Kamaavi

Nomads
  • Content Count

    4,683
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Kamaavi

  1. Dr.Nu waad ku haysaa, laakiin ha i sheegin ayaa la idhahay. =[Kunoqo]
  2. Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: And where is the actress and the romance part of the movie ?? ,, Don't say movie, you sound like a saan cadale is nacay'e.
  3. You are the best member of the year, anaa ku doortay! Yaa kale ?
  4. Bar la qabto iyo bar lagaga hagaago toona ma leh, Alloo wax sahla mooyee.
  5. Tk care Aliya, and stay blessed marwalba.
  6. Your addiction is tearing us apart, huuno you should quit.
  7. Ahhh the forum has finally come full circle for cara. She logged in and asked the significance of the insult when she took off her size 7 1/2 brown BCBG stiletto pump and "fast-pitched" it at the back of the Mister, and and she got the Bush statue shoes insult point made for her, and it gave her great clarity. She will add though, that she lobbed her accurately across a darkened Ritz Carlton hotel lobby late at night, and if she had been in the third row of a well lit press conference, she would have nailed him right in his head! But that freaking Richard Reid shoe bomber now has everyone having to stand in sock feet in airports, now who is thinking every reporter with credentials will have to have their shoes confiscated as weapons?-Only explanations will do. :confused: Avatar-sized version:
  8. "Xunjuf your hippie friend also left 'Riwayad' for you if ya get what I mean." -That 80s Show.
  9. LOL^ Xogtii iyo xalwadaan su gaynay waxay kala noqdeen sidan iyo sidaa. Xog: 1."Gabdhaheenii geesiyaasha ahaa waxay isu badaleen fuleyiin waaxid oo xiitaa sariirna ma ka soo bood karaan."-Jacda 2."I take it as they didn't take the risk to post their pics on public forum."-Jacda -oo markii af somali lagu turjumo macnaheedu heedu ka dhigantahay: Waxay hablaheenu ka cab sadeen in ay banaanka is keenaan. Xalwo: 1. Hablaheenu waa geesiyaal oo waxba kaa qarsan mayaan haddii aad PM ka ku yara garaacdo. 2.Quruxda ama bilicda hablaheena dheel dheel lagu ma arko markaa waxaad u mari karta awliyada SOL oo kala ah Sh.Jacda iyo Dr.Nu. 3. Marka aad xogta iyo xalwada aad hesho afkaaga aabudh, shib dheh, us dheh, ha ka neefin oo xir. Yata batu! Taas anu waan ka hadlay oo waxaan ka dhahay hadaan afka xirno yaa wax noo cabi oo noo cuni oo noo ducayn? Hadda bahashu way soo degtay lakiin xog iyo xalwad lagu qanco ma aysan la soo degin, BruuRuummm!! Sheekhii Bob ahaa iyo Abtigiis ayan ka war dhow raynaa bal waxa ay ka oran doonaan, waan ka baxay oo waxaan kaga baxay.. BruuRuumm.
  10. Originally posted by Nephiso: quote:Originally posted by Xidigo*: quote: Originally posted by Farancab: Ninkii u baahda riwaayad macaan oo ma dhamaato ah way socotaaye ku qabso, safka hore yaan lagaa qabsan. Sharaxii la tumaayay sheekaa ka danbaysay ahahah, tana ku dar: "Waa maadays TFG, Yeey-na wuu Matalayaa." LOL^Couldnt resist nice name, we're using too much quoting here , keep it up habo. And sideedaba safka hore yaan lagaa buuxin saan isu lahaa sideedaba magacii ma i hoos maray oo sideedaba ha yeeshe sareeye feedhka iyo hadduu socdo actionku iyo is laba ragu sideedaba bishaarooy miyanba xasuustaa magac iyo qofta sinta igu haysa. Sideedaba silsaldani ha socoto oo sideedaba inteena aan siyaasada iyo sunta la sayri aan sideedaba ku saaxiibin sideedaba haka sii wadeen halkaas.
  11. May be you're right Aliyah as still part of me agrees with you saying that he may not even look back . If he really cared then he wouldn't have allowed the chaos that is wreaking havoc all over his country and the world. Maybe I shouldnn't say more..as the other part of me trying to confuse me and make me again to sound more naive to you again.
  12. I'm sure lots of Americans wanted to do that during his 8 years of presidency sending their troops to Iraq and ruining the economy. Now he'll never forget what he's caused to people who have nothing to do with 'weapons of mass destruction'.
  13. LOL^@ I bet inaa sariir lee kasoo boodeen as I've suggested...Or did someone shidh on themselves. ha ha I dont know what they could possibly mean. Way duushay for what, sariir bay ka boodeen for real. Where are Fameema and Jacaly baro today? Jacda give us some xog waran till Faheema comes in to say her part of sariir kasoo bood-boodka.
  14. Dude, chill, I didn't think of anything like reciting a gabay. I don't write in stanza, not anymore. See ? It was just a mistake, I'm human too you know!! (Half Human, Half Awesome).
  15. Ninkii u baahda riwaayad macaan oo ma dhamaato ah way socotaaye ku qabso, safka hore yaan lagaa qabsan.
  16. LOL^Huuno intii aad ku saxan lahayd mid caano ah ka daba kabo oo si fiican bahasha iskooga deji. Tuujiye siduu u arkay xariifadiisa Afro oo dadka hortooda dhulka ka qaraabsanaysa hal laws ah wuu ka guban jiray wixii magaca lawska ku soo hadal qaada ilamaa waagii danbe loo bixiyey magac u eg lawsle, Mr.Laws. Reer Tuujiye baryihii danbe waxa loogu yeeri jiray 'Reer Laws' sidii reer weligood ka soo ganacsan jirtay lawska. Markaa, Tuujiye intii hore allergy buu ku ahaa inkastoo markii danbe isaga iyo reerkiisaba loogu yeeri jiray isla lawskii uu marka hore allergy-ga ku ahaa.
  17. Threadkan meel hido iyo dhaqan looga hadlo ayey ahayd laakiin hadda way fadarowday. Bal maxaa sawirkan keenay meeshan? Ps. DQ adeer saa isku dhaan niyow.
  18. Sheekadan hoos ku qoran waa tu tijaabo ah sidaa awgeed hadday idinku socon weydo fadlan galaas biyo ah iskaga dejiya. Maalin maalmaha ka mida ayaa xariif ay Tuujite dhahaan oo meel ardaa ah rag badan kula cawaynaaya ayaa xariifadiisa oo la oran jiray Afro ayaa iyada oo ayna inaba ka qasneyn soo hormartay meeshii ay xariifkeeda Tuujiye iyo ragii kale fadhiyeen. Xariifadii Afro ahayd iyada oona libiqsanin ayey hal lows ah oo ay maalin cadaydii isha ku sii dhufsatay horaydiiba ka dhufsatay. Afro oo ku fikiraysa waa habeen oo lagu ma arko ayaa isla markiiba bishimaha intay kala fayday ku riixday halkii lowska ahaa. Nasiib daro Tuujiye oo ahaa nin aad u fiiro dheer ayaa isla il bidhiqsi gudaheed isha intuu ku xaday waxa ay Afro meesha ka waday dabadeed isa soo kala baaciyey isagoo ku hadaqaya "Hooy! Hooy! Afrooy! Haddaad halkaa lawska ah liqdo iyo hadddii aad soo tuftoba intaba waad iga furantahay ee la soco." Afro waxay ahayd gabar Illaahay caqli iyo maskax badan ku manaystay markay digniinta loo jeediyey maqashay waxba ma ayna nixine waxay horay ooga gaarsiisay jab halkii lowska ahaa ka mida halka ay jabkii kalana banaanka usoo tuftay iyadoo dhahaysa : " Xabiibi ma rabo in aan hal lows ah ku kala tagno markaa jab anaa inoo khaarajiyey jabkii kalena waa kane hoo oo adu inoo khaaraji." Ninkii Tijaabo ahaa intuu jabkii ay Afro soo reebtay horay ooga dhuftay ayuu waxuu ku yiri orod oo gurigii qabo. Markuu Afro diray ka dib ayuu ragii oo qaar culumo yihiin dib ugu soo noqday isagoo waydiinaya in ay Afro saa ooga furantay iyo in kale. Ragii meesha joogay wax yar mooyee intooda badani waxay isku raaceen in arin tani xujo adag tahay oo culumada waa weyn loola tago. Sheekh magaciisa la oran Jiray Sheekh Faran ayaa loo la tagay si uu bal u furo xujada qabsatay xariifkii Tuujiye ahaa. Markii loo sharaxay ee uu sheekaddii dhuuxay ka dib wuxuu Sh.Faran ku soo gunaanaday in Tuujiye iyo Afro ay sii wada joogi karaan. Tuujiye markuu gaaray gurigiisii ayuu u waramay xaajiyadiisii Afro ka dibna dood gaaban oo sidan u dhacday ayaa dhex martay : Tuujiye: Xaajiyo ma ogtahay haduuna maanta Sheekh Faran cariga joogilahayn in dib oo danbeysa aadan indho ii saarteen? Afro: Maxaa? Tuujiye: Anoo ku dhahay halka lowska ah haddii aad liqdo iyo haddii aad tufto labada waad iga furantahay ayad jab idil iska cuntay. Afro: Ma ogtahay Tuujiyow haddaan markaa iyada ah rabilahaa in aan kala tagno jab baad tiriye in isaga dhan aan liqi lahaa oo aadan dib oo danbaysa indho ii saarteen? Tuujiye: Bal maxaad u wada liqi wayday aan aragno meesha aad ka dhacdee? Afro: Waan ogahay in aad baryahan danbe tii xumayd ee Wiilo la lahaa aad meelahaa iska qadhaafataan bal car hal danbe aan meelaha ku arko haddaanan gabigiisa dhanba hortaada liqin. Tuujiye: Haddaba waan kuu sheegay oo haddii aad hadda ka dib hal lows ah wada liqdo iyo haddii aad jab kaliya ka liqdo iyo haddii aad kiilooyin dhan dam ka siiso intaba waad iga furantahaye ee saa ula soco. Afro: War sow horta ma ogid markaan lowska cunaba in uu jacaylkeenu laba jibaarmo? Tuujiye: Warka badan naga dhaaf oo haddalkaanaga maqal waxan ku dhahay haddii lows danbe aan kugu arko banaanka ayaad tahay ama dhul ka qaad ama beer ka soo guro ama suuq ka soo kiilo miiso lows danbe yaana kaamaqlin oo yaana kugu arkin. Afro: Tuujiyow haddaas ayaad iska yeel-yeel-yeeshaa war lowska aan beeraha ka soo falan ama aan suuqa kasoo gadan muxuu yahay waa ogtahay inta jafadaqa yar ee xun la gado'e markaa gacaliye lows danbe igu arki maysid haddaad igu aragto anaa kaa gar daran'e ii soo fariiso bal oo kaalay shaahan cab. Tuujiye: Afro imaqal oo imaqal waxa aan ku sheegayo war ama aan kugu arko ama la dhuumo laakiin lows danbe hadduu bishimahaaga taabto banaanka ayaad tahay. Afro: Aboowe naga dhaaf wareerka badan oo kaalay aan cashaynee. Tuujiye: Ani ma kula cashaynaayi inta aa ka oranayso lows danbe bishimahayga saari maayo. Afro: Waa taan ku waayaa lows danbe bishimahayga saari maayo'e ee haddaba kaalay oo naga cashee niyow. Tuujiye: Horta orod oo soo rumayo dee. Afro: War wax yahow qalaadi haddaa cashada cunayso soo cun haddiikale intaada waan kuu ridayaa ee la soco. Tuujiye: Intayda ii rid, wax yahay gudaafada cuntaayi. Afro: Haddii aad ila cashayn waydo intaan beri baxo oon soo gato kiilo dhan ayaan hortaada ku dhilan doona haddii kale ila soo cun raashinka intuuna qaboobin. Tuujiye: Okey, Afro. Waan kula cashayni laakiin lows danbe yaana kaa maqlin. Afro: Balan waaye. ~//~
  19. Bal tana ku afreyso oo su'aalahan yar yar isku day in aad bal inaba jawaab u hesho. S1:Khilaafka joogtada ah ee ka dhexeeya odayga iyo cida walba oo raysal wasare ahaan us oo doorto, maxaa ugu wacan adeer? Ma ka siyaasad xumaa? Ma ka maamul iyo farsamo xumaa? Mise waa hawl isaga ka madax banaan oo meesha shisheeye kale ayaa gacmaha kula jira?! S2: Raysalwasaare kasta oo odaygu soo doorto durbaba way isku dhacaan haba isku dhacaane laakiin horta maxuu khilaafkoodu isla markaaba u gaaraa meel aan wax laga soo celin karin?! Shaqsiyan anu waxaan bataatanba ka soo horjeeda kaliya khilaafkan iyo farsamo xumadan faraha badan ee siyaasiin isku shega Somaliyed baryahan danbe caadaysteen een isla markaa wadan iyo maatitoona loogu aabo yeelayn. Hadda ma is fahanay Generalow?! Lagama yaabo in aan is fahano waayo midkeen ayaa waxaa u muuqata shaqsiyad, halka keena kalana ay u muuqato danta guud. Marka awoowe bahasha maskaxda ah bal manta uun yara tuuji, oo garo halka aan ka socdo?!
  20. Inkastoon su'aashaas u waday hebelka kale, Ishaad ka tuurtay aabbo. Is qabqabsigan bilaa ajandaha ah, wax walba ka filo weeye. Originally posted by Cirdey: No really. It was a clear sign of desperacy; one which may at last spell the end for many things.
  21. ^ Yet another worthless BS post packaged only to fool the brain dead.
  22. Dhibka kuu muuqda ma Poor Nuur uun baa?