
Kamaavi
Nomads-
Content Count
4,683 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Kamaavi
-
@ Kuwii gardarada waday waa tii, geesi uu helaye Ujeedada gabayga ayaad ka famaysaaye, wuxuu yidhi: Gardarooy waxbaad geysataa, goor iyo ayaan e Gafkii aad samaysaa batiyo, godobahaagiiye Gashi aan yarayn baad qabtaa, jeer lagaa gudo e Waxaad goyso moyee lawaa, nimaad gargaartaaye Gurigii barwaaqaysan baad, gubi taqaanaaye Oo ruuxaad gadhqaadaa wallee, guul ma xoogsade e diga iyo geeridu dadkii, waad gablamiseene Adigoon gadaal uga hadhayn, mid iska kaa giijay Qofkii tabartii gees kaa mareey, wax u gaboobaane Gaag baa uso hadha kollay, ruuxii kaa gudo e Adoo gabi ka tuuruu arkaa, kii garaad xumiye Adaa gaanbiyaay howl yaraan, soo galaangala e Adigaa dhibaato u gasba oo, reer gadaafo ahee Adaa garab ku taaglee yidhaa, geesi baad tahaye Gaasaar nin kale beertay baad, guro tidhaahdaaye Markaasuu garbada kii lahaa, gama'a diidaaye Anaa gaafidan lahee iiga guur, golal markuu sheegto Anaa galabta jooguu yidhaa, gocondho shaydaane Gogoshaana laysugu dhigtaa, goobayoow badane Mid waliba gafuurkiyo wuxuu, ganafka taagaaba Guddi loo xilsaariyo waxay, guurti bixiyaanba Xeerbeegti guushaa waxay, hadal gudoonshaanba Gabogabo dhigoodii markii, lays af garan waayo Eey taladu soo giirateey, gowda la istaago Guracanihii gowdhaafayey baa, aad u goodiya e Garaarteey dabeed kaga dhegtaa, kii la gaabsadaye Inuu golol cadhoodaana waa, ficil gadiisiiye Isagooy guduuteen indhuhu, oo gilgilanaaya Guushii iyo geeridii oo markaa, is garab yaala Labadaa midood inuu galuu, goosan dabadeede Guntashada xigtaa waa dagaal, ha u gardaadsado e Nin gabadayse cadhaan guurta hayn, ama gurguurtaaye Gurxanka iyo goohaba intuu, gununuco oo reemo Ways kula ganaa waa ninuu, ciil ku gaaxsamaye Goorada intuu kaga dhaco oos, guudka kaga boodo Oo gadh iyo laba daan qabtoo, gudub usoo tuuro Markuu aad u galalaatiyo ees, dibir gawaan raacsho Lafihiisii waa inay gotaan, giigtirnaan jiraye Oo uu guuxa weyntiyo ka jabo, gulibidaa dheere Oos war i gunaanada yidhaa, gaal kastuu yahaye! Guubaabadaadii wataa, say ku gorortaaye Kuway gibishu kuu saaran tahay, waa gaday mudane Caqligaad gamuun kala heshiyo, gudumodaadiiye Indhahana go' baad kaga xidhaa, ood ku gunudaaye Dhagahana gufaad kaga jartaa, kuna gamuurtaaye Halkaad gaysanaysaaba waa, god iyo booraan e Waa kaad gandaalka u sidaa, ood u godoshaaye Waa kaad goofaadhidaa, eed gagabisaaye Waa kaad gafsiisaa ra'yiga, eed ka gudhisaaye Gallad inuu qabuu moodayaa, waase ruux gab ahee Adaaba guuldaro usoo sidee, wuunan garanayne God aan laga baxayn iyo waxaad, goof u qarisaaba Gabal dhiciyo saad dooni waa, meel gudcur ah keene Garab bay lahayd daadah iyo, maliyo gaadaane Nabsi qabaha guubaabiyaay, saa adoow galiye Biyo gororay goortay dagaan, waa halkii godane Kibir bay guntaadii dhanayd, gow kusoo tidhiye Oo geedada waxaad kaga jirtaa, kii gumaysta ahee Gobonimo qofkii doonayaad, garab-wagliishaaye Iyadoon barwaaqadu gudhayn, gu' iyi jiilaalba Oo gayiga Soomaaliyeed, Gureey u baaqaayo Gayigaanu joognaba wixii, soo gashaad tahaye Gamuunkoo mariidliyo intuu, waran ku googooyey Gaashaanka tii lagu dhuftayee, gowda laga saaray Ee guutadii qaabishiyo, gabaska hayn weyday Ee jeeray gacmaha hoorsadeen, gaasku daba joogay Ee ay waraabaha u gogleen, gudurideey loogtay Ee uu gabaabsiyey qabkii, meesha daran geeyay Gugumana codkiisaad ahayd, geedo qaaqla ahee Muddo gaaban gaar iyo intaad, gooni naga joogtay Gashin kale adoo muujiyey oo, galab caraabaaya Gadmataye haddana goor dambaad, noola timid guuxe Subaxdaana geesh dhaartayoo, gaydh u diriraaya Oo Maxamed guubaabiyoo, gabayada u sheegay Gamaankiina soo fuulayoo, dhab u gadoodaaya Iyo gobol Daraawiish ahoo, geeddanaa yimide Wuxuu galalafkeenii batoo, la is garaacaaba Markii gulufkii Soomaaliyeed, libin ku geeraaray Isticmaarkii noo soo gudbay baa, goob xun joogsadaye Ganba dumarta waa tay xidheen, Reer Galbeedyaduye Ninse gataati dhacay waa inuu, gadangadeeyaaye Muddo gaban ah shaale intaan, gowle tumanaynay Waxaad soo gadiday baa ahaa, gooshi xeel sida e Waase god aan ilduufnoo kale iyo, leylo goboleeye Mar aan gama' sanayn iyo mar aan, gole ka doodnaaba Siddii dhays lo' gugeed buuxsamiyo, ama shinkeed gaadhay Geed qariya saakaan lahayn, ciil gadhoodhsamaye Gumiciyo bilaawaha naftii, lagala giigaayey Gaaguun tirkeed wakaa, loo gudoonsadaye Is gaacoodinaysaa danbuu, gaaruf kuu imane Galaayuuska xiimiyo intaan, gaylab kugu heesin Gurmo-go'anba waxaa kaa samayn, goodirada howde Murugada guraabaastay baa, kugu galaydhyeyne Goorahana saadaashu way, kugu gandoodaaye In aad kaalintaa gabtay buu, galowgu sheegaaye Guuguulihii faaliyee, baalasha is gooyey Isba gamashigaaguu arkiyo, gaajo kuu imane Sababtaadii oo gaamurtiyo, gabawar kuu baaqye Garuun wadkaa sitaa, guul fadhiisiya ahe Boolidu goggay naaxisay buu, golongol haystaaye Gamboor weeye geedkuu cuniye, haw malayn Godore Galaxsigiyo kaa waw bilaash, gaawe buuxsiguye Waxa lagu ganbiyayaaba waa, gorofti caydheede Gasac iyo geraax diiday oo, dhimatay googaaye Goonkiyo guxuusaagii aad, kala gunaynaysay Guulaamadaa muuqataa, soo gabaanadiye Oo daadkaa gufaacada wataa, kaga gariirsiine Ganbiiraashkii aad soo bartiyo, gool cunkaa hodaye Dhaaxuu libin ku geeraarayee, goojaduu barane Is gundhin iyo guul guul haddii, laga gayoon waayo Gabgablayni kuma caawisiyo, faan gobshaysiguye Nabadii garoobaysay ee, loo gayaxa duubay Kol haddaan gidiba loo helayn, amay is guunguuntay Ninkay godobsanaysaa intuu, laad usala gaabsho Waa in uu gadaamada jaraa, ooy galgalataaye Markii laga gilgilo baydidaa, kii gunada haystay Goros iyo is gaylamaan iyo, gadhadhac mooyaane Inuu giriftamaa waa waxaan, goorna la arkayne Waase gogosha doonkii intaa, kaad galaafanuye Gardarooy ninkaagii adaa, gowracaa badiyee Gardarooy ninkaagii adunbaa gowracaa badiye
-
Ka dhabee ama iska dhaaf, sida ninkaan camal
Kamaavi replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Sarbeebtay ku dhaantaa dheh,, -
Originally posted by Aaliyyah: Ferguson wise words from Xine Xiirey the famous abwaan. Deeqina waa ta Illaah ducana waa Nabigii Doodi waa nin yaqaan diini waa ta Islaamka Dalna waa iska Nugaal dowladina waa SSC Doqona u garan maayoo duunyo meelu daaqdiyo Dalka kii ka kaxeeyuu durbaanka u tumayaa Yeah, Aliyah. Waan ba xafiday.
-
Ka dhabee ama iska dhaaf, sida ninkaan camal
Kamaavi replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Isba wuu is garan dheh ,, -
Showqi, I am just a fan of Aabo C.Shidaal.
-
^Somali to English,,, word to word translation would be ,,,.. Qawrac - slaughter(v) Qal - operate(v) Qalniin - operation(n) Adigu waxaad haysataa(laguu qoray) qalniin - You are having an operation Adi waa lagu qali doona- You will be operated.
-
You know, a long time ago being crazy meant something. Nowadays everybody's crazy. -Cigaal Shidaal
-
1.You eat meat and you kill things that are better than you are, and then you say how bad, and even killers, your children are. You made your children what they are. 2. These children that come at you with knives, they are your children. You taught them. I didn't teach them. I just tried to help them stand up. 3. Look down at me and you see a fool; look up at me and you see a god; look straight at me and you see yourself. 4. People do not lack strength, they lack will -Cigaal shidaal
-
Words lie...faces don't.
-
Jaan mein heran tha k tm itni achi urdu kaise janti ho. boht acha. aap ne urdu kaise seekhi aur kahan se seekhi? ,,,
-
CL, allah ka shukar, ap honest ho. Aap ne wo btaya jo ap ne mehsoos kia. Ap ne urdu kahan se seekhi? aap ko kb tak pyar tha?
-
War kiyaa hora haa hee.
-
Originally posted by General Duke: quote:Originally posted by Ferguson: quote: Originally posted by General Duke: Al Shabaab didn’t immediately comment on the attack. No government has claimed responsibility. Why that you think, Generale? ,,, I am not sure Fergusson, they bombed a meeting, the problem is we dont know who they are yet, maybe Blackwater, but its ironic that the holly fake Shiekhs led by incompetent Sharif is silent on this issue. Where is Sherif now, out side M city? What is he up to, Generalle? I am asking since I have no idea what is going in South (last couple of weeks). Care to elaborate.
-
sheherazade salaan sare habo.
-
horta Sayid ha la arko,,,,
-
Sayid somal yaa arkay ,,,, aan labo kale dhehee juxa dumaashi xaal qaado.
-
Inaan gabay abuuraa haday, ila ekoonaato Waxaan dooni meel ugub ahayd, inaan abbaaraaye Kiiyow gabay kusheego kaalinteed gashay?
-
Boob iyo rag badan ayaad rabtaa inay tikidhada soo jartaan ,,, war soo wad...
-
Sooo wad adeer,,,, soo wad....
-
Hadaan jaleeco geeraarka Sayid anoon xaflada Jacaylbaro Jiidhin, Oo aan Jiinlaydaa la jiid jiiday sadar ka iraahdo Juxooy dumaashi asxaabta nuune iyo Jaale Ferguson leh Jananka aan qardho karin iyo Jaan dheer Koolo Eey ku xigto jahoorada dumarka Malika Ibtiyo inta la jiilka ah Jawaan qosol ah iyo intaan la qubin Jerikaan buuxa Ka joog dumaashi Jidka uu sayid ka dhawaajiyey Jiiro kaliyo u baydh meel walboo naftu jamato Jaarnimadiyo intaad qadariso jacaylka uu sheegan Jilaalu Raxmaanka kugu dhaarshe wiilka Jalafada ka daa
-
Wiilkaygiyoow waxaadan laheyn laguma weynaado; waxaad waaya maashaba nin laa weel isugu geysta. -Somali
-
^ xaaji, It is the usual game that is played with the two hands. Three balls are needed, one to be thrown up, second to stay in the air close to the hand and the third ball in hand. From the picture, US lost the blue ball to Alshabab. Green ball is in the air while only the red one is in hand.
-
Qabqab hadalku iigama tagee waa qotomiyaayee Qalinkaba hadaan khadi ku jirin xaashi qori waayee Nimay luguhu qaar goan yihiin qaab u socon waayeee Biyo meel qarsoonoo khatara kaga jira qow fog Adigoo haraad qaba durbaba kuma qabowshaane Hadiise qaawa geel kuu dhashiyo qaabil sidigteeda, Qaabkeeda goortaad dhantaa lagu qaboobaayee Qabsaday qoraa waxaan hayaa qodobadiiye Inkastoo suldaankii qiray oon qoray wuxuu sheegay Nabi aadan oo qudha markuu Qaadirku abuuray Ase qoys inay wada noqdaan loo qadaray Xaawa Tarankoodii labadaa qofe qaaradaha buuxshay Quruumihii ka beermay ee la rogay ee qabriga aaday Iyo maanta qoomkeenan nool ee qudhu istaageyn Marka buunka laga qaylisiin qaarka dhalan doona Malaa'iga u qoran baa jira qodobna dhaafayne Qalad kuma daraan shayga dhaca mana qabyeeyaane Mana jiro waxaad qarin kartaa ama qishaysaaye Afkaagoo qufalanbay xubnaahagu kugu qirayaanee Kiyow qalin jabinta ka waran ,,,