Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,390
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. AfricaOwn;714730 wrote: I know couple of dudes that will see that red carpet and they will lose it. put them on a suicide watch.
  2. Xaaji Xunjuf;714751 wrote: Kooxda SNM iyo USC ee UK oo xaflad u dhigaya CasayrLand Waxaa magaalada London ka socota qaban-qaabo ey wadaan kooxda SNM iyo USCoo ey lacago uugu aruurinayaan xaflad loo dhigi doono maamulka aan saldhiga iyo taageerada toona laheyn ee Casyerland. Hadaba maxey tahay sababta ey u taageerayaan kooxda SNM iyo USC, akhristow waxaan dhowaanta la-soconey in magaalada Galkacyo lagu xirey Prof Lasoraani isagoo loogashakisanaa inuu lacag kasoo qaadey Dowlada Villa-Soomaaliya gaar-ahaan Madaxweyne Shariif Axmed, read more here http://www.allsanaag.com/Details.asp?id=7261 lol so they are already paranoid about ras casayr.
  3. Xaaji Xunjuf;714713 wrote: We shall see duke Salax Raas caseyr wa inaynu so dhaweyno wa niman dhulkooda u tashaday oo diiday qablayadi faroole Rascaseyr website on Somaliland. Wefti uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo socdaal ku jooga dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa kulamo la yeesho masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Safiirro. Warsaxaafadeed ay Madaxtooyadu ka soo saartay socdaalka Madaxweynaha, ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu kulamo la qaatay masuuliyiin uu ka mid yahay Safiirka Dalka Hindiya u fadhiya Imaaraadka, isla markaana ay ka wada hadleen arrimo kala duwan. Warsaxaafadeedkaasi wuxuu u dhignaa sidan; “Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu Hogaaminaayo kuna sugan Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa waxa Maanta (25/04/2011) ku soo bookhday Madaxweynaha JSL, Hotel-ka uu Degan yahay Safiirka Waddanka HINDIA u fadhiya Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Mr. Lokesh Mysore Kapanaiah. Safiirka oo kulan Saacaddo qaatay la yeeshay Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa waxa uu ka hadlay Aragtida Wadankiisu uu ka qabo Somaliland iyo Guud ahaanba Mandaqada Geeska Afrikada Bari Gaar ahaana Dhinaca Nabad-gelyada, Budhcad-badeeda, Argagixisada dhinaca Dhaqaalaha intaba. Safiirku waxa uu sheegay in uu Wadankisu ka war hayo in Somaliland tahay qayb markii hore ka mid ahayd waddankii laysku Odhan jiray Soomaaliya, laakin imika ay Muddo labaatan (20) sanno ah ay Goonideeda u taagnayd, in uu Waddanka Somaliland yahay waddan Mutaystay in la Gacan-qabto oo ku guulaystay inuu dhinaca Nabad-gelyada iyo Dhinaca Dimu-quraadiyada aad uga Horu-marro waddamada ku xeeran qaarkood gaar ahaana Waddankii uu markii hore ka mid ka ahaan jiray ee Soomaaliya oo isagu Weli ku sugan Xaalad Xasilooni Daro ah ayuu yidhi Safiirka waddanka Hindia u fadhiya Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta oo Madaxweynaha uga Waramaayey Aragtidiisa ku aadan Mandaqada iyo sida ay u arkaan wax-wada qabsi ay waddankiisu la yeeshaan Wadanka Somaliland. Safiirku waxa uu sheegay in waddanka Hindiya danaynayo wax la qabsi dhinaca Dhaqaalaha ah oo uu la yeesho wadanka Somaliland, waxaanu sheegay in uu Shirkaddo waa weyn oo waddankiisa ka soo jeedaa danaynayaan Maal-gashi gaar ahaana Dhinaca Macdanta. Madaxweynaha Somaliland ayaa isaguna dhiniciisa waxa uu uga waramay Safiirka Baahida ay Somaliland u qabto in ay somaliland wax la qabsato Hindia waxaanu warbixin ka bixiyey dhinaca Budhcad-badeeda iyo dhinaca Nabad-gelyada labada sidii loo sii adkayn lahaa Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay labadaasba ka bad-qabto Somaliland laakiin Nasiib darada haysataa Somaliland ay tahay in labadaasiba ay halis ku yihiin oo ay ku badan yihiin Wadanka la jaarka ah ee Soomaaliya ee ay la wadaagto bad-weynta hindiya ee Budhcad- badeedu hada ka ugaadhsato iyo Dhinaca Bada-cas gaar ahaana dhinaca Soomaaliya iyo weliba Argagixisada oo iyadu xarunba isagga noqotay Waddanka Soomaaliya oo Dabcan Somaliland-na mar-mar badan saamayn ku yeeshay. Laakiin waxa uu Madaxweynuhu uga waramay in ay shacbiga iyo Dawladda Somaliland-ba si wayn isaga kaashadeen sidii ay isaga Dayri lahaayeen dhibaatooyinkaa kaga imanaaya deriska ee la xidhiidha bada iyo beriga labadaba. Madaxweynuhu waxa uu dhiiri-geliyey Aragtida Safiirka ee ah in uu soo hogaamiyo ama soo dhiiri-geliyo shirkadaha waa weyn ee waddanka Hindia ee Maal-gashiga Somaliland diyaarka u ah ama Danaynaya. Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa kale oo uu safiirka kala hadlay dhinaca wax-barashada oo uu sheegay in wadanka Hindia ka caawin karo somaliland dhinaca wax-barashada gaar ahaan (Scholarships), Scholarship-yada dhinaca Ardayda Dhamaysatay Dugsiyada Sare iyo Jaamacadahaba ee reer Somaliland, Safiirkuna waxa uu soo Dhaweeyey Arrintaasi waxaanu sheegay in waddanka Hindia taa wax weyn ka qaban karayaan dalkiisana uu kula noqon doono. http://allcaseyr.net/2011/04/26/wefti-uu-hoggaaminayay-madaxweynaha-somaliland-axmed-maxamed-siilaanyo-oo-socdaal-ku-jooga-dalka-isu-tagga-imaaraadka-carabta-ayaa-kulamo-la-yeesho-masuuliyiin-kala-duwan-oo-ay-ka-mid-yihiin-safiirro/
  4. AfricaOwn;714732 wrote: As if Oodweyne has no ties to Erigavo? My thoughs exactly.
  5. XX. Walle wii dhaqaaqday indeed. Ras Casayr mamuul & leaders have already taken over the lands (Unlike those fake Qurbo Joog Mamuuls). It's no longer controlled by Puntland's Faroole.
  6. [quote=Xaaji Xunjuf;714692 Wasiiirka Hawlaha guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland Md. Caydiid, waxa uu sheegay inay dhakhso u curin doonaan dhismaha waddooyin cusub oo isku xidha dalalka Jabuuti iyo Somaliland, iyo magaalooyinka kala duwan ee dalka, waanu yidhi; “Waddooyin cusubi waa lagama maarmaan, waddadaa Ceerigaabo iyo Ina-Afmadoobe, waddooyinka raaci karaa waxa weeyaan Burco iyo Hargeysa oo waddo isku xidha la sameeyo oo wareeggan dheer ee shidaalka badan, wakhtiga iyo kharashka badiya ee kirada dadka ku qaaliyeeya laga kabto oo mid toosa la mari karo. Jabuuti waddo innagu xidhiidhisa oo Boorama la mariyo ama Hargeysa-ba toos looga dhaadhiciyo, waddooyinkaa Xeebaha ee Berbera xidhiidhiya Bari iyo Galbeedba ka taga oo meelo badan lagaga safro oo ay ka mid yihiin Xeebaha Bariga Berbera oo aan gaadhi qudhi u badheedhi Karin inuu kaligii maro, taasina ay noqonayso in muhiimadda la siiyo waddadaa Xeebta illaa Maydh, Ceerigaabo, Bari loo kaxeeyo Laasqoray iyo Ceelaayo laga gaadhsiiyo, dhinaca Dhahar mid laga saaro ayaa loo baahanayaa.” Gebagabadii kulankaa uu Wasiirka Hawlaha guud ku hortagay Guddi-hoosaadka joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, waxa uu kagaga dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii loo yarayn lahaa dhibaatada muranka dhulka oo uu sheegay inuu qayb ka yahay waxyaabaha nabadgalyada khalkhalin kara, maaddaama oo ay Guurti ahaan ka mid yihiin hay’adaha nabadgalyada iyo xasilloonida doorka weyn ka qaata ama ka shaqeeya. Excellent.
  7. Xaaji Xunjuf;714672 wrote: Cabdiwaaxid cabdiqaadir cabdiraxmaan a hard working man from sool region :cool:
  8. Last i remember Makhiir weren't even happy about SSC claiming Sanaag. Uga digid sheegashada dhul aanay lahayn Beesha *********** http://galgalanews.com/?p=10925
  9. Telesom Oo Deeq Computero iyo mishiin dabdhaliye ah ku wareejisay Jaamacada Tima Cade (Hadhwanaagnews) Tuesday, April 26, 2011 Gabiley(HWN)-Shirkada Isgaadhsiinta Telefoonada ee Telesom ayaa maanta qalab deeq ah oo ka koobanaa 10-computer iyo hal mashiin dab dhaliye ah oo 20-KV ah ku wareejisay Jaamacada Gobolka Gabiley ee Tima-Cadde University. Gabiley(HWN)-Shirkada Isgaadhsiinta Telefoonada ee Telesom ayaa maanta qalab deeq ah oo ka koobanaa 10-computer iyo hal mashiin dab dhaliye ah oo 20-KV ah ku wareejisay Jaamacada Gobolka Gabiley ee Tima-Cadde University. Munaasibadani ay shirkada Telesom qalabka ku wareejinaysay oo lagu qabtay Hoolka Jaamacada Tima-cadde ee magaalada Gabiley ayaa waxaa ka soo qayb galay badhasaab ku xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi C/laahi (Cali Case) masuuliyiin ka socday shirkada Telefoonada ee Telesom oo uu ka mid ahaa Madaxa Suuqgaynta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha Maxamed ***** Cilmi,Madaxa shirkada Telesom ee Gobolka Gabiley sheekh Maxamed Muumin Aadan, maamulka iyo macalimiinta jaamacadaasi iyo sidoo kale Culimada,cuqaasha iyo aqoonyahanada Gobolkaasi Gabiley iyo marti sharaf kale. Gudoomiyaha Jaamacada Timacadde Dr. Cismaan Aw Yuusuf Magan oo halkaasi ka hadlay ayaa kaga gudoomay deeqda waxbarasho ee shirkada Telesom ugu deeqday d Timacadde, waxaanu ka warramay baahida ay u qabeen qalabkaasi loogu deeqay isagoo sheegay inay baahida jaamacada qayb wayn ka *****li doono. Dr. Cismaan waxaa kale oo uu shirkada Telesom ku amaanay sida hagar la,aanta ah ee ay uga qayb qaataan horumarka waddanka, isagoo wakiil ka ah maamulka, macalimiinta, iyo ardayda jaamacadaasi waxaa uu halkaasi ka balan qaaday inay qalabkaasi uga faa,idayn doonaan sidii loogu talo galay. Cismaan Awyuusuf Magan sharaxayay Qalabka ay shirkadu ugu deeqday Jaamacada ayaa waxa uu yidhi "waa qalabkaasi deegda ah ee ay shirkada Telesom ugu deeqday Jaamacada Tima-cadde,deeqdaasi waxay ka kooban tahay 10-computer iyo hal mishiin laydh ah,shirkada Telesom waa shirkadii ugu horaysay ee noogu deeqda qalab wax barasho ,waxaana hubaal ah in ay baahida jaamacada qayb wayn ka *****li doonaan qalabkaasi,waxaan aamin sanahay in ay shirkada Telesom hor u mar balaadhan ka gaadhay dhinaca isgaadhsiinta,waxaa kale oo aynu ognahay in ay shirkada Telesom ay markasta mashaariicda hor u marinta ee wadanka si hagar la´aan ah uga qayb qaadato,mar ka hore Ilaahay baa mahad leh marka labaadna iyagaa mahad leh,aniga oo ku hadlaya magaca maamulka,ka macalimiinta iyo ardayda jaamacada Tima-cadde waxaanu ku balan qaadaynaa in aanu qalabkaasi wax barasho ee ay shirkada Telesom noogu deeqday in aanu sida ugu haboon uga faa´iidaysano Haddii Alle yidhaahdo,mar labaad iyo mar saddexaadba waanu u mahadnaynaa shirkada Telesom waxaanu leenahay Illaahay ha idinka jasaa;i siiyo hawshana halkaa ka sii wada" ayuu yidhi dr magan. Madaxa suuq gaynta iyo xidhiidhka dadwaynaha u qaabilsan shirkada Telesom Maxamed ***** Cilmi ayaa isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay maanta ku wareejinayaan jaamacada Timacade mishiin kuwa laydhka shida ah oo Toban KVA ah iyo toban kombuyuutar. Maxamed ***** Waxaa kale oo uu ka waramay taariikhdii shirkada Telesom iyo sida ay markasta diyaarka ugu yihiin inay ka qayb qaataan barnaamijyada arimaha bulshada, isagoo odayaasha reer Gabileyna ku amaanay kaalintii ay kasoo qaateen wakhtigii la aasaasayay una sheegay inay reer Gabiley ka mid yihiin dadka hantiilayaasha shirkada ugu badan. Maxamed ***** waxaa kale oo uu sheegay inay shirkad ahaan ka go,an tahay inay wixii ay ka heleen diyaar u yihiin inay qayb kusoo celiyaan, markasta iyo goostana ay sii xoojinayaan adeegyada cusub ee bulshada reer Somaliland u sahlaya nolol maalmeedkooda. Madaxa suuq gaynta iyo xidhiidhka dadwaynaha u qaabilsan shirkada Telesom Maxamed ***** Cilmi waxaa ka mid ahaa hadalladiisa "runtii anaga waxaa farxad aad iyo aad u wayn noo ah,goobtii ugu mudnayd dalka oo aanu maanta jaamacada ku guddonsiinay 10-computer iyo mishiin wayn oo ah 20KVA ah,shirkada Telesom iyo Gobolka Gabiley way isku badhaadheen sidaa uu sheekh Ciise sheegay,anaguna shirkad ahaan reer gabiley waxaa naga dhaxaysa wada shaqayn wakhtigii ay shirkadu soo degaysay iyo ilaa maanta aynu shaqada wada hayno,anagu dhinacayaga waxaanu hidinka sheegaynaynaa waa mahad". Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi "marka laga tago adeega ay shirkadu qabato waxaa jira shaqaaale ka soo jeeda gobolka oo aan ku qiyaasi karo ilaa 30 qof ama ka badan ayaa waxay ka shaqeeyaan Gobolkan,waxaan doonayay maanta mar haddii ay halkan joogaan odayaashii reer gabiley,marar badan waxaad idaacadaha ka maqasheen shirkada telesom runtii dadka gobolkani waxaa ka soo jeeda ama uu ka mid yahay kuwa ugu badan ee leh shirkada Telesom,dad gabiley ka maal gashaday,dad wajaale ka maal gashaday iyo kuwo badan oo Hargaysa ka maal gashaday. runtii weliba waxaan ogahay qaar ka mid ah ganacsatada ugu waa wayn ee ka soo jeeda gobolkani shirkadan qayb ayay ka yihiin oo dadka hantiileyaasha ah ayay ka mid yihiin,marar badan ayaa waxaad maqashaan cid akle ayaa leh waxba kama jiraan,runtii manfaca ay shirkadani Somaliland u leedahay wuu badan yahay,waxaa si toos ah uga shaqeeya ilaa 9000.qof,waxaa kale oo ay shirkadani hor mood ka ahayd xaga isgaadhsiinta iyada oo aynu go´doon ku jirno ayay telesom dalka timid,waxaan doonayay in aan odayaasha halkan uga sheego xaga shaqaalaha marka la eego in aad tihiin dadka hantiileyaasha ah,boqol qof ku dhaw-dhaw oo dadka reer gabiley ah ayaa daadka shirkadan leh ak mid ah". Ayuu yidhi. Badhasaab ku xigeenka gobolka Gabiley Cali Case oo munaasibadaasi hadal kasoo jeediyay ayaa ugu horayn si aada ugu mahad naqay shirkada isgaadhsiinta Telesom kaalmada fiican ee markasta ka gaystaan guud ahaan gobolada dalka Somaliland gaar ahaana dib u dhista iyo horumarinta gobolka Gabiley.Badhasaab ku xigeenku waxaa kale oo uu shirkada Telesom ku amaanay inay caan ku tahay kusoo celinta shacabka ay ka ganacsadaan oo ay inta badan kala qayb qaataan dib u dhiska dhinacya a kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo xusay in barnaamij kastana laga dhex arko shirkadaasi oo ka qayb qaadanaysa. Badhasaab ku xigeenku waxaa kale oo uu shirkada Telesom ku sheegay inay tahay shirkada ugu wanaagsan dhinaca shaqaalaysiinta shaqaalaha sidoo kalena ugu shaqaalaha badan dalka oo dhan , isagoo sheegay in shirkadani hore ugasoo qayb qaadatay horumarka gobolka Gabiley, shirkadaha kale ee wadanka ka ganacsadana waxaa uu ugu baaqay inay sidaasi Telesom oo kale wax kusoo Celiyaan. Jiif Caaqil Cabdi Ciidle Amaan iyo Caaqil Aw Ciise Gacanloo ayaa iyaguna labadooduba ka waramay kaalinta shirkada isgaadhsiina Telesom ku leedahay gobolka Gabiley iyagoo uga mahad celiyay deeqda ay maanta jaamacada ugu deeqeen iyagoo sheegay inaanay odayaashu bixin kareen hadii aanay maanta jirin shirkada Telesom. Najax Aadan Cunaaye Hadhwanaagnews/Office Hargeysa/Somaliland
  10. Haayada wadooyinka somaliland SRA oo Shaqooyin ka waday dhawanahan laamiga dheer ee isku xidha Laascanood iyo tukaraq ayaa soo gaba gaboobay. +Sawiro (Hadhwanaagnews) Tuesday, April 26, 2011 Laascaanood(HWN) Mareeyaha Haayada Wadooyinka Cabdiwaaxid cabdiqaadir cabdiraxmaan oo manta xadhiga ka jaray wadada isku xidha Laascaanood iyo tukaraq oo Soo gaba gaboobaay iyadooo ay Keentay Wadadaas shilal badan Mareeyaha Haayada Wadooyinka Cabdiwaaxid cabdiqaadir cabdiraxmaan Laascaanood(HWN) Mareeyaha Haayada Wadooyinka Cabdiwaaxid cabdiqaadir cabdiraxmaan oo manta xadhiga ka jaray wadada isku xidha Laascaanood iyo tukaraq oo Soo gaba gaboobaay iyadooo ay Keentay Wadadaas shilal badan. wadada isku xidha laascaanood iyo Tukaraq oo dhib wayn ka taagna,maalinkasta waxaa lagu arki jiray gaadhi dhacay ama laba gaadhi o isgalay taasi oo keentay dhib wayn ayaa tan iyo inti wadadan la hagaajiyay Yaraadeen Shilalkii badnaa ee ka iman jiray Wadadaasi. Maareeyaha Hayada wadooyinka Somaliland ee SRA C/waaxid C/qaadir C/raxmaan ayaa isagu si weyn ugu mahadnaqay dhamaan cidii gacanta ka gaysatay dhismaha isku xidha tukaraq iyo laascanood, kaasi oo uu sheegay in intii uu la wareegay Maamulka Hayadaasi ay talaabadii ugu horaysay ee uu qaaday ay ahayd dhismaha wadada dheer isla markaaana uu Illaahay ku guuleeyay wakhtigan xaadirka, waxaana uu xusay inay tani qayb ka tahay waxqabadki uu balan qaaday madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Maayarka goobolka Sool Axmed Awdaahir X.Xasan oo isna madashaasi ka hadlay ayaa umahadnaqay haayada SRA, maayarka ayaa sheegay in ay tahay wadadani wada Xun oo keentay dhib badan se manta waa wax alle loogu mahadnaqo wadadii dheeray ee shilalka badan keeni jirtay hadii manta la hagaajiyay. gabogabadii Xafladaasi ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Badhasaabka gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye Cabdilaahi Islaged Isagoo mahadnaq balaadhan oo uu soo jeediyay dhamaan marti sharafta iyo dadkii gacanta ka gaystay dhismaha Laamiga dheer, waxa uu sheegay inay wax lagu farxo tahay.
  11. Whatever helps you sleep better at night Back & Forth group aka Lugooyo group (SSC).
  12. Wafti Sare oo ka socota Raascasayr State oo gaaray Dagmada Bareed Wafti ka socda Maamulka Raascasayr State Of Somalia oo gaaray Magaalada Bareeda waxaa kalkaas ku soo dhoweeyay shacabnka Ku dhaqan Magaalada Bareeda . Waftiga ayaa waxaay la kulmeen qaybaha kala duwan ee bulshada waxay usoo bandhigeen sida ay uga shaqaynayaan horumarki adeegyada bulshada deeganaada Raascasayr State Shcabka ayaa aad ugu riyaaqay sidi wanaagsan ee xukuumada Raascasayr ay ugu adegayso dadka iyo deegaankaba . Waxayna Balan qaadeen shacabku inay la shaqaynayaan dhankoodana diyaar u yihiin amuuraha isbadalka deegaanada Raascasayr State . Allcaseyr.net
  13. Wafti Sare oo ka socota Raascasayr State oo gaaray Dagmada Bareed Wafti ka socda Maamulka Raascasayr State Of Somalia oo gaaray Magaalada Bareeda waxaa kalkaas ku soo dhoweeyay shacabnka Ku dhaqan Magaalada Bareeda . Waftiga ayaa waxaay la kulmeen qaybaha kala duwan ee bulshada waxay usoo bandhigeen sida ay uga shaqaynayaan horumarki adeegyada bulshada deeganaada Raascasayr State Shcabka ayaa aad ugu riyaaqay sidi wanaagsan ee xukuumada Raascasayr ay ugu adegayso dadka iyo deegaankaba . Waxayna Balan qaadeen shacabku inay la shaqaynayaan dhankoodana diyaar u yihiin amuuraha isbadalka deegaanada Raascasayr State . Allcaseyr.net
  14. Sawiiro kale. http://oodweynenews.com/news/67408-hargeysa-dhalinyaro-reer-somaliland-oo-ka-soo-badbaaday-dagaalada-libya-oo-ka-soo-degay-madaarka-hargeysa-sawiro.html
  15. Madaxweynaha Rascasayr State Iyo Maamulkiisa Oo Si Heer Qaran Loogu Soo Dhoweeyey Deegaanka Bareed(Daawo). Garoowe(Allssc): Wafti ka socda Maamulka Raascasayr State Of Somalia oo gaaray Magaalada Bareed ayaa waxaa kalkaas ku soo dhoweeyay shacabka Ku dhaqan Magaalada Bareed . Waftiga ayaa waxaay la kulmeen qaybaha kala duwan ee bulshada waxay usoo bandhigeen sida ay uga shaqaynayaan horumarki adeegyada bulshada deeganaada Raascasayr State Shcabka ayaa aad ugu riyaaqay sidi wanaagsan ee xukuumada Raascasayr ay ugu adegayso dadka iyo deegaankaba . Waxayna Balan qaadeen shacabku inay la shaqaynayaan dhankoodana diyaar u yihiin amuuraha isbadalka deegaanada Raascasayr State . Halkan Ka Daawo Sidii Quruxda Badnayd Ee Loosoo Dhoweeyey Waftigii Madaxweynaha Iyo Maamulka Raascasayr State Of Somalia.
  16. Jacaylbaro;714399 wrote: Good lesson ........... Somaliland should learn from this Yes indeed Somaliland can take lessons from this and prevent future jail breaks like this happening in their prisons.
  17. Beautiful Sanaag Mashallah. Second video Dawga Tabca = Road between Maydh - Rugay - Erigavo.
  18. Xaaji Xunjuf;714523 wrote: Mashallah nice allow roobka noo badi Mashallah indeed.