-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ilo wareedyo ka tirsan laamaha ammaanka Suuriya ayaa TV-ga Aljazeera u xaqiijiyay in la xiray labo hogaamiye oo ka tirsan guutada Al-Qudus ee taabacsan kooxda Islamic Jihaad, kuwaas oo ku sugnaa magaalada Dimishiq. Labadan masuul kamid ah ayaa falastiiniyiinta u qaabilsanaa Suuriya, uu ka tirsanaa guddiga isku dubaridda kooxaha wax iska caabinta, Guutada Al-Qudus ayaana dalbanaysa in dowladda Suuriya ay sii deyso saraakiishaas. Ilaa hadda dowladda Suuriya faahfaahin kama bixin sababta xarigoodu uu ku yimid, waana markii ugu horraysay oo Dimishiq lagu xiro xubno ka tirsan kooxaha falastiiniyiinta taniyo markii xilkaas laga tuuray Bishar Al-Asad dabayaaqadii sanadkii tagey. Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Puntland oo hawlgal ka sameeyay badda degaanka Bacaad ee gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay doonni siday haween iyo carruur u dhashay dalalka Suuriya, Yemen iyo Soomaaliya, kuwaasi oo ka baxayay xeebaha Puntland. Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan ciidamada difaaca Puntland oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaciyay in doontaasi laga soo qabtay biyaha degaanka Bacaad ee gobolka Bari, islamarkaana uu baaritaan ku socdo doonta iyo dadkii ay sidda oo ajaanib iyo Soomaaliya oo ay ku jiraan carruur yar yar. “Boosaaso waxa baaritaan ku socda doon iyo dadkii ay waday oo Ciidanku kaso qabteen iyagoo Shidaalku ka go’ay aaga biyaha -deegaanka Bacaad ee Gobolka Bari, dadka saarna waa Soomaali iyo Ajaanib , waxaa ku jira caruur yaryar” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan ciidamada difaaca Puntland. Warar dheeraad ah ayaa sidoo kale sheegaya in dadka doontaasi wadday looga shakisan yahay qoysaskii argagixisada ISIS ee ciidamada Puntland ku jebiyeen buuraha Calmiskaad, kaddib markii ay maalmahan soo baxayeen warar ku saabsan in kooxdaasi jabtay maxastooda ula baxsanayaan dalka Yemen. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo badda ku soo qabtay doon siday dumar iyo Carruur looga shakisan yahay qoysaskii kooxda Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qayb galay Furitaanka Shir-weynaha Dhaqanka Heer Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay Huteel Mansoor, kaasi oo socon doona muddo laba cisho ah. Shirkan oo ahaa Shirkii Dhaqan ee ugu horreeyey ee noociisa ahaa ee lagu qabto Somaliland, waxa si qiimo leh u soo agaasimay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta JSL oo uu hormuud ka yahay Sheekh Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle. Shir-weynaha Dhaqanka Somaliland waa Shir diiradda lagu saarayo, isla markaana lagu faaqidayo Hab-nololeedka Bulshada Somaliland guud ahaan, gaar ahaana arrimaha muhiimadda iyo mudnaanta u leh ummadda JSL ee xagga Dhaqanka, Hiddaha, Afka, Hal-abuurka, Suugaanta iyo Far-shaxanka. Gaar ahaan Shirka Dhaqanka Heer Qaran waxa la is dul taagi doonaa sagaalka mawduuc ee kala ah: 1. Ahmiyadda Dhaqanka iyo Hiddaha, 2. Guurka iyo Dhaqanka, 3. Qabyaaladda iyo Takoorka, 4. Casriga iyo saamaynta Dhaqanka, 5. Garta iyo Dhaqanka, 6. Afka iyo suugaanta, 7. Xoolaha, Beeraha iyo Sooryada, 8. Barbaarinta Carruurta iyo Dhaqanka, 9. Siyaasadda iyo Dhaqanka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Madasha ka jeediyey Khudbad taariikhi ah oo taabanaysa dhinacyo badan ayaa sheegay in madashani ay tahay mid aad u qiimo badan oo aynu dib ugu milicsanayno Sooyaalkii dhaqan ee aynu ummad ahaan ka nimid si aynu u fahanno waqtiga aynu joogno. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Shir-weynahan Dhaqan uu yahay mid sawir buuxa inaga siinaya habka ugu fiican ee aynu mustaqbalka u horumarin karno, ugana faa’idaysan karno Dhaqankeenna Hodanka ah. Madaxweynuhu mar uu ka hadlayay xidhiidhka ka dhexeeya Dhaqanka iyo jiritaanka bulshada waxa uu yidhi: “Dhaqanku waa ruuxda jiritaanka bulshada. Waa seeska abtirsiinta iyo sawraca ummadda. Waa dunta innagu tosha jiilasheennii hore, si aynnaan u kala anban.Waa jiheeyaha innagu haga qiyamkeenna, hab-dhaqankeenna iyo diinteenna.” Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mar uu ka hadlayay asalnimada (originality) Dhaqankeena Qaniga ah waxa uu yidhi: “Dhaqankeenu waa dhaqan xero u dhalad ah oo aan sida bulshooyinka qaar dibadda la inooga soo dhoofin. Waa dhaqan ku aorroa sooyaalka nolosheenna xolo-dhaqato, caqiidadeenna Islaamnimo, iyo qisaska ku duugan hiddaheenna ee ay ka turjumayaan, aataarta kumannaanka sano soo jirtay ee aynu ka soo gaadhnay awoowyadeen.” Madaxweynuhu mar uu ka hadlayay sharafta iyo milgaha u gaarka ah Dhaqankeenna waxa uu yidhi: “Dhaqankeennu waa dhaqan caan ku ah sharaf dhowrasho, anshax wanaag, iyo aqoon aad u qotadheer, kaas oo weelkiisu uu ahaa afkeenna, gaar ahaan gabayada ay awoowyadeen inoo kaydiyeen, oo ka mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee aanay hodannimada afkeennu u gudhin.” Ugu dambayntii Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay in uu Shir-weynaha Dhaqanka ka filayo natiijo wacan, si ay bar bilow ugu noqoto isbeddelka aynu ummad ahaan ku adkaynayno, ku ilaalinayno, kuna muujinayno dhaqankeenna, ugana hortegeyno in uu ka lumo jiilasheenna soo socda. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland oo weli howlgallo culus kasii wada gobolka Bari ayaa maanta gacanta ku dhigay doon sidda dad isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib, xilli ay mareysay xeebaha gobolka Bari ee maamulkaasi. Doonta ayaa lasoo wariyay in shidaalka uu ka go’ay, waxaana kadib sidaas ku qabtay ciidamada ilaalada xeebaha Puntland, xilli ay ku sugneyd deegaanka Bacaad ee gobolka Bari. War kooban oo kasoo baxay Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in haatan laamaha ammaanka Boosaaso ay baaris ku hayaan doonida iyo dadka la socda oo ay ku jiraan carruur yar. “Boosaaso waxa baaritaan ku socda doon iyo dadkii ay waday oo Ciidanku ka qabteen iyagoo Shidaalku ka go’ay aaga biyaha -deegaanka Bacaad ee Gobolka Bari, dadka saarna waa Soomaali iyo Ajaanib , waxaa ku jira caruur yaryar” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxaa kale oo warsaxaafadeedka lagu sheegay in baarista marka ay dhamaato la shaacin doonto natiijada waxa ay tahay doontan iyo Ajaaniita la socota intaba. Puntland ayaa si weyn uga feejigan dadka soo galayo deegaannadeeda ee u badan Ajaaniibta, maadaama ay dagaal adag kula jirto Daacishta ee ku sugan buuraha Bari. Dagaalka oo haatan galay marxaladdiisa ugu dambeysay, gaar ahaan gabagabada wajiga saddexaad ayaa guullo waa wayn laga gaaray, waxayna ciidamadu gaareen illaa togga Miraale oo ahayd xarunta ugu weyn ee Daacish ee gobolka. Togga Miraale ayaa horey u ahaa mid adag in la galo, iyadoo ciidamada ay la kulmeen caqabado dhanka deegaanka ah iyo dhufeyso adag oo ay sameysteen kooxda Daacish. Balse, ciidamada ayaa si taxaddar leh u wajahaya howl-gallada ilaa ay ugu dambeyn gudaha u galeen. Si kastaba ha ahaatee, Marka loo eego warbixinada ka imaanaya goobaha dagaalka, wejiga saddexaad ee hawl-galka buuraha Calmiskaad ayaa la sheegay inuu marayo gebagabo, isla markaana ciidamadu ay ku xoreeyeen dhul ballaaran oo buuraley ah.
-
Baku (Caasimada Online) – Baarlamanka Azerbaijan ayaa ansixiyay “heshiiska iskaashiga dhinaca difaaca iyo warshadaha difaaca ee u dhexeeya Dowladda Jamhuuriyadda Azerbaijan iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya,” sida ay baahisay warbaahinta dalkaas. Wararka ayaa tilmaamaya in arrintan looga dooday kulanka guud ee Baarlamaanka Azerbaijan oo qabsoomay 22-kii April. Hindise-sharciyeedka ansixinta heshiiskan ayaa cod loo qaaday, waxaana lagu ansixiyay akhrintii koowaad. Heshiiskan ayaa si rasmi ah loo saxiixay 12-kii Febraayo, 2025 magaalada Baku, iyadoo goob joog ay ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Ilham Aliyev. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isla garowsaday muhiimadda ay leedahay dhisidda madal joogto ah oo lagu xoojiyo xiriirka labada dal, taas oo fududeynaysa fulinta heshiisyada. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal, iyagoo diiradda saaray dhinacyada waxbarashada, tamarta, amniga, iyo maamulka dowliga ah. Heshiiskan ayaa loogu talagalay in lagu abuuro qaab sharciyeed oo rasmi ah oo lagu hagi karo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada difaaca iyo warshadaha difaaca. Waxaa sidoo kale lagu qeexay in fulinta heshiiskan ay waafaqsan tahay sharciyada gudaha iyo waajibaadka caalamiga ah ee labada dowladood, iyadoo la xaqiijiyay inaan iskaashigani noqon karin mid ka dhan ah dhinac saddexaad. Heshiiska oo ka kooban 20 qodob ayaa qeexaya iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada difaaca iyo amniga milatariga, howlgalada nabad ilaalinta, booqashooyinka labada dhinac iyo isdhaafsiga khibradaha, tababarka iyo waxbarashada milatariga, warshadaha iyo tiknoolajiyadda difaaca, iyo kuwo kale oo badan. Dhinacyada iyo qaababka iskaashiga ayaa lagu soo bandhigay hoos. Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada Baku ayaa ahayd tii ugu horreysay oo Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago Azerbaijan, taas oo muujinaysa muhiimadda ay dowladda Soomaaliya siinayso ballaarinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta dhaqaalaha iyo amniga labada dal. Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa casuumay Madaxweyne Ilham Aliyev inuu booqasho rasmi ah ku yimaado Soomaaliya si loo sii ambaqaado xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
-
AQNHHx7Or184mx2d95bsyg492lMv3zT-WOYdp56ZV6Or8pFS55_CsZmY-x3sAqAGhS8c3YKhUNePJkz7ojrahbYX Qaran News
-
MOGADISHU, Somalia – Somalia’s federal government has barred Jubaland President Ahmed Mohamed Islam, known as Ahmed Madobe, from participating in the upcoming National Consultative Forum, citing his controversial re-election last year as unconstitutional. Federal Security Minister Gen. Abdullahi Ismail Fartaag said Madobe’s participation in the talks is conditional on his formal withdrawal from the disputed November 2024 election, which Mogadishu maintains was illegal and violated Somalia’s electoral laws. “The process that led to Ahmed Madobe’s re-election did not comply with the country’s constitution or electoral procedures,” Fartaag said. Long-running power struggle The dispute stems from Madobe’s third-term victory in an election held in Kismayo, the capital of Jubaland, on November 25, 2024. The federal government swiftly rejected the outcome, arguing that the process lacked transparency and excluded opposition voices. The conflict escalated as the Banadir Regional Court in Mogadishu issued an arrest warrant for Madobe on charges of treason and violating the constitution. In retaliation, a Jubaland court issued a warrant for President Hassan Sheikh Mohamud, accusing him of similar offenses — further fueling the political crisis between the two sides. Jubaland subsequently suspended all ties with the federal government, marking one of the sharpest confrontations between Mogadishu and the regional administration in recent years. The National Consultative Forum, scheduled for May 1–2 in Mogadishu, is intended to bring together federal and regional leaders to discuss key national issues, including electoral reforms and security cooperation. Invitations have been extended to the presidents of all federal member states — with the notable exception of Madobe. The move highlights the deepening political rift between Villa Somalia, the seat of the federal government, and the Jubaland administration. Diplomats and analysts warn that excluding Jubaland from the talks could undermine national dialogue and consensus efforts. Local elections press ahead Meanwhile, the federal government has announced plans to proceed with local council elections in six districts of the Gedo region and two in Lower Juba, areas where tensions between federal and Jubaland forces remain high. Security Minister Fartaag emphasized the government’s determination to hold the polls, even in the face of opposition from Jubaland authorities. “If Ahmed Madobe actively obstructs the elections in Kismayo and Afmadow, the government is prepared to take alternative measures to ensure voting proceeds in other parts of Gedo,” Fartaag told Caasimada Online. The Gedo region, located along Somalia’s southwestern border with Kenya, has been a flashpoint for federal-regional tensions. Both federal troops and Jubaland-aligned militias have vied for control, and recent reports suggest Jubaland paramilitary units have integrated local militias in the contested town of Balad Hawo. The federal government’s hardline stance toward Jubaland reflects broader challenges in Somalia’s federal system, where disputes between Mogadishu and regional administrations have frequently stalled political progress. The exclusion of Madobe from the national forum raises fresh concerns over the inclusivity of Somalia’s political process at a time when the country is preparing for direct elections planned for 2026. Observers caution that efforts to achieve nationwide consensus on electoral reforms and security cooperation could be at risk unless the political impasse with Jubaland is resolved. “Without genuine dialogue between the federal government and regional leaders, including Jubaland, Somalia’s path toward stable governance and democratic elections will remain uncertain,” said a regional analyst who requested anonymity due to the issue’s sensitivity.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka laamiga degmadaas, gaar ahaan meel u dhaw Masjidka Muumino Ceelbuur, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid nooca miinada ah oo lagu aasay meel u dhow maqaayad yar oo lagu cabo shaaha, taasoo ku taalla dhabarka laamiga, goobtaas oo ay inta badan ku kulmaan dad shacab ah. Inta la xaqiijiyay, hal qof ayaa ku dhintay qaraxa, halka seddex kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, sida ay sheegayso xogta hordhaca ah ee khasaaraha ka dhashay qaraxan. Qaraxa ayaa dhacay xilli ay dad shacab ah ku sugnaayeen maqaayadda, taasoo keentay in dhaawaca uu inta badan saameeyo dadka aan waxba galabsan. Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa laga maqlay qeybo badan oo degmada ah. Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa u dhaweyd meel ciidamada ammaanka ay ka wadeen baaritaanno, taasoo keentay in la tuhmo in qaraxa uu bartilmaameedsaday dhaq-dhaqaaqa ciidamada amaanka. Ilaa hadda ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda ee ku saabsan cidda ka dambeysay qaraxa, balse waxaa filayaa in saacadaha soo aadan faahfaahin soo saaran. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online
-
MOGADISHU, Somalia – Somalia’s Foreign Minister, Ahmed Moallim Fiqi, firmly dismissed claims that the Al-Qaeda-linked militant group Al-Shabaab could seize control of the capital, Mogadishu, asserting significant military gains against the insurgency. Speaking at an event held at the Ministry of Foreign Affairs in Mogadishu on Monday, Minister Fiqi highlighted ongoing military efforts that have severely weakened Al-Shabaab’s operational capabilities over the past two years. The event served as a rallying point for support for the Somali National Armed Forces (SNAF), who have intensified their offensive operations against the militants. “It’s impossible for terrorist groups like Al-Shabaab to control Somalia. Our people have shown extraordinary courage in rejecting extremism and standing firm for justice,” said Minister Fiqi, emphasizing the military’s and civilians’ resolve in fighting extremism. Growing public confidence Minister Fiqi also drew attention to public demonstrations of support in cities like Baidoa, where citizens rallied after recent successful military operations against Al-Shabaab. He described these gatherings as evidence of growing public confidence in the government’s ability to restore peace and stability. In a symbolic gesture of solidarity, the Ministry donated essential food supplies to frontline soldiers, reinforcing national unity and morale among the troops. Fiqi encouraged sustained public and political backing, highlighting the collective nature of the fight against terrorism. Despite territorial setbacks, Al-Shabaab continues to pose a threat, particularly in rural regions. The group recently attacked the strategic town of Adan Yabal in the Middle Shabelle region, sparking ongoing clashes. However, government sources characterize these attacks as desperate acts by a substantially weakened militant force (Associated Press). Established in 2006, Al-Shabaab seeks to overthrow Somalia’s internationally recognized government and implement its strict interpretation of Sharia law. It has been designated as a Foreign Terrorist Organization by the United States since 2008 and remains responsible for numerous deadly attacks across Somalia and neighboring regions (U.S. National Counterterrorism Center). Minister Fiqi’s comments come amid increased international and regional cooperation to combat Al-Shabaab, including support from African Union forces and U.S. military assistance. Such coordinated efforts have progressively undermined the group’s operational effectiveness, though experts caution that sustained military pressure and community engagement remain crucial to long-term success. Recent military victories Recent successes against Al-Shabaab include the killing of several senior commanders, weakening the group’s leadership structure. Government forces have reclaimed strategic towns and villages previously under Al-Shabaab control, bolstering the morale of both troops and local residents. Minister Fiqi specifically praised the bravery and determination of the Somali armed forces and emphasized the need for continued vigilance and cooperation among security agencies and the public. Security analysts note that despite considerable progress, Al-Shabaab remains capable of executing guerrilla-style attacks and suicide bombings, particularly in urban centers. Recent attacks in Mogadishu, including bombings and targeted assassinations, underline the persistent nature of the threat. In response, the Somali government has ramped up intelligence operations and is working closely with international partners to enhance security infrastructure, aiming to detect and prevent attacks before they occur. Regional governments, including Kenya and Ethiopia, have also increased border surveillance to curb cross-border infiltration by Al-Shabaab militants. Minister Fiqi concluded by urging international partners to maintain their support for Somalia’s counterterrorism efforts, emphasizing that a stable and secure Somalia is essential for regional peace and global security. He affirmed, “We remain committed to defeating terrorism and restoring lasting peace to our country,“ underscoring the government’s determination to achieve lasting security and stability.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uusan ka qeyb-geli karin shirka madasha wadatashiga ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Dowladda ayaa ku xirtay Axmed Madoobe ka laabashasa doorashadii muranka dhalisay ee ka dhacday Kismaayo. Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu casuumay madaxda dowlad-goboleedyada, marka laga reebo Madoobe. Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka, General Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in doorashadii lagu doortay Axmed Madoobe aysan waafaqsaneyn dastuurka iyo xeerarka dalka, isagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah oo aan lagu dhisin hab-raac sax ah. Wasiir Fartaag wuxuu si toos ah u caddeeyay in ka qeyb-galka Axmed Madoobe ee madasha siyaasadeed uu ku xiran yahay inuu si rasmi ah uga laabto doorashadaasi, taasoo ay dowladda federaalka horey ugu sheegtay in aysan aqoonsaneyn. Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka hadlay doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee qorshuhu yahay in lagu qabto nidaamka qof iyo cod. Wuxuu sheegay in lix degmo oo ka tirsan gobolka Gedo iyo labo degmo oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose laga qaban doono doorashooyin. Wuxuu intaas ku daray in dowladda federaalka ay u diyaar garowday qabashada doorashooyinkaasi, xitaa haddii ay jiraan caqabado siyaasadeed oo kaga imaanaya maamulka Jubbaland ama hoggaankiisa. Wasiirka ayaa xusay in haddii Axmed Madoobe uu si cad uga hor yimaado in doorasho lagu qabto magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow, ay dowladda qaadayso tallaabooyin kale oo ay doorashooyinkaasi uga fulin karto deegaanada kale ee gobolka Gedo. Hadalkan ayaa muujinaya mowqifka adag ee dowladda federaalka ka qaadatay arrimaha Jubbaland, gaar ahaan ku aaddan doorashooyinka iyo ka qeyb-galka shirka madasha, taasoo markale dib u muujineysa kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee u dhaxeysa Villa Somalia iyo maamulka Jubbaland.
-
Mogadishu (HOL) — The International Organization for Migration (IOM), in partnership with the Swedish government and Somaliland authorities, has inaugurated a new Migration Response Center (MRC) in Burao to expand essential services for migrants travelling through northern Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab. Howlgalka oo qorsheysnaa ayaa si gaar ah uga dhacay galbeedka geegaanka lagu magacaabo Kaam-jaroon ee gobolkaasi, waxaana lagu dilay xubno badan oo Shabaab ah. Ciidamada isbaheysanaya ayaa beegsaday fariisimo ay Khawaarijta ku lahayd halkaasi, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka oo la hadlay warbaahinta ayaaa sheegay inay ka adkaadeen Al-Shabaabkii ay la dagaalameen, isla markaana ay guul ka gaareen howlgalka ay maanta qaadeen, iyaga oo xusay inay jab ku gaarsiiyeen Argagixisada. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan lagu dilay illaa 9 xubnood oo isugu jiro horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda, halka la dhaawacay tiro intaasi ka badan. Sidoo kale, xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ay howlgallo kasii wadaan aagga deegaanka Kaam-jaroon ee gobolka Jubbada Hoose oo ay indhowaanahaan ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Ujeedka howlgalkan ayaa qayb ka ah qorshe ay Jubbaland ku dooneyso inay ku xoreyso deegaanno dhaca Jubbooyinka oo haatan ay ka waddo dhaq-dhaqaaqyo culus. Jubbada Hoose ayaa waxaa deegaanno ka mid ah maamula kooxda, halka ay sidoo kale si buuxdo u wada haysto gobolka Jubbada Dhexe ee maamulka Jubbaland, halkaas oo ay mararka qaar ka dhacaan dagaallo xooggan iyo duqeymo diyaaradeed intaba. Si guud, waxaa dalka uga socda guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana si gaar ah xooggiisa looga dareemayaa gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay isugu tageen maleeshiyaadkii ugu badnaa kuwaas oo dib u qabsaday deegaanadii horay looga saaray. Si kastaba, dowladda dhexe oo kaashaneysa saaxibada caalamiga ah ayaa hadda wada qorshayaal guud oo ay uga hortageyso is ballaarinta Al-Shabaab, waxaana socda isbeddal xagga ciidamada ah iyo hoggaanadooda, si loo dardargeliyo dagaalka socda.
-
Mogadishu (HOL) — Federal Security Minister Gen. Abdullahi Ismail Fartaag says Jubbaland President Ahmed Mohamed Islam (Ahmed Madobe) cannot attend the upcoming National Consultative Forum unless he retracts the regional election that led to his selection—an outcome the federal government has declared illegal. Source: Hiiraan Online
-
Maanta oo talaado ah ayaa si rasmi ah degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir looga bilaabay is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada, taasoo qeyb ka ah diyaar-garowga doorashooyinka la filayo in dalka laga qabto. Hawlgalka is-diiwaangelinta ayaa waxaa daahfuray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, guddiga doorashooyinka qaranka, iyo xubno ka socda ururada bulshada rayidka ah. Dadweynaha degmada Xamarjajab ayaa si weyn ugu soo baxay goobaha is-diiwaangelinta, iyagoo muujiyay xiisaha ay u qabaan ka qeybgalka hanaanka dimuqraadiyadda ee dalka. Mas’uuliyiinta doorashada ayaa sheegay in is-diiwaangelinta ay socon doonto maalmo dhowr ah, isla markaana la rajeynayo in dhammaan dadka u qalma codbixinta ay helaan fursad ay ku is-diiwaangeliyaan. Waxaa la filayaa in is-diiwaangelintu ay si tartiib ah uga bilaabato degmooyinka kale ee gobolka Banaadir iyo guud ahaan dalka, iyadoo la raacayo jadwalka uu soo saaray guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag u diiday suurtagalnimada in kooxda Al-Shabaab ay qabsan karto magaalada Muqdisho, iyadoo arrintaasi ku saleynayaysa horumar ay sheegtay in laga sameeyay dagaalka lagula jiro kooxdaasi. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay si weyn u dhimmeyn awooddii kooxda. Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in dagaalka socda uu horseeday isbedel muuqda oo ku yimid dareenka shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in dadku hadda ay kalsooni buuxda ku qabaan in la jebin karo Al-Shabaab, isla markaana ay sameeyaan tallaabooyin aysan horey ugu dhiiran jirin. Sida uu sheegay wasiirka, waxaa jirta faham qaldan oo ku saabsan awoodda kooxda, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay in xilligan la joogo ay jiraan dad wali rumeysan in Al-Shabaab ay qabsan karaan caasimadda. Wuxuu arrintaasi ku sifeeyay mid ka fog xaqiiqda dhabta ah ee dhulka ka jirta. Wasiir Fiqi wuxuu tusaale u soo qaatay sida dadka Soomaaliyeed ay uga falceliyeen guulaha laga gaaray Al-Shabaab, isagoo sheegay in dhawaan magaalada Baydhabo lagu arkay dad tiro badan oo isu soo baxay si ay u muujiyaan taageeradooda kadib markii halkaas la keenay meydadka xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo la dilay. Wuxuu sheegay in falcelintaas shacabka ay caddeyn u tahay sida dadku ugu dhiiradeen taageerada dowladdooda iyo sida ay u dareemeen in la joogo xilligii la ciribtiri lahaa kooxaha Khawaarijta ah ee dhibaateynaya shacabka. Intaa waxaa dheer, Wasiir Fiqi wuxuu si cad u sheegay in aanay jirin wax cabsi ah oo laga qabo kooxaha Daacish ama Al-Shabaab, inta ay jiraan ciidamada geesiyaasha ah ee difaaca dalka iyo shacabka u taagan. Sida uu hadalka u dhigay Wasiirku, Al-Shabaab waa koox carruurta u adeegsata falal naxdin leh sida isqarxin, taas oo ay tahay mid laga xumaado in dad waaweyn ay rumaystaan in koox sidaas ah ay qabsan karto dal dhan oo leh ciidan iyo shacab u diyaarsan difaacooda. “Waa wax suurtagal aheyn in ciyaal gaajeysan oo sidii bamkii isku qarxinaya in dad waaweyn ku fekaraan iney dalka qabsan karaan waa wax yaab leh,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Muqdisho, halkaasoo uu si gaar ah ugu bogaadiyay guulaha la gaaray iyo dadaalka ay ciidamada wadaan.
-
President Hassan Sheikh Mohamud used the rights of the sovereign Somalia to lawfully and successfully challenge the illegal maritime Memorandum of Understanding that Ethiopia signed with a secessionist entity in northern Somalia. Mogadishu (Commentary ) — The President of the Federal Republic of Somalia, Dr Hassan Sheikh Mohamud, recently commended the importance of learning social sciences at the tertiary level. His high-minded advocacy for a subject with which few Somalis associate any clear career pathway, especially those rewarded by the labour market, sheds light on what the President has been reading about the Horn of Africa. President Mohamud has surely read several history books on the Horn of Africa, particularly the modern history of Ethiopia. Alliances the President forged in 2024 remind many of the path taken by Emperor Haile Selassie in the early 1940s, when Ethiopia, liberated from fascism, was briefly labelled by Britain as the “Occupied Enemy Territory Administration.” “In [February] 1945, the emperor met President Franklin D. Roosevelt in Egypt and discussed issues of vital concern to Ethiopia at the time — Eritrea, the Ogaden and the railway. The granting of a concession to the American Sinclair Company to prospect for oil in the Ogaden was designed as much to reassert Ethiopia’s rights in the region as out of eagerness to exploit a lucrative natural resource,” writes Bahru Zewde in A History of Modern Ethiopia, 1855-1991. In 1945 Emperor Haile Selassie granted “a concession to the American Sinclair Company to prospect for oil in the Ogaden … to reassert Ethiopia’s rights in the region…” Ethiopia is an early beneficiary of the Westphalian system, both in its pre-UN days under the League of Nations and after the United Nations was founded in October 1945. President Hassan Sheikh Mohamud used the rights of the sovereign Somalia to lawfully and successfully challenge the illegal maritime Memorandum of Understanding that Ethiopia signed with the Somaliland administration, a secessionist entity in northern Somalia. The granting of oil prospecting concessions to Türkiye and other companies, and the invocation of pre-1991 agreements with American firms, all help Somalia reassert its sovereignty at a time when the rules-based global system appears somewhat jittery. Türkiye has not only helped Somalia rebuild its armed forces, it also maintains a base in Somalia, and supplied the Ethiopian army with drones that were used to repel the TPLF during the civil war in northern Ethiopia (2020-2022). In 2024, Türkiye facilitated an agreement between Ethiopia and Somalia, an agreement that commits Ethiopia to fully respect the sovereignty of the Federal Republic of Somalia. Ethiopia is a landlocked country. Its objections to respecting Somalia’s sovereignty have a long history, including its army’s invasion of the Somali districts of Galdogob and Balanballe in 1982. At that time, Ethiopia was allied with the Soviet Union and the Warsaw Pact, while Somalia was in the NATO sphere of influence. Ethiopia even defied the African Union Charter article on the sovereignty of member states, evidence that the communist bloc opposed African agency in resolving inter-country conflicts and adhering to rules agreed upon by member nations. History is a social sciences subject. President Hassan Sheikh Mohamud’s diplomatic lawfare to protect the sovereignty of the Federal Republic of Somalia underscores the truth of the well-known dictum: “History doesn’t repeat itself, but it often rhymes,” attributed to Mark Twain. Adan M. S. Hussein teaches history at a university in Mogadishu © Puntland Post, 2025 The post How History Informs Somalia’s Diplomatic Strategy appeared first on Puntland Post.
-
Bariiska ayaa ah cuntada ugu muhiimsan ee ay isticmaalaan balaayiin qof oo dunida ku nool, dadka qaarkiisna ay u isticmaalaan xitaa si ka badan qamadiga iyo galleyda, balse cilmi baaris cusub ayaa daaha ka qaaday in qiyaasta maaddada halista ah ee Arsenic ee bariiska ku jirta ay kordhi karto isbedelka cimilada darteed. Haddii aad u itsicmaasho bariiska nooca Biryani ama Pulao oo aad cuntid bariis ugu yaraan laba ama saddex jeer usbuucii, markaa maqaalkani adiga ayuu kugu saabsan yahay. Saynis yahano ayaa daaha ka qaaday daraasad cusub oo ku saabsan bariiska: Marka qiiqa kaarboonka iyo heerkulka caalamku kor u kaco, sidoo kale waxaa laga yaabaa in ay kor u kacaan qadarka walxaha arsenic ee bariiska ku jira. Ku jhiritaanka maaddada arsenic ee bariiska ayaa muddo dheer dhibaato ahayd, waxaana laga helaa ku dhawaad dhammaan noocyada bariiska. Arsenic waxay si dabiici ah ugu dhalataa ciidda iyo biyaha waxayna noqon kartaa sun. Xigashada Sawirka,Getty Images Inkasta oo xaddiga maadada arsenic ee ku jira bariiska laga yaabo inuu aad uga hooseeyo ama xitaa marar badan ka sarreeyo xadka ay dejiyeen hay’adaha sharcigu, xitaa xaddi aad u yar oo arsenic ah oo ku jira shay cunto ama biyaha la cabbo ah waxay keeni kartaa cuduro kale, oo ay ku jiraan kansarka iyo macaanka. Cilmi-baarayaasha adduunka ayaa ku hawlan sidii ay u yarayn lahaayeen xadiga arsenic-ka ee bariiska ku jira, laakiin waxa kale oo jira habab badan oo bariiska loo kariyo kuwaas oo meesha ka saaraya maaddadan waxyeelada leh. Laakiin daraasad cusub oo la sameeyay ayaa daaha ka qaaday in dhibaatadani ay sii weynaan karto isbeddelka cimilada awgeed. Cilmi-baarayaashu waxay koriyeen 28 nooc oo bariis ah afar goobood oo kala duwan oo Shiinaha ah muddo 10 sano ah. Waxay ogaadeen in kororka heerarka kaarboon laba ogsaydh iyo heer kulka jawiga ay sidoo kale kordhiyeen xaddiga maaddada arsenic ee bariiska. Cilmi-baarayaashu waxay ku qiyaaseen in kororka heerka arsenic ee bariiska uu keeni karo kororka kiisaska cudurka kansarka ilaa 20 milyan gudaha dalka Shiinaha oo keliya. Xigashada Sawirka,Getty Images Inkasta oo cilmi-baarayaashu ay diiradda saareen goobo ku yaal Shiinaha oo ay ku tijaabiyeen, haddana waxay sheegeen in saamaynta noocan oo kale ah ay sidoo kale u badan tahay in lagu arko bariiska laga beero Yurub iyo Maraykanka sababtoo ah maaddada arsenic ee aan dabiiciga ahayn ayaa ku badan bariiska laga beero adduunka oo dhan. Tani waxay sidoo kale ka dhigan tahay in arsenic ay ku jirto biyaha dhulka hoostiisa gobollo badan. Tusaale ahaan, 2.1 milyan oo qof oo ku nool Maraykanka ayaa caba biyo leh heerar halis ah oo maadada arsenic ah, halka qiyaastii 140 milyan oo qof oo adduunka ah ay cabbaan biyo leh heerar arsenic ah oo ka sarreeya tilmaamaha WHO ay ku talisay. Biyaha la cabo ka sokow, isha ugu weyn ee arsenic ee adduunka oo dhan waa bariiska. Xigashada Sawirka,Getty Images Welwelka khubarada caafimaadka ayaa ah, marka cilmi-baarisyo badan lagu sameeyo arsenic, waxa sii badanaya waxyeelada ay u leedahay dadka. “Dib-u-eegis cusub oo ay samayeen Maamulka Ilaalinta Deegaanka ee Maraykanka (EPA) ayaa muujisay in arsenic ay aad uga awood badan tahay inay keento kansarka si ka badan sidii horey loo rumaysnaa,” ayuu yiri Kevin Nechman, oo ah barfasoor wax ka dhiga jaamcadda Caafimaadka Dadweynaha ee Johns Hopkins Bloomberg. Hadda waxa jira caddayn ah in arsenic ay kordhiso khatarta kansarka maqaarka oo keliya laakiin sidoo kale kansarka sambabada iyo kaadi heysta. Kansarka ka sokow, arsenic waxa kale oo ay kordhisaa halista cudurrada wadnaha iyo macaanka. Qaadashada badan ee maaddada arsenic ee haweenka uurka leh waxay sidoo kale kordhisaa halista dhimashada dhallaanka, iyo sidoo kale khatarta ah in ilmuhu ku dhashaan miisaan yar. Khataruhu waa ay ku kala duwantahay dadka. Tusaale ahaan, dib u eegista EPA waxay ogaatay in soo-gaarista maalinlaha ah ee 0.13 micrograms ee maaddada arsenic ay tahay halkii kiilogaraam oo miisaan ah, ama 7.8 micrograms oo arsenic ah maalintiiba qofka 60-kg ah, waxay kordhisaa khatarta kansarka kaadi heysta qiyaastii boqolkiiba saddex iyo khatarta cudurka macaanka boqolkiiba hal. Haddaba ka sokow dhimista qiiqa kaarboonka iyo sare u kaca heerkulka, maxaa kale oo la samayn karnaa si aan uga fogaano khatarta arsenic? Xigashada Sawirka,Getty Images “Kaliya ma joojin karno cunista bariiska,” ayuu yiri Professor Nechman. “Suurtagalna ma aha.” “Intaa waxaa dheer, bariiska waa cunto aad muhiim ugu ah dadka saboolka ah, sababtoo ah qaarkood waxay ka helaan bariiska dhammaan kalooriinta, laakiin waxa aan u baahanahay in aan sameyno wax ka duwan sidii aan wax uga qaban lahayn dhibaatadan. Cilmi-baarayaashu waxay sidoo kale sameynayaan tijaabooyin ku saabsan heerarka biyaha iyo hababka isticmaalka ee loo baahan yahay in lagu beero bariiska. Tusaale ahaan, halkii si joogto ah looga waraabin lahaa beerta bariiska, habka biyaha qayb ahaan loo waraabiyo, ka dibna mark aay biyuu ka dhamaadaan oo ay engagto in dib loo waraabiyo ayaa la isticmaalaa. Habkani wuxuu sida muuqata hoos u dhigayaa heerka arsenic laakiin wuxuu kordhiyaa maaddada cadmium, taas oo ah khatar aad u weyn. Maaddada Cadmium waxay saameyn xun ku leedahay jirka bini’aadamka waxayna sababi kartaa kansarka naasaha, sambabada, iyo keliyaha, iyo sidoo kale cilladaha ku yimnaada beerka. Cilmi-baarayaashu waxay sidoo kale sameynayaan tijaabooyin ku saabsan heerarka biyaha iyo hababka isticmaalka ee loo baahan yahay in lagu beero bariiska. Tusaale ahaan, halkii si joogto ah looga waraabin lahaa beerta bariiska, habka biyaha qayb ahaan loo waraabiyo, ka dibna mark aay biyuu ka dhamaadaan oo ay engagto in dib loo waraabiyo ayaa la isticmaalaa. Habkani wuxuu sida muuqata hoos u dhigayaa heerka arsenic laakiin wuxuu kordhiyaa maaddada cadmium, taas oo ah khatar aad u weyn. Maaddada Cadmium waxay saameyn xun ku leedahay jirka bini’aadamka waxayna sababi kartaa kansarka naasaha, sambabada, iyo keliyaha, iyo sidoo kale cilladaha ku yimnaada beerka. Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in sidoo kale ay jirto xiisaha taranka noocyada bariiska ee nuugaya maaddada arsenic ee aan organic-ga ahayn. Maadaama noocyada bariiska qaarkood ay uruursadaan arsenic yar, waxaa sidoo kale jira xiiso loo qabo beeristooda. Xalka kale ayaa noqon karaa in lagu daro waxyaabo bacrimin ah biyaha, taas oo nuugi karta arsenic. Hab kale ayaa noqon kara in lagu daro noocyada bacriminta qaarkood beerashada bariiska. Hal waddo ayaa noqon karta in bariiska lagu beero biyaha roobka, ama meel ay ku yar tahay maadada arsenic ee biyaha. Xigashada Sawirka,Getty Images Bariiska ka yimaada Bariga Afrika oo lagu beero biyaha roobka ayaa si gaar ah ay ugu yartahay maaddada arsenic, halka bariiska laga keeno Maraykanka, Bartamaha iyo Koonfurta Ameerika, Koonfur Bari Aasiya, Yurub iyo Australia uu leeyahay heerar sare oo arsenic ah. Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Maraykanka ayaan hadda la socon xaddiga arsenic ee bariiska ku jira, balse waxa ay u dejisay 0.1 mg halkii kiilo oo bariis ah carruurta. Sannadka 2023, Midowga Yurub ayaa xaddiday 0.2 mg halkii kiilo ee arsenic ee bariiska ah, halka Shiinuhu uu soo jeediyay xad la mid ah. Laakin talooyinkani ma tixgelin in bulshooyinka qaar ay cunaan bariiska aad uga badan kuwa kale. Haddii aad rabto in aad cunto bariis oo aad sidoo kalena dooneysid in aad iska ilaaliso maaddada arsenic si shakhsi ah, waxa aad samayn kartaa adiga oo beddela habka aad u kariso bariiska. Hay’adda kormeerka Cunnada ee UK waxa ay ku talisaa in bariiska la dhaqo ka hor inta aan la karin, ka dibna lix jeer la karkariyo biyaha la isticmaalo marka la karinayo bariiska. Cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacadda Sheffield ee dalka Ingiriiska ayaa sidoo kale dhawaan daah furay hab lagu karsado bariiska kaas oo 50% ka saari kara maaddada arsenic bariiska bunniga ah iyo 74% bariiska cad. Waxay ku taliyeen in bariiska lagu dhaqo biyo hore loo karkariyey shan daqiiqo ka dibna laga daadiyo, ka dibna lagu daro biyo cusub bariiska laguna kariyo kulayl yar ilaa uu ka gursado dhammaan biyaha. Bariiska laga keeno Maraykanka, Yurub, iyo Koonfur Bari Aasiya waxaa ku jira arsenic aad u badan, halka bariiska Bariga Aasiya ay ku jiraan wax ka yar Qaran News