-
Content Count
10,388 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
Whose fault will it be if those warmongering songs and the fight for nonsense influences alot of young people to die? rather than encouraging the problems to be sorted out through peaceful means & dialogue. Is Saado ali ready to be held accountable of what her tribal instigating songs bring? Salaam.
-
Aaliyyah Saado ali is doing the samething as murdering she is driving alot of young people to their coffins with her warmongering/tribal instigating songs. Salaam.
-
Maxkamad Degmada Hargeysa Oo Maanta Markii Ugu Horeysay Taariikhda Bilowday Dhageysiga Dacwada Nin Nebinimo Sheegtay Oo La Horkeenay. Hargeysa (Ramaas)Apr. 11, 2011- Maxkamada degmada Hargeysa, ayaa maanta si rasmi ah u bilowday dacwad ka dhan ah nin dhawaan sheegay in uu yahay Nebi ilaahay soo diray, kaasoo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amaanku. Ninkan ayaa magaciisa la yidhaahdaa Shariif Axmed Cabdi kana soo jeeda dalka Soomaaliya, isaga oo Somaliland ku sugnaa muddo sannado ah sida ay xaqijiyeen dad u aqoon u leh, ninkan oo muuqaal wadaad leh, ayaa sida oo kale la sheegay inuu sannadihii u dambeeyay ahaa macalin diinta bara carrurta. Waxa ay saaka ay markii ay furantay maxkamadu uu garsoorihii dacwada qaadayay sheegay in kiiska wadaadkan loo cuskan doono xeerka ciqaabta iyo shareecada Islaamka, maadaama oo uu ku xadgudbay diinta oo ah muqadas ka fog xumaan ka sheegid ahna caqiidada ay aaminsanyihiin shacabka Somaliland, iyada oo maalinta bari ah go’aan laga gaadhi doono dacwadan. Kiiskan oo ah kii uga layaabka badnaa oo soo mara taariikhda dacwadaha maxkamadaha dalka, iyada oo ay arrintan noqotay mid amakaag ku riday guud ahaan dadweynaha reer Somaliland oo u dhagtaagaya sida loo maarayn doono kiiskan ninkan. Ramaasnews Desk
-
oba hiloowlow why doesn't Sheikh Sharif visit Puntland? is it because his clan president? or Qaran president? Secondly remember the Jubba troops they are Gandhi's trained soldiers not just any random troops, why would Gandhi send them to Mogadishu when the regions he hails from need to be liberated first? His just putting his priorities first can't blame the old guy.
-
I think Prof. Gandhi is a smart man for refusing Sheikh Sharif's demands for those trained two thousand troops to be sent to Mogadishu instead of Jubboyiinka (which they were designed to liberate those regions). Why doesn't Sheikh Shariff ask for the training of his own troops from his own regions ( Jowhar, Ceeldheere, wankaweyn, Shabellaha dheexe etc to be sent to Mogadishu.
-
Somaliland grenade attack hits southern laascaanood
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
It's most likely SSC is behind it. Qarax Lala Eegtay Maleeshiyada SNM Ee Ku Sugan Magaalada Laascaanood. Garoowe: Wararka aan ka helayno magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ku sugnaa Saldhiga Police ka magaalada Laascaanood lagu weerar Bam Gacmeed. Qaraxan oo laga wada maqlayay guud ahaan magaalada ayaa ahaa mid aad u xoogwayn. Qaraxan oo khasaare gaarsiiyay qaar kamida Maleeshiyadii ku sugnayd aagu qaraxu ka dhacay, waxaa uu dhaawac u gaystay qaraxu sadex qof oo uu ku jiro Taliyaha Jamhada SNM u joogay Saldhiga Policeka oo lagu magacaabo Cali Axmed Shire oo isagu dhaawiciisu culusyahay. Maleeshiayda SNM oo dhowaanahan ahaa gacan ku gabad Banaanka aan uga soo bixin goobohoda goorta ay gaadho habeenkii ayaa hada loogu tagay goobo cayiman oo ay kaga sugan yihiin magaalda Laascaanood. Wixi warkan kasoo kordha kala soco Codka Shacabka SSC -
Mashallah.
-
Xukuumada Somaliland oo soo dhawaysay Guusha Madaxtinimo ee Ismaaciil Cumar Geele. http://www.togaherer.com/2011/04/09/xukuumada-somaliland-oo-soo-dhawaysay-guusha-madaxtinimo-ee-ismaaciil-cumar-geele/
-
DJIBOUTI — Results from presidential elections in the tiny Horn of Africa nation of Djibouti – third since 1994 reconciliation – show a massive win for incumbent President, Ismail Omar Guelleh. The head of the electoral commission Assoweh Idris Assoweh announced on Saturday morning (4 AM East Africa Time) that Mr Guelleh received over 72 per cent of the poll to defeat Mohamed Warsama Ragueh, an independent challenger and former Constitutional Council chairman. During a press conference held in the capital Djibouti, the results were reconfirmed by Djibouti’s home Affairs Minister, Yassin Elmi Bouh. He said the ruling People’s Rally for Progress (RPP) party has crushed the only opposition challenger, who received just 28 per cent of the vote. He added 69 per cent of the registered voters casted their votes. More than 150,000 people have registered to vote but the country’s prominent opposition parties — the Union for Democratic Change (UAD) and the Union of Democratic Movements (UMD) — have all boycotted the poll after they accused the government of lack of freedom and intermediation. This also sparked an outcry from human right groups. “As elections in Djibouti approach, the government has trampled on those very rights that make a vote free and fair,” said Rona Peligal Deputy Africa Director for Human Rights Watch. “Peaceful protests elsewhere in the region are no justification for the government to deny citizens their basic rights.” This will be Mr Guelleh’s third term in office even though the constitution before its reform by lawmakers in 2009 allowed only two terms in office. Djibouti has been ruled by Omar Guelleh’s family since independence from France in 1977. During the campaign, Mr Guelleh promised reforms and to resolve the country’s water and energy shortages. Mr Assoweh said he will announce the full result later today (Saturday afternoon/East Africa Time). The international community is watching the polls in the small strategic nation, but it is unclear if they will welcome the results. Djibouti, a former French colony lies between Eritrea and Somaliland and is home to France’s largest military base in Africa. It also hosts a major U.S. base and foreign navies patrolling the shipping lanes off the coast of Somalia to combat piracy.
-
^^^^ Unlike your websites who use videos of Chad/Sudan lol. We provide real videos & pictures. Of your leaders who defected to Sland.
-
lol@Awdal militia.
-
^^^^Kana SNM iyo Siilaanyo bu ku khafiifay.
-
Aaliyyah;704867 wrote: odeygan wayeelka ah waxa u fiican in uu tawbad keeno dadkana amaan siiyo sadexdiisa magaladodna imaan ku qabo salaam Islaanta Wayeelka ah ee Saado ali waxa uu ficaan inu tawbad keento inti dhimaan and cover herself/while quitting singing iyo music and stops instigating clannism between neighbours. Salaam
-
nuune somalis are land greedy in nature. If 11 million people can share Rwanda which is smaller than Jubbada Hoose alone. Jubbada Hoose + jubbada dhexe+Gedo can house atleast more than 30 million people lol. But of course somalis are land greedy to take in such a fact.
-
Tiradii Ugu Badnayd Ee Kooxda Nabadiidka Ee SSC Oo Soo Goosatay Iyo Nabadoon Sheegay In Ay La Jiraan Xukuumadda Somaliland (Hadhwanaagnews) Thursday, April 07, 2011 Hargeysa (HWN) Nabadoon Maxamuud Xaaji Axmed Aadan, oo ka mid ah cuqaasha deegaanada Buuhoodle ayaa maanta markii ugu horaysay shaaca ka qaaday Hargeysa (HWN) Nabadoon Maxamuud Xaaji Axmed Aadan, oo ka mid ah cuqaasha deegaanada Buuhoodle ayaa maanta markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in tiro ku dhaw lixdan ka mid ah maleeshiyada SSC ay ka soo goosatay isla markaana heshiis nabad ah la galeen dawlada Somaliland. Maxamuud Xaaji Axmed Aadan, mar uu maanta u waramayay shabakada wararka ee Hadhwanaagnews iyo wargeyska Haatuf, waxaanu tilmaamay in wixii maanta ka danbeeya ay ka shaqayn doonaan sidii nabad waarta looga gaadhi lahaa deegaamadii ay shaqaaqadu ka dhacday dhawaan ee kalshaale. Waxa kale oo uu xusay in deegaamada bariga oo dhan ay ka taagan tahay abaar xumi isla markaana dad iyo duunyaba ay u baahan yihiin sidii gacan looga geysan lahaa. Dhinaca kale waxa uu qurbo jooga beelaha dega gobolada bariga ee laascaanooda iyo buuhoodle uu u soo jeediyay in ay gacan wax tar leh ka geystaan deegaamada oo ay ka dayaan hubka iyo waxyeelada kale ee ay la raadinayaan, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa Markii hore wadanka dhibaa ka dhacday, dhibtii ka dhacdayna waxa lagaga heshiiyey in nabad la qaato, dhibtu horta waxa ay ka dhacday Kalshaale, waxa lagu guulaystay in la aaso, waxaana ka dambaysay in maxaabiistii la soo daayo, dhamaan beelaha waxa laga wada qaatay in nabada laga wada shaqeeyo oo nabada si fiican loo wada qaato. Markaa sidii nabada loo qaadan lahaa iyo sidii ciidamadii meesha dhibtu ka dhacday looga fogayn lahaa ayaa la isla garan waayey, dabadeedna waxaan goaan ka qaatay in cida aan u taliyaa in meelihii ay dhibtu ka dhacday ciidamadooda ka fogaystaan nabadana si wacan looga shaqeeyo. Labada dhinacna loo gurmado sidii colaada loogu gurmaday nabadana loogu gurmado. Markaa waxa la isla garan waayey aniga oo cabsi ka qaba dhinaca puntland dad siyaasiyiin ah oo laga soo galay inay ugu talo galeen in colaadu ay sii jiitanto sidaa darted ayaan ciidamada aan halkan keenay uga soo fogaynay. Cidii talo iga qaadanaysana insha allaahu waxaan leeyahay sidii colaada loogu gurmanayey nabada ha loogu gurmado. S: Nabadoon ma ciidamadii beeshaada ahaa ayaa inta ay nabadii qaatay soo xero galay? J: haa ciidamadii dhinaca beeshayda weeyi, kuwa kale oo dhinaca kale ah wixii aan talo siiyey waa ay iga talo qaateen oo inay Asbuucan yimaadaan baa laga yaabaa oo iyaguna ka soo baxaan. S: Intee Weeyi tirada maleeshiyadan beeshaada ka tirsan ee ka soo goostay Nabaddiidka ee Nabada Qaatay? J: Hada Kooxda Beeshayda ka tirsan ee nabada qaatay waa lixdameeye, kuwa kalena todobaadkan ayaa laga yaabaa inay yimaadaan oo inaan anigu noqdo ayay sugayeen qoladan ayuunbaan rabay in aan rug u sameeyo, cida kale ee iga talo qaadata oo isla beelaha reer Buhoodlena ka mid ah waxaanu ku heshiinay inay nabada ka shaqeeyaan, dhawaana waan kula soo xidhiidhsiin doonaan. S: Halkee ayaad hadda aad joogtaan? J: Hadda waxa uu ciidanku degan yahay Yeyle oo ka tirsan Soonka laascaanood, dhinicii dhibtu ka dhacdayna mar hore ayaa laga soo raray oo halkan ayay yimaadeen markaa iyaganaan booqasho ugu imid ina allaah marka aan dhinaca buhoodle ku noqdana waxaan leeyahay cid kasta waa in ay qaadataa nabada oo ay si wacan uga shaqeeyeen, cidii colaad ku jirtana si waxan nabada ha uga shaqeeyeen, maanta waad ogtihiin abaar ayaa alle nagu kiciyey, haddii wanaaga laga shaqeeyana waxa aanu illaahay ka rajaynaynaa inuu naga soo furan doono, cidkasta oo dadkaa Somaliland degana waxaanu leenahay si wacan nabada ha looga shaqeeyo. Anagu waxa aanu ka mid nahay beelaha Somaliland, dadna dhalasho ayaa naga dhaxaysa dadna dhulbaa naga dhexeeya anagu Somaliland ayaanu nahay fakir khaldana in dadka la siiyo maaha oo la marin habaabiyo, markaa goboladani waa Somaliland weeyi, markaa siyaasad ahaan baa Puntland loogu kaxeeyey dadkana meelo badan baa laga qaldayaa, waad ogtihiin xataa dadka Kililka Itoobiya degan oo inaga Somaliland iyo Puntland-ba ka baxsan baa jira oo hadana dhalasho aanu wadaagna, Masalan imika degmada la yimaado gaashaamo Somaliland ayay u yaqaanaan, dadka ka tirsana Danood iyo Degmada Bookh wali waxa ay isku yaqaanaan inay yihiin Puntland markaa waa siyaasad la sameeyey dadkani waa Somaliland. S: Deegaanadaasi waxa ka jiray Abaar Baahsan oo saamaysay dadka iyo duunyadaba, hadda xaalada dadku waa sidee oo ma la filayaa in dhulkaasi uu roob ka dao? J: Dadka iyo duunyaduba aad ayay u julicsan yihiin inkasta oo daruuri muuqato hadana wax roob ah oo daay ma jiro dadkuna aad ayay u jilicsan yihiin inkasta oo meelaha waxoogaa biyo ah la geeyey oo dadka jaaliyada iyo iyo hayaddo dhinaca Somaliland ka yimidiyo hadana dadku aad ayay u julicsan yihiin oo cid wax gaadhsiin kartaa ma jirto alle mooyee, ilaahayna waxaanu ka rajaynaynaa in daruurtaasi cirka saaran uu noo diiyo markaa dadku aad ayuu u jilicsan yahay. Najax Aadan Cunaaye Hadhwanaagnews/Office
-
I don't get waxa lagu haysto The_Zack if he wants to support his uncle's mamuul (Azania/Jubbaland) and talk about it nothing wrong with it. Afterall daadkiisa ba deegan meesha.
-
Dakhaatiir Australian Ah Oo Maanta Somaliland U Yimi Hawlo Qalliin iyo Duruus Cafimaad Oo Ay Ka Bixin Doonaan Jaamacadda Hargeysa Iyo Edna Aadan Hospital. http://oodweynenews.com/news/62534-dhakhaatiir-australian-ah-oo-maanta-somaliland-u-yimi-hawlo-qalliin-iyo-duruus-cafimaad-oo-ay-ka-bixin-doonaan-jaamacadda-hargeysa-iyo-edna-aadan-sawiro-2.html