Koora-Tuunshe

Nomads
  • Content Count

    1,078
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Koora-Tuunshe

  1. Nisar, welcome to SOL. Enough information has been said by fellow Nomads. As far as I know, the progress of Laasqoray port project is going slightly slower than anticipated, but in spite the anarchy and difficult conditions in Somalia, I think we're getting there. The project has passed many phases and is going through its last phases. The aim of the project is create economic development for Somali regions of Sanaag, Sool, Bari, Togdheer, and Saaxil. This project will be the first community developed/owned port, and I am very grateful to Horn Relief and key donors who are devoted in about making this dream come true. Here is the most recent conversed about Lasqoray port event, held by large Sanaag/Haylaan community in Nairobi, Kenya. October 25, 2009.
  2. Reerkan xinkooda meelwalba ayay lasoo galaan. Waxaan ugu darayaa inuu ahaa Adan Lord (Ilaah haka raali noqdee) the president of NPPP. Waxaynu ka hayleyno waa shaqsi achievementigiisa, ma aha beel gadoodsan.
  3. J11: Cowke spoke about the truth. Gaalkacyo waxaa xukuma Puntland marka laga reebo hal xaafad. Airportkana waxaa canshuurta qaada Puntland. Haseyeeshee Galmudug waa maamul hada la dhisayo, waana dhowri doonaa halkey gaarsiiyaan!
  4. Cowke: Bal aan markale kuu hingaadsho malaha tii horaa halalac kuu dhaaftaye… If there was any sort of affiliation between the Darwish, Mudug, and Makhiris, gameka fair muu ahaadeen! Marlabaad aan kuugu celiyo. Reer maakhir waxay codkooda siiyeen Cadde Muuse. Sowmaha nimankaas marna idiin hiilinaaya marna idin karbaashaaaya, tolkana aad isku xigtaa. Markii uu kursiga helay ayaa hunguri qaadey oo meeshaas ayaan ku kala leexaney. Adeer adiga ayaa king isku ah,dekeda boosaaso iyo laasqorayna Maakhir ayaa iska leh oo cidina kama xigta, adiga oo Qardho ka yimidna Laasqoray ayaan kugu casumeynaa oo aan welcome kuleenahay. Dhanka kale, Cadde Muuse wuxuu buurmadow ugu tagay saaxiib hoose ayay yihiin qolyahaas, beesha Darwiishta ayaa arintaasi markii dambe fashilisey. Cadde Muuse waa run wuu ka degay kursiga, and that was one good thing that he did.
  5. Sidaad u qumaneyd ayaad wax kale qasatey. Marka hore sawirkan aad aragto ma ahayn cadde muuse oo dhexdhexaadin u jooga Maakhir. Waxay ahayd markii uu loolanka ku jirey, waateyna beesha Maakhir ugu shubeen xildhibaanadooda oo dhan. Hadii ay cadaawad jirto beesha Maakhir xildhibaanadooda uguma aysan shubeen. Arinta labaad markii uu Cade Muuse la dagaalamayay C/laahi yuusuf....dadku fikrad iyo siyaasadba way isku qabtaan, sidaa darteedna waxay taageereen cabdulaahi. Inkastoo ay beelo qaar taageersanaayeen cade muuse, rag iyo dhaqaalena galiyeen.. sida ragii uu watey Axmed Guure oo ahaa gudoomiyaha baarlamaanka waqtigii Jaamac Cali Jaamac. Markii uu cade muuse aadey buurmadow, ilaa iyo hada dad ayaa u heysta iney wada shaqeyn ka dhaxeyso. Dhanka kale, Hadii aad videoga daawatid, heshiisiintii Cade iyo Cabdulaahi Yuusuf wuxuu ahaa Suldaan Maakhir ninkii ka shaqeeyey isuna keeney, heshiisiiyeyna. Su'aashaada ma xumo, laakiin qaab anshax la'aan ah ayay iila muuqataa weydiintaada. oo loo maleeyo iney cuqdadi ku gubeyso. Waxaan rajeynayaa inaan ka jawaabey su'aashaadii. Wixii wax ku daraaya wey u furantahay.
  6. Yes this is Egal on the mic. The guy to the left is the great poet Ilka Case. Some of his songs include "waan idin dhaliiley by Samatar" "Maahee Qadraay by Maxamed Nuur Giriig" "Warsan iyo Weedhsan" and many other songs. Xudeydi- thanks for sharing.
  7. Aduunyooy waalaleey! waar nimankii shalay lahaa "Alshabaab" ayaa saxsan miyaa maanta ooynaaya. :confused:
  8. Abtigiis: War geerida ha igula degdegin... Waan ogahay tolnimo weyn inay naga dhaxeyso oo aan is tabi ognahay. Maalmahaan fasax kalaan qaataye aaqiro ma aadin. Laakiin Abdalla Ahmed Hirad (Allaha u naxariisto).
  9. War heedhe S/land markey xitaa xaqirtey dadka reer sanaag ah ayaa waxay siisey in gobolka ay leeyihiin Maakhiriyiin 69%. Halka dhabta ah ay leeyihiin 90%. Yuusuf Ciise Talaabo oo ka doodey sidii loo siin lahaa gobolka reerka uu ka dhashay ayaa saxaafada Haatuf u waramay isagoo ooynaaya yirina: .........beesha MAAKHIR(SANAAG) u noqoto 69% gobolka Sanaag, oo ay ugu bataan dadka gobolka Sanaag, taasina suurta gal maaha, markaa haddii beelahaa wax loo garsoorayo, maamulkuna waa garsoorka.” Halkan ka aqriso maqaalkii oo dhamaystiran
  10. Riix_warbixin dheer oo ay diyaariyeen Dhahar online Fadlan fikradaada ka dhiibo
  11. Thankfull... Malaha meelbay kaa taabteen.lol.. If you can't stand the heat, get out of the kitchen. You are just repeating yourself but you can’t bend the facts. Nin maakhiri ahbaa hada ka hor yiri: ................ ............ Afka nacab ku eedaan Iineey walaalnimo Kii wadana eedeey Abasaxa daruuraha Dirirku soo akaakimay Abid waqal tigaadsaday Omaskiyo abaaraha Ariga iyo geeluba Iliilaha ku foofaan Af mugaabo ka ambada Unbo subag leh ka qawada Iimaanka laga qaad Uub calool wax ma ogyahay Allabari dadweynuhu Guddigii isla ogyahay Awryaalo lagu qalo Eri haqab ul lagla dhaco Ka ordooba yeelkaa Amini way ku soo celin Puntland hanoolaato
  12. Garoodi.. adeer ragbaa xaajoonaaya... Well writen article. In la is dhaliilo way furantahay. Puntland Hanoolaato
  13. Koobkii sanadguurada Puntland oo ee loo qabtan kooxaha Sanaag iyo Haylaan oo ay ku guuleysteen kooxda Dhahar iyo xaflad loo qabtey. Halkaan ka aqriso
  14. Brother Nassir—you are right. Thats exactly what the constitution indicates. Districts of Sanaag include Eastern Ceerigaabo, Badhan, Laasqoray, Ceelbuh, and Hadaaftimo. Hayland’s capital is Dhahar and like you said includes all the regions of Sool Plateau, Gebi Valley and some parts of Western Bari region.
  15. Duke: Waar iska daa reerka been been ha isku maaweeliyee...
  16. Xiinfaniin xaalada daji adeer waad xiimeysaaye. Ciidanbaa kusoo duuley beel ah cabdalla biroole, dagaalka saas ayuu ku dhacay. Waa run waxaa kala dhexgalay qoloda Xassan Turki. Arintiina xal ayaa loo helay, nin waliba meeshii ka yimid ayuu aadey. FYI: Ragaan caanoole ayaa la isku oranjirey.. Qolada hada keentey furqaan ayaa firqa hada ka noqotey. waa tol dirirey, heshiinayana hadeer.. Nina meel cidna hubkadhigis kuma sameynin. Adeer Kuma faaneyno cidbaan jabiney ama aan ka adkaaney. Arintu wey iska cadahay... Ninkii dhoof kuyimi bey geeridu dhibeysaa!
  17. Dan: Waxaan soo xusuustey Dr. Gacma-dheere (Mayor ku xigeenki hore ee Kismaayo) oona kasoo jeeda beesha lagu weerarey deegaanka Cabdalla Biroole shalay… ayaa waxaa wareystey wariye kusugan Muqdisho markii ay fatahaadihii ka dhaceen Jubada Hoose earlier 2007. Malaha hadii aad dhagaysato wareysiga hinaasigaagii ayaa uun sii laba kacleyndoono.. Dhagayso....Baaq ay direen reer Buulaxaaji/Cabdalla Biroole,una direen kuwa aad adiga u taqaan sanaag iyo bari by the way.. if you would’ve listened to the hornafrik radio yesterday morning.... the interview of sultan hussien of the attacked region….wax kalaad oranlahayd.
  18. Dandureey--- marka hore aflagaadada iyo gafka beel loo geysanaaya waa ceeb. Waa run dadkoo dhan waa walaalo. Beesha Raaxoole, Hilo Carmo, Cabdalla biroole, Buulo xaaji, iyo deegaamo kaloo jubada hoose iyo beesha Sanaag waa waloolo. Runtiina kuwa caanoole waa sidoo kale dad walaala ah oo aan kala dheereyn. Qofka cuqdada qabiilka ka qabo waa adiga dabcan oo qabiil meesha ku caayay oo sheegato ku sheegay… Adigu armaad sheegato tahay iyaga waa la hubaayoo la yaqaanaaye.
  19. Gabal, if you knew it then, you should have clarified what groups are involved in this latest conflict of Cabdala Biroole. We all know Al-furqaan is a clannish organization that is bent on uprooting natives and holding them captive under the name of political Islam. We should lend our support to the natives who resisted the invading clan_Alfurqaan.
  20. What is going on here. A lot of nonsense exchanged in this thread. What a fabrication and lies loool. This land conflict is about the people of Buula Xaaji against an invading Clan group claiming to install an islamic administration. DHAGAYSO----Wareysi Xasaaasi ah oo aanu la yeelaney Afayeenka Beelaha *****/***** oo ka hadlay dagaaladii ka dhacay deegaanka Cabdalla Biroole Halkaan ka dhageyso [ April 22, 2009, 11:25 PM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]
  21. DHAGAYSO----Wareysi Xasaaasi ah oo aanu la yeelaney Afayeenka Beelaha Warsangali/Cawramale oo ka hadlay dagaaladii ka dhacay deegaanka Cabdalla Biroole Kismaayo: Wareysi aanu la yeelaney Siyaasiga weyn ee deegaamada Jubada Hoose Ibraahin Goobweyn oo isla markaana ah afayeenka beelaha ku dagaalamay deegaankaas beel ka mid. Afayeenka ayaa sheegay in kooxda shalay dagaalka kusoo qaadey ay tahay koox huwan magac diimeed ee Alfurqaan kuna eedeeyey in ay beelyihiin. Afayeenka ayaa tilmaamey in xalka kaliya jira meesha uu yahay in ciidamada deegaanka ay joogaan kuwa kalena laga hor qaado. Markaasna uu wada hadalka furanyahay. Afayeenka ayaa ugu baaqey beelaha Sanaag iyo G. bari iney ay ogaadaan walaalohood Jubada Hoose. HALKAAN KA DHAGEYSO
  22. DAGAAL KA DHACAY MAGAALADA BUULO XAAJI IYO DADKA DEEGAANKA OO ISKA CAABIN SAMEEYEY Buulo_Xaaji Waxaa weli isku hor fadhiya Degmada Buulo Xaaji ciidamadii ku dagaalamey maalintii shaleyto ahayd iyadoo ciidamada Deegaanka ay iska caabiyeen koox lagu sheegey iney ka tirsan yihiin Maamulka Kismaayo laakinse beel ahaan u badan Hal beel oo ka mid ah kuwa dega Gobolada Jubooyinka. Iska hor imaadkan ayaa waxa uu dhashey kadib markii Koox magaceeda lagu sheegey Mucaskarka Alfurqaan laakinse u badan beesha ********** ay soo weerareen tuulo u dhow Magaalada Buulo Xaaji oo lagu magcaabo Tuulo Cabdalle ama Cabdala Biroole oo deegaan ahaan ay degen yihiin beesha Cismaan Ibraahim ee **********. Beesha Cismaan Ibraahim [Cawramale] maleeshiyaadkeedii ayaa waxay iska caabiyeen isla markaana sida wararku uu kusoo gaarayo LaasqorayNET ay sheegeen iney ka dileen 4 qof oo iyagana laga diley 4 isla markaana dhamaan dhaawaca 2 kooxood loo qaadey Magaalada Kismaayo. Tuuladan oo ka tirsan magaalada Buulo Xaaji waxaa gacanta hada ku haya Dadka deegaanka iyadoo ciidamadii soo weerarey dib loo riixey maalintii shaleyto ahayd isla markaana banaanka tuulada la isku hor fadhiyo. 2 dhinac ayaa waxaa u kala socda Gurmad iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in ciidamo beeleed oo ah beesha Deegaanka ay kasoo baxeen deegaano ay ka mid yihiin Bu'aale oo ah xarunta Gobolka Jubada Dhexe. Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo beeleedyo kale oo ka dhashey beelaha ****** ay abaabul ka wadaan deego ka tirsan Jubooyinka iyadoo aan la garaneyn sababta laakinse loo badinayo iney ku talo jiraan iska caabin ka yimaada xaga kooxaha Maamula Kismaayo. Deegaanka Beesha Cawramale ayaa ka bad baadey Dagaalada Sookeeye ee ka dhacayey Jubooyinka iyadoo ay beeshu ku go'aansatey ineysan ka qeyb qaadan dagaaladii had iyo jeer kusoo noq noqanayey Kismaayo intey maamusho., Odayaasha Deegaanka oo qaarkood aanu Kismaayo kala xirirney ayaa eed waxay dusha uga tuureen wiilasha Kooxda Mucaskara Alfurqaan iyagoo ka digey iney saameyn weyn ku yeelan doonto weeraradan noocan oo kale ah oo ay qaadayaan kooxdani. Mucaskarka Alfurqaan oo hore loo oran jirey Caanoole ayaa waxa uu bilowdey ama la aas aasey kadib markii uu Bare Hiiraale kusoo noqday Magaalada Kismaayo iyadoo markii hore uu ahaa ciidan Beeleed laakinse markii danbe oo magacyada Carabiga u badani soo shaac baxeen ay u xuub siibteen Alfurqaan. Waxaa xusid mudan in Magaalada Kismaayo uu ka jiro Loolan siyaasadeed oo kooxo dhowr ahi ay ku looltamayaan sidii ay uga talin lahaayeen iyadoo kooxdan Alfurqaan ay ka mid tahey. Wixii warar ah kala soco LaasqorayNET, Sawirka kore, xaafad ka mid ah Buulo Xaaji.... LaasqorayNet
  23. Kismaayo: 7 ku dhintay dagaal 21 Apr 21, 2009 - 4:41:44 PM Ugu yaraan 7-qof ayaa ku dhintay 15-kalena way ku dhaawacmeen dagaal xalay ka bilowday deegaanka Buulo-xaaji oo 90-km dhanka koofur-galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo. Dagaalka ayaa u dhexeeyay maleeshiyo ka amarqaadata maamulka Kismaayo iyo maleeshiyo beeleed halkaas isku urursaday, iyadoo dhinacyadu ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalku uu ka dhashay markii maamulka Kismaayo uu damcay inuu maamul u sameeyo deegaanka, taasoo ay diideen dadka deegaankaas. "Iskahorimaadku wuxuu bilowday xalay saq dhexe, wuxuuna soo gaaray maanta barqadii, waxaana la weeraray dhalinyaro kuwa deegaanka ah oo is-urursanayay" ayuu yiri Cumar Ismaaciil oo ka mid ah dadka deegaanka Buulo-xaaji. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la sheegay inay u badnaayeen dhinacyadii dagaalamay, iyadoo aan la garanayn weli cida gacanta ku haysa deegaanka, inkastoo xaaladu ay dagan tahay. Inta badan dhaawacyadii dagaalka ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka Kismaayo, halkaasoo lagu daweynayo, waxaana weli aan ka hadlin dagaalka maamulka Kismaayo oo noqonaya kii ugu cuslaa ee J/hoose ka dhaca bilooyinkan. Dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barokacaan guryahooda, iyadoo la sheegayo in tuulooyin kale oo ku dhow Buulo-xaaji laga abaabulayo dhaqdhaqaayo ciidan; waxaana laga baqdin qabaa inay dagaalo cusub qarxaan. Kooxaha ka horjeeda maamulka Kismaayo ayaa kusoo badanaya gobolka J/hoose, iyadoo dhawaan ay ku dagaalameen duleedka Jamaame dhalinyaro gadoodsan iyo maleeshiyada maamulka, kaasoo dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac. RADIO GAROWE