-
Content Count
10,388 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
The Zack i don't think it matters much if tarzan is from dhusamareeb, hobyo, xaradheere etc he can become a mayor in mogadishu because his family group is the majority there. That is the reality backhome, i can become a mayor in Burco, Erigavo, Oodweyne or even Hargeysa even though i am from Sanaag. I also agree there shouldn't be much difference between a Azanian from Godey, Jubadda Hoose, Jubadda dheexe. They are the same family at the end of the day.
-
Jacaylbaro;716550 wrote: I heard Ethiopia is also behind these Droughts killing Somalis ,,,, I also heard they push the waters in Jubba and Shabelle rivers so that they cause floods and kill people there. They're also behind the Tsunami in the Indian Ocean. Damn Ethiopians .... they also create Malaria, Diarrhea and other diseases .... Waar ma Ilaahay baa ,,,
-
Toban Qof Oo Ay Ciidamada Aamaanka Ee Magaalada Laascaanood Ay Ku Soo Qabteen Hawlgal Ay Ka Fuliyeen Xaafadaha Magaalada Iyo Dadka Oo Cabasho Ka Muujiyay Baadhitaanada Socda. Laascaanood (Ramaas) May 03, 2011 - Ciidamada amaanka ee Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa illaa toban qof ku soo qabtay hawlgalo ay ka wadeen Magaalada afar iyo labaatankii saacadood ee u dambeeyay, iyaga oo xoog ku galay guryo ku yaala xaafadaha qaarkood, dadka la qabtay ayaa intooda badani ka soo jeeda Koonfurta dalka Soomaaliya oo ah qaxoonti ka soo barakacay dalkaas. Hawlgalka baadhitaan ee ay wadaan ciidamadu ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay Magaalada Laascaanood ka dhaceen shirqoolo xidhiidhsan oo lala beegsaday siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan, iyada oo ay ku nafwaayeen weeraradan dad badan halka ay qaar kalena ay ka soo gaadheen dhaawacyo culusi. Dad goob joog ah ayaa sheegay in xaafadaha Magaalada lagu arkay baabuurta gaashaaman ee ciidamada oo gaaf-wareegaya, kuwaas oo cabsi ku abuuray shacabka, waxaana ay askartu xoog ku galeen guryaha qaarkood oo ay kala baxeen rag lagu tuhusan yahay in ay ku lug lahaayeen rabshadihii dhacay oo aan la ogayn halka lagu hayo. Ciidamada amaanka waxa ay sii xoojiyeen hawlgalo ay dadka intooda badani u arkaan qaar ma dhalays ah oo aan lagu qaban dadka weerarada ka fuliya Magaalada oo si caadiya ugu nool Laascaanood, kuwaas oo aan wax cabsi ah ka qaban ciidamada tirada badan ee waardiyayna xaafadaha. Ramaasnews Desk Hargeisa.
-
Ciidamada Amaanka Ee Magaalada Laascaanood Oo Xidhay Sheekh Ka Mida Culimada Magaca Leh Ee Magaalada Oo La Tuhunsanyahay Inuu Xidhiidh La Leeyahay Falaagada SSC-da Laascaanood (Ramaas)May. 1, 2011- Ciidamada amaanka ee Magaalada Laascaanooda ayaa xalay xabsiga u taxaabay Sheekh lagu magacaabo Sheekh Mubaarak Xasan Faarax oo lagu tuhunsanyahay in uu xidhiidh la leeyahay kooxda falaagada ah ee SSC-da oo la aaminsanyahay in ay ka dambayso weerarada ka dhacaya Magaalada. Wadaadkan ayaa la sheegay in uu ahaa nin qurba joog ah oo dhawaan ka soo laabtay wadamada reer Galbeedka oo uu ku noolaa, iyada oo sida ay wararka sheegayaan uu uu cilaaqaad qoto dheer la lahaa Kooxda SSC-da, isla markaana uu maalgaliyay weerarada lala beegsado madaxda gobolka iyo saraakiisha ciidamada. Sheekh Mubaarak waxa lagu eedaynayaa in uu lacago badan falaagada uga soo uruuriyay qurba jooga deegaanada Sool iyo Buhoodle oo door muhiim kaga jira jiritaanka kooxdaas, waxaana uu ahaa xidhiidhiyaha qurba jooga iyo falaagada ka dagaalanta gudaha oo fuliyay hawgalo lagu dilay saraakiil tiro badan, . Ciidamada amaanku waxa ay wali su’aalo waydiinayaan ninkan si ay u xaqiijiyeen kaalinta uu kaga jiro rabshadaha hada ka socda Magaalada Laascaanood. Sheekh Mubaarak oo madax ka ah koox fulinaysa dhismaha buundo laga dhisayo Koonfurta Magaaladaa Laascaanood oo la yidhaahdo Waqidara, ayaan la ogayn waxa sababay in uu qayb ka ahaado qulqulatooyinka lagu kha-khalinayo amaanka Magaalada uu ka soo jeedo Ramaasnews Desk
-
General Duke Galgalanews is not Somaliland owned website. We usually call it "Bariga Sanaag" Shir Beelaha Bariga Sanaag Uga Socda Degmada Dhahar iyo Go’aammo Hor-dhac ah Oo Laga Soo Saaray May 2nd, 2011 Dhahar(Dawan)- La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriydada Somaliland u qaabbilsan arrimaha Bariga Gobolka Sanaag Sahal Maxamed Jaamac, ayaa Waraysi uu xalay khadka taleefanka kula yeeshay Wargeyska Dawan, waxa uu kagaga warramay ujeeddada Shir beelaha Bariga Sanaag uga socda degmada Dhahar, waxaanu sheegay in lagaga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee Beelahaas, isla markaana waxa uu sheegay in dadka deggan halkaasi ay 90%-kiiba diyaar u yihiin sidii ay Somaliland wax ula qabsan lahaayeen. La-taliyahaha Madaxweynaha ee Bariga Sanaag, waxa uu sheegay in muddo laba maalmooda magaalada Dhahar uga socday Odayaasha Dhaqanka, Garaaddada, Wax-garadka iyo masuuliyiinta heer Maamul ee dawladda Somaliland, lagu lafa-guray sida ay deegaannadaasi ugu baahan yihiin taageero siyaasadeed, nabadgalyo iyo Xuduud-sugidda ee Somaliland. “Shirka waxa lagaga hadlay baahida loo qabo in maamul dawladeed oo dhammaystiran Somaliland ka hirgeliso deegaannada Bariga Gobolka Sanaag, maaddaama oo ay daraf ku yaallaan, duullaan siyaasadeedna maamulka la baxay Puntland ku hayo deegaanka. Waxa kale oo lagaga hadlayey shirka oo laba maalintii saddexaad galay dil ay Ciidammo Puntland ka tirsani u geysteen dad rayid ah oo deegaanka u dhashay.” Sidaa waxa yidhi La-taliyaha arrimaha Bariga Sanaag u qaabbilsan Madaxweynaha Somaliland, Mr. Sahal Maxamed Jaamac. La-taliyuhu waxa uu sheegay in Shirkaas oo socon doona inta toddobaadkan ka hadhsan weli aan go’aammo dhammaystiran laga soo saarin, hase ahaatee, haddana ay jiraan go’aammo hordhac ah oo ka soo baxay shirkaas. Isaga oo arrintaa ka hadlaayana Sahal waxa uu yidhi; “Shirku weli wuu socdaa oo waa loo dhan yahay Guurtidii iyo maamulkii dawladda ee deegaannada Bariga Sanaag oo dhan ayaa isugu yimi, inta toddobaadka ka hadhsanna waxa la filayaa inuu sii socdo oo gebagabada go’aammo dhammaystiran laga soo saaro, hase ahaatee, hadda waxyaabaha ka soo baxay waxa ka mida illaa saddex go’aan oo ay ka mid yihiin, inay Somaliland caddeyso mawqifkeeda ku aaddan Bariga Gobolka Sanaag, inay Somaliland Bariga Sanaag ka hirgeliso maammulo dhammaystiran oo haysta taageero siyaasadeed, in la sugo Xuduudka Bariga Sanaag ee Somaliland ee ay Puntland ku soo duushay, isla markaana guranayso ama boobayso Macdanta deegaannada Bariga Somaliland, iyo inay dadka Deegaannada Bariga Sanaag diyaar u yihiin inay Somaliland wax la qabsadaan 90%-kiiba.” Su’aal la-taliye Sahal Maxamed Jaamac laga weydiiyey inuu isagu shirka goob-joog ka ahaa iyo taytal beeleed iyo mid dawladeed ka uu ku matalayey, ayaa waxa uu ku jawaabay; “Waa su’aal fiican, walaal anigu Shirka waan ka qaybgalay, waxaanan kaga qaybgalay magaca dawladda Somaliland, maaddaama oo aan Madaxweynaha kala taliyo arrimaha Bariga Sanaag. Sidaa, daraaddeed, waan dhagaystay go’aanka hordhaca ah ee Guurtida Bariga Sanaag ka soo saareen shirkooda, ka dibna, waxaan u sheegay inay dawladda Somaliland ka go’an tahay sidii ay maamul dhammaystiran uga samayn lahayd deegaannada Sanaag-Bari, sugidda xuduudka iyo adkaynta nabadgalyada dalka oo dhan oo dabcan Bariga Sanaagna ka mid yahay. Waxa kale, oo aan u sheegay inay Somaliland weli ka dhur-sugayso inay Beelaha Bariga Sanaag si buuxda uga soo qaybgalaan Gogoshii nabadeed ee uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo u fidiyey Beelaha Sool, Buuhoodle iyo Bariga Sanaag, taasoo ay si buuxda iigu ballan-qaadeen inay soo dhawaynayaan, isla markaana diyaar u yihiin inay xilli kasta oo suurtagal ah oo loo muddeeyo ka soo qaybgalayaan Gogoshaa nabadeed.” “Waxa kale oo aan gaadhsiiyey Tacsi aan uga siday Madaxweynaha Somaliland ehelada dadkii Puntland gardarrada cad ku laysay 21-kii bishii April 2011. Guurtida Shirku si weyn ayey Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumaddiisaba ugaga mahadceliyeen tacsidaas iyo gurmadkii Abaaraha ee ay Xukuumaddu gaadhsiisay deegaannadaas.” Ayuu hadalkiisa raaciyey La-taliyuhu. Lataliyaha Madaxweynuhu Sahal Maxamed, waxa uu sheegay inay Roobabka Gu’gu si fiican uga curteen inta badan deegaannadaas, isla markaana ay waxyeello soo gaadhsiiyeen xoolo-dhaqatada. “Roobku si fiican ayuu uga curtay inta badan deegaannadan, inkasta oo aanu biyo-dhig mooyee Roob weyni weli ka di’in Dhahar, haddana si fiican ayuu nawaaxigeeda u helay. Waxa uu Roobku khasaare gaadhsiiyey illaa 15 Qoys oo uu Xoolihii ka laayey oo aan Adhigii waxba uga hadhin, kuwaasoo deggan deegaannada ku hareeraysan deegaannada Dhahar iyo Badhan..” Gebagabadii, La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland kala taliya arrimaha Bariga Sanaag, waxa uu sheegay inuu rejo fiican ka qabo go’aammada ka soo bixi doona dhammaadka Shirkaas, isla markaana uu filayo inay si weyn isula jaan-qaadaan dadka deegaannada Bariga Sanaag iyo Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
-
* wrote: Madaxweynuhu waxa uu faahfaahin ka bixiyay noocyada mashaariicda horumarineed ee dalalkaasi ka fulin doonaan Somaliland, isagoo arrimahaa ka hadlayana wax uu yidhi, Madaxda wadamadaas waxaanu u bandhignay inay inaga caawiyaan mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin dhinacyada nabadgelyada, biyaha 150 ceel iyo 23 dhaam, caafimaadka waxbarashada iyo wadooyinka, inkastoo uu ahaa kulankaygii u horeeyay ee aan la yeesho madaxda carabta hadana waxay noo soo ogolaadeen mashaariic waaweyn oo noqon kara 15 milyan oo dollar . That is a good start indeed. Inshallah khayr.
-
The Zack it could be true Osama is actually dead but not last night. If dude was alive he would have talked about the arab uprising and many other issues in the past years as he use to do back in 2000's appearing in videos don't you think? as for Ina Godane i agree it wouldn't be hard for the secret agents to get his picture by paying one of the close friends of his in al shabab to take a picture secretly.
-
The Zack that is if it's even true lol. However Ina Godane is more of a mysterious character he doesn't appear in videos and there is no official current picture of him (even though some of his relatives have shown a older picture of him). He is like Mullah Omar of the taliban.
-
One more less al shababist elite if this news is true. However the biggest surprises will be whoever kills Ina Godane, Dahiir aweys etc.
-
Shir ay isugu yimaadeen jaaliyada degmada Ceelafweyn ee ku nool UK, Oo Dhaqaale loogu ururinayay abaaraha ka dhacay degmada Ceelafweyn ee Gobolka Sanaag Oo lagu qabtay Bariga Magaalada London: http://www.togaherer.com/2011/05/02/shir-ay-isugu-yimaadeen-jaaliyada-degmada-ceelafwayn-ee-ku-nool-uk-oo-dhaqaale-loogu-ururinayay-abaaraha-ka-dhacay-degmada-ceelafwayn-oo-lagu-qabtay-bariga-magaalada-london/
-
http://galgalanews.com/?p=12832
-
Hayland oo Wafti Siilaanyo Diray ay Gaadhay Daawo Sawiro Sahal Dhac Dhacood La Taliyaha Siilaanyo Dhahar (SPR): Wafdi balaaran uu hogaaminaayo lataliyaha madaxweynaha Somaliland ee arimaha gobolka Sanaag, Mudane Sahal Maxamed Jaamaac oo ay ku weheliyeen siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Sanaag ayaa maanta soogaaray magaalada Dhahar, halkaasi ay kula kulmeen qaar kamid ah odaayasha dhaqanka degaankaasi. Lataliyaha madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in socdaalkiisu uu la xiriiro arimo badan oo khuseeyo shacabka gobolkaasi oo ay kamid yihiin waxkaqashada xaaladaha amniga, wadatashi beelaha gobolka iyo waliba dhambaal tacsi uu uga sido madaxweyne Siilaanyo eheladii ragii lagu laayay degaanka u dhaxeeyo Qardho iyo Dhahar. “Waxaan dhambaal tacsi ah u dirayaa ugana sidaa dowlada SL dhambaal qoysaskii ay ka dhinteen sadexdii qof ee rayidka ah ee lagu dilay degaanka u dhaxeeya Dhahar iyo Qardho, waxaanan ILAAHAY ka baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii iyo shacbiga ay ka baxeenna samir iyo iimaan ka siiyo,” ayaa kamid ahaa hadaladiisi uu ka sheegay shirkii kadhacay magaalada Dhahar. Socdaalka lataliyaha Siilaanyo ayaa kusoo beegmayo xilli maalmo laga joogo fal dambiyeed dil ahi ay ku geeriyoodeen sadex ruux oo shacab ah, falkaasi uu lataliyaha Siilaanyo ku tilmaamay mid xambaarsan damac siyaasadeed. Sahal Maxamed Jaamac ayaa maalmo ka hor shir jaraa’id ku qabtey magaalada Hargeysa isla markaana ku eedeeyey in dilkii ka dhacay deegaanka Qardho ay ka dambeeyeen maamulka PL isla markaana lagu laayey gaadiid ay leeyihiin ciidanka PL. Dhanka kale, madaxweynaha Puntland ayaa eedayntaasi kutilmaamay mid wax kama-jiraan ah, mar uu shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Bosaaso uu dhawaan soo gaaray. Qaar ka tirsan odayaasha Degamada Dhahar oo uu la kulmey oo soo ajiibay shirkaasi lagu casumay ayaa dhankooda xusay in ay soo dhawaynayaan masuulka ka tirsan aqalka madaxtooyada Somaliland, ayna ka gudoomeen tacsida uu ka siday madaxwaynaha Somaliland, waxana ay xuseen in ay ka dhursugayan madaxwaynaha in ay ka helan samigii ay ku lahaayen xisbiga talada haya ee Kulmiye oo uu hogaamiyo madax wayne Axmad Maxamad (Siilanyo).
-
Sunday, May 1, 2011 The European Union, one of the major financiers of Amisom and the Somali Transitional Federal Government, has threatened to cut further support if the current office holders do not relinquish power when their term of office comes to an end in August. This has not gone down well with the East African Community, whose members Uganda and Burundi are providing the boots on the ground in Mogadishu, and feel that the proposed extension of the TFG’s mandate for another year, would help consolidate achievements in service delivery. Being a major financier, EU’s withdrawal will severely hamper efforts to pacify the war-torn country. Besides crippling Amisom, the TFG would be starved of funds to pay wages and run its activities. Last year, the EU announced it planned to spend some $348.4 million between 2010 and 2013. “The EU agrees that future support to Transitional Federal Institutions including stipends for parliamentarians should be contingent on progress on reform and delivery of transitional tasks,” said a statement from the bloc. The decision comes at a time the EU was considering increasing financial support to central, regional and local level administration in consolidating stable and accountable governance and provision of basic services to include the people in the breakaway Puntland and Somaliland. In February, the TFG extended the term of office of the Cabinet by one year and parliamentarians gave themselves three more years on the grounds that they needed more time to accomplish pending tasks. The extension has now received the backing of the EAC heads of state. While appearing before a parliamentary committee on defence, UPDF Commander Land Forces, Lt-Gen Katumba Wamala told legislatures that EAC heads of state agreed to have the current TFG lease renewed for one more year. The EU thinks otherwise. “The EU deeply regrets the recent unilateral decision by the Somali TFP to extend its mandate,” it notes. It urges the Transitional Federal Institutions to focus on implementing the reforms that are necessary to build their legitimacy, representativeness and credibility without which there can be no extension.” Allgedo News Media Network
-
Xaaji Xunjuf;716062 wrote: Nacam Somaliland people made it clear they want to live in peace with their neighbouring countries Djibouti Somalia Ethiopia Indeed. Wax nooga yal Koonfur ma jirto we have all we want in our Somaliland.
-
War-bixin-Taarikheed: Maxaad Ka Taqaanaa Taariikhada OODWEYNE? Hargaysa (Oodweynenews)- “Haddii aan idiin soo gudbiyo taariikhda Oodweyne, Oodweyne waxa ay ku dhex-taalaa meel ay Buuro ku wareegsan yihiin, buurtaas oo aan ahayn buuro dhaadheer laakiin buuro gaagaaban ah. Marka dhan laga eego waxaad is odhanaysaa waa Dooxo-weyn oo marka laga hadlyo xilligii hore waxa ay ku dhex-taalay Kaymo waa-weyn, Doox yar ayaa ka dillaacay halkaas waxaana laga helay biyo, biyihiisana ilaa maalintan aynu joogno waxaa la yidhaahdaa Badhi-guduuda oo dadku aad u yaqanaan. Badhi-guduudu maxay tahay? Waa markay biyuhu dooxa soo maraan ayaa ilaa saddex bilood dadku iska xaadh-xaadhaan, waana Durdur oo kale oo biyihiisu aad ayay u macaan yihiin.” Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheedh [Oodweyne] Maxamed Cabdi Liibaan oo aanu dhawaan waraysi la xidhiidha taariikhda magaalada iyo Gobolka Oodweyne aanu la yeelanay. Gudoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Markii biyahaas laga helay waxaa suurta-gashay in halkaas Ganacsi ka bilaabmo. Bayaac-mushtarigaasi ha bilaabmee ma Burcuu ka yimi, ma Hargaysa ayuu ka yimi mise Berbera? Inaad is-waydiisaan ayaa fiican waxaa haboon inaad is-wadayso? Walaaloyaal Baayac-mushtarigaasi waxa uu bilaabmay xilli aanu Burco, Hargaysa iyo Berbera toona aana jirin...walaa Ceerigaabo. Marka Taariikhada dib loogu noqdo waxa ay ahayd wakhtigii ay shaqaynaysay magaalada la yidhaahdo BULLU-XAAR, waxaana ay ahayd Deked wax laga soo dejiyo oo ku taala magaaladeea Bebera iyo Zaylac dhexdeeda. Magaaladaas Bullu-xaar waxa ay caan ku ahayd Baayac-mushtariga, oo Geeskeena waxaa berigaa wax laga soo dejin-jiray Bullu-xaar iyo Zaylac. Waxaan idiin sheegayaa Baayac-mushtarigii halkaas ka bilaabmay waxaa horseed ka ahaa oo bilaabay Niman Yamaniyiin oo halkaas intay Alaab ka soo dejiyaan ayaa waxa ay u suurta-gashay in walaalihii Sooliyeed ee halkaas deganaa inatay macaamil la sameeyaan ayaa Awr lagu soo qaadi jiray, waxaana la keeni jiray magaalada Oodweyne. Habada shayga cajiibka ahi waxa weeyaan waxa jirta kelyada la yidhaahdo “******I” waxa ay ku soo baxday beeshaas ay imika ku taalo magaalada Oodweyne. Waxaana halkaas ku kulmi-jiray dadka yimaada Hawdka [********iya] oo wakiil ka ah dadka deeganadaas nool, halkaas [Oodweyne] ayaa waxa lagu kala bedelan-jiray waxa ay wadaan qoladan ka timi Bullaxaar oo ah Dhar, Timir, Sonkor, Shaah iyo wixii la mid ah. Waxa halkaas [dhinaca Hawdka] Harga, Subaga, Xoolaha iyo waxyaabo kale oo ay ka mid tahay Beeyada [Foox Hawdka ka baxa]. Halkaas ayay Walaalahaas degan ********iya ka bixiyeen kelmadan la yidhaahdo ‘******I’, oo markii dambena ay hal-hays ka dhigeen in Walaalaha degan Waqooyiga [*******] inuu yahay ***** alabada dhinac-ba halkaas ayay ku kala bedelan-jireen waxyaabaha ay wadaan.”
-
Xaaji Xunjuf in my opinion. It doesn't really matter what they say or not since we know what they are and the people of Somaliland know what they want for their future generations & destiny.
-
I don't think anybody is falling for those koonfur talks again.
-
Isbitaalada Dalka K/Afrika oo loo diido in ay ku dhalaan dumarka somalidu sababtoo ah waxay sheegeen in somalidu sanadkasta ay dhasho Dhacdadan oo kale ayaa had iyo jeer kadhacda wadamada reer yurub gaar haan Isbitaalada Dalka K/Afrika oo loo diido in ay ku dhalaan dumarka somalidu sababtoo ah waxay sheegeen in somalidu sandkasta ay dhasho. Hooyo Soomaaliyeed oo foolanaysa ayaa la diiday in la qaabilo isbitaal dowli ah ka dib markii loogu jawaabay sanad kasta maxaa u dhashaa Haweenaydan magaceeda lagu soo gaabiyo Deeqo ayaa fal naxdin leh kala kulantay isbitaal dowladeed oo Cape Town ku taala xilli ay xanuun badan ku heysay fool iyadoo lagu war geliyay in aanan la qaabili doonin hadii ay sii joogta goobta. Goobta waxaa taagnaa boolis iyo dad kale oo iyagane u baahnaa caawinaad balse waxay u muuqatay in ay ku raacsanaayeen go,aanka naag kalkaaliso ah oo ku qeylinaysay u bax banaanka sanad kasta ayaa dhashaa, Ugu danbeyntii Sayga ninkeeda ayaa go,aan ku gaaray in uu isaga tago meesha uuna geeyo isbitaal Private Ah oo lacag dadka lagu qaabilo, walod isbitaalada dowlada xitta laga dhigay lacag iyadoo sanadkii hore ay ahayd lacag la,aan, kaliya lacagta waxaa lagu soo dalacay dadka qaxootiga ah. Dhacdadan oo kale ayaa had iyo jeer kadhacda wadamada reer yurub gaar haan skandneefiyada waxaan loo sheega dumarka somalida in ay joojiyaan dhalmada sand walba ay dhalyaan laakiin xaga qaabilaada looma diidi karo oo waa laga dhaliyaa. http://www.gabiley.net/pages/tDetails.php?source=news&ID=16669&permission=1&audioFile=