Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,097
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    79

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Siyaasiga Xaabsade Oo Ku Tilmaamay Dadkii Ku Dhintay Dagaalka Kalshaale Kaa Dhimay Oo Kugu Dhimay “Waxaan Ugu Baaqayaa Beelaha Walaalaha Ah Waar Tolow Colka Jooja,” Axmed Cabdi Xaabsade Hargeysa, November 21, 2010 (Haatuf) - Siyaasiga Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee kasoo jeeda gobolka Sool, ayaa ku tilmaamay dagaalkii dhex maray Salaasadii todobaadkii hore beelaha Qori-lugud iyo Buuhoodle ee khasaaraha dhimashadu ka dhacday kaa dhimay oo kugu dhimay, isagoo intaa ku daray in beelaha walaalaha ahi aanay ku kicin mar kale dagaalo dad kale ku dhintaan. Siyaasiga Axmed Xaabsade waxa kale oo uu hogaan dhaqameedka labadaasi beelood usoo jeediyay inay u dhago-nuglaadaan ergada madaxdhaqameedyada ee dadaalka u galay daminta colaadaasi, isagoo dhinaca kalena ku baaqay in laga ilaaliyo wixii siyaasad ah ee wax u dhimi kara, soona jeediyay in hab-dhaqan lagu dhameeyo wixii dhibaato ah ee ka dhacay colaada ka aloosan deegaanka Kalshaale. Xaaji Axmed Cabdi Xaabsade waxa u sidaasi ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf khadka Telephone-ka ugu waramayey isagoo wakhtigan xaadirka ah ku sugan Caasimada Hargeysa. Isago ugu horayn ka hadlaya baaqiisaana waxa uu yidhi “Waxaan marka hore tacsi u dirayaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay iska horimaadkii dhexmaray labad beelood ee walaalaha ah intii ku dhaawacantayna waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu u fududeey. Run ahaantii waxaan u arkaa dagaalkaasi dhex maray labadaa beelood ee walaalaha ah ee isku abtiga ah iyo Seediga ah dadkii ku kala dhintayba Kaa dhimay oo kugu dhimay, waxaanan ugu baaqayaa inaan wax kale lagu darin wixii dhacay, islamarkaana la soo afjaro lana wadahadlo xabada iyo hubkana la dhigo waxba tari mayso, dadkiina dagaalamayaana waxaad tihiin dad aan kala maarmi Karin oo isku deegaan kaliya wada degan colaada sokeeyana waa maradaa kugu gubatay, xalkuna waxa uu ku jiraa in labadaa beelood wada hadlaan hogaan dhaqameedkuna dhex galaan oo arrin dhaqan lagu dhameeyo wixii dhacay’ Mar uu ka hadlayay madaxdhaqameedyada beelaha kale ee Somaliland ee ergada nabad raadinta ah ugu baxay deegaanka Kalshaale ee colaadu ka dhacday iyo degmooyinka Qori-lugud iyo Buuhoodle waxa uu yidhi “Madaxdhaqameedyada ugu kicitimay deegaanadaa Qori-lugud iyo Buhoodle ee isku xilsaaray deminta colaadaasi waan soo dhawaynayaa waxaanan labada beelood ee walaalaha ah ugu baaqayaa inay u hogaansamaan ergada dhexdhexaadinta ah ee talooyinka ay usoo jeediyeen, lagana fogaado waxkasta oo turunturo iyo xagal daac ku noqon karta, deminta shaqaaqadii dhacday , waxaanan ku boorinayaa labada dhinacba ‘ Waar Tolow Colka Jooja’ oo nabada qaata, dagaal wiilbaa ku dhinta ee wiIl kuma dhasho.
  2. Ciidamada Somaliland oo lagu amray in ay galaan Buuhoodle Hargeysa-Nov -20-10-(SDN)-Ciidamada Soomaliland ayaa amar lagu faryo in ay xarun ka sameystaan gudaha degmada Buuhoodle uu siiyay madaxweynaha Somaliland oo iminka safar ku jooga dalka Britain. Taliyaha ciidamada Somaliland Gen. Nuux Taani iyo ku-xigeenkiisa Col.Caydiid Dhadhable ayaa maalmihii u danbeeyayba ku sugnaa duleedka degmada Buuhoodle halkaana ku diyaarinayay ciidamo halkaa sal dhigan doona. Talaabadan ayaa waxa soo dedejiyay dagaal dhawaan degaanka kal-shaale ku dhexmaray laba beelood oo wada dega degaan hoos taga degmada Buuhoodle. Madxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo booqday dalka Itoobia todobaadkan ayaa halkaa madaxdii uu kula kulmay waxa ka mid ahaa madaxa ciidamada Itoobiya Gen. Samora Yunus oo waxyaabaha ay ka wada hadleena ay ka mid aheyd arinata jabhada SSC ee xarunteedu tahay degmada Buuhoodle. Genanaka iyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa isla soo qaaday sidii ay Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland isaga kaashan lahaayeen kooxaha xag jira ee ku soo fidaya degaanadooda. Gudoomiyaha Jabhada SSC Saleebaan Xaglatoosiye iyo Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa todobaadkan booqasho ku tegay magaalada Muqdisho,inkasta oo aan la shaacin ujeedada safarkooda iyo in ay la kulmeen madaxda dawlada shariif sheekh Axmed hadana waxa la sheegay in xubno ka tirsan dawlada ay caasimada ku casuumeen. Waxa degaanadii dagaaladu saameeyeen iminka ku sugan ergo 40 xubnood ka kooban oo isugu jira sadexda xisbi qaran ee Somaliland oo uu dhawaan magacaabay ku-simaha madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Saylici si ay u qaboojiyaan xaalada colaadeed ee halkaa ka jirta. Sidoo kale waxaan waxba ka soo bixin baaq nabadeed oo dhawaan uu ku baaqay madaxweyne Siilaanyo iyo gudi uu arintaa u saaray oo kulan qura la yeeshay mid ka mid ah Madaxdhaqameedka Sool Garaad Abshir Saalax oo wax ka soo baxay aaney jirin. Isku soo wada duuboo waxa la eegaaba waa in Buuhoodle noqon doonto goob dagaal daba dheeraada uu ka curto iyo in sidii Laascaanood maamulka Somaliland sal dhigto.
  3. alayraxma raximin, hadana ma salaadinti ba la laynaya
  4. Originally posted by Che -Guevara: ^Your source of pride for you eh,what do you get in return for being just loyal servant? its just all politics my friend no emotions whats so ever. Somaliland and Ethiopian relations are pure politics and business.
  5. Somaliland president gets a better welcome then the recognized sh dalxiis in Ethiopia lol
  6. perfect great stuff nice welcome for the president. Che since when its xaraan to visit neighboring countries siilaanyo will visit ethiopia djibouti kenya
  7. dee ethiopia u sheeg melez u sheeeg dadka somaliland ciid kama rabno eeh hana dayaan
  8. Anaga Puntland ahaan 3 wasiir ayaa nagu magacaaban xukuumada labo ka mid ah Ninka Madaxwaynaha ah ayaa bililiqaystey oo keensadey wax lala yaabo weeye wasiiro laka bililiqaysanayo anagu arintaas yeeli mayno nama matalaan” ayuu yiri Madaxwayne Faroole. waxan maqli jiray kuraasi iyo hubka casriga la biliqeystey laakin wasiir dhan oo la biliqeystey
  9. Originally posted by oba hiloowlow: aniga waxaan la yaabanahay waxa waaye sabab ayay niman reer somaliland xil ugu heli karaan dowladda somaliyeed, ileen nin xamari dowladda siilaanyo ku arki meyside. Dee maad iska so eridaan, maxay idin ku joogaan war iska so erya niyo. ciidan idin keeni mayaan dad idin keeni mayaan idin tageera , wa just kharash idinka lumay , suldaan dallabay ba sheegey . dadkasi dawlad bey yeesheen halkooda hanaga joogaan
  10. ilahay ha kala qaboojiyo maalintan farxada badan eeh ciiid al adxa
  11. Originally posted by The Zack: If the dude in this interview is really Omaar, I am very disappointed with him. how come
  12. Originally posted by AYOUB: quote:Originally posted by Che -Guevara: Ayoub...Goldogob could be part of any entity as long as they don't have secessionist aspirations and are not selling their brothers to Zenawi. Yes indeed. But today, as thing stand, in your opinion, where are they part of if any? You might not care, but we do. Go on, give us clue. he will not give you a clear answer
  13. The guy is a complete loser ma aragtay marku hadlayo faraha sidu u taag tago habar baad mooda
  14. Dibadbax looga soo horjeedey Xukuumada KMG oo ka dhacay Garoowe. Garoowe : (Sh. M. Network) Dibadbax looga soo horjeeday Xukuumada Cusub ee Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi Max’ed ayaa maanta ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamul goboleedka Puntland. Dibadbaxaani oo ahaa mid looga soo horjeeday wasiirada Cusub ee dhawaan uu soo magacaabay Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Max’ed ayaa maanta ka dhacay Magaalada Garoowe, waxaana dibadbaxa soo qaban qaabiyay Maamulka Puntland ee gobolka Nugaal iyo kan Magaalada Garoowe. Dadkii ka qeyb qaadanayay Banaanbax ayaa ku qeylinayay hadalo ka dhan ah xukuumada Ra’iisul wasaare Farmaajo iyagoo sheegay inay ka soo horjeedaan habka Wasiirada uu u magacaabay Ra’iisul wasaaraha iyagoo dhinaca kale soo dhaweeyay hadalkii Maamulka Puntland uu ku sheegay in uu ka fiirsanayo wadashaqeynta uu la leeyahay dowladda KMG Soomaaliya. Qaar ka mid ah Banaanbaxayaashaasi oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in fikir ahaan ay raacsanyihiin maamul goboleedka Puntland, waxaana ay sheegeen in Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ay ku diidanyihiin habka Maamulka Puntland uu wax ugu qeybiyay Xukuumada Cusub. Banaanbaxaani looga soo horjeedo Xukuumada Cusub ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa daba socda banaanbaxyo sidaan oo kale looga soo horjeeday Wasiirada Cusub kuwaasi oo maalintii shalay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag.
  15. Originally posted by NinaNC: ^Excuse me folks! Jubbba (that is the correct way to spell it thank you) belongs to my people. Go discover your own imaginary lands. Sheeko! With 3 B'S
  16. well done FM of somaliland , some where this week inshallah our President will visit our other neighbour Ethiopia.
  17. Shabaab oo sheegtay in uu la wareegay degmada Dhuusamareeb. Dhuusamareeb: (Sh. M. Network) saraakiil ka tirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta ayaa waxaa la sheegay in caawa fiidkii ay la waregeen degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca. Saraakiil ka tirsan Xarakada Mujaahdiinta Al Shabaab ayaa sheegay in caawo fiidkii mudo kooban ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Dhuusammareeb ee gobolka Galgaduud iyadoo aan dhicin wax dagal ah. Saraakiisha Al Shabaab ayaa waxaa ay inataasi ku dareen in ay gudah u galeen degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud iyagoo sheegay in halkaasi kula hadlay mido saacado dadka ku dhaqan degmadaasi. C/wali Xaaji Diiriye oo ka mid ah ah Mas’uuliyiinta Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Galgaduud oo la hadlayay Idaacadd Shabelle ayaa waxaa uu uu beeniyay in Al Shabaab ay lawareegeen degmada Dhuusamareeb, waxaana uu carabka ku dhiftay in ciidamada Ahlu Sunna ay ku sugan yihiin degmada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud. Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud ayaa iminka waxaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay samaynayaan dhinacyadasi, iyadoo dadka ku dhaqan degmadaasi ay ka cabsi qabaan in halkaasi uu dagaal ka dhaco. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
  18. MUDAHAARO BALAADHAN OO KA DHACAY GOBOLADA SANAAG , HAYLAAN IYO BARI OO LOOGA SOO HORJEEDO XUKUUMADA FARMAAJO Sunday, 14 November 2010 13:06 Deegaanada Maakhir dhamaantood ayaa waxaa maanta ka dhacay mudaharaado looga soo horjeedo xukuumada raysal wasaare farmaajo uu soo dhisay. Magaalooyin ka tirsan Gobolada Sanaag , Haylaan iyo Bari ayaa waxaa ka dhacay Banaanbax aad u balaadhan oo ay ka soo qayb galeen ururada bulshada , Isimo iyo Siyaasiyiin iyo dhamaan shacabka ku nool Goboladaas. Magaalooyinka uu ka dhacay Banaanbaxani ayaa waxaa ka mid ahaa sida wararku nagu soo gaadhayo Magaalooyinka Badhan, Hadaaftimo, Dhahar,Xingalool iyo laasqoray. Mudaharaadkii ugu balaadhanaa ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Badhan oo ay ku sugnaayeen Isimo aad u fara badan , Isimada iyo siyaasiyiinta ku kulmay magaalada Badhan ayaa waxa ay ugu baaqeen xildhibaanada ku sugan magaalda Muqdisho ee u dhashay deegaanada Maakhir in ay si degdeg ah ugu soo laabtaan deegaanada Maakhir si dib loogu eego aayaha deegaanka, Waxa kale oo ay ku baaqeen in aan xukuumada Farmaajo la ansixin maadaama ay tahay mid aan cadaalad ku dhisnayn. Sawiradii Banaanbaxa ka dhacay deegaanada Maakhir ayaanu dib ka soo gelin doonaa saacadaha soo socda hadi ilaahay yidhaahdo.