General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^Mindless waffle nothing more, I give you Aydeed Jr defection one of the best news I have had in a long time. As for the rest, you are protesting way too much saxib.
  2. Ganacsatada gobolka banaadir oo dib uga howl galay dekada weyn ee Muqdisho (Muqdisho)-Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay bilaabeen howlaha dejinta iyo ka dhoofinta ee dekedda magaalada Muqdisho oo mudadii la soo dhaafay muran uu ku dhex taagnaa DFS iyo ganacsatada.. Guddiga gnacastada gobolka banadir oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadalay qorshe lagu yaraynayey qiimo koror horay loogu sameeyey badeecadaha ka soo dega dekadaha waaweyn ee dalka kaasi oo muran xoogan dhaliyey. Wada xaajod dheer ka dib ayaa waxaa masuuliyiinta dawlada iyo ganacsatadu isla garteen in meel dhexe wax laysug keen lana dabciyo qiimo kororkii lagu sameeyey badeecadaha ka soo degaya dekadda magaalada Muqdisho. Dekadda magaalada Muqdisho ayaan hadda muddo bil ah wax badeecad ahi ka soo deign ka dib markii uu mrun xoogan oo xagga cashuuraha ku saabsan uu soo dhex galay ganacsatada iyo dawlada taasi oo hadda wada hadal lagu dhameeyey. Xarunt wararka Waayaha.net Editor@waayaha.net waayahanet@hotmail.com
  3. ^^^lol in four months whole regions have come under TFG control. Mogadishu will follow soon insha Allah. The anti-government groups who for 16 years been feeding on the blood of Somali's are being taken down step at a time.
  4. Why leave SOL? , stay here and keep up the strugle. Lake Faisal Ali Warrabe will do nothing but loose a major war with Puntland. You need to rething your whole startegy you will not gain SSC. Maybe redraw the map and request recognition for the clan traingle.
  5. Who went there with a whole army and up to 10 ministers? Who were saber rattling for a whole week and making threats? Saxib Riyaale is a magecian long may he rule the clan traingle.
  6. So you would prefer to loose thousands just to retreat back to the Hargaysa?
  7. ^^^Nothing personal about it saxib, just telling it as it is.. Wat a crap! wax ceynkaas ayay la soo suuqtagayaan, dabadhilifyaan. That was lady like right..
  8. Kismaayo: ciidamada DF oo qabtay saanad Military oo Muqdisho loo waday. Kismaayo, Axad, April 15, 2007 Simba Radio Ciidamada Dowlada KMG ah ee degmada Kismaayo ayaa maanta ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan saanad Military oo magaalada Muqdisho loo waday. Ciidamada Dowlada ayaa sheegay in gaari xamuul ah oo u socday magaalada Muqdisho fuustooyin saarnaa lagu cabeeyay rasaas noocyo kala duwan. Taliyaha booliska saldhiga degmada Kismaayo Col. Ibraahim Khaliif ayaa Idaacada Simba u sheegay in saldhiga ay kusoo xireen labo nin oo lagu soo qabtay rasaastaasi iyo wadihii gaariga isla markaana baaritaano ay haatan ku wadaan. Taliyaha ayaa sheegay in rasaastaasi ay noqon karto rasaas ganacsi balse wax walba loo adeegsan karo isla markaana Muqdisho loo waday. Taliyaha waxuu tilmaamay in ciidamada booliska gobalka Jubbada Hoose gaar ahaan Kismaayo ay howl galo balaaran oo ammaanka lagu sugayo xiligaan ay wadaan. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Booliska degmada Kismaayo ayaa sheegay inay baari doonaan dhamaan gawaari aadeysa magaalada Muqdisho. Leyla Sheekh Aadan Kismaayo
  9. ^^^Did that get you angry, well good. Maybe the Hiiraan story also got under your skin?
  10. Khasaaraha Dhabta ah ee Soo Gaadhay maleeysiyaadka Soomaalidiidka Dhahar April 15 Khasaaraha Dhabta ah ee Soo Gaadhay maleeysiyaadka Soomaalidiidka ayaa aad looga dayrinayaa inay kala kulmeen waxaanay filayn taasoo sababtay xataa in wasiiradii halkaa tegay qaar ay ku waayaan jagooyinkoodii sida wasiirkii gaashaandhiga. iyadoo ilaa iyo hadda aan aad loo xaqiijin karin khasaaraha labada dhinac ka soo gaadhay dagaalkii shalay dhacay ayay hadan inta badan waxaa soo baxaaya in dhinaca ciidamada duulaanka ahaa uu soo gaadhay khasaare gaadiid iyo ciidanba ah sidoo kale dadka reer miyaga ah ee dhahar iyo baraagaha qol ayaa ilaa iyo gabal dhicii axadda soo hellay maleeysiyaad hadfay oo snm ah iyo dhaawcyo soolka jiifa kuwaas oo loo gudbiyey dhakhtarka magaalada dhahar. Dhinaca kale casar gaabkii galabta ayaa naloo xaqiijiyey in tuulada Biyo gaduud in lagu aasay mayd ka kooban 8 qof oo ay siteen maleeysiyada haregysa islamarkaana labo gaadhi oo dhaawac ahna si toos ah loogu gudbiyey dhinaca Galbeed ama burco. Mar aanu radio laascaanood xidhiidh la sameeyey dad ku sugnaa tuulooyinka u dhoow aagagii dagaaladu ka dhaceen ayay noo xaqiijiyeen in saaka ay maleeysiyada snmtu ay afduubeen wiil dhalin yaro ah oo xagaafka lugaynaayey wiilkaas oo lagu magaacabi jiray Amiin Cabdi Faarax ( inna cabdi xoogsade ) *********** reer taleex. Wiilkaan ayaa la sheegayaa inay u afduubeen curaar ahaan si ay ugu gor gortamaan maxaabiista lagaga qabtay malaysiyadooda ee ciidamada daraawiishta puntland ka hayso snmta ilo kale oo xogogaal ah ayaa sheegaaya inay jiraan dad kale oo reer miyi ah oo ay afduubeen. Dhinaca gaadiidka khasaaraha soo gaadhay maleeysiyada snm ayaa la xaqiijiyey in ay qirteen sadex gaadiid ah oo la la,yahay ragii saaraa iyo gaadiidkiiba Rlaascaanood1@yahoo.com
  11. ^^^You of course who was sabre rattling when the clan courts were on the march. Your waffle was much worse than anything Xalane ever said. Rudy, you are a moderator and is even more fould than any of those who have been baned. Anyhow Xalane & Taako should be given a second chance. They were an asset to this site, unlike some who are unable to even pen three coherent lines.
  12. ^^^You love conspiracy theories. Anyhow this started when the secessionists thought Puntland was weaker because of the millitary moves in the south. Well they were wrong.
  13. Indeed its great news. Mujahid SNM, Geedi is the one who mentioned the looted property and the response was HAAAAAAAA.
  14. ^^^What ever it is based on its our right to support whom ever we want for what ever reason. Thus what we are debating is the facts on the ground, I see your lads have yet to kick out the governemnt from Mogadishu.
  15. Mujahid SNM. Control is relative your troops arrived in mass as the delegation moved on deeper. However when you made the claims on the airwaves Puntland & the locals responded by this blitz on your millitia and then you ran for it as has come to be your signiture of late.
  16. ^^^So what do you say in your support to the clan courts and the SNM?
  17. While I am sad at the loss of Xalane, who was a man who held his own at all times. I belive no one here is perfect even the moderators get emotional at times when their interest groups are in the firing line. Xoogsade, with all due respect get my name out of your mouth, I have attacked political clan groups such as clan courts, the occupiers and so on. I gave an open threads for you to respond to the allegations against these individuals & groups. Why cry? and why act all morally rightous? Yes we defend our position and we will cotinue to do so. insha Allah Again a 21 gun salute to Captain Xalane, a man I admired and if anyone should be given a second chance it should be him. .
  18. Ciidamada Dowlada KMG ah ee gobalka Hiiraan oo soo qabtay burcad Buulo Burde ku sugneed. Ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia ee ka howl gala gobalka Hiiraan ayaa ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan kooxo burcad ah oo dhibaatooyin ka geysanayay gobalka Hiiraan gaar ahaan deegaanada hoos yimaada Buulo Burde. Gudoomiyaha degmada Buulo Burde Cabdicasiis Duuroow ayaa Idaacada Simba u sheegay inay burcadaan dhac,dil iyo kufsi ka geysanayeen deegaano hoos yimaada Buulo Burde isla markaana sharciga ay soo hor istaajin doonaan. Lama shaacin tirada burcadaan ay soo qabteen ciidamada Dowlada KMG ah Somalia , iyadoo maamulka Buulo Burde uu sheegay inay ku raad joogaan burcad kale oo uu sheegay inay ku dhuumaaleysanayaan tuulooyin hoos yimaada degmadaasi. Arintaan ayaa waxaa soo dhaweeyay dadweynaha wadadaasi isticmaali jirtay, kuwaaso cabsi xoogan ka qabeen in burcadaan ay qasaaro u geystaan. Burcadaan ayaa dhac iyo dil u geysatay dadweynaha ka qaxaya intooda badan magaalada Muqdisho ee maraya wadada dheer ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo gobolada dhexe ee dalka Somalia . Shabeeladahoose.com
  19. ^^^Has the enthusiasam vanished? Dear lad your secessionist group started this and it has been another blunder as we have predicted before.
  20. Ciidamda Somaliland Oo Si Xun Loogu Jabiyay Dagaalkii Dhahar April15. 2007 Radiofreesomalia.com Iyadoo intii muddo ah ay adkayd in la helo wararka saxda ah ee ku saabsan dagaaladii laysla galay ayaa waxaa hada soo baxaya warar ilo kala duwan aan ka helayno oo labada maamul ee somaliland iyo puntland ah, ............................. Warkan oo xaqiijinaya in ciidamadii somalilandta ahaa lagu soo jabiyey dhammaanba dagaaladii ay la galeen Ciidamda daraawiishta Puntland Dagaalyahanada Ciidamda daraawiishta Puntland ayaa ilo madax banaan xaqiijinayaan in ay si aad ah u jabiyeen ciidamadii Somaliland ee dulaanka ahaa, taasoo keentay inay haatan kala yaacaan . sida uu sheegay wasiirka warfaafinta puntland waxaa laga dilay somaliland 5 askari iyadoo 2gaadhina laga gubay halka qaar kalena laga qabsaday waxaa intaas usii dheeraa in maleeshiyaadna maxaabiis ahaan looga haysto. Dhimashada dadka rayadka ah ayaa la sheegayaa in ay kor u dhaaftay 3 ruux oo qaar kood ay yihiin caruur ka dib markii ay madaa fiicda goobta ee maamulka labaxay somaliland burbriyeen tuulooyin iyo meelo xoolo daaqeen ah oo kala gadisan dhamaan toodna ka tirsan deegaanka dhahar Ciidamada somaliland ee dulaanka ah ayaa laga soo sheegayaa falal iyo dhaqamo xun xun oo gunnima ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhac isugu jira bililiqaysi iyo boob, iyagoon dhaafaynin xataa gogosha lagu seexdo iyo weelasha wax lagu cuno, sidoo kale kufsi ayaa lasoo sheegayaa, jir dilka iyo handadaada ayaa noqday qayb dhaqankooda la fal-gasha. Dhinaca kale waxaa si habqan ah oo naf lacaarinimo ah usoo gaadhaya magalooyinka caynaba iyo Burco iyo meelo kale ciidamo firxad ah oo aan dal iyo dadtoona aqoon oo anbad ah, iyagoo dib usoo qaadaya wadooyinka waaweyn. Qaar ka mid ah ah ciidamadan duulaanka ah ayaan garanaynin meesha ay joogaan balse ay ka ahayd oo kaliya in wadooyinkaas ay gaynayaan meelo magaalo ah sida laga soo wariyey qaarkood. Si kastaba ha ahaatee cashar lama ilaawaan ah ayey halkaas ka soo qaateen.
  21. Ciidamada Daraawiishta Puntland Oo kusii Jeeda Ceerigaabo April15. 2007 Radiofreesomalia.com Warar aanu ka helnay degmada Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxa ay tibaaxayaan in Ciidamada maamulka hargeisa ayaa guul darro aad u lixaad leh ka soo gaadhay dagaalka ay isku dayayeen inay ku qabsadaan deegaamo katirsan puntland Wararka halkaas naga soo gaadhaya ayaa waxa ay sheegayaan in dhulka Sanaaga ah ee ku yaala dhulka fog ee ay ka midka yihiin Carmaale, Biyo guduud iyo kuwo kale oo ceerigaabo 35 km u jira ay hada si buuxda gacanta ugu hayaan cidmada Puntland. Dagaalkii dhacay ayaa waxaa lagu waramayaa in ay ku gacansareeyaan Ciidamda Puntland, iyadoo ciidanka somaliland ay cagaha wax ka soo dayeen ka dib markii ay dagaal culus la galeen Ciidamada Puntland oo iyagu tan iyo markii ay ka baxeen Dhaharba ku sugnaa aagaas. Dhinaca kale waxaan si dhab ah loo ogaan Karin khasaaraha rasmiga ah ee uu gaystay dagaalkaas. warar hada nagasoo gaadhay waxay sheegayaan in ciidamo xoogan iyo wafuud aad u farabadan ay kasoo baxeen magaalada xeebta ahe ee boosaaso kuwaas oo wada gurmad iyo saanad ciidan waxayna haatan kusoo jeedaan deegaanka dhahar Radiofreesomalia Kala Soco Wixii Soo Kordha
  22. Puntland oo si kulul uga hadashey dagaaladii ka dhacay Gobolka Sanaag Dawlad Goboleedka Puntland ayaa maanta war cad ka soo saartey dagaaladii shaley ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag, kuwaasi oo dhexmarey ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland. War murtiyeed ka soo baxdey Madaxtooyada magaalada Boosaaso ayaa waxaa saxaafada u aqriyey Agaasimaha madaxtooyada DGPL Eng.Caydaruus Cismaan Yuusuf, wuxuu sheegay in in mudo ah uu maamulka Gobolada Waqooyi ee Haregysa uu waday abaabul dagaal si uu weerar gardarao ah ugu soo qaado deegaanada Puntland. Caydaruus Cismaan Yuusuf wuxuu sheegay in maalinimadii ay ciidamada maamulka Gobolada Waqooyi Galbeed oo wata gaadiid dagaal ay ku soo weerareen degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ka mid ah deegaanada Puntland. Agaasimaha Madaxtooyada DGPL wuxuu sheegay in ciidamada Dawlad Goboleedka Puntland oo kaashanaya dadweynaha deegaanka ay ka hortageen isla markaana jilibka u aaseen ciidamadii ka soo duuley magaalada Hargeysa, kuwaasi oo uu sheegay in loo geystey jab iyo dharbaaxo aad u culus. gaasimuhu wuxuu sheegay in ciidamadii soo duuley loo geystey khasaare naf iyo maal leh, isagoo sheegay in ciidamadii soo duuley ee laga eryay degmada Dhahar ay baxsadeen isla markaana weerar kale loogu geystey deegaanka Xingalool oo ay ku sugnaayeen ciidamo kale oo ka tirsan ciidamada DGPL. Afhayeenka Madaxtooyada DGPL wuxuu intaasi ku darey in haatan deegaanada Dhahar iyo Xingalool ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan golaha wakiilada Puntland iyo golaha xukuumada kuwaasi oo uu sheegay inay halkaasi la gudanayaan waajibaadkoodii dawladeed. Caydaruus Cismaan Yuusuf wuxuu iswaydiiyey waxa dhaliyey in ciidamada Maamulka Somaliland ay soo qaadaan weerar uu ku tilmaamey inay ogaayeen inay ku hungoobayaan, waxaana mar uu sharaxayey sababaha keenay in Somaliland duulaan ku soo qaado gobolka Sanaag ay tahay iyadoo halkaasi dhawaan maamulka Puntland uu ka dhisey golayaashii deegaanada. Isagoo wali sii sharaxaya sababaha dagaalka keenay ayuu Caydaruus Cismaan Yuusuf wuxuu sheegay in iyadoo ay jiraan kooxo iyo dawlado la diriraya qaranimada ummada Soomaaliyeed, si weynna ugu hawlan carqaladeynta DFKMG ah ee Soomaaliya, kuwaasi oo istusay in Puntland khalkhal la galiyo si looga hortago In Dawlada Federaalka ay tabar gal noqoto. Agaasimaha Madaxtooyada DGPL oo sii faahfaahinaya ujeedada dagaalada Somaliland ka dambeysay ayuu sheegay in maamulka Hargeysa uu hay’adaha caalamiga ah iyo warfidiyeeno shisheeye ah marin habaabiyo si uu ugu tuso goboladaasi inay ka tirsan yihiin maamulka magaalada Hargeysa. Caydaruus Cismaan Yuusuf wuxuu ugu dambeyntii sheegay in maamulayaasha gobolada waqooyi ay dagaalada ka wadaan sidii ay u marin habaabin lahaayeen oo ay dadkooda uga jahwareerin lahaayeen siyaasadaha aan mari dhalka aheyn ee maamulka Haregysa. Agaasimaha madatxooyada DGPL wuxuu sheegay in Puntland ay tahay deegaan nabadeed, isla markaana siyaaseedu ay ku qotonto Nabad, midnimo, Horumar iyo Soomaaliya oo mar kale meeqaam iyo sharaf ku yeelata madasha dawladaha aduunka, waxaana uu carabka ku adkeeyey in maamulka Hargeysa ay xasuusinayaan in dantu ay ku jirto nabada iyo darisnimada oo la xurmeeyo, waxaa la xusuusinayaa in midnimada Puntland dal iyo dad ay tahay mid aan la hawaysan Karin oo aan gorgortan iyo hadal la gali Karin. Shacabka Puntland ayuu sheegay Caydaruus Cismaam inay gacanna kaga shaqeynayaan nabada iyo horumarka, halka gacanta kalena uu ku difaacayo deegaanada Puntland iyo Soomaaliya. Jaamac Yuusuf Dabaraani SBC Boosaaso
  23. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo howlgallo burcad sifeyn ah oo ay ka fuliyeen gobalka Hiiraan kusoo qab qabtay tiro burcad ah.. Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee jooga gobalka Hiiraan ayaa xalay qaaday howlgal burcad sifeyn ah oo aad u ballaaran ,kaasoo lagu soo qab qabtay tiro burcad ah oo dadka safarka ah u gelijiray wadada islamarkaana horay dhibaatooyin kala duwan u gaarsiiyay dad safar ahaa Wararka laga helayo gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo burcad sifeyn ah ka fuliyeen wadada u dhexeysa degmada Buulo Burde iyo Tuulada lagu magacabo Qoor weyn waxaana intii uu howlgalkaasi soconayay ay ciidanka xooggu gacanta kusoo dhigeen in ka badan 12 burcad ah.. Burcadan ayaa falkii ugu dambeeyay ee dad rayid ah ay dhibaato ku gaarsiiyeen waxaa uu todobaadkan ka dhacay Tuulada JInbilkey,waxaana ay geysteen dilal,dhaawacyo iyo waliba dhaca,taasoo keentay in ciidanka xooggu ay qaadaan tallaabadan oo dadka deegaanku ay si ad ah u amaaneen. Guddoomiyaha degmada Buulo Burde Mudane C/casiis ayaa saxaa fadda saaka u sheegay in howlgalka ay ciidanka xooggu bilaabeen uu sii socondoono tan iyo inta wadada xiriirisa Muqdisho iyo goballada dhexe laga dhigayo mid ka nabad qabta dhibaatooyinka burcadnimada. Burcaddii ay ciidanka xooggu gacanta kusoo dhigeen ayaa haatan waxaa lagu hayaa bar ay ciidanka xooggu kuleeyihiin gobalka Hiiraan,iyadoo la filayo in dhawaan loosii gudbiyo xabsi kaddibna laga abaal mariyo dhibaatooyinkii ay gaarsiiyeen dadka rayidka ah ee u kala socdaala Muqdisho iyo gobalalda dhexe ee dalka Soomaaliya. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:info@carmooyin.com
  24. Hargaysa: Wasiiradii Somaliland ee joogay aagga Dhahar oo Ceerigaabo saldhigtay iyo wasiirkii difaaca ee Somaliland oo xilkii laga xayuubiyay. 15. april 2007 Hargaysa(AllPuntland)-Xukuumadda Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inay dib uga soo guratey degmada Dhahar, halkaas oo markii labaad muddo toddobaad ah dagaal ku dhexmaray shalay ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulgoboleedka Soomaaliya ee Puntland. Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Bariga Sanaag ayaa sheegaya in raxan wasiirro ah oo shalay gaadhey degmada Dhahar ka hor intii aanu dagaalku ka dhicin deegaankaas iyo ciidan laxaad leh oo ay horkacayaanba ay hadda ku soo fool leeyihiin magaalada Ceerigaabo oo la filayo inay goor dhow oo galabta ah soo gaadhaan. Weftigan wasiirrada Somaliland ayaa beryahanba gobolka Sanaag ka wadey kormeer ay ku qiimaynayaan baahida mashaariicda horumarineed ee gobolada bariga Somaliland. Waxayna shalay tageen degmada Dhahar oo Isniintii toddobaadkii hore dagaal ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland, kadib markii maleeshiyada maamulka Puntland ay dib uga guureen deegaankaa, isla markaana ay gaadheen ciidamo laxaad leh oo ay horkacayeen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland. Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkiisii Gaashaandhigga, mudane Aadan Mire Waqaf. Warsaxaafadeed uu galabta ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu ku sababeeyey xil-ka-qaadista Wasiirka, isaga oo sheegay in mudane Waqaf uu bixiyey Awaamiir khaldan oo jaahwareer abuura muddadii weftiga uu ka midka yahay ay joogeen degmada Dhahar. Warsaxaafadeedku waxa uu intaa ku daray in Madaxweyne Riyaale xidhiidhka dhinaca isgaadhsiinta u jaray Wasiirka, isla markaana Madaxweynuhu la wareegey hoggaaminta ciidanka, maadaama uu yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada. Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Aadan Mire Waqaf waxa uu ka mid yahay Wefti dhawr iyo Toban Wasiir ah oo galabta soo gaadhey magaalada Ceerigaabo, kadib markii ay ka soo baxeen degmada Dhahar oo uu shalay dagaal ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland. Xigasho Somaliland.org CCC Farayaamo