-
Content Count
30,019 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Kenya Troops Advance in Somalia, May Push to Kismayo
Xaaji Xunjuf replied to Thankful's topic in Politics
As much as i hate siad barre being from reer waqoyi, the man never would have sold our country down the gutter Siyad bare from reer woqoyi the man was born in shilaabo -
Civil war in hargeisa right now!! Today!!! (it was a matter of time)
Xaaji Xunjuf replied to djibsomali's topic in Politics
looooooooooooooooooooooooooooooooooooool@ the tittle -
Bomb blast hits Mogadishu as President Sharif departs for Turkey
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madaxweynaha Soomaaliya oo Turkiga u dhoofay Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ka dhoofay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Wefdi uu hogaaminayo oo Wasiiro u badan . Socdaalka Madaxweyne Shariif iyo Wefdiga uu horkacayo oo ku wajahan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa waxaa Mas’uuliyiinta ku weheliya ka mid ah Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaan dhigga , Wasiirka Dastuurka , dib u heshiisiinta , iyo arimaha Federaalka , Wasiirka Garsoorka , arimaha Diinta , iyo Awqaafta , iyo Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah. Booqashada madaxweyna dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo Wefdigiisu ay ku tageen dalka Turkiga oo qaadan doonta mudo sadex maalmood ah , waxay inta ay Turkiga joogaan booqaan doonaan Isbitaalada iyo goobaha kale ee caafimaad ee ay yaaliin dadkii qaraxii 4-tii bishan Muqdisho ka dhacay ku dhaawacmay. Waxaana la filayaa in inta ay dalka Turkiga ku sugan yihiin ay kulamo kala duwan la qaataan Mas’uuliyiinta ugu sar sareysa dowlada Turkiga oo ay ku jiraan madaxweyne Abdullah Gül iyo Ra’iisul Wasaare Rajeb Tayyib Erdogan. Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wefdigiisa oo ay diyaarad gaar ahi maanta duhurkii garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport ka qaaday ayaa waxaa garoonka kusii saagootiyey Mas’uuliyiin uu kamid yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka , Xildhibaanno , iyo Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka. Horseed Media -
Qarax qasaara geystay oo mar kale ka dhacay Muqdisho Qaraxi labaad ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho mudo 24-saac gudahood ah kaasi oo sababay qasaaro nafeed oo soo gaaray dad rayid ah. Inta la ogyahay hal ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay, laba kale oo caruur ahaana dhaawacyo culus ayaa kasoo gaaray ka gadaal marki miino la dhigay wadada dhinaceeda ay ku qaraxday. Goob joogayaal ayaa u sheegay Horseedmedia in qaraxa oo ahaa miino la dhax dhigay juuni deetana dusha laga saaray lacago shilin Soomaali ah. Ciidamada booliska dowlada Federaalka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in loo qabtay qaraxa laba ruux oo goobta ka baxsaday qaraxa kadib. Qaraxaan ayaa noqonaya kii labaad oo ruxa caasimada mudo 24 gudahood ah, shalay ayey aheyd marki qof naftii dile ah uu isku qarxiyey inta u dhaxeyo isgoysyada KM-5 ama Zoobe iyo Banaadir. Shan ruux oo uu ku jiray ninka is qarxiyey ayaa ku dhintay ku dhawaad 20-kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray.
-
So now you're saying You're enclave is just waiting till Somaliland is recognized than you will declare your own Separate state how thoughtful. They recognized the western sahara a good example while Morocco is still opposed to the independence of the western Sahara they even withdrew from the African Union because of the recognition of the western Sahara.Africa's is about be reshaped a new era has started Thankful be ready.
-
Somaliland fought for decades two for their independence Somaliland comparable to Eritrea and South sudan the people and the government of Somaliland cannot help if Somalia turned into turmoil post 1991 that's something they need to solve.The problem with you thankful is you view the TFG as a legal entity we don't, we see them like how the international community sees them as a western backed proposed transitional government for Somalia. Somaliland dejure recognition will come from the African states and not from the failed state who as we speak are being invaded by another African neighboring country.
-
Jb i won't send Christmas cards to the Kenyan forces if i was you they need to leave Somalia ASAP.
-
Lool Abtigis saying Siilaanyo can't write a simple article in the queens Language this is the president of Somaliland you are talking about not some illiterate warlord
-
Well said president Siilaanyo
-
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Si Weyn Loogu soo dhaweeyay Magaalada Boorame October 19th, 2011 Boorame(Somaliland.Org)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylicii) iyo wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayay ayaa maanta socdaal shaqo ku tagay magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal. Weftiga Madaxweyne Ku xigeenku Hoggaaminayay Wefti iskugu jiray Wasiirro, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda, Saraakiil ka tirsan Haa’yadaha dawlada iyo masuuliyiiin kale, waxa uu saaka ka ambo baxay magaalada Hargeysa abaaro 7:40 subaxnimo. Weftiga Madaxweyne Kuxigeenka waxa si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Dillahalkaasi oo ay kaga horyimaadeen Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Axmed Xadi Sidci , Maayarka Degmada Dilla Salaadiin Iyo Boqolaal qof oo ka mid ah bulshada degmada Dilla kuwaasi oo ruxayay caleemo qoyan. Calanka Somaliland kuna dhawaaqayay hal ku dhigyo ay ka mid ahaayeen “Sinjigaad ka dhalatiyo Somaliland-baa kuu sacab tumaysee ku soo dhawoow salaan wacan” “Waa geesigii oo guul buu wadaa.” Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa kale oo si weyn loogu soo dhaweeyay Tuullada Tulli Cagaaran , waxa kale oo weftiga si weyn loogu soo dhaweeyay Tuulada Gorayo-cawl halkaasi oo uu kaga horyimid Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Hawlaha Guud, dib u dejinta iyo Duulista Hawada oo weftigan u sii gogol xaadhayay. Waxa kale oo masuuliyiinta soo dhaweeyay ka mid ahaa Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Somaliland Md. C/Raxmaan Aw Cali Faarax iyo Xildhibaano ka soo jeeda xisbiga UDUB oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle. Weftigan Madaxweyne Ku xigeenka waxa u soo galbiyay magaalada Boorame gaadiid aad u badan. Weftiga Madaxweyne Ku xigeenka waxa magaalada Boorame ku soo dhaweeyay Kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha kuwaasi oo sufuuf u taagnaa jidka wadnaha ee badhtamaha magaalada Boorame, waxaanay siteen calamada Somaliland iyo caleemo qoyan waxaanay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ay ku taageerayeen Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland. Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo saxaafada ugu waramayay Huteelka Rays ee magaalada Boorame waxa uu sheegay in socdaalkiisu salka ku hayo sidii uu xog ogogaal ugu noqon lahaa xaaladda guud ee gobolka. “Socdaalka weftigaygu waxa uu xidhiidhaa sidii aan ugu kuur geli lahayn xaalada guud ee gobolka Awdal gaar ahaan dhinacyada abaaraha, maamulka Ha’yadaha dawliga, waxa kale oo aan kulamo la yeelan doonaa Masuuliyiinta maamulka gobolka, laamaha dawlada iyo waxgaradka iyo salaadiinta gobolka Awdal si aanu u ogaano xaaladaha ka jira gobolka,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku. Md. C/Raxmaan Saylici waxa uu sheegay in socdaalkiisa Gobolka Awdal uu qaadan doono muddo laba maalmood ah. Weftigan Madaxweyne Ku xigeenka saaka la socday waxa ka mid ahaa Wasiirka BeerahaMd. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoolle), Guddoomiye Ku Xigeenka NERAD Axmed Muxumed Geelle, Ergayga Madaxweynaha ee Gobolka Sanaag Sahal Maxamed Jaamac, La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Haweenka Marwo Amaal Xaaji Axmed Miisaan iyo Marwada labaad ee Somaliland Marwo Raxma Xaaji Muxumed Suldaan iyo xubno kale.
-
RIP
-
Somalia can't and will not be divided
-
A Osman's Boys say Kenyan invasion is good. LOOOOOOOOOOOL
Xaaji Xunjuf replied to PasserBy's topic in Politics
Why do you care about the Kikuyo surely Somalis will not like the Tigrays more regardless of what the Kikuyo's might do. -
Well we have to give it to sharif for one thing though for the first time in 20 years Mogadishu is the hands of one Administration give credit for that
-
A Osman's Boys say Kenyan invasion is good. LOOOOOOOOOOOL
Xaaji Xunjuf replied to PasserBy's topic in Politics
No he does not have a point he is saying i am a better invader Waxa anigu ma dhegeysto -
Hee zack ma 12 jiir baad tahay oo oba wuxu ku leeyahay maxa qabilka ku baray iyo diidmada nimanka Asharafta i mean sharif Ahmed lol
-
A Osman's Boys say Kenyan invasion is good. LOOOOOOOOOOOL
Xaaji Xunjuf replied to PasserBy's topic in Politics
Passerby Tigray and Kukuyos Luo's and Amharas are all the same to us why do you care what happens between Somalia and Kenya -
Oba ma waxad leedahay Zack Sharifka Qabil bu ku diidanyahay wa arin cajib ah taasi
-
Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Furay Maxjar Labaad Oo Shirkada Saleebaan Al-Jabiri Ka Hirgalisay Magaalada Berbera Iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Sheegay In Maxjarka Qaranku Leeyahay Berbeara (Ramaas) Oct 18,2011 – Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo maanta furay maxjar labaad oo shirkadda ganacsadaha reer Sucuudi Arabiya ee Saleebaan Al-jabiri uu ka hirgaliyey Magaalada Berbera ee gobolka Saaxil. Madaxwaynaha Somaliland oo Magaalada Berbera ku tagay diyaar khaas ah oo loogu tallo-galay wakiilka shirkada Saleebaan Al-jabiri oo magaciisu yahay Xasan Khalaf Al-Xasani ayaa waxa sidoo kale wehelinayey wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir iyo wasiirka wasaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Md Maxamuud Xaashi Cabdi. Wakiilka shirkadda Al-jaabiri Xasan khlaf oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay Somaliland ka hirgaliyaan maxjar labaad oo lagu caafmaadiyo xoolaha u dhoofaya wadanka Sucuudiga iyo guud ahaan wadamada Khaliijka Carabta. Wakiilku waxa uu sheegay in dhismaha Maxjarkani ay ku baxday lacag badan, balse uu faa’iido badan u leeyahay xoolaha Somaliland ee u dhoofaya dalka dibadiisa, ujeedada ay u sameeyeena ay tahay inay kordhiyaan xoolaha ay Somaliland ka qaataan. Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo isna munaasibada xadhiga lagaga jaray ka hadlay ayaa sheegay in Maxjarkani uu yahay mid Somaliland leedahay balse ay maamulkiisa ay gacanta ku hayso shirkada Al-jabiri, mar kasta oo heshiiska dawladu la gashay shirkadu dhammaadana dawlada ayaa la wareegaysa, iyadda oo wasaarada xanaanada xooluhu dalka uga wakiil tahay.” Ayuu yidhi wasiirka wasaarada xanaanda xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali. Madaxwaynaha ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay xukuumad ahaan iyo shacab ahaanba soo dhaweynayaan maxjarkan labaad ee shirkada Al-jabiri ka hirgalisay Magaalada Berbera, isaga oo tilmaamay in maalgashigu Somaliland iyo maalgashadayaashaba dani ugu jirto “Anaga farxad ayay noo tahay, waanuna soo dhawaynaynaa, maalgalintuna waa mid labada darafba dan u ah oo Somaliland in maalgalin lagu sameeyo dan ayaa ugu jirta, maalgaliyayaashana dan ayaa ugu jirta, waxaanuna mar walba soo dhawaynaynaa cid kasta oo dalkan wax gashanaysa faa’idana u soo kordhinaysa dalka.”
-
M/weyne Ku Xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Maxjarkii Labaad Ee Shirkada Al-jaabiri Iyo Mashaariic Kale October 18th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismaha maxjar labaad oo Ganacsadaha Sucuudiyaanka ah ee Saleebaan Al-jaabiri ka hirgelisay magaalada xeebta ah ee Berbera ee gobolka Saaxil. Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlay furitaankii Maxjarkaasi ayaa soo dhaweeyay maalgelinta uu ganacsadahaasi ku sameeyay dalka waxaanu yidhi “Farxad ayay noo tahay in aanu furno maxjarkii labaad ee shirkadani maalgalisay oo sida noo muuqata runtii waa maxjar balaadhan markaa gacmo wada jira ayay ku gooyaan waxaanay muujinaysaa wax wada qabsiga beesha caalamka iyo dawlada Somaliland, waxaanan diyaar u nahay markasta inaan soo dhaweyno cid kasta oo wax gashanaysa dalkan iyo dadkan faa’iidana isoo kordhinaysa isaguna ka faa’iidaysanaya.” Wasiirka xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in bishan carafo hal dollar laga dhimi doono lacagtii xoolaha laga qaadi jiray, waxaana hadalkiisii kamid ahhaa ahaa “Horta maxjarkan waa maxjar qaranku leeyahay waxaana maamulka shirkada Sucuudi Imaaraat ee maamusha maxjarada Al Jabiri, waxaanu hal dollar ka dhinay qiimihii xoolaha dhoofka laga qaadi jiray bisha Carafo, sanadka cusubna in aanu dib u eegno oo u qiimayno in intaa laga sii badiyo.ayaan rajaynaynaa.” Wakiilka Shirkada Sucuudi Imaaraat ee maamusha maxjarada shirkada Al-jabiri Mr. Xasan Qalaf Xasani ayaa u mahad naqay xukuumada Somaliland iskaashiga iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa waxaanu tilmaamay inay dhiirigeliso mashaariicda ay ka fuliyaan dalka. Wakiilku waxa uu intaasi ku daray in maxjarkani uu faa’iido u yeelan doono wadanka, waxaanu xusay in maxjarkan cusub bedkiisu yahay 3km oo isku wareeg ah. Wakiilku waxa uu sheegay in shirkadiisu ay horumarinta gobolka Saaxil ugu deeqday adduun dhan 70 kun oo Dollar. Sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenka xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo wasaaradda Duulista iyo Hawaddu ka hirgalisay madaarka Berbera iyo jid laami ah oo dhererkiisu yahay 350M, waxaana mashaariicdaasi faahfaahiyay oo ka warbixiyay wasiirka Duulista iyo hawada Md. Maxamuud Xaashi, waxana uu yidhi “Mashaariicdan waa mashaariicdii ay xukuumadani u balan qaaday bulshada Somaliland, gaar ahaan gobolkan Saaxil kuwaasi oo horumarinaya kaabayaasha dhaqaale guud ahaan mashaariicdan waa kow iyo toban mashruuc oo la xidhiidha jidadka iyo casriyaynta madaarka Berbera.” Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka waxa uu kormeer ku tagay dekeda caalamiga ah ee Berbera dhismayaasha cusub ee ka socda iyo qaybaha cusub ee lagu kordhiyay waxaanu halkaasi madaxweyne xigeenka warbixin ku siiyay maareeyaha dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, waxa kale oo madaxweyne ku xigeenku kormeer ku tagay garoonka kubada cagta ee magaalada Berbera oo dhismihiisu wado dawlada hoose ee Berbera. Maayarka ayaa ka warbixiyay garoonkan magaalada Berbera waxaana uu yidhi “Garoonkan waxa aanu ugu tallo-galnay mid lagu qabto xitaa ciyaaraha Afrika, waxa nashqada ku jira qaybtii VIP-da meeshii diyrayska lagu kala bedelanaaya si dadku aanay isku arag.” Madaxweyne xigeenka Somaliland iyo wefdigiisu waxa kale oo kormeeray haamaha kaydka shidaalka ee Berbera, waxaanay maantaba ku soo noqdeen Hargeysa.
-
Gen. Ilkajiir oo ku Baaqay in Hub ka Dhigis lagu Sameeyo Beelaha Puntland
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
is the topic not about Puntland