
Kamaavi
Nomads-
Content Count
4,683 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Kamaavi
-
Caadi ma ahan ,,,, Deeqina waa ta Illaah ducana waa Nabigii Doodi waa nin yaqaan diini waa ta Islaamka Dalna waa iska Nugaal dowladina waa SSC Doqona u garan maayoo duunyo meelu daaqdiyo Dalka kii ka kaxeeyuu durbaanka u tumayaa
-
Ka dhabee ama iska dhaaf, sida ninkaan camal
Kamaavi replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar: Topic: Ka dhabee ama iska dhaaf, sida ninkaan camal Macrufow,, tolow yaad u duur xulaysaa ... -
Rudy, Start with simple . Then gradually go after pure Somali dramas. How bad is your Somali?
-
Originally posted by Cara.: CL, this thread is USELESS without pictures. Stop being such a tease!
-
Music only. http://www.youtube.com/user/aliel69#p/u/101/yzxyF46hx5g
-
Originally posted by Malika: Insha'allah! Gormee wax baraan jirtee,your either out partying or on SOL or at work..Lol ^ Good q!
-
What ever. Don't miss it.
-
Originally posted by Cara.: Well? You got a nice tree now.
-
Inta aan kitaabada sidno een, Sheekhyo Kiristaamin Malaa’ig kumaandoosiyo, kooxo nala laaya Oon kaarahoodiyo askari, kidib kasii deynin Ilaahii na kaalmayn jirayow, maad kusoo kicisid Kiiyow xaflad wanaagsan ,,,,,
-
Gurdan raaca googaatamoow gaabsadaan odhane Gocorkiyo ardaa-niijiyoow hooy gabaan idhiye Halkay gumacyadaydu u socdaan waa gun iyo baare Af gurrani hadduu goob yidhaa wuu guracayaaye
-
Awguuryo, saxiib.
-
Rooda Ibrahim waa Abwaanad ay dadka Soomaaliyeed mel ay jogaanba aad u xiseyaan gabayadeeda waxayna in badan gabayo ka tirisay Halganka Ogadeenya ee u dhexeeya umadda Ogadeenya & Gumaysiga Itoobiya, waxay Rooda gabayga biloowday ayada oo aad u yar waxayna tirisay gabayo ay ku dhiiri galinayso umadda Soomaalida Ogadeenya. Hadaba Todobaadkan oo ay Waddanka Ogadeenya ka socdaan howlgalo ciidan oo aad u xoogbadan dhamaan gobalada & dagmooyinka Ogadeenya howlgaladaas oo ay fulinayaa Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogadeenya waxay Abwaanadu kaga qayb qaadatay gulufkan cusub ee Calanside gabay aad u qiiro badan oo ay ugu wanqashay isla magaca Calanside kaas oo ay curisay 16/09/2010 Gabaygan oo si dhab ah ula jaan qaadaya howlganka Calanside & arimaha ku xeeran: Sugaanta iyo gabayadii hibo la ii siiyey Ilaa iyo saqiirnamada waa taan goyn jiraye Kolkuu Eebe ii sakhiro sowdku ii furanye Aan sifeeyo maantoo kalaan gacalka sooraaye Waran hilibka saafiyoo gantaal seeda kala gooya Siidhiga dhawaaqa watee samada jiidhaaya Isticmaarka suudha leh codkii sirirshay weeyaane Isaga iyo kuwii uu sixree cudurku saameeyay Sanqadhayda goortay maqlaan khoofku wada saaqye Ha salsalo wayaanihii baryahan sirinsirqaysnaaye Sanbabka iyo wadnaha aan ku jaro weedha seefta ahe sakaraadkii baa dhibahaye aan sagootiyo'ee Saddexdaasi waa ararta hore sadaradeediiye Sawaariikhdii aan ridi jiroo simantay weeyaane Waa sarmaweydada cirkoo saydhay karadhiiye Seqdii dhexe gudgudo hooray oo maydhay saxalkii dheh Sururiyo niyada farxad kayimid oo siyaado ah dheh Marna hawlgalkii calanka siday sacab tumkiisii dheh Gumaysiga saqaafaha kuyimid sabadda ciidayda Inkastoo uu na saxariiryo silic lanoolaayo Oo uu saqiir iyo kabiir suudi noogu ooday Isna seexad u diidanahay oo darmada seegye Sadkuu naga macaashana waa sun iyo baarudee Adoonsiga siloone inbadan nagu sabeynaayay Surka diidnay keenada inuu waana noo sudha'ee Shacab aan sariigtiyo ka dhiman sadaha imaanku Sumacada ilaa shanhayoo marinka seegaynin Saqajaana aan qaadan karin soodh la wada boobyee Dadweynaha dulmigu saranyahay seefta midigaystay Soomajeestayaal baa horkacay qaatay sahaydiiye Sibraarna dhaansaday ONLF waa saciim dhab ahe Safka hore waxaa galay ragay bilidu saarnayde Geesiyaashii noo sarakacaa nacabka suun goyne Sunbadii Ogadeeniya timid xidadka loo siibyee Halgankaa salaanada fog iyo sibirta loo aasay Sayid maxammed baa laga dhexlay iyo saahidkii Guraye Iyagaana sees adag u dhigay saymad dirireede Adoonsigi sumadahay badeen suulin kari waaye Maantana waxaa dacayga sudhi jwxo oo soliye Sidiibaan saldhiyo halgan ugu salaanaaye Sabrigii in badan damacu waday ruuxda laga saarye Gumaystaha sartiisiyo waxaa oloshay saantiiye Sandulaynay caal saarahana waan ka sidanaaye Sarar iyo hadduu xoog lahaa maanta waa salane Saraxiyo garbuhuu taagi jiray wiilalbaa simaye D'aba******ka saar iyo xabashi sidato rooxantu Iyo sawaca daafida la cuna ha u saqleeyeene Senaawiyoow walle reer Maqalle samankan waa u hooge Soomalida Ogadeeniyana samiyo waa u guule Dugaagii suuransaday sabi iyo waayeelba Salka kiciyee shacabkaanaga wada sabooleeyay Sarwad cadha wadani sitaa saaray geedada'e Saf balaadhan buu gulufku yahoo ku soconaaye Saanad iyo kolkii loola tagay gumacyo soofaysan Wayanihii salaanka u go'yoo sabarna naafoowye Saraakiisha iyo ciidankii daba suqdhaynaayey Sarartoodii naaxduu dhurwaa saaka cunayaaye Tukaha saloolanhayiyo haad saan uun rabaye Sunbaaxada uriyo bakhtiga suuqa lala yaabye Socotadii dameeraha kutimid salabka loo qaadye Sabaaxad markii lala helee dhinaca loo seexshay Ee sankii goraray bay kor u sanaadheene Samadaa ku guuxdoo arlada suur kaga yeedhe Sawaxan yaableh iyo waxaa ku kacay siigo iyo boodhe Saylac iyo waxbaa ooga shanqadhay suufka xeebaha'e Saxaraha banka iyo waxaa wiiray geedo seemana ahe Sanahaadho jiiidhi bay ka fili saaxil iyo maydhe Sool iyo libaaxyaa ka ciyey Gedo salkiisiiye Oo saskii ayaamahan ku dhacay cadawgu saab qaadye Adoonsiga sirgaxane in badan guudka naga saaran Sutiday halyeeyo u qabteen oo sal dhigi waaye Subagii Liiban iyo Afdheer maadh kawada soogan Saxansaxa Hargeelaaliyo Saami dheera ahe Samsamkii Shabeeliyo Godey miida soconaysa Sareenkiyo waxaa laga helaa dalag la soo saaro Sakalaha Qalaafiyo Dhanaan sarabka Feyrfeyre Siraw iyo simaha Doolo ahe sugul ka foofayso Sabadii Qoriiliyo Wardheer waanan siin karine Salka Dahare seeraha bankii Qoraxay loo saantay Sarsarada Shilaabiyo dhulkuu noo fadhiyo saadku Saliidiyo arladay la hurdaan gaaska sibidhoobay Dhagaxbuur sangaha daaqiyo sogabka gooloobay Sugumaha Awaariyo Digiyo sarabka Gaashaamo Hadal kuma sifayn karo kolaba saaca Jarareede Salaxaad degmada Sagag iyo Sibbi banaankeeda Sulul iyo sakaraha Garbiyo Fiiq sarsaaraheeda Dhulka Saddexda caanaha macaan lagu sareedeyey Macdan saxa siti malab oo Nogob ku saameelan Sarihii Jijigiyo Adari iyo seesha Haramaayo Saldhigii Shiniiliyo Ayshaca Diridhaba saaran Surad iyo silsiladaha guray sararta Haadaamo Soohdintii dalkaygiyo waa sagalka ii muuqda Rabbigii nasiiyey dhulkuu saan u barwaaqeeyay Wabeiyada sakaarka is dariyo togaga saaweeya Buuraha Ilaahay simay iyo laagag kala saydhma Dhirta sodon kun oo nooc ka badane dul saaran ciida Kama soomaan karo dadkii sooca u lahaaye Guumaystaha in loo saamaxoo laga sifayn waayo Amma uu sharfta naga suuliyo abid na saarnaado Waa si aan dhacaynoo kolba suurto gal ahayne Xornimana sadaal iyo ka weyn shay saleele ahe Surmiyo dhibaa loo muutaa suudi iyo oone Ma sal dhigato gobanimo hadaan saymo loo marine Sacab dhiig leh dabadii uun bay guuli sabataaye Xaq lagaa sagsaagay hadduu sabano kaa raago Sina looma yeeloo dulmigu inuu ku saarnaado Adoo iilka seexdaa ka roon nolosha seegseegye Sifihii dadaalkiyo adoo sabirba kaa muuqdo Saacidoo Eebaa lahoo samu la tuugaayee Sacabadana loo hoorsadaa inuu ku siiyaaye Socod dheerna waa lagu daraa saada khayrka lehe Dadku saaba saabiyo hadduu solay ku noolaado Nafta sadaro aan muuqan baa loo sawirayaaye Suraxaadintaasay indhahu sahal wareeraane Kolkaasu qalbiga suus galaa kuna samaysmaaye Siyaasada Itoobiya ninkaan dhab ula saanqaadin Socodkiyo majarahaa ka luma wuuna salalaaye Raga kala suucayoo haday soori idin qaaday Amma uu si kale hadduu xaalku yahay lana siloodaaday Itoobiya saldaniyo saad jeclaatay hortiin laga waaye Sanbareerkii lagu bay dib u sumaysaaye Soomalaadka iyo orodkan badan siiba shaaxigiiye Amma jeel saldhada loo galaa wada sugaysaane Salkuna waa Dhanaan iyo kobtaan cidina seegayne Saylalaxadu yeyna idin la tagin sibiqdu waa jaane Shacabkaa saliilyada qabee cadowgu seeteeyay Soomali weeyan la hubo weliba waa sooce Sinjigooda lama doorin karo waana siidh adage Soyaalka taariikhahana waan la soconaaye In maqaar lanoo saaroo xabashi suudhlayda Sanka la ii marmariyaan kolnaba suurto gal ahayne Anaga iyo sirqada baahane sidata caydhiinka Sakooyiyo xigaal iyo manihin tol iyo saaxiibe Saxiix iyo heeshiis lama galno Saadirka ii magane Oo sifadiyo dhaqan xumadaan ooga siqaynaaye Soorooyinkoodiyo orgida dhibida saydhaysa Iyo saalixiintiyo gabdhaha saxuur ciibadaysta Rabbaa kala sifeeyoo wallaan la isku soohayne Suyaciyo Allow ha igu darin wada sinjiidhlayda Itoobiya sidaan uga tashaday duulanka loo siicye Sunaha kuwa xiirtiyo horinta seero(zero) ah Sanaawiyo haddaba dhiiriyeen sawrac foolxume Suqsuqiyo bahoolaha uu uqoday ha u sawaalaane Sunta uu waraabshiyo jirada samo ha moodeene Annaba socodku waa geedigii gibishu saarnayde Oo waa halkii aan suntaday sahanka gaadhsiiye Sadka gobonimyo waa ku hiro sahandabe iyo guule Halkan ka dhagayso-mp3
-
Gogol-dhigadka maamaahdu waa gabayadaydaase Gucunkeeda maansadu halkay gacan-togaalaysay War guulaanti xididaysatiyo guurti laga yaabay Goljeex iyo madaba way helaan inay ku goobaane Ma gartaan gibbaankoo dhan iyo jaale goray-ciile
-
-
Haku guban dheh waa guluc shishiyo goobadaan xidhiye Hana moodin goof laga bixiyo gaaman laasa ah dheh Galalaati mool howgu dhicin gawyalaan faraye Gammuunkaan cirka u riday halkuu dhigan gafuurkiisa Ha arkeen gulaamadii batiyo uur-ma-gaaxsade e Onkod galaw ka diday baa odhan geesinimo doone Markaasay gabrada laacayaan saa gobbay koriye Amay goosan xabag gawlaliyo maydhax gumareede maansadan mid loo dhigo hadaad hayso soo qub ,,,,
-
Sugaanta iyo gabayadii hibo la ii siiyey Ilaa iyo saqiirnamada waa taan goyn jiraye Kolkuu Eebe ii sakhiro sowdku ii furanye Aan sifeeyo maantoo kalaan gacalka sooraaye Waran hilibka saafiyoo gantaal seeda kala gooya Siidhiga dhawaaqa watee samada jiidhaaya Isticmaarka suudha leh codkii sirirshay weeyaane Isaga iyo kuwii uu sixree cudurku saameeyay Sanqadhayda goortay maqlaan khoofku wada saaqye Ha salsalo wayaanihii baryahan sirinsirqaysnaaye Sanbabka iyo wadnaha aan ku jaro weedha seefta ahe sakaraadkii baa dhibahaye aan sagootiyo'ee Saddexdaasi waa ararta hore sadaradeediiye Sawaariikhdii aan ridi jiroo simantay weeyaane Waa sarmaweydada cirkoo saydhay karadhiiye Seqdii dhexe gudgudo hooray oo maydhay saxalkii dheh Sururiyo niyada farxad kayimid oo siyaado ah dheh Marna hawlgalkii calanka siday sacab tumkiisii dheh Gumaysiga saqaafaha kuyimid sabadda ciidayda Inkastoo uu na saxariiryo silic lanoolaayo Oo uu saqiir iyo kabiir suudi noogu ooday Isna seexad u diidanahay oo darmada seegye Sadkuu naga macaashana waa sun iyo baarudee Adoonsiga siloone inbadan nagu sabeynaayay Surka diidnay keenada inuu waana noo sudha'ee Shacab aan sariigtiyo ka dhiman sadaha imaanku Sumacada ilaa shanhayoo marinka seegaynin Saqajaana aan qaadan karin soodh la wada boobyee Dadweynaha dulmigu saranyahay seefta midigaystay Soomajeestayaal baa horkacay qaatay sahaydiiye Sibraarna dhaansaday ONLF waa saciim dhab ahe Safka hore waxaa galay ragay bilidu saarnayde Geesiyaashii noo sarakacaa nacabka suun goyne Sunbadii Ogadeeniya timid xidadka loo siibyee Halgankaa salaanada fog iyo sibirta loo aasay Sayid maxammed baa laga dhexlay iyo saahidkii Guraye Iyagaana sees adag u dhigay saymad dirireede Adoonsigi sumadahay badeen suulin kari waaye Maantana waxaa dacayga sudhi jwxo oo soliye Sidiibaan saldhiyo halgan ugu salaanaaye Sabrigii in badan damacu waday ruuxda laga saarye Gumaystaha sartiisiyo waxaa oloshay saantiiye Sandulaynay caal saarahana waan ka sidanaaye Sarar iyo hadduu xoog lahaa maanta waa salane Saraxiyo garbuhuu taagi jiray wiilalbaa simaye D'aba******ka saar iyo xabashi sidato rooxantu Iyo sawaca daafida la cuna ha u saqleeyeene Senaawiyoow walle reer Maqalle samankan waa u hooge Soomalida Ogadeeniyana samiyo waa u guule Dugaagii suuransaday sabi iyo waayeelba Salka kiciyee shacabkaanaga wada sabooleeyay Sarwad cadha wadani sitaa saaray geedada'e Saf balaadhan buu gulufku yahoo ku soconaaye Saanad iyo kolkii loola tagay gumacyo soofaysan Wayanihii salaanka u go'yoo sabarna naafoowye Saraakiisha iyo ciidankii daba suqdhaynaayey Sarartoodii naaxduu dhurwaa saaka cunayaaye Tukaha saloolanhayiyo haad saan uun rabaye Sunbaaxada uriyo bakhtiga suuqa lala yaabye Socotadii dameeraha kutimid salabka loo qaadye Sabaaxad markii lala helee dhinaca loo seexshay Ee sankii goraray bay kor u sanaadheene Samadaa ku guuxdoo arlada suur kaga yeedhe Sawaxan yaableh iyo waxaa ku kacay siigo iyo boodhe Saylac iyo waxbaa ooga shanqadhay suufka xeebaha'e Saxaraha banka iyo waxaa wiiray geedo seemana ahe Sanahaadho jiiidhi bay ka fili saaxil iyo maydhe Sool iyo libaaxyaa ka ciyey Gedo salkiisiiye Oo saskii ayaamahan ku dhacay cadawgu saab qaadye Adoonsiga sirgaxane in badan guudka naga saaran Sutiday halyeeyo u qabteen oo sal dhigi waaye Subagii Liiban iyo Afdheer maadh kawada soogan Saxansaxa Hargeelaaliyo Saami dheera ahe Samsamkii Shabeeliyo Godey miida soconaysa Sareenkiyo waxaa laga helaa dalag la soo saaro Sakalaha Qalaafiyo Dhanaan sarabka Feyrfeyre Siraw iyo simaha Doolo ahe sugul ka foofayso Sabadii Qoriiliyo Wardheer waanan siin karine Salka Dahare seeraha bankii Qoraxay loo saantay Sarsarada Shilaabiyo dhulkuu noo fadhiyo saadku Saliidiyo arladay la hurdaan gaaska sibidhoobay Dhagaxbuur sangaha daaqiyo sogabka gooloobay Sugumaha Awaariyo Digiyo sarabka Gaashaamo Hadal kuma sifayn karo kolaba saaca Jarareede Salaxaad degmada Sagag iyo Sibbi banaankeeda Sulul iyo sakaraha Garbiyo Fiiq sarsaaraheeda Dhulka Saddexda caanaha macaan lagu sareedeyey Macdan saxa siti malab oo Nogob ku saameelan Sarihii Jijigiyo Adari iyo seesha Haramaayo Saldhigii Shiniiliyo Ayshaca Diridhaba saaran Surad iyo silsiladaha guray sararta Haadaamo Soohdintii dalkaygiyo waa sagalka ii muuqda Rabbigii nasiiyey dhulkuu saan u barwaaqeeyay Wabeiyada sakaarka is dariyo togaga saaweeya Buuraha Ilaahay simay iyo laagag kala saydhma Dhirta sodon kun oo nooc ka badane dul saaran ciida Kama soomaan karo dadkii sooca u lahaaye Guumaystaha in loo saamaxoo laga sifayn waayo Amma uu sharfta naga suuliyo abid na saarnaado Waa si aan dhacaynoo kolba suurto gal ahayne Xornimana sadaal iyo ka weyn shay saleele ahe Surmiyo dhibaa loo muutaa suudi iyo oone Ma sal dhigato gobanimo hadaan saymo loo marine Sacab dhiig leh dabadii uun bay guuli sabataaye Xaq lagaa sagsaagay hadduu sabano kaa raago Sina looma yeeloo dulmigu inuu ku saarnaado Adoo iilka seexdaa ka roon nolosha seegseegye Sifihii dadaalkiyo adoo sabirba kaa muuqdo Saacidoo Eebaa lahoo samu la tuugaayee Sacabadana loo hoorsadaa inuu ku siiyaaye Socod dheerna waa lagu daraa saada khayrka lehe Dadku saaba saabiyo hadduu solay ku noolaado Nafta sadaro aan muuqan baa loo sawirayaaye Suraxaadintaasay indhahu sahal wareeraane Kolkaasu qalbiga suus galaa kuna samaysmaaye Siyaasada Itoobiya ninkaan dhab ula saanqaadin Socodkiyo majarahaa ka luma wuuna salalaaye Raga kala suucayoo haday soori idin qaaday Amma uu si kale hadduu xaalku yahay lana siloodaaday Itoobiya saldaniyo saad jeclaatay hortiin laga waaye Sanbareerkii lagu bay dib u sumaysaaye Soomalaadka iyo orodkan badan siiba shaaxigiiye Amma jeel saldhada loo galaa wada sugaysaane Salkuna waa Dhanaan iyo kobtaan cidina seegayne Saylalaxadu yeyna idin la tagin sibiqdu waa jaane Shacabkaa saliilyada qabee cadowgu seeteeyay Soomali weeyan la hubo weliba waa sooce Sinjigooda lama doorin karo waana siidh adage Soyaalka taariikhahana waan la soconaaye In maqaar lanoo saaroo xabashi suudhlayda Sanka la ii marmariyaan kolnaba suurto gal ahayne Anaga iyo sirqada baahane sidata caydhiinka Sakooyiyo xigaal iyo manihin tol iyo saaxiibe Saxiix iyo heeshiis lama galno Saadirka ii magane Oo sifadiyo dhaqan xumadaan ooga siqaynaaye Soorooyinkoodiyo orgida dhibida saydhaysa Iyo saalixiintiyo gabdhaha saxuur ciibadaysta Rabbaa kala sifeeyoo wallaan la isku soohayne Suyaciyo Allow ha igu darin wada sinjiidhlayda Itoobiya sidaan uga tashaday duulanka loo siicye Sunaha kuwa xiirtiyo horinta seero(zero) ah Sanaawiyo haddaba dhiiriyeen sawrac foolxume Suqsuqiyo bahoolaha uu uqoday ha u sawaalaane Sunta uu waraabshiyo jirada samo ha moodeene Annaba socodku waa geedigii gibishu saarnayde Oo waa halkii aan suntaday sahanka gaadhsiiye Sadka gobonimyo waa ku hiro sahandabe iyo guule Kiiyow kaana ku saddex dheh ,,,,
-
Somaliland Exchange Pirates with Kidnapped Trucks Drivers
Kamaavi replied to Jacaylbaro's topic in Politics
^How you didn't ask for the source today? -
Raysal wasaaraha intaan lasoo magacaabin ka gaadhsii weliba Af carabi ooga dhig.. ,,
-
Phuss pagal hain har dfa phusss janii,,,
-
Inta la daabaco ayaa loo geeyaa ,,, Juje yare mee horta?