-
Content Count
10,388 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal galabta Gaalkacyo ka dhacay iyo khasaare dagaalka ka dhashay Arbaco, Abriil 27, 2011 (HOL) –Dagaal khasaare baahsan gaystay ayaa galabta ka qarxay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ,kaasi oo u dhaxeeya labo ka mid ah beelo halkaasi wada dega oo Puntland ka soo jeeda. Waxaa uu bilowday dagaalkan kaddib markii maanta mid kamid ah xaafadaha Gaalkacyo lagu toogtay nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar Guray,kaasi oo si wayn looga yaqaanay gobolka Mudug. Khasaaraha dagaalka Gaalkacyo ayaa aad u sii kordhay saacidihii la soo dhaafay ,waxaana la sheegay in tirada dhimashada ay tahay labo ruux halka dhaawac uu ka badan yahay lix ruux sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka ee Gaalkacyo. Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa la sheegay in ay kala dhexgaleen labada dhinac ee dagaalka uu dhexmaray, waxaana la sheegay in ciidamada ay taageereen garab kamid ah dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay. Maamulka cusub ee gobolka Mudug ayaa bandow ku soo rogay degmada,waxaana bandowgaasi uu ka bilaabanayaa maanta wixii ka danbeeya laga bilaabo shanta Galabnimo ilaa iyo shanta Aroornimo ee salaada subax kadib. Waxaa bandowgaasi saxaafadda ka sheegay guduumiyaha gobolka Mudug ee Puntland Maxamuud C/raxmaan Cuuke ,kaasi oo dhawaan la soo magacaabay. Mar aan la xiriirnay maamulka gobolkaasi ayaysan inoo suurtagalin,iyadoo ciidamada amniga ee Puntland caawa lagu arkayay qaar kamid ah xaafadaha degmada ,iyaga oo qabanaya cidiid ay ka shakiyaan. Qaar kamid ah shirkadaha isgaarsiinta ee magaalada ayaa qadarkii dagaalka uu socday hawada ka maqnaa ,iyadoo suurtagal tahay in khasaaraha dagaalka ee labada dhinac ay sii kororoto. Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa caadi ku soo laabtay salaaddi cisho ka dib ,waxaana la dareemayaa daganaansho aan cago badan ku taagneen,iyadoo Shacabka degmadaasina ay qabaan cabsi la xiriirta in dagaalka uu mar kale dib uga qarxo halkaasi ,kaasi oo salka ku hayo arimo qabiil. http://www.hiiraan.com/news/2011/Apr/wararka_maanta27-13362.htm
-
The news is just being posted. Maxamed Cali Madhoodhe oo ku baaqay in Colaadda iyo Dagaalka Gaalkacyo si dhaqso ah loo joojiyo Mudane Maxamed Cali Madhoodhe RBC Radio : Mudane Maxamed Cali Madhoodhe oo degan Dalka jarmalka kana mid ah waxgaradka iyo Hogaamiyayaasha Qurbo-joogta reer Puntland ee Qaaradda Yurub ayaa ku baaqey in sida ugu dhaqsaha badan loo joojiyo Colaadda iyo Dagaalka maanta ka bilowdey magaaladda madaxda Gobolka Mudug ee Gaalkacyo, mar uu la soo xiriirey xarunta RBC, Radio. Mudane Maxamed Cali madhoodhe wuxuu ugu baaqey labada beelood ee uu dagaalku ka dhaxeeyo inay ALLE u noqdaan oo dhiiga daadanayana la joogiyo isagoo yiri dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho. Qadarka Rabi lama celin karo balse ma waxaa Dalkii iyo Dadkiiba ka dhamaadey kuwii ALLE Yaqiin , kuwii Isimadda iyo Odayaasha ahaa, kuwii wax-garadka iyo Aqoonyahanka ahaa, ayuu sii raaciyey hadalkiisii. Mudanuhu wuxuu Cambaareyn iyo dhaliilba u jeediyey Maamulka Puntland ee uu Hogaaminayo Madaxweyne Cabdirahmaan Faroole iyo Golihiisa Wasiiraddaba siddii Gaabiska iyo caga-jiidka ahayd ee ay arrimahan ka dhacayey waayahan dambe gobolka Mudug ku waajahayeen, ayadoo xaaladda Amniga magaaladdu gaarey in meel walba ( Bartamaha Magaalada, Goobaha ganacsiga, guryaha ..) iyo goob walba oo barakeysan( Masaajidyada , Dugsiyada) aan loo ixtiraam yeelin laguna laayo cid walba (Oday, Wadaad, Aqoonyahan…..iwm) ayna muddo bil ku dhow socotey waxa laga qabteyna ay yareyd ama aysan jirin , ilaa ay maanta mareyso laba Beelood oo walaalo ah meelna wadda dega maalin cad ama barqo ah is weerareen. Wuxuuna mudane Madhoodho u direy fariin shacabka labada Beelood taasoo ahayd ” Balaayo(dhibaato) ka hortag mooyee dabo la qabasho ma lahan, walaalayaalow dhibaato intii maanta dhimatey ku joojiya ILLAAHEYNA ka baqa dembi dhaafna weydiista isaga ayaa naxariis badane ahe, waxa aad gacmaha kula jirtaana waa dariiqii Naarta idinku ridi lahaa “. Wuxuuna halkan baaq ugu gudbinayaa sidoo kale Isimmadda ,Waxgaradka,Culimmadda, Aqoonyahanka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshoweynta reer Puntlandba Inay ka qayb qaataan una sare kacaan deminta iyo ka hortaga colaad ku sii fidda magaaladda gaalkacyo iyo Deegaamada ku hareeraysan. Haddii aan Colaadaan iyo Dagaalkaan sida ugu dhaqso badan loo joojin waxa dhici karta inay talo faraha ka baxdo oo ayna ka faa´iidaysan doonaan kuwa neceb jiritaanka iyo horumarka reer Puntland. ALLE Towbadda iyo Wadada toosan ha idin waafajiyo AAMIIN,AAMIIN;AAMIIN…………………..! Maxamed Cali Madhoodhe Karlsruhe, Germany
-
Violent clashes and revenge killings in Galkayo are reported 27 Feb 2011 Galkayo (Mareeg ) Armed Clashes have started in Northern parts of Galkacyo which is controlled by the semi autonomous region of Puntland. The attack is reportedly lunched by local gunmen angered by the killing of young man by another militia men based in the same city. According to local sources, the fighting is taking place at the so called Warshada Galayda “maize Factory” which said to be the place where the assailants sought refuge; the most recent reports are indicating that Puntland soldiers have joined the fighting siding with the militia who killed the young man. “There is no information yet about the casualties, as the fighting continues between the rival militia. The sounds of gun shots can be heard in the city and the shops have been quickly closed” says our correspondent in Galkacyo. This clash comes at a time when recently there was a mysterious unsolved assassination of important figures in Galkayo .Last night the body of well known Islamic Cleric from Bay and Bakool regions of South Central Somalia by the name “Shiekh Ibrahim” was recovered by local Galkayo residents, Sheikh Ibrahim was taken by unknown armed men and later found dead. Also, in a relevant incident, another Islamic cleric who hails from the Oromo Ethnicity of Ethiopia was killed last night by unknown assailants, according to local residents ,the killed Oromo sheikh lived in Galkayo for the past twenty years and enjoyed a good relations with the local community.
-
Stuff & Nonsense.
-
Xaaji Xunjuf;714990 wrote: Mashallah Mashallah Mashallah ilahay ba mahad leh Mashallah indeed.
-
Roobabkii Guga Oo Sii weyn Uga Da'ay Gobolada Togdheer, Sool, Saraar, Oodweyne iyo Deegaamo kale.
-
Gaalkacyo: Dagaalkii Oo Joogsadey & Ciidamo Puntland Ah Oo Kala Dhexgalay Dhinacyadii Diriray Gaalkacyo (RBC Radio):- Dagaalkii maanta duhurkii ka bilowday magaalada Gaalkacyo ayaa joogsadey kadib markii ciidamada Booliska Puntland ay kala dhexgaleen labada maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamayey xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo. Dagaalka ayaa socday saacado kooban, waxaana uu reebay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana dhimatay ku dhowaad shan ruux halka uu dhaawac soo gaaray dad lagu qiyaasay toban ruux. Labada dhinac ee dagaalamayey ayaa ah maleeshiyaad ka soo kala jeeda qaar ka mid ah beelaha degan Gaalkacyo, waxaana gebi ahaanba ciidamada amniga Puntland ay ku guuleysteen in ay kala dhexgalaan labada maleeshiyo ee dagaalamayey. Dagaalka saameyntiisa ayaa laga wada dareemay dhamaan qeybaha magaalada Gaalkacyo, waxaana jira raadad cabsi galiyey dadweynaha oo uu reebay dagaalka maanta duhurkii ka bilowday magaalada Gaalkacyo. Labada maleeshiyo beeleed dagaalka dhexmaray ayaa ka dambeeyay kadib markii nin ganacsade ah lagu dilay gurigiisa oo ku yaalay xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waxaana jira dhaq dhaqaaqyo labada maleeshiyo iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan lagu dhex dhexaadinayo. Dagaalka maanta dhacay kadib waxaa maamulka cusub ee gobolka Mudug uu magaalada ku soo rogay bandow, waxaana bandowgaasi uu ka bilaabanayey fiidnimada caawa ah, iyadoo sidoo kalena la mamnuucay in hubka magaalada lagu dhex qaato. RBC Radio.
-
(Hadhwanaagnews) Wednesday, April 27, 2011 Gaalkacyo(HWN)Maleeshiyaad hubeysan ayaa goor dhow waxa uu iska horimaad ku dhex maray waqooyiga magaalada Gaalkacyo Gaalkacyo(HWN)Maleeshiyaad hubeysan ayaa goor dhow waxa uu iska horimaad ku dhex maray waqooyiga magaalada Gaalkacyo Iska horimaadkaas ayaa bilowday kadib markii kooxo hubeysan ay dil u geysteen wiil dhalinyaro ah, kaasoo ay dilkiisa jawaab ka bixiyeen kooxo kale oo dilkaas ka carooday. Kooxihii dilka geystay oo la sheegay in ay gabaad ka dhigteen warshad Galleyda lagu shiido ayaa waxay wararku sheegayaan in iska horimaadkaa ay ku biireen ciidamada Puntland oo taageero siinaya kooxdii wax dishay, iyadoo aan la ogeyn sababta ay dagaalka ugu biireen ciidamada Puntland. Weli lama ogaan qasaaraha ka dhashay iska horimaadka, waxaana la sheegay in rasaasta ay dhinacyadaasi isweydaarsadeen ay dad rayid ah wax ku noqdeen. Iska hor imaadkan ayaa imaanaya xilli maanta Maamulka magaalada Gaalkacayo ee Puntland ay amar ka soo saareen dadka hubka sharcidarrada ku dhex wata gudaha magaalada Gaalkacyo. Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Maxamuud C/raxmaan Cowke ayaa sheegay in amar lagu bixiyay in gudaha magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Woqooyi aan lagu arki karin qof wata hub sharci darro ah, wuxuuna ku goodiyey in qofkii hub wata tallaabo sharci ah laga qaadayo. Duleedka waqooyiga magaalada Galkacyo ayaa waxaa muddooyinkan dambe ka jira dilal qorsheysan, waxaana xalay lagu dilay magaaladaas labo qof oo mid ka mid ahi yahay Itoobiyaan, midka kalena nin Sheekh ahaa oo lagu magacaabi jiray Sheekh Ibraahim oo ka soo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool, kaasoo rag hubeysan ay xalay kaxeysteen, kadibna ay dileen.
-
Dagaal Beeleed Khasaare Gaystay oo Maanta ilaa Galabta Gaalkacyo Ka Dhacay War Deg Deg ah/Dhacdooyinka Gaalkacyo (DHM Radio):- Dagaal lagu tilmaamay mid beeleed hase yeeshee war sugan uusan kasoo bixin ayaa maanta duhurnimadii ilaa galabta wakhti gaaban ka dhacaayey bartamaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dagaalkaan oo ah mid beeleed ayaa ka dhacay xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waxaana uu qarxay kadib markii nin ganacsade ah lagu tilay magaalada Gaalkacyo. Dagaalka oo ahaa mid ka dhacaayey xaafadda Garsoor iyo aga gaarkeeda ayaa ala’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Dagaalka ayaa ahaa mid saamayn ku yeeshay xaaladda guud ee magaalada Gaalkacyo, waxaana gebi ahaanba hakad galay dhaq dhaqaada ganacsiga iyo kan gaadiidka ee magaalada. Ciidamada Puntland ee gobolka Mudug kusugan sida kuwa Daraawiishta Booliska iyo Asluubta ayaa kala dhexgalay malayshiyaadka dagaalamay. Warar sugan kama soo bixin ilaa iyo iminka khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ilaa galabta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, hase yeeshee waxaa la xaqiijiyey in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah. Dagaalka ayaa hadda u muuqda mid soo yara qaboobay, wuxuuna kusoo aaday xilli ay maal mahii lasoo dhaafay magaalada Gaalkacyo ka jireen falal ammaan darro. Marwalba iyo Waqti Walba Dhacdooyinka.com ka Aqriso Wararkii ugu Danbeeyay ee Soomaaliya si Aad Ula Socoto Xaaladda Soomaaliya. Xafiiska Dhacdooyinka Bossaso http://dhacdooyinka.com/2011/04/27/dagaal-beeleed-khasaare-gaystay-oo-maanta-ilaa-galabta-gaalkacyo-ka-dhacay/
-
Xaaji Xunjuf i am not sure about that. But it has something to do with the mosque killings in the past week.
-
Xaalad Deg Deg Ah Oo Lagu Soo Rogay Magaalada Gaalkacyo Gaalkacyo (RBC Radio):- Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke ayaa haatan shir deg deg ah oo ku qabtey Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo waxaa uu ku dhawaaqay in magaalada Gaalkacyo lagu soo rogay xaalad deg deg ah. Gudoomiyaha ayaa soo saarey warsaxaafadeed ay ku sixiixan yihiin xubnaha mas’uuliyiinta Guddiga Amniga iyo Horumarinta gobolka Mudug, warsaxaafadeedkaasi oo qeexaya in magaalada Gaalkacyo lagu soo rogay xaalad deg deg ah. Xaalada deg dega ah ee magaalada lagu soo rogay ayaa waxay tahay bandow ka bilaabanaya 5:00 Galabnimo kaasi oo soconaya ilaa iyo 5:00 Aroornimo salaada subax kadib, waxaana guud ahaan magaalada laga mamnuucay in shacabku hub ku dhex qaato iyo in magaalada lagu dhex wato gaadiidka bacaha madow ku dhegan yihiin. Amarkan xaalada deg dega ah loogu soo rogay magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in uu soconaya tan iyo inta magaalada Gaalkacyo amaankeeda gacanta lagu soo celinayo. RBC Radio.
-
Deg Deg: Dagaal Ka Bilowday Bartmaha Magaalada Gaalkacyo Gaalkacyo (RBC Radio):- Dagaal ayaa haatan ka bilowday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kadib nin ganacsade ah oo lagu dilay xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo. Dagaalka ayaa wuxuu ka soconayaa xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegayaa in dagaalku u dhaxeeyo maleeshiyaadka laba beelood oo wada degan magaalada, waxaana dagaalku ka bilowday kadib markii Maxamed Cilmi Gurey oo ka tirsanaa Ganacsatada gobolka lagu toogtay xaafada Garsoor. Ilaa iyo iminka dadka geeriyoodey waxaa lagu sheegay in ay gaarayaan ilaa iyo laba ruux, waxaana dhaawac uu soo gaarey afar ruux oo kale kuwaasi oo la keenay Isbitaalka guud ee gobolka Mudug. Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa kacsan waxaana xiran dhamaan goobihii ganacsiga, waxaana guud ahaan magaalada laga maqlayaa dhawaqa rasaasta ay isu adeegsanayaan labada dhinac. Wixii warar ah oo soo kordha kala soco wararkeena dambe. RBC Radio. http://www.raxanreeb.com/?p=93885
-
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Gaalkacyo Gaalkacyo Dagaal beeleed maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhintay toban qof, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen. Dagaalka oo ka dhacay xaafadda Garsoor ee dhanka waqooyi ee magaalada ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo aano qabiil. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in magaalada lagu soo rogay bandow soconaya 6da maqribnimo illaa iyo 6da subaxnimo. Wararka ayaa intaas ku daraya in rasaastii la is-weydaarasanayay ay gaartay goobo ka baxsan halkii lagu dagallaamayay, ayna waxyeelleysay dad rayid ah. Gacan ka hadalka magaalada Gaalkacyo ka dhacay maanta ayaa ku soo beegmaya iyadoo muddooyinkii u dambeeyay falal ka dhan ah ammaanka oo ay ku jiraan dilal qorshaysan ay ka dhacayeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Sidoo kale, dagaalkan wuxuu ku soo beegmayaa todobaad ka hor markii maamulkii hore ee gobolka Mudug la kala diray, islamarkaana la sameeyay maamul cusub oo howshiisa lagu sheegay wax ka qabashada amniga faraha ka sii baxaya ee gobolka, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo. http://www.bar-kulan.com/2011/04/27/10-qof-oo-ku-dhintay-dagaal-ka-dhacay-gaalkacyo/
-
GAALKACYO : Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo dhexmaray laba beelood April 27, 2011 3:17 pm GMT- Gaalkacyo:-Dagaal ayaa maanta dhex maray laba beelood oo walaalo ah oo wada magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug, waxaana la sheegay in uu dagaalku ka bilowmay kadib smarkii saaka la dilay nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed Cumar Guray dabadeena waxaa la sheegay in la weeraray dad lagu tuhmay dilka marxuuumka geeriyooday halkaasna uu dagaalku ka bilowmay. Dagaalka, waxaa la sheegay in uu maanta galinkii dambe sii xoogaystay oo uu khasaare dhimasho iyo dhaawac ahba uu dhaliyay walina magaalada laga maqlayo rasaas dhacaysa, waxaana la sheegay in haatan Ciidanka Puntland ay isku dayayaan in ay xakameeyaan dagaalka labadan beelood, waxaana labada beelood la dhex-dhigay ciidan aad u badan oo doonaya in colaada la joojiyo. Dagaalka maanta ayaa wuxuu ku soo beegmay xili xaalad xasaasi ah ay ka jirto gobolka Mudug oo maamulka cusub ee dhawaan la magacaabay uu soo saaray awaamiir dhanka ammaanka ah oo ay ka mid tahay in aan wax hub ah lagu dhexwadan-karin gudaha magaalada iyo in laga bilaabo maqribkii illaa salaada subax ay magaalada bandow tahay oo aan la ogalayn isku socodka dadka iyo gaadiidkaba. Isbadalka iyo maamulka cusub ee loo sameeyay gobolka Mudug ayaa waxa uu ifafaalo loo arkayay in uu wax badan ka qaban doono xaalada ammaan ee gobolka Mudug, waxaana la filayay in la dareemo isbadal ballaaran, hase ahaatee, dagaalkan labada beelood ayaa noqday mid aan la filayn oo haddii uus ii socdo uu ragaad ku samayn doono hanka wayn ee laga qabo maamulka cusub ee gobolka. Lama sadaalin-karo sida ay xaal noqon doonto, maxaa yeelay magaalada Gaalkacayo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa lagu laayay dad aad u badan oo isugujira Masuuliyiin, Aqoonyahan iyo Waxgarad, waxaana la weeraray Masaajido, waxaana si wayn looga hadalhayay cidda ka dambaysa dilalka qorshaysay ee dhaca ee aan cidna loo qaban. Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Cali Nuur oo ku sugan Gaalkacyo ayaa isagu waxa uu dhawaan bixiyay ifafaalo muujinaya in ay hayaan amaba ay ka warheleen cidda ka dambaysa dilalka gaar ahaan dilakii ugu dambeeyay, laakiin wali mar jirto cid Maxkamad loo soo saaray dilalka kala duwan ee Gaalkacyo ka dhacay. http://www.puntlandpost.com/gaalkacyo-dagaal-sababay-dhimasho-iyo-dhaawac-oo-dhexmaray-laba-beelood/
-
Taleexi;714915 wrote: Hadday run tahay Rabbi ha kala qaboojiyo beelaha deriska ah. Amiin.
-
War degdega: Dagaal Ka Bilowday Bartmaha Magaalada Gaalkacyo. http://allssc.com/?p=9395
-
Gaalkacyo:(Allpuntland)-Dagaal u dhexeeyo beelo walaalo ah oo wada dega magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa duhurnimadii maanta ka qarxay xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo,waxaana uu dagaalkani yimid kadib markii saaka waaberigii koox hubaysani ay duleedka magaalada ku dileen nin culimo ah. Kadib dilka wadaadkan ayaa duhurnimadii maanta isla gaalkacyo lagu dilay nin kale oo lala xiriiranayo nin ganacsade ah oo kasoo jeeda midkamid ah beelaha gobolka Mudug,waxaana dilka ninkan kadib magaalada si rasmi ah uga bilowday dagaal u dhexeeyo labo kamid ah qaabaa’ilada ugu waaweyn ee dega magaalada Gaalkacyo & guud ahaanba gobolka Mudug. Inta la ogyahay in kabana 7-Ruux ayaa ku dhimatay dagaalka,waxaana jira dhaawacyo intaas kabadan oo la geeyey isbitaalada Koonfurta Gaalkacyo & kuwa Waqooyiga Gaalkacyo,waxaana jira waanwaan ay Puntland ku dhawaaqday oo aanan weli hirgelin,dagaalkanse waa kii ugu balaarnaa ee mudo sanado ah dhexmara Qabaa’ilada kala dega Koonfur Galbeed Magaalada & Bariga magaalada Gaalkacyo. Wixii kasoo kordha dagaalkan APL kalasoco. Cabdiqani Xayir Allpuntland
-
Somaliland Plans to Halt Use of Somali Shilling by Mid-June
Saalax replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Good stuff. -
Madaxweyne Faroole oo Garoowe ka wada abaabul dagaal oo ka dhan ah maamul gooboleedka cusub ee Raas Caseyr State Of Somalia Waxaa malmahanba ay shirar aan kala joogsi lahay ka dhacayen magalada Garoowe ee gobalka Nugal shirkaas oo uu soo qaban qabiyay Faroole isgoo ujedadisu aheeyd sidii bulshada ku dhaqan gobalka Nugaal ay ugu tagerilahayd damaciisa ah inuu dagaal Maamul goboleedka RAAS CASEYR STATE OF SOMALIA maamulkaas oo ka madaxbanaan Puntland inteeda kale yeshayna madaxweyne iyo ku xigeen,gole barlamaan iyo gole wasiir dhamantodna ku sugan wadanka gudihiisa kadib markii ay ku gacan seyreen saladinta, aqoon yahanada, culumo awdiinka, ganacsatada iyo qaar kamida sarakisha ciidanka puntland ayaa waxaa soo baxaya inuu faroole hada uu ababul ugu jiro sidii uu burcad badeed iyo maleshiyo beleed beled u soo hubayn lahaa. Mamulka RAASCASEYR oo ka dhashay shirar iyo wada tashiyo mudaba uga socday dalka iyo dibada dadka degaanka degan ayaa shir weyne loo dhanyahay oo ay ka soo qayb galeen dhamaan bulshada dhinacyadeda kala duwan waxuu ka dhacay 10/2/2011-20/2/2011 magaalada BAARGAAL kaas oo lagu go aan saday in ay dadka degamadaas dagani ay sameystaan maammul ka shaqeya danahooda kadib markii ay ku khasareen isku sarsigii iyo wada lahanshihii puntland ayaa lagu dhawaqay mamulka RASCASEYR STATE OF SOMALIA tarikhdu markay aheeyd 17/4/2011 Madaxweynaha mamulka raas caseyr Eng Farah Mohamud Yusuf Dooxajoog maruu lahadlayay warbahinta gudaha isagoo ku sugan casimada mumulkas ee caluula ayuu u sheegay in cid kasta oo isku dayda inay ka hor yimadan rabitanka shacabka degankaas ay ka hortagayaan iskana difacayaan. Sidoo kale waxaa warbaahinta gudaha la hadlay taliyaha guud ee cidamada RAASCASEYR STATE OF SOMALIA jen: Mohamed Xirsi Cumar isagoo sheegay in hadii maleeshiyada uu Faroole ka ururinayo Garoowe soo damaciyaan degankan ay u dhigayaan cashar lama ilawana isla markaana ay hada ku jiraan heegankii ugu danbeeyay xaduduhuna ay xiran yihiin bad iyo biri ilaa iyo iminka ma jirto wax wan wan wada hadal oo labada qoloba ay diyaar u yihiin waana suura gal in xili kasta uu ka qarxo dagaal faraha looga gubtay kaas oo masuliyadiisa uu qadayo faroole iyo inta ku caqligaa. Sawiradaan waa shirkii ka dhacay degmada Bargaal oo lagu doortay mamulka Raascaseyr labada nin ee wada fadhiya waa madaxweynihii Eng: Farah Dooxajoog iyo ku xigeenkii madaxweynugu Dr: Bare Faatax. http://allcaseyr.net/2011/04/26/madaxweyne-faroole-oo-garoowe-ka-wada-abaabul-dagaal-oo-ka-dhan-ah-maamul-gooboleedka-cusub-ee-raas-caseyr-state-of-somalia/
-
Xaaji Xunjuf;714751 wrote: Kooxda SNM iyo USC ee UK oo xaflad u dhigaya CasayrLand Waxaa magaalada London ka socota qaban-qaabo ey wadaan kooxda SNM iyo USCoo ey lacago uugu aruurinayaan xaflad loo dhigi doono maamulka aan saldhiga iyo taageerada toona laheyn ee Casyerland. Hadaba maxey tahay sababta ey u taageerayaan kooxda SNM iyo USC, akhristow waxaan dhowaanta la-soconey in magaalada Galkacyo lagu xirey Prof Lasoraani isagoo loogashakisanaa inuu lacag kasoo qaadey Dowlada Villa-Soomaaliya gaar-ahaan Madaxweyne Shariif Axmed, read more here http://www.allsanaag.com/Details.asp?id=7261 lol so they are already paranoid about ras casayr.