-
Content Count
10,388 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
Ceerigaabo Fursadaha cusub ee dugsiga tababarka xirfadaha candlelight ceerigabo (EVTC) Thursday, March 31, 2011 Ceerigaabo (HWN) waxaa loogu bushaaraynayaa dadweynaha ku xiiseeya waxbarashada ku saabsan xirfada in dugsiga tababarka xirfadaha ceerigabo uu fursadiisi todobaad uu qaadan doono bishan march. Ceeri gaabo (HWN) waxaa loogu bushaaraynayaa dadweynaha ku xiiseeya waxbarashada ku saabsan xirfada in dugsiga tababarka xirfadaha ceerigabo uu fursadiisi todobaad uu qaadan doono bishan march. dugsigaas oo mudo afar sano ah ka furaa magalo madaxda gobolka sanaag ceerigaabo lagana heli jirey xirfadaha noocyadeeda kala duwan ayaa iminkana wuxuu diyaar ku yahay inuu qaadto xirfadaha kala duwan sida:- A- Secretariat (xooghaynimo) - Computer - Accounting - Financial maths - English B- Tailoring ?(dawaarka) mid casri iyo dhaqanba - practical - theory - Maths C- Cookery (cunto karin) - Small bussiness - theory - practical D- Electronics and I/T - practical - theory - english - I/T information technology Dugsiga EVTC ayaa waxaa ka qalin jebiyay arday gaadhaysa 1000 arday oo ku kala qalabaysan xirfado kala duwa ardaydaas oo aqoontoodu wax badan ka bedeshay gobolka gaar ahaan dhalinyarada iyagu ku nool ,xaga shaqa abuurkana ka qaadtay doorweyn. waxaa dugsigan maaulkiisa leh ama gacan ta ku haysa Haayda wadaniga ah ee gobolada soomaliland oo dhan ka dhex muuqata sanadihii u danbeeyey taaso magaceedu yahay (Candlelight for health Education,and Environment)CLHE. waxaa dugsigan maaulkiisa leh ama gacan ta ku haysa Haayda wadaniga ah ee gobolada soomaliland oo dhan ka dhex muuqata sanadihii u danbeeyey taaso magaceedu yahay (Candlelight for health Education,and Environment)CLHE. hadaba waxaa cid walba oo danaynaysaa iskulkaa ay degdeg ula xidhiidhan maamulka dugsiga.
-
Safarkii Mahadhada Reebay Ee Cali Warancade Ku Soo Maray Koonfurta Sudan Iyo Mucjisooyinka Xusuusta Reebay Ee U Gaarka Ahaa Socdaalkii Uu Ku Yimi Kampala. (Hadhwanaagnews) Wednesday, March 30, 2011 Kampala-(HWN)- Wasiirkii hore ee Duulista Hawada ee JSL, Md Cali Maxamed Warancade, oo beryhan danbaba safar la yaab leh oo dhinaca dhulka ah ku maraayay dalalka bariga Afrika kaas oo qaatay muddo Laba bilood ah ayaa booaqasho ku yimi caasimada dalka Uganda Ee Kampala Kampala-(HWN)- Wasiirkii hore ee Duulista Hawada ee JSL, Md Cali Maxamed Warancade, oo beryhan danbaba safar la yaab leh oo dhinaca dhulka ah ku maraayay dalalka bariga Afrika kaas oo qaatay muddo Laba bilood ah ayaa booaqasho ku yimi caasimada dalka Uganda Ee Kampala ka hor intii aanu dib ugu noqon maanta caasimadda JSL, ee Hargeysa oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Cali Maxamed Warancade, oo ka soo galay dalka Uganda dhinaca dhulka isaga oo ka soo kicitimay dalka Koonfurta Sudan, waxa uu watay gaadhigiisii khaaska ahaa ee uu ku soo maray safarkiisii mucjisada ahaa ee dhinaca dhulka ee uu ku soo galaa bixiyay dalalka Ethiopia, iyo Koonfurta Sudan. Safarka uu Md Warancade, ku yimi caasimadda Kampala, oo qaatay muddo Laba cisho ah, waxa ku weheliyay Xaaskiisa iyo Wiil yar oo dhalay, waxaanu ka soo kicitimay caasimadda Koonfurta Sudan ee Juba, waxaanu ku soo galay Kampala gaadhigiisa khaaska ah oo ay ku xidhan tahay taarikada Somaliland, waxaanu dalkan Uganda si sharci ah ugu soo galay Baasaaboorka Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Mr Warancade, waxa si weyn u soo dhaweeyay Jaaliyadda Somalailnd eek u nool dalka Uganda, waxaanu kulamo la yeeshay jaaliyadda iyo ardayda Somaliland ee wax ka barata Jaamacaddaha dalka Uganda. Md Cali Maxamed Warancade, intii uu ku sugnaa caasimada Uganda ee Kampala, waxa qado sharaf casuumad ah oo si weyn loo soo agaasimay u sameeyay Aqoonyahanka caanka ah ee Somaliland Eng Axmed Muuse Oday, oo ah Gudoomiyaha Kuuliyada Waxbarashada Sare ee Ridgeway College, waxaanu uga xog waramay guud ahaan xaalada ay ku sugan yihiin Jaalliyada Somaliland ee dalkan ku nool iyo baahida keentay in uu aasaaso Kuuliyadan iyo qorshayaasha waxbarasho ee ay Kuulliyadu ku talo jirto in ay bixiso, waxaanu yidhi. Markii aan arkay baahiyaha ardayda Somaliland ee wax ka barata Jaamacadaha Uganda oo ay tiradoodu aad u sii kordhaysaa ay kala kulmaan waxbarashadooda, oo u badan dhinaca Luqada Ingiriisida, doorashada waxa ay baranayaan, iyo hababka la qabsiga Waxbarashada Jaamacadeed ayaan gartay in aan furo Kuuliyad sharci ah oo ka diiwaan gashan Dalkan Uganda, oo ay wax ka dhigaan macalimiin ay qoontooda iyo waayo aragnimadooduba ay aad u sarayso oo wax ka dhiga Jaamacaddaha Dalka Uganda, runtiina waxaan filayaa in uu *****li doono baahiyaha ay ardaydu qabaan, sidoo kale, Maaha in ay ardaydu ku koobnaato uun Waxbarashada Jaamacadaha oo kaliya, balse waxa noo qorshaysan sidii aanu halkan iyo dalkiiba uga furi lahayn Kuuliyado dalkan laga aqoonsan yahay oo lagu baran doono tababarka xirfadaha kala duwan oo ay hablo iyo wiilalba wax ka baran doonaan, taas u sahlaysa in ay helaan shahaadado caalami ah oo dhaxal gal ah oo u fududeeya in ay si fudud shaqo u helaan, sida la ogyahay dalkan Uganda waa dal dhisan oo ay waxbarashadiisu aad u sarayso, sidaa awgeed waxa aanu xoogga saari doonaa sidii aanu ardayda joogta gudaha dalkeenii iyo kuwa halkan joogaba aanu u siin lahayn fursadan. Qado sharaftan oo hab maamuuskeedu aad u sareeyay, oo ka dhacday hoolka shirarka ee Ridgeway College, waxa ka soo qayb galay aqoonyahano, Odayaal magac leh oo ka tirsan Jaaliyadda Somaliland ee degan Uganda, Ganacsato, qaar ka mid ah ardayda Somaliland ee wax ka barata Jaamacaddaha dalka Uganda iyo marti sharaf kale. Qado sharaftaa ka dib, waxa ay halkaa labada dhinac isku waydaarsadeen xogwaran iyo talooyin ku saabsan dalka iyo dadka Somaliland gudo iyo dibadba. Ugu horayn, Cali Warancade, waxa uu si mug leh uga xogwaramay ujeedada uu daaran yahay safarkiisan uu ku soo maray dalalka Ethiopia, Koonfurta Sudan, iyo dalkan Uganda, waxaanu ku nuux nuuxsaday xaaladaha siyaasadeed, nabadgelyo, dhaqaale iyo horumar ee uu dalku maanta ku sugan yahay, waxaanu si kal iyo laab ah ugu mahadnaqay sidii xushmada iyo qadarinta lahayd ee ay u soo dhaweeyeen Jaalliyada Somaliland ee dalkan Uganda, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay Eng Axmed Muuse Oday oo uu ku amaanay dadaalkiisa shakhsiga ah ee ku wajahan horumarinta iyo isku xidhnaanta Jaalliyada Somaliland ee Dalka Uganda, waxaanu ballan qaaday in uunu af iyo adinba waxba kala hadhi doonin sidii uu uga gacan siin lahaa ka midho dhalinta Himilooyinkan horumarka leh ee aadka u fiican, waxaanu carabka ku adkeeyay in uu dawladda iyo shacabka Somaliland gaadhsiin doono arrintan. Waxa madashaa la isku waydaarsaday talooyin iyo aragtiyo la xidhiidha kor u qaadista horumarinta iyo iskaashiga ka dhexeeya isku xidhnaanta Jaalliyada Somaliland ee dalka Uganda iyo shacabka iyo dawladda Somaliland si la isku dhaafsado wixii ay labada dhinac wada qaban karaan, waxaanu Md Warancade, isla habeenkaa ka qayb galay kulan martiqaad ah oo ay Ardayda Somaliland Ee wax ka barata Jaamacadaha dalka Uganda ugu sameeyeen Jaamacadda St, LAURANCE, ee ku taala magaalada Kampala, waxaanu ardayda kula dardaarmay qiimaha waxbarashada iyo adkaysiga dadaalka u baahan ee laga rabo ardayda, waxaanu ugu baaqay in ay ka faa:idaystaan kuulliyada Ridgeway Collage ee looga furay magaalada Kampala. Cali Warancade, oo waraysi khaas ah siiyay xafiiska wararka ee Shabakadda caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ee magaalada Kampala, ayay si qito dheer ugu dheeraaday sida uu mafsuudka uga noqday soo dhawyntii uu ka helay Jaalliyada Somaliland ee dalka Uganda iyo ardayda Somaliland ee wax ka barata Jaamacaddaha kala duwan ee ku yaala dalka Uganda.
-
lol@ Sheikh Shariff, Sheikh Sakiin & Farmaajo getting told off. I guess Mahiga is the boss of Mogadishu afterall.
-
What the Agenda of April 7th Conference in Nariobi Should be
Saalax replied to xiinfaniin's topic in Politics
The Zack;707429 wrote: LOOOOOOOOOOOOOOL@Villa AMISOM. That had me laughing for a while. XX is a funny dude that comes with killer lines. -
Good stuff.
-
Buuhoodlle: Puntland admin delivers food for drought relief..
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
Naxar Nugaaleed;707327 wrote: Somalina, i thought u were a konfurian, shabaab iyo isqarxis noga sheeke waxa kalena iska daaf... Ouch. I don't think it was really neccesary reminding her all those bombs and terror going down in South. -
Somaliland vice president opens new university laboratory + PICS
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Good stuff. Mashallah. -
Buuhoodlle: Puntland admin delivers food for drought relief..
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
Suldaan Garaase Oo Ceebi kaga Dhacday Buuhoodle ( Ha Aadin la haydaa) Shacabweynaha Magaaladda Buuhoodle ayaa maanta mudahaarad weyn kaga hor yimi kooxo Calooshood u shaqaystayaal ah oo uu horkacayo Suldaan Garaase iyo Garad Cabdilaahi Cali Ciid kuwaas oo olale ka dhan ah Shirweynaha Aqoonyahanadda *********** ee London wada isla markaasna Olale u ah Mr Faroole Kumanaan shacabweynahana oo ka cadheysayn xiligan Abaaraha iyo Colaaduhu ka jiraan Buuhoodle, xubnahan wada Siyaasadda lagu kala qeybinayo shacabka SSC kuwaas oo xiligii Colaada aan wax taageero ah la soo gaadhin wixii magaca shacabkan lagu keeneyna ku reebta magaaladooda isla markaasna Gurmadadii shacabka ee kalshaale ku hor joogsadayGaroowe. Ninkan Garaase iyo ina Cali ciid oo lagu xasuusto iney waagii garta kalshaale isaaqa u hodeen cuqaashii ka biyo diidey sida wax loo wadey iyagoo kaashanayey isimo reer buuhoodla aha ooy wax isla ogaayeen, ina cali ciid ayaa isna gartii ka dib qirtey intii gartu socotey in uu dhawrgoor ku booqdey madaxdii ******ka tuulada qorilugud oo markaa madaxda SNMta xarun u aheeyd. Shacabku waxa ay ka codsadeen Suldaan Garaase iyo Garad Cabdilaahi Cali Ciid in aanay magaaladda Soo galin ooy dib ugu noqdaan magaaladoodii Garoowe hase-yeeshe dhag jalaq uma aysan siin, taasina waxa ay sababtay in dhalinyaro gadoodsani ay Baabuurtii iyo lacag fara badan oo loogu talo galey in shacabka lagu kala furfuro, ay ka qaadeen kuwaas oo dhinac Jiidaha Ciidanku fadhiyo ula dhaqaaqay. Balse Dadaal uu sameeyey Xidhiidhiyaha labadda Gole Xariir Aw Cali iyo cuqaal xalaala ayaa dib ugu soo celiyey xubnahan baabuurtoodii. waxaana uu ka codsaday nimankii Garoowe ka yimi in ay maqlaan dhawaaqa shacabka ee ah in aysan doonayn Maamulka Garoowe ayna ka tashadeen. Waxaa la yaab ah in Suldaan Garaase uu maanta Buuhoodle ka wado olale ka dhan ah Midnimadda Beelaha *********** iyo shirweynaaha Aqoonyahanadda SSC isaga oo Olole u ah in *********** inuusan Gunimadda ka bixin una cuno duubnaado Maamulka Inaadeerkiis ee Garoowe waxase ka liita kuwa Dadnimadoodii siisanaya cad quudheedka. Allssc.com Buuhoodle, Soomaaliya. http://allssc.com/?p=7885 -
Wafti Uu Hor Kacayo Suldaanka Guud ee Beesha Baligubadle Oo Socdaal Ku tagay Tuuladda Abokor Axmed Iyo Nuxurka Socdaal Ay Dhawaan ku tagi doonaan Dalka Ethiopia (Hadhwanaagnews) Wednesday, March 30, 2011 Hargeysa (HWN) Wafti uu hogaaminayo suldaanka guud ee beesha Gobolka Hawd Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa maanta hore ka baxay Magaaladda Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd. Hargeysa (HWN) Wafti uu hogaaminayo suldaanka guud ee beesha Gobolka Hawd Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa maanta hore ka baxay Magaaladda Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd. Waftigan oo ay xubno ka ahaayeen Suldaan Barre Xaaji Xuseen, Suldaan Cabdilaahi Laydh, Suldaan Xuseen Xaaji Cabdilaahi iyo odayaal kale ayaa waxa ay ku sii jeedeen dhinaca dalka Ethiopia, balse waxa ay gaadheen Tuulada Abokor Axmed oo kaabiga ku haysa Yoocaale. Sulaadiinta iyo wax garadka kale ee ku wehelinayay socdaalkooda ayaa waxa ay ujeedadoodu ahayd sidii ay u soo indho indhayn lahaayeen xaaladda nabadgalayo, dhaqaale iyo waliba duruufaha ku xeeran shacabka halkaas degani. Dilkaas oo dhacay bishan badhtankeedii ayaa ahaa mid aad u fool xun oo ay qaar ka mid ah beesha ******** habeenimo ku mireen qoys. Waftigan oo u waramayay wariye Axmed Maxamed Cawaale oo ku sugan Magaaladda Baligubadle ee xarunta Gobolka Hawd ayaa sheegay in socdaalkoodu uu ku saabsan yahay sidii ay meel ugu ogaan lahaayeen cidii ka danbaysay dilkii dhawaan ka dhacay Deegaamada Hawdka, waxaanay xuseen in ay wadahadalo la yeelan doonaan dhinacyada ay khusayso arrintu. Socdaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ka dib dilkii foosha xumaa ay ciidamo dhinacyada ka tirsani isugu mici lisanayaan hawdka iyada oo aanay ilaa hadda la soo sheegin wax dagaal ah oo dhex maray labada dhinac. Gelinkii dambe ee maanta ayay dib ugu soo laabteen Magaaladda Baligubadle, waxaana lagu wadaa in ay maalmaha soo socda u baxaan dhinaca magaaladda Adis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkaas oo kulamo kula yeelan doonaan madaxda xukuumadda Federaalka dalkaas. Si kastaba ha ahaatee beelaha labada dhinac ee uu dilku dhex maray ayaa iyada oo lagu jiro wakhti abaareed ku kala hayaamay meelihii ay iska soo gaadhi jireen, waxaanay wararku sheegayaan in ay hadda qolo waliba dib ugu durugtay gudaha degsiimooyinkooda. Najax Aadan Cunaaye Hadhwanaagnews/Office
-
Xaaji Xunjuf;707228 wrote: Hargeysa(OWN)- Guddiga qaranka ee Takuulada Dadka ay abaaraha sameeyeen ayaa maanta ku dhawaaqay in ay 100 booyadod oo biyo ah ugu deeqeen Dadka ay abaaraha sameeyeen ee ku dhaqan Hawdka Somaliland iyo dadka reer Somaliland ee dagan gudaha Ethiopia. Sidaasina wax ay xubnaha gudiga maanta kaga dhawaqeen shir jaraaid oo aysi w ada jir ah u qabtaan wasiirada waxbarashada iyo boosaha iyo isgaadhsinta gudoomiyaha gobolka maroodijeex iyo agaasimyasha xafiiska samafalka madaxtoyada iyo wasaarada arimaha gudaha oo ka dhamaantood ka tirsan gudigaas ayaa waxa uu ka dhacay hudheel xaraf eeh magalaada hargeysa ugu damabayntiina wax ay masuuliyiintaasi kharasha ku baqaya 100 booyaadoo eeh biyaha ah ku wareejiye odaysha iyo cuqaasha deeganahasi biyo la aanta bani ay ka jiro wax ay masuuliyinttasi cuqaasha kula dardaarmeen in si xulkasnimo leh ay biyadhaamisku u fuliyaan Mashallah good job Somaliland government. It's the hawd of Somaliland & hawd reserve area of ethiopia though.
-
Buuhoodlle: Puntland admin delivers food for drought relief..
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
General Duke;707153 wrote: ^^^lol@ Khadar, adeer trust me I will not waste my time on this issue ever again. The secessionist know you better than I ever imagined. . I though you knew them better did they turned out to be strangers lol? -
Buuhoodlle: Puntland admin delivers food for drought relief..
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
Mudaharaad Ka Dhan Ah Isimo Reer Puntland Ah Oo Ka Dhacay Buuhoodle- Buuhoodle,(Lasanod Online)- Magaaladda Buuhoodle ayaa hadda degan, iyadoo duhurnimadii maanta uuka dhacay mudaharaad balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen.. bulshadda reer buuhoodle qeybaheeda kala duwani. Mudaharaadkan ayaa looga soo horjeeday koox isimo ah oo ka socdatey maamulka Puntland oo ay weheliyeen xildhibaano iyo saraakiil kale oo maamulka puntland ka socday. Inta uusan bilaaban mudaharaadkan waxay shacabka reer buuhoodle ka codsadeen Suldaan Garaase iyo Garaad Cabdilaahi Cali Ciid in aanay magaaladda Soo gelin ooy dib ugu noqdaan magaaladoodii Garoowe hase-yeeshe dhag jalaq uma aysan siin. Taasina waxa ay sababtay in dhalinyaro gadoodsani ay Baabuurtii iyo lacag fara badan oo loogu talo galey in shacabka lagu kala furfuro, ay ka qaadeen kuwaas oo dhinac Jiidaha Ciidanku fadhiyo ula dhaqaaqay. Balse Dadaal uu sameeyey Xidhiidhiyaha labadda Gole Xariir Aw Cali iyo cuqaal kale ayaa dib ugu soo celiyey xubnahan baabuurtoodii. Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu soo diray Isimaddan ayna ka kamid ahaayeen kuwa ka soo jeeda SSC, iyaga oo wadey qorshe aan la ogeyn uu soo dajiyay maamulka puntland. -
Buuhoodlle: Puntland admin delivers food for drought relief..
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
^^^ That is from SSC websites not me. Cry me a river kid. http://www.jidbaale.com/index.php?option=com_content&view=article&id=1394:faah-faahin-wajigabaxii-kaga-dhacay-buuhoodle-kooxdii-suldaan-garaase-iyo-gawaadhidii-oo-laga-wareegaywarbixin&catid=42:wararka-af-somali -
Buuhoodlle: Puntland admin delivers food for drought relief..
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
Ceebtii Kaga Dhacday Buuhoodle Duqaydii Faroole U Adeegayay ( Halkan KA Dhagayso). From allssc. Garoowe: Warrarka isa soo taraya ee ka imanaya Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn ayaa sheegaya in ay odayaal dhowaan ka baqoolay Magaalada Garoowe ay kala kulmeen wajigabax iyo Fadeexad tii ugu darayd ee Isim Soomaaliyeed soo Foodsaarta waligeed. Isimadan oo ay horkacayeen Suldaan Garaase oo beesha Abokor Ciise ay ku caana shubteen 1992 iyo Cabdilahi Cali Ciid oo uu ku caana shubay Cabdilahi Yusuf aanse wali beeshiisu si buuxda isugu raacin ay doolaal ku tageen magaalda Buuhoodle. Odayaashan ayaa hore u galay Gar ay isugu yimaadeen Odayaasha Gobolka Cayn iyo Qolyo Dhulboob aha oo kasoo duulay Bariga Burco, Isimadan ayaa la saftay Beesha Bariga Burco iyaga oo durba isaga laabtay Magaalada Garoowe dhagna jalaq u siinwaayay Dalabkii Shacabka Gobolka Cayn. Odayashan oo aan marnaba filayn Guushii ay gaadheen Shacabka iyo Maamulka SSC ayaa dib ugu soo rogaal celiyay Magaalada Buuhoodle iyaga oo doonaya Dalab raqiisa iyo inay dib u helaan Kalsoonidii Faroole hore u luntay ee aan dib loo helayn. Odayasha hada u soo cumaamatay Magaalada Buuhoodle ayaan cag soo dhigin intii ay dhibaatada Colaada iyo Abaartu ka taagnayd se maanta uyimi kala furfurka Bulsha weynta iyo Maamulka SSC, Odayaashan ayaa Mowqifka u weyn aha inay ka saxeexdaan waraaqo cad cad oo lagu diidan yahay Shirka Aqoonyahanka *********** oo Jamhada SNM iyo SSDF ba u arkaan in dad hore ugu cuna duubnaa ay bananaka ka maridoonaan. Isku soowada duuboo Faroole ayaa ku hoos dhacay Garaase oo ay isku beelyihiin si uu cimaamadiisa maanta u huwiyo ceebtiisana u asturo , waxana uu ka dalbaday Garaase oo aan sharaf badan lahayn in uu *********** uga keeno Saxeexo farabadan oo ay ka mid yihiin Kan uu doonayo inuu kaga qayb galo Shirka Dhowaan Maamul Goboleedada Soomaaliyeed lagu qabanayo Dalka Kenya, Maamulka SSC ayaa Hore u helay Casumaada y Maamul Goboleedadu isugu imanayaan Dalka Kenya Bilahan fooda inagu soo haya. Dhinaca kale waxaa la sheegayaa in Gaadhigii Garaase oo ay saarnayd Lacag Faalso ah uu hada ku sugan yahay Jiida hore Hagoogane , talada la rogrogayaana tahay in sida ugu dhakhsaha badan loosaaro qori looga hortago dhamaan cadowga SNM iyo SSDF ba. http://allssc.com/?p=7892 -
Somalia: British Delegation visited Garowe, meet SSC elders..pics
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
Mudaharaad Balaadhan Oo Maanta Ka Dhacay Deegaanka Buhoodle iyo Wefti Ka Socday Mamuul Goboleedka (Pirateland - Puntland) Oo Wajigabax La Kulmay. http://oodweynenews.com/news/60829-mudaharaad-balaadhan-oo-maanta-ka-dhacay-deegaanka-buuhoodle-iyo-wefti-ka-socday-maamul-goboleedka-buntland-oo-wejigabax-la-kulmay-2.html -
Buuhoodlle: Puntland admin delivers food for drought relief..
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
^^^ Well good from now you should stay from SSC affairs. Unless you want another humiliation like your elder Garaase. Faah faahin Wajigabaxii kaga dhacay Buuhoodle Kooxdii Suldaan Garaase iyo gawaadhidii oo laga wareegay.{Warbixin}. Waxaa abaaro 11:subaxnimo soo gaadhay magaalada Buuhoodle koox uu hogaaminayey Suldaan Siciid Garaase oo ka soo kicitimay magaalada Garoowe. Kooxda isimkani hogaaminayey ayaa waxaa ay wadeen shirqool ka dhan ah shacabka Buuhoodle iyo guud ahaan kan SSC. Markii ay magaalada Soo galeen ayey la kulmeen kumanyaal dad ah oo mudaharaadaya kuwaasoo ku qaylinaya erayo ka dhan ah maamulka Faroole iyo odayaashan soo horgalayba. SHacabka ayaa isla markiiba dhagax tuur, qaylo iyo weliba gacan ka hadal kala hortagay Kooxdan dilaalinta ah. Waxaana shacabka rasaas ku furay ilaaladii Madaxdhaqameedkan iyo xubnaha barlaamaanka ah ee la socdey, iyo weliba kooxyar oo ilaalisa Madiidin ina Faruur oo asagu ah shakhsi si daacadnimo leh ugu adeega Faaroole, waxaana taasi ay dhalisay in qaar ka mid ah ciidamada deegaanka Buuhoodle ay xoog kula wareegaan gaadhigii uu saarnaa Garaase ayaa la sheegay in xoogaga ciidanka koowaad ee Guutada difaaca Maygaagle ay gaadhigiisa la wareegeen ayagoo asagana afka cida ugu daray meel banaanka ka ah suuqa weyn ee Buuhoodle. Shacabkii ayaa ka dibna erayadey Kooxdii Garaase, ayadoo ay gudaha u galeen saldhiga booliska ee magaalada Buuhoodle, halkaasoo ay kooxda calooshood nu shaqaystayaasha ah ee ina Faarax Faruur ku ilaalinaya, shacabkii iyo ciidamada SSC oo hubaysan ayaa ku gadaaman hareeraha saldhiga ayagoo dalbanaya in magaaalada ay kooxdan deg deg uga baxaan maadaaba la fahmay ujeedka socdaalkooda oo warbaahinta SSC ay xalayba ka warheshay. Gaadhiga ayaa waxaa lagala degay lacag lagu qiyaasay $60,000 taasoo ay si rasmi ah u qaniimaysteen ciidanka jiida hore, waxaana lacagtan ujeedkeedu ahaa in loo adeegsado saxeex qaadida madaxdhaqameedka Buuhoodle iyo weliba cuqaasha qaarkood. Wariyaal isku dayey inay la hadlaan Suldaan gaaraase oo hada ku sugan Saldhiga magaalada Buuhoodle ayuu si kullul ula hadlay waxaana ka mid aha erayadiisii” Dadkaan Garoowe ku biili jirey aan Masruufka ka bixinayney ayaa aniga maanta sidaas ii galaya” ma fileyn in dad *********** ahi ay maanta naga maarmaan oo in ay noo shaqeeyaan mooyaane aysan noola dhaqmaan ” ayuu si cadho leh u yidhi Suldaanku. Kooxdii ina Faarax Faruur iyo xubno kale ayaa isku dayey inay ka daba tagaan gaadhi, kuwaasoo iska hor’imaad ka dhacay ayaga ciidanka Deegaanka, waxaana ka dhashay dhawaac labo ruux oo weli aan la cadeyn dhinaca ay ka tirsan yihiin. Wararkii ugu danbeeyey ee hada naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle, ayaa sheegaya in hada la wado waan waan ah, in loo ogolaado in ay si nabad ah uga baxaan magaalada Garaase iyo ciidankiisu. Wararka dheeraad ah, Sawirada banaanbaxa, iyo weliba faah faahin kale dhawaan isha ku hay. http://horufadhi.com/2011/03/30/faah-faahin-wajigabaxii-kaga-dhacay-buuhoodle-kooxdii-suldaan-garaase-iyo-gawaadhidii-oo-laga-wareegay-warbixin/ -
Buuhoodlle: Puntland admin delivers food for drought relief..
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
Poor Duke. This shall be a lesson to you and Faroole's likes never get involved between (Neighbours) or you will get hurt in the middle. -
Buuhoodlle: Puntland admin delivers food for drought relief..
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
Mudaharaad Balaadhan Oo Maanta Ka Dhacay Deegaanka Buhoodle iyo Wefti Ka Socday Mamuul Goboleedka (Pirateland - Puntland) Oo Wajigabax La Kulmay. http://oodweynenews.com/news/60829-mudaharaad-balaadhan-oo-maanta-ka-dhacay-deegaanka-buuhoodle-iyo-wefti-ka-socday-maamul-goboleedka-buntland-oo-wejigabax-la-kulmay-2.html -
What the Agenda of April 7th Conference in Nariobi Should be
Saalax replied to xiinfaniin's topic in Politics
Xaaji Xunjuf;707317 wrote: What if Amiir godane just builds his own Villa Somalia some where in daynile or Merca i mean Villa Somalia is not Villa Somalia any more awoow it's now Villa Amisom. Villa Amisom@ looooooooool. That is a killer. -
Mudaharaad Ka Dhan Ah Isimo Reer Puntland Ah Oo Ka Dhacay Buuhoodle- Buuhoodle,(Lasanod Online)- Magaaladda Buuhoodle ayaa hadda degan, iyadoo duhurnimadii maanta uuka dhacay mudaharaad balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen.. bulshadda reer buuhoodle qeybaheeda kala duwani. Mudaharaadkan ayaa looga soo horjeeday koox isimo ah oo ka socdatey maamulka Puntland oo ay weheliyeen xildhibaano iyo saraakiil kale oo maamulka puntland ka socday. Inta uusan bilaaban mudaharaadkan waxay shacabka reer buuhoodle ka codsadeen Suldaan Garaase iyo Garaad Cabdilaahi Cali Ciid in aanay magaaladda Soo gelin ooy dib ugu noqdaan magaaladoodii Garoowe hase-yeeshe dhag jalaq uma aysan siin. Taasina waxa ay sababtay in dhalinyaro gadoodsani ay Baabuurtii iyo lacag fara badan oo loogu talo galey in shacabka lagu kala furfuro, ay ka qaadeen kuwaas oo dhinac Jiidaha Ciidanku fadhiyo ula dhaqaaqay. Balse Dadaal uu sameeyey Xidhiidhiyaha labadda Gole Xariir Aw Cali iyo cuqaal kale ayaa dib ugu soo celiyey xubnahan baabuurtoodii. Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu soo diray Isimaddan ayna ka kamid ahaayeen kuwa ka soo jeeda SSC, iyaga oo wadey qorshe aan la ogeyn uu soo dajiyay maamulka puntland.
-
Faah faahin Wajigabaxii kaga dhacay Buuhoodle Kooxdii Suldaan Garaase iyo gawaadhidii oo laga wareegay.{Warbixin}. Waxaa abaaro 11:subaxnimo soo gaadhay magaalada Buuhoodle koox uu hogaaminayey Suldaan Siciid Garaase oo ka soo kicitimay magaalada Garoowe. Kooxda isimkani hogaaminayey ayaa waxaa ay wadeen shirqool ka dhan ah shacabka Buuhoodle iyo guud ahaan kan SSC. Markii ay magaalada Soo galeen ayey la kulmeen kumanyaal dad ah oo mudaharaadaya kuwaasoo ku qaylinaya erayo ka dhan ah maamulka Faroole iyo odayaashan soo horgalayba. SHacabka ayaa isla markiiba dhagax tuur, qaylo iyo weliba gacan ka hadal kala hortagay Kooxdan dilaalinta ah. Waxaana shacabka rasaas ku furay ilaaladii Madaxdhaqameedkan iyo xubnaha barlaamaanka ah ee la socdey, iyo weliba kooxyar oo ilaalisa Madiidin ina Faruur oo asagu ah shakhsi si daacadnimo leh ugu adeega Faaroole, waxaana taasi ay dhalisay in qaar ka mid ah ciidamada deegaanka Buuhoodle ay xoog kula wareegaan gaadhigii uu saarnaa Garaase ayaa la sheegay in xoogaga ciidanka koowaad ee Guutada difaaca Maygaagle ay gaadhigiisa la wareegeen ayagoo asagana afka cida ugu daray meel banaanka ka ah suuqa weyn ee Buuhoodle. Shacabkii ayaa ka dibna erayadey Kooxdii Garaase, ayadoo ay gudaha u galeen saldhiga booliska ee magaalada Buuhoodle, halkaasoo ay kooxda calooshood nu shaqaystayaasha ah ee ina Faarax Faruur ku ilaalinaya, shacabkii iyo ciidamada SSC oo hubaysan ayaa ku gadaaman hareeraha saldhiga ayagoo dalbanaya in magaaalada ay kooxdan deg deg uga baxaan maadaaba la fahmay ujeedka socdaalkooda oo warbaahinta SSC ay xalayba ka warheshay. Gaadhiga ayaa waxaa lagala degay lacag lagu qiyaasay $60,000 taasoo ay si rasmi ah u qaniimaysteen ciidanka jiida hore, waxaana lacagtan ujeedkeedu ahaa in loo adeegsado saxeex qaadida madaxdhaqameedka Buuhoodle iyo weliba cuqaasha qaarkood. Wariyaal isku dayey inay la hadlaan Suldaan gaaraase oo hada ku sugan Saldhiga magaalada Buuhoodle ayuu si kullul ula hadlay waxaana ka mid aha erayadiisii” Dadkaan Garoowe ku biili jirey aan Masruufka ka bixinayney ayaa aniga maanta sidaas ii galaya” ma fileyn in dad *********** ahi ay maanta naga maarmaan oo in ay noo shaqeeyaan mooyaane aysan noola dhaqmaan ” ayuu si cadho leh u yidhi Suldaanku. Kooxdii ina Faarax Faruur iyo xubno kale ayaa isku dayey inay ka daba tagaan gaadhi, kuwaasoo iska hor’imaad ka dhacay ayaga ciidanka Deegaanka, waxaana ka dhashay dhawaac labo ruux oo weli aan la cadeyn dhinaca ay ka tirsan yihiin. Wararkii ugu danbeeyey ee hada naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle, ayaa sheegaya in hada la wado waan waan ah, in loo ogolaado in ay si nabad ah uga baxaan magaalada Garaase iyo ciidankiisu. Wararka dheeraad ah, Sawirada banaanbaxa, iyo weliba faah faahin kale dhawaan isha ku hay. http://horufadhi.com/2011/03/30/faah-faahin-wajigabaxii-kaga-dhacay-buuhoodle-kooxdii-suldaan-garaase-iyo-gawaadhidii-oo-laga-wareegay-warbixin/
-
Xaaji Xunjuf;707280 wrote: Reer Buuhoodle oo Maanta Cashar aan Horey loo Arag u dhigay Oday dhaqameedyo Ka Yimid Magaalada Goroowe 30/03/11-Buuhoodle-(Bnn) Wararka ka imanaya magaalada Buuhoodle ee deegaanka gobalka muranka badani ka taagan yahay ayaa sheegay in maanta gaadiidkii ay wateen qaar kamida Garaadada iyo Oday dhaqameedyo ka yimid Magaalo Madaxda Puntiland ee Garoowe ,laga fara maroojiyey isla markaana lagu yidhi idin soo dhaweyn maynee naga noqda. sida uu ku waramay Wariye Xagar oo ka tirsan Idaacadda BBC oo warbixintiisii maanta warkii duhur nimo ku sheegay dadka deegaankaasi inay diidmo kala horyimaadeen xubnaha Oday dhaqameedka ka soo kicitimay xarunta maamul gobaleedka Puntland ee Garawe. wararku waxay intaa ku darayaan dadka deegaankaasi Buuhoodle inay ku andacoonayaan inaysan kala sokeyn Somaliland iyo Punlland isla markaana aysan rabin midkoodna waa sida hadalka loo dhigaye.taas oo aad mooddo inay taageero siinayso Maamulka la baxay SSC ee dagaalka hubaysan kulajira ciidamada qaranka Somaliland,balse ay tahay markii ugu horeysay ee ay maamulka Buuhoodle siyaasad ahaan sheegaan inay si cad uga soo horjeedaan dadka ka soo jeeda Garawe. Gaadhigii uu lahaa Suldaan Garaase ayey wararku sheegayaan inay dablay hubaysani xoog kaga kaxaysteen Suldaanka oo ahaa madaxa wafdiga Oday dhaqameedka ka soo kicitimay Garawe ilaa iyo haddana ay uu wali gaadhiga Suldaaanku gacanta ugu jiro Dableyda hubaysan ee reer Buuhoodle. Interesting.