
Liibaan
Nomads-
Content Count
4,722 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Liibaan
-
Prof. Cali Khaliif Glaydh iyo Wafti Ka Socday Ismamul-Goboleedka Khaatumo State of Somaliya oo Si Heer Sare ah Loogu Qaabilay Wasaarada Arimaha Dibada ee Dawlada Federaalka Itoobiya Maanta. Bulaale.com/ February 5, 2012 Addis-ababa (Bulaale-News)wariyahayaga noo jooga Magaalada Addis-ababa ayaa noo soo gudbiyay Shir Heer sare ah oo manta ku Dhexmaray Xarunta Wasaarada Arimaha Dibada ee Dawlada Federaalka Itoobiya Wafti Balaadhan oo ka socday Khaatumo State oo ka mida ismaamul-gobaleedada dhawaan laga sameeyay soomaaliya iyo Kuxigeenka Wasaarada Federalka Itoobiya iyo u qaabilsanaha Itoobiya Dhanka Arimaha Soomaaliya Colonel Gabre. Warka ayaa intaa ku daraya in Waftigan ka socday Ismaamul-goboleedka Khaatumo State uuna hogaaminayay Mudane Cali Khaliif Galaydh ay si heer sare ah ugu qaabileen Xarunta Wasaarada Arimaha Dibada ee dawlada federaalka itoobiya,Wasiir ku-xigeenka wasaarada Arimaha Dibada iyo wakiilka Deskiga u qaabilsan Itoobiya Arimaha Soomaaliya Colonel Gabre. Dhanka Itoobiya ayaa uu Wasiir kuxigeenka Wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya uu u muujiyay Waftiga Sare ee ka socday Khaatumo State(Somaliya) soo Dhawayn heer sare ah,isagoona Carabaabay in ay Dawlada Federaalka Itoobiya soo dhawaynayso Khaatumo State,islamarkaana Danaynayso in ay Xidhiidh Daris-wanaagnimo iyo Iskaashiba la yeelato khaatumo state.uu Dhex maro. Dhanka kale ismaamul-goboleedka Khaatumo State ayaa ka soo Go’day Ismaamul-Goboleedka Somali-land ka Dib Markii ay Quud Daraysay Hanaanka Maamul ee Ay wax ku wado Dawlada ismagacaqwday ee Somali-land,taasoo ku dhisan Qabyaalad aan Shaadh Huwanayn,Khiyaamo umadeed,Musuq aan xadaysnayn,Danaysi iyo Jiho la’aan Siyaasadeed. Dawlada Is magacawday ee Somali-lan ee uu Madaxa ka yahay Siilaanyo ayaa Aqbashay ka qayb-galka Shirka Dhawaan ka dhici doona Magaalada London ee Soomaaliya oo Dhami ka Soo qayb gali doonaan,Aqbalaada Somali Land ee Dhinaca Soomaali Weyn ayaa ku soo beegantay xili ay kala xadhig furatay Xayn daabkii yaraa ee Somali land,iyadoona ay dhinac isu taageen Gobolada Khaatumo State iyo Awdal State.
-
Prof. Cali Khaliif Galaydh & waftiga Khaatumo State of Somalia ee uu Hogaaminayo oo Soo Gaadhay Addis Ababa Wabishabeele.com Addis Ababa, 02-Feb-2012 - Waxaa magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa soo gaadhay wafti ballaadhan oo uu hogaaminayo siyaasiga rug-caddaaga ah, Dr. Cali Khalif Galaydh, kaasoo ka soo kicitimay maamul gobolleedka Khaatumo ee dalka Soomaaliya. Waftigan ayaa horrey u soo maray magaalo madaxda deegaanka Soomaalida, Jigjiga, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyey, islamarkaana la dajiyey guriga martida ee xukumadda deegaanka. Mudane Galaydh iyo waftigiisa ayaa inta ay joogaan dalkan Itoobiya waxey kulamo kala gadisan la yeelan doonaan masuuliyiin ka kala tirsan qeybaha kala duwan ee dowladda dhexe Itoobiya. Maamul gobolleedka Khaatumo oo dhawaan lagaga dhawaaqey magaalada taariikhiga ah ee Taleex, waxaa laga filayaa inuu sugu ammaanka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn. Siyaasadda dowladda dhexe Itoobiya ayaa ah in gacan la siiyo cid kasta oo door ka cayaari karta xasiloonida gobolka Geeska Afrika. Sidaas oo kale, dhawaan ayaa la filayaa inay Addis Ababa soo gaadhaan masuuliyiinta maamul gobolleedka Awdal, kaasoo dhawaan ay dhisteen shacabka gobolka Awdal. Masuuliyiinta maamul gobolleedka Awdal ayaa laga filiyaa inay sugaan ammaanka dekadahooda. Wabishabeele.com
-
Saxaafaddii SNM OO Joog iyo Jiif Diidday, Runtii OO La Qarin Kari Waayey… Awdalnation.com Xukuumada federal-ka ee wadanka ETHIOPIA, ayaa martiqaad rasmi ah u fidisay maamulada Khaatumo State iyo Awdal State oo ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland, waxaana ay madaxda maamuladaas la yeelanaysaa kulamo gooni-gooni ah oo taageero loogu muujinayo . Dawlada dhexe ee Addis Ababa, ayaa la sheegay in ay doonayso xidhiidh xagga amaanka iyo siyaasada ah oo ay layeelato kooxahan, oo ballan qaaday in ay daacad u ahaan doonaan ETHIOPIA, iyaga oo ka codsaday in ay damaanad qaado amaankooda, ilaa inta ay gacanta ku dhigayaan dhulka ay qorshaynayaan in ay maamulada ka hirgalinayaan. ETHIOPIA waxa ay si cad u sheegtay in ay soo dhaweynayso maamulka kasta laga dhisayo dhulweynihii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay Somaliland ka mid tahay, waa haddii maamulada cusubi ay taabacsan yihiin siyaasada xukuumada Meles Zenawi ee gobolka Geeska Afrika , laakiin waxa meesha ka baxay cilaaqaadkii ay la lahayd Somaliland oo jiray in ka badan 20 sanno. Dhanka kale waxa Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka ETHIOPIA maalintii shalay gaadhay wefti uu hogaaminayo Dr Cali Khaliif Galaydh oo ah hogaamiyaha ruuxiga ah ee maamulka Khaatumo State, waxaana uu la kulmi doonaa madaxda sare ee federal-ka,kuwaasoo uu ka mid yahay Ra iisal wasaare Meles Zenawi sida ay ilo xog-ogogaal ahi u xaqiijiyeen shabakeda wararaka ee Ramaasnews. Meles Zenawi, ayaa la sheegay in uu Cali Khaliif, ku dhiirigelon doono sidii uu maamulkiisa ugu baahin lahaa dhulka ay degta beesha uu ka soo jeeda ee Sool, Sanaag Bari iyo Buhoodle, iyada oo ETHIOPIA ay siin doonto gargaarka dhanka gaashaandhiga ah, isla markaana ay xukuumada Somaliland ku qanci doono in ay joojiso dagaalada ka dhanka ah kooxada falaagada ah. Galaydh oo xilka wasiirka koowaad ka qabtay dawlada KMG ahayd ee lagu soo dhisay Magaalada Carta ee dalka Djibouti ee uu hogaaminayay Cabdiqaasim Sallaad Boy sannadkii 2000, ayaa gacan ka gaystay burburkii dawladaas, ka dib markii ETHIOPIA ay ku eedaysay in ay xidhiidh la lahayd argagixisada caalamiga ah, waxaana uu sida oo kale taageero dhanka siyaasada ah ka haystaa dalka Maraykana uu barre jaamacadeed ka yahay. Xidhiidhka Somaliland iyo ETHIOPIA oo diciifay ilaa intii xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo xukunka wadanka la wareegtay, ayaa sabab u noqday in ay kooxaha gooni isu taaga ka soo horjeeda taageero waydiistaan dalka saaxiibka hore ahaa.S
-
Waagacusub.com oo Ururisay Beenaha Waa Weyn ee Shabakadaha SNM Ku Maaweeliyaan Somalidiidka Beentii uu xariga ka jaray Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Cabdillahi Cukuse ayaa u muuqato mid ku faaftay siyaasiyiinta iyo Warbaahinta beesha ***** . Afhayeen Cukuse wuxuu hore ugu sheegay bulshada reer Somaliland been qaawan oo ku dhisan marin habaabin iyo qiyaali kuwaas oo laga xusi karo. 1-Wafdiga Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Magaaladda Diridhabe ugu hoyday sababa la xiriira garoonka Pole International Addis Ababa oo la xiro 5-ta Galabnimo 2-Wafdigii Madaxweyne Siilaanyo waxay tageen China waxay la kulmeen madaxda dalkaas waxaana baahiyay Warbaahin badan oo ay ka mid tahay CNN China ( Taariikhda lama maqal CNN China,Siilaanyana ma tegin China) 3- Khilaaf kama jiro Madaxtooyadda Somaliland,mana jirto haba yaraatee khilaaf u dhaxeeya Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdi Raxmaan Saylici iyo Wasiir Xersi Xaaji Cali ( Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland markii uu dib u heshiisiinta galay wuxuu Warbaahinta u xaqiijiyay inuu khilaafkaas xaliyay,tani waxay ahayd been laga daba tegay) 4- Ma jirto in la jabsaday Emailka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland waana been waxyaabaha lagu qoray Website-ka qarannews.com (Tani waxay ahayd been Caalamka oo dhan la yaabay) Bulshada beesha dhexe ee reer Somaliland oo qaati ka taagan beenta Afhayeen Cukuse ayuu masraxa been afuufida ku soo biiray Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Mohamed Bajaaj,waxaana beentiisa laga xusi karaa. 1- Waxaan la socday Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin iyo jawaabtii xarakada laheyd ee Faarax Macalin ku yiri “ Islama socon ee diyaarada ayaan isku aragnay” 2- Walaacii aan ka qabnay shirka London wuxuu ka baxay meesha maxaa yeelay waxay Dowladda Ingiriiska noo sheegtay in shirku yahay mid aan quseeyn qadiyada gooni isu taaga Somaliland (tani waa been tii ugu weyneed ee bulshada Somaliland loo sheego) Safiir ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya dalka Ethiopia wuxuu soo celiyay jawaabo uu mudo la maqnaa oo nuxurkoodu ahaa su’aalo Madaxweyne Siilaanyo u dhiibay waxaana ugu weynaa A- Shirka ma waxaan uga qeybgaleeynaa anagoo Dal madaxbanaan ah mise waxaan la mid nahay Puntland iyo Galmudug? ,tan waxay Dowlada Ingiriiska uga soo jawaabtay ( Waxaad shirka uga qeybgaleeysaan idinkoo Somalia ka mida) B- Hadii Jawaabtiinu noqoto inaan shirka uga qeybgaleeyno anagoo maamul goboleeda meesha maku leeyahay khudbad aan ku sharaxo qadiyadeena gooni isu taaga ?,tani waxay Dowladda Ingiriiska uga jawaabtay ( Shirka waxaad ku leedahay khudbad 7 daqiiqo ah hasse yeeshee ugama hadli kartid qadiyad gooni isu taag laakiin waxaad uga hadli kartaa sida Somalia lagu nabadeyn karo,loona ciribtiri karo argagixisada iyo burcad badeeda). C- Shirka maka soo qeybgalayaan Khaatumo State iyo Awdal State oo maku casuunteen? Tani waxay Dowladda Ingiriiska uga jawaabtay ( Waxaanu go’aansanay inaan casuuno dhamaan garabyada Somalia ,sida maamul iyo shaqsiyaad waaya araga,sidaas darteed siyaasadeena kuma jirto inaan ergada ka qeybgaleysa martiqaadkooda cid kale u sheegno) Dhamaan seddexda Jawaab waxay u muuqdaan Negative wuxuuna Siilaanyo ka qeybgalayaa shirka laakiin qodobka ugu muhiimsan ee loo sheegay wuxuu yahay in Dowladda Ingiriiska ku tiri “Waxaan dooneynaa in Dowladda cusub ee Somalia caasimadeeda laga dhigo Hargeysa” Website-yada Somaliland ee ku hadla afka beesha ***** ayaa ku soo biiray masraxa beenta iyo marya habaabinta bulshada waxyaabaha ay qoreena waxaa ka mida. 1- Cali Khaliif Galeydh ayaa lagu xiray Ethiopia (Cali Khaliif wuxuu maanta Addis Ababa kula kulmay Ra’isulwasaaraha Ethiopia Melles Zenawi wuxuuna ku sii jeedaa dalka Norway isaga iyo dhamaan wafdiga la socda) 2- Shakigii Somaliland ka qabtay shirka oo meesha ka baxay (Tani waa qiyaali iyo been suuqa laga saaray) 3- Kooxaha Nabadiidka reer Buhodle oo jab xoogan ku dhacay iyo waa laga sifeeynayaa degaanka ( Tani waa been iyo colaad hurin qabiil. 4- Ciidankii Liyuu booliska Kililka shanaad ayaa xaduuda laga qaaday oo Ciidan Federal ah ayaa lagu bedelay ( Waa riyo maalmeed iyo been maxaa yeelay Ciidanka Liyuu booliska ayaa ka masuula xaduudaha kililka shanaad) Dhamaan Website-yadu waxyaabaha ay qorayaan waxay noqdeen been aan sal iyo raad laheyn,waana adag tahay sida qof waxgarto ku akhriyo qoraaladooda. Hadii la qiimeeyo hab qoraalka wararkooda waxaa la dhihi karaa HABAR DHALI WEYSAY ALLEELA KU WAALATAY. Taageerada ****** kuma heli kartid inaad WANLA WEYN tiraahdo Taageerada ********** kuma heli kartid inaad LAANGAAB tiraahdo Taageerada *********** kuma heli kartid inaad ****** tiraahdo Waagacusub.com
-
Prof. Cali Khaliif Galeydh iyo Wafdigii Khaatumo State ayaa La Kulmay Madaxda Sare ee Dowlada Source: Somalidiasporanews.com (snm/Somalidiid Website) Wefdi ka kooban ergedii dhawaanta maamulka Khaatumo uga dhawaaqday shirkii Taleex oo uu horkacayo Reysul wasaarihii dawladii Carta Md Cali Khaliif Galeydh ayaa kulamo ay la yeesheen madaxda dawlada Itoobiya la iskula soo qaaday waxa maamulka ay ku dhawaaqeen mandaqada ku soo kordhin karto. Geesta kale waxa magaalada Hargeysa xarunta Madaxtooyada ka socda diyaargarow uu madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ugu jiro safar uu ku tegayo magaalada Adis Ababa si markaa loo anbaqaado wadahadalada. Kala soco bogan waxa ka soo kordha wadahadalka labada dhan iyo waxa ay isla qaataan.
-
Dawladda Ethiopia Oo Ugu Yeedhay Axmed Siilaanyo Magaalada Addis Ababa Si Loo Kulansiiyo Wafdiga Khaatumo State ee uu Hogaaminayo Prof. Cali Khaliif Galaydh Source: Halbeegnews.net ( snm/Somalidiid website) http://halbeegnews.net Hargeysa (Halbeegnews)– ilo lagu kalsoonyahay oo ay noo xaqiijiyeen xubno ku dhaw aqalka madaxtooyada Somaliland ayaa Halbeegnews u xaqiijiyey in qoraal yeedhmo ah loo soo mariyey Axmed Siilaanyo xafiiska Dawladda Ethiopia ku leedahay magaalada Hargeysa, yeedhmadaasi oo uga timid Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zenawi si loo kulansiiyo loona wada hadashisiiyo Cali Khaliif Galaydh oo maalmahaba ku sugna magaalada Addis Ababa. Arrinta is araga iyo kulanka ayaa la sheegaya inuu markii hore dalbaday Madaxweyne Siilaanyo isla markaana Wasiiro dhawaan ku tagay Addis ababa kulan ay ka codsadeen dawladda Ethiopia in la sameeyo kulan dhex mara Axmed Siilaanyo iyo Cali Khaliif oo mar ka wada tirsana golahii Wasiiradda ee Taliskii Maxamed Siyaad Barre. Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa in 72-ka saacadood ee soo socda uu ka dhoofo caasimadda Hargeysa isagoo tagi doona magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia si uu ula kulmi Cali Khaliif Galaydh. Halbeegnews, Hargeysa
-
TogaherNews Somalidiid website "Waa been in Cali Khaliif La Xidhay, Beenta iyo Khayaalka waa inaanu Joojinaa Hadaanu nahay Reer Somaliland" Markii Xukumadan jirtaa Afaaraha Dawladahaa ka waawayn ay faragalisay, ee ay dhinac raacday ayay Itoobiyana si yar oo fudud uga shaqaysay inay Khaatumo land hir galiso, Argoosi Siyaasadeed weeye waana sax. Been iyo Khayaal waxa ah in Cali Khaliif Galaydh la xidhay. Waar waa siyaasi wayn Idaacad aan sheegteeni ma jirto, waxa laga qaadi lahaa Waraysi, Warbaahinteena [snm/Somalidiidka ah ] mooyee meel laga maqlay ma jirto Cali Khaliif Galaydh Hotelka Inter-continental ee Addis Ababa waaka ku Raaxaysanaya ee iska daaya dhalanteedka reer somalilandoow. Sababta loo yidhi waa laxidhayna waxay tahay: iyadoo dhagta loogu ridayo shacbiga Somalilandinaanay jirin Khaatumo land, dalkuna sidiisii yahay si Dawladanuna uga qayb gasho Shirka London. Waxaan shaki ku jirin, in Somaliland lagu burburiyay hab diblomaasiyadeed xididadana loo saaray wax la yidhaa Gooni Isu-Taag dambe. Ama ku qanca ama iska daaya. s/calaykum. SANWAA CUMAR YARE http://www.togaherer.com/2012/02/05/dawladii-siilanyo-oo-noqotay-dacawadii-talaabadeedii-ka-tagay-tii-nabigana-gaadhi-wayday/
-
SNM/Somalidiid websites spread lies, hatred, and propaganda. As usual Snm/Somalidiid (Anti-Khaatumo/ anti-SSC) websites circulate false rumors about Khaatumo/SSC people and Khaatumo/SSC leaders. Some somalidiid websites are telling lies like Prof. Cali Khaliif is arrested in Addis Ababa, another big fat lie.
-
Somaliland will be Attanding the London Conference
Liibaan replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Jiiroow Bakaal;784980 wrote: Reer Ictiraaf raadis sidi cid tacsi u taal bey u wada hadlayaan LoOL -
Waa Gabay aad u qiimo badan, masha Allah
-
Madaxweyne Siilaanyo oo Labada Gole qado ugu sameeyay Hutelka Maan-soor iyo labada Gole oo beri fadhi wadajir ah ku Ansixin doona tagitaanka Shirka Ingiriiska Waaheen (Somalidiid website) Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa manta mudanayaasha labada Gole ee Wakiiladda iyo Guurtida ugu sameeyay kulan qado ah oo uu ugu bandhigay xukuumaddu xogaha ay ka hayso shirka Ingiriisku u qabanayo Somaliya inuu yahay mid ay ka madax banaan tahay Somaliland isla markaana ay ku taageeraan. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Mudanayaasha kaga codsaday kulankaasi inay isla berry kulan wadajir ah ka yeeshaan oo ay u Ansixiyaan si ay xukuumaddu shirkaasi uga qayb gasho isagoo sheegay in loo baahan yahay fursada Somaliland ugu jirta shirkaasi inay ka soo faa’iideeyaan oo Beesha Caalamka ee ka soo qayb galaysa qadiyadda Somaliland u bandhigaan. Waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo labada Gole ugu balanqaaday wixii faahfaahin ah ee ku saabsan Ajandaha shirkaasi haddii ay su’aalo uga baahan yihiin ay xukuumadda ka weydiinayaan in uu u soo diri doono wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar. Kulankan oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen oo aan saxaafadda loo ogolayn ayaa ku dhamaaday jawi degan waxaanay sheegeen qaar ka mid ah Xildhibaanadii ka qayb galay oo aanu siyaabo kala duwan wax uga weydiinay in uu ku dhamaaday jawi qurux badan sharci ahaana aay labada gole beri iskaga iman doonaan sidii loom eel marin lahaa. ________________________________________________________________________________ Salaadiinta Somaliland oo Dawlada ku taageeray in si Mug leh looga qayb Galo Shirka Ingiriisku u qabanayo Somalida, kana waramay kulan ay Madaxweyne Siilaanyo la yeesheen Waaheen (Somalidiid website) Hargeysa(Waaheen)-Qaar ka mid ah Salaadiinta Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hoteelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa ayaa faah-faahin kaga bixiyay Kulan ay saaka la yeesheen Madaxweynaha Somaliland iyo xubno ka mid ah Golihiisa Wasiiradda. Kulankaasoo ka dhacay qasriga madaxtooyada Somaliland waxa ay Salaadiintu sheegeen inay madaxweynaha kala hadleen arrimo ku saabsan shirka Somalida loogu qabanayo dalka Ingiriiska ee Somaliland lagu soo casuumay iyo nabad-gelyo darada ka taagan Gobolada Sool iyo Buuhoodle. Suldaanka Guud ee Beesha Toljecle Suldaan Axmed Daahir oo ugu horeyn shirkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad naqay madaxweynaha Somaliland iyo Golihiisa wasiirada oo uu uga mahad celiyay sida ay uga aqbaleen talooyin badan oo ay kulankaasi uga jeediyeen. Suldaan Siciid xaaji Yuusuf Ducaale oo ka mid ahaa Saddex Suldaan oo Isimaddani u wakiisheen inay faah-faahin ka bixiyaan wixii ay madaxweynaha ka wada hadleen iyo arimo ay isla qaateen dawlada oo ku saabsan shirka London ayaa sheegay “waxaanu ka soo baxnay shir aanu la yeelanay madaxweynaha Somaliland iyo Wasiiro oo aanu ka wada hadalnay go’aanka ay gaaadheen ee in laga qayb galo shirka London lagu qabanayo oo lagu soo casuumay dawlado badan oo ay ka mid tahay Somaliland, kaasoo aanu hore anagu hadii aanu nahay Golaha Salaadiinta si gaar ah u falan qaynay, ka dibna waxaanu isla garanay inay maanta haboontahay in laga qayb galo”ayuu yidhi. Suldaanka ayaa intaasi ku daray “Nasiib wanaag madaxweynaha iyo dawladu waxay go’aamiyeen , oo ay naga talo geliyeen in lala qaato go’aanka ay soo jeediyeen oo shirkaasi si mug leh looga qayb galo, anaguna anagoo ka wakiil ah umadda Jamhuuriyada Somaliland waxaanu ku taageernay in laga qayb galo shirkaasoo maanta waxa inoo diidayaa jirin, waayo oo dawlad isku dheeli tiran ayaynu” “markaa madaxweynaha iyo dawlada waanu ku taageersanahay in laga qayb galo shirka, waanan ugu ducaynaynaa, shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaana waxaan lu soo jeedinaynaa inay go’aankaa nala qaata”ayuu yidhi Suldaan Siciid. Suldaan Siciid waxa kale oo uu sheegay inay madaxweynaha kala hadleen nabad gelyo darada ka jirta Gobolada Bariga “waxa kale oo aanu madaxweynaha kala hadalnay shaqaaqada ka taagan gobolada bariga, gaar ahaan Degmada Buuhoodle, taasoo aanu soo jeedinayno anagoo Salaadiintii ah in arintaasi nabad gelyo lagu dhameeyo colaad waynu naqaanaa oo wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho”. “markaa waxaanu madaxdhaqameed ahaan ugu baaqaynaa dhinacyada ay khusayso in nabad-gelyo iyo wada hadal lagu dhameeyo wixii wax tirsi ah,anagoo ka tacsiyadaynayna dadkii halkaasi ku dhintay qoysaskoodii iyo dhamaan shacbiga Somaliland inuu illaahay samir iyo iimaan ka siiyo, kuwii ku dhaawacmayna illaahayn ha u sahlo oo caaafimaad ha ugu bedelo”ayuu yidhi Suldaanku. Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, Suldaan Aadan Faarax Cumar iyo Suldaan Xiis Bare Yuusuf oo iyaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inay taageersan yihiin in dawlada Somaliland ka qayb gasho shirka Somaliya loogu qabanayo London. Salaadiintan ayaa sidoo kale ku baaqay in shaqaaqada Gobolada Bariga Somaliland, gaar ahaan Deegaamada Buuhoodle lagu xaliyo wada hadal iyo nabad-gelyo, lana joojiyo colaada, iyagoo ugu baaqay nadaxdhaqameedyada deegaankaasina inay nabada iyo wada noolaanshaha Bulshada Somaliland ka shaqeeyaan, isla markaana ajiibaan gogosha nabada ee ay ugu baaqayaan. Saleban Cabdi Cali Hargeysa Waaheen Des
-
Advice from snm/Somalidiidland Clan Secessionists "Never Trust Britain &Ethiopia,They Betrayed Us" By Mohamud Tani ( Somalidiid Clan-Secessionist) Feb. 03, 2012 Somaliland: To go or not to go to the London Conference. Never trust the British with your fate. Never! From Palestine and Israel to Kashmir and Pakistan to Rhodesia and South Arica, all the way to Haud and reserved Area the Foreign office and its bureaucrats were all throughout history on the wrong side of issues. Britain always left a legacy of trouble. It has no history of ever solving one. Did you ever detect the true colours of Tony Blair before the Iraq war? Jomo Kenyatta once said “My British friends came to our land with a Bible in their hands. They told us to shut our eyes for a moment. When we opened our eyes, they had the land and we had the Bible.“ Such is the British treachery. They are telling us now to shut our eyes. Trust the Americans. They always mean what they say. Do not ever get caught by the hypocrisy that built an empire through sheer cunning and deceit. Well, all this would not have happened had the Somaliland government gave to the British officials the standard answer that we had for the world since the first day of the existence of Somaliland - Somaliland will only negotiate with a one government in the South. Our present government tried to be clever. They also needed some assistance for our cash strapped little country. They went to London and to the horror of everybody in Somaliland our Government was in the same table with Puntland and Gslmudug. Silanyo and his Government did in one step to reduce the standing of Somaliland from a De Facto country to the status of a clan or subclan. They accepted to be In the same protocol with ********** (Puntland), Habar/Gidir Saad (Galmudug) Habar/ Gidir *** (Ahlu Suna Wa Jamaa). They again did the same in Nairobi. Then all disaster followed. Our clever government were not so clever after all. It was a classic case of the hyena dating the wrong guy. Maybe they got a little cash, but they threw away the demand that we be treated as what we are: a NATION and no other way. Nobody took us seriously after that. Now we are being expected to come to London again and the President t himself has to appear and sit in the same line with Puntland and Galmug presidents as a representative of a region called Somaliland that is in Somalia. Sh. Shariif will be seated among the world leaders. Siilanyo being a member of other regional delegations from Somalia will be sitting behind him. What a disgrace!! Imagine seeing that picture in the CNN and the BBC. Apart from the external affairs fiasco it caused, the downgrading of Somaliland to level of **********, Saad and *** has also caused an internal disintegration. Every political opportunist now wants to go to the Conference of the clans in London. This would not have happened had we not participated two of the first four preparatory meeting. Had we stayed out altogether as we always used to (before we started to be clever) , no one from Somaliland would have dreamed neither Khatumo nor Awdal nor Makhir nor others that are in pipeline. By downgrading the status of Somaliland Mr. Silanyo has opened a Pandora box. I Quote here Faisal Waraabe commenting when on the first time that we participated the London preparatory Conference. He Said “Mr Silanyo Listen .You are My president only in the context of Somaliland. Outside that you are not . If you go again to a table where Somali clans are meeting. Yes Listen . You only represent your sub-clan ,and I will go representing mine” That is what Faisal said that day. Now are you surprised at Ali Khaliif ? In the name of fairness let us give the devil his due. Now what we need is sobriety and level headedness. Qualities we lack so much now in Somaliland. Let us weigh arguments for or against going to London. Those who say let us go are stating their case like this. Forty or more world leaders are coming. Somaliland will have a golden opportunity to state its case to the international audience and it’s a chance we cannot miss. That would have been a very strong argument if the question of Somaliland and its future was in the Agenda. World leaders who are coming where not made aware of a discussion about Somaliland. How different it is, how good it is and how it needs to be recognized? The Agenda is clear. It is about Piracy, Shabaab , Famine and the formation of a National inclusive Government. Nowhere in the Agenda is Somaliland mentioned good or bad. On the contrary the preamble of the Agenda stated that the Territorial Integrity of Somalia will be maintained. Sh. Shariif and his Government will be speaking to the delegates representing all the Somali delegates there including us. Regional presidents will not speak. If World leaders give Regional presidents a photo op that is the best they can get out of the conference. I hope that is not what our leaders want. A picture with Dave Cameron.!! That can be arranged by one Somalilander who is a resident at the Prime Ministers riding in UK. Now let us look at the other side of the coin. I believe if we do not go to the conference in London, the British Prime Minister will not be happy. He will be angry at his lower officials that they let him down. That the International community will see that the conference that the PM lent his name has a great hole in it. The PM will see the lower British officials misrepresented the case of Somaliland and did not give it the weight that it was due. The World will ask themselves who is that who did not come. The answer readily comes to our advantage. The entire international friends and journalist supporter that we gathered in these twenty years will fill the void. Look who is not being accommodated here? The most peaceful, the most stable, the most democratic, the only people that defeated Shabaab, the only people those Pirates are afraid of, the best is missing. Only then will our demands be listened to. That is the way we should play the game. Mohamud Tani