse aan qabin fikradda kasoo horjeedka dowladda xubno kale oo ****** ah oo qaba fikir ka soo horjeeda Dowaldda, waxaana isku afgarannay in wax walba lagu dhameeyo nabad, lagana digtoonaado in xabbad wax lagu xalliyo" ayuu yiri Xuseen Xaaji Bood oo warbixin saxaafadda ka siinayay kulan la sheegay inay shalay wada qaateen Xubnaha beelaha ****** ee aan dowladda kasoo horjeedin iyo kasoo horjeeda Dowladda. Mudane Xuseen Xaaji Bood, wuxuu carrabka ku ballaariyay in qodobbo ay ka soo saareen kulankooda ayna ka mid yihiin qodobbadaas in dowladda wadahadallo lala qaagto si wax walba loogu dhameeyo nabad iyo sidoo kale in Ciidammada is horfadhiya laga kala qaado goobihii lagu dagaalamay. Xuseen Bood wuxuu sheegay inaysan iyagu waxba ka garanayn in la kala qaadayo ciidammada iyo in kale, balse ay go'aanada ay soo jeediyeen ka mid tahay, balse fulinteeda laga doonayo ciidammada Ethiopia iyo kuwa Dowladda oo isku dhinac ka soo jeeda iyo kooxaha dagaalka uu kala dhexeeyo. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com
  2. ^^^ME, I think you are falling for the propoganda, they can not capture anything and Cade is gone on a business trip the rest of the governemnt led by Dahir Afqurac is home, this is a miscalculation on their part. If claims could come true, Yusuf Garad's would have in terms of Mogadishu. Puntland will only get stronger. insha Allah
  3. come man who are you kidding. you know that Geedi's clan despises the man. What nonsence coming from a secessionists who do not know anything about Mogadishu or the south. Saxib the Imaam of both clans was there, so were all the elders of the clan and all their political leaders. Thus you are insulting a whole clan elders as nothing more than cheap sell outs. I expected nothing less from you guys.. Geedi's clan is behind the TFG people, and thats a fact even Musa, Dheere, Finish and others have now come on board.. But of course the secessionist know more
  4. Saraakiisha Ciidamada Itoobiya oo Shuruud adag ku xiray Odayaasha Beelaha Ceyr, Saleebaan iyo Duduble inay soo gacan geliyaan Dhamaan Dhalinyaradii hogaaminaysay Posted to the MOL April 13, 2007, 1:29 pm Saraakiisha Ciiidamada Ethiopian-ka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa shuruudo adag ku xiray odayaasha dhaqanka Beelaha Ceyr, Saleebaan iyo Duduble qorshaha ay ku doonayaan in la kala qaado ciidanka ka dib dagaalkii dhawaan ka dhacay. Warar si hoose ay u heshay Shabakadda Mudugonline.com ayaa sheegaya in shuruudahaasi ay ku gacan seyreen odayaasha ****** isla markaana arrinkaasi dartiis uu wadahadalka halis ugu jiro inuu bur buro. Saraakiisha Ciidamada Ethiopian-ka waxaa ay sheegeen in ay ogol yihiin in ka bixitaanka goobihii ay yimaadeen hadii 3 shardi ay kasoo baxayaan odayaasha dhaqanka ee Beelaha Ceyr, Saleebaan iyo Duduble,waxaana ay kala yihiin:- 1-In ay soo dhiibaan dhamaan saraakiishii hogaamineysay dagaaladii dhawaan ka dhacay Muqdisho oo ay Ethiopia sheegtay in ay ahaayeen kuwo taabacsan Maxaakimta. 2-In ciidamada dowladda FS loo fasaxo dhamaan degmooyinka kala duwan ee Muqdisho in ay ka howlgalaan isla markaana ay sameeyaan howlgallo ay ku sugayan amaanka magaalada. 3-In odayaasha beesha ****** ay kamid ah noqdaan qeybaka beeshooda ku matalaya shirka dib u heshiisiinta isla markaana ay joojiyaan hurinta Colaadaha ay ka wadaan Caasimadda Somaliya. Shuruudahaasu ayey soo bandhigeen saraakisha Ciidamada dowladda Ethiopia waxaana la sheegay in ay ku gacan seyreeyn odayaasha dhaqanka isla markaana ay ku ballameen labada dhinac in ay kulan kale ka yeeshaan. Mudugonline.com
  5. BOOSAASO : Cadde Muuse " dalkayaga waan daafacanaynaa waa iska hadal xuduudahan tagaynaa" Posted to the Web Apr 13, 17:39 Boosaaso:-Cadde Muuse Xirsi M.wayanaha Puntland oo maanta ka duulayay gagida diyaaradaha ee Boosaaso , ayaa mar uu saxaafada la hadlay ayuu yiri "dalka waan daafacaynaa hadalada ka soo yeeraya S/land waa iska hadal wax-xuduuda oo ay tagi karaana ma ay jiraan". Wuxuu sheegay in ay marnaba suurgal ahayn in waxyaalaha uu ku taahayo maamulka S/land in ay gaaraan , balse loo baahan yahay in dadwaynaha Puntland ay ka shaqeeyaan ammaanka dalka iyo horumarintisa. M.wayne Cadde Muuse ayaa sida hadalkiisa ka muuqatay aan wax-wayn ka soo qaadin faragalinta ay S/land ku hayso Puntland. Iyadoo dhawaan magaalada dhahar ee gobolka Sanaag-bari uu dagaal ku dhexmaray labada Ciidan ee Puntland iyo S/land , iminkana ay magaalada dhahar ay ku sugan yihiin masuuliyiin sarsare oo ay ka mid yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan S/land hase ahaatee deegaanka ka soo jeeda deegaanka. Cadde Muuse oo ay wahliyaan qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa u duulay dalka Imaaraadka , wuxuuna sheegay M.waynuhu in uu maqnaan doono muddo todobaad ah heshiisyo muhiimana uu halkaasi ku soo saxiixi doono , walow uusan heshiisyadaasi uusan faafaahin nooca ay yihiin iyo cidda uu la galayo. Axmed C/salaam Garoowe , Puntlandpost.com
  6. Puntland oo waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka sheegaya inay dhahar la wareegeen Ciidamada Somaliland. Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay iyagu hada ka arimiyaan deegaanka Dhahar kadib markii halkaasi ay isaga bexeen ciidamada Puntland hadaba waxaa arintaasi waraysi ka bixiyay Wasiirka Madaxtooyada Puntland iyadoo waraysiga ay ka qaaday shabakada dhahar.com,W/Madaxtoyada DGP Cali Jamac Faarax oo ka hadlay cida dhahar gacanta ku haysa audio
  7. Ururada bulshada rayidka ah ee Sanaag oo soo saaray baaq ka dhan ah Somaliland Qaarka ka mid ah ururada ka jira kana howl gala gobolka Sanaag ayaa waxay soo saareen baaq ka dhan ah faragelinta Somaliland ku hayso meelo ka mid ah gobolka Sanaag. Ururrada SEDO, KEPO, iyo SYC ayaa baaq wada jir ah ka soo saaray arrinta gobolka Sanaag gaar ahaan fara gelin ay sheegeen in uu maamulka la baxay Somaliland ku hayo gobolka Sanaag. Baaqan oo ka koobnaa dhawr qodod ayaa waxaa kamid ahaa. In gebi ahaanba la joojiyo colaadda ka jirta gobolka Sanaag. In si shuruud la’aan ah ay Somaliland uga baxdo gobolka Sanaag. In la tix geliyo shacabka u dhaqan gobolka Sanaag. iyo In maamulka Puntland uu wax ka qabto arrimaha uu shacabku tabanyo. Ururadan ayaa sidoo kale ugu dambayntii ku baaqay in shir weyne ay ka qayb galaan, siyaasiyiinta, culimaa’udiinka, dhallinyarada, haweenka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay isugu yimaaddaan kaas oo lagu lafa gurayo xaalada gobolka Sanaag. Jaamac Yuusuf Jaamac SBC Boosaaso
  8. Boosaaso: Madaxwaynaha Puntland oo digniin u diray Somaliland oo sheeganaysa gobollo Puntland katirsan. 13. april 2007 Boosaaso(AllPuntland)- Madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi ayaa maanta ka hadlay xiisadaha kataagan gobollada Sool iyo Sanaag. Madaxwaynaha oo saxaafadda la hadlayay intii uusan ka duulin magaalada Boosaaso oo uu uga dhoofay dalka Imaaraadka ayuu sheegay in Somaliland iyo Puntland ay daris wanaag kusoo noolaayeen, aanna loo baahnayn in dagaallo iyo rabshado dhex maraan. Cadde Wuxuu sheegay in gobollada Puntland ay kamid yihiin degmooyinka ay sheeganayaan maamulka Somaliland, waxaana arintasi ku tilmaamay mid aan suurto gal ahay. Madaxwaynuhu wuxuu ka dhawaajiyay in dadka daga dhulka ay Somaliland sheeganayso inay ay Somaliland xataa og yihiin dadka ay kadhasheen iyo dhulka ay yihiin, aanna loo baahnayn falalka xiisadda keeni kara in lagu dhaqaaqo. Wuxuu digniin u jeediyay Cadde Muuse Cid walba oo ku hammiyaysa inay sheegato ama isku magacawdo dhulka Puntland inaysan u hir gali doonin. Wuxuu kaloo digniin u jeediyay dadka uu sheegay in gobolladii ay u dhasheen loo soo adeegsanayo,asagoo ugu baaqay inay arimahaasi ka waantoobaan. " Shacabka gobollada Sool iyo Sanaag ma matalaan dadka yarka ah ee doonaya inay magaalooyinka qaar gacanta u galiyaan Somaliland" ayuu yiri Cadde. Waa markii ugu horaysay ee madaxwayne Cadde ka hadlo arinta gobollada Sool iyo Sanaag iyo sheegashada Somaliland, waxayna u muuqataa in madaxwaynuhu si dib lumaasiyadasan uga hadlay arintan. CCC Farayaamo AllPuntland
  9. Puntland oo waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka sheegaya inay dhahar la wareegeen Ciidamada Somaliland. Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay iyagu hada ka arimiyaan deegaanka Dhahar kadib markii halkaasi ay isaga bexeen ciidamada Puntland hadaba waxaa arintaasi waraysi ka bixiyay Wasiirka Madaxtooyada Puntland iyadoo waraysiga ay ka qaaday shabakada dhahar.com,W/Madaxtoyada DGP Cali Jamac Faarax oo ka hadlay cida dhahar gacanta ku haysa(halkan-Dhagayso)
  10. I watched this on TV the demo's were huge and they started of peacefully and then all hell broke loose. Its another sad reminder of the past.
  11. ^^^As they come in saxib, but these men are claiming something thats not there. As the delegation move on to other areas they claimed victory. However Dhahar is 19th & Xingalool is the 20th dsitrict with a local admin in Puntland. If some belive that Puntland troops are over streched they will soon get a suprise.
  12. Raysalwasaare Geedi oo ka codsaday Ganacsatada Puntland in ay ka qaybqaataan hirgalinta shirka-qaran iyo xasilinta Muqdisho April 12 . 2007 Radiofreesomalia.com Raysalwasaare Cali Maxamed Geedi oo maanta la shiray ganacsatada Puntland ayaa wuxuu ka codsaday ganacsatada in ay si buuxda uga qaybqaataan hirgalinta shirwaynaha qaran ee lagu wado in uu qabsoomo bartamaha bishan iyo waliba xasilitaanka Muqdisho. Prof.Geedi , wuxuu sheegay in Ummadda Soomaali yeed ay yihiin dad iskumid ah , ganacsatada Puntland ay wax-wayn ka qaban karan xaalada dalka gaar ahaan Muqdisho. Sidaasdarteed , ay lagama maarmaan ahay in ganacsatadu ay u istaagaan soo celinta sharaftii dalka iyo qaranimadii Ummadda Soomaaliyeed. Cali Ceelaayo Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Puntland oo kulankan ka hadlay ayaa sheegay in ganacsatada Puntland ay diyaar u yihiin ka qaybqaadashada soo celinta sharafta dalka , gaar ahaan qabsoomida shirwaynaha qaran ee lagu wado in lagu qabto Muqdisho. Sidoo kale ganacsato aad u badan oo iyana halkaasi ka hadlay , si la mid ah Ceelaayo ballan qaaday in maalkooda ku bixinayaan wax-kasta oo horumar ay u arkaan , gaar ahaan in ay hirgalinayaan oo ka jawaabayaan codsiga Raysalwasaaraha. Prof.Geedi , ayaa si wayn ugu mahadnaqay dadka reer Puntland oo uu ugu horeeyo M.wayne Cadde Muuse oo isagu kulankan goob-joog ka ahaa iyo shacabkaba , wuxuuna ku tilmaamay in uu kal sooni uu ku qabo madaxda maamulka iyo Ummadda reer Puntland oo dhan.
  13. Xiingalool oo noqotay Degmadii 20aad ee Puntland oo Doorata Maamul degamo
  14. Xiingalool:- Golle.Deegaan iyo Duq Degmo aya maalintii shalay loo yagleelay Degmada Xiingalool ee Gobolka Sanaag.
  15. ^^^You are the one who has Garowe on his mind, you and the rest of the secessionist crowd.
  16. Wasiirka Maaliyadda Puntland Gaagaab oo sheegay in dhammaan heshiisyadii caalamiga ahaa ee Puntland gashay ay qalinka ku duugtay DFKS April 12 . 2007 Radiofreesomalia.com Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Puntland Maxmed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo maanta saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dhammaan heshiisyadii caalamiga ahaa ee Maamulka Puntland uu la galay shirkadaha iyo dalalka shisheeye ay Masuuliyiinta DFKS ay qalinka ku duugeen oo ay ansaxiixeen. Gaagaab , wuxuu sheegay in dhammaan waxyaabihii ay Puntland iyo DFKS ay ka wadahadleen guulo laga gaaray. Wuxuuna xusay in si wayn la iskula af-gartay sharciga canshuuraha iyo heshiisyada Caalamiga ah ee Puntland ay horay u saxiixday. Wasiirka Maaliyada Puntland wuxuu kaloo tilmaamay in Waftidiga DFKS ee uu horkacayo Geedi ay Puntland u joogaan shaqo-qaran , wuxuuna ku ammaanay hawalaha qaran ee ay Ummadda u ahayaan , wuxuuna tilmaamay in ay yihiin hawlahaasi kuwo najaxay. Wasiirka Ganacsiga DFKS C/laahi Cali Afrax ayaa isna si la mid ah gaagaab tilmaamay in dhamaan laga heshiiyay waxyaabihii horay ay ugu muran sanaayeen Puntland iyo DFKS
  17. ^^^Nicely put, some people here are deluding themselves as usual. Hoping for the clan insurgents in Mogadishu to get them their recognition. Fake religious comedians or known as secessionists.
  18. Ganacsatada Puntland oo aqbalay in ay bixiyaan Canshuuro Click here to find Shabelle news in English Boosaaso 12, April.07 ( Sh.M.Network) Magaalada Boosaaso ayaa kulan uu ku dhex maray wafdi uu hogaaminayo Ra'isulwasaare Geedi iyo Ganacsatada Puntland, kaas oo looga hadlayay canshuuraha lagu soo rogay garoomada iyo dekedaha dalka Somalia. Kulankaan oo qaatey saacado ayaa ganacsatada Puntland iyo Ra'isulwasaare Ghedi waxa ay ka wada hadleen canshuurihii ay dhowaan ku soo rogeen dowladda KMG ah ee Somalia dekedaha iyo garoomada Somalia, iyadoo kulankaasina la iskula raacay canshuurahaasi. Ganacsatada Puntland ayaa waxa ay si buuxda u ogolaadeen canshuuraha ay ku soo rogtay dowladda, iyagoona sheegay in ay bixinayaan qarashaadkaasi. Ra'isulwasaare Ghedi oo ka hadlay kulankaasi ayaa uga mahad celiyay ganacsatada Puntland sida ay dowladda ugu ogolaadeen canshuurta. Wafuuda Ra'isulwasaaraha Somalia ayaa kulankaasi ka hor waxa ay kormeero ku soo sameeyeen dekedda iyo Airaporka magaalaada Boosaaso. Click here to find Shabelle news in English C/qani Xasan Dhagjar
  19. Wafdiga Ra'iisul wasaaraha oo la shirey Ganacsatada Puntland Last Updated::2007-04-12 14:54:34 Boosaaso:-waxaa Kulan Maanta ku qaatey Hoteelka International Village wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul wasaaraha DF Soomaliya iyo Ganacsata Puntland. Kulankii Maanta ayaa waxa ka Hadley Ganacsatada Puntland oo ay Goobtii Shirka ka hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa Ganacsato si weyn looga yaqaan Puntland iyo Rugta Ganacsiga ee Puntland, waxaana shirkaan looga hadlaayey Shuruucda Canshuuraha ee DF Soomaliya oo iyo Ganacsiga Fedraalka iyo kan Dawlad Goboleedyada, Waxaana maanta la soo bandhigey sharci Cusub oo ku saabsan Ganacsiga Puntland. Wasiirka Ganacsiga ee DF Soomaaliya DR C/laahi Axmed Afrax ayaa sheegey in DF Soomaaliya ay soo saartey Sharciga Candhuuraha oo ku soo baxdey Tigreetro madaxweyne 6’dii August ee sanadkii 2006 kaas oo guud ahaan wadanka Soomaliya laga hirgelinayo. Wasiirka Ganacsiga ahna ku simaha Wasiirka Maaliyaada ee DF Soomaaliya Dr C/laahi Axmed Afrax ayaa xusey Fursada ay haystaan Ganacsata Puntland oo uu sheegey in Puntland ay wali wax u dhaqanyihiin, isaga oo xusey in rag uu indhadiisa ku arko rag farabadan oo wax ka yaqaan Xirfada Ganacsiga. Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Bada ee DF Soomaaliya ayaa kulanka maanta ka dhacay Hoteel International Village ka Hadley waxaana uu xusey in shirkaan uu yahay mid si gaar ah muhiimadiisa u leh. Gudoomiyaha Gobolka, ayaa u mahad celiyey Dawlada Kumeel Gaarka ee Soomaliyeed sida ay isaga xil saartey hawlaha Ganacsiga. Madaxweynaha Puntland Sayid Maxmuud Muuse Xirsi oo isna shirkii Maanta ka Hadley ayaa sheegey in Wafdiga ra’iisul wasaaraha uu hogaaminayo ay u yimaadeen in laga tashado Hawlaha Ganacsiga waxaana kale oo uu sheegey in Wasaarada Maaliyada ay u timid Puntland sidii loo mideyn lahaa Hawlaha Canshuuraha ee Soomaaliya. Madaxweynaha waxaa uu sheegey in ay Jiraan Dad Bad badalayo Hadalada waxaana uu sheegey in ay tahay sidii ay ku heshiiyeen waxaana kale oo uu sheegey in aysan jirin wax la badalayo. Madaxweynaha oo kulankii Maanta ka dhacey Hoteel International Village ka hadlay ayaa sheegey in Puntland waxii karaankeeda ah ay gacan qabaneyso DF Soomaaliya, waxaana uu sheegey in horey ay u taakuleyn jirtey hadana ay taakuleynayso. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland waxaa uu ka Hadley arimaha dhinaca Ganacsiga waxaana uu sheegey Madaxweynaha Puntland Sayid Maxamuud Musse Xirsi in Xoolaha Puntland ay u heleen Suuq, waxaana uu sheegey in wadamada Cumaan, Yemen Imaraatka iyo Sucuudiga ay qaadanayaan Xoolaha Puntland. Waxaana uu sheegey madaxweynaha in ujeedada Puntland ay tahay in la helo Xoolo caafimaad qaba iyo Lacag ku haboon Xoolaha in la siisto, waxaa uu hoosta ka xariiqey Gen.Cadde in ujeedada kale ee Puntland ay rabto ama ay dooneyso ay tahay in xoolaha Soomaaliya iyo kuwa Goboladan lagu iibsado Dekada iyaga oo aan Gaarin meelahii loo dhoofin jirey. Madaxweynaha Puntland oo ku dheeraadey arinta Xoolaha ayaa sheegey in Puntand ay dooneyso in Gobol kasta laga dhiso meel lagu dhaqaaleeyo Xoolaha inta aysan ka dhoofin Dekada. Ugu danbeystii Wasiirka koowaad ee DF Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi oo Shirkii Maanta ka dhacay Xarunta Hoteel International Village ka Hadley ayaa waxaa uu jeediyey hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi waxaa uu ka Hadley Arinta xoolaha ee Soomaaliya iyo Puntland waxaana uu sheegey in Puntland ay gaartey Horumar dhinaca Ganacsiga ah, waxaa uu sheegey Ra’iisul wasaaraha in xooluhu ay yihiin Furaha Ganacsiga ummada Soomaaliyeed, sidaas darteedna loo baahanyahay in lagu dadaalo hor marinteeda. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaa uu sheegey in Puntland ay ku Amaanantahay Horumarka ay ku talaabsaneyso ee dhinaca wax soosaarka waxaana uu sheegey in ay xor u tahay in ay Qodoto macdanta ay dooneyso in ay qodoto waxaana Gobolada Kale ee Soomaaliya uu us sheegey in ay haboontahay in ay ku dayadaan Puntland. “Puntland waa in ay shaqadeeda wadataa, Xor ayeeyna u tahay in ay la soo baxdo Macaadinteeda, cidii ku farxi lahayd iyo Cidii ka naxi lahayd.”ayuu yiri Ra’iisul wasaare Geedi. Ra’iisul wasaaraha waxaa uu sheegey in Ganacsiga Puntland uu yahay mid xor ah cid ku soo faragelineysaana aysan jirin. Si kasta oo ay ahaato kulankii maanta ay yeesheen wafdiga DF Soomaliyeed ka socdey, Maamul Goboleedka Puntland iyo Ganacsatada Puntland waxaa uu ahaa mid la siku afgartey sharuuc dhawaan la soo saari doono waxaana ay codsadeen DF Soomaaliyeed in shuruucda iyo Axdiyada Ganacsiga uu yahay Mohamed ALi (Dalmar) mohamedali11@gmail.com HorseedNet.com
  20. ^^^Just like they did in Las Ano when they chased away your president Riyaale? I guess not Puntland will retain control of that region and if the locals take it over it wont be to give it to you saxib..Both ways you loose and Somaliweyn wins.