-
Content Count
10,388 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
Somaliland delegation meets with kuwaiti government officials+PICS
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
:cool: -
Somaliland delegation meets with kuwaiti government officials+PICS
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Dahiir culosow made it. http://waagacusub.net/news/30.04.11.2siilaanyo.htm -
Mudaharaad calanka Somaliya lala soo baxay oo ka dhacay Oodweyne
Saalax replied to Siciid1986's topic in Politics
Jacaylbaro;715649 wrote: It takes only one Blue bac to make the Anarchists happy ..... Ouch. -
Somaliland delegation meets with kuwaiti government officials+PICS
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
oba hiloowlow who made that photoshopping? Siilaanyo is content with Somaliland. Whoever edited it should keep the Somalia flag to themselfs. -
Xaaji Xunjuf;715544 wrote: they could be a good team though the two Mujahids. Who knows. They could be. Is-Xulufaysiga Cusub ee Hoggaankii SNM oo Taariikhdii Halganka ku soo Bandhigi Doona London FRIDAY, 29 APRIL 2011 Hargeysa(Togdhnews)-Mujaahid Axmed Mire iyo Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (dhago weyne) , oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii Garabkii mulatariga ee Ururkii SNM, ayaa lagu marti qaaday Aqalka Chatcham House ee dalka Ingiriiska, halkaasoo loo asteeyey in labada Mujaahid ay ka jeediyaan Taariikhda Garabkii Mulatari ee Xoogagii Ururkii SNM. Labadan Mujaahid ayaa sida qorshahu yahay waxay Taariikh Khubadeedka SNM ka jeedin doonaan Aqalka Chatcham House ee Magaalada London 15-ka May 2011-ka, wakhigaasoo oo ay hadda inaga xigaan muddo ka yar Saddex Todobaad, sidoo kale waxa Taariikh khudbadeedkooda la asteeyey in laga dhigo xuskii Sanad laha ahaa ee loo samay jiray 18-Ka May oo ah Maalinta Xoriyadda Somaliland oo hadda laga joogo Labaatan Sano. Ibraahim Dhaga weyne iyo Axmed Mire oo ka mid ahaa saraakiishii hormoodka ka ahayd halgankii dib u xoraynta, isla markaana lagu tilmaami jiray kuwo Hoodo ku lahaa hawlgaladii ay hormoodka ka ahaayeen mudadii halganku socday. Dadka ururiya Taariikhdii halganka ay Tusaale u soo qaataan marka laga hadlayo labadan Mujaahid hawlgalkii guda galka ee Ururkii SNM 1988-kii ku soo hujuumeen Fadhiisinada Ciidamadii Siyaad Bare ee fadhigoodu ahaa Burco iyo Hargeysa, labadaa hawl gal oo ay labada Mujaahid kala hogaaminayeen. Sidoo kalena, waxa ka mid ah mahadhooyinka taariikhda galay ee sida gaarka aha loogu xasuusto Mujaahid Axmed Mire iyo Ibraahin Dhega-weyne hawlgalkii Buuraha ee horaantii sideetaneeyadii, kaasoo uu hindisaha Hirgalintiisa lahaa Ibraahim Dhaga-weyne iyo hawlgalkii miidaamada ahaa ee Mujaahidiintii SNM ku bartilmaameedsadeen 27-kii May 1988-kii Magaalada Burco, kaasoo waqcad ku noqday kaligii taliyahaii Siyaad Bare, isla markaana kala daadiyey heshiiskii shirqoolka ahaa ee uu la galay Itoobiya. Haddaba inkastoo, labadan Mujaahid ay marar badan intii dalka lagu jiray siyaasada ku kala argti fogaayeen haddana waxa is cugashadooda wakhtigan dad badani ku fasiraan in ay tahay mid ka dhalatay gabaara-gurdaynta iyo guur-guurka siyaasadeed ee wakhigan doob-dilaacsaday, kaasoo kalifay in ay maanta kala guuraan saaxiibo markii hore isku cindanaa, balse aan isku dan ahayn, waana ta kaliftay in maanta kala durkaan Ibraahim Dhaga-weyne, Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin oo wakhiyada qaarkood shiishkoodu meel wada haystay. Waxaana dadka argtidaa qabaa Ibraahim Dhaga-weyne siyaasadiisa waqtigan ku fasiraan mid u jan-jeedha dhinaca Mujaahid Axmed Mire, oo wakhtiyada qaar ay kala fakir duwanaayeen, balse maanta isu soo dhawaanshahoodu uu labadoodaba faa’iido u yahay Sidoo kale waxa is-agjooga labada Mujaahid astaan u noqon doonaan curashada nidaamka dimuquraadiyada ee ka hanaqaaday Somaliland, kaasoo dhigaya in bulshada waxa ka dhaxeeyaa yihiin dano iyo deegaan. Si kastaba ha ahaatee, waxa isweyndiin mudan argati noocee ah ayay ka bixin doonaan darisminada cusub ee Mujaahid Axmed Mire iyo Mujaahid Dhaga-weyne saaxiibadii hore ee ay Dhego-weyne kula guureen siyaasadda, sidoo kalena ologa labada Mujaahid tolow ma noqon doontaa miday ku hoodo wanaagsanaadaan sidii halgankii oo kale. Wargyska YOOL http://www.togdheernews.com//index.php?option=com_content&task=view&id=8100&Itemid=1
-
Mudaharaad calanka Somaliya lala soo baxay oo ka dhacay Oodweyne
Saalax replied to Siciid1986's topic in Politics
Xaaji Xunjuf;715529 wrote: oo kalaay calanka bluugu ma bac buluug ba calan blueyow xaal qaado lol -
Mudaharaad calanka Somaliya lala soo baxay oo ka dhacay Oodweyne
Saalax replied to Siciid1986's topic in Politics
Stuff & Nonsense. Reminds me of last year when some people were claiming "Somalia flags in Hargeysa" when it was false. -
Hargeysa(Qaran news)-Mujaahid Axmed Mire iyo Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (dhago weyne) oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii Garabkii mulatariga ee Ururkii SNM, ayaa lagu marti qaaday Aqalka Chatcham House ee dalka Ingiriiska, halkaasoo loo asteeyey in labada Mujaahid ay ka jeediyaan Taariikhda Garabkii Mulatari ee Xoogagii Ururkii SNM. Labadan Mujaahid ayaa sida qorshahu yahay waxay Taariikh Khubadeedka SNM ka jeedin doonaan Aqalka Chatcham House ee Magaalada London 15-ka May 2011-ka, wakhigaasoo oo ay hadda inaga xigaan muddo ka yar Saddex Todobaad, sidoo kale waxa Taariikh khudbadeedkooda la asteeyey in laga dhigo xuskii Sanad laha ahaa ee loo samay jiray 18-Ka May oo ah Maalinta Xoriyadda Somaliland oo hadda laga joogo Labaatan Sano. Ibraahim Dhaga weyne iyo Axmed Mire oo ka mid ahaa saraakiishii hormoodka ka ahayd halgankii dib u xoraynta, isla markaana lagu tilmaami jiray kuwo Hoodo ku lahaa hawlgaladii ay hormoodka ka ahaayeen mudadii halganku socday. Dadka ururiya Taariikhdii halganka ay Tusaale u soo qaataan marka laga hadlayo labadan Mujaahid hawlgalkii guda galka ee Ururkii SNM 1988-kii ku soo hujuumeen Fadhiisinada Ciidamadii Siyaad Bare ee fadhigoodu ahaa Burco iyo Hargeysa, labadaa hawl gal oo ay labada Mujaahid kala hogaaminayeen. Sidoo kalena, waxa ka mid ah mahadhooyinka taariikhda galay ee sida gaarka aha loogu xasuusto Mujaahid Axmed Mire iyo Ibraahin Dhega-weyne hawlgalkii Buuraha ee horaantii sideetaneeyadii, kaasoo uu hindisaha Hirgalintiisa lahaa Ibraahim Dhaga-weyne iyo hawlgalkii miidaamada ahaa ee Mujaahidiintii SNM ku bartilmaameedsadeen 27-kii May 1988-kii Magaalada Burco, kaasoo waqcad ku noqday kaligii taliyahaii Siyaad Bare, isla markaana kala daadiyey heshiiskii shirqoolka ahaa ee uu la galay Itoobiya. Haddaba inkastoo, labadan Mujaahid ay marar badan intii dalka lagu jiray siyaasada ku kala argti fogaayeen haddana waxa is cugashadooda wakhtigan dad badani ku fasiraan in ay tahay mid ka dhalatay gabaara-gurdaynta iyo guur-guurka siyaasadeed ee wakhigan doob-dilaacsaday, kaasoo kalifay in ay maanta kala guuraan saaxiibo markii hore isku cindanaa, balse aan isku dan ahayn, waana ta kaliftay in maanta kala durkaan Ibraahim Dhaga-weyne, Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin oo wakhiyada qaarkood shiishkoodu meel wada haystay. Waxaana dadka argtidaa qabaa Ibraahim Dhaga-weyne siyaasadiisa waqtigan ku fasiraan mid u jan-jeedha dhinaca Mujaahid Axmed Mire, oo wakhtiyada qaar ay kala fakir duwanaayeen, balse maanta isu soo dhawaanshahoodu uu labadoodaba faa’iido u yahay Sidoo kale waxa is-agjooga labada Mujaahid astaan u noqon doonaan curashada nidaamka dimuquraadiyada ee ka hanaqaaday Somaliland, kaasoo dhigaya in bulshada waxa ka dhaxeeyaa yihiin dano iyo deegaan. Si kastaba ha ahaatee, waxa isweyndiin mudan argati noocee ah ayay ka bixin doonaan darisminada cusub ee Mujaahid Axmed Mire iyo Mujaahid Dhaga-weyne saaxiibadii hore ee ay Dhego-weyne kula guureen siyaasadda, sidoo kalena ologa labada Mujaahid tolow ma noqon doontaa miday ku hoodo wanaagsanaadaan sidii halgankii oo kale. Wargeyska YOOL
-
Ciidamada Booliska Oo Howlgalo Dhinaca Amaanka Ah Ka Fuliyey Gaalkacyo Gaalkacyo (RBC Radio):- Ciidamada Booliska gobolka Mudug ayaa fiidnimadii xalay howlgalo dhinaca amaanka waxaa ay ka fuliyeen xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Wadooyinka waaweyn ee ay isticmaalaan gaadiidka iyo dadweynaha ayaa lagu arkayey xalay fiidkii baro kaantaroolo oo ay soo dhigteen ciidamada amaanka gobolka Mudug, kuwaasi oo doonayey in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka. Ciidamada howlgalkoodii xalay oo socday ilaa iyo saqdii dhexe ee xalay ayaa waxay sameynayeen baaritaano lagu sameynayo gaadiidka iyo dadka saaraan, waxaana lagu baarayey baro kaantarool oo ay ciidamadu ugu talo galeen in lagula socdo dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka iyo falalka amaan darro ee magaalada ka dhacayey mudooyinkan dambe. Waxay sidoo kale ciidamda iyagoo lugeynaya ay dhexmarayeen ama lagu arkayey xaafadaha magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo baadigoob ugu jiray in ay gacanta ku soo dhigaan kooxaha burcada ah ee falalka amaan darro ka geysta gudaha magaalada Gaalkacyo xilliyada habeenkii ah. Howlgalkani ayaa waxaa soo dhoweeyay dadweynaha magaalada Gaalkacyo, waxayna sheegeen qaar ka mid ah dadweynaha in loo baahan yahay in howlgalada ceynkani ah oo mudooyinkan aan la sameyn in lasii laba jibaaro oo la xoojiyo tayada ciidamada howlgalkan sameynaya. Ciidamada howlgalkooda ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Gaalkacyo habeenkii labaad uu saaran yahay bandow ka bilaabanaya maqribka kuna salaada subax ka hor, waxaana dadweynuhu ay soo dhoweeyeen talaabo kasta oo amaanka Gaalkacyo lagu sugayo. RBC Radio.
-
That is nothing new. However if Cali Galaydh continues supporting anti Somaliland groups. Sland gov should pressure this company for Cali Galaydh to sell his share forcefully or face expellation from Sland territory.
-
I agree.
-
Culimaa’udiinka Gobolka Mudug Oo Cambaareeyay Dagaalkii Gaalkacyo Ka Dhacay Shalay Gaalkacyo (RBC Radio):- Culimaa’udiinka gobolka Mudug ayaa cambaareeyay dagaalkii shalay ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo gaar ahaan xaafada Garsoor, halkaasi oo ay ku dagaalameen labo maleeshiyo beeleed. Culimada ayaa cambaareyn dusha uga tuurtay cid alaale iyo ciddii sabab u ahayd in dagaalkaasi uu dhaco, waxayna shacabka u sheegeen khatarta ka dhalan karta dhiig qof Muslim ah oo si xaaraam ah loo daadiyo. Waxay Culimadu ka tacsiyeeyeen dadkii ku geeriyooday dagaalkii shalay dhacay, waxayna intaa ku dareen in Alle uu caafiyo inta dhaawaca ama dhibaatadu ka soo gaartey dagaalkaasi, iyagoo shacabkana ugu baaqay in ay nabada iyo xasiloonida ka shaqeeyaan. Guud ahaan Culimada gobolka Mudug ayaa si isku mid ah waxay u cambaareeyeen dagaalkii shalay, waxayna ku tilmaameen fal xun oo shacabka dhibaato ku ahaa, iyagoo shacabka ugu baaqey in ay ka digtoonaadaan fitno aan ku ekaaneyn qofkii sameeyay. Ugu dambeyn Culimadu waxay codsadeen in la taageero nabada lana xoojiyo xasiloonida islamarkaana la dhowro Diinta Islaamka iyo derisnimada maadaama qof Muslim ah dhiigiisa aysan Diintu baneyn in si xaq darro ah lagu daadiyo. Hadalka Culimada ayaa ku soo beegmaya xilli maanta ay socdaan baaqyo nabadeed iyo wadahadalo ka soconaya magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo muujinaya sida looga xun yahay dagaalkii shalay dhexmaray maleeshiyaadka laba beelood oo wada degan Gaalkacyo. RBC Radio.
-
http://galgalanews.com/?p=12717
-
Somaliland delegation meets with kuwaiti government officials+PICS
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Xaaji Xunjuf;715431 wrote: Great pictures. :cool: -
Golaha Degaanka Ceel-afweyn oo Hambalyeeyey Safarkii Wasiirka Daakhiligu ku Tegay Gobolka Sanaag THURSDAY, 28 APRIL 2011 Ceel-afweyn (Togdhnews)- Xidhibaannada Golaha Degaanka Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, ayaa si weyn u soo dhaweeyey safarkii uu dhawaan Wasiirka Daakhiligu ku tegay gobolkaas, kaas oo ay ku tilmaameen inuu xambaarsanaa yididiilo waxqabad ay degaannadaasi muddo dheer ka sugaayeen xukuumadihii kala dambeeyey ee soo maray Somaliland. Mudanayaasha golaha degaanka oo kulan ay gelinkii dambe shalay ku yeesheen Ceel-afweyn kadib khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Jamhuuriya xalay fiidkii, waxa ay sheegeen inay maamul ahaan iyo shacab ahaanba si weyn u soo dhaweynayaan, una hambalyeynayaan tallaabooyinka waxqabad ee xukuumadda Somalialnd, gaar ahaan socdaalkii Wasiirka Arrimaha Guduhu ku soo maray degaannada degmada Ceel-afweyn. “Haddii aannu nahay masuuliyiinta iyo waxgaradka reer Ceel-afweyn waxaannu ammaanaynaa guud ahaan tallaabooyinka waxqabad ee xukuumadda cusub u qaadday dhinaca horumarka dalka Somaliland , gaar ahaan gobollada bariga oo muddo dheer tabayey waxqabadka xukuumadda dhexe. Sidii kala waxaannu hambalyeynaynaa kormeerkii Wasiirka Daakhiligu ku soo maray degaannada degmada Ceel-afweyn, kaas oo ahaa mid taariikhi ah oo uu si buuxda uga soo ogaaday duruufaha shacabka degaannadaas iyo dib-u-dhacyada ka muuqda adeegyada bulshada Gobolka Sanaag oo go’doon ka ah dalka intiisa kale, waxaannu wasiirku wax ka qabtay qaar ka mid ah dhibaatooyinkii ka jirey degaannada Ceel-afweyn oo ay ka mid yihiin gadiid la’aan,” ayey yidhaahdeen xildhibaannadu. Geesta kale, xildhibaannada Golaha Degaanka Degmada Ceel-afweyn, waxa ay si kulul u cambaareeyeen dad dhaliilay safarkii Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo gaadiid uu siiyey qaar ka mid ah masuullada dawladda ee degaannadaas, iyagoo mudanayaashu ku sifeeyey dadkaas shaqsiyaad danaystayaal ah oo ka soo horjeeda horumarka iyo wanaagga ummaddooda u soo kordha, waxaanay ugu baaqeen dadkaas inay hambalyeeyaan cid kastoo wax u soo kordhisa qaranka Somaliland.
-
Gheelle.T;715059 wrote: Illahay ha badiyo raxmada, aamiin. Amiin.
-
Degaano Ka tirsan degmada Oog oo roobab ka curteen Degaanadda Oog, Yeylo, Badweyn Ceecade Butaweyne. Iyo Degaano kale ayaa waxaa ka da´ay roobab si weyn loogu diirsaday. http://hadhwanaagnews.com/
-
Just reporting the latest updates on the situation from varied websites as you can see. Nothing personal.
-
Ciidamo Ka Tagay Magaalada Goldogob Oo Caawa Gaaray Magaalada Gaalkacyo Iyo Baqdinta Shacabka Ku Dhaqan Galkacyo Oo Sii Xogaysatay. Gaalkacyo(Allssc): Waxaa Magalad Gaalkacyo ee Gobalka Mudug habeenimadii caawa soo garay Ciidamo aad u tiro badan oo Kasoo boqoolay deegaanka Galadogob. Cidamadan oo ilaa hada cadadkood aan la qiyaasin ayaa waxa ay ku hubaysan yihiin hubka nocayadis kala dawaan. Ciidankan ayaa wax ay dadka kunool Magaalada Gaalkacyo sii galisay cabsi lixaad leh si kastaba ha ahaatee waxa laga cabdi qaba subax nimad barito inuu dagaal ka qarxo Magalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug. Ilaa hada waxaan muuqan wax waan waan nabadeed oo laga dhex wada dhinacyadii maanta ku dagaalamay Magaalada Gaalkacyo madama uu dagaalku istaagay ku dhowaad fiidnimadii caawa. Kalasoco Codka Shacabka SSC wixii kasoo kordha xaalada Magaalada Gaalkacyo Cismaan Qandala Allssc Garoowe Soomaaliya. http://allssc.com/?p=9428