-
Content Count
30,102 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
81
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
BBC Wareysi: Garaad Abshir Saalax ”Waligeen Puntland Ayaan Ahayn
Xaaji Xunjuf replied to Liibaan's topic in Politics
Xiinfanin meel cidla bu ka ciiyayaa waleh. laascaanood 18 may ba loo dabaal daga maalinta gooni isutaga qarranka. Adna waxad ka sheekeynaysa abshir salax ba mamuulka budhcad badeedka jecel. Oo muxu so kordhinaya soo kan Heshisyo lagalaya somaliland iyo inu ciidanka qarranku ku ilaaliyo widhwidh cadaw kasta oo kaga soo duula diibada. -
BBC Wareysi: Garaad Abshir Saalax ”Waligeen Puntland Ayaan Ahayn
Xaaji Xunjuf replied to Liibaan's topic in Politics
Ngonge Garaad abshir iyo Nassir ma isku process bay saaranyihin? -
Ethnic Puntlander becomes first Somali to enter Minnesota Public office!
Xaaji Xunjuf replied to Timur's topic in Politics
A khadar but Minnesota is majority Ethnic puntlanders that's what the topic opener is trying to say -
BBC Wareysi: Garaad Abshir Saalax ”Waligeen Puntland Ayaan Ahayn
Xaaji Xunjuf replied to Liibaan's topic in Politics
Somaliland admin is functioning pretty well in laascaanood and there is no garaad jamac there. Garaad abshir can claim what he want but he made peace with somaliland. And that's what counts -
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
-
Khusuusi Garaad accepts peace somaliland welcomes him
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Xukuumadda Somaliland oo Caddaysay Inay Fulinayso Go’aamadii Shirka Widhwidh Burco (Jam)- Guddiga Xallinta Tabashooyinka Gobollada Bari ee Somaliland ee ka qayb galay shirkii ka dhacay degaanka Widh-Widh ee dhexmaray xukuumadda iyo madax dhaqameedka Degaankaasi, ayaa shir jaraa’id ku qabtay galinkii dambe ee shalay Huteel City Plaza ee magaaladda Burco, iyaga oo sheegay inay xukuumad ahaan fulin doonaan go’aamada shirkii Widhwidh. Waxa kale oo guddidu sheegtay in shirkaasi ku dhamaaday si wanaagsan, isla markaana ka soo baxeen go’aamo ay labadda dhinaca si wada jira u wada saxeexeen, iyagoo xusay in shirkani yahay hordhac, balse la qaban doono shirar kale oo ka sii balaadhan. Haddaba shirkaasi ka dib, ayaa su’aalo la waydiiday xubno Waftiga oo ka jaaabayay Guddoomiyaha guddida hawlaha nabadaynta ah waday Md. Baashe Maxamuud Faarax, ayaa waxay u dhacay Sidan: S: Garaad Abshir Saalax oo ah Garaadkii Heshiishka iyo go’aamadda shirkii Widh-Widh idinla saxeexday wuxuu ku dhawaaqay inuu mawqifkiisa iyo degaankiisba raacsan yahay Puntland, arrintaasi siday idiinla muuqata, miyaanay dhabar jab ku ahayn go’aamadii ka soo baxay shirkaasi.? J: Anagu maanu dhagaysan BBC-da, manaanu maqal, umana malay naayo in Garaad ku yidhi waan ka noqday saxeexaygii, anagu xaxaanu la soconaa wanaagii aanu kala nimi degaanka Widh-Widh iyo go’aamadii aanu isla soo qaadanay, isla markaana anagu waanu fulinaynaa go’aamadaasi, degaan kaasna waxaanu kagaga nimi dad reer Somaliland ah oo Jecel inay dadkooda wax la qabsadaan. S: Madaxweynaha Somaliland wuxuu gogasha nabadda u fidiyay madax-dhaqameedka degaamadda Sool iyo Buuhoodle, shirkana ka may soo xaadirin, taasina miyaanay Jawaab diidmo ah ahayn.? J: Maya, garaadadu way wada ogolaadeen gogosha nabadeed, balse Garaad Abshir isagaa gogosha fidiyay oo qabtay, markaanu Widh-Widh tagaynayna maanu odhan, garaadadu way ka soo wada qayb galayaan, haseyeeshe, shirkani wuxuu ahaa kadinkii iyo albaabkii ay ka bilaab maayeen shirarka nabadu, Garaadada waanu wada xidhiidhnay, cidkasta oo nabadda danaynaysaa, halkooda ayaanu ugu tagaynaa. S: Magdhawga ay xukuumaddu bixinayso waa Imisa? J: Magdhawga la bixinayaa waa dadkii shicibka ahaa ee aan hubka sidan, Waxaana balan qaaday, xukuumadii hore, gagta Qafkuna waa wax cayiman oo la yaqaan. S: Arrintii ciidanka qaranka ee beesha degaankaasi dalbaysay in laga raro maxaa laga yeelay? J: Wasiirka Gashaandhiga, Cadami: arrinta milateriga haddanu iska diidnay iyo haddanu yeelnay go’aamadda ayay ka muuqan lahaayeen, arrimaha ciidankuna waa sir, haddana ciidankii qaranku meeshiisu ayuu yaala oo ku sugan yahay. Dhinaca kale, intii aanay weftigu soo gaadhin magaalada Burco, waxay soo mareen deegaannada Gobolka Sool, iyaga kulan ballaadhan magaalada Laascaanood kula yeeshay madaxdhaqameedka, odayaasha iyo waxgaradka reer Sool. Guddigu waxay shirkaasi kaga xogwarameen socdaalkooda ay ku soo mareen degaano kala duwan oo ka tirsan gobollada Buuhoodle iyo Sool, xaaladaha caqabada ku noqon kara nabadgelyada iyo weliba sida xukuumadda cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu u ballanqaaday in dhammaan bulshada walaalaha ah ee Somaliland cid kasta oo wax tabanaysa ay ku xallinayaan si nabadgelyo ah. “Wax allaale wixii xagga siyaasadda iyo xukuumadda ku xidhan heer Madaxweyne ha noqoto ama heer wasiir ha noqotee aniga iyo ragga kale ee Golaha Wasiirrada idinkaga jira noo daaya, annaga ayaana ballanqaadayna.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cabdirisaaq Ibraahim Cataash oo la hadlayey odayaasha iyo waxgaradka reer Laascaanood. Dhinaca, kalena qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka shirkaasi ka qaybgalay ayaa iyaguna dhinacooda ka hadlay waxyaabaha ay ka cabanayaan, iyagoo si weyn u soo dhaweeyey wadahadalka xukuumaddu ku ballanqaaday, isla markaana ay dhinacooda ka go’an tahay in nabadgelyada gobolka ka shaqeeyaan. Jamhuuriya Online -
proposition for a two state solution for Somalia, answer to Somalias ills
Xaaji Xunjuf replied to Hales's topic in Politics
Nuune hales said that -
proposition for a two state solution for Somalia, answer to Somalias ills
Xaaji Xunjuf replied to Hales's topic in Politics
We welcome this that's how it is. -
Khusuusi Garaad accepts peace somaliland welcomes him
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Video of Go'aamadi shirki widhwidh oo guul ku dhamaday http://www.youtube.com/watch?v=Gkz2LkOEutA&feature=player_embedded -
BBC Wareysi: Garaad Abshir Saalax ”Waligeen Puntland Ayaan Ahayn
Xaaji Xunjuf replied to Liibaan's topic in Politics
Originally posted by Suldaanka: The Garaad can say that they are part of Russia for all Somaliland cares, so long that he agrees to making Widhwidh a peaceful town where the Somaliland authority funcitons and works. Somaliland's objective is not to convert indivituals' positions. Rather the objective and target is to expand the SL authority and reach all the regions that are under Somaliland's borders. So the question comes back to you, played in what way? Me thinks, by saying that he considers himself part of Pirateland who has a good working relationship with SOmaliland, he is infact dealing double blow to the SSC function. Again, it is good for Somaliland polically since SSC is the only visible opposition there is between SL and Buuhoodle town. Puntland is by all means a defunct force in that area's millitary and politics. Well said the garaad accepted peace and he is willing to work how to make the region peaceful thats the most important thing and that the locals should work with the somaliland police and military, Shirki guul bu ku dhamaday -
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Originally posted by Ferguson: ok what about garowe? ,,,, sorry we don't deal with tribal chiefs -
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Mogadisho ma Buhuku ba ku qaabilaya mise sheikh dalxiis -
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
hee ferguson ma rooga cass baad u si diyaarin lahayd Mujaheedka. -
BBC Wareysi: Garaad Abshir Saalax ”Waligeen Puntland Ayaan Ahayn
Xaaji Xunjuf replied to Liibaan's topic in Politics
Liibaan garaadku muxu ssc u sheegan wayey ileen waaki shirki horseed eeh kenya ka qeyb galay eh. -
Somaliland president Axmed Maxammad Siilaanyo arrives in Djibouti.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Video of president siilaanyos speech in djibouti -
Khusuusi Garaad accepts peace somaliland welcomes him
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Gudiga xalinta tabashooyinka gobolada bari oo so gaadhay magaalada laascanood video -
Madaxweynaha Puntland Faroole oo Somaliland ka codsaday inay kala hawlgalaan la dagaalanka Firxadka Ciidamadii Atta moo uu sheegay Somaliland inay u yaaceen Waaheen(Hargeysa) Madaxweynaha Maamul-goboleedka Somalia ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay kala hawlgasho firxadka kooxda uu hoggaamiyo Maxamed Siciid ATTAM ee dagaaladu ku dhexmareen deegaanka Buuralayda Galgala. Madaxweyne Faroole ayaa ku dhawaaqay inay bur buriyeen, soona afjareen dagaallo goos goos ah oo ciidammadiisu kula jireen kooxda ATTAM ee ku jira Buuraha Galgala, kuwaasoo uu sheegay in hadhaagii kooxdaasii u soo yaaceen dhinaca Somaliland, islamarkaana waxa uu ugu baaqay maamulka Somaliland inay kala hawlgalaan wax uu ku sheegay “Khatar ku soo fool leh labada dhinac [ Somaliland iyo Puntland] sidaana waxa uu ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay Laanta Afka Somaliga ee BBC’da “ Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Marka ugu horeysa waxaan u sheegayaa umadda Soomaliyeed oo dhan in xoogii argagixisada ahaa ee isku urursaday buuralayda Galgala agagaarkeeda bari iyo galbeed in la burburiyay intii ugu dambaysay xoogoodii, taas oo lagaga qabtay wixii ay hub haysteen dadna lagaga laa’yey. Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay cafis u fidin doonaan shakhsi kasta oo ka mid ahaa kooxda ATTAM ee isa soo dhiiba, waxaanna ka mid ahaa hadalladiisa, “Soo afjaristaasi maaha in qof kasta oo iyagga ka mid ah uu dhintay, bulshada reer Puntland-na waxaanu u sheegnay in qofkii aan ka tirsanayn nimankaa argagixisada ah balse la marin habaabiyey aanu cafis u fidinay oo ay iska dhiibaan xarumaha amniga iyo madax-dhaqameedka caanka ah ee aanu anagu naqaano ee isimada ah iyo siyaasiyiintooda, wixii intaa aan ahayn ee firxadka ah ee u cararay deegaamada galbeed oo ka mid ah deeganada Somaliland oo aan odhan karo waa agagaaraha degmada Ceerigaabo oo aanu ognahay shakhsiyaad caan ah oo magacyadooda la yaqaan ay joogaan, waana khatar labada maamulba gacanta galin kara oo dadna abaabuli kara dibna isku soo hubayn kara. Waxaanu ognahay meelo badan oo ay ku sugan yihiin oo deegaanadaas ah oo Ceerigaabana Galbeed ka ah Burcana bari ka ah, ilaa dhinaca badda Xiis iyo Maydh iyo wixii Laascaanood hareeraheeda ah ee ciidamada Somaliland ku sugan yihiin ayay joogaan. Khatartii way dhamaatay lama odhan karo, maadaama oo firxadkii uu galay deegaanada aan sheegay ee Ceerigaabo, Laascaanood iyo wixii Burco bari ka soo xiga oo dhan, way is abaabuli karaan, markaa ciidamada Somaliland waa inay door ka qaataan.” sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole. Xukuumadda Somaliland, ayaan illaa hadda cadayn mawqifkeeda ku saabsan kooxda uu hoggaaminayo Sheekh Maxamed Siciid ATTAM oo aan si rasmiya loo ogayn ujeedadiisa, iyadoo warbaahinta qaarkood ay hore u faafiyeen in Sheekhani ku suganyahay qaar ka mid gobollada Bari.
-
Somaliland health minister visits sanaag pics
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Waftiga Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Cuqaasha Gobolka Sanaag xarunta Maamulka Gobolka posted by: Webmaster Ceerigaabo/ToggaHerer Waftigii wasiirada ahaa ee socdaalka ku marayey gobolka Sanaag ayaa kulan kula qaatay xarunta maamulka gobolka cuuqasha gobolka. Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinata maamulka gobolka iyo degmada Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr Xuseen Xoog, wasiir kuxigeenka wasaarada caafimaadka Nimco Xasan Qawdhan iyo wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Ilhaan Maxamed Jamac Waxaan kulankaa ugu horay ka hadlay Jiif Caaqil Jaamac Ismaaciil Muuse oo umahad naqay waftiga waxaana uu uga war bixiyey xaalada gobolka isga oo sheegay inay tahay baahida ugu weyni dhinaca wadada isku xidha gobolka sanaag iyo togdheer waxaana uu sidoo kale xusay in loo dhiso dekeda maydh . Waxaa isna madashaa ka hadlay Jiif Caaqil Maxamed Jaamac Faarax oo ka hadlay dhinaca caafimaadka gobolka oo tilmaamay inuu hada fiican yahay laakiin loo baahan yahay in halkaa laga sii wado . Waxaa iyaguna madashaa ka hadlay Caaqil abokor Xasan ,Caaqil Aaxmed Jaamac Ismaaciil , jiif Caaqil Axmed maxmed Xaashi oo dhammaan tood ka hadlay dhinacyada nabadgalyada Caafimaadka , waxbarashada ,biyaha iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga ah in gobolka kor loogu qado . Waxaa isna mada shaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka sanaag Cali Cabdi Hurre oo u mahad naqay dhammaan cuuqaasha waxaana uu ku tilmaamay inay cuuqaashani yihiin ku aabaha u ah nabadgalyada gobolka sanaag ku baano. Waxaa iyana madashaa ka hadashay Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha bulshda Ilhaan maxmed Jaamac waxaana ay siweyn ugu mahad naqaday cuu qaasha gobolka oo ay sheeg tay in loo bahan yahay in la ixtiraamo . Waxaa isna soo gabo gabeeyey Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Xasan Muxumed Maxamed (xoog) oo dhankiisa cuuqaasha ku tilmaamay yihiin lafdhabarka bulshada sanaag oo ay yihiin kuwa ugu qiimaha badan waxaana uu sidoo kale tilmaamay inay inata badan ka shaqaynayaan arimahaa aad cod sateen . Kulamadan isdabjooga ah ayaa ah mid ee ay la qaateen cuuqaasha ayaa ah kii ugu horeeryey ee ay la qaataan waftidano madaxdhaqameedka gobolka . Waftiga ayaa la filayaa inay u anbabaxaan dhinacaa iyo maydh . C/naasir khalid siciid Ceerigaabo -
Waftigii uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo maanta kulan la qaatay masuuliyiinta maamulka Gobolka Sanaag posted by: Webmaster Waftigii uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiinta maamulka gobolka sanaag Kulankaas oo ay ka soo qaybgaleen isuduwayaasha wasaaradaha iyo taliyayaasha ciidamada. Waxaana ugu hoaraytii kulankaa ka hadlay taliyaha qaybta booliska gobolka sanaag C/risaaq Yuusuf Maxamuud oo ka war bixiyey xaalada nabad galyada gobolka. Waxaa isna madashaa ka hadashay isuduwaha wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Faaduma Xaaji Xasan Axmed oo ugu horayn soo dhaweysay waftida waxaana ay ka war bixisay sida ay ula shaqaynayso wasaaradeeda waxaana ay tilaamantay inay la shaqaynayso wasiiradeed tii horena ay aad ula soo shaqaysay. Waxaa iyaguna mada shaa ka hadlay isduwaayasha wasaaradaha boosaha iyo isgaadhsiinata ,Beeraha,Waxbarashada qorshaynta ,Xanaanada Xolaha oo dhamaan tooda ka waramay dhibaatooyinka wasaaradohooda iyaga oo tilmaamay inay inta badan ku tilmaamay in uu gobolka sanaag uu yahay mid ka hooseeya gobolada kale ee Somaliland.. Waxaa isna madashaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka sanaag Cali Cabdi Hurre oo isna dhankiisa soo dhaweeyey waftiga waxaana uu tilamaamay inay isuduwayaashani yihiin kuwo u heelana shaqadoodooda waxaana uu xusay inaa wasaarado badan aanay lahay xafiisyo , Waxaa iyaduna madashaa ka hadashay wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Ilahaan Maxamed jaamac oo dhankeda u mahad naqaday isuduwayaasha wasaaradaha waxaana ay ku la talisay inay isku doobnaadaan dalkoodana si weyn ugu shaqeeyaan isuduwakastaana si toosa ula xidhiidho wasiirkiisa. Waxaa kulankaa soo afmeeray wasiirka wasaarada Caafimaadka Xuseen Maxmed Muxumed (Xuseen XOOG) waxaana uu u mahad celiyeye isuduwa yaasha oo uu kula dardaarmay inay iskaashadaana wadashaqayaan una diyaar garoobaan horumarinta gobolkooda dhawaana u diyaar garoobaan 6bilood oo ah waxqabadka xukuumada. Waana taniyo markii ugu horaysay ee xubno wasiiro ah oo ka socda xukuumada cusub ee madaxweyne siilaanyo ay kulan la qaataan Isuduwayaasha wasaaradaha. C/Naasir khalid siciid Cerigaabo
-
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Originally posted by xiinfaniin: xaaji xunjuf, waxaan ka hadlayna waa wax run ku qotoma, oo khiyaali ka fog. siilaanyo waa nin soomaali jeclaantu dhowr jeer ka qubatay oo ceshan kari waayey , waa arrin aad looga warqabo. waqti bay qaadanaysaa inuu waxyaalaha qaar ku dhiirado laakiin wax badan baan ka ognahay tafkiirkiisa siyaasiga . melez cinwaanka threadka buu dhex fadhiyaa xaaji xunjufow , aniguna iskama aanan abuurin oo su'aashaydu meeshay ku jirtaa saaka ma qumanid, caradii hargeysaad nagula dhacday Naw dee wax walba daliil bey leeyihin waxagu waan maqlay weye beri ba sida la yidhi mar bu aha wasir dawladi kacaanka , Adeer waxasi wa marxalado la so maro Somali miyaan la jeclaan karayn isagu somalilandtisa haysta sidu ismacil cumar geele ba u jecelyahay waba ka maanta ku so dhaweyey dalkisa eh. War yaa Muslim oo muuse ismacil ah ,, intu na yidhi wuxu waxba ka jira bu cajalad no saaray qoloyin reer budhcad badeed oo ergooyin iyo miisas yar yar dhex fadhiya Maxa Siilaanyo waxa ka galay , Xiin faninow salaad kasta xiligeeda la tukkada ma fahantay marka melez wa ino mar kale -
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Xiinfanin maya dee wax aan jirin baad u riyaaqeysa qof ka bina adanka waxa u fiican inanu khiyaali ku noolaan oo xaqiiqada tabta. Marka Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland wax aad aad adigu shakhsiyan aad iska jeclaatay,oo maskaxdada yar ay iska caashaqday,, Maha wax dhab ah oo jirta , Gaaladu illusion Bey ugu yeedhan. goormaad Melez u booday,, Djibouti beynu marayna Melez marka wakhtigisa la gaadho aya lala xaajoon doona Hogaaamiyaha Tplf. -
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Siilaanyo wa nin wax badan fahansan wa ruugcade siyaasi wa runta wax kale maad haysa. -
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Wax aan jirin baad ka sheekeysa waleh,, maxanu ku diidna madaxweynahayaga bal no sheeg? Waba Mujaheedki dhama dalkan u so halgamay -
Somaliland president Axmed Maxammad Siilaanyo arrives in Djibouti.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madaxweyneyaasha Somaliland Iyo Jabuuti Oo Kulankii U Horeeyay Ku Yeeshay Madaxtooyada Jabuuti November 4th, 2010 Comments Off Jabuuti (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ee wadankiisa kulankii ugu horeeyay kula yeeshay Weftigii uu Hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu shalay ku tagay dalkaasi ka dib markii uu ka helay martiqaad rasmi ah. Wararka ka imanaya Magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in kulankaasi labada Madaxweyne kaga hadleen ahmiyada ay labada qaran ee Jabuuti iyo Somaliland u leedahay xoojinta xidhiidhka, iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada ummadood ee walaalaha ah.sidaasna waxaanu ka soo xiganay mid ka mid ah masuuliyiinta weftiga madaxweynaha Somaliland, waxaanu tilmaamay in kulankaasi labada Hoggaamiye isku waafaqeen arrimihii ay ka wada hadleen. Waxa la sheegay in kulankaasi ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan labada wadan ee Somaliland iyo Jabuuti. Sidoo kale, Marwada Madaxweynaha Jabuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd, ayaa iyaduna saaka Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde, ayaa labaduba kormeer ku soo maray xarumaha daryeelka Carruurta, oo ay Marwo Khadra Maxamuud Xayd maalgelin ku samayso isla markaana taageerto horumarinta goobahaasi. Weftigii Madaxweyaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay si aan hore loo arag oo la yaableh loogu soo dhaweeyay Jabuuti waxaana ka qeyb galay madaxweyene Geelle iyo xubno ka tirsan Golahiisa Xukuumada. Somaliland. Org Hargeysa. -
Seylada Burco shifting over 100,000 animals a day
Xaaji Xunjuf replied to Qudhac's topic in Politics
good news
