UZTAAD

Nomads
  • Content Count

    697
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by UZTAAD

  1. stop manipulation yaa tolka
  2. I voted for nuune and cool kat. I Hope they will be victorios my two musharaxis
  3. yes absolutely, there is huge reserve of oil and gas in puntland no doubt about that Hope it will be exploted by its people soon.
  4. waryaa waa adigiiye miyaadan isa soo badalin oo nin oday ah noqon. wali sheeko ciyaalkii baa wadaaye
  5. only time will tell but I am not convenced that I will soon see puntland producing and exporting oil although i would like it. The major compamies think it is too risk to invest in puntland/somalia becuase of situation of somalia. atleast it will take 10 years if not more than that.
  6. I dont think puntland will produce oil in foreseeable future unless somalia get strong and reliable central government.
  7. Originally posted by Eng.Cadde: sxb,waxaan rabaa inaan tuulo buuryoqab soo booqdo? how is the weather like there? it is your acestral toolo or you like it to visit for other reasons , it is now called toolo xarfo. the old name was changed.
  8. UZTAAD

    Maah maaaho

    Originally posted by Eng.Cadde: Uztad,sorry sxb,you ruined the whole thread,hal ama labo ayaa lagaa rabay but you copied a bunch of proverbs from somewhere.lol sxb thanks , waxaan layaabay raggaan ay kaga dhagtay gabar quxooon ayagaaaba hadda samaynaya baan is iri . I post the list as refrence.
  9. Originally posted by NGONGE: The certainty with which you use words such apostate and murtad is breathtaking! maraq abeeso lugooley buu soo cabay baan u malaynayaaa
  10. alam tara keyf ku akhriya waa iska tagayaaye.. alamtara keyfa facala rubuka bi asxaabil fiili
  11. stop shoping other people goods(syrian,yamenis , indians) haddii kale somalida oo dhan waxay isku badalayaan muwaladiin {iska dhal} let us preserve our somali pure blood.
  12. I thought you have already reached there, safar salama dee sxb , looking forward your next post of your Garowe trip.
  13. UZTAAD

    Maah maaaho

    maahmaaho isugu jira , kuwa raga , dumarka ,dameeraha, fardaha, ugaadha qaybaheeda kala duwan oo aad arki doontaan iyagoo qoran waana kuwan hoos . - »maahmaaho Xarafka A 1. Aadme la aragyaaba, dhib la arag. 2. Aan wada hadalno waa aan heshiino. 3. Aar qoyey dacawo la mood. 4. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar. 5. Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh. 6. Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay. 7. Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki. 9. Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa 10. Aburku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa 11. Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa. 12. Abuur iyo waano abuur baa horreysey. 13. Adduun i khatal. 14. Adduunyo ka kabo li’id, aakhirana u salaad li’id. 15. Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo. 16. Adhi jiri ma kala abaal waydo. 17. Adhi jiri xil bay wadaagtaa. 18. Adhi magantii ma barriiyo. 19. Adhi shidho laga daayo. 20. Adhi-jiri ma kala abaal weydo. 21. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa. 22. Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari. 23. Aduun wey ki amoodeey ogaaw. 24. Af aamusani marti ma sedo. 25. Af aanad aqooni aabahaa wasna waa kaa yeedhsiiyaa. 26. Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho. 27. Af aanad lahayn lama qabto. 28. Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo’ ha ku daaqdo. 29. Af ****olan dahab. 31. Af hadlaaba aamus. 32. Af jabtay sideedii ma noqoto. 33. Af jooga looma adeego. 34. Af macaan gacan macaan baa dhaanta. 35. Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa. 36. Af noolina waa hadlaa eyna waa ciyaa. 37. Af waa kane, maxaa lagu aamaa 38. Af wax cunay xishoo. 39. Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur). 40. Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan. 41. Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar. 42. Af-ka nool abooto mudac. 43. Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal. 44. Afkaagoo ku xidha oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa. 45. Afkii dab yiri ma guban. 46. Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto. 47. Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog. 48. Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro. 49. Alla aamin ma iisho. 50. Alle watow wehel uma baahna. 51. Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin 52. Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin. 53. Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe 54. Ama faro dufan leh ku qaad ama faro dac leh. 55. Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay. 56. Ammaan lama dhu-dhumiyo. 57. Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay. 58. Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa. 59. Amxaar la arag yaaba ferenji xaaji. 60. Amxaaro madax gumac galay leedahaye madax hadal galo ma laha. 61. Aqal libaax lafo lagam waayo. 62. Aqoon la’aani waa iftiin la’aan. 63. Aqoon xumo abaar ka daran(qorsho xumo abaar ka daran) 64. Arin nin la toosan ayaa nin kale tuur la leh. 65. Aroos lagama raago, lagumana raago. 66. Arrad waa dan uskagse waa doqonniino 67. Arrimo rag waa mudacyo afkood. 68. Arrin aan sidii **** riyaad la feydin, ma fayoobaato. 69. Arrin kaa tagtat Ahaa sooma celiso. 70. Arrin waa mid kugu soo booddiyo, mid kugu bariday. 71. Arrin xumo abaar ka daran 72. Atoorku intiisuu guun ku yahay. 73. Awr awr wado iyo nin naagi waddi midna kaama leexdaan. 74. Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun. 75. Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay 76. Awrka danbe awrka hore socodkiisuu leeyahay. 77. Ayax teg eedna reeb Maahmaaho Xarafka B 1. Baadi nin aan lahayn bay agjoogtaa 2. Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa. 3. Baareey guur, oo sixnigaagana la guur. 4. Baddu waa isku dhadhan. 5. Badhi mag ma laha. 6. Balaayo laba qad ha kuu jirto. 7. Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha. 8. Balaayooy buulkaagaa laga galaa. 9. Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay. 10. Ballaysin bir ka adag. 11. Ban waraabiyo gaala baqataba baraa la helaa. 12. Bannaankaba arkaayow maxaa babac ku saaraaya 13. Bannaankiis mare maradiisa geed ma qabsado 14. Baqal fardo la miratay dhigood bay is moodaa. 15. Barasho horteed dad ha nicin 16. Barasho horteed ha i nicin 17. Barasho u yeelo geedkaad cugsan doonto. 18. Bari waaga mooyee wax san kama yimaadaan. 19. Barrooriba buulkeeday ku hartaa. 20. Bartii yaqaan, bari uma korodho. 21. Bartii yaqaannbar xoolaad kuma korodho. 22. Baruur qudhuntay baa baruuro badan qudhmisa. 23. Baruuro sabool, badhaadhaa leh. 24. Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa. 25. Baryo iyo is daluuc layskuma daro. 26. Basari buulkeeda bayaayo waaye 27. Baso waa baso si kastoo loo subko. 28. Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan. 29. Beec-mushtar bilowgiis bur iyo bajiye waaye. 30. Been doode been buu dhaartaa. 31. Been fakatay runi ma gaadho. 32. Beeni raad ma leh. 33. Beentaada hore runtaada danbay u xuntahay. 34. Beentaada hore, runtaada dambey dishaa. 35. Beentaada hore, runtaada danbey u daran tahay. 36. Beer wax dhalow ba’ 37. Beerka jecli, xaydha jecli. 38. Belaayo aanad guriga keensan banana kaama raacdo. 39. Belaayo guur bay ku tiraahdaa ama guurso. 40. Belaayo hor la qabtay leedahay ee **** la qabto ma leh. 41. Belaayo kaa sii jeeda layskuma soo jeedsho. 42. Belo markay adiga kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku maqan tahay 43. Bidaari sibiq bay kugu gashaa. 44. Bilaysini Bir ka adag 45. Bililiqo doon waa nabad diid. 46. Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalena kuuma geyso 47. Bir baa bir goysa. 48. Birta adag dab ayaa lagu jilciyaa. 49. Bisayl iyo ceedhiin waxa u dhexeeya waa yac-yacood. 50. Bisqin rag bay kuu gaysaa ragse kaama celiso. 51. Biya sar tegey waa la sugayaa 52. Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan. 53. Biyo ay horotood dhooqo tahay, dabadooda maxaad mooday. 54. Biyo gorore oo meel godan bay isugu tageen. 55. Biyo meel godan bay isugu tagaan. 56. Biyo sacabbadaadaa looga dhergaa. 57. Biyo socdaa biyo fadhiyey kiciyaan. 58. Boqol sano oo dawlad xumo ah, hal habeen oo dawlad la’aana baa xun. 59. Boraan hadimo ha qodin ku dhici doontaa mooyee. 60. Buubaal biyaha korkiisa saran buu ka didaa 61. Buur caws ah oo biyo ku agyaal baadi doonyoo biciidkuba waa 62. Buurta Saw iyo Sogsogley iyo Samow Boorame R TOP -------------------- -------------------- -------------------- -------------------- » 736. Ra saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon jilicsan. 737. Raad arrooryo dib looma raaco. 738. rag gar baa kala saarta dumarna jaan© 739. rag hunguri buu isku raacaa. 740. Rag jidiin baa walaaleeya. 741. Rag la’aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha. 742. rag qawl baa xidha dumarna meher. 743. rag sadex lama raaco, ma fakere,ma faaidayste,ma foorarsade. 744. rag waa arin keen iyo aqbalkeen. 745. Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi 747. rag waa shaah dumarna waa sheeko. 749. Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa. 750. rag waxa ugu faan badan mar dhoof iyo mar duul. 751. rag waxa ugu liita ciil kama baxe iyo calooshiisa la ciyaare. 752. rag waxa ugu liita looma maahmaahe, looma sheekeeye, looma soo gale.© 753. rag waxa ugu liita, ma hadle ma heenseeye, ma haasawshe© 754. Rag wuxuu kugu bartuu kugu dilaa. 755. ragi sadex bay ku kala baxaan , wax tegay ka hadhidii, wax jooga ka hadalkii, wax soo socda ka haloosigii. 756. ragu sadex waa iskaga mid. Magaca, magta iyo maganta. 757. ragu waxa uu ka sheekeeyaa biiisa dumarkuna badhaadha hooda. 759. Reer ba’ow yaa ku leh! 760. Reer guura raac iyo carruurba loo kala sheekeeyaa, is mase arkaan. 761. Reer, naagbaa kaa raacda. 762. Reerka meelan loo husan looma haatiyo. 763. ri waalan ridaada laguma xidhto 764. riyuhu lugtooday shalan ku doontaan. 765. roob magaalo ku hooray ramaas soo bixin maayee laamiguu ku raftaan. 766. run iyo ilkaba waa la cadeeyaa. 767. Runi rag kama nixiso 768. ruux aan geeri iyo nolol midna ahayni/ ma dhiman mana noola. 769. ruuxba dhiishuu ruxduu caaneheeda dhamaa. Maahmaaho Xarafka D 1. Daacadi ma hungowdo 2. Daahdaahow hortiis dafo waaye (Arrin degdeg u baahan lagama daaho sida heblaayo aad ogayd ooy hebel 3. Daawo tiro wax kuma tarto 4. Dab aan ku gubin kulaylkiisa ma ogid. 5. Dab ama hadal baa lagu bakhtiiyaa ama biyo 6. Dab iyo xanuun meel ma wada fadhiistaan. 7. Dab munaafaq shiday baa duul dhan guba. 8. Dabaan kuleelkiisa la arag danbaskiisa lagama leexdo. 9. Dabada iiga qor anigaa durugsan doonee (Ma dhiirrado nin aan garab wax lagula dhisayni). 10. Dabagaale timir gaari waayey qaraara buu yiraahda’. 11. Dabalaay gooji ama ha goojin geela gu’ga dhalay uun baa lagugu tirin. 12. Dabeecad xuma dad kaa saartay. 13. Dabeecaddu diinta waa ka badh. 14. Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa. 15. Dacartuba mar bay malab dhashaa. 16. Dacas iyo dameeraba lama kala laha. 17. Dacas kaa wayni dhiiqaday kugu farjiyaan. 18. Dacawadii tallaabada nebiga ku dayatay, teediina ka tagtay tu kalena gaari weydey. 19. Dacawo duul-duul badan af libaaxeey dalaq dhahdaa. 20. Dad iyo weel godanba waa la badsadaa (weelka godan biyahaa ku urura) 21. Dad kaa badan iyo biyo kaa badanba way ku hanfiyaan. 22. Dad wax ugu liita ma tashe ma toshe ma tashiishe. 23. Dad wax yar tare ma ahee, wax ma tare ma leh. 24. Dad waxa ugu muran badan jaxar iyo jaahil 25. Dad waxa yaqaan nin tuugsaday iyo nin u taliyey. 26. Dad waxaa yqaan nin tuugay iyo nin u taliyey. 27. Dadku hadalkay isku afgartaan xooluhuna urta. 28. Dadqal looma gurguurto. 29. Dagaal qofbaa ku dhintee qof kuma dhasho. 30. Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta. 31. Dal aqoon la’aan waa la habaabaa, dad aqoon la’aana waa la qadaa. 32. Daleel marow maradiis geed ma daarow 33. Dameer dhaan raac. 34. Dameer waa dameer sidii goodirkaba haw boodee 35. Dameeraha Adari qofkii oodda ka qaadaa aroorsa. 36. Dameeraha Awdal ninkii ooda ka rogaa arroorsha 37. Dameeraha ta ugu xun baa ugu haraati kulul. 38. Dameeraha ta ugu yar baa ugu biqlo badan. 39. Dameeri dhaan raacday. 40. Dameeri isku hallayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa. 41. Dameero awdalan ninkii ooda ka qaadaa arooriya. 42. Dameertu geel-didiska khuruf-khuruftay kaga dartay. 43. Dameertu inta aanay cida baran ayey dhuusada barataa. 44. Dameertu isku halayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa. 45. Dameertu ma hadhsato ilmaheedana ma hadhiso. 46. Dammeeraley Dad la xeer maaha. 47. Dan iyo xarrago is weyday. 48. Dan layskuma naco. 49. Dani waa seeto 50. Dantaada derin karkaranna waa loogu seexdaa 51. Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo. 52. Dantaadana, maqaar eybaa loogu seexdaa. 53. Dantii mooge, maro duuga ka liitee. 54. Dantu ceebba ma lahee dadkuun baysku nacaya 55. Darandoorriyaaba naas-naasi (Nin ordaaba istaag 56. Dardaaran caweysin kallah arooryaad buu leeyahay (Arrin la qorsheeyey meel laga bilaaboayey leedahay 57. Dardaaran waa inta xayga la yahay. 58. Dawaco geel ma cunto. 59. Dawaco meeshay macal idood ku baratay, macaluul ugu bakhtidaa 60. Dawarsato dariiqay ku collowdaa. 61. Deero waa dal maddays. 62. Deriskaa dagaalkaaga rabaa, dooradaada ceshaas ku dhahaa 63. Deriskaaskaa marna ku dayo marna ku diin. 64. Dhabada yari dhabada wayn bay kugu ridaa. 65. Dhac dushii laguma wada hadlo. 66. Dhadhan shaa waalan dhergaana ka sii daran. 67. Dhagar qabe dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa 68. Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, hadalna meel dheer 69. Dhagax tuujin iyo taabasho waa isugu mid 70. Dhalaan dheelaa baradi, dhusuntaa far koo galiyee? 71. Dhalaan dheelaa baradi,dhusuntaa far koo galiyee = Dhalaan (caruur,ilmo,ubad)ci yaarta bartay dabaduu 72. Dhalaan qayladu waa qaboonada. 73. Dhaliili dhaban bay ku taal. 74. Dhalinyaro dhubuq dhubuq hore dhabana hays danbay leedahay. 75. Dhallaan dhargay fartaa loo lulaa (way iska qoslayaan) 76. Dhallaan qayladii waa qaboonada. 77. Dhar kaa dheer dhaxan kaama reebo. 78. Dhaxal gorayo dhabad baa leh. 79. Dhaxal goroyo dhebed baa iska leh. 80. Dhedo roob noqon weydey 81. Dheere iyo gabane un baa jiree, Dhuubane majiro. 82. Dheerow ii gaabow yaa jaree, dhuubow ma jaro. 83. Dheg haddii la jaro daloolkaa hara. 84. Dheg wax xun maqlaysaa wax wacan ma weriso. 85. Dhegta hadii la gooyo daloolkaa hadha. 86. Dheriga karkaa maxaa ka keenay, kulayl weeye. 87. Dhib lagula qabo dhib ma eh. 88. Dhicisku inta mindida loo soo siduu bakhtiyaa. 89. Dhidar xabaalo qod bartay qudhin buu uga dhacaa. 90. Dhiig islaan ma qarsoomo. 91. Dhiil maran iyo dhiil buuxa la iskuma dhufto (Wax aan isu qalmi la isma dhaafsado). 92. Dhilaa la waaniyey markaasay tidhi ii dhakhsada rag bay sugayee. 93. Dhillo, intaadan dhillo oran bay dhillo ku tiraahdaa 94. Dhilo garcatay mar horey ku nabad gashay. 95. Dhoofaa kaa dhimay! (bal tan ka warran, ma run baa?) 96. Dhoofaa kaa dhimay. 97. Dhool bari ka soo kacaa dhaan loo nageeyaa. 98. Dhubuq-dhubuq hore dhabanahays dambey leedahay. 99. Dhur waa la tegis bartay ka ridistu waa ku ceeb. 100. Dhurwaa dhoomo laguma rarto. 101. Dhurwaabaa lagu yidhi fool xumadaa, markaasuu yidhi walaalkay weerana ma aragteen. 102. Dhuumashada dhabarku muqdo dhuumasho ma aha. 103. Dib u gurasho dib bay kuu dhigtaa. 104. Dibi hooyo xumi hore uma koro. 105. Dibi hooyo xumi korme ma noqdo. 106. Dibi hooyo xumi, hore ma noqdo. 107. Dibi, bay waw dhutiyaa. 108. Diidiink weelshee deymoodaa ka koriyee ma danbar manuujiyaaw = Diinku ubadkiisa eegmaduu ku koriyaa. 109. Dix dhaaxood dhagax ka waa, hayeesa hangool ka waa 110. Dixrigu(duqsigu) dantiisuu qudhunka ugu jiraa. 111. Doc ka yeedh iyo dameerkaba daankaa la jebiyaa. 112. Doofaarka ficil la’aan baa loo cadaabaa. 113. Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo Kurug ,Kurug ma Dhaafeeyso…… 114. Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo kurug, kurug ma dhaafeeyso. 115. Dooro qoor qabasho biyo kuma cabto. 116. Dooro xaarka way wada cuntaa, af-tirashadeyse isku dhaantaa. 117. Doqon alle bariday xeradeeday ka aragtay. 118. Doqon dib bay wax ka garataa. 119. Doqon ha u gargaarin hana gargaarsan. 120. Doqon iyo habeen baa madaw. 121. Doqon milantay iyo geesi damac bartay dhexdoodaa miidaamo ka hacdaa. 122. Doqon nebi Muusaa habaaray 123. Doqon qaddar alla taqaanna qulucdaada looma dhiibto. 124. Doqon sokeeye maaha. 125. Doqoneey dabkaa ba 126. Doqoni amaanay lahayn bay u rixisaa. 127. Doqoni cad ciid loogu riday cay bay mooddaa 128. Doqoni calaf ma leh. 129. Doqoni haddii nla xifaaltamo in la is diriray bay mooddaa. 130. Doqoni hoosiis bay had mooddaa. 131. Doqoni meeshii la isku diriray uun bay ogeyd, meeshii lagu heshiiye sema oga. 132. Doqoni qiiq kama kacdee daamankay meer meerisaa. 133. Doqoni saaf carro loogu riday, sad bursiinyo ma mooddo 134. Doqoni sokeeye ma aha. 135. Doqoni waxay leedahay laba iyo toban indhood, hal mid waxay ku aragtaa. 136. Doqoni xarigga lagu xiri xusulladay ku sidataa. 137. Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga. 138. Doqoniino waa shil. 139. Doqonkii lumay oo la soo helay wuxuu yiri; “Maxaa la iiga farxi berriba waan lumiye. 140. Doqonta usha agteedaa lagu dhuftaa haday garan waydana goshaa oo geshaa. 141. Doqontu afka xanbay ku sidaa ishana xil. 142. Doqontu hadalkay dib u gocotaa* 143. Doqontu marka la ficil tamayo in laka tagayo ayey moodaa. 144. Doqontu xeerna ma hoyso, xoolana ma hoyso. 145. Dudumo dheeraataa dhulkuun bay ku noqotaa. 146. Dudun dareen ii dugsasho inis ki dartooy = Dudun dareen iyo dugsasho,ha iskugudarin. 147. Dudun dareen ii dugsashu inis ki dartooy. 148. Dukhsi biyo ku dabaal bartay fuud buu ku bakhtiyaa. 149. Dukhsi dantiisuu dumurka (qudhunka) ugu jiraa. 150. Dukhsi dantiisuu dumurka ugu jiraa. 151. Dukulush timir deeri waayi Kharaaraa tuf in erre? 152. Dul qaadasho yey noqon tii dibiga 153. Dumaal ni ka xishooday kama ilmo dhalo. 154. Dumar iyo dheri toona yar yaraysi malaha. 155. Dumar yaryaraysi male 156. Dumarka been baa lagu soo xero geliyaa runa waa lagu dhaqaa. 157. Duqsi, caanuu ku dabaal bartaa fuudbuuse ku gubtaa 158. Durduro geel baa ku jaba. 159. Durduro waxarood xanan(qodax) bay kula gashaa.
  14. UZTAAD

    Maah maaaho

    Rag waa shaah dumarna waa dheeko. Naag kun baa koodisa (shukaansata) kow baana guursada.
  15. ma toos baa u tagatay mise mirqaanka ayaa ku geeyay
  16. nimanyahow somali kawada hadashaan haddii luqadihii kale aad isku fahmi waydeen. mise somaliga laftiisa lama yaqaan.
  17. Hasan Dahir is likely replacement according to realible sources.
  18. wrong candidates, where is may name ?!
  19. walaahay sxb kuwaan sheekooin ka culus bay soowadaan
  20. 1. I would scrap the ictraafraadint 2. I would try to bring peace in souther somalia 3. the other priories will follow............
  21. we would like also to see your Idea you just posted the topic but did not add any Idea so let see what you think.
  22. she sharif is wandering man from one country to another without any purpose or acheivements today he went to saudi arabia tomorow he will go to Nebal then bulgeria he is just on move but unfortunately for him he never visited any city or region of the country he preside except Villa somalia. sheikh is just wast of time he will not acheive any thing during his two years . he will just collect some amount and then disapeare from the sceene as Abdilqasim did . that the fate of sharif hotel.
  23. the Nomads use camal milk as medicine, when ever a person falls ill they simply give him camal mil (caano geel oo dhay ah) and he feels better. so Nomad knew it many centuries ago but europeans are realising now.
  24. oo shariifka xataa waardiyihiisu ma Amnsom baa? illaa ninku meesha waxba ku hayo. tolow macalin dugsiigiisi muu iska noqdo halkaas buu guul ka keeni karaaye.