-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Cadale (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa laga helayaa qarax culus oo xalay ka dhacay deegaanka Bursha Sheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo ay waxyeelo kasoo gaartay xubno koxoda Al-Shabaab oo qaraxa ku diyaarinayay halkaasi. Qaraxa oo ahaa miino ayaa sida wararku sheegayaan, waxyeello xooggan kasoo gaartay maleeshiyada Al-Shabaab ee diyaarineysay, waxaana halkaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday xubnihii howshaas ku jiray. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa jugtiisa si weyn looga maqlay tuulooyinka u dhow Bursha Sheekh, iyadoo tiro kamid ah maleeshiyada ay goobta ku dhinteen, halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Al-Shabaab ay qaraxaasi doonayeen inay ku aasaan waddooyinka deegaanka, si ay ugu beegsadaan ciidamada isticmaala halkaasi. Bursha Sheekh ayaa kamid ah meelihii ugu dambeeyay ee ay soo galeen maleeshiyaadka argagixisada ah, waxaana hadda halkaasi isku horfadhiya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo xubnaha kooxda Al-Shabaab. Ma jiro illaa hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan qaraxa khasaaraha culus kasoo gaaray dagaalyahannadooda ee ka dhacay halkaasi. Dhowaan ayay ahayd markii qarax ka dhacay aagga deegaanka Masaajid Cali Gaduud ay waxyeelo kasoo gaartay xaasas iyo carruur ay dhaleen xubnaha kooxda Al-Shabaab. Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa haatan ku jiro xaalad adag kadib markii ay kooxda Al-Shabaab culeys kusoo kordhisay, iyadoo hadda halkaasi ay ka socdaan howlgallo wadajir ah oo ay fulinayaan ciidamada dowladda Federaalka, maamulka HirShabelle iyo dadka deegaanka, iyadoo hawada ay taageero ka siinayaan diyaaradaha saaxiibbada caalamiga ah. Marar badan ayay sidan oo kale maleeshiyaadka Al-Shabaab khasaaro ugu soo gaareen qaraxyo ay diyaarinayeen, waxaana dhacdado kale ay horay uga dhacday deegaanka Beerayabaal ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhinteen ilaa 6 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab kadib markii gurigii ay qaraxa ku diyaarinayeen uu qarxay. “Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa ku geeriyooday qarax ay sameynayeen xilli ay ku sugnaayeen guri ku yaalla deegaanka Beerayabaal ee gobolka Hiiraan,” ayaa lagu yiri qoraal ay horay u baahisay dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale jira qaraxyo kale oo ay ciidamadu ka hortageen, iyadoo dhowaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay burburiyeen baabuur ay qaraxyo kasoo buuxiyeen xubnaha kooxda Al-Shabaab.
-
Mogadishu (HOL) — Several mortar shells struck multiple neighborhoods in Mogadishu on Sunday, including Hamarweyne, Hamar Jajab, and Shibis districts, as Somalia’s electoral commission continues its voter registration drive across the capital. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo saaka kusoo dhacay xaafado ka tirsan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, kuwaas oo gaystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Hoobiyeyaasha oo lasoo tuuray aroortii hore ee saaka ayaa ku kala dhacay xaafado kamid ah degmooyinka Xamarweyne, Xamarjajab iyo Waabari ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku dhaceen guryo ay dagan yihiin dad shacab ah, kuwa kale ay ku hoobteen goobo banaan ah. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray dad shacab ah kadib markii ay madaafiicda ugu tageen xaafadahooda, dhimashada ayaa lagu sheegay hal qof, dhaawacana mid kale, oo dad shacab ah. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka dowladda federaalka oo ku aadan weerarka hoobiyeyaasha ah ee saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Dhowaan ayay ahayd markii sidaan oo kale tiro hoobiyeyaal ah loogu garaacay nawaaxiga Madaxtooyada, iyada oo mid kamid a uu ku dhacay xarunta Tiyaatarka Qaranka, waxaana ku dhaawacmay qof kamid ah howldeennada Tiyaatarka. Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane. Weerarkaasi waxaa kasii horreeyay mid kale oo isna lagu qaaday garoonka Aadan Cadde oo madaafiic lagu garaacay, xilli uu kasoo degagay ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo booqasho hal maalin ah ku yimid magaalada Muqdisho, kadibna dib uga laabtay. Waxaa kale oo xigay weerar kale oo hoobiyeyaal ah oo Al-Shabaab ay ku garaaceen xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo isna gaystay khasaare kala duwan. Dhammaan weeraradan ayaa kusoo aadayo xilli haatan dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto Khawaarijta, isla markaana la’isku hayo furimaha hore ee dagaalka. Kooxda ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoogga soo saartay Shabeelooyinka oo haatan ay ka socdaan dagaallada, waxaana sidoo kale lagu arkay deegaanno u dhow Muqdisho, sida Ceelasha Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi iyo dhinaca waddada aada degmada Balcad.
-
A report by DW and other German media outlets put the spotlight on a kidney trafficking operation based in Kenya. Now the government is launching an investigation. Source: Hiiraan Online
-
Saakay aroortii hore ayaa tiro hoobiyeyaal ah lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana la soo wariyay in madaafiicdaasi ay geysteen khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Hoobiyeyaashu waxay ku dhaceen xaafado ku yaalla degmooyinka Shibis, Waaberi, Xamar Jajab iyo Xamar Weyne. Goob joogayaal ayaa sheegay in qaar ka mid ah madaafiicda ay ku dhaceen waddooyinka dhex mara xaafadaha degmooyinkaasi, halka kuwo kalena ay si toos ah ugu dhaceen guryo ay dad shacab ah daganaayeen. Inkasta oo aan ilaa hadda la helin tirada saxda ah ee khasaaraha, wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in ugu yaraan hal qof rayid ah uu ku dhaawacmay hoobiye ku dhacay degmada Xamar Weyne. Weerarkan lama oga cidda ka dambeysa, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan dhacdadan. Source: goobjoog.com
-
Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa aroornimadii hore ee saaka fashiliyay weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah, oo ay ku soo qaadeen dabley ka tirsan mileeshiyaadka Daacish. Mileeshiyaadka oo weerar ismiidaamin ah ku qaaday saldhig ay ciidamada difaaca Puntland ku lee yihiin togga Afka Curaar ayay ciidamadu fashiliyeen weerarkooda, waxaana dhammaantood lagu dilay goobta, sida ay shaaciyeen saraakiisha ciidamada. Ciidamada dowladda ayaa soo bandhigay meydad badan oo dhammaantood ajaanib ah kuwaasi oo isugu jira carab iyo Afrikaan, waxaana saraakiisha ciidamadu sheegayaan in aysan cidna ka baxsan mileeshiyaadkii weerarka soo qaaday. Kooxda oo shalay si ba’an loogu jebiyay dagaalkii ka dhacay Ceelka Miraale, islamarkaana laga qabsaday taliskii weynaa ee Ceelka Miraale ayaa isku dayay in ay ciidamada u daba-marto saldhiga Afka Curaar, taasi oo ay fashiliyeen ciidamadu. PUNTLAND POST The post Ciidamada difaaca Puntland oo hal goob ku dilay ajaanib badan oo ka tirsanaa Daacish appeared first on Puntland Post.
-
This research paper provides an in-depth analysis of Somaliland's strategic importance within the Horn of Africa and its multifaceted relationships with neighboring countries. Despite its lack of international recognition, Somaliland has managed to establish a relatively stable governance structure, which starkly contrasts with the political turbulence observed in the broader region. This political stability not only underpins its internal development but also enhances regional security by offering a model for conflict resolution and state-building. Economically, Somaliland leverages its strategic location along the Gulf of Aden, with significant investments in the Berbera port, bolstering its role as a pivotal trade hub in the region. The paper further examines Somaliland’s economic and strategic interests, highlighting key sectors such as livestock exports and foreign investments. Additionally, it explores the complex dynamics of Somaliland’s interactions with Somalia, Ethiopia, and Djibouti, revealing a pragmatic approach by these countries that acknowledges Somaliland's stability and economic potential. Through this comprehensive analysis, the paper underscores Somaliland's critical role in the geopolitical landscape of the Horn of Africa. Authors: Dr. Samina khan, Dr. Ahmed Farah Idle Journal: International Research Journal of Management and Social Sciences Qaran News
-
Wasiirka caafimaadka ee Kenya, Aadan Ducaale, ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo adeegyadii tallaalidda kilyaha ee ay bixinaysay isbitaalka Mediheal Group, gaar ahaan xaruntiisa magaalada Eldoret. Go’aankan ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen tuhunno culus oo la xiriira ka ganacsi sharci darro ah oo xubnaha bini’aadamka ah. Hay’adda dhiig-shubista iyo tallaalidda Kenya (KBTTS) ayaa sheegtay inay heleen xog muujinaysa suurtogalnimada in tallaalidda kilyaha lagu sameeyay in ka badan 370 kiis, ay ka mid yihiin kuwa lala xiriirinayo falal sharci-darro ah. Xarunta Eldoret ayaa lagu eedeeyay inay ahayd goobta ugu badan ee lagu fuliyay howlahaas tuhunka leh. Wasiir Ducaale ayaa sidoo kale shaqada ka joojiyay laba mas’uul oo sare oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, si loo fududeeyo baaritaanno madax-bannaan oo lagu sameynayo kiiskan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in la marsiin doono cadaalad cid kasta oo lagu helo dambiyadaas, si loo ilaaliyo sumcadda adeegyada caafimaad ee dalka. Arrintan ayaa kicisay dareen weyn oo bulshada ka dhex abuuray walaac iyo su’aalo ku saabsan hufnaanta nidaamka tallaalidda iyo ilaalinta xuquuqda bukaannada. Source: goobjoog.com
-
Socdaalkii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu ku tagay Magaalada Laascaanood toddobaadkii hore ayaa ahaa dhacdada ugu waynayd ee bilahan soo martay siyaasadda dalka. Sababta ayaa ahayd laba arrin oo is-barkanaa. Tan koowaad, waa in safarku ahaa mid taariikhi ah maadaama tegista Xamse ee Laascaanood ay kaligeed ahayd cinwaan wayn oo dhigaal gooni ah. Tan labaad ayaa ahayd mirihii ka dhashay safarka oo ahaa aqoonsiga SSC-Khaatumo, inay si nabad ah u martigelisay Xukuumaddii dalka iyo inay soo bandhigtay Laascaanood dooddeeda qaran ee ku saabsan inay talada dalka wax ku yeelato ayaa ahayd wax aan laga tagi karin oo safarkani gaar u ahaa. SSC-Khaatumo, hoggaankeeda iyo shacabkeeduba, waxay hanteen aqoonsigii koowaad oo uu maamulku ka helo Dowladda Federaalka taas oo horseed u noqonaysa inay yeelato xuquuq la mid ah kuwa Dowlad Goboleedyada kale ee dalka. Shacabka Soomaaliyeed ayaa si wayn u soo dhaweeyay aqoonsiga Khaatumo, waxaana faaftay hambalyada loo dirayo Laascaanood iyo maamulkeeda. Inkasta oo ay Somaliland ka hortimid socdaalka Ra’iisul Wasaaraha, taasina ay ahayd wax la filan karay marka la eego sheekada gaarka ah ee dhextaalla Hargaysa iyo Laascaanood, haddana waxaa is waydiin mudan ah, maxay saamilayda siyaasadda Soomaalidu ay uga aamuseen Khaatumo? Maxayse Dowlad Goboleedyadu hambalyada ugu diri waayeen SSC-Khaatumo? Shanqar la’aanta musharaxiinta madaxweyne Saamilayda siyaasadda ama kooxaha xilalka sare kasoo qabtay Jamhuuriyadda Soomaaliya ama danaynaya inay haatan qabtaan, inta badan waxaa olole siyaasi u ah midnimo iyo wadajir. Waxay hadalkooda ku bilaabaan qarannimo, hase ahaatee ka aamusidda aqoonsiga Khaatumo, wuxuu bannaanka keenay inaanu jirin mabda’ midnimo, dhammaantood ayaana ka dhuuntay hambalyada Khaatumo. Khaatumo in la aqoonsado waxaa diidan oo bannaanka u taagan Somaliland oo xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka ku leh 57 xubnood. Khaatumo waxay labada aqal ku leedahay sideed xildhibaan iyo labo senator. Labada tiro xisaab ahaan waa ay kala badan yihiin, marka siyaasadda la joogana siyaasiga xil-doonka ahi wuxuu eegaa waxa badan. Khaatumo hadda waxay haystaa aqoonsi xukuumaddeed, waxayna u taagantahay sida ay qabto midnimada, waxayna gacanteeda ku haystaa 10 xildhibaan, waxaana muuqanaysa xaalkii lagu sifeeyay libaax nin ganay iyo nin galladay og. Si kale haddii loo dhigo, arrinta doorashadu waa farac, midnimada dalkuna waa asal iyo qaddiyad qaran. Haddaba, waxyaabaha is waydiinta mudan ayaa ah, siyaasiga Soomaaliga ah ma faraca ayuu ka doorbidayaa asalka? Kii ay tahayba, jawaabta murashaxiinta ee amuuska ah ayaa sheegaysa, waana inaysan siyaasiyiinta Soomaalidu aysan Khaatumo ugu aamusin ujeed guud oo ay ka midaysan yihiin ee waa in waxa ay ku waayi karaan ka badan yahay waxa ay ku heli karaan, marka la joogo siyaasadda iyo codaynta sanaadiiqda doorashada. Saddex Ra’iisul Wasaare oo hore—Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Cumar Cabdirashiid C. Sharmarke, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)—iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa noqday kuwa keliya ee hambalyo furan u dirtay Khaatumo, waa si ka duwan dhammaan ragga safkooda ah iyo siyaasiyiinta kusoo xigta ee aan soo qaban labada xil ee sare. Dhanka kale, Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Cali Khayre, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka wada aamusay waxyaabaha usoo kordhay reer Khaatumo. Maxay dowlad goboleedyadu uga aamuseen? Aamuska Dowlad Goboleedyadu waa mid la fahmi karo, waana mid ku dhisan saamiga guud ee ku tartanka beelaha Soomaaliyeed ee hannaanka xukunka dalka. Hirshabeelle iyo Galmudug waxay doonayaan inay hambalyada ku beddeshaan sidii wax uga goyn lahaayeen maqaamka Gobolka Benaadir. Jubaland iyo Puntland oo la filayey inay si wayn usoo dhaweeyaan Khaatumo, aamuskooda waxaa lagu fasiray inay tahay inay libta u diidayaan Ra’iisul Wasaare Xamza oo ku saami qeybsiga ah. Hase ahaatee, ma noqon doonto marmarsiiyo si fudud looga liqi karo Laascaanood. Puntland oo aan weli si cad uga tanaasulin in dhulka SSC-Khaatumo ka tirsan yahay ayaa dad badani qabaan inay Jubaland uga indha-daboolatay hambalyada Khaatumo. Inkasta oo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, uu mar ku dooday inuu Shirkii Madasha uga baxay Khaatumo darteed, haddana maqnaanta hambalyadiisa ayaa ka dhigan inay siyaasad ka ahayd. Isha: SomaliStream
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku lug lahayd dagaalkii Khamiistii dhex maray ciidamadeeda iyo maamulka SSC-Khaatumo ee ka dhacay deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag. Bayaan ay Jimcihii soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayay ku sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, oo dhawaan booqday magaalada Laascaanood, uu door ku lahaa abaabulka rabshadaha, iyadoo lagu eedeeyay inuu doonayay inuu xasilooni darro ka abuuro Somaliland. “Ficilladan waxay halis weyn ku yihiin xasilloonida gobolka, waxayna baal marsan yihiin mabaa’diida madax-bannaanida iyo wada noolaanshaha nabadeed,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Inkasta oo Somaliland ay weligeed ahayd tiir nabadeed iyo iskaashi ku dhisan Geeska Afrika, hurinta colaadda waxay carqaladeynaysaa dadaallada socda ee xasilloonida gobolka lagu sugayo.” Wasaaraddu waxay mar kale xaqiijisay in Somaliland ay ka go’an tahay difaaca waxa ay ugu yeerto midnimada dhulkeeda, iyadoo ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah uga hortagto xasaradaha sii kordhaya. Dhankiisa, maamulka SSC-Khaatumo ayaa Khamiistii fiidkii soo saaray bayaan uu ku eedeeyay ciidanka Somaliland inay weerar ku qaadeen dad reer guuraa ah oo ku sugan gobolka. Maamulka ayaa mar kale ku celiyay in uu ka go’an yahay difaaca dadkiisa iyo dhulkiisa. Dagaalka ayaa imaanaya iyadoo ay sare u kacday xiisadda la xiriirta gacan ku haynta gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC) – kuwaas oo ay SSC-Khaatumo sheegato inay maamusho, balse ay Somaliland iyo Puntland labaduba sheegtaan. Colaaddan ayaa dib u qaraxday kaddib booqashadii taariikhiga ahayd ee uu Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre dhawaan ku tegay Laascaanood, caasimadda maamulka ku-meel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, halkaas oo uu ballanqaaday taageero iyo hirgelinta mashaariic horumarineed. Dagaalka labada dhinac ayaa si xawli ah u kordhay tan iyo horraantii 2023, kaddib kacdoon shacabka ah oo ka dhacay Laascaanood, kaasoo sababay in Somaliland ay ciidamadeeda kala baxdo magaalada.
-
Ciidamada dowlad goboleedka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay guluf oo ay qaadeen kula wareegey taliskii u danbeeyey ee Kooxda Daacish ku lahayd buuraha Calmiskaad, kaasoo oo ku yaalla Togga Miiraale. War kooban oo lagu baahiyey warbaahinta ciimada qalabka sida ayaa lagu sheegay in ciidanku uu la wareegey goobihii ugu muhiimsanaa oo ah dhul aan wado lahayn oo ciidamadu lugaynayeen boqolaal KM oo buuro iyo togag ah. Howlgalka hilaac ee ciidanka Puntland ay ka wadaan buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari ayaa socda muddo dhawr bilood ah, waxayna ciidamadu gacanta ku dhigeen dhul baaxad leh, ayadoo diley boqolaal dagaalame oo ka tirsanaa kooxdaas. Source: goobjoog.com
-
Marka hore Waxan Hambalyenaya Dhaman Geesiyada Ciidanka Qaran, iyo Ciidanka Madaniga. Waxan si gaar u hambalyenaya Ciidanka Sanaag Guush Ilaahay siiyey shalay. Waxaa la yidhi dadko kala Nasiib iyo Burji waangason. Abdiraxman Ahmed Ali (AUN) Waxu Hoganka SNM qabtay iyado xalaad Xun jirta, Haddan Ilaahay Waxu Abdiraxman ku guuleeyey 9 bilood iyo 17 cisho Guda hod Hadda inti Darooshada MW, ka sambaysay oo ah Sadex bilood, waxu Cadawo in soo weereray lix jiir: Lixdii jirba Ilaahay guushi ayu ina siyey Alxamdulilah. Maxaa yeelay waynu isku calool fayumadnay 1- Dacaawalay u ujeeded ONF aheed in ay Hawd iyo Reseve area inaga so saaraan 2. Qorilugod 3. Shan Geed 4. Buqdharkayn 5. Ceerigabo 6. kii shalay oo 16 maxbuus U ka mid Yahay Garad Abdillahi Saleeban walaalki Shacbiga SL Waxan u ku baqaya in waxa Yar ee aynu ku kale argti duwanahay la ilaaba. Somali way ino hiishsay, waa in Aynu Dawlad iyo shacbiba gacamaha is Qabsana. Ilaahayow na ga badbaadi Xaasidiintan Qaran News
-
Dimishiq (Caasimada Online) – Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka ayaa Jimcihii sheegtay in Maraykanku uu ku dhowaad kala barayo tirada ciidamada uu ku leeyahay Suuriya, taasoo ka dhigan inay hoos uga dhacayaan 1,000 askari bilooyinka soo socda. Maraykanka ayaa muddo sanado ah ciidan ku lahaa gudaha Suuriya, isagoo qeyb ka ahaa dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo kooxda Daacish, oo ka dhalatay fowdada dagaalka sokeeye ee dalkaas, kuna fidisay dhul ballaaran oo ku yaalla Suuriya iyo Ciraaq in ka badan toban sano ka hor. In kasta oo kooxda xagjirka ah ee Daacish ay guul-darrooyin waaweyn kala kulantay labada dal, haddana weli waxay khatar ku yihiin gobolka. “Maanta, wasiirka difaacu wuxuu faray in la mideeyo ciidamada Maraykanka ee Suuriya… laguna ururiyo meelo gaar ah,” ayuu yiri afhayeenka Pentagon-ka Sean Parnell, isagoo aan sheegin meelaha lagu wareejin doono. “Tallaabadan si qorsheysan oo xaalad-ku-xiran loo qaaday waxay hoos u dhigi doontaa tirada ciidamada Maraykanka ee Suuriya ilaa ka yar 1,000 askari bilaha soo socda,” ayuu yiri. “Inta hawshan mideynta ay socoto… Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) wuxuu sii wadi doonaa duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo waxa ka haray kooxda Daacish ee Suuriya,” ayuu Parnell sii raaciyay. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muddo dheer shaki ka muujinayay joogitaanka Maraykanka ee Suuriya, isagoo amar ku bixiyay in ciidamada laga saaro muddadii uu xilka hayay, inkasta oo ugu dambeyn uu ciidamo dalkaas ku reebay. Markii Islaamiyiinta ah ay weerar degdeg ah kusoo qaadeen bishii December ee sanadkii hore — taasoo keentay in la rido madaxweynihii Suuriya Bashaar al-Asad — Trump wuxuu sheegay in Maraykanku uusan faragelin doonin. “Suuriya waa qalalaase, mana aha saaxiibkeen, WAA INAAN MARAYKANKU AAN WAX SHAQO AH KU YEELAN. TANI MA AHAN DAGAAALKEENA,” ayuu Trump ku qoray baraha bulshada, isagoo markaas ahaa madaxweyne la doortay. Sanado dagaal lagula jiray Daacish Weerarkii ay kooxda Daacish billowday 2014-kii ayaa ku kallifay Maraykanka inuu hoggaamiyo olole cirka ah oo taageero siinaya ciidamada dhulka ee maxalliga ah — gaar ahaan xoogagga SDF ee ay hoggaamiyaan Kurdi-da iyo ciidamada dowladda Ciraaq. Maraykanku wuxuu sidoo kale diray kumannaan askari oo tababar iyo taageero siiya ciidamada deegaanka, waxaana mararka qaar ciidamadiisu si toos ah ula dagaallameen kooxda. Sanado dagaal dhiig badan ku daatay kaddib, ra’iisul wasaaraha Ciraaq ayaa ku dhawaaqay guul kama dambeys ah oo ka dhan ah Daacish bishii Diseembar 2017, halka SDF ay ku dhawaaqday burburka “khilaafadii” kooxda bishii Maarso 2019, markaasoo ay la wareegeen saldhiggeedii ugu dambeeyay ee Suuriya. Hase ahaatee, kooxdu weli waxay dagaalyahanno ku leedahay baadiyaha Suuriya iyo Ciraaq, iyadoo ciidamada Maraykanku ay muddo dheer fulinayeen weerarro iyo howlgallo si looga hortago in kooxda dib usoo xoogeyso. Maraykanku wuxuu kordhiyay weerarada uu ku qaado Daacish gudaha Suuriya kaddib markii la riday madaxweyne Asad, inkasta oo dhawaan diiradda la saaray weerarro lagu beegsanayo fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen, kuwaasoo tan iyo dhammaadkii 2023 weerarayay maraakiibta caalamiga ah. Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya ayaa si joogto ah loogu bartilmaameedsaday weerarro ay qaadeen kooxo xiriir la leh Iran, kaddib markii uu qarxay dagaalka Gaza bishii Oktoobar 2023, hase yeeshee Maraykanku wuxuu si xooggan ugu jawaabay duqeymo ka dhan ah bartilmaameedyo xiriir la leh Tehran, taasoo keentay in weeraradu yaraadaan. Sanado badan, Maraykanku wuxuu sheegayay inuu ku leeyahay 900 askari gudaha Suuriya, iyada oo qeyb ka ah la dagaalanka Daacish. Balse Pentagon-ku wuxuu bishii December 2024 shaaciyay in tirada ciidamada Maraykanka ee Suuriya ay labalaabantay horaantii sanadka, una korodhay illaa 2,000 askari. Inkasta oo Maraykanku hoos u dhigayo tirada ciidamada Suuriya, Ciraaq ayaa Iyana dalbatay in la soo afjaro joogitaanka isbahaysiga Maraykanka ee dalkiisa, halkaasoo Washington ay sheegtay inay ku leedahay 2,500 askari. Maraykanka iyo Ciraaq waxay shaaciyeen in howlgalkii milatari ee isbahaysiga uu si rasmi ah uga dhammaanayo dhulka dowladda dhexe ee Ciraaq dhammaadka 2025, halka gobolka Kurdistaan ee is-maamulku uu ku egyahay bisha Sebtembar ee 2026.
-
Alle ha unaxariisto Taliye Ismaaciil Ciise Tuuryare Taliyihii ururka 87ªªd ee guutada 77 ee ciidanka xoogga dalka Somalia Taliyuhu wuxuu kubaxay dagaalkii Aadan Yabaal wallow muddo lagu la’aa nolol iyo geeri haddana waxaa la xaqiijiyey in uu geeriyooday. Alle ha unaxariisto Taliye Ismaaciil dhalinyarada firfircoon ee xoogga dalka Somalia ayuu kamid ahaa. Waxa ilaa hada la laayahay saraakiil badan oo ciidankaasi ka mid ahaa xaga kuwo kalana la laayay. Ciidanka Somalia ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh ayaa burbur qarka u saaran, waxana la saadalinayaa in wiigaga soo socda ay kooxda argagaxisada ee Alshabaab kala wareegto oo qabsato magaalada Muqdisho oo ay maalin kastaba aad ugu soo dhawaanayaan. Qaran News
-
Shiddo: “President Deni peddles the divisive argument that social groups associated with the administrative capital of Puntland should not be eligible to run for the Puntland presidency.” Garowe (PP News Desk) — In an interview soon to be posted, Mohamud Shiddo, an influential politician in the Puntland State of Somalia, criticised Puntland President Said Abdullahi Deni for not brooking criticism. “He peddles the divisive argument that social groups associated with the administrative capital of Puntland should not be eligible to run for the Puntland presidency,” Shiddo said. Shiddo claimed that he had phoned President Deni on the night “he was sending troops to Puntland Parliament to attack the building ” to dissuade him from attacking rival forces there. He also questioned the legitimacy of the incumbent president. “Most MPs who selected him were appointed on dubious grounds. The President has used inappropriate language against federal leaders. [In 2023] he described the Prime Minister as a secretary of President Hassan Sheikh Mohamud. President Deni sought the highest office in Somalia; instead, he drove a wedge between the Federal Government of Somalia and the Puntland State of Somalia,” Shiddo added. Shiddo denied that his group initially provided financial support for Deni’s 2019 candidacy or that they later sought to recoup any such investment. © Puntland Post, 2025 The post Shiddo Slams President Deni for Silencing Critics in Puntland State of Somalia appeared first on Puntland Post.
-
From top left: The Prime Minister of the Trust Territory of Somaliland Abdullahi Issa Mohamed with President Dwight D. Eisenhower circa 1958; Prime Minister Abdirashid Ali Sharmarke with President John Kennedy. Bottom left: President Siad Barre with President Ronald Reagan; President Hassan Sheikh Mohamud and his wife with President Barack Obama and his wife; and President Mohamed Abdullahi Mohamed and his wife with President Donald Trump and his wife. Mogadishu (PP Editorial) — As far back as the late 1950s, when Abdullahi Issa Mohamud, the former Prime Minister of the Trust Territory of Somaliland, met with President Dwight D. Eisenhower, the United States has been a vocal supporter of Somalia’s sovereignty. “Our intention is to ensure the territorial integrity and sovereignty of all nations — not just one, but all nations,” tweeted Dr Massad Boulos, the US Senior Adviser for Africa. During the Reagan administration, the United States invested generously in initiatives to defend Somalia against communism. More than sixty years ago, the United States funded the construction of the National Teacher Education Centre in Afgooye, which later became the College of Education, responsible for training secondary school teachers. Somalia is the first African country to benefit from MBA courses taught by faculty from American universities. Forty-two years ago, California State University, Fresno began offering a two-year MBA course at the former Somali Institute of Development Administration and Management (SIDAM). This was followed by similar MBA and MPA programmes delivered by the State University of New York at Albany from 1987 to 1991. The United States also spearheaded Operation Restore Hope, an international humanitarian mission that saved millions of Somalis from a man-made famine. The commitment to respecting the territorial integrity and sovereignty of United Nations member states is a cardinal principle of the UN Charter. It remains a cornerstone in the rebuilding of Somalia’s political institutions within a federal framework. It is also a bulwark against terrorist groups such as Al-Shabaab and secessionist movements, both of which share the goal of undermining the hard-won sovereignty of the Federal Republic of Somalia. © Puntland Post, 2025 The post America’s Longstanding Support for the Sovereignty of Somalia appeared first on Puntland Post.
-
GAROWE (PP News Desk) — The Puntland Political Forum has hailed Prime Minister Hamza Abdi Barre’s historic visit to Laascaanood and described the visit as a significant step towards national unity. In a statement shared with the media, the Forum also welcomed the full integration of the SSC-Khaatumo Administration into the Federal Member States of Somalia, calling it a milestone in strengthening territorial unity and promoting cohesion among the Somali people. The Forum had called on people represented by both the SSC-Khaatumo and Puntland to deepen their cooperation and urged Puntlanders to intensify their support for the SSC-Khaatumo Administration. “The Forum urges the Puntland Government and political stakeholders in Puntland to convene a grand conference similar to the one held in 1998, in order to collectively deliberate on the second phase of state-building in Puntland” the statement reads. Puntland Political Forum has expressed opposition to what it regards as unilateral amendments to the Puntland Constitution made in 2023 without broad-based consultation. The Forum’s objection to the electoral model proposed by President Said Abdullahi Deni’s administration in the same year played a key role in the reinstatement of the 66-seat electoral model, effectively halting the incumbent government’s incomplete and contested decentralisation agenda in Puntland State of Somalia. © Puntland Post, 2025 The post Puntland Political Forum Hails PM Hamza Barre’s Historic Laascaanood Visit as Boost for National Unity appeared first on Puntland Post.
-
XASAN SHIIKH WAXAY U BADANTAY INUU WEFTI QAYLODHAAN AH U SOO DIRTO QARANKA S. LAND IYAGOO U GOGOLXAADAYA AQOONSIGA S. LAND SI LOGA CAAWIYO DAGAALKA. Sodeedaba adduunku waa is daba mar waqtigan dawladdii xasan shiikh ee meel kasta ku duushay qaranka s. Landna dagaalka culus la gashay maanta teedii ayaa cuslaysay, waxa soo socota isagoo s. Land aqoonsaday inuu wefti gogol xaadh ah hargaysa uu u soo diro. Su”aashu waxay tahay ma marka xamar dhinac la qabsadaabuu inna aqoonsanayaa mise marka la hareeteeyo, taasna waayaha sheegi. Xaaladdu way sii adkaanaysaa dagaalkuna Weji kale ayuu ku yeelanayaa nabsi waa ma baaqdee adoo baahan la arkee. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabdiqani Qorane oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ayaa caawa sheegay inuu yahay musharax madaxweyne isagoo ku dhawaaqay urur siyaasadeed cusub, sidoo kale wuxuu duray amniga Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay hadal-heyn xoog leh abuuray. Qorane ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay khatar badan dalka ku heyso, isagoo farta ku goday amniga Muqdisho, “Xamar amni kama jiro, dhagaxaan ayaa meel kasta ku go’an, cid ka qaadi kartana ma jirto oo Shabaab ayaa qarax soo gelinaya,” ayuu yiri. Cabdiqani Qorane ayaa si caro leh u yiri “Muqdisho labo dowladood kama wadatali karaan.” Sidoo kale, Qorane ayaa sheegay in dalkaan ay ka jirto amni darro heerkeedu gaaray in qarax lagu weeraro Madaxweyne Xasan Sheekh oo jidka maraya. “Gob ma tihid inta madaxda qaranka la beegsanayo, tobanaan sano ayey Muqdisho dhagaxaan ku kala xiran tahay, ma jirto cid u dhaqaaqday, Muqdisho labo dowladood kama tali karaan gobanimana maaha, gobanimadaan u soconaa inaan soo xaqiijino,” ayuu yiri Suldaan Cabdiqani Qorane. Siyaasiyiin badan ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu weeraray inay wax ka sheegeen amniga Muqdisho iyo dagaalka Al-Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyey inay cadowga la safteen. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa kamid ah siyaasiyiinta sheegay in amniga Muqdisho uu khatar ku jiro ee weerarka afka ah kala kulmay qaar kamid ah masuuliyiinta dowladda oo Wasiir Fiqi iyo Guddoomiye Yabooh ay ugu horeeyaan, kuwaas oo difaacay, meeshana ka saaray amni darrada Muqdisho laga muujiyey. Caawa waxaa isha lagu hayaa jawaabta la siin doono Cabdiqani Qorane oo ka yimid Puntland, kuna soo caan baxay dagaalka Khawaarijta, Qorane ayaa hadda sheegay inuu yahay musharax Madaxweyne sanadka 2026-ka. Hoos ka daawo
-
Insiders and Insurgents: The Business of Al-Shabaab At the heart of the Horn of Africa is a chilling story—one that combines corruption, terror, and insurgency into a deadly cycle. Somalia, forever plagued by political instability and extremism, is now in the hot seat for its suspected harboring of an unholy trinity: a low-key, transactional relationship between branches of its government and the Al-Qaeda-linked militant group Al-Shabaab. This is less a story of betrayal but more an expose on how terror had become a cross-ventured business. In recent years, credible reports and investigations have revealed a disturbing picture: that certain Somali government officials may not only be tolerating Al-Shabaab activities but may in some cases even be benefiting from them. Where Allegiance Ends and Opportunity Begins In June 2023, Ali Abdi Wardhere, a former deputy of the Banadir Regional Administration, made headlines when he declared that government troops in Mogadishu were engaging in routine money transactions with Al-Shabaab groups. According to him, monthly payments were being exchanged in order to agree on mutual non-interference—a shocking assertion which lends credibility to the growing view that terror and politics have been transactional. Mogadishu Mayor Yusuf Hussein Jimale added to the worry by publicly confessing in September 2023 that Al-Shabaab had penetrated government circles successfully. To him, insiders help facilitate the group’s deadly attacks, making government corridors sabotage channels. These allegations are not singular. Interviews of bureaucrats, leaked documents, and court hearings have revealed a trend where there have been some officials who not only have admitted to Al-Shabaab’s presence but who purportedly profited from it. In April 2025, the Prime Minister-led Somali delegation, Foreign Minister Ahmed Moalim Fiqi included, made a controversial trip to the rebel-held eastern Sool region in Somaliland. In the area, the delegation was received warmly by Abdi Hussein Ali Kamin-led—also referred to as Abdi Madobe—a notorious Al-Shabaab affiliate. Minister Fiqi appeared to condone one of Africa’s most stable and democratic countries being destabilized. The timing of the visit raised further questions when, just days later, Al-Shabaab seized Adan Yabal, a strategic town that is part of Fiqi’s own electoral constituency. Observers noted the irony: while the Minister was allegedly encouraging conflict and fostering militant elements in Somaliland, his own region fell into militant hands. A Shadow Network of Officials The intersection of government officials and Al-Shabaab is secret, dangerous, and habitually hidden behind a screen of nationalist and counterterror rhetoric. Nevertheless, the following names have cropped up with consistency in public debate and investigative journalism: Ahmed Madobe (President of Jubaland): In Dec 2024, Prime Minister Hamza Abdi Barre publicly accused Madobe of colluding with Al-Shabaab. He claimed that the fighters of the group were allowed safe passage through Jubaland-held areas during recent clashes in Lower Juba. A committee of investigation was formed to probe these links. (Somali Guardian) Abdirahman Yusuf Omar ‘Al Adala’ (Deputy Minister of Information): In July 2024, it was reported that he was a relative of Yahye Ahmed Mohamud, deputy leader of Al-Shabaab’s suicide unit. Journalist Abdulkadir Isse, who investigated this connection, indicated Al Adala lived with his uncle but failed to inform intelligence authorities about this. (Horn Observer) Ali Gudlawe Hussein (President of Hirshabelle): In April 2023, his predecessor Mohamed Abdi Waare accused Al-Shabaab of financing efforts to remove Hiran Governor Ali Jeyte, suggesting that the government of Gudlawe was in league with the militants. (Halqabsi) Abdinur Fooley (Former Regional Director): Fooley was prosecuted in July 2024 for his alleged involvement in enabling Al-Shabaab financing. The prosecution claimed that he had opened a bank account to which funds were transferred to the group via family members. (Radio Dalsan) Hassan Ali Khaire (Former Prime Minister): A leaked UN Panel of Experts report for 2016 indicated that Khaire, while at Soma Oil & Gas, was under investigation for possible connections with terrorist financing. Though the investigation did not result in formal charges, the allegations remained. (Wikipedia) Mukhtar Robow Ali Abu-Mansur (Religious Affairs Minister): Robow is the most contentious of all. A former deputy leader and spokesman of Al-Shabaab, he defected in 2015 and was rewarded with a ministerial role in 2022. Critics argue that his cabinet appointment legitimizes extremist elements. (Wikipedia) Eleven Hodan District Officials: In November 2023, 11 officials from the Hodan district in Mogadishu were tried for collaborating with Al-Shabaab. They were accused of gathering intelligence for the group and operating as a clandestine cell within the local administration. (Halqabsi) On 19th May 2019, a terrorist named Ali Dubad Nure Siyad with Al Shabaab suicide squad named Mohamud visited Guriel district of Galgadud region to kill Sheikh Shakir and Moalim Mohamud who were an Ehl Al Suna Wal Jama’a top ranking faction but fortunately things did not go as planned since the bomb wires did not function properly and within no time people arrested the terrorist, recently Somali National Television had conducted a public interview with Ali Dubad surprisingly Ali named some government officials who participated in that failed terrorist act, their names were Abdi Nour Siyad working for the ministry of national security, MP Abdishakur Ali Mire, immigration department director Mohamed Adam Kofi and Sakariye Ismail, Banadir Region’s NISA director. As Mr Ali Dubad revealed during the interview, MP Abdishakur Ali Mire coordinated him to get issued identity cards from the ministry of national security. Ismail Osman the ex NISA deputy director said in an interview conducted by the British Somali journalist Jamal Osman that Alshabab is shipping the material directly that they utilize to manufacture bombs via the government-controlled port of Mogadishu. An FBI unit that deals with handling terrorist bombings conducted investigation in different places where explosion took place earlier had eliminated that Potassium Nitrate (KNO3) blended with Nitroglycerine or Ammonium Nitrate combined with charcoal and metals. 25 June 2019 commander Paul Johnson commander of HMAS (FFH 155) Ballarat of Australian Royal Navy intercepted a vessel to Somalia’s port city Mogadishu that carries weapons and 5 tons of Ammonium Nitrate which are needed for explosives production. General Abdalla Abdalla the deputy director of NISA wrote an official letter numbered as HSNQ/XT/134/2017 on 16th of July 2017 to the president said in the paper that Fahad Yasin the director general of NISA recruited Alshabab members in the government institutions, within few days General Abdalla was attacked at his office. a detailed map of Somalia’s area of control and it’s affiliate Al-shabab and the broke away Republic of Somaliland. source BBC. Connecting the Dots: Previous Studies and Reports Many solid studies over the last decade have provided the foundation for comprehending the extent of state-insurgency complicity: The UN Somalia and Eritrea Monitoring Group has gone on reporting instances where state actors, regional powers, and commercial actors have enabled Al-Shabaab’s survival through illegal protection and trade arrangements. In 2018, an International Crisis Group report substantiated Al-Shabaab control of business and taxation had become so widespread that government-aligned businesspeople found it more preferable to trade with militants than the state bureaucracy. A study conducted by a 2021 Global Initiative Against Transnational Organized Crime revealed that Al-Shabaab approximated at least $100 million annually, with at least $25 million being thought to originate from legitimate businesses in Mogadishu, the majority of which had political patronage. In 2023, the Heritage Institute in Mogadishu published a policy document which said that over 40% of government leaders believed militants or sympathizers had infiltrated their institutions A Compromise and Fear Business Model Al-Shabaab’s strategy model has evolved. No longer merely a radical group, it is now operating as a shadow state. It takes taxes from companies in areas it controls, provides judicial services, and applies its own laws of law and order. It extracts millions annually from extortion, contraband trade, and protection money. Government officials who cooperate—either in conspiracy or omission—benefit as well. Al-Shabaab acquires control of trading routes in return for revenue-sharing agreements. Political officials use the militant presence of the group to suppress opponents or intimidate opponents. In other cases, such officials broker votes and political influence by aligning with the militants in rural constituencies. In 2022, the Ministry of Finance realized that Al-Shabaab’s shadow taxation system was draining the state’s revenue streams. The militants had captured ports, markets, and transport hubs, making it nearly impossible for the state to operate in certain areas without the group being implicated. In recent months, there have been a number of steps taken by the federal government to tackle the problem. Hundreds of bank accounts have been frozen, military campaigns have been escalated, and some of its public servants have been sacked. But critics are not impressed. Such measures tend to follow pressure from international donors and are not usually followed by lasting reform. A 2024 report by the Heritage Institute for Policy Studies noted that even though counterterrorism rhetoric is strong, institutional corruption and judicial impunity guarantee that the majority of suspects are never prosecuted seriously. Instead, they are reassigned or protected by powerful patrons. Even more damning, a leaked internal March 2024 report by the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) indicated ongoing coordination lapses in counterinsurgency operations, sometimes exacerbated by politically motivated leaks of operational plans. Somalia has seen better times, but that the possibility that some of its own officials could be aiding the survival of one of the most deadly insurgencies in Africa’s history is a harsh irony in its ongoing drama. Such unofficial collusion, unless contained, imperils not merely national stability but also public faith in the very institutions tasked to secure it. Al-Shabaab’s very survival is not ideological or religious but it exists because of systemic corruption within the political and administrative institutions of Somalia. To kill this network, the country will be required to go beyond cosmetic improvements and embrace far-reaching structural reforms. This requires a brave judiciary, empowered investigative agencies, and political will to bring the powerful to book. Until then, Somalia will remain a war zone not just of bullets and bombs, but of treasons committed behind closed doors. A shadow partnership will still thrive one in which both sides gain, and the people suffer. About the Author My name is Mohamoud, and I am an international affairs analyst and a dedicated advocate for Somaliland’s diplomatic recognition. As both a lawyer and a banker by profession, I actively work to promote stability and development. I am committed to advancing efforts to eliminate terrorism and extremism across Africa, fostering peace and security on the continent. https://blogs.timesofisrael.com/insiders-and-insurgents-the-business-of-al-shabaab/ Qaran News