Liibaan

Nomads
  • Content Count

    4,722
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liibaan

  1. VIDEO: Magaalada Buuhoodle, Banaanbaxyo Waaweyn oo Lagu Taageerayo Maamulka Khaatumo State of Somalia, iyo Ciidamada Mujaahidiinta SSC/Khaatumo http://youtu.be/fq55q6dzXuM" frameborder="0" allowfullscreen>
  2. " frameborder="0" allowfullscreen> Ciidamo Soo Goostay oo Magaalada Buhoodle Lagu Soo Dhaweeyay Wasiirka Arrimah Gudaha ee Kh-State oo Buhoodle ku soo dhaweeyay Cutubyo Ciidamo ah oo ka soo gadooday laascaanood. Sidoo kale DAAWO maxaabiistii lagu qabtay Sool-Jogto Waxa maalmahanba iska soo daba dhacaya ciidamada reer Khaatumo State ee laascaanood ka soo gadoodayo kuna soo biiraya walaalahooda kale ee Kh-State ee xasuuqa lagu hayo Buuhoodle Waxaa saaka soo gaadhay magaalada Buuhoodle qaar kamida Ciidamada ka tirsanaa Saldhigyada magaalada laascaanood halkaasi oo lagu xasuuqo dadka shacabka ah Ciidamadan ayaa u dulqaadan waayey dhibaatada iyo xasuuqa joogtada ah ee lagu hayo shacabka deegaanada Khaatumo State waxayna sheegaan inay kusoo biiraaan maamulkooda Cusub ee khaatumo State. Wasiirka arimaha Gudaha maamulka khaatumo State ayaa qudbad qiimo leh u jeediyay ciidamadan kasoo goostay Maamulka SNM waxa uuna sheegay inay si heer qaran ah usoo dhawaynayaa dhamaan cidii ka toobadkeenta dhibaatooyinka lagu hayey shacabka deeganada khaatumo State. Waxa uuna sheegay in aaanay u baahan doonin Maamulkii SNM ee ay ka tirsanaayeen imaka ay kamid yihiin Ciidan qaranka Maamulka Khaatumo State
  3. http://youtu.be/kqPT46yadNk" frameborder="0" allowfullscreen> Haweenka Jaaliyada Khaatumo State Of Somalia Ee ku Dhaqan Dalka Imaaraadka oo Agab Soo Gaadhsiiyey Dhakhtarka Buuhoodle (Sawiro +Video) Haweenka Jaaliyada kasoo jeedda deegaanadda Khaatumo State of Somalia ee ku nool wadanka isutaga imaaraadka carabta ayaa maanta dhakhtarka Buuhoodle soo gaarsiiyey agab jiif ah kaasoo isugu jirey furaashyo, barkimooyin, & goyaal, Waxayna usoo wakiisheen Ururka Haweenka Gobolka Cayn waxaana Agabkaasi ku wareejisay masuuliyiinta Dhakhtarka Khadra xasan Maxamuud. Agaasimaha Hospitalka dhexe ee Buuhoodle ee Magaalada Dr Cali xukun Yuusuf Maxamed ayaa dhankiisa mahad balaadhan ujeediyey haweenka kasoo jeeda deegaanadda Khaatumo State ee ku dhaqan isutaga Imaaraadka Carabta, isuduwaha caafimaadka gobolka Cayn Maxamuud Axmed Daad, waxaana isuduwuhu mahadcelin ujeediyey haweenka deegaanada Khaatumo State ee ku dhaqan dalka Imaaraadka, isagoo dhanka kalana ugu baaqay dhamaan jaaliyada Khaatumo State inay kaqayb qaataan Hawlahaasi Qaran. Dadka ku dhaqan magaalada Buuhoodle aya si kal iyo laaba usoo dhaweeyay arinkaasi kuna tilmaamay Howla qaran. Marka la isku soo xooriyoAgabkan maanta lasoo gaadhsiiyey cisbitaalka Magaalada Buuhoodle ayaa wax wayn ka badalaysa baahidii looqabay agabka cisbitaalka waxaan xusid mudan in dhawaan markii Dagaaladu ka dheceen deegaanka Buuhoodle dadka halkasi ladhigay xaafadaha looga soo qaadayey Agabka Lagu Seexinayey. By Axmed Darwiish
  4. http://youtu.be/kfX48kA5RXk" frameborder="0" allowfullscreen> Buuhoodle: Ciidamo Fara Badan oo ka soo Jeeda Degmada Widhwidh oo ku soo Biiray Maamulkooda Khaatumo State of Somalia Ciidamo fara badan ayaa soo gaadhay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, ciidanka oo tiradoodu gaadhaysay in ka badan 200 oo askari ayaa isugu jirey ciidamo Gurmad ah oo ayagu deegaanada Balicad iyo Geed dheer ka soo kicitimay, iyo weliba ciidan gaadhya 70 Askari oo si weyn u hubaysan kuwaasoo gebi ahaantoodba ka soo baxay maamulka SNM oo ay hore uga mushahar qaadan jireen. Taliyaha Ciidanka soo wareegay hogaaminayey Captain Dar-ilaahay Ismaaciil Gardaf ayaa sheegay inay go’aansadeen inay shacabkooda difaacaan, isla markaana ay dhamaan deeganadii ay gacanta ku hayeen ee Widhwidh iyo Bali hadhac hada ku wareejiyeen maamulka Khaatumo State Of Somalia. Wuxuu sheegay inaysan halkan u soo doonan lacag, dhereg iyo Hurdo ee ay u soo doonteen dhimasho iyo naf hurid inay dalkooda ka difaacaan Horarka SNM ee baadil doonka ah. ”” Waxaan doonaynaa inaan wejiga kala dhacno xabada ilaahay ayaan ugu hortaaganahay inaan la dhacayno xabadayada oo ay ka kululaan doonto sidii la filayey”’. Waxaan idin cadeynayaa inaan halkan u nimid dhimasho iyo Shahiidnimo, waxaan difaaceynaa dalkeena iyo dadkeena, difaaca gobolka Cayn ee Khaatumo State waa Muqadas waana waaji saaran askartayadan maanta ayuu yidhi, Captain Dar-ilaahay. Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay oo si weyn u soo dhaweeyey Ciidamada wasiirka wasaraada Arimaha Gudaha ee maamulka Soomaaliyeed Khaatumo Mudane Yaasiin Axmed Sullub , wasiirka Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Jaaliyadaha Pro: Xuseen Saleebaan X, Axmed iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada ee Khaatumo, waxayna sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin imaatinka ciidamada. Sidoo kale waxaa goobtaas hadalo guubaabo ah ka soo jeediyey Cuqaashii la socotey ciidankan oo uu ka mid yahay Caaqil Axmed Salaax Maxamed iyo Odey Saxardiid Barre Bullaale oo dhamaantood sheegay inay diyaar u yihiin dfaacida gobolka Cayn, oo ay ka tirsan yihiin, isla markaana ay keeneen mujaahidiintan diyaarka u ah inay Naftooda u hibeeyaan dhulkooda, waxayna wacad ku mareen inaysan jirin cid donaysa inay halkan ka noqoto ayadoo guul wadan ama aan jano tegin. Dhankale waxaa jira ciidamo kale oo gaadhaya 30 xubnood oo ka soo goostay aldhiga Koonfureed ee magaalad Laascanaood, kuwaasoo ayaguna hada furta kula jira Mutadawaciinta Masoo jeestayaasha ah ee difaacaya deegaankooda. Waxaana magaalada Buuhoodle ay la ciir ciiraysaa shacab weyne iyo ciidamo kala duduwan, kuwaasoo ku qul qulaya jiida hore dagaalka. Horufadhi News Update. horufadhi@hotmail.com
  5. Xaaladda Magaalada Buuhoodle Oo Deggan Iyo Ammaanka Jiidda Oo aad Loo Adkeeyay. Buuhoodle:Tan iyo markii ciidamada Maamulka SNM ay sida qarsoodiga ah ugu soo duuleen magaalada Buuhoodle iyadoo halkaasi ay cawaaqib xumo kala kulmeen ayaa waxaa deggan xaaladda magaalada Buuhoodle, iyadoo ay si wanaagsan u kala soconayaan dhammaan qaybaha kala duwan ee ganacsigu. Dhanka kale waxaa si aad loo adkeeyay ammaanka jiidda hore ee laga sii baacasanayo hadhaadiga ciidamada Maamulka SNM, kuwaasi oo khalkhal xoog leh uu soo kala dhex-galay. Waxaana tusaale u ah dhawaan markii magaalada Buuhoodle looga dilay maleeshiyaad aad u tira badan ayaa dhawaan qaar kamida waalidiinta indheer-garadka ah ee kasoo jeeda Beesha ***** ay ka daad guraysteen qaar kamida carruurtii uu jabhad siilaanyo doonayey in lagu laayo deegaanada Khaatumo State, kuwaasi oo fahmay waxa ay carruurtoodu ku dhimanayaan inay tahay Dulmi. Dad aad u tira badan ayaan fahamsanayn waxa ay carruurtoodu ku dhimanayso waxa uu yahay, halka qaarna imika ay baraarugeen markii culimada caqliga u saaxiibka ah ay u tilmaameen. Shalay ayaa culimaa’u diinka kasoo jeeda Maamulka Awdal State waxay ay uga digeen shacabka ku dhaqan magaalooyinka Maamulka Awdal State inay iska ilaaliyaan dulmiga ay ku taageeraayeen maamulka uu hoggaamiyo Axmed Siilaanyo. Tan iyo markii lagu dhawaaqay maamulka Soomaliyeed ee Khaatumo State ayaa waxaa soo if baxday inuu burbur laxaadleh soo wajahay Ra’yigii kumeel gaadh ahaa ee lagu sasabi jiray shacabka ku dhaqan waqooyiga Soomaaliya, iyadoo dhawaan magaalada Berbera dadkii laysu soo saaray ee la doonayey inay kasoo horjeestaan maamulka Khaatumo State ay qaarkood u baroordiiqayeen ciidamadii lagaga laayey deegaanka Buuhoodle.
  6. Buuhoodle : M/weyne ku xigeenka Maamul-Goboleedka Khaatumo State oo Soo Booqday Mujaahidiinta SSC/Khaatumo ee Sugan Jiida Hore ee Dagaalka  Buhoodle:- M/weyne kuxigeenka maamul goboleedka Khaatumo State Of Somalia Maxamed Yusuf Jamac (Indhosheel) ayaa ka warbixiyey dagaalkii ay soo qaadeen huwanta SNM iyo jabkii loo geystey iyo sidii wax u dheceen:
  7. Maxaabiis Somalidiid ah laga qabsaday iyo madaxda maamulka Khaatumo oo ku sugan Magaalada Buuhoodle Gedoweb Online Caabudwaaq on Friday, January 27 @ 05:56:05 EST Ka dib dagaalo xoogan oo shalay oo idil ka socday duleedka magaalada Buhoodle ee Xarunta gobolka Cayn ayaa caawa degan ka dib markii dagaaladu iskood u joogsadeen,waxaana dagaaladaasi ahayeen kuwo culus oo dhexmarayey ciidamada Maamulka la baxay Somaliland iyo ciidamada degaanka gobolka Cayn. Dagaalkan oo ka qarxay duleedka degaanka lagu magacaabo Sool-Joogto ayaa bilaabmay ka gadaal markii ciidamada Somaliland weerar ku soo qaaday fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada degaanku,waxaana halkaas ka dhacay dagaal aad u culus kaasi oo sababay khasaare xoogan oo labada dhinac soo kala gaaray. Dagaalkan waxaa uu yimid markii ay ciidamada Somaliland ka war heleen in madaxda Maamulka cusub e Khaatumo State Of Somalia oo uu hormuud ka ahaa madaxweynaha Maamulkaasi Col: Axmed Cilmi Cismaan [ Axmed Karaash ] iyo wufuud kale oo maamulkaasi ka tirsan ay maanta soo gaareen magaalada buhoodle ee xarunta gobolka Cayn. Saraakisha ciidamada Degaanka Buhoodle oo saxafada warbixin kooban ka siiyey dagaalkaasi markii uu caawa soo gaba-gaboobey ayaa shaaciyey inay iska difaaceen weerarkii ciidamada somaliland soo qaadeen isla markaasna qasaare lixaad leh ay soo gaarsiiyeen cidamada Somaliland,waxaana saraakisha ciidamada degaan ku sheegeen inay maxaabiis iyo gaadiid dagaal gacanta ku dhigeen. Khasaaraha dagaalanka ayaa la sheegaya inuu yahay mid aad culus sida ay sheegeen saraakisha degaanku Buhoodle,waxaana ay dhankooda qirteen 3 dhimasho ah iyo 2 dhaawac ah,iyagoo sheegey inay ciidamada somaliland ka dileen in ka badan 10 askari kana dhaawacmeen tiro badan, kana qabsadeen maxaabiis dhan 15 askari gaadiid dagaalna ka gubeen,balse ma jiraan wax wara oo maamulka somaliland dhankooda ka soo baxay ilaa iyo hadda kuna saabsan dagaalkaasi. Sidoo kale waxaa saraakishaasi sheegeen inay dhawr gaadiidka dagaalka ay ka gubeen ciidamada Somaliland isla markaasna ay dib uga riixeen fariisiimihii ay ku sugnaayeen,waxaana saraakiishaasi shaaciyeen in laga cabsi qabo in Maalinimada bari ah dagaalo hor leh degaanadaasi ka qarxaan iyagoo saraakisha degaanku ku goodiyey inay dagaalada si waadi doonaan. Inkastoo xaalada magaalada Buhoodle iyo nawaaxigeedu degan yahay haddana waxaa jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoogan kuwaasi oo labada dhinac kala wadaan,waxaana la sheegayaa in magaalada buhoodle ay gaarayaan ciidamo badan oo degaanka ah kuwaasi oo ka soo kala gurmaday degaano badan oo gobolada ssc ka tirsan,waxaana laga cabsi qabaa in dagaaladi dib u qarxaan maalinimada bari ah. Ugu dambeytii dagaalkan ayaa imaanaya xilli ay Madaxda Maamulka Khatumo State Of Somalia ay caawa ku sugan yihiin jiidaha hore ee dagaalku ka dhacay kuwaasi oo ay hormuud u yihiin Madaxweyne Axmed Karaash Iyo Prof: Cali Khaliif Galayr. Mohamed Abdi Osman Laascaanood,Soomaaliya.
  8. Daawo Sawirada Sidii Heerka Qaran ahayd ee Wufuudii Shalay Soo Gaadhay G/ Cayn Loogu soo Dhaweeyay (Sawiro) Halkan hoose waxaan idiinku soo gudbin doonaa sawiradii sidii heerka qaran ahayd eeloo soo dhaweeyay Wafdigii shalay soo gaadhay magaalada Buuhoodle kuwaasi oo ay Hogaaminayeen Madaxda Sare ee Maamulka khaatumo State, Golaha Dhaqanka, G9, iyo iyo wufuud kale oo aad utira badan. Waxaan laga hortagay Meel Magaalad ujirta 40km..
  9. http://youtu.be/GXbKydRCFF0" frameborder="0" allowfullscreen> Buuhoodle, Maamul-Goboleedka Khaatumo State of Somalia Darwiish Tv – Daawo Madaxda Sare ee Maamulka Khaatumo State oo Kahadlay Duulaankii Jabhada SNM Kusoo Qaaday Deegaan Buuhoodle! Madaxda Sare ee Maamulka Khaatumo State Ayaa Kahadlay Duulaankii shalay ka Lagu soo qaaday duleedka magaalada Buuhoodle waxayna dagaalkaasi ku tilmaameen duulaan gardaro ah oo uu wado maamulka SNM. Shalay ayay ahayd markii Maamulka Hargeisa uu duulaan qaawan kusoo qaaday G/ Cayn halkaasi oo uu cawaaqib xumo aad uwayn kala kulmay.
  10. Madaxda Sare ee Maamulka Khaatumo State kuna Sugan Buuhoodle Oo Siwayn Uga Hadlay Duulaankii Lagu Sooqaay G/ Cayn! (Daawo Sawirada Iyo Dhagaysi). http://allssc.com/?p=21518 Buuhoodle(Allssc)Madaxda Sare ee Maamulka Khaatumo State Ayaa Kahadlay Duulaankii shalay ka Lagu soo qaaday duleedka magaalada Buuhoodle waxayna dagaalkaasi ku tilmaameen duulaan gardaro ah oo uu wado maamulka SNM. Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Madaxwayne Ku Xigeenka Maamulka Khaatumo State Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhasheel) isagoo ku dheeraaday dhibaatada iyo duulaanka joogta ah ee lagu hayo Shacabka Deegaanada Khaatumo State. Sidoo kale waxaa halkaasi Ka hadalay Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo State Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) isagoo ugu horayn uga tacsiyeeyay dadkii halkaasi ku shahiiday wuxuuna ku baaqay in loo dhabar adaygo dhibaata ayna guul ka gaadhi doonaan – In shaa Allah. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Cali Khaliif Galaydh oo sheegay in dhibaata iyo xasuuqa shalay loogaystay Haweenay iyo 4 Caruura oo ay dhashay aanu kaqarsoomayn indhaha caalamka aana lagu mar marsoonayn dad Ciidan ah ayaanu Laynay! Ugaas Cabdilaahi Ciise oo kamid ah madaxda dhaqanka ee Sool,Sanaag & Cayn kana mid ah golaha dhaqanka ee maamulka Khaatumo ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaana uu shacabka ugu baaqay inay marwalba u heegan ahaadaan sidii ay uxaqiijin lahaayeen dhamaan amaanka Deegaanada Khaatumo State Of Somalia. Axmed Keyd Allssc Buuhoodle, Somalia
  11. Waa Sidee Goobihii ee Shalay Maleeshiyada SNM Lagu Jabiyey, iyo Guulihii Xaq-Udirirka Ciidamada SSC/Khaatrumo http://allssc.com/?p=21525 Buuhoodle(Allssc): Goobihii ay shalay duulaanka ku soo qaadeen Maleeshiyada SNM ayaa saaka dagan kadib markii Maleeshiyadii weerarka soo qaaday aad loogu wiiqay. Maleeshiyada SNM oo Galab nimadii shalay weerar kusoo Ekaysay Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn ayaa la kulmay dhabar jab weyn waxaana halkaa lagaga qabsaday Gawaadhi u siday maleeshiayda Saanadooda, waxaa sidoo kale ay Tuumiyeen Hubkii ay ui soo qaateen Bulshada SSC si ay ugu gumaadaan. Waxaa sidoo kale isu soo dhiibay Maamulka Khaatumo iyo Bulshada Gobolka Cayn Maleeshiya SNM kuwaas oo hada lagu hayo Gobolka Cayn, waxaa jira wali Maleeshiyaad Go’doon ku ah Goobihii lagi dahgaalamay oo iyagu ka dhaga adaygay inay isu soo dhiibaan dadkii ay weerarka gardarada ah kusoo qaadeen. Maleeshiayda SNM oo aad ugu wiiqmay dagaalka ayaa dhimashadooda lagu sheegay 35 Maleeshiyaad halka uu dhaawacu uu tiro beelay. waxaa sidoo kale kaasa waagu ugu baryay Maydad ay ka carareen Maleeshiayda SNM kuwaas oo hada dadka deegaanku iyo Maaamulkuba ku hawshaysan yihiin sidii ay u aasi lahaayeen.
  12. Maamul-Goboleedka Khaatumo State of Somalia Oo Ka Hadlay Dagaalkii Buuhoodle Lasanod Online Friday, January 27, 2012 Buuhoodle,(Lasanod Online)Madaxda Sare ee Maamulka Khaatumo State Ayaa Kahadlay Duulaankii shalay ka Lagu soo qaaday duleedka magaalada Buuhoodle waxayna dagaalkaasi ku tilmaameen duulaan gardaro ah oo uu wado maamulka SNM. Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Madaxwayne Ku Xigeenka Maamulka Khaatumo State Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhasheel) isagoo ku dheeraaday dhibaatada iyo duulaanka joogta ah ee lagu hayo Shacabka Deegaanada Khaatumo State. Sidoo kale waxaa halkaasi Ka hadalay Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo State Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) isagoo ugu horayn uga tacsiyeeyay dadkii halkaasi ku shahiiday wuxuuna ku baaqay in loo dhabar adaygo dhibaata ayna guul ka gaadhi doonaan – In shaa Allah. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Cali Khaliif Galaydh oo sheegay in dhibaata iyo xasuuqa shalay loogaystay Haweenay iyo 4 Caruura oo ay dhashay aanu kaqarsoomayn indhaha caalamka aana lagu mar marsoonayn dad Ciidan ah ayaanu Laynay! Ugaas Cabdilaahi Ciise oo kamid ah madaxda dhaqanka ee Sool,Sanaag & Cayn kana mid ah golaha dhaqanka ee maamulka Khaatumo ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaana uu shacabka ugu baaqay inay marwalba u heegan ahaadaan sidii ay uxaqiijin lahaayeen dhamaan amaanka Deegaanada Khaatumo State Of Somalia. Xafiiska Wararka Laascaanood Laascaanood Somalia
  13. Xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo Oo Ka War-Wareegaysa Inay Ka Hadasho Xaqiiqada Dagaalkii Shalay Oo Maleeshiyaadku Guulo Ka Sheegteen Ramaasnews.com ( Somalidiid/snm website) http://www.ramaasnews.com/index.php/News/News/Xukuumadda-Madaxwayne-Axmed-Siilaanyo-Oo-Ka-War-Wareegaysa-Inay-Ka-Hadasho-Xaqiiqada-Dagaalkii-Shalay-Oo-Maleeshiyaadku-Guulo-Ka-Sheegteen-Iyo-Shacabka-Oo-Dareen-Qabba.html Hargeysa (Ramaas) Jan 27,2012 – Xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ilaa hadda ka war-wareegaysa inay ka hadasho xaqiiqda dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Buuhoodle oo Maleeshiyaadka Buuhoodle guulo ku sheegteen. Dagaalkan oo khasaaraha ka dhashay shacabka Somaliland ka war-warsan yihiin isla-markaana mashquul galiyey Magaalooyinka dalka ayaa xukuumaddu aanay cadayn khasaaraha ka dhashay, waxayna ilaa hadda Maleeshiyaadka ciidanka qaranka soo weeraray ula dhaqmaysaa hab qabow, halka Maleeshiyaadka iyo waxgaradkooduba ay geed dheer iyo mid gaabanba ugu taagan yihiin inay ciidanka naafeeyaan. Wasiirka Wasaaradda kaluumaysiga iyo khayraadka badda Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geell-jirre) oo xukuumadda maanta u hadlay ayaa ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo khasaaraha ciidamada qaranka dagaalkaasi ku soo gaadhay, balse waxa uu tilmaamay in khasaaraha halkaasi ka dhashay uu yahay mid Somaliland ku dhacay, balse aanu ahayn mid laba dhinac kala gaadhay. Cabdilaahi Geell-jirre oo ugu horeyn ka hadlaya bilowga dagaalka ayaa yidhi “Dagaalkan waxa bilaabay dad nabada baa’biinaya oo ay hogaaminayaan siyaasiyiin uu Khaliif Galaydh ka mid yahay iyo kuwii ay yidhaahdeen xilal-baanu u dooranay” Md Geell-jirre waxa uu sheegay inay ilaa hadda ururinayaan khasaaraha ka dhashay dagaalka “Ilaa hadda khasaaraha waanu ku daba jirnaa oo waanu ururinaynaa, khasaaruhuna waxa uu ku dhacay Somaliland, dhan walba haka dhaco’e” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Meeshu laba dhinac maaha ee waa dad Somaliland ah oo nimankaa fidwo wadayaasha ahi soo waaleen, ciidanka qarankuna waa ciidanka qaranka difaacayey, kuwa kalena waa dadkayagii, markaa xukuumaduhu wax aanay hubsan ma sheegaan, markaa marka aanu hubsano anaga ayaa dadka u soo bandhigi doona” Wasiirka Kaluumaysiga Somaliland waxa uu baaq u diray shacabka reer Sool, waxaanu u soo jeediyay inay iska jiraan shakhsiyaadka fidwada ka dhex wadda “Waxaanuna leenahay dadkaasi ka feejignaada dadkaasi idinku soo duulay (Kooxda Cali Khaliif)” ayuu yidhi. Ramaasnews Desk Hargeisa
  14. Coofle;780581 wrote: Two Magac-u-yaal with no agenda other than Hatred for their neighbors. snm/Somalidiidland is evil, snm-clan secessionists have no agenda, other than hatred and killing their neighbors. Somaliland is fake entity / Magac-u-yaal
  15. 29 Maxbuus oo lakeenay buhodle iyo Mamulka Khatumo state oo ka qayb galay Dagaalka waxaa hadda magaalada buhodle lasoo gaadhsiiyay 29 maxbuus oo lagu soo qabtay dagaalkii maanta galinkii danbe ka dhacay sooljoogto maxaabiistan ayaa saacadaha lasoosocdo loo so bandhigi doonaaa qaybaha saxaafadda 29 ayaa waxay kamid ahaayeen 163 nin oo snm oo ay isku aag ka dagaalamayeeen intii kalana ay ku dhinteen isla goobtii ay kuwada dagaalamayeen dhanka kale magaalaada qurulugud ayaa waxaa la geeyay 86 dhimasho ah iyo 33 dhaawaca waa sida aanu kasoo xiganay qaybo kamid ah warbaahinta afka snmta jabkan maanta ku dhacay ayaan ahayn markii koobaad ee ay lkakulmaan cawaaqibtan oo kale waxaana laga warsugayaa maamulka khatumi state oo maanta si heer sare oga qayb qaatay dagaalkan maanta waxaana shacabka reer buuhoodle ay soo dhaweeyeen maamulka khatumo sida heerka sare oo uu dagaalka oga qayb qaatay waana markii ugu horeesay uu ka qayb qaato dagaal ka socda dhulka ssc
  16. http://youtu.be/gG0h7mzOdEA" frameborder="0" allowfullscreen> " frameborder="0" allowfullscreen> SI Toos ah u Daawo Damaashaadkii Magaalada Buhoodle waxaa hada ka soconaya magaalada Buhoodle damaashaaad aad ubaaladhan oo lagu taageerayo guulaha ay soo hooyeen ciidmada Xaqu dirirku waxaana magaalada hada lagu soo wadaa gaadiidkii lagala wareegay jabhada SNM ______________________________- Sooljoogto oo Lala Wareegay Iyo Sadex Gaadhi Dagaal & Mid Saanada Oo Laga Qabtay Ciidamada Maamulka SNM Iyo Dhamaan Difaacoodii Oo La Jiidhay (Live) Wararka hada naga soo gaadhaya Duleed Baliga Qorilay oo baliga shangalle 5km ujira ayaa waxay sheegayaan in halkaasi Go’doon lagu geliyey ciimado iyo sadex gaadhi oo ay wateen ku waasi oo gacmaha taagay isna soo dhiibay. Dhanka kale waxaa wararka naga soo gaadhaya duleedka Sooljoogo ay xaqiijinayaan in halkaasi cagta la mariyey dhamaan goobihii ay difaaca kaga jireen ciidamada Maamulka SNM. Ugu Danbayn imika dagaalkan ayaa meel xaasaasiya maraya waxaana lafilayaa inuu kusii fido deegaano horleh. Wararkii udanbeeyay ayaa waxay sheegaan in ciidamada Xaqu diriku ay lawareegeen gacanku haynta magaalada Sooljoogto, iyadoo halkaasi lagu qabtay gaadhi wayn oo siday saanad iyo qalab mila tari.
  17. Khaatumo State Iyo Awdal State Oo Ku Kulmay Muqdisho Lasanod Online. Wednesday, January 25, 2012 Madaxwenaha Awdal iyo Wafdiga Khaatumo Muqdisho,(lasanod Online)- Wafdi ka socda maamul goboleedka Khaatumo ee Somalia oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho. ayaa kulan kula yeeshay hoteelka ay ka deganyihiin magaalada Muqdisho madaxda sare ee Awdal State oo uu hogaaminayo Madaxweyne Rashiid Aw Nuur Xirsi. Dhinaca Khaatumo State waxaa hogaaminayey wafidiga Adam A. Shuriye afhayeenka shirka Khaatumo, Shiikha caanka ah ee Duuliye iyo xubno kale. Aadan Shuuriye oo ka wakiil ah Khaatumo state wuxuu halkaas ku gaadhsiiyey Madaxweynaha Awdal State salaan iyo dhanbaal uu uga siday Madaxweynaha Khaatumo Axmed Cilmi iyo golaha Madaxtooyada iyo shacabka reer Khaatumo. Madaxweynaha Awdal state ayaa sheegay sida isaga iyo maamulka Awdal ay taageero buuxda iyo hambalyo ugu dirayaan walaalahooda reer Khaatumo talaabadan horumarka ah ee maamullka cusub lagu sameeyey. Labadan maamul waxay isla qaateen in dhowaan wufuud heer madaxweynayaal ahi ay kulmo ku yeesheen deegamada labada maamul, tasoo qaban qaabadeeda dhowaan la guda geliyo. Wafdiga madaxweynaha Maamulka Awdal oo laba asbuuc ku sugnaa magaalo madaxda dalka Somalia ee Muqdisho ayaa waxay shirar la galeen Madaxda dawladda federaalka ee Somalia. Iyadoo si aa du diiran loogu soo dhoweeyey magaaladaasi.
  18. Lasanod Online Thursday, January 26, 2012 Buhoodle,(lasanod Online)- Madaxda sare ee maamulka Khaatumo state of Somalia iyo isimada gobollada SSC ayaa maanta soo gaaray.. magalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.Waxaana laga soo galbiyey meel magaalada u jirta 30KM. Madaxda maamulka khaatumo state of Somalia ayaa kumanaan dad wayne ah kula hadlay garoonka kubada cagta ee xabado. Madaxda maanta soo gaaray magaalada buuhoodle ayaa waxaa ka mid ahaa madaxawaynaha Maamulka Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo ku xigeenadiisa iyo xubnaha gududa fulinta G6. Waxaana ay sheegeen inay aad uga mahad celinayaan soo dhowaynta diiran ee maanta loogu sameeyay Buhoodle.. Xafiiska Wararka Laascaanood Laascaanood Somalia _________________________________________________________________ Qudbadihii Waftigii Golaha Madaxtooyada,G9 Iyo Isimada SSC Ee Maanta Gaadhay Buuhoodle (Daawo). Buuhoodle(Allssc): Waxaa magaalada Buuhoodle ee Caasimada Gobolka Cayn ay gaadheen Golaha Madaxtooyada, G9 iyo Isimada SSC oo maanta gaadhay Magaalada Buuhoodle. Waxgaradka oo magaalda Buuhoodle u tagay sidii ay ula kulmi lahaayeen wax garadka iyo Shacabka Gobolka Cayn iyaga oo sii maray degmooyin badan kuwaas oo ay dadka kula hadlayeen. Shacabka Gobolka Cayn ayaa aad u soo dhoweeyay waftigan Balaadhan waxana dhamaan wadooyinka buuxiyay shacabka Reer Buuhoodle oo Caleemo qoran u ruxayay Waftiga si ay usoo dhoweeyaan. Dhinaca kale waxaa maanta Gobolka cayn soo weeraray magaalada Buuhoodle kuwaas oo ku xisaabtamayay inay gudaha magaalda Buuhoodle u galaan inta lagu mashquulsan yahay soo dhoweynta Waftigan Balaadhan oo laga sugayay Magaalada Buuhoodle, waxaase taas badalay Bulsahda Gobolka Cayn iyo Maamulka Khaatumo oo si buuxda Cagta u mariyay Jabhada SNM. Halkan Hoose Ka Daawo. " frameborder="0" allowfullscreen>