Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,089
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    79

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Madaxweynaha Somaliland oo Martiqaad ka helay Guddoomiyaha MidawgaAfrika oo Olole ugu jira Dorashadiisii Labaad Waxa lagu soo casuumay Magaca Somaliland isagoo kulan la yeelan doona Guddoomiye Gudoomiyaha Midawga Africa Jean bing Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa safar uu ugu kicitamayo Dalka Itoobiya la sheegay inuu la xidhiidho Martiqaad uu ka helay Guddoomiyaha Midawga Afrika Jean bing. Madaxweyne Siilaanyo oo la filayo inuu socdaal ku tago Dalka Ingiriiska ayaa inta aanu kayeelan doona Guddoomiyaha Midawga Afrika kaasoo martiqaad Rasmi ah u soo diray isagoo kala hadli doona Arrimo muhiim u ah Siyaasadda Somaliland. Ilaa hada ma cada Madaxweyne Siilaanyo kulanka uu la qaadan doono baratakoolkiisu nooca uu yahay hase yeeshee sida ay sheegayaan warar ku dhaw dhaw Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Siilaanyo kulan la yeelan doono xubno door ah oo uu Guddoomiyaha Ururka Midawga Arfiki ugu horeeyo, kaasoo uu u bandhigi doono Siyaasadda cusub ee dhinaca dibedaee Xukuumaddiisa. Wararka aanu ka helayno dhinaca Itoobiya ayaa sheegaya in Guddoomiyaha midawga Afrika Jean bing uu ku jiro Ololaha Doorashadiisa ee mudadii labaad kaas oo ay kula tartamayso gabadh u dhalatay Dalka Koonfur Afrika, wakhtigana ay xaruntaasi ku jirto mashquul inkasta oo aanay Somaliland fursad ku lahayn Shirka Ururkaasi.Jean bing ayaa mudadii uu xilka hayay la Ictiraafay Dalka Koonfurta Suudaan, waxaanu dedaal farabadan ugu jiraa sidii uu xaaladaha siyaasadeed ee Afrika wax badan uga qaban lahaa iyadoo xaalada siyaasadeed ee Somaliya iyo dalalka la jaarka ah ee Itoobiya iyo Kenya ay wakhti xaadirkan ka taagan tahay xaalad dagaal taasoo lagula jiro kooxda Al-shabaab oo Afduub iyo weeraro qarxin ah ka fulisay gudaha Dalka Kenya. Taasoo lagu qaaday weeraro Cirka iyo Dhulkaba ah.Dhaqdhaqaaqa cusub ee siyaasadeed ee ay arrintaasi yeelatay ayaa Somaliland u horseeday in masuuliyiin ka socda dalka Kenya oo hordhac u ah wefti Raysal wasaaraha dalkaasi uu ku iman doono dhawaan Somalind, waxaanay muujinaysaa martiqaadkan AU-duna inuu xidhiidh la leeyahay sidii Somaliland qadiyadeeda loo taageeri lahaa maadaama xaalada Amaan ee bariga Arfiki ku xidhan tahay deganaanshaheeda. Martiqaadka Madaxweynaha oo sida ay xogaha aanu ka helaynaa sheegayaan in lagu soo casuumay magaca Somaliland ayaa la saadaalinayaa in ay Somaliland rajo gelin doonto isla markaana uu ka soo bixi doono kulanka uu ay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Midawga Afrika saadaal wanaagsani
  2. A Kenyan bufferzone project on Somali soil that serves the interest of the Kikuyos who by the way already illegally Colonize Somali territory NFD this how ever does not bother Mr Abtigis. if you knew the value of the land the soil you hail from you would never support or perform a ritual dhaanto dance for the Kenyan Kikuyo incursion into Somalia.This is not about Azanians not having rights in Somalia as Citizens no one can deny the indigenous inhabitants of any particular region of Somalia their right for self rule.This is about cherishing and protecting the little dignity and respect that is left in Somalia but some people believe Alshabaab insurgency will stop with Kenyan tanks rolling into the lower juba the situation will only further escalate Allow nin aan waxba ogayn haa caadaabin.
  3. Waxgaradka Gobolka Gedo oo ugu baaqay xukuumadda Kenya inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya Arbaco, Oktoobar 26, 2011 (HOL) — Waxgarad gobolka Gedo oo Arbacada maanta ah kulan ku yeeshay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxay si kulul u cambaareeyeen ciidamada Kenya ee soo galay gobollada Koonfurta Soomaaliya ku yaalla, iyagoo ugu baaqay Kenya inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya. Waxgaradkan oo tiradoodu ahayd 30-xubnood ayaa waxay ka kala yimaadeen dhammaan degmooyinka gobolka Gedo, waxaana kulankan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay waxgaradka Soomaaliyeed uga soo horjeestaan faragelinta ay Kenya ku sameysay Soomaaliya. Ugaas C/llaahi Macallin Haaruun, nabaddoon Cali Gaab, Ugaas Cabdi Buulle Xasan Dabac iyo Garaad Bakaal Aadan Geesaale ayaa saxaafadda uga warbixiyay qodobbadii kulankooda kasoo baxay. "Dalka Kenya waa dalka uu xiriir wanaagsan ka dhexeeyo Soomaaliya, balse ciidamadeeda soo galay Soomaaliya waxay dhalin kartaa dagaal dhexmara Soomaaliya iyo Kenya," ayuu yiri Ugaas C/llaahi Haaruun oo mid ah xubnaha la hadlay saxaafadda. Sidoo kale, ugaas C/llaahi wuxuu sheegay in gobollada Gedo iyo Jubooyinka ay ka geysteen ciidamada Kenya dhibaatooyin, wuxuuna sheegay in hadalkooda uu yahay mid dani ay ugu jirto Kenya oo ay isaga baxdo Soomaaliya. "Weel illaa uu buuxsamo ma daato ayaa la yiri, Kenya waxay ka badbaaday burburkii soo maray dalalka gobolka sida: Soomaaliya, Itoobiya, Uganda iyo Suudaan, waxayna noola muuqataa inay nimcada nabadda iyo dhaqaalaha ay xajisan la'dahay," ayuu yiri Ugaaska Haaruun. Sidoo kale, waxaa saxaafadda la hadlay waxgaradka kale, kuwaasoo sheegay in haddii Kenya ay dhexgaha ka fureysato inay ciidamadooda kala baxdo gobollada ku yaalla Koonfurta Soomaalia ay ula dagaalami doonaan sidii ay ula dagaalameen Ingiriis iyo Talyaani oo ay u dulqaadan waayeen gumeysigooda. Hadalkan ayaa imaanaya kaddib markii madaxweynaha Soomaaliya uu Isniintii kaga dhawaaqay Muqdisho sida uu uga xun yahay ciidamada Kenya ee soo galay gudaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay inaysan shacabka Soomaaliyeed iyo xukuumaddu raalli ka ahayn ciidammada Kenya ee kassoo xuduudda.
  4. Waanu so dhaweynayna xisbiga ssc laakin Programka siyasadeed ay watan wamaxay maxay dalka raban inay u qabtan one positive thing though the ssc party can use saado cali songs ssc way hana qaaday as political party songs this party is a head of all the other parties.
  5. I agree with Che Guevara the Somalis who believe Foreign intervention is the solution to all their problems either they are lying to them selves or are just being short sighted unable to think beyond their Clanish objectives.If one believes Kenyan Boots are in Somalia to better the lives of the Somalis in the southern territories in Somalia.The Kenyan Kikuyo Government would not threaten to relocate the Somali refugees Back to war-torn famine effected Somalia. Alshabaab is a product of the Civil war as extreme inhumane they might be they can be dismantled very easy with the right mechanism and political sacrifices and with Genuine Compromises that could have created a whole new Platform but no one really put in the effort gradual progress could have taken place but it always get's undermined by either an invasion or political disagreement from the TFG ranks.Somalis now are looking for a Kikuyo solution to solve their problems allow noo sahal.
  6. Siilaanyo does not need the Xabashis he knows that you need Siilaanyo if you don't watch out Anti Tigray elements might just pay a visit to Somaliland be scared bey very scared Xabashi Boy.
  7. Majority or Minority who cares Somaliland belongs to Somalilanders one flag one nation one people God bless
  8. http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=lNHqNj0056k" frameborder="0" allowfullscreen>
  9. Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;754026 wrote: Dhadhaab is not Kenya, but an occupied region of Soomaaliya. Get that Mr. Prime Minister. Misskin dad ba ka samray nfd
  10. Jiiroow Bakaal;754010 wrote: Turkida oo Kurdida laaya bey Somali wax ka sugayaan war kuwaan waa gaajo ee isku tashta Kuwa Kikuyo wax ka sugaya ka daran
  11. Xiinow they lost it how can one support the invasion of his own Country if the neighboring Countries want to help they need to help train capable Military forces and assist where they can assist but Kenyan Boots on the ground no thank you. Nimanka turkishku na wa niman Gob ah .
  12. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Turkiga Published on October 25, 2011 Ra’iisul-wasaare-ku-xigeen, ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa magaalada Ankara kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Veci Gönül iyagoo ka wadahadlay arrimo la xiriira sidii dalka Turkigu uu gacan uga siin lahaa Soomaaliya dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Labada wasiir waxay si qota dheer uga wadahadleen arrimaha milateriga iyadoo Wasiirka Gaashaandhigga Turkigu uu ballan qaaday in dowladdiisu ay gacan ka geysan doonto sidii dib loogu dhisi lahaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo haatan halgan ugu jira la-dagaalanka kooxaha argagixisada ah. Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga ayaa ballan qaaday inay tababarro siin doonaan ciidanka mileteriga, sidoo kalena ay dib-u-dhis ku sameyn doonaan xeryihii mileteriga iyo goobihii gaarka u ahaa “Dowladdeydu waxay ballan qaadeysaa inay gacan weyn ka geysato dib-u-dhiska ciidanka Soomaaliyeed, waxaana diyaar u nahay inaan khubaro milateri u dirno Soomaaliya si ay u dejiyaan Istaraatiijiyad lagu taageerayo ciidanka” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga oo intaasi ku daray inay qeyb ka qaadan doonaan dhaqaalaha ku baxaya ciidanka. Ugu dambeytiina Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Turkigu sida ay uga jawaabeen baahida dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo ay kala qeyb qaateen abaaraha, gurmadka dhaawacyada iyo taageerada ballaaran.
  13. Now that's a good one i think his old friends Call him Sharif murtad
  14. i think that's why they call him Mujahid Siilaanyo
  15. Md Saylici waxa kale oo uu intaasi ku daray in masuul kasta oo ka tirsan xukuumada in looga baahan yahay in uu waxqabad iyo firfircooni muujiyo si uu umada wax ugu qabto, himilada dawlada cusubna ay ka mid tahay in nin kasta oo masuul qaran ahi uu ka tago waxyaabo lagu xasuusto, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Runtii farxadwayn bay maanta ii tahay in aan arko isbedel wayn oo lagu sameeyay madaarka caalamaiga ah ee Cigal International, sida aad la socotaan madaaradu waa muraayada qaramada caalamka laga dheehdo umada ku nool jiritaankeeda iyo wax qabadkeeda, isbedelkana waa kii loo baahnaa ama waa kii aanu balan qaadnay, waxay tani muujinaysaa in bini’aadamku wax walba qabsan karo itaalkiisu inta uu doono ha ahaadee hadii uu isku tashado in uu wax badan bedeli karo, runtii wasiirka Duulistu wax qabad badan ayuu sameeyay, iyada oo aynu ognahay itaalkeenu inta uu yahay miisaaniyadeena iyo ka dawladeenuba inta uu yahay, oo aan inta badan dhaafin amniga oo culayska ugu badan inagu haya iyo adeegyada kale ee bulshada, dhaqaaleheenuna inooma saamaxayo in wax badan oo horumar ah la geliyo miisaaniyada, hadana runtii waxaa uu sameeyay dadaal, isaga oo umadiisii kaashaday haday shirkadaha diyaaradaha tahay iyo haday shirkadaha ganacsiga tahayba, markaa dhaq-dhaqaaqa uu sameeyay waxa uu suurto geliyay mashaariicdaasi, taasina waa sida looga baahan yahay nin kasta oo masuul qaran ah, in nin walba meesha uu joogo uu wax ka qabto, waana in uu nin walba firfircooni ku daraa meesha uu joogo si uu wax uga bedelo oo uu umada ugu adeego, Umada u adeegideeda waxaa ka mid ah in maamulkeena aynu wanaajino, in aynu yarayno musuq-maasuqa, Himilada dawladayada cusubi waxay tahay in aanay noqonin meesha kama tage waxna kuma tare, ee ay noqoto ninkasta oo meesha ka tegayaa in uu wax ka tago.” Wasiirka Wasaaraddda warfaafinta iyo Wacyi gelinta Somaliland Md Axmed Cabdi Xaabsade, oo isna ka mid ahaa wasiiradii ka qayb galay munaasibadii xadhiga lagaga jarayay mashaariicdan laga hirgeliyay madaarka Hargaysa, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si aad ah ugu mahad naqay wasiirka Duulsita hawada, isla markaana uu aad iyo aad ugu faraxsanyahay isbedelkan lagu sameeyay madaarka. Axmed Cabdi Xaabsade, waxa uu sheegay in waxqabadyadan ay samaysay wasaarada Duulista hawadu ay ka mid yihiin isbedeladii ay balan qaaday xukuumadani “Aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay isbedelka wayn ee ku yimid madaarkii Hargaysa, waxaad moodaa madaar cusub in uu yahay, maalmo dhawayd sidan wuu ka bedelnaa saaka waxaa la moodaa in aynu joogno madaar caalami ah, oo quruxdiisa iyo qiimihiisa intuba ay wada yihiin wax la taan karo oo lagu faani karo, aad iyo aad ayaanu ugu mahad naqayna wasiirka Duulista Hawada iyo shaqaalihiisaba isbedelkaa wayn ee ay madaarka ka sameeyeen, waxaanu leenahay ummadau way ku faraxsan tahay waanay ku farxi doontaa marka laga soo dego ee ninkii dibada ka yimid uu maanta yimaado madaarkii oo wax laga bedelay, taasina waa isbedelkii ay balanqaaday xukuumadani waanay sii korhdinaysaa.” Ayuu yidhi wasiirka Warfaafinta Somaliland. Weriye Cumar Maxamed Faarax
  16. Madaxwayne Ku Xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Laga Hirgeliyay Madaarka Hargaysa October 25th, 2011 Haragysa (Somaliland.Org):- Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic laga hirgeliyay madaarka caalamiga ah ee Cigal International Air Port ee magaalada Hargaysa iyo dib u habayn lagu sameeyay dhismeyaasha madaarka. Mashaariicdan kala duwan ee laga hirgeliyay madaarka Hargaysa ayaa isugu jira dib u habayn lagu sameeyay qqar ka mid ah dhismeyaasha madaarka sida Terminalada iyo xafiisyada, wadooyin cusub iyo dib u habayn lagu sameeyay dhinaca amaanka madaarka iyada oo lagu xidhay kamaradaha amaanka oo casri ah. Xafladdii xadhiga lagaga jarayay dhismeyaashan cusub iyo dib u habayntan lagu sameeyay madaarka, waxaa ka soo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi gelinta, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta, masuuliyiin ka tirsan wasaarada Duulsita hawada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha kala duwan ee madaarka caalamiga ah ee Cigal International Air Port. Wasiirka duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ugu horayn faah-faahin ka bixiyay mashaariicdan ay madaarka ka hirgeliyeen iyo waxa ay u kala qaybsan yihiin waxaanu yidhi “Madaxwayne ku xigeenka iyo masuuliyiintan kale ee qaranka waxaanu halkan maanta (shalay) ku maamuusnay mashaariic laga hirgeliyay madaarka, kuwaasi oo aanu mudaba gacanta ku haynay in aanu xaqiijino, mashaariicda aanu madaarkan ka hirgelinay iyo kuwa laga hirgelin doonaaba waxay salka ku hayaan isbedelkii balaadhnaa ee xukuumadan ay gadhwadeenka ka yihiin madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud iyo C/raxmaan C/laahi Ismaaciil, ee xisbiga KULMIYE-na ummada u balanqaaday ayay salka ku hayaan in isbedelwayni uu dalkan ka dhaco, horumarkiisa, dhismihiisa, maamulkiisa, quruxdiisa, iyo wixii la mid ah, ma ahayn taasi hadalo beer laxawsi ah oo cod qudha lagu doonayo waxay ahaayeen mabaadii iyo wax runtii dareen siyaasadeed oo aanu aaminsanahay ah.” Wasiirku waxa uu sheegay in ay doonayaan in madaarka Hargaysa ay u ekaysiiyaan madaarada caalamka maamul ahaan iyo qaab ahaanba, isaga oo xusay wasiirku in ay dhawaan bilaabi doonaan mashruucii ay dawlada Kuwait ku caawisay ee ahaa in la balaadhiyo dhabaha madaarka, waxaanu wasiirku sheegay in aanay ahayn markii ugu horaysay ee ay mashaariic cusub ku soo kordhiyaan madaarka mudadii ay xukuumadoodu xilka haysay, mashaariicdaas ay madaarka ka sameeyeena ay ka mid yihiin balan qaadyadii xisbiga KULMIYE. “Madaarkan oo ah madaarkii caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargaysa, xukuumadani waxay doonaysaa in ay u ekaysiiso qaab ahaan iyo maamul ahaanba madaarada caalamiga ah ee dhigiisa ah ee geeska afrika ku yaala, mashaariic badan baa noo soo socota, mashruucii dawlada Kuwait noogu deeqday oo ahaa in dhabaha dib loo qaabeeyo, kamarado ilaaliyana lagu sameeyo waxaanu qandaraaskiisii daabici doonaa saddexda bisha November, waxaana uu dhamaan doonaa lana bixin doonaa saddexda bisha janoury ee sanadka 2012-ka, mashruucaasi wax wayn buu ka bedeli doonaa qiimaha iyo qaayaha uu madaarkani leeyahay, muddadii sanadka iyo saddexda bilood ahayd ee aanu joognay, isbedel wayn baanu ku samaynay madaarkan waa markii labaad ee aanu mashaariic xadhiga ka jarno, mashaariic fara badan oo hore ayaanu ka furnay, waxaanu balaadhinay markii ugu horaysay Terminalka socdaalka, oo la dhisay 1958-kii oo aad isku bedelay ayay markii ugu horaysay xukuumadani balaadhisay, waxaa kale oo aanu balaadhin wayn ku samaynay iyana Terminalka laga dhoofo oo maanta nafis ah oo qaadi karo dad aad u tiro badan, balaadhinta Terminaladu waxay ku xidhan tahay dadwaynaha Somaliland ka dhoofa iyo kuwa ka soo dega madaarka, xadigiisa yaanu naqaanaa oo aanu ognahay markaa waxanu u arkaynay labaduba in ay ahaayeen laba diiq ah, iyada oo aan aduun badana loo haynin ayaanu ku dhiiranay, intaa waxa raaca waxaanu bedelnay qaabkiisii loo mari jiray ama loo dhex socon jiray wadooyinka laga soo gelayo iyo baarkinada waxaanu u arkaynay in ay tahay wax runtii u ekaysiinaya madaarada caalamka, waxa weeyi isbedelkii la doonayay ayay ka mid yihiin.” Ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawada Somaliland. Isaga oo sharaxaya Wasiirku waxyaabaha ay mashaariicdani ka kooban yihiin waxa uu yidhi “Mashaariicdani waxay ka kooban yihiin ilaa sagaal mashruuc ka ugu horeeyaana waxa weeyi mashruuca la xidhiidha amaanka madaarka oo ka ugu horeyaa yahay kaabadahaasi aanu madaarka ku wareejinay, ka labaad ee isna amaanka la xidhiidhaa waxa weeyi CCTV, Kamera ayaanu markii u horaysay ka samaynay madaarada Somaliland ka Berberana waxaanu ka samaynay sanadkii hore, kana imika ayaanu dhamaystirnay, ilaa bil iyo dheeraad wuu shaqaynayay habkani, waa hab casri ah oo aduunka oo dhami ku shaqeeyo, mashruuca saddexaad waxa weeyaan qurxinta barxadan VIP-da ee madaxda qaranku ka soo galaan oo albaabo cusub loo sameeyay, mar-marna la dhigay, ta afraadna wxa weeyi hoolkan wayn ee laga dhoofo oo isna markii hore meelihii ay xukuumadani wax ku kordhisay ka mid ahaa oo aanu isagana qaabkiisa wax ka bedelnay, waxaa weheliyay dhismeyaal kale oo goos-goos ahaa oo badnaa oo uu ka mid yahay shaqaalaha iyo ciidanka dabdemiska oo aan markii hore meel ay ku nastaan haysan, oo aanu iyagana u samaynay qol wayn oo bakhaar ah oo agabka lagu kaydiyo, mashaariicda kale ee aanu qabanay waxaa ka mid ah wado laba boqol oo mitir ah, wadadaasi oo iyaduna ciid ahayd, imikana waxaa qurxinteeda gacanta lagu hayaa calaamada uu caanka ku yahay madaarku.” Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa kale oo uu sheegay in mashaariicdani ay ka caawiyeen shirkado iyo ganacsato reer Somaliland ah iyo dawlada hoose ee Hargaysa, isaga oo wasiirku si aad ah ugu mahad naqay dhamaanba shirkadahan iyo ganacsatadan gacanta ka siiyay hirgelinta mashaariicdani “Guud ahaan mashaariicdaasi waxaa gacan wayn naga siiyay ganacsato iyo shikado reer Somaliland ah oo aan jecelahay in aan halkan uga mahad naqo, shirkadahaa waxaa ka mid ah ganacsadaha la yidhaahdo magaciisa Jaamac Oomaar, ganacsadaha Cumar Caydiid, Axmed Geele Arab, shrikada Somtel, shirkada Salaama Bank, iyo xawaalada Mustaqbal, waxaa kale oo aan iyadan halkan uga mahad naqayaa dawlada hoose ee Hargaysa, oo iyaduna naga taageernay mashaariicdan qaar kood sida wadaa iyo baarkinka qaybo ka mid ah.” Ayuu yidhi Wasiirka Duulistu. Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasiirka Duulista iyo Hawadu uu wax qabad badan sameeyay farxad wayna ay u tahay in uu arko isbedelka lagu sameeyay madaarka caalamiga ah ee Cigal International Air Port, madaaraduna ay yihiin muraayada laga dheehdo qaran kasta umadiisa wax qabadkeeda iyo jiritaankeeda.
  17. The Zack;753911 wrote: The people have spoken! Shabaabb or Azania? Definitely not shabaab! What about Shabaab or Kenya What about occupation or freedom
  18. Dhoobleey:- Banaanbax looga soo horjeedo Mowqifkii Madaxweyne Shariif ee ciidamada Kenya oo ka dhacay Dhoobleey. 25. oktober 2011 APL Muqdisho(Allpuntland) Banaanbax looga soo horjeedo hadalkii Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu ku diiday ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya soo galay ayaa maanta ka dhacay Degmada Dhoobleey ee gobolka Jubadda Hoose. Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal ruux oo u badan haween iyo caruur iyadoona wariyayaal ku sugan degmada Dhoobleey ay soo sheegayaan in banaanbaxayasha ay soco ku mareen wadooyinka Dhoobleey. Fagaaro Banaanbaxayaasha ay isuku soo uruureen ayaa waxaa lagu arkayey waxgarad iyo Odayaal si weyn looga yaqaano Dhoobleey kuwaasi oo la hadlay boqolaalka qof ee banaanbaxa sameeynayey. Suldaan Cabdi Cali Sokor oo fagaraaha ka hadlay ayaa sheegay in hadalkii shalay uu sheegay Madaxweynah soomaaliya ay aad uga xumaadeen kaasi ee uu Madaxweynaha ku diiday soo gelitaanka Ciidamada Kenya gudah Soomaaliya. Suldaanka ayaa sheegay in ciidamada Dowladda Kenya ay garab ku siiyeen in ay ka dulqaadeen waxa u ugu yeeray Cadowga ee uu kala jeeday AL Shabaab isagoona sheegay in haatan xor yihiin degaano ay ka mid tahay Qooqaani. Waxa uu uu ugu baaqay Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay ka hadlaan hadalkii Madaxweynhaa ee uu sheegay in uusan dan u ahayn dadka ku nool Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan gobolada Gedo iyo Jubooyinka , waxa uuna ugu goodiyey Xildhibaanada ka soo jeeda goboladaasi in ay kalsoonida kala laaban doonaan haddii aysan ka hadlin hadalka Madaxweynaha. Dadka banaanbaxa dhigayey ayaa ku qeylinayey hadalo ay ku muujinayaan rabitanaka soo gelinatanka ciidamad Dowladda Kenya iyo sida ay uga soo horjeedaan hadalkii shalay u Madaxweynaha Shariif uu ku diiday soo gelitaanka ciidmada Dowladda Kenya.
  19. Abtigis its quiet Simple either you support the invasion or you don't you on the other hand want to sit in the middle and see how it goes go around possible theories how it might effect the Geo political cohesion in the region comparing apples to oranges, But i still like the tittle even though sharif made his stand very clear.
  20. Abtigis believes the Kenyans are not as evil as the Ethiopians to make a long story short he does not mind if they install Azania in Kismayo. Nor does he care how the Kenyans Entered Somalia if its legal or illegitimate.
  21. AYOUB;753828 wrote: ^ Why then is he forcing Somaliweynism on Somalilanders yaa Xaaji? He is terrified of Somaliland for some reason he thinks they are out there to get him . if Puntland today declared independence i don't think he would even bother to respond let alone write a long essay why they should be united with Somalia.