Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,211
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    82

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Magacyada Qaar ka tirsan Wasiirada Cusub ee dawlada somaliya oo la shaaciyay Maxamed Cabdullaahi OomaarWasiirka arrimaha dibadda ahna ..... Ra'iisal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow la filayaa inuu ku dhowaaqo Golihiisa xukuumadda cusub. Xafladda Qaban qaabada ku dhowaaqista golaha kukuumadda cusub ayaa ka socota xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia. Ra'iisal wasaare Farmaajo ayaa la filayaa inuu ku dhowaaqo 18 wasiir waxaana ka mid ah; Maxamed Cabdullaahi OomaarWasiirka arrimaha dibadda ahna ra'iisal wasaare ku xigeen. Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane Cabdixakiim Maxamed Xaaji Fiqi Wasiirka Gaashaan Dhigga ahna Ra'iisal wasaare ku xigeen. Prof. Cabdiweli Maxamed Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga. Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax wasiirka Amniga iyo Arrimaha Gudaha. Maryan Qaasim Wasiirka Haweenka. Cabdirashiid Khaliif Xaashi Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska. Wasiirka howlaha guud iyo iyo dib u dhiska C/rashiid Khaliif Xaashi. Wasiirka Cadaalada iyo arimaha diinta C/laahi Abyaan Nuur Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo isgaarsiinta C/kariin Axmed Jaamac
  2. Hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir oo Sheegay in aanay aqbali doonin dhexdhexadinta iyaga iyo Dowladda KMG. posted by: Axmed Kulan KMG ah ee Soomaaliya, isagoo ku baaqay in dagaalada la kordhiyo Bishan Dul-Xaj. Isagoo khudbad ka jeedinayay Masaajidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa uu Sheekh Xasan Dahir sheegay in waxa haatan ka socda Soomaaliya ay ka weyn tahay tii Cali iyo Ceydiid ama Cali iyo Mucaawiye. “Hada ka hor baa odayaal waxay nagu dhaheen amey arrinta tahay Cali iyo Ceydiid ama Cali iyo Mucaawiye, markaasaa dhahay hadii ay ahaan laheyd la islama soo gaareyn, marka kuwaan waxay yihiin kuwo aaminsan waxay Cadawga alle aaminsan yihiin”ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir Aweys. Sheekh Xasan Dahir ayaa ku booriyay in dagaalada la laba jibaaro, isagoo tilmaamay in aan loo adkeysan madaafiicda lagu garaacayo magaalada iyo qeybaheeda kala duwan sida uu yiri. “Madaafiicda ay nagu garaacayaan yaa soo siinaya waa cadawga alle, waxaa la leeyahay Dowlad Diin wadata lama magacaabi karo, marka anaga Diinteena ayaa lagu soo duulay, waa inaan la dagaalanaa”ayuu mar kale yiri Sheekh Xasan Dahir Aweys. Hadalka ka soo yeeray Sheekh Xasan Dahir ayaa ku soo aadaya, xilli dagaalada ay wadaan Ururkiisa iyo Shabaab aanay wax natiijo ah ka gaarin, bedelka dagaalada iyo weerarada ay soo qaadaan ay dhaxashay dhibaatada shacabka ku habsaneysa. Axmed kulan Moqdisho
  3. Xassan Daahir Aweys:Wada hadal la geli maayo Dawladda Federaalka November 12, 20100 comments| leave your own! Share Hogaamiyaha kooxda Xisbul Islaam Sheikh Xassan Daahir Aweys ayaa sheegay in wax wada hadal ah ay kooxdiisa la geli doonin Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Isagoo salaada jimcaha kadib ka hadlaayay masjid ku yaalla Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in xilligaan aysan diyaar u ahayn in ay wax wada hadal la galaan Dawladda. Xassan Daahir Aweys ayaa ku baaqay in la kordhiyo dagaalada lagula jiro Ciidamada Dawladda Federaalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM inta lagu jiro bisha Dul-Xaj,wuxuuna fariintaas u direy Xarakada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam. Hogaamiyaha kooxda Xisbul Islaam ayaa xusey inuu sii socon doono dagaalada lagula jiro Dawladda Federaalka iyo AMISOM oo uu ku tilmaamay cadowga Alle. Bishii Ramadaan ee lasoo dhaafey ayay ahayd markii kooxaha mucaaradka ay dagaal culus ku qaadeen Ciidamada Dawladda iyo AMISOM,dagaalkaas oo noqday mid wax natiijo ah kasoo bixin marka laga reebo in dad badan oo rayid ah ay ku dhinteen.
  4. Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Galabta ka Dhoofay Dalka, Kana Xogwaramay Safarkiisa Somaliland Hargeysa (SDWO 11/11/2010) Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland Dr. Augustine Mahiga oo booqasho laba maalmood ah ku joogay dalka Somaliland, ayaa galabta ka dhoofay madaarka diyaaradaha ee Egal Airport, kadib wadahadallo uu la yeeshay madaxda kala duwan ee Somaliland. Ambassador Mahiga waxa muddadii uu dalka joogay uu kulamo gooni gooni ah la yeeshay Madaxweynaha, axsaabta siyaasadda, shirguddoonnada labada gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada iyo weliba qaybaha bulshada rayidka ah. Wadahadal dhexmaray Wakiilka Xoghayaha Guud iyo Shirguddoonnada labada aqal ee Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada), ayaa markii uu dhammaaday waxay labada uga xogwarameen warbaahinta. Ugu horreyn, Augustine Mahiga oo faahfaahin ka bixinayey ujeedada safarkiisa, waxa uu yidhi, “Socdaalka aan ku imi Somaliland waxa uu la xidhiidhaa isbarasho, maadaama uu safarkani yahay kii ugu horreeyey ee aan ku imaado Somaliland iyo dardargelin xidhiidhka ka dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Somaliland. Waxaan ku faraxsanahay horumarka laga sameeyey dhinacyada dimuquraadiyadda, nabada, xasiloonida iyo deganaashaha ka jira Somaliland.” Mr. Mahiga oo la waydiiyey waxyaabaha ay ka wadahadleen Shirguddoonnada labada aqal, waxa uu yidhi, “Waxyaabaha ugu muhiimsan ee aanu ka wadahadal nay shirguddoonka Baarlamaanka waxa ka mid ah sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta ka dhaxaysa xafiisyada Qaramada Midoobay ee Nairobi iyo dawlada Somaliland iyo sidii loo dhiirigelin lahaa horumarka, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha, iyadoo la kobcinayo ganacsiga gaarka loo leeyahay.” Dhinaca kale, Guddoomiyayaasha labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa iyaguna saxaafadda uga waramay waxyaabihii ay ka wadahadleen Ergayga Xoghayaha Qaramada Midoobay. Labada masuul waxay isku raacay inay kala hadleen sidii Qaramada Midoobay u kordhin lahayd mucaawinooyinkeeda Somaliland, gaar ahaan dhinaca horumarinta, maadaama ay ka baxday gargaarkii degdega ahaa.
  5. Originally posted by Taleexi: Liibaan : Soomaalidu sidaa uma kala foga ee bal cagta u yara dhig, xataa qoladan xag jirka ah ee Soomaalinimada ka cararaya; waxaan hubaa markuu marqaanku ka yare dego inay eheladooda Soomaaliyeed dib u soo miciin bidi doonaan. They must/should be comfortable with their skins and who they really are and aint they still Somalis after all these elusive, and futile exercises for recognition? war iska daa niyo wanu u bahanahay dad na neceb eh
  6. You are right it's the biggest achievement the sh dalxiis administration accomplished so far
  7. dibada means outside the country mala qolada jidbaale qorta wa somalilanders assal ah ooh is qarinaya. tallow ya liibaan runta u sheega inay hogaankisu tageen foreing country
  8. Originally posted by xiinfaniin: ^^ warbixin baa ka horreysay uu jacayl baro yiri ninkii tanzanian ka ahaa qaadiruu hargeysa la hurdaa, markuu subixii soo toosana cajal ictiraafka somaliland ku saabsan baa laga duubayaa wax walba wey dhici karta
  9. che the part where he is portraying the legendary poet qaasim as a clanist poet , when we all know Qaasim was not a clanist.he composed a poem on what he observed . During the siad bare government.
  10. waxan ka bilaabay mayorki east london akhriska anigu
  11. ^^ maxa sucide keenay ma iyada ba lana ictraafsanyahay maxa la dublamasiyedeyn oo la sucidideyn
  12. Muxu yidhi ninki jiray eeh reer somaliland eeh anu tolka ahayn maxaan labba gaal midna aan gumeyn midna an guusha u siin
  13. waxyaalo badan oo run ah bu sheegey . waxyaalo aan ka so horjeeday na wu qoray
  14. Amabassador Mahiga waxa intaa ku daray “Ama jeclaada ama ha jeclaanina waxa deriskiina ah dal buka oo u baahan in la daweeyo oo xal loo helo.” Waxanu ku nidhi waxad geysaan cusbitaalo kale sida Nairobi iyo Addis Ababa ee ha keenina Hargeisa. Hadlkaana aad ayuu ugu qoslay.
  15. Madax UDUB Ka Tirsan Oo Su’aalo Xasaasi Ah Ku Waydiiyay Kulan Dhex Maray Wefdiga Wakiilka Qaramada Midoobay u Qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Oo booqasho ku yimi Somaliland. Hargeysa (Ramaas) Nov. 11, 2010 - Madax ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee UDUB ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr Augustine Mahiga oo markii ugu horeysay sidii uu xilka ula wareegay shalay booqasho ku yimi Somaliland. Waxa sidan lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska siyaasada ee Xisbiga UDUB, waxaanu u dhignaa sidatan: Mr. Mahiga oo ka war bixinayey safarkiisa ayaa sheegay in Koonfurta Somalia ay tahay meel bugta , oo dhibaatooyin ka taagan yihiin, Somaliland na ay tahay meel caafimaad qabta, uma aanu iman halkan inaanu cudurka Somaliya halkan ku soo fidino, waxanu idiinku nimi inaanu dawada cudurkaa wax idiinka weydiino sidii xal loogu heli lahaa koonfurta Somaliya oo ah deriskiina dhow. Waxa kale oo idinku nimi sidii aanu u kordhin lahayn wax qabadka aanu Somaliland wax la qabanayno, una kordhin lahayn barnaamijyada horumarineed ee Somaliland iyo sidii halkaa ay soo gaadhay aanay dib uga noqon lahayn. Mar aanu safiirka weydiinay su’aalo dhowr ah ayuu kaga jawaabay sidan hoos ku qoran. Ma waxad u timaadeen inaad Somaliya iyo Somalialnd u furtaan inay ka wada hadlaan midnimo ka dhalata labada dal. Waxu ku jawaabay “Maya, shaqo kuma lihin haddaad la midoobaysaan Somaliya iyo haddii kaleba, waana arrin u taal Somalida. Muhiimadu maaha midnimo idin dhex marta Somaliya inaanu idinkala hadalo ee waxa weeye sidii aanu idinka caawin lahayn dhinaca siyaasada iyo horumarintaba. Amabassador Mahiga waxa intaa ku daray “Ama jeclaada ama ha jeclaanina waxa deriskiina ah dal buka oo u baahan in la daweeyo oo xal loo helo.” Waxanu ku nidhi waxad geysaan cusbitaalo kale sida Nairobi iyo Addis Ababa ee ha keenina Hargeisa. Hadlkaana aad ayuu ugu qoslay. Mar aanu weydiinay bal inuu wax ka bedelayo siyaasadii ninkii isaga ka horeeyey ee Walad Abdalla oo ku shaqaynayey siyaasada Jaamacada carabta iyo Masar oo qadiyada Somaliland ka soo horjeeda ha ahaato dhinaca siyaasada iyo dhaqaalahaba. Waxa ku jawaabay maya kuma shaqaynayo ee waxii aan la qaban karo Somaliland waan la qabanayaa. Mar aanu weydiinay bal inay kordhiyaan caawimada ay u fidinayaan Somaliland iyagoo Dawladda Somalia ka taageera dhinacyo badan oo ay ka mid yihhin bixinta mushahaarooyinka Booliska iyo barlamaankaba ayuu ku gaabsaday, waxanu yidhi waxanu kordhinaynaa joogitaankayaga Somaliland oo aanu ku yeelan doono xafiisyo, waxanu kaloo kordhinaynaa mashaariicda horumarinned, sida ay u kordhinayaan wadamada Maraykanka, reer Europe iyo Ingiriiska isagoo gaar ahaan u xusay wadamada Denmarka, Sweden iyo Norwey. Waxanu weydiinay in wufuud badani timaado dalka kana noqoto iyagoo had jeer yidhaahda waxanu eegaynaa xaalada ka jirta dalka ee ma jirtaa wax cad oo aad noo sheegi karto inaad Somaliland la qabanayso. Waxu ku jawaabay amnbassador Mahiga inaanu dawladda ka sugayno inay noo soo gudbiso baahiyaheeda iyo sida ay u kala horinayaan. Waxanu ambassodoorka weydiinay inay gacan weyn ka geystaan inay dawladda ka taageeraan dhinaca dhaqaalaha, mashaariicda horumarineed, adkeynta nabad gelyada iyagoo tayeynaya booliska gacana ka geysanaya mashaharsiinta iyadoo ay kooban dhaqaalaha wadanka soo gala. Ugu danbayntii waxanu weydiinay inay halkan u yimaadeen shir lagu qabanayo Kampala Uganda inay ku doonayaan in Somaliland ka soo qayb gasho, waxuna sheegay in shirkaasi yahay mid lagaga hadlayo budhcad badeedka ee aanu siyaadad shaqo ku lahayn
  16. Weftigii Qaramada Midoobay Oo La Kulmay Shirgudoonka Goleyaasha Baarlamaanka November 11th, 2010 Hargeysa(Somaliland.Org)- Shirgudoonka Goleyaasha Wakiilada iyo Guurtida ayaa maanta kulan la yeeshay Weftiga Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Augostine Mahiga, oo socdaal laba maalmood ah shalay ku yimid Caasimada Hargeysa. Augostine Mahiga ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalkiisa Somaliland waxaanu tilmaamay inuu kala hadlay shirgudoonka Goleyaasha baarlamaanka Somaliland arrimo badan oo ay ka mid yihiin in Qaramada Midoobay kor u qaado horumarinta mashaariicda samo-falka. Waxaanu sheegay inuu mudadii uu dalka ku sugnaa uu ku arkay nabadgelyo iyo dadweynaha oo illaa saacadaha dambe si caadi ah u wata Ganacsigooda. Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka hadlay kulankaasi ka dib Saxaafada u waramayay ayaa sheegay inay weftigaasi ku canaanteen sababta ay Aqoonsi la’aanta Somaliland. “Arrinta Aqoonsiga waanu ku canaanaynay waxaanu noo sheegay inuu iska iman doono maadaama oo beeshii caalamku ay bedeleen habkii ay ula dhaqmi jireen Somaliland.waxaanu u sheegnay in wax laga qabto dhibaatada Puntland ku hayso Somaliland Anagu wax dhibaato ah kuma hayno,”ayuu yidhi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) ayaa isaguna sheegay inay weftigan uga warameen xaalada nabadgelyo iyo Dimuqraadiyada. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in weftigu ay sheegeen inay Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay ay u gudbin doonaan warbixino badan oo waxtar siyaasadeed u leh Somaliland. Somaliland.org Hargeysa
  17. ^^^ nina awoowo kaba so qaad Sh dalxiis ba intu u dalxiisay newyork marku la kulmay ka indhoyarka gacantu si fiican u tuutjiye sidu slaanti hilllary clinton ba u gacanteeda u tuutjiye iyo ti yarayd eeh spain joogtay eeh suitka greyga xidhnayd. Waxaas oo dhan Muxu sh dalxiis ka so hooyey????. ileeh wadaadka koofiyada cad xidhan wuxu u baahanyahay ciidamo kuwii na la wa ,ka indho yarta ciidan UN ah ma lo keenaayaa somalia? , ileen gacan gacan lugu dhadhiya , shabaab kicin meyse eh.
  18. Nina awoowo odayga yara indhayarta eeh sh dalxiis gacanta tuutjiyey even our Reporters meet him
  19. qandalawi he is the representative for somaliland and somalia. UN offices from kenya will move to hargeisa sl. Because somaliland is not yet fully recognized by the UN they have a representative, But soon that will not be the case it's just a formality .
  20. Nina na sheikh dalxiis bey la wareegeysa oo odayga indho yarta la kulmey loool do u know our reporters meet with him lool
  21. Video http://www.youtube.com/watch?v=6x7Ai4X1Yjw&feature=player_embedded
  22. Wasiirka Khaarajiga Oo Ka Hadlay Kulan Madaxweyne Siilaanyo La Yeeshay Wefti Ka Socday Q/Midoobay November 10th, 2010 Hargeysa (Somaliland.org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa galabta qaabilay Wefti uu Hoggaaminayay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xafiiska Siyaasada ee Somaliland iyo Somalia Ambassador Augostine Mahiga, kaasi oo socdaal laba maalmood ah ku yimid Somaliland. Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo u waramayay caawa Shabakada Wararka ee Somaliland.org, ayaa faahfaahin ka bixiyay kulankii ay yeesheen Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo weftigaasi waxaanu yidhi “Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Xafiiska siyaasada Ambassador Augostine Mahiga, oo kulankaasi ka hadlay ayaa Madaxweynaha Somaliland ugu hamblayeeyay hanaankii Dimuqraadiyada ahayd ee ay u qabsoontay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii bishii June ee la soo dhaafay iyo habkii awooda la iskugu wareejiyay oo uu ku tilmaamay mid taariikhi ahayd. Waxaanu tilmaamay inay soo dhawaynayaan siyaasada dawlada Maraykanka ee la xidhiidha inay nidaam gaar ah iyo siyaasad ka duwan Soomaaliya ay u wajahayso arrimaha Somaliland. Wakiilku wuxuu sheegay in tallaabadaasi Maraykanka ay Qaramada Midoobay horeba u qaaday oo ay Somaliland kala shaqayso arrimaha Horumarinta dhaqaalaha iyo mashaariicda, halka dalka Somalia ee qalalaasuhu ka taagan yahayna ay Qaramada Midoobay kala shaqeyso sidii nabad looga dhalin lahaa wadankaasi.” Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “ Wuxuu Wakiilku sheegay inuu xafiiskii siyaasada ee qaramada midoobay ka furanayo Hargeysa kaasi oo laga dhigayo xafiis balaadhan waxaanu intaasi ku daray inay hore u sii joogeen shaqaale uu keenay. Imikana la sii balaadhin doono. Waxa kale oo uu wakiilku sheegay in Ha’yadaha la shaqeeyaana ay si hordhac ah xafiisyadoodii Nairobi u soo wareejinayaan Somaliland.” Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka hadlayay waxyaabihii Madaxweynuhu kala hadlay wuxuu yidhi “Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wuxuu Weftiga uga mahad celiyay booqashadan ay Somaliland ku yimaadeen. Waxaanu uga waramay xaalada Somaliland ee dhinacyada Nabadgelyada, Ganacsiga , Horumarinta Dimuqraadiyada iyo xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka Jaarka oo uu Madaxweynuhu sheegay inuu maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanayo. Madaxweynuhu wuxuu Qaramada Midoobay u soo jeediyay inay laban laabto horumarinta mashaariicda ee Somaliland una sameeyaan dhaqaale abuur si fursado shaqo loogu abuuro dhalinyarada iyo bulshada Somaliland. Sidoo kalena la sii xoojiyo horumarinta mashaariicda Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha.” Wasiirka Arrimaha Dibadu wuxuu sheegay in Weftigani ay Somaliland ku sugnaan doonaan muddo laba maalmood ah isla markaana ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan masuuliyiin kala duwan. Kulankaasi Madaxweynuhu la yeeshay Weftigaas waxa goob joog ka ahaa Wasiiradda Arrimaha dibada Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Md. Sacad Cali Shire. Weftigan oo galabta ka soo degay madaarka magaalada Hargeysa waxa soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland oo uu horkacayay Wasiirka Khaarajiga. Somaliland.Org Hargeysa
  23. Xukuumadda oo Markii ugu Horreysay ka Shiraysa Qaabka Siyaadda ay ku Wajihi Lahayd Dadka aan Dalka u Dhalan Hargeysa (Jam)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay qabatay shir lagaga arrinsanayo sidii siyaasad cad loogu waajihi lahaa qaxoontiga ku sugan Somaliland, shirkaasi oo shalay ka furmay hudheelka Ambassador ee magaaladda Hargeysa, kaasi oo socon doona muddo saddex maalmood ah. Shirkan oo ay wada jir u soo qabanqaabiyeen wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNCHR, waxa ka qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyayaasha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada), Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Caddaalladaa, Maayirka caasimada, Agaasimaha wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, saraakiil ka socota hay’ adaha caawiya qaxoontiga sida UNHCR iyo qaybaha kala duwan eer ururrada bulshada. Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada shirkan oo uu ku sheegay inay tahay sidii shirkaasi looga soo saari lahaa siyaasad ay Somaliland kula maacaamili doonto qaxoontiga dalkeeda ku sugan “Waxa maanta keenay shirkan, waxa loo gudbay marxalad ka duwan tii hore ee ku salaysnayd mucaawimooyinka iyo taageerada aad siisaan oo waxa yimi qadiyad cusub oo ah dad aan dalka u dhalan oo si xad-dhaaf ah ugu soo qulqulaaya, kuwaas oo dhibaato weyn ku haya bulshada reer Somaliland. Waxa kalifay arrintan dhawaaq dheer oo ka soo baxay bulshada reer Somaliland iyo cabashooyin farabadan oo ka soo fulay, taas oo u baahan in xukuumadda Somaliland xal iyo siyaasad cusub ka yeelato sida ay u maamuli lahayd qadiyada qaxoontigaa farabadan ee soo qulqulaaya, kaas oo xad-dhaaf ah oo aan kala lahayn yaa muwaadin ah iyo yaan muwaadin ahayn oo shaqadii iyo wax walba culaysbay ku ahayaan. Lagama yaabo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha uu ka soo baxo go’aan khaldan oo qaxoontiga xuquuqdooda wax yeeli kara, balse si laysula daalac-naasilo baahida dalka taala, waxa shirkan ka soo bixi doona talo qarankan lagu hagi karo oo aanu ula tagno madaxweynaha iyo Golaha Wasiirrada,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gaboose. Waxa kale oo halkaa ka hadlay Maayirka caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, isaga oo si qoto-dheer uga warramay dhibaatooyinka kala duwan ee ay bulshada reer Somaliland kala kulanto dadka aan dalka u dhalan sida; caafimaadka, nabadgelyada iyo shooyinka, isagoo u soo jeediyey hay’adaha caawiya dadka qaxoontiga ah inay kala qaybqaataan sidii dadkaasi loo jihayn lahaa. Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog) oo isaguna furitaankii shirkaa ka hadlay, ayaa sheegay saamaynta ay ku yeeshaan dadka aan dalka u dhalani caafimaadka dalka, isaga oo xusay in ay inta ugu badan sababaan xannuuno ay dalka soo galiyaan iyo goobaha dawooyinka oo ay culays weyn ku hayaan dadka aan dalka u dhalan, waxaanu soo dhaweeyey shirkan lagu falanqaynaayo sidii loo dejin lahaa nidaam lagu hago dadka aan dalka u dhalan. Waxa isna halkaa ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cilmi Nuux Furre oo isagu sheegay inay dhaqan xumo weyn ku hayaan dadka aan dalka u dhalan, isla markaana soo jeediyey in si degdeg ah wax looga qabto arrimahooga. Abdualaye Barry oo ah wakiillida hay’adda UNHCR, gaar ahaan qaybta idho idhaynta arrimaha togan, ayaa sheegay in hay’adda UNHCR ay ujeeddo ahaan ka leedahay shirkan sidii ay dawladda Somaliland uga wada hadli lahayeen, isla markaana ay iskula meel-dhigi lahaayeen qorshaha lagu waajahaayo qaxoontiga ku sugan Somaliland, isagoo xusay in marka uu shirku dhammaado go’aamada ka soo baxa ay ku dedaali doonaan fulintooda, isla markaana ay Somaliland ku waafaqsan tahay inuu yahay habka ugu wanaagsan in la duwaan galiyo qaxoontiga, isagoo ka warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray waxqabadkii ay Somaliland u qabatay hay’addu ilaa intii ay dalka joogtay. Waxa kale oo halkaa ka hadlay Wasiirka Caddaalada Prof. Ismaaciil Muumin Aar iyo Agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha oo soo dhaweeyey shirkan lagu lafu-gurayo qaabka loola dhaqmayo qaxoontiga dalka ku sugan, iyada oo mudada uu socodo lagu falanqayn doono arrimo badan oo khuseeya dadka Somaliland ku soo qulqulaya ee ka imana dalalka Jaarka.