Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,096
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    79

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Madaxwayne Ku Xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Laga Hirgeliyay Madaarka Hargaysa October 25th, 2011 Haragysa (Somaliland.Org):- Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic laga hirgeliyay madaarka caalamiga ah ee Cigal International Air Port ee magaalada Hargaysa iyo dib u habayn lagu sameeyay dhismeyaasha madaarka. Mashaariicdan kala duwan ee laga hirgeliyay madaarka Hargaysa ayaa isugu jira dib u habayn lagu sameeyay qqar ka mid ah dhismeyaasha madaarka sida Terminalada iyo xafiisyada, wadooyin cusub iyo dib u habayn lagu sameeyay dhinaca amaanka madaarka iyada oo lagu xidhay kamaradaha amaanka oo casri ah. Xafladdii xadhiga lagaga jarayay dhismeyaashan cusub iyo dib u habayntan lagu sameeyay madaarka, waxaa ka soo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi gelinta, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta, masuuliyiin ka tirsan wasaarada Duulsita hawada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha kala duwan ee madaarka caalamiga ah ee Cigal International Air Port. Wasiirka duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ugu horayn faah-faahin ka bixiyay mashaariicdan ay madaarka ka hirgeliyeen iyo waxa ay u kala qaybsan yihiin waxaanu yidhi “Madaxwayne ku xigeenka iyo masuuliyiintan kale ee qaranka waxaanu halkan maanta (shalay) ku maamuusnay mashaariic laga hirgeliyay madaarka, kuwaasi oo aanu mudaba gacanta ku haynay in aanu xaqiijino, mashaariicda aanu madaarkan ka hirgelinay iyo kuwa laga hirgelin doonaaba waxay salka ku hayaan isbedelkii balaadhnaa ee xukuumadan ay gadhwadeenka ka yihiin madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud iyo C/raxmaan C/laahi Ismaaciil, ee xisbiga KULMIYE-na ummada u balanqaaday ayay salka ku hayaan in isbedelwayni uu dalkan ka dhaco, horumarkiisa, dhismihiisa, maamulkiisa, quruxdiisa, iyo wixii la mid ah, ma ahayn taasi hadalo beer laxawsi ah oo cod qudha lagu doonayo waxay ahaayeen mabaadii iyo wax runtii dareen siyaasadeed oo aanu aaminsanahay ah.” Wasiirku waxa uu sheegay in ay doonayaan in madaarka Hargaysa ay u ekaysiiyaan madaarada caalamka maamul ahaan iyo qaab ahaanba, isaga oo xusay wasiirku in ay dhawaan bilaabi doonaan mashruucii ay dawlada Kuwait ku caawisay ee ahaa in la balaadhiyo dhabaha madaarka, waxaanu wasiirku sheegay in aanay ahayn markii ugu horaysay ee ay mashaariic cusub ku soo kordhiyaan madaarka mudadii ay xukuumadoodu xilka haysay, mashaariicdaas ay madaarka ka sameeyeena ay ka mid yihiin balan qaadyadii xisbiga KULMIYE. “Madaarkan oo ah madaarkii caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargaysa, xukuumadani waxay doonaysaa in ay u ekaysiiso qaab ahaan iyo maamul ahaanba madaarada caalamiga ah ee dhigiisa ah ee geeska afrika ku yaala, mashaariic badan baa noo soo socota, mashruucii dawlada Kuwait noogu deeqday oo ahaa in dhabaha dib loo qaabeeyo, kamarado ilaaliyana lagu sameeyo waxaanu qandaraaskiisii daabici doonaa saddexda bisha November, waxaana uu dhamaan doonaa lana bixin doonaa saddexda bisha janoury ee sanadka 2012-ka, mashruucaasi wax wayn buu ka bedeli doonaa qiimaha iyo qaayaha uu madaarkani leeyahay, muddadii sanadka iyo saddexda bilood ahayd ee aanu joognay, isbedel wayn baanu ku samaynay madaarkan waa markii labaad ee aanu mashaariic xadhiga ka jarno, mashaariic fara badan oo hore ayaanu ka furnay, waxaanu balaadhinay markii ugu horaysay Terminalka socdaalka, oo la dhisay 1958-kii oo aad isku bedelay ayay markii ugu horaysay xukuumadani balaadhisay, waxaa kale oo aanu balaadhin wayn ku samaynay iyana Terminalka laga dhoofo oo maanta nafis ah oo qaadi karo dad aad u tiro badan, balaadhinta Terminaladu waxay ku xidhan tahay dadwaynaha Somaliland ka dhoofa iyo kuwa ka soo dega madaarka, xadigiisa yaanu naqaanaa oo aanu ognahay markaa waxanu u arkaynay labaduba in ay ahaayeen laba diiq ah, iyada oo aan aduun badana loo haynin ayaanu ku dhiiranay, intaa waxa raaca waxaanu bedelnay qaabkiisii loo mari jiray ama loo dhex socon jiray wadooyinka laga soo gelayo iyo baarkinada waxaanu u arkaynay in ay tahay wax runtii u ekaysiinaya madaarada caalamka, waxa weeyi isbedelkii la doonayay ayay ka mid yihiin.” Ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawada Somaliland. Isaga oo sharaxaya Wasiirku waxyaabaha ay mashaariicdani ka kooban yihiin waxa uu yidhi “Mashaariicdani waxay ka kooban yihiin ilaa sagaal mashruuc ka ugu horeeyaana waxa weeyi mashruuca la xidhiidha amaanka madaarka oo ka ugu horeyaa yahay kaabadahaasi aanu madaarka ku wareejinay, ka labaad ee isna amaanka la xidhiidhaa waxa weeyi CCTV, Kamera ayaanu markii u horaysay ka samaynay madaarada Somaliland ka Berberana waxaanu ka samaynay sanadkii hore, kana imika ayaanu dhamaystirnay, ilaa bil iyo dheeraad wuu shaqaynayay habkani, waa hab casri ah oo aduunka oo dhami ku shaqeeyo, mashruuca saddexaad waxa weeyaan qurxinta barxadan VIP-da ee madaxda qaranku ka soo galaan oo albaabo cusub loo sameeyay, mar-marna la dhigay, ta afraadna wxa weeyi hoolkan wayn ee laga dhoofo oo isna markii hore meelihii ay xukuumadani wax ku kordhisay ka mid ahaa oo aanu isagana qaabkiisa wax ka bedelnay, waxaa weheliyay dhismeyaal kale oo goos-goos ahaa oo badnaa oo uu ka mid yahay shaqaalaha iyo ciidanka dabdemiska oo aan markii hore meel ay ku nastaan haysan, oo aanu iyagana u samaynay qol wayn oo bakhaar ah oo agabka lagu kaydiyo, mashaariicda kale ee aanu qabanay waxaa ka mid ah wado laba boqol oo mitir ah, wadadaasi oo iyaduna ciid ahayd, imikana waxaa qurxinteeda gacanta lagu hayaa calaamada uu caanka ku yahay madaarku.” Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa kale oo uu sheegay in mashaariicdani ay ka caawiyeen shirkado iyo ganacsato reer Somaliland ah iyo dawlada hoose ee Hargaysa, isaga oo wasiirku si aad ah ugu mahad naqay dhamaanba shirkadahan iyo ganacsatadan gacanta ka siiyay hirgelinta mashaariicdani “Guud ahaan mashaariicdaasi waxaa gacan wayn naga siiyay ganacsato iyo shikado reer Somaliland ah oo aan jecelahay in aan halkan uga mahad naqo, shirkadahaa waxaa ka mid ah ganacsadaha la yidhaahdo magaciisa Jaamac Oomaar, ganacsadaha Cumar Caydiid, Axmed Geele Arab, shrikada Somtel, shirkada Salaama Bank, iyo xawaalada Mustaqbal, waxaa kale oo aan iyadan halkan uga mahad naqayaa dawlada hoose ee Hargaysa, oo iyaduna naga taageernay mashaariicdan qaar kood sida wadaa iyo baarkinka qaybo ka mid ah.” Ayuu yidhi Wasiirka Duulistu. Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasiirka Duulista iyo Hawadu uu wax qabad badan sameeyay farxad wayna ay u tahay in uu arko isbedelka lagu sameeyay madaarka caalamiga ah ee Cigal International Air Port, madaaraduna ay yihiin muraayada laga dheehdo qaran kasta umadiisa wax qabadkeeda iyo jiritaankeeda.
  2. The Zack;753911 wrote: The people have spoken! Shabaabb or Azania? Definitely not shabaab! What about Shabaab or Kenya What about occupation or freedom
  3. Dhoobleey:- Banaanbax looga soo horjeedo Mowqifkii Madaxweyne Shariif ee ciidamada Kenya oo ka dhacay Dhoobleey. 25. oktober 2011 APL Muqdisho(Allpuntland) Banaanbax looga soo horjeedo hadalkii Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu ku diiday ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya soo galay ayaa maanta ka dhacay Degmada Dhoobleey ee gobolka Jubadda Hoose. Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal ruux oo u badan haween iyo caruur iyadoona wariyayaal ku sugan degmada Dhoobleey ay soo sheegayaan in banaanbaxayasha ay soco ku mareen wadooyinka Dhoobleey. Fagaaro Banaanbaxayaasha ay isuku soo uruureen ayaa waxaa lagu arkayey waxgarad iyo Odayaal si weyn looga yaqaano Dhoobleey kuwaasi oo la hadlay boqolaalka qof ee banaanbaxa sameeynayey. Suldaan Cabdi Cali Sokor oo fagaraaha ka hadlay ayaa sheegay in hadalkii shalay uu sheegay Madaxweynah soomaaliya ay aad uga xumaadeen kaasi ee uu Madaxweynaha ku diiday soo gelitaanka Ciidamada Kenya gudah Soomaaliya. Suldaanka ayaa sheegay in ciidamada Dowladda Kenya ay garab ku siiyeen in ay ka dulqaadeen waxa u ugu yeeray Cadowga ee uu kala jeeday AL Shabaab isagoona sheegay in haatan xor yihiin degaano ay ka mid tahay Qooqaani. Waxa uu uu ugu baaqay Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay ka hadlaan hadalkii Madaxweynhaa ee uu sheegay in uusan dan u ahayn dadka ku nool Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan gobolada Gedo iyo Jubooyinka , waxa uuna ugu goodiyey Xildhibaanada ka soo jeeda goboladaasi in ay kalsoonida kala laaban doonaan haddii aysan ka hadlin hadalka Madaxweynaha. Dadka banaanbaxa dhigayey ayaa ku qeylinayey hadalo ay ku muujinayaan rabitanaka soo gelinatanka ciidamad Dowladda Kenya iyo sida ay uga soo horjeedaan hadalkii shalay u Madaxweynaha Shariif uu ku diiday soo gelitaanka ciidmada Dowladda Kenya.
  4. Abtigis its quiet Simple either you support the invasion or you don't you on the other hand want to sit in the middle and see how it goes go around possible theories how it might effect the Geo political cohesion in the region comparing apples to oranges, But i still like the tittle even though sharif made his stand very clear.
  5. Abtigis believes the Kenyans are not as evil as the Ethiopians to make a long story short he does not mind if they install Azania in Kismayo. Nor does he care how the Kenyans Entered Somalia if its legal or illegitimate.
  6. AYOUB;753828 wrote: ^ Why then is he forcing Somaliweynism on Somalilanders yaa Xaaji? He is terrified of Somaliland for some reason he thinks they are out there to get him . if Puntland today declared independence i don't think he would even bother to respond let alone write a long essay why they should be united with Somalia.
  7. iska da Ayoub Abtigis wu ka samray nfd he thinks the Kikuyos are his saviors
  8. Gaacuur;753524 wrote: Good article.. is this "shaqandhaya" even a Somali word?! :confused: Afsomaligad mala agnaan ka tahay
  9. General Duke;753502 wrote: XX Somalia is a recognized nation going through a bad period in it's history. There is no such thing as Somaliland other than a province within Somalia. Yes recognized while its neighbors violate the so called borders of Somalia like they just don't exist it was not that long ago when the Kenyan Prime minister said that Somalia is not a sovereign state.
  10. A khadar again governments of nations do not keep themselves busy with Silly Clan wars in no mans land in Ethiopia. Peace deal will be reached between the nomads inshallah.
  11. Lool@ the tittle but Abtigis you have to take in you're rhetorical analysis that sharif Ahmed in his previous meeting with the Kenyan Govt officials only Concluded that kenya and his government the TFG will work together to evict Alshabaab from the border towns and regions i think behind the scenes there was no signed agreement on a full scale invasion by Kenya hence the reaction of the president.
  12. Faroole Junior Englishta abihi ma ka badiya horta Ambassadornimadu ha u danbeyse eh
  13. I am with Allsanaag here Sharif wants to stop the liberation of Jubbaland that's some logic explanation lol On a serious note no leader would allow his country to be invaded kudos to Ina Axmed
  14. Saalax;753457 wrote: ALLSANAAG website owned by Xiinfaniins folks take on this kk. Ina Axmed oo ka hor yimid Xorayntii Jubooyinka http://www.allsanaag.com/Details.asp?id=8091 Now that's a good one
  15. dadku beryahaan aad bay u ciiyayaan bacaacdu ha socoto
  16. So now richard dowden is a secessionist looool, waleh umad ba meel baas looga shaqandhaya
  17. Jacaylbaro;753429 wrote: Xukuumadda Somaliland Oo Markii U Horeysay Ka Hadashay Dagaaladii Ka Dhacay Killilka Shanaad Ee Dalka Itoobiya Hargeysa (HWN) Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay Dagaalo Maalmihii u dambeeyey Beelo wada dega Kilalka shanaad ee Itoobiya ku dhex maray Deegaankaasi, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba lahaa, waxaanay sheegtay in aanay jirin dad cadaw ku ah Itoobiya oo dhinaca Xadka Somaliland uga gudbay. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin iska hor imaadka Beelaha halkaa wada dega ku dhex maray, waxaanu sheegay in Xukuumadda Somaliland kala Shaqaynayso Itoobiya sidii arintaasi loo xalin lahaa. Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo xalay u warameyey Wargeyska Saxansaxo ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya uu ka dhaxeeyo xidhiidh jaarnimo oo wanaagsan, isla markaan wixii ku soo kordha Xadka labada dhinac ay ka shaqaynayaan sidii loo soo afjari lahaa. Wasiirka Arrimaha Dibedda oo arimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Dawladda Itoobiya oo aanu jaarnahay, xidhiidh Ganacsi iyo dhinacyo kaleba wadaagno, had iyo jeerna si walaaltinimo ah oo jaarnimo leh aanu arrinka ku dhameyno, waxaanu cadaynaynaa in aanay jirin dad Cadow ku ah Nabadgelyada Itoobiya oo Somaliland ka tegey oo ay Xukuumaddu ka war hayso, waxaanu ka xunahay in dadkaasi ku dhaqan Ismaamulka Deegaanka Somalida Itoobiya ay qulqulatooyin dhex maraan”. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi “Dagaalkan waxa uu ka dhacay Gudaha Dalka Itoobiya, hase yeeshee waxa labada Dal ka dhaxeeya Xidhiidh xaga Nabadgelyada ah oo saameyn ku yeelan karta isku socodka labada dal, welina toos labada Dawladdood wada hadal arintaasi ugama ay yeelan, laakiin waa arin ka socota Gudaha Dalka Itoobiya, waxaananu jecel nahay in Nabadgelyo arintaasi ku soo dhamaato “ Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed C/laahi Cumar waxa uu sheegay in Dawladda Itoobiya iyo Somaliland ay dhawaan kala saxeexdeen Heshiis dhinaca iskaashiga Nabadgelyada iyo Wada shaqaynta ah, waxaanu yidhi “Waxa jiray heshiis laba Dawladdood Dawladd degaanada Somalida Itoobiya iyo Somaliland ku saxeexeen Diradhaba sanadkan aynu imika ku jirno badhtankiisii, heshiiskaasi waxa ugu door roonaa in labada Dal ay ka wada shaqeeyaan xaga Nabadgelyada iyo isku socodka, heshiiskaasi halkiisii buu yaalaa waanu dhaqan galay, wada shaqaynta labada dalna si wanaagsan bay u socotaa, arintana waa arin u baahan in loo kuur galo sidii ay wax u dhaceen, labada Dalna ay iska kaashaadaan sidii wax looga qaban lahaa, markaa waa heshiis yaala oo labada Dalba ay dhaqan galiyeen. Sidaan hore u cadeeyey waa arin ka dhacday Dalka Itoobiya Gudihiisa waxaana gacanta ku haya Dawladda Itoobiya Baadhitaankeeda iyo wax ka qabashadeeda, wax ale wixii gacan xaga Somaliland looga baahdana diyaar ayey u tahay inay gacan ka gaysato sidii xal loogu dhameyn lahaa”. Good response from the Somaliland government
  18. Wait a minute so Qandalawi will play Cali dhuux adan Gorayo, Abtigis will play ina cumar dage and Zack will play Qaman Bulxan where is Ngonge he can play Salaan carabay or oodweyne can play Ismacil Cigaal Bulaale.
  19. Somalia's President Sheikh Sharif Ahmed has said his transitional government is opposed to Kenya's military incursion into Somalia. Monday, October 24, 2011 Just over a week ago Kenya sent soldiers over its border into Somalia to pursue militants from the Islamist al-Shabab group . It blames the insurgents for a spate of recent kidnappings near the border, which al-Shabab denies. Nairobi said the deployment was done with the Somali authorities' approval. For more than two years, President Ahmed's weak UN-backed interim government has been battling al-Shabab, an al Qaeda-linked group which controls much of south and central Somalia. His government relies on a 9,000-strong Africa Union force for its security in the capital, Mogadishu. Air raids Speaking to journalists at the scene of recent fighting in Mogadishu, Mr Ahmed said Kenyan support in terms of training and logistics was welcome but his government and the people of Somalia were opposed to the presence of the Kenyan army. The BBC's East Africa correspondent, Will Ross, says his comments put the Kenyan government in a very difficult position. It is possible that the Somali authorities have spoken out because they are opposed to the idea of Kenya helping to establish a semi-autonomous region in Somalia known as Jubaland, he says. This is seen by some as the main aim of the Kenyan government's military incursion, our correspondent says. Last week, a Somali general told the BBC his troops were working with Kenyan forces advancing from the border towards the port city of Kismayo. On Sunday there were aerial bombardments on Kismayo, an economic stronghold of al-Shabab. The Kenyan army told the BBC that a military base belonging to al-Shabab was hit, but the militants said no damage had been caused. Kenyan army spokesman Maj Emmanuel Chirchir would not confirm whether Kenyan or other allied forces had carried out the raid. He told AP news agency that the French navy had bombed the town of Kuda along the coast from Kismayo on Saturday night. Last week, al-Shabab lost control of the coastal town of Ras Kamboni after attacks by the Kenyan navy and a local militia. The French authorities said they had learnt last week that a Frenchwoman kidnapped from Kenya by Somali gunmen earlier in the month had died. Other foreigners being held in Somalia include a British woman abducted from a coastal resort and a Kenyan driver and two Spanish aid workers seized from the Dadaab refugee camp near the Kenya-Somalia border. Al-Shabab has threatened reprisal attacks in Kenya if the troops do not leave. Kenya's police chief says a grenade attack overnight in Nairobi which injured 12 people in a nightclub could not be linked to the militant group.
  20. Madaxweynaha oo kasoo horjeystay soo galitaanka Kenya ee Somalia Muqdisho: (Sh. M. Network) Madaxweynaha dowladda KMG oo maanta booqday goobihii ay la wareegtay dowladda ee degmada Dayniile ayaa waxa uu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay ku jabiyeen dagaaladii ka dhacay degmadaasi, isagoo dhinca ka hadlay soo galitaan ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya. Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shaarif Sheekh Axmed oo ay wehlinayeen Saraakiil ka kala tirsan dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo maanta booqday goobihii ay dowladda kala wareegtay Al Shabaab ee degmada Dayniile oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu ka hadlay dagaaladii u dambeeyay oo ay degmada Dayniile kula galeen Xarakada Al Shabaab iyo soo galitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya. Sheekh Shaarif Sheekh Axmed ayaa waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay guulaha dowladda ay ka gaartay dagaaladii ay Shabaab kula galeen Xarakada Al Shabaab degmada Dayniile oo uu sheegay inay ku jabeen, waxaana uu tilmaamay inay ka go’an tahay dowladda iyo AMISOM xaqiijinta amaanka magaalada Muqdisho. Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo hadal qaaday intii uu ku guda jiray booqashada maanta uu ku tagay degmada Dayniile ciidamada dowladda Kenya ee soo galay Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dadka siyaabo kala duwan ay fusirteen arintaasi, waxaana uu sheegay in dowladda aysan raali ka noqoneen wax shaki keeni kara islamarkaana wax u dhimaya xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, isagoo sheegay inay xad gudub tahay in Kenya ay ku dhaqaaqdo wax dowladda aysan ka warqabin. Sheekh Shariif ayaa ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Xarakakada Al Shabaab inay joojiyaan qaraxyada maalmihii u dambeeyay ay ka gaysanayeen magaalada Muqdisho, waxaana uu ka dalbaday inay Nabada qaataan oo ay wada hadal la galaan dowladda Soomaaliya.
  21. The Baligubadle Community in yoocale and dacawaly are double citizens both Ethiopian and Somaliland they have their Somaliland papers and documents that does not mean the Somaliland government or army was involved in silly Clan wars.
  22. Abtigis you have to understand ileey wants to be seen by his Community that he is a Bigfoot hero thus he will give extra privileges to his clan. The federal government in adis ababa does not really care if Iley uses the liyo Militia to fight against other Clans as long as he keeps ONLF and other rebels in check. And he is winning lots of hearts and Minds keep in mind especially from the Dhagaxbuur area Admiral Cismaans Clan who most of the time have Clan battles with the Baligubadle Community in Ethiopia , ileey just needs to say remember when the bad Wolf was killing your sons in dacawalay and yoocaale who was there to give you a hand and was helping you against the aggressors from the Baligubadle Clan. Its me iley i am one of you, support me as the regional governor forget all the other nonsense the Jigjiga Authority Administration belongs to us lets make the best of it let's marginalize all the other Clans and show who is the real Boss in the Somali region. And yes Abtigis you're dislike for progress democracy nationhood and the coexistence between the various Somaliland communities is not very much appreciated but you already knew that Abti. But there are times you tell the truth like maanta oo kale.