-
Content Count
30,097 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
79
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Somalilandpress)–In 1991, when vulnerable, fragile, war-ravaged Somaliland declared its independence, its neighbor and sister state, Djibouti’s reaction was unprecedented. Not only Djibouti opposed Somaliland’s quest for sovereignty but also launched an unholy crusade against Hargeisa, Somaliland capital. However, recently Djibouti took softer stance on Somaliland. What went right this time? From late 90s to early 2000, Djibouti made tireless efforts to undermine Somaliland, politically and economically. For instance, Djibouti convinced the Arab regimes to ban Somaliland livestock. This was an effort to coerce Somaliland to commit itself yet into another hasty, gunshot marriage with doomed Somalia. And few years later, tiny Djibouti which doesn’t have livestock of its own, audaciously, convinced the Arab regimes that only Djibouti should export livestock to the Middle East. That is, Djibouti not only chocked Somaliland’s lifeline but also monopolized livestock—the most important income-generating resources for Somaliland people. Politically, Djibouti hosted a number of Somali reconciliation conferences (or never-ending shrills) and invited Somaliland tribal leaders and self-proclaimed representative in an effort to dismantle Somaliland. Worse yet, to marginalize the ***** tribes of Somaliland, Djibouti renamed them to: Dirta Waqooye. Djibouti left no stones unturned. Although the first and second Somaliland Presidents, Abdurrahman Ahmed Ali (Tuur) and Mohammed Ibrahim Igal (may Allah bless their souls) forged a relationship with Djibouti, it was not until the third Somaliland President, Dahir Riyale Kaahin, that the two countries, finally, agreed to disagree. Ever since then, Djibouti may not have completely defrosted its gloomy relationship with Somaliland but eased tensions. Today, a different picture emerges. Among other things, Djibouti realizes alienating its neighbor–Somaliland–while backing up Somali regimes prone to fail was a failure on Djibouti’s part. Eritrea’s military incursions into Djibouti’s territory, Alshabaab’s growing threats in the region, and Anfar rebels against Djibouti led Omar Geele, the current president of Djibouti, to find a new ally in the region. Additionally, June 26, 2010 successful presidential elections of Somaliland in which President Ahmed Mohamed Mohamud Silanyo was elected, reshaped not only Djibouti’s attitude towards Somaliland but also the International community’s views. (Read more about why Mr. Silanyo was the right choice for president: http://www.americanchronicle.com/articles/view/165356 ) Djibouti also sense that Somaliland, one of the most democratic republics in Africa, is on the verge of receiving recognition. And as Somalis say, “Cimri tagay ceeb lagu ma sagootiyo…or don’t accompany insults with someone who is about to depart.” Hence, if you can’t stop Somaliland’s independence, you may as well celebrate with it. Now, to demonstrate that Djibouti, finally, changed its views (or it got rid of a chip on its shoulder) towards Somaliland, Mr. Geele invited Mr. Silanyo to Djibouti. And Mr. Geele not only rolled out the red carpet for Mr. Silanyo, but he [Mr. Geele] also welcomed the Somaliland delegation at the airport where they received presidential welcome reception. See Somaliland delegation’s visit to Djibouti: http://somalilandpress.com/djibouti-rolls-red-carpet-for-somaliland-president-19013 It was the first time that a host country’s top leader welcomed Somaliland president at the airport. This was a significant move, a clear indication that Djibouti treated Somaliland like any other country. To sum up, from 1991, at the dawn of Somaliland’s rebirth, to present, the relationship between Somaliland and Djibouti took many turns and twists, good and bad, but never before have the two countries felt a sisterly bond that once eroded. A new era began for Somaliland and Djibouti—one that is long overdue. As history attests, Djibouti is the first country that resolutely companied against Somaliland quest for independence. But Djibouti is also the first country that wholeheartedly received a Somaliland president as head of state where he received presidential welcome reception. Finally, Djibouti acknowledges that the interest of the Western, African, and Arab regimes in Horn of Africa may come and go, just as ascents of cheap clones fade quickly, but its neighbor—Somaliland will stay.
-
Khilaaf ka Tagaan Filim Laga Samaynayey Taariikhda SNM oo la Joojiyey Hargeysa (Jam)- Khilaaf, ayaa ka taagan masuuliyadda cidda joojiyey filim laga samayn lahaa taariikhda SNM, iyada oo maamulaha filimkan Keyse Cumar Cabdi uu wasaaradda warfaafinta ku eedeeyey inay diyaarinta filimka joojiye, halka wasiirka warfaafinta Md. Cabdillaahi Cismaan Geeljire uu beeniyey inay joojiyeen diyaarinta fililimka taariikhda SNM. Wasiirka Warfaafinta Jaamac Cismaan Geel-jire oo shalay Jamhuuriya u waramay, ayaa shaaca ka qaaday in aanu horjoogsan filim la sheegay in lagu soo bandhigaayey taarikhda SNM, isagoo wasiirku intaa ku daray inuu filimkaasi yahay mid aan si dhammaystiran loogu soo bandhigay dhacdooyinka taariikhdii SNM, balse uu yahay mid lagu matalaayo inay qayb ka mid ah uun xorraysay dalka. Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in uu wasiir ahaan isagu dhexdhexaadinaayey qolada filimka wadatay iyo qoyska uu ka soo jeedo Cabdi Jaamac oo ka mid ahaa wiilkii wax ku lahaa fikradan lagu mataalayo isla markaana wax ka qoray sheeda buuggan filimka laga matalaayo, waxaannu yidhi isagoo ka hadlaayo wasiirku; “Haddaan idinka warramo sheekadan qolada filmka samaynaysay, waa arrin dad gaar ahi wateen oo ku salaysan nin reer Somaliland ah oo ku dhashay Alle ah u naxariistee Cabdi Jaamac la odhan jiray uu sameeyey oo ku saabsan taariikhdiisi, isagoo yar qoyskoodii ay ******tii laysay, dabadeed gaalado halkan muddo dheer ayey ku soo noqnoqonaysya si ay filimkan u dhamaystiri lahaayeen. Markii iminka ugu dambaysay ee wax waliba u soo diiyaar garoobeen, ayaa qoyskii inanku ka dhashay oo odayaal ah oo ay ka mid yihiin Baxsane, mulkiilaha hoteel Imperial Xasan iyo odayaal badan miisan leh oo la socda, way ii yimaadeen oo waxayiI yidhaahdeen ninkaa dhintay xaqbaa ka maqan ee gaalada na dhexdhexaadi. Sidaasan gaalada iyo qoyskii ku dhexdhexaadiyey, qoyskana anaaga ka wakiillay yidhaahdeen. Xaqii heshiiska ugu qornaa in ka badan ayey gaaladii ogolaatay oo anigu ka hadli maayo tirooyinkaas oo dadbaa gaar u leh, laakiin waxaan caddaynayaa in wixii ugu qornaa heshiiska wax ka badan ay ogoladeen, qoykuna halka ay qabsadeen waxa weeyaan buuggan uu ninka gaalka ahi sheegano inuu Cabdi la qoray. Markaa intii la siiyey in leeg in la siiyo ayey ku doodayaan, gaaladiina way ogolaatay inay bixiyaan, laakiin may gaadhsiin halkay qoysku doonaayey, dabadeedna markii qoyskii diiday gaaladii waxay yidhaahdeen noo ogolaada bari iyo saadambe inaanu filimkii samayno, haddii kale khasaareenu galaynaa, tiina waanu u bandhignay qoyskii inay labada cisho siiyaan, qoyskiina waxay yidhaahdeen annaga oo waxayagii na la siiyo oo meel la dhigo mooyaane oo caddaalo-darro ayey noqonaysaa haddii nimankani ay bilowdaan arrintani oo nin dhintay oo muwaadin Somaliland ah ayaa xaqiisi lumayaa, dabadeeto waxaan anigu waxaan idhi hadduu arrinkani arrin private-da yahay waan-waantii aanu idinku dhexdhexaadinaynay uu istaagay, wixii kale ee idiin bannaani waa maxakamadaha sharciga oo idin kala xukumaaya. Maxakamadda qaranku ciddii ay u soo ogolaatana anagu waanu u fulinaynaa, maxakamaduhuna waa saddex darajo ciddii laga xukumaa waxa u bannaan inay abiil qaadato, dabadeeto waxay yidhaahdeen qolaadii galada ahayd anaga taasi waa nagu khasaare oo ma joogi karayno lacagna uma hayno, waxayagii waanu iska daynaynaa oo waanu tagaynaa, horta sidaad ayey ku gaadheen go’aanka gaaladu inay tagto. Su’aal: - Keyse waxa uu sheegay in intii aad arrinkooda ku jirtay Wasaaradda Warfaafinta dhexdeeda adiga oo la jooga Baastoolad lagu qabtay arrintaasi siday kuula muuqata? Wasiir Geel-jire: - Wax alle wax nabadgelyo darro oo wasaaradda dhexdeeda lagaga sameeyey ma jirto waana beentii, waxaan maqlay markii aanu kala dareernay, inamo qoyska inanku ka dhashay ka soo jeeda ay dabadda wax ku yeelen booliski wasaaradda noo jogayna way qabteen, ninkiina waa la xidhay askartu waxay ii sheegeen inaanay jirin wax baastoolad ahi ee ay bud ahayd, taasina waxay ahayd arrin ka dhexaysay iyaga iyo qoykii uu inanku ka dhashay. Wasaaradda ciidan badan baa noo jooga oo hub lalama soo galo, cidi kuma dagaalami karto, Keysana gaalada uunbuu turjumaanbuu u yahay, wax kale oo uu qiimo u leeyahy anagu garan mayno, gaaladaanu aniguma wada hadlaynay, wuxuu yahayna garan mayno, gaaladuna waxay leeyihiin soo saaruu noo yahay (Producer), iminkuunbaan jaraa’idka ku arkay isagoo leh soo saarihii filimkaan ahay. Su’aal: - Waxaad sheegtay inay hawshani arrin gaar loo leeyaay, dhanka kale haddii aynu ka eegno qiimo intee leeg ayey u leedahay soo bandhigida amma uruurinta taariikhda SNM iyo xukuumad ahaanba? Wasiir Geel-jire: - Waxay inoo ahaan lahayd sharaf weyn oo caalamku inoo aqoonsado oo magaceenu meel sare ku gaadho oo inankaa dhintay magaciisu meel sare ku gaadho, laakiin arrin dad gaari leeyihiin bay naga dhex gashay, Documentary uun maahee waa lagu matalayaa inay SNM qayb Somaliland ka mid ah xoraysay oo waa film khiyaalibana ku jiraaya, laakiin midhadh run ahi ku jiraan, sida ay u dhigayaana maaha oo taariikh SNM oo la baabiiyey ma jirto, waana been, qofkii doonayaa buuggiibaan hayaaye kaalay oo eeg. Dhanka kale maamulaha filimkan Keyse Cumar Cabdi, ayaa sheegay in wasiirka warfaafintu uu gebi ahaanba ka joojiyey filimkii ay ka samaynaayeen SNM, isla markaana ay xukuumaddu damaanad qaadi wayday nabadgelyadoodii oo ay Maansoor ku xanibnaayeen intii ay joogeen. Waxa kale oo uu sheegay Kayse Cumar Cabdi in uu Wasiirka Warfaafintu ka qaaday lacag sharci-darro ah “Horta arrintani waxay ahayd inan reer Somaliland oo Cabdirashiid la odhan jiray oo soo qabanqaabiyey oo fikradeeda lahaa, siddeedsanana laga soo wada shaqynaayey, ayaan-darro inankuu oo geeriyooday, iyadoon hawshii si fiican loo bilaabin, annaga waxaa waajib nagu noqotay inaanu halkii ka sii wadno, waayo hawl qaran oo ina wada sugaysa. Dawladdii hore warqadbay na siisay oo ahayd waanu idinla shaqaynaynaa, ilaa hadda warqad khaasa oo dawladda naga soo gaadhay ma jirto oo aan ahayn warqad la yidhi alaabta ayaanu idinku soo daynaynaa, alaabtaas oo ah tii aanu wax ku duubaynay. Markaa wixii dalka ka noqonayaa cashuur ma galaan, sidaasu Wasiirka Maaliyaddu noogu sheegay. Lacagtaasi oo nalaga qaaday $7000 (toddoba kun oo dollar oo wasaarada warfaafinta naga qaaday, awasaaradda maaliyaduna waxba kama oga. Ayaan-darro hawshaa qaran ee guud ee ahayd taariikhdii ummadda, ayaa waxay noqotay in la yidhaahdo lama shaqaynaayo ee waa la joojinayaa. Waxa jirtay inay Somaliland ahayd meel nabadgelyo lana yidhi Qaramadda Midoobay waxa uu geeyey 3aad derajada nabadgelyada, waxaanna ayaan-darro ah inaanay nabadgelyadaasi jirin oo aanu anaguna hudheelkan ku xidhnayn oo askar na raacdo mooyaane aanan dibadda u bixi karayn, waxay ku soo gebogeboowday inuu wasiirka warfaafintu yidhaahdo ma samayn kartaan, taas oo loo nisbaynaayo inankaa dhintay inan walaalo ay yihiin oo xuquuq sheeganaaya. Sida aynu ognahay caalamka nin iyo walaalkii isma dhaxlaan, laakiin anaga ixtiraambaa nalagu leeyahay. Waxaa nalagu xidhay lacag gaadhaysa $30,000 (Soddon kun) oo dollar ilaa adbixisaan halkaa kama soo bixi kartaan filimkana ma samayn kartaan oo uu noo soo jeediyey wasiirku ugu dambeyntii, labaatan kun oo dollar baananu ($20,000) khasaarnay,” ayuu yidhi Kayse Cumar Cabdi.
-
Pictures
-
Originally posted by Jacaylbaro: quote: waxaa la sameeyay guddiyo nabadgelyo oo heer qaran, heer gobol ilaa heer xaafadeed ah. Thought Kulmiye was against this ,,,,,, Gudi baanu u saarnay In gudiga nabadgalayada la sameeyeo dabeedna gudigaas ayaa gudigan soo saaray
-
Originally posted by Jacaylbaro: quote: dirawalkii gaadhiga waday ayaa warfidiyeenada u sheegay in ninka Bomka gaadhiga ku qarixiyay uu gaadhiga la socday isla markaana uu khilaaf dhex yaalay. "Waxa uu ahaa mid igu taamayay isla markaana waxa uu maalmihii ugu dambeeyay igulahaa waan ku dilayaa" ayuu yidhi dirawalkii gaadhiga qaraxa lala beegsaday waday. waxad mooda filimadi steve segaal oo kale
-
oke keep us updated. inshallah kheyr
-
Gurya samo wa daanta hoose eeh hargeisa.. Ninka an la garanayn baan la yaabay
-
BBC Wareysi: Garaad Abshir Saalax ”Waligeen Puntland Ayaan Ahayn
Xaaji Xunjuf replied to Liibaan's topic in Politics
admits what Garaad abshir and the peace negotiations we had with him was successful. -
^^ ma barre hiiraale isaga ma cid baba so dhaweysa ciid eryanaysa uun banu aragnaye.
-
for the first time i see selebaan gaal and President Siilaanyo oo is huggereynaya
-
Originally posted by oba hiloowlow: quote:Ciid saaxib wax na yeeshey ma jirto laakin labba dawladood oo isku biiray baynu ahayn sxb waxaas waxa ka dhaadhicisen ilmahii 91dii kedib dhashay war gumeystayaasha inteysan imaan miyaan 2 dowladod aheyn? gumeytayaasha ayaa isku ken diray bro. Anigu wan jeclahay walaalahay somaliland dont get me wrong horumarkad garteen waa ku faraxsanahay.. but i am kinda dissapointed at u guys gumeystaha ka hor qabil somaliyeed oo saldanada la haan jiray baanu ahayn wax dawlad ama dall anu ahayn ma jirin ama qarran somali geelana wala kala dhici jiray hooowya alay gabayga na wala isku tirin jiray state of somaliland 1960 bay jirtay . anagu ba waxanu jecelnahay inad dawlad noqotan dhulkina ilahay idin imaansiyo waxad isla jecelshihin waanu idin la jecelnahay so dont be dissapointed
-
Somaliweyn ma waxad u taqana somaliland iyo somaliya oo qudh ah dont abuse the term somaliweyn somaliweyn waa djibouti nfd the somali galbeed region Somalia. and Somaliland. suuqa bakaraha iyo yaaqshid bad adigu somaliya u taqana somaliweyn na somaliland iyo somalia baad u taqana. Ciid saaxib wax na yeeshey ma jirto laakin labba dawladood oo isku biiray baynu ahayn , hadana waynu kala tagnay somaliya 3 decades bay jirtay , shaqeyn weyday so in order inu dalkagu somaliya jiro wa inad fahantiid. somaliland iyo somaliya, inanay waligood mardanbe miidoobeyn , mustaqbalkaaga iyo kayga ku jira , hadi kale wixi hore u dhici jiray ba hadana dhacaya. taasna adigu uma baahnid.
-
it's irrelevant what former Nigerian leader says what is the stand of the current Nigerian govt
-
Mudaaharaad balaadhan oo ka dhacay magaalada Dhahar oo looga soo horjeedo hadalkii uu Madaxweyne Faroole ka sii daayey idaacada BBC da. By admin on Nov 07, 2010 with Comments 0 ShareMudaaharaad balaadhan oo ka dhacay magaalada Dhahar oo looga soo horjeedo hadalkii uu Madaxweyne Faroole ka sii daayey idaacada BBC. DHAHAR: Mudaaharaad balaaran oo ka dhacay magaalada Dhahar ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan oo ka careysan hadalo uu madaxweynaha Puntland Faroole uu sheegay mar uu wareysi siiyey idaacada BBC da, taasoo shacabka deegaanadaasi ay u arkeen in uu madaxweynuhu yahay beel la dirir. Mudaaharaadkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay ururada haweenka, odayaal dhaqameedka, media yaha Sida IDacaada SPR, Idaacada Qaran (S/land), Idaacada Simba (Muqdisho), LaasqorayNet, Dhahar.com, GalgalaNews iyo shabakada kale. Mudaaharaadkan ayaa bilowday saaka aroornimadii saacadu markey ahayd 8da subaxnimo, kadibna la isugu soo noqdey galabnimadii iyadoo ugu dambeyntii lagu balamay in sidoo kale bari mid kale laqabto. Shacabkii isugu soo baxay ayaa waxay socod ku dhax mareen magaalada gudaheeda iyagoo markii dambe ku dhigtey fagaaraha daanta bari ee magaalada Dhahar. Waxaa goobtaasi ka Hadley Nabadoon Maxamed Siciid oo looyaqaan “Nadaam” ayaa sheegay in hadalkii faroole ahaa mid laga caroodo, in uu beel ku tilmaamo argagixiso, sheegayna uu uu Dhahar kusoo duulayo, isagoo sheegay in uu garab ka helayo dowlada Mareykanka oo u sameysay hay’ad lamagac baxdey PIS oo lagu xasuuqo shacabka deegaanadaasi, waa sida uu hadalka u dhigayee. Dadka goobta ayaa waxay sheegayeen hal ku dhigyo ay ka mid yihiin “********** dooni meyno, dhiig daadiye doonimeyno, Faroole waa argagixiso, Faroole waa qabqable beel la dirir, IWM”. Waxaanu halkan idinkugu soo diyaariney warbixino iyo sawiro qeybtii koowaad ee mudaaharaadka inagoo idiin soo gudbin doona qeybtii labaad waqtiga dhow. Dhahar Online Sanaag Soomaliya
-
BBC Wareysi: Garaad Abshir Saalax ”Waligeen Puntland Ayaan Ahayn
Xaaji Xunjuf replied to Liibaan's topic in Politics
Liibaan shirku nuxurkisa maad fahmin ba waxa ka so baxay .. ma ahayn inu garad abshir noqdo somaliland , wax naga galay ma jirto hadu anglose sheegto . Waxa naga galay inanu heshis kala seexanay in hadu eebo ku roonyahay magdhow laga siiyo dadki lugu laaye widhwidh in hadu ilaahu idmo mamuul laga dhiso meesha u shaqeya dadka in gudi loo xil saaro nabadaynta meesha , iyo ciidanku qarranku ilaaliyo iyo dadka reer wiwdhwidh la shaqeyo intaso qodob ba wala isku afgartay shirku guul bu kudhamaday -
AMISOM Troops to be supplied with logistics support via Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Why should we allow this in our country? What's in there for somaliland. To help them with their logistics. -
Originally posted by Naxar Nugaaleed: After the government was dismantled, the northerners went back to tradition in the absence of a government. That deep respect for elders lead to youth being disarmed and institution building. Ceyaalka xafadaha oday malaha, lol. Regardless of status, an oday commends respect but this is not evident in the south. little shabaabs beating an old woman that could be his mother for any reason would not be tolerated in the North... Well said the koonfurians do not respect their elders waxay ku odhanayan aray odayga duqa xun xaw no sheega. But in somaliland there were so many peace negotiations led by the traditional elders there was one in borama there was one burco there was one in hargeisa there was one in ceerigabo
-
Axmed Xaabsade oo Shir laqaatay Saraakiisha Sarsare ee SSC iyo Beeshiisa
Xaaji Xunjuf replied to Liibaan's topic in Politics
^^ so now you put all your hope on xaabsade loooooooool Just like you did with mustafa galaal xaabsade is meeting his clan members because of the clan wars between two clans in the hawd region and cali maraykan is his clan cousin. -
Casuumad Rasmiya Ka Helay Waddanka Ingiriiska, London-HNW) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa lagu wadaa inuu booqasho rasmiya ku yimaado waddanka Ingiriiska laba saddex todobaad kadib, warkan oo aanu ka helnay ilo lagu kal soonyahay, ilo wareedyadani waxay shegeen in safarka Madaxweynu uu yahay mid ay si toosa ugu gudbisay dawladda Ingiriisku Madaxweynaha Somaliland, waxaana uu noqonayaa casuumadii ugu horeysay ee dawlad rer Yurub ahi u fidiso Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo tan iyo intuu ku gulaystay doorashadii qabsoontay 26 June 2010. ilaa hadda lama oga inuu Madaxweynuhu ka soo hormari doono laba saddexda todobaad ee la nawilaayo safarkiisa iyo in kale. Waddanka Ingiriiska ayaa ah mid sameyn ballaadhan ku leh Jamhuuriyadda Somaliland, madaama uu yahay waddankii xoriyada siiyay Somaliland 1960, lama oga in dawladda Ingiriiska oo ka dheregsan tariikhda Somaliland ay Madaxweynaha u casuuntay arrimaha qadiyadda Somaliland ee Ictiraaf raadinta iyo inay casuumadu raad ku leedahay deeqdii Ingiriisku siin jiray Somaliland oo uu laban laabay isla markaana uu si toosa u siin doono Xukuumadan cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Silaanyo. Si kasta oo ay tahay waxaa la rajaynayaa in safarkani noqon doono mid ka duwan kii Madaxweynihii hore ee Somaliland ku yimi waddanka Ingiriiska, marka la eego qaabka ay dawladda Ingiriisku u qorshaysay soo dhaweynta Madaxweynaha, tasoo ay shegayaan warar ay helayso shabakadda Hadhwanaagnews inuu ka meqaam sareeyo sidii losoo dhaweynjiray markii horre iyo waliba masuuliyiinta ay la kulmayaan, Ilaa wakhtigii ay dhammaatay doorashadii Somaliland isla markaana si nabadgelyo ah ay ku dhacday waxay beesha caalamku bedeshay qaabkii ay ula dhaqmijirtay Somaliland
-
Popular Contributors
