-
Content Count
30,066 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
^^ Somaliland ma joogaan Amxaaro lala dagaalamo iyo amisom laakin xammar amisom ba jooga, iyo africaan gaalo ah. Marka halkasu jihaadku ku haboonyahay.
-
Xukuumadda Somaliland Oo Diyaarinaysa Siyaasadda Ay Kula Dhaqmayso Dadka Qaxoontiga Ah November 9th, 2010 Comments Off Hargaysa (Somaliland.org ) Kulan lagaga wada hadlayo sidii loo samaysan lahaa siyaasad qorshaysan oo lagula dhaqmo dadka ajanabiga ah ee dalka soo galaya ayaa maanta waxa lagu qabtay Hoteelka Maansoor ee magaalada Hargaysa. Kulankan oo ay ka soo qayb galeen guddoomiyayaasha golayaasha Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiillada), Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, caddaalada, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, Taliyaha Ciidanka Booliska, Duqa caasimadda Hargaysa, Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimmaha bulshada iyo wakiillo ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR, waxa lagaga wada xaajooday ama lagu gorfeeyay sidii loo samayn lahaa siyaasad qorshaysan oo lagula dhaqmo dadka qaxoontiga ah ee dalka soo gala. Kulankan oo socon doona muddo saddex maalmood ah, isla markaana ay soo qaban qaabisay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha xaqoontiga ee UNHCR, waxa kale oo iyaguna ka soo qayb galay Hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin hay’addan ee iyaguna ku hawlan daryeelka iyo wax u qabashada dadka qaxoontiga ah ee dalka ku soo barakacay. Kulankan ayaa la filayaa muddada uu socdo in laga soo saaro siyaasad iyo qodobo dhaxal gal ah oo salka ku haya sidii qaabka loola dhaqmayo dadka qaxoontiga ahi ay u noqon lahayd mil meel mar ah. Somaliland.org, Hargaysa
-
qadalaawiyoow. Emiirku wu ku aadkaday Amxaarada,,, wa ninki ka siifeeyey amxaarada koonfurta somalia marku adeerka amxaaradu ku dhirbaaxayeen Villa Somaliya, hadana Emirku wuxu ku mashquulay la dagalaaanka Qoladan mad madow eeh laga keenay Ugandha kuwasu hada emirku ku mashquulsanyahay.
-
Wasiirka Warfaafinta oo Si Adag U Beeniyay War Ka Soo Yeedhay Puntland Written by Qaran news Nov 09, 2010 at 12:42 PM Hargeysa (Qaran news)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Cabdilaahi Geel Jire, ayaa wax aanay waxba ka jirin ku sheegay in Somaliland ay soo galeen firxadkii kooxdii Argagixisada ah ee SH. Atamka Puntland waxa kale oo uu beeniyay in saraakiil ka tirsan Ciidamada qalabka sida JSL ay ka barbar dagaalamayeen oo ay taageerayeen kooxdaasi. Wasiirka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa wuxuu Puntland u soo jeediyay inay joojiyaan dacaayadaha ay wadaan waxaanu yidhi “Somaliland wax argagixiso ahi ma joogo, manay soo galin, Somaliland way la dagaalamaysaa Argagixisada, waxa la dagaalanka Argagixisadu uu ku yaallaa Dastuurkayaga. Hadalada aflagaadada ah ee ka soo yeedhayay Puntland, oo aan leeyahay wuu ka khaldamay waanu ka qoyay hadalkii waxba kama jiraan eedaha ay nagu eedeeyeen in ciidamo Somaliland ahi ay ka barbar dagaalamayeen kooxdii Argagixisada ahayd ee Atam. Ciidamadayada ayaanu u war haynaa oo cid walba ka og, Ciidamada Somaliland kama qeyb qaataan dagaallo ay ku taageerayaan Argagixisadda, haddii madaxda Puntland ay niman ay garanayaan oo ay isku reer yihiin magacyadooda iska yeedhiyaan. Macnaheedu ma aha in ciidamadii Somaliland ka qeyb galeen dagaal Argagixiso.” Qaran news
-
AMISOM Troops to be supplied with logistics support via Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Miskiin maxaad isla fogeyneysa miyeynan jaar ahayn. -
The Khusuusi wants to get rid of the Khusuusi
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
The khusuusi wants to get rid of Xaglajiifiye , and he just goes to Ethiopia for a trip to meet the governor of kilinka shanaad in wardheer -
The Khusuusi wants to get rid of the Khusuusi
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Wefti uu Hogaaminayo Hogaanka SSC Dr Axmed Saleebaan Ciise oo u ambabaxay Muqdisho iyo Wardheer Nov 09, 2010 Dharkayn-Geenyo(Riinji.com)Waxa magaalada Dharkayn ka ababaxay wefti balaadh oo ka socda Hogaanka midaynta iyo Badbaadinta ee SSC,weftidan oo Casuumad ka helay Raysawazaaraha cusub ee xumuda Federaalka Soomaaliya.. Weftidan ayaa waxay maanta ku si hakanayaan magaalada Wardheer ee Killinka halkaasi oo ay casuumad ka heleen Madaxwaynaha Kilinka Shanaad ee Somalida Itoobiya,weftidan ayaa halkas uga sii gudbi doona magaalada Caabud waaq ee Gobolka Galgaduud halkaasi oo diyaarad Caasimada u qaadi doonta ay ugu imaanayso. Weftidan ayaa waxay ka kooban yihiin 10 Xubnood oo kala ah Hogaamiye 1.Dr Axmed Saleebaan Ciise,2.Xog-hayaha arimaha Difaac Gen-Tamaad,3.Afhayeeka Axmed Gacmayare,4.Cabdixamiid Garaad Jaamac,5.Ex-Xil- Puntland Cumar Jaamac Saleebaan,6.Ex-Xil- Puntland Ibrahim Maxamuud Guure,7.Ex-Xil- Puntland Abshir Cabdi Shiikh iyo saddex xubnoo oo khusuusiyda ka mid ah. Wararku waxay intaasi ku darayaan in weftida uu weheliyo Garaad Jaamac Garaad Cali oo isagu ka soo noqonaya Wardheer. WIXII SOO KORDH KALA SOCO RIINJI YASIN MAXAMED AHMED GAROWE SOOMAALIYA -
Ethiopia and somaliland have good relations there is no beef between the two leaders
-
haday gaaladan afrikaanku ay ka baxaan somaliya walahi waxyaalo badan ba hagaagaya sidan qabo , fidmadan waxa wadda amisom halaga takhaluso waan ogahay qolada shabaab wa xagjir oo siyasad somali kuma shaqeyaan oo wa international. sheekadoodu laakin hada alshabaab la inqlaabo oo la somaliyeyo ba fiicnaan lahayd.
-
^^ somaliland iyo Ethiopia wa labba dawladood oo jaar aah oo nabada ka shaqeynaya jabhado iskugu so hubeyn mayno. Misna haday jabhad onlf ah la dagaalamayso Ethiopia anagu ka hor joogsan mayno oo wa arin iyagu u taal. laakin dalkayaga kaga ma duuli karan , wa intaas.
-
Xukuumada Cusub Oo Soo Badhigtay Waxqabadka 100kii Cisho Ee Ugu Horeeyey +SAWIRO This article has been Published at: 08-11-2010 and has been viewed 11 times Back to home Print this Page Send to a Friend Bottom of the Page Hargeysa (Berbera)- Xukuumada uu hogaamiyo Madxweyne Axmed Maxmed Siilaanyo ayaa maanta soo bandhigatay waxqabadka 100ka maalmod ee ugu horeeyey. Soo bandhigida waxqabadka 100cisho ayaa waxa maanta loo qabatay munaasibad aad u weyn oo ka dhacaday hotel Kaah ee magaalda Hargeysa, waxana ka soo qayb galay Madxweyne ku xigeenka somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Ciro, Gudoomiyha Maxakamada Sare Maxmed Xirsi Oomane, Xuno ka socady Golaha Wasiirada, Xildhobaano ka mida Golayaasha Wakiilada Iyo Guurtida Somaliland, Gudoomiyha Xisiga Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi, Gudida Doorashooyinka Qaranka, Gudoomiya ku xigeenka xisbiga UCID Aadan Maxmed Mire Waqaf, iyo Yuusuf Ciise Talaabo oo ka socday Xisiga UDUB, Haween iyo Martifarashkale oo tiro badan. Ugu horay waxa munaasibadaaasi ka hadlay Madxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo sharaxad ka bixyey waxyabixhii u qanbsoomay mudadii 100cisho ahayd ee ay xilaka hayeen, waxana hadaladiisi ka mid ahaa � marka la eego waxyaabihi anu ku taamaynay ee aanu balan qaadnay in aanu qabanayno 100cisho ee ugu horeeya waxa noo qabsoomay 90% inata hadahayna waanu dhamytiraynaa� Waxa kale oo uu sheegay Mudane Saylici �waxqabdkii 100ka maamood waxa ka mid ah waxaanu soo dhisnay dawlada kooban oo tayo leh, waanta tii ugu horaysay ee nooceeda ah, waxnu golgal nabadeed u fidnaya deegaanada bariga ee shaqaaqadu wakhtigaas ka jiratay, waxa kale oo aanu bixinay mushaharooyinka shaqalha dawlada oo afar bilood dawlada ku lahaa� sidaasina wax yidhi Madxweyne Ku xigeenka SomalilandCabdiraxaam Saylici. Wax kale o uu Madaxweyene Ku xigeenka Somaliland Md, Cabdiraxmaan Saylic sheegay sidan � waxaanu kordhinay cashuur uruinta 25% taas oo aanu rajaynano ai ay naga caawin doonto in dakhliga na soo galayaa kordho� Waxa kale oo uu Madaxweyne Saylici sheegay in wax qabadak Xukuumda ay ka mid tahay in ay Xukuumada kala diratay Gudiyadii Nadgalyada ee sharcidarada ahaa sidoo kalena ay sii daysay dadkii ay gududaas xukunmatay. Waxana uu intaas ku daray Mudane Syalici �Madaxweynuhu waxa uu safarkiisi ugu horeeyey ugu baxay wadanka aynu jaarka nahahay ee Djibouti waxan uu dhawaan tagayaa wadanaka kale ee aynu jaarka nahay ee Ethiopia. Intaasi ka dib waxa halakasi khudbad aad u dheer ka jeediyey Afaheenka Madxtooyada ee Somaliland Cabdilaahi Maxmed Daahir (Cukuse) waxana uu sheegay inay Xukuamdu soo saratay Buug ay kala waramayso balanqaakeedii iyo waxyaabihii ugu falay buugaas oo la yihdhaa 100,aamood, 100, waxqab iyo dheeraad, buugaasna ay bulshadu kala socondooto warbnaahinata. Saddam Mohamed ahmed Sadam151@hotmail.com Oodweynenews/ Hargaysa office Waxana uu intaas ku daray Mudane Syalici �Madaxweynuhu waxa uu safarkiisi ugu horeeyey ugu baxay wadanka aynu jaarka nahahay ee Djibouti waxan uu dhawaan tagayaa wadanaka kale ee aynu jaarka nahay ee Ethiopia. Intaasi ka dib waxa halakasi khudbad aad u dheer ka jeediyey Afaheenka Madxtooyada ee Somaliland Cabdilaahi Maxmed Daahir (Cukuse) waxana uu sheegay inay Xukuamdu soo saratay Buug ay kala waramayso balanqaakeedii iyo waxyaabihii ugu falay buugaas oo la yihdhaa 100,aamood, 100, waxqab iyo dheeraad, buugaasna ay bulshadu kala socondooto warbnaahinata. Saddam Mohamed ahmed
-
The Khusuusi wants to get rid of the Khusuusi
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Originally posted by Suldaanka: Ma durba? There is a servere shortage of funds I heard. Xataa petrolkii lacagtii lagu iibin lahaa ayay ls yihiin let alone paying wages. lool haa qollada khusuusigu waxay ku kacsanyihin xaglatoosiye sabab lacagti qurba joogti ay soo diireeen bu wax ka siin waayey khusuusiga inti ba buhoodle la fadhistay oo uu barkaday -
The Khusuusi wants to get rid of the Khusuusi
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Oba war miyaanad akhryin warka ssc waxa ka takhalusay qoladi khusuusiga. marka wax la naco ba ma jirto adeer -
The Khusuusi wants to get rid of the Khusuusi
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Waxaan usheegaynaa d f. ururka midawga afrika. hayadaha caalamigaa. inaanay wakiil u ahayn haysana kalsoonida shacabka ssc saleeban ciise axmed -
Golaha khusuusiga SSC Oo Shir ku Qabtay Buuhoodle By admin on Nov 08, 2010 with Comments 0 ShareBUUHOODLE waxaa maanta oo bishu tahay 8/11/2010 shir deg dega isuguyimi golaha khusuusiga maamulka ssc kalfadhigoodan ayaa waxaa ya kasoo saareen qodobo dhawra iyo baaq ay udirayaan bulshada ssc ugu horayna waxaa halkaasi ka hadlay oo shirkaasi furay gudoomiye xigeenka maxamed cabdi ciise isagoo ku wareejiyay gudoomiyaha golaha khusuusiga cabdirisaaq xasan ismaaciil oo isaguna halkaasi kasoo jeediyay qudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ugu danbayna halkaasi ka akhriyay qodobadii, Waxaan baaq usoojeedinayaa dhamaan shacabka ssc gudaha iyo dibada Ismada.cuqaasha.waxgaradka.aqoonyahanka.inay isugu yimaadan mudo dhan 45 casho siloo helo hogaamin umada masiirkeda lagu aaminikaro, Waxaan usheegaynaa d f. ururka midawga afrika. hayadaha caalamigaa. inaanay wakiil u ahayn haysana kalsoonida shacabka ssc saleeban ciise axmed iyo cai xasan axmed sabaray, Kadib.markii ay leexiyeen hadafkii ssc midaynta iyo xoraynta ahaa. Kadib.markii ay burburiyeen ciidamada ssc. Kadib markii ay in kireen ansaxintii buurawadal. Kadib.markii ay diideen jiritaanka golaha khusuusiga. Kadib.markii ay diideen wada tashigii iyo wada shaqayntii. Kadib.markii ay shaqadii hogaanka lawareegen shacab. Kadib.markii ay diiden sharcigii ssc. Kadib.markii ay meelna kaga warami waayen waxii loo idkamay, Waxaanu garanay inaanu badbaadino doonista shacabka ssc.maanta laga bilaabo waxaa xilka ssc uyaala g khusuusiga. waa in saraakiisha ciidamadu sitoosa uga amar qaataan golaha khusuusiga dardar galiyaana isu uruurinta ciidamada iyo haelgaladoodaba, waxaanu si deg dega ugu yeeraynaa dhamaan xubnaha kamaqan golaha khusuusiga dibad iyo gudaba ha joogene inay mudo shan iyo toban cisho ah ku yimaadaan golaha Wabilaahi Towfiiq, Buuhodle Soomaliya
-
what's their to Minimize no one got killed.. some guy threw a hand grenade because he had some beef with some other guy.
-
Somalilandpress)–In 1991, when vulnerable, fragile, war-ravaged Somaliland declared its independence, its neighbor and sister state, Djibouti’s reaction was unprecedented. Not only Djibouti opposed Somaliland’s quest for sovereignty but also launched an unholy crusade against Hargeisa, Somaliland capital. However, recently Djibouti took softer stance on Somaliland. What went right this time? From late 90s to early 2000, Djibouti made tireless efforts to undermine Somaliland, politically and economically. For instance, Djibouti convinced the Arab regimes to ban Somaliland livestock. This was an effort to coerce Somaliland to commit itself yet into another hasty, gunshot marriage with doomed Somalia. And few years later, tiny Djibouti which doesn’t have livestock of its own, audaciously, convinced the Arab regimes that only Djibouti should export livestock to the Middle East. That is, Djibouti not only chocked Somaliland’s lifeline but also monopolized livestock—the most important income-generating resources for Somaliland people. Politically, Djibouti hosted a number of Somali reconciliation conferences (or never-ending shrills) and invited Somaliland tribal leaders and self-proclaimed representative in an effort to dismantle Somaliland. Worse yet, to marginalize the ***** tribes of Somaliland, Djibouti renamed them to: Dirta Waqooye. Djibouti left no stones unturned. Although the first and second Somaliland Presidents, Abdurrahman Ahmed Ali (Tuur) and Mohammed Ibrahim Igal (may Allah bless their souls) forged a relationship with Djibouti, it was not until the third Somaliland President, Dahir Riyale Kaahin, that the two countries, finally, agreed to disagree. Ever since then, Djibouti may not have completely defrosted its gloomy relationship with Somaliland but eased tensions. Today, a different picture emerges. Among other things, Djibouti realizes alienating its neighbor–Somaliland–while backing up Somali regimes prone to fail was a failure on Djibouti’s part. Eritrea’s military incursions into Djibouti’s territory, Alshabaab’s growing threats in the region, and Anfar rebels against Djibouti led Omar Geele, the current president of Djibouti, to find a new ally in the region. Additionally, June 26, 2010 successful presidential elections of Somaliland in which President Ahmed Mohamed Mohamud Silanyo was elected, reshaped not only Djibouti’s attitude towards Somaliland but also the International community’s views. (Read more about why Mr. Silanyo was the right choice for president: http://www.americanchronicle.com/articles/view/165356 ) Djibouti also sense that Somaliland, one of the most democratic republics in Africa, is on the verge of receiving recognition. And as Somalis say, “Cimri tagay ceeb lagu ma sagootiyo…or don’t accompany insults with someone who is about to depart.” Hence, if you can’t stop Somaliland’s independence, you may as well celebrate with it. Now, to demonstrate that Djibouti, finally, changed its views (or it got rid of a chip on its shoulder) towards Somaliland, Mr. Geele invited Mr. Silanyo to Djibouti. And Mr. Geele not only rolled out the red carpet for Mr. Silanyo, but he [Mr. Geele] also welcomed the Somaliland delegation at the airport where they received presidential welcome reception. See Somaliland delegation’s visit to Djibouti: http://somalilandpress.com/djibouti-rolls-red-carpet-for-somaliland-president-19013 It was the first time that a host country’s top leader welcomed Somaliland president at the airport. This was a significant move, a clear indication that Djibouti treated Somaliland like any other country. To sum up, from 1991, at the dawn of Somaliland’s rebirth, to present, the relationship between Somaliland and Djibouti took many turns and twists, good and bad, but never before have the two countries felt a sisterly bond that once eroded. A new era began for Somaliland and Djibouti—one that is long overdue. As history attests, Djibouti is the first country that resolutely companied against Somaliland quest for independence. But Djibouti is also the first country that wholeheartedly received a Somaliland president as head of state where he received presidential welcome reception. Finally, Djibouti acknowledges that the interest of the Western, African, and Arab regimes in Horn of Africa may come and go, just as ascents of cheap clones fade quickly, but its neighbor—Somaliland will stay.
-
Khilaaf ka Tagaan Filim Laga Samaynayey Taariikhda SNM oo la Joojiyey Hargeysa (Jam)- Khilaaf, ayaa ka taagan masuuliyadda cidda joojiyey filim laga samayn lahaa taariikhda SNM, iyada oo maamulaha filimkan Keyse Cumar Cabdi uu wasaaradda warfaafinta ku eedeeyey inay diyaarinta filimka joojiye, halka wasiirka warfaafinta Md. Cabdillaahi Cismaan Geeljire uu beeniyey inay joojiyeen diyaarinta fililimka taariikhda SNM. Wasiirka Warfaafinta Jaamac Cismaan Geel-jire oo shalay Jamhuuriya u waramay, ayaa shaaca ka qaaday in aanu horjoogsan filim la sheegay in lagu soo bandhigaayey taarikhda SNM, isagoo wasiirku intaa ku daray inuu filimkaasi yahay mid aan si dhammaystiran loogu soo bandhigay dhacdooyinka taariikhdii SNM, balse uu yahay mid lagu matalaayo inay qayb ka mid ah uun xorraysay dalka. Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in uu wasiir ahaan isagu dhexdhexaadinaayey qolada filimka wadatay iyo qoyska uu ka soo jeedo Cabdi Jaamac oo ka mid ahaa wiilkii wax ku lahaa fikradan lagu mataalayo isla markaana wax ka qoray sheeda buuggan filimka laga matalaayo, waxaannu yidhi isagoo ka hadlaayo wasiirku; “Haddaan idinka warramo sheekadan qolada filmka samaynaysay, waa arrin dad gaar ahi wateen oo ku salaysan nin reer Somaliland ah oo ku dhashay Alle ah u naxariistee Cabdi Jaamac la odhan jiray uu sameeyey oo ku saabsan taariikhdiisi, isagoo yar qoyskoodii ay ******tii laysay, dabadeed gaalado halkan muddo dheer ayey ku soo noqnoqonaysya si ay filimkan u dhamaystiri lahaayeen. Markii iminka ugu dambaysay ee wax waliba u soo diiyaar garoobeen, ayaa qoyskii inanku ka dhashay oo odayaal ah oo ay ka mid yihiin Baxsane, mulkiilaha hoteel Imperial Xasan iyo odayaal badan miisan leh oo la socda, way ii yimaadeen oo waxayiI yidhaahdeen ninkaa dhintay xaqbaa ka maqan ee gaalada na dhexdhexaadi. Sidaasan gaalada iyo qoyskii ku dhexdhexaadiyey, qoyskana anaaga ka wakiillay yidhaahdeen. Xaqii heshiiska ugu qornaa in ka badan ayey gaaladii ogolaatay oo anigu ka hadli maayo tirooyinkaas oo dadbaa gaar u leh, laakiin waxaan caddaynayaa in wixii ugu qornaa heshiiska wax ka badan ay ogoladeen, qoykuna halka ay qabsadeen waxa weeyaan buuggan uu ninka gaalka ahi sheegano inuu Cabdi la qoray. Markaa intii la siiyey in leeg in la siiyo ayey ku doodayaan, gaaladiina way ogolaatay inay bixiyaan, laakiin may gaadhsiin halkay qoysku doonaayey, dabadeedna markii qoyskii diiday gaaladii waxay yidhaahdeen noo ogolaada bari iyo saadambe inaanu filimkii samayno, haddii kale khasaareenu galaynaa, tiina waanu u bandhignay qoyskii inay labada cisho siiyaan, qoyskiina waxay yidhaahdeen annaga oo waxayagii na la siiyo oo meel la dhigo mooyaane oo caddaalo-darro ayey noqonaysaa haddii nimankani ay bilowdaan arrintani oo nin dhintay oo muwaadin Somaliland ah ayaa xaqiisi lumayaa, dabadeeto waxaan anigu waxaan idhi hadduu arrinkani arrin private-da yahay waan-waantii aanu idinku dhexdhexaadinaynay uu istaagay, wixii kale ee idiin bannaani waa maxakamadaha sharciga oo idin kala xukumaaya. Maxakamadda qaranku ciddii ay u soo ogolaatana anagu waanu u fulinaynaa, maxakamaduhuna waa saddex darajo ciddii laga xukumaa waxa u bannaan inay abiil qaadato, dabadeeto waxay yidhaahdeen qolaadii galada ahayd anaga taasi waa nagu khasaare oo ma joogi karayno lacagna uma hayno, waxayagii waanu iska daynaynaa oo waanu tagaynaa, horta sidaad ayey ku gaadheen go’aanka gaaladu inay tagto. Su’aal: - Keyse waxa uu sheegay in intii aad arrinkooda ku jirtay Wasaaradda Warfaafinta dhexdeeda adiga oo la jooga Baastoolad lagu qabtay arrintaasi siday kuula muuqata? Wasiir Geel-jire: - Wax alle wax nabadgelyo darro oo wasaaradda dhexdeeda lagaga sameeyey ma jirto waana beentii, waxaan maqlay markii aanu kala dareernay, inamo qoyska inanku ka dhashay ka soo jeeda ay dabadda wax ku yeelen booliski wasaaradda noo jogayna way qabteen, ninkiina waa la xidhay askartu waxay ii sheegeen inaanay jirin wax baastoolad ahi ee ay bud ahayd, taasina waxay ahayd arrin ka dhexaysay iyaga iyo qoykii uu inanku ka dhashay. Wasaaradda ciidan badan baa noo jooga oo hub lalama soo galo, cidi kuma dagaalami karto, Keysana gaalada uunbuu turjumaanbuu u yahay, wax kale oo uu qiimo u leeyahy anagu garan mayno, gaaladaanu aniguma wada hadlaynay, wuxuu yahayna garan mayno, gaaladuna waxay leeyihiin soo saaruu noo yahay (Producer), iminkuunbaan jaraa’idka ku arkay isagoo leh soo saarihii filimkaan ahay. Su’aal: - Waxaad sheegtay inay hawshani arrin gaar loo leeyaay, dhanka kale haddii aynu ka eegno qiimo intee leeg ayey u leedahay soo bandhigida amma uruurinta taariikhda SNM iyo xukuumad ahaanba? Wasiir Geel-jire: - Waxay inoo ahaan lahayd sharaf weyn oo caalamku inoo aqoonsado oo magaceenu meel sare ku gaadho oo inankaa dhintay magaciisu meel sare ku gaadho, laakiin arrin dad gaari leeyihiin bay naga dhex gashay, Documentary uun maahee waa lagu matalayaa inay SNM qayb Somaliland ka mid ah xoraysay oo waa film khiyaalibana ku jiraaya, laakiin midhadh run ahi ku jiraan, sida ay u dhigayaana maaha oo taariikh SNM oo la baabiiyey ma jirto, waana been, qofkii doonayaa buuggiibaan hayaaye kaalay oo eeg. Dhanka kale maamulaha filimkan Keyse Cumar Cabdi, ayaa sheegay in wasiirka warfaafintu uu gebi ahaanba ka joojiyey filimkii ay ka samaynaayeen SNM, isla markaana ay xukuumaddu damaanad qaadi wayday nabadgelyadoodii oo ay Maansoor ku xanibnaayeen intii ay joogeen. Waxa kale oo uu sheegay Kayse Cumar Cabdi in uu Wasiirka Warfaafintu ka qaaday lacag sharci-darro ah “Horta arrintani waxay ahayd inan reer Somaliland oo Cabdirashiid la odhan jiray oo soo qabanqaabiyey oo fikradeeda lahaa, siddeedsanana laga soo wada shaqynaayey, ayaan-darro inankuu oo geeriyooday, iyadoon hawshii si fiican loo bilaabin, annaga waxaa waajib nagu noqotay inaanu halkii ka sii wadno, waayo hawl qaran oo ina wada sugaysa. Dawladdii hore warqadbay na siisay oo ahayd waanu idinla shaqaynaynaa, ilaa hadda warqad khaasa oo dawladda naga soo gaadhay ma jirto oo aan ahayn warqad la yidhi alaabta ayaanu idinku soo daynaynaa, alaabtaas oo ah tii aanu wax ku duubaynay. Markaa wixii dalka ka noqonayaa cashuur ma galaan, sidaasu Wasiirka Maaliyaddu noogu sheegay. Lacagtaasi oo nalaga qaaday $7000 (toddoba kun oo dollar oo wasaarada warfaafinta naga qaaday, awasaaradda maaliyaduna waxba kama oga. Ayaan-darro hawshaa qaran ee guud ee ahayd taariikhdii ummadda, ayaa waxay noqotay in la yidhaahdo lama shaqaynaayo ee waa la joojinayaa. Waxa jirtay inay Somaliland ahayd meel nabadgelyo lana yidhi Qaramadda Midoobay waxa uu geeyey 3aad derajada nabadgelyada, waxaanna ayaan-darro ah inaanay nabadgelyadaasi jirin oo aanu anaguna hudheelkan ku xidhnayn oo askar na raacdo mooyaane aanan dibadda u bixi karayn, waxay ku soo gebogeboowday inuu wasiirka warfaafintu yidhaahdo ma samayn kartaan, taas oo loo nisbaynaayo inankaa dhintay inan walaalo ay yihiin oo xuquuq sheeganaaya. Sida aynu ognahay caalamka nin iyo walaalkii isma dhaxlaan, laakiin anaga ixtiraambaa nalagu leeyahay. Waxaa nalagu xidhay lacag gaadhaysa $30,000 (Soddon kun) oo dollar ilaa adbixisaan halkaa kama soo bixi kartaan filimkana ma samayn kartaan oo uu noo soo jeediyey wasiirku ugu dambeyntii, labaatan kun oo dollar baananu ($20,000) khasaarnay,” ayuu yidhi Kayse Cumar Cabdi.
-
Pictures
-
Originally posted by Jacaylbaro: quote: waxaa la sameeyay guddiyo nabadgelyo oo heer qaran, heer gobol ilaa heer xaafadeed ah. Thought Kulmiye was against this ,,,,,, Gudi baanu u saarnay In gudiga nabadgalayada la sameeyeo dabeedna gudigaas ayaa gudigan soo saaray
-
Originally posted by Jacaylbaro: quote: dirawalkii gaadhiga waday ayaa warfidiyeenada u sheegay in ninka Bomka gaadhiga ku qarixiyay uu gaadhiga la socday isla markaana uu khilaaf dhex yaalay. "Waxa uu ahaa mid igu taamayay isla markaana waxa uu maalmihii ugu dambeeyay igulahaa waan ku dilayaa" ayuu yidhi dirawalkii gaadhiga qaraxa lala beegsaday waday. waxad mooda filimadi steve segaal oo kale
-
oke keep us updated. inshallah kheyr