-
Content Count
30,211 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
82
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Somaliland vice president seylici visits awdal borama + pictures.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Wasiiro Socdaal Ku Tagay Magaalada Boorame November 10th, 2010 Comments Off Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wefti Balaadhan oo uu Hoggaaminayo oo ka kooban Afar Wasiir ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal, oo uu ku tagay socdaal shaqo oo qaadan doona muddo sadex maalmood ah. Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland waxa uu maanta magaalada Boorame kula shiray Madaxda Gobolka Awdal, maamulka degmada Boorame iyo iskuduweyaasha laamaha dawlada ee gobolkaasi. Waxaanu hadal uu ka jeediyay shirkaasi uu kaga waramay in uu Somaliland ka bilaabmay wax uu ku tilmaamay cahdigii la xisaabtanka shaqaalaha iyo masuuliyiinta dawlada waxaanu u soo jeediyay madaxda inay ka soo dhalaalaan hawsha adeegyada bulshada ee loo xil saaray. Md. C/Raxmaan Saylici wuxuu sheegay in mudada uu kormeerka ku joogo Gobolka uu masuuliyiinta laamaha dawlada iyo madaxda gobolka iyo degmada ka doonayo inay qoraal ugu soo gudbiyaan waxqabadkooda. “Shaqaalaha dawlada waxaan u sheegayaa in wakhtigii la xisaabtanku uu bilaamay isla markaana looga bahan yahay inay kala saaraan siyaasada iyo waxqabadka. Muddada aan joogo waxaan doonayaa inaad ii keentaan waxqabadkiinii oo qoran ogaadana in tartankii siyaasaddu uu dhammaaday uu waajib idin saran yahay isbedelkii aanu ummadda ay xukuumadu u balan qaaday inaan noqotaan qaar fuliya oo kor u qaada adeegyada ay bulshada u hayaan,”Ayuu yidhi Madaxweyne Ku Xigeenku. Md. C/Raxmaan Saylici wuxuu sheegay in tartankii doorashadu xiligan dhamaaday shaqaalaha dawladana looga baahan yahay inay ka fogaadaan inay siyaasada ku milmaan. Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu u mahad celiiyay shacbigii iyo masuuliyiintii Gobolka Awdal ee sida weyn u soo dhaweeyay waxaanu sheegay in maalmaha soo socda uu kulamo gooni gooni ah la yeelan doono qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Awdal. Weftiga Madaxweyne Ku Xigeenka waxa kormeerkiisan ku weheliyay Wasiirada Warfaafinta, Beeraha, Cadaalada iyo Dhalinyarada iyo Ciyaaraha. Waana kormeerkii ugu horeeyay ee uu ku yimaado gobolka uu ka soo jeedo tan iyo markii uu noqday Madaxweyne Ku Xigeenka Somalilad. Somaliland.org Hargeysa -
Somaliland policy concerning refugees in the country
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Jabuuuti carab ba dagta iyo qabailka ka so jeeda awdal iyo gabiley ba daga intu ba wa reer jabuuti, Somaliland na wa sidaaso oo kale oo qabil fara badan ba daga burco hargeisa ceerigabo gabiley borama seylac badhan laascanood buhoodle intu ba wa somaliland. -
Somaliland vice president seylici visits awdal borama + pictures.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Wafti Balaaadhan Oo Hogaaminayo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta Gaadhay Magaalada Borama Borama (Oodweynenews)- Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta gaadhay magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Borama. Waftiga Madaxweyne ku xigeenka Soamliland ayaa waxa ka mida Wasiirada Wasaarada Warfaafinta Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), Wasiirka Wasaarada Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Wasarada Ciyaarraha Dhaqanka iyo Hidaha Md. Maxmed Ibrahim Madar , Wasiirka Xigeenaka Wasaarada Waxbarasha Md. Cali Xaamud Jibriil, Xubno ka socaday Golahayaasha Shrcida jinta Somaliland ee Guurtida iyo Wakiilada. Waftigan ayaa markii aya gaadheen magaalada Boorama waxa halkaasi ku soo dhaweeyey dadweynaha ku dhaqan Magaalda Boorama, waxana ay kulamo kula yeesheen masuuliyiinta Gobolka iyo Madhaqameedka Gobolkaasi Hotel Rays ee Magaalada Borama. Ilaayo hada ma jiro war rasmiya oo ay Xukuumada Soamliland ka soo saartay safarka Waftiga uu hogaaminayo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ay ku tageen magaalda Borama. Madxweyne Ku Xigeenka Somaliland ayaa waxa uu mudaba ku safar is daba jooga ku tagayey Xarunta Gobolka Awdal ee Borama oo ah Gobolka uu asal ahaan ka soo jeedo. -
Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland,Eng:Saylici oo si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Borama+Sawiro Borama(Bnn) Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng:C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay , Abaarsa, Arabsiya, Gabiley, kalabaydh, Dilla, Tulli, Garoyocowl iyo caasimada Gobolka Awdal, Borama. Wafitigan ayaa Saylici waxaa ku wehelinayay, wasiirada, Beeraha, iyo waxbarashada, Prof:Faarax iyo Cali , xubno labada gole ee Somaliland, ka kala socda, Guurtida iyo golaha wakiilada. Dhinaca magaalada Borama ayaa waxaa iyadna waftiga kaga hortagay, Magaalada Gabiley, wafti balaadhan oo uu hogaaminayay, Duqa Magaalada Borama, C/raxmaan Shide Bile, Gudoomiyaha Gobolka, Maxamed Daahir Cabdale, iyo taliyayaasha Ciidamada Amaanka iyo kuwa qaranka. Waxa kale oo soo dhawaynta Saylici ka qayb qaatay qaar ka mid ah, ururada Maxaliga ah, ee ka hawlgala gobolka Awdal , Sida, Ururka SAADO oo ah urur wadaniya oo dhawaan la aasaasay oo ka shaqayn doona deeganka iyo ilaalinta iyo kobcinta dhirta iyo daaqa, oo uu gudoomiye u yahay, aqoon yahan Sharmaarke Cilmi, Ururka SAYS, oo uu agaasime Nuur shirdoon hogaaminayay,Ururka AYODA, oo uu horkacayay Agaasime, Siyaad iyo Ururka SOHURA oo uu hor kacayay, Madaxa Mashaariica Ururka, Eng:C/qaadir Cali Bade, dhamaan ururadaas oo astaamahoodii iyo gaadiidkoodii wata, ayaa waxa ay waftiga kaga hortageen, Magaalada Dilla halkaas oo ay u soo galbiyeen, ilaa caasimada Gobolka Awdal, ee Borama. Waftigan ayaa intii uu marayay magaalooyinkaa iyo tuulooyinkaa waxa ay dadwaynuhu ruxayeen, Calanka Somaliland iyo caleemo qoyan, iyaga oo ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid yihiin, Somaliland ha noolaato, Eng:Saylici soo dhawaw. Ugu danbayn waftigu markii uu soo caga dhigtay Magaalada Bormaa, ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyay, Kumaankun qof oo calamo iyo caleemo qoyan ruxayay, isaga oo u udhaadhacay dadkii qof qofna u salaamayay, waxa uuna noqday, Mas’uulkii ugu sareeyay ee dawlad ka socda, dadkan u daadaga salaana ka qaata, shacabka soo dhawaynayay. Ugu danbayn waftiga ayaa waxa loo kaxeeyay Qasriga Madaxwayne ku xigeenku ku leeyahay Magaalada Borama, halkaas oo ilaa shalay ay ka socotay shaqo xoog ah ,oo loogu diyaar galoobayay, soo dhawayntiisa. Isku soo wada duuduuboo waftigan ayaanan ilaa iminka la garanayn, sababaha xiligan keentay in uu yimaado, iyo xiliga uu joogi doono, iyo cida ay la kulmayaanba, waxaanan ka ogaan doonaa , saacadaha soo socda , madax warbaahinta ee waftiga.
-
Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Maxamuud Siciid waxa uu sidoo kale eedo u soo jeediyey madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole, kaas oo sheegay in Faroole uu doonayo inuu isir tiro beesha deegaanka Sanaag Bari. Wasiirkii hore ee Ciyaaruhu Maxamuud Siciid Maxamed waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay u waramayey Telefishanka Horn Cable Tv. Ugu horayna isaga oo arimahaas ka hadlaya waxa ka mid ahaa hadaladiisii “Atam dagaalka uu kula jiro maamul goboleedka Puntland waa mid xaq ah oo uu ku difaacayo sharaftiisa iyo ta dadkiisaba. Madaxwaynaha Puntland Faroole isaga qorshihiisu waa in uu isir tiro beesha Sanaag bari (Warsan-gali).”
-
Ilahoow cuqdad xabashi yaananu qaadin oo maskaxda yanay naga buuxin sida zack oo kale .
-
Somaliland policy concerning refugees in the country
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Nuune anigu dee cunsuri ma ihey anigu waxa dastuurka somaliland sheegey uun baan ku sheegey. Dawlad kaste waxay leedahay sharci iyo dastuur.ma jirto dawlad leh qiiro dastuur ama muxubo somali dastuur wax nocaasi ma jirto. -
Wasiirkii Hore Ee Ciyaaraha Oo Difaacay Dagaalka Uu Atam Kula Jiro Puntland, Sheegayna In Aanu Argagixiso Ahayn “Faroole Qorshihiisu Waa In Uu Isir Tiro Beesha Sanaag Bari” Wasiirkii Hore Ee Ciyaaraha Maxamuud Siciid Hargeysa, November 10, 2010 (Haatuf) – Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Somaliland Maxamuud Siciid Maxamed ayaa difaacay Maxamed Siciid Atam oo dagaal kula jira maamul goboleedka Puntland, kaas oo tilmaamay in dagaalka uu wadaadka Atom uu kula jiro Puntland uu yahay mid xaq ah. Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Maxamuud Siciid waxa uu sidoo kale eedo u soo jeediyey madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole, kaas oo sheegay in Faroole uu doonayo inuu isir tiro beesha deegaanka Sanaag Bari. Wasiirkii hore ee Ciyaaruhu Maxamuud Siciid Maxamed waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay u waramayey Telefishanka Horn Cable Tv. Ugu horayna isaga oo arimahaas ka hadlaya waxa ka mid ahaa hadaladiisii “Atam dagaalka uu kula jiro maamul goboleedka Puntland waa mid xaq ah oo uu ku difaacayo sharaftiisa iyo ta dadkiisaba. Madaxwaynaha Puntland Faroole isaga qorshihiisu waa in uu isir tiro beesha Sanaag bari (Warsan-gali).” “Shacbiga Somaliland iyo beesha caalamkaba waxaanu u sheegayaa in aanu ninkaasi ahayn Argagixiso, waa nin u dagaalamaya xoriyada dadkiisa, waxa la Kufsaday hablahoodii, waxaanu xaq u leeyahay inuu la dagaalamo maamul goboleedkaas raba inuu cidhib tiro ummada ku dhaqan deegaanka Sanaag Bari”. Hadalkan ka soo yeedhay wasiirkii hore ee ciyaaraha ee uu ku sheegay in ninkaasi aanu ahayn Argagixiso, balse lagu soo duulay dhulkiisii oo uu isdifaacayo ayaa ku soo beegmay hadal uu habeen hore Wasiiyey Wargeyska Haatuf wasiirka Warfaafinta Somaliland C/laahi Jaamac Cismaan, kaas oo sheegay inay wadaadka Atom ay u aqoonsan yihiin Argagixiso, isla markaana ay la dagaalamayaan.
-
Somaliland policy concerning refugees in the country
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
^^ wa caynkaas wa sidu faisal cali waraabe sheegey wa aliens,, Yew u have to be an Ethnic somalilander oo aad ka soo jeedid 5 qabiil eeh daggan jamhuuriyada Somaliland. -
Somaliland policy concerning refugees in the country
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
There is no difference between a koonfurian and the so called oromos, they have the same rights in our country , as long as they abide the law. they can live in our country as refugees. -
The Khusuusi wants to get rid of the Khusuusi
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Liibaanow khusuusiga waxa la yidhi 400 oo adhi ah bay rabbaan inay xaglatoosiye xilkaga cod aqlibiyad ah kaga qadaan. idinku ba dumuqradiyad baad gaadhee waleh -
The Khusuusi wants to get rid of the Khusuusi
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Liibaan xabashida iyo waxa iska dayoo. odaygii xaglatoosiye ma wasiir bu sheikh dalxiis u doontay , wakaan khusuusigu ku dhagan eh. Koley halka waxa ka so if baxaya ariimo maalimaha so socda aynu ka war heleyno, qaar waxay ba leeyihin hogaamiyaha khusuusiga baba kursiga xaglatoosiye rabba lol. -
The Khusuusi wants to get rid of the Khusuusi
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Originally posted by 'Liibaan': Xaji, meel aan war oolin ayaa war ka raadinasaa, waa muuqataa halkan sida ee soomaalidiidku xumaan iyo dhibaato ula doonayaan dadka soomaaliyeed ee jaarkooda ah, sababtuna ee tahay xaasidnimo,gar darro iyo faduul. Xabashida waa codowga Somali oo dhan, Waxaa xabashida looga digayaa in ee mar labaad kusoo xad gudbin Deegaanka SSC, sidii hore u dhacday Waxaa kaloo loo sheegayaa Xabashida inay caq soo dhigin SSC, waayo SSC dowlad iyo hogaan ayee leedahay adiga ba dhibaato ka sheekeynaya , anigu dhib ma sheegin war xita saado cali ba maanta ka hadashay khusuusiga iyo gudoomiyah khusuusiyga.oo yidhi xilkan ka qaadaya xaglajiifiye , saaxib xabashi haday cadawgaga yihin wardheer ugu maad tagteen.oo gadhka maad qabbateen,, airportkoodana kamaad dhoofteen -
lool so because he is a local he is a reliable source his accusations are baseless, there is no evidence. The pirate state is fighting a clan in western bari , they could not defeat this particular clan Politically and military. There for to hide their humiliation they falsely accuse a neighbouring country for supporting him.
-
The Khusuusi wants to get rid of the Khusuusi
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
^^ maxa xaasidiin naga dhigay war jira uun baanu sheegnay iga waran xaglatoosiye oo Cumar ileey la kulmey mamuulaha kilinka shanaad. maxaad is tidhahdeen sawdinki xabashida necba , goormaad xabashida is jeclaateen. -
Somaliland policy concerning refugees in the country
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Qaxootiyo wa la idin farsameynaya, hada -
^^ Somaliland ma joogaan Amxaaro lala dagaalamo iyo amisom laakin xammar amisom ba jooga, iyo africaan gaalo ah. Marka halkasu jihaadku ku haboonyahay.
-
Xukuumadda Somaliland Oo Diyaarinaysa Siyaasadda Ay Kula Dhaqmayso Dadka Qaxoontiga Ah November 9th, 2010 Comments Off Hargaysa (Somaliland.org ) Kulan lagaga wada hadlayo sidii loo samaysan lahaa siyaasad qorshaysan oo lagula dhaqmo dadka ajanabiga ah ee dalka soo galaya ayaa maanta waxa lagu qabtay Hoteelka Maansoor ee magaalada Hargaysa. Kulankan oo ay ka soo qayb galeen guddoomiyayaasha golayaasha Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiillada), Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, caddaalada, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, Taliyaha Ciidanka Booliska, Duqa caasimadda Hargaysa, Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimmaha bulshada iyo wakiillo ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR, waxa lagaga wada xaajooday ama lagu gorfeeyay sidii loo samayn lahaa siyaasad qorshaysan oo lagula dhaqmo dadka qaxoontiga ah ee dalka soo gala. Kulankan oo socon doona muddo saddex maalmood ah, isla markaana ay soo qaban qaabisay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha xaqoontiga ee UNHCR, waxa kale oo iyaguna ka soo qayb galay Hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin hay’addan ee iyaguna ku hawlan daryeelka iyo wax u qabashada dadka qaxoontiga ah ee dalka ku soo barakacay. Kulankan ayaa la filayaa muddada uu socdo in laga soo saaro siyaasad iyo qodobo dhaxal gal ah oo salka ku haya sidii qaabka loola dhaqmayo dadka qaxoontiga ahi ay u noqon lahayd mil meel mar ah. Somaliland.org, Hargaysa
-
qadalaawiyoow. Emiirku wu ku aadkaday Amxaarada,,, wa ninki ka siifeeyey amxaarada koonfurta somalia marku adeerka amxaaradu ku dhirbaaxayeen Villa Somaliya, hadana Emirku wuxu ku mashquulay la dagalaaanka Qoladan mad madow eeh laga keenay Ugandha kuwasu hada emirku ku mashquulsanyahay.
-
Wasiirka Warfaafinta oo Si Adag U Beeniyay War Ka Soo Yeedhay Puntland Written by Qaran news Nov 09, 2010 at 12:42 PM Hargeysa (Qaran news)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Cabdilaahi Geel Jire, ayaa wax aanay waxba ka jirin ku sheegay in Somaliland ay soo galeen firxadkii kooxdii Argagixisada ah ee SH. Atamka Puntland waxa kale oo uu beeniyay in saraakiil ka tirsan Ciidamada qalabka sida JSL ay ka barbar dagaalamayeen oo ay taageerayeen kooxdaasi. Wasiirka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa wuxuu Puntland u soo jeediyay inay joojiyaan dacaayadaha ay wadaan waxaanu yidhi “Somaliland wax argagixiso ahi ma joogo, manay soo galin, Somaliland way la dagaalamaysaa Argagixisada, waxa la dagaalanka Argagixisadu uu ku yaallaa Dastuurkayaga. Hadalada aflagaadada ah ee ka soo yeedhayay Puntland, oo aan leeyahay wuu ka khaldamay waanu ka qoyay hadalkii waxba kama jiraan eedaha ay nagu eedeeyeen in ciidamo Somaliland ahi ay ka barbar dagaalamayeen kooxdii Argagixisada ahayd ee Atam. Ciidamadayada ayaanu u war haynaa oo cid walba ka og, Ciidamada Somaliland kama qeyb qaataan dagaallo ay ku taageerayaan Argagixisadda, haddii madaxda Puntland ay niman ay garanayaan oo ay isku reer yihiin magacyadooda iska yeedhiyaan. Macnaheedu ma aha in ciidamadii Somaliland ka qeyb galeen dagaal Argagixiso.” Qaran news
