-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) — Humanitarian agencies in Somalia are drastically scaling back lifesaving operations due to a steep decline in international funding, prompting United Nations officials to warn of a deepening hardship for millions already facing a crisis. Source: Hiiraan Online
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta dagaal culus oo cashir loogu dhigay Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, kaas oo gaystay khasaare xoogleh. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan kooxda ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaanka Burjeed oo dhowaan uu lagu laayay xubno badan oo ka tirsan Khawaarijta, kadib dagaal ka dhacay halkaasi. Dadka deegaanka ayaa innoo sheegay inay maqlayeen hubka iyo rasaasta ay si waydaarsanayeen labada dhinac, balse aysan caddeyn karin khasaaraha inta uu la’egtay. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in deegaanka Burjeedka laga helay qaar kamid ah maydadka xubnihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaadeen, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha ammaanka ee gobolka Baay. Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay hayeen xogta weerarka A-Shabaab, ayna ka hortageen, waxaana xaaladdu ay tahay mid deggan. Goobihii lagu dagaalamay waxaa sidoo kale ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo haatan howlgallo culus ka wada halkaasi. Bartamihii bishii April ee sanadkan ayay ahayd markii Al-Shabaab sidaan oo kale loogu laayay deegaanka Burjeedka ee maanta lagu dagaalamay, waxaana kadib maydadoodka la geeyay magaalada Baydhaba, halkaas oo xilligaas isugu tageen boqolaal dadweyne ah. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fuliso gobollada Baay iyo Bakool, waxaana inta badan ay go’doon gelisay degmooyinka gobolladaas oo ay xittaa ku jirto magaalada Baydhaba oo haatan ah xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Soomaaliya ayaa haatan waxaa ka socda guluf ka dhan ah kooxda, waxaana culeyska uu saaran yahay deegaannada HirShabelle oo ay soo galeen Shabaabkii ugu badnaa.
-
Mogadishu (HOL) — Three of Africa’s most iconic footballers—Samuel Eto’o, Jay-Jay Okocha and Emmanuel Adebayor—landed in Mogadishu on Tuesday as part of a landmark visit aimed at supporting Somalia’s campaign to host international football matches on home soil for the first time in more than 30 years. Source: Hiiraan Online
-
Axmed Cabdi Hurre La-taliyaha Madaxweyne Deni u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka dadweynaha oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Hurre ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Puntland in ay fasiraad qaldan ka bixinayaan Hawlgalka Calmiskaad ee ka dhanka ah argagixisada Daacish. Axmed Hurre oo ay xidid yihiin Madaxweyne Deni, islamarkaana qandaraas mashaariic ka haysta Madaxtooyada Puntland ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaridsan dowladda in ay hawlgalka Calmiskaad ku tilmaameen mid macdan baaris ah si ay fasiraad qaldan uga bixiyaan dagaalka cirib-tirka Argagixisada. “Maanta iyadoo ciidamadii dagaal ku jiraan oo buuraha qarfada ah lugaynayaan in lagu jees jeeso oo la dhaho macdan baa lagu baaranaya waa wax aad looga xishoodo. Wax la aqbali karo maaha Siyaaasiyiinta Reer Puntland ee fasiraadsa qaldan iyo dicaayadda ka faafinaya dagaalka Argagixisada ee wiilasheennu ku dhimanayaan kuna tilmaamaya ciidanka kuwa macdan lagu guranayo” ayuu yiri Hurre. “Dalkan dowlad buu leeyahay waa la maalgelinayaa, mana aha in la yidhaahdo; gaajaa loo tahriibayaa, haddana la diido maalgashiga, in macdanta laga shaqeeyo waa horumar” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Axmed Cabdi Hurre isagoo difaacaya hawlaha macdan qodista ee la sheegayo in ay waddo xukuumadda Madaxweyne Deni. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni seeddigiis oo difaacay barnaamijka macdan qodista ee dowladda Puntland waddo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa beenisay in ay iyadu keentay daawooyin dhawaan lagu soo bandhigay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Hay’addu waxay sheegtay in gargaarkaasi aanu wax shaqo ah ku lahayn dadaallada ay wado, isla markaana uu yahay mid si khaldan loogu eedeeyay. Daawooyinkan ayaa markii hore la soo bandhigay 25-ka May 2025, iyadoo maamulka gobolka Hiiraan uu sheegay in agabkaasi aanu dabooli karin baahiyaha daran ee ka jira deegaanka. Sidoo kale, maamulka Hirshabeelle ayaa ka muujiyay dareen niyad jab ah, isagoo tilmaamay in gargaarkaasi aanu ahayn mid laga filan karo hay’ad sida SoDMA oo kale ah. Agaasimaha waaxda caafimaadka ee SoDMA, Cabdullahi Muuse Axmed (Fanax), ayaa ku dooday in daawooyinkaas aysan aheyn kuwii ay geysay hay’adda, isla markaana aysan wax xiriir ah la lahayn waxyaabaha laga arkay baraha bulshada. Fanax ayaa intaas ku daray in mas’uuliyadda arrintaas ay qaadayaan dadka soo bandhigay oo si khaldan ugu eedeeyay hay’adda waxaas been abuurka ah, sida uu hadalka u dhigay. Waaxda caafimaadka ee hay’addu waxay xustay in ay diyaarisay shixnad daawooyin ah oo badan si loogu gurmado dadka deegaanka Moqokori, balse dhibaatooyinka la xiriira awoodda xamuulka diyaaradaha ay sababtay in hal tan oo kaliya la geeyo. Sidoo kale, hay’adda SoDMA waxay soo bandhigtay liiska agabka caafimaad ee ay si gaar ah u geysay degmada Moqokori. Hay’addu waxay sheegtay in agabkii laga arkay warbaahinta bulshada, oo ay ka mid ahaayeen faleembooyin, kaniiniyo, sharoobo muddo kooban uga harsan tahay in ay dhacdo, iyo kabaha ilaalinta darawallada mootooyinka, aysan wax xiriir ah la lahayn gargaarkooda.
-
Magaalada Muqdisho waxay maalinta si taariikhi ah u martigelin doontaa ciyaaryahanno heer caalami ah oo magac weyn ku leh dunida kubadda cagta, kuwaas oo ay ka mid yihiin halyeeyada Afrika sida Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha. Sidoo kale, waxaa magaalada soo gaaraya madax sare oo ka socota hay’adaha kubadda cagta ee caalamiga ah sida FIFA iyo CAF, waxayna qabab-qaabada Soo dhoweyntoodu si weyn looga dareemayaa gudaha magaalada, iyadoo uu socdo diyaar-garow xooggan oo ay hormuud ka yihiin mas’uuliyiinta ciyaaraha dalku. Tuulada ciyaaraha ee Stadium Muqdisho ayaa lagu wadaa in lagu qaban doono ciyaar heer sare ah oo lagu maamuusayo imaanshaha ciyaarahannadan caalamiga ah iyo madaxda kale ee martida ah. Masuuliyiinta kubadda cagta dalka ayaa Kormeerkan ku tagey garoonka, ayagoo u kuur-galay dadaallada lagu xaqiijinayo in munaasabadda ay u dhacdo si heer sare ah oo ammaankeeda, abaabulkeeda iyo quruxdeeduba ay u noqdaan kuwo si weyn loo xasuusto mustaqbalka. Source: goobjoog.com
-
Weerarrada al-Shabaab ee ka soo cusboonaaday Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa ku qasbay ciidamada dowladda in ay dib ula wareegaan dhulkii ay dagaalka adag kaga jireen saddexdii sano ee la soo dhaafay, taasi oo sare u sii qaadday cabsida laga qabo in kooxdaasi weerarro culus ay ka geystaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Warbaahinta maxalliga ah ayaa sababta weerarrada ku macneeyay khilaafka u dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo mucaaradkiisa siyaasadeed, iyadoo ay sii yaraanayaan taageeradii beesha caalamka ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo sidoo kale habacsanaan ka dhex jirta ciidamada qaranka. Weerarada kooxda ayaa si xawli ah ku soo kordhay bishii Febraayo, iyaga oo diiradda saaraya gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, oo deris la ah Muqdisho iyo gobolka dhaca bartmaha ee Hiiraan. Al-Shabaab ayaa qabsatay ku dhowaad labaatan tuulo iyo magaalooyin ka tirsan saddexda gobol, iyagoo dib ula wareegay gacan ku heynta deegaanno badan oo ay ka lumiyeen ciidamada dowladda tan iyo sanadkii 2022-dii. Deegaannada ay dib u qabsadeen al-Shabaab ayaa muhiim u ah isu socodka ciidamada iyo saadka, gaar ahaan inta u dhexeysa Muqdisho, gobollada Shabeellooyinka iyo dalka intiisa kale. Dib u soo cusboonaanta al-Shabaab ayaa ku soo aadday iyada oo duqeymo joogto ah ay u geysanayaan diyaaradaha Mareykanka, Turkiga iyo Itoobiya oo taageeraya ciidamada Soomaaliya ee ku sugan dhulka. Kooxda ayaa jaray waddooyin muhiim ah, waxayna qabsadeen buundooyin oo gaadiidka laga soo buuxiyo walxaha qarxa laga soo gelin karo magaalada Muqdisho, waxayna weerar ku qaadeen kolonyada uu la socday madaxweynaha. Waxaa sii murjinaya xaaladda xaqiiqada ah in dowladdu ay ku jirto xaalad aad u nugul. Howlgalka Midowga Afrika ee la filayay in uu ka caawiyo la dagaallanka al-Shabaab ayaa ah mid lacag caddaan ah aan haysan oo ku dhex milmay siyaasadda xilli kala guur ah oo muhiim ah. Bbcsomali Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo dhawaanahan ku sugan dalka Imaaraatiga Carbeed ayaa lagu wadaa in ay maanta yimaadaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo shir hoose ku yeeshay dalka Imaaraatiga UAE ayaa isfaham ka gaaray mad-madow ka dhashay doorashadii Soomaaliya oo saamayn ku yeeshay xiriirkooda, waxaana wararku sheegayaan in ay ku ballameen wada shaqayn buuxda. Isfahamkooda kaddib waxay u soo safrayaan magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaasi oo ay ka bilaabayaan dhaq dhaqaaqyo ay ku taageerayaan isbaheysiga siyaasiyiinta mucaaridka ah, kuwaasi oo la filayo in shir ka dhan ah qorshaha Villa Somalia uu Arbacada uga furmo magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo isfaham ku gaaray dalka Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (PP News Desk) — Former Puntland State Education Minister and now the Director of Hiil Institute, a think tank, Ali Haji Warsame, has described recent calls for a confederal system in Somalia as a proposal from “loonies”. “Those in Puntland who are calling for a confederation are advocating the break-up of Somalia. The federal system has not failed. It is contradictory to oppose centralisation in Mogadishu while all powers remain concentrated in Garowe. Puntland should lead by example by decentralising governance to districts throughout Puntland State of Somalia,” said Warsame. The suggestion of a confederal model was first floated by Interior Minister Abdi Farah Said (Juha), who tweeted last year that such a system might be more suitable for Somalia, two decades after the adoption of federalism. Ali Haji Warsame: “Those in Puntland who are calling for a confederation are advocating the break-up of Somalia. The federal system has not failed. It is contradictory to oppose centralisation in Mogadishu while all powers remain concentrated in Garowe. Puntland should lead by example by decentralising governance to districts throughout Puntland State of Somalia.” At a recent conference in Garowe on Reviewing Regional and District Administrative Laws, Saida Qacle, a senior legal adviser to Puntland President Said Abdullahi Deni, voiced concern over elements of the Puntland constitution that conflict with Somalia’s sovereignty. “I am disturbed by the claim that we are discussing what is described as a Puntland citizenship law. Puntland is a Federal Member State of Somalia,” said Saida. Pressure is mounting on the Puntland State Government to engage with the Federal Government of Somalia and commit to decentralisation. Puntland’s leadership has neither endorsed nor distanced itself from Minister Juha’s confederalist remarks, described by critics as “outbursts”. © Puntland Post, 2025 The post Ali H. Warsame: Puntland Must Lead by Example on Decentralisation appeared first on Puntland Post.
-
President of the Federal Republic of Somalia Dr Hassan Sheikh Mohamed (left) and the President of Kenya Dr William Ruto. Nairobi (PP News Desk) — The Ministry of Foreign and Diaspora Affairs of Kenya has reiterated its recognition of the Federal Republic of Somalia as a sovereign state, in response to reports of a planned opening of Somaliland Liaison Office in Nairobi on 27th May 2025. In a diplomatic note addressed to the Somaliland Liaison Office, the Ministry expressed concern over the event, noting “ that to the extent the event of the 27th May 2025 has not been granted approval from this Ministry, its investiture of the status of a Diplomatic Office does not enjoy the imprimatur of the Republic of Kenya and cannot be allowed to proceed.” While Kenya values its engagement with Somaliland administration and other regional administrations to promote peace, security, trade and investment, it reaffirmed its unwavering support for Somalia’s state-building and institutional development. The Ministry emphasised Kenya’s commitment to sustained dialogue with the Federal Government of Somalia and expressed readiness to strengthen mutually beneficial partnerships. © Puntland Post, 2025 The post Kenya Reaffirms Support for Somalia and Blocks Unapproved Somaliland Office Opening appeared first on Puntland Post.
-
Abuja, Nigeria –Qarax xooggan ayaa ka dhacay saldhig basaska laga raaco oo ku dhow xarunta ciidamada milateriga ee loo yaqaan Mogadishu Cantonment ama Abacha Barracks, taasoo ku taalla degmada Asokoro ee magaalada Abuja dalka Nigeria. Qaraxa ayaa sababay dhimashada hal qof oo looga shakisan yahay inuu ahaa ismiidaamiye, iyadoo labo qof oo kale ay ku dhaawacmeen. Saraakiisha ciidamada milatariga iyo booliska Nigeria ayaa xaqiijiyay in qaraxu dhacay abbaaro 2:50 galabnimo, ayna si degdeg ah u tageen goobta si ay xaaladda u xakameeyaan. Wararka ayaa sheegaya in ninkii isqarxiyay uu watay lix madfac oo la tuhunsan yahay inuu doonayay inuu gudaha magaalada la galo. Waa la joojiyay isagoo kusii jeeda bartamaha magaalada, waxaana la sheegay inuu kasoo baxay dhanka Nyanya-Mararaba ee ku yaalla duleedka Abuja. Markii la joojiyay, ayuu is qarxiyay, taasoo keentay inuu isla goobta ku dhinto. Mid kamid ah dadkii dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaalka, halka kan kale dhaawac fudud uu qabay. Waxaa la xasuustaa in sanadkii 2010 uu qarax kale ka dhacay isla xaruntan, markaasoo dad badan ay ku dhinteen, waxaana loo aaneynayay kooxda Boko Haram. Fiiro Gaar ah: Inkasta oo xarunta la yiraahdo Mogadishu Cantonment, ma aha Muqdisho caasimadda Soomaaliya. Waa xarun ciidan oo ku taalla Abuja, Nigeria, oo loogu magac daray “Mogadishu” si taariikhi ah. Source: goobjoog.com
-
The president of the Republic of Somaliland Mr. Abdirahman Mohamed Abdilahi (Cirro) has safely reached the capital of Kenya Nairobi. The president welcomed the minister of mining and maritime affairs in Kenya Hon. Hassal Ali Joho at the airport of the ministry of mining, Blue Economy and Maritime affairs) and then sent him to the place he landed in the capital of Nairobi, Kenya. Meanwhile, a number of Somaliland community in Kenya welcomed the president warmly when he arrived at his residence in Nairobi. Hussein Adan Cige (Deyr) The spokesman of the president of Somaliland Qaran News
-
Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabiley Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobey ee Puntland (UNTMIS) Mr. Evert Kets. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayay ku sheegtay in Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor uu Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabiley Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobey ee Puntland (UNTMIS) Mr. Evert Kets. “Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobey ee Puntland (UNTMIS) Mr. Evert Kets” ayaa lagu yiri Qoraalka Madaxtooyada Puntland. “Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha Siyaasada , Amniga oo uu ugu horeeyo guulaha laga gaaray Hawlgalka Hilaac ee la dagaalanka Daacish iyo xaalada guud ee dalka gaar ahaan Puntland” ayuu sii raaciyay Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ee looga Warbixiyay Kulankaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo qaabiley Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (HOL) – Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro departed for Nairobi on Monday for a multi-day working visit to strengthen ties with Kenya and engage international stakeholders. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Kenya ayaa maanta si rasmi ah caddeysay inay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo wadajirka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa lagu sheegay in Nairobi ay si aan shaki ku jirin u aqoonsan tahay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho inay tahay hay’adda kaliya ee sharciyeysan ee mas’uulka ka ah dhammaan arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan gobollada dalka oo dhan. Qoraalka ayaa si gaar ah u xusay in Kenya ay ilaalinayso mabaadi’da aan faragelinta lagu sameynin arrimaha gudaha ee dal kale, iyadoo lagu saleynayo Axdiga Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo heshiisyada Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC). Kenya waxa ay sidoo kale muujisay in xidhiidh kasta oo lala yeesho maamul-hoosaadyada sida Jubaland iyo Somaliland ay noqon doonaan kuwo lala tashado Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aan la micno ahayn aqoonsi dowladeed oo rasmi ah. Dhanka kale, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta safar shaqo oo dhawr cisho soconaya ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliya wasiirro iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland. Intii uu ku sugnaa Nairobi, Madaxweynaha waxa uu la kulmi doonaa madaxda Kenya, hay’ado caalami ah, iyo wakiillo ka tirsan safaaradaha dalalka waaweyn ee fadhigoodu yahay Nairobi. Source: goobjoog.com
-
The president of the Republic of Somaliland Mr. Abdirahman Mohamed Abdilahi (Cirro) has today gone for a work trip to Nairobi, the capital of Kenya. The president’s trip was accompanied by the Minister of the Presidential Palace, Minister of Planning and National Development, Minister of Communication and Technology, Commander of the National Intelligence Agency and Head of the Office of the President (Chief of Staff). Likewise, the president was the advisor of the president of economic affairs and the special messenger of the president of JSL. The president of the Republic of Somaliland and his delegates in Nairobi will have meetings with the government of Kenya who is the beard president William Ruto, and will discuss issues that have special priorities for the nation. Also, the president of the Republic of Somaliland will have a special meeting with the international agencies and some of the international embassies in Nairobi. The president of the Republic of Somaliland and his delegates during the time they are in Nairobi city, he will have a new modern building that will be held by the Embassy of the republic of Somaliland in Kenya. THANKS TO ALLAH. Hussein Adan Cige (Deyr) The spokesman of the president of Somaliland Qaran News
-
Waxa goordhawayd magaalada Hargeysa ka dhoofay wafti uu hogaaminaayo madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo u socdaalay dalka Kiiniya oo uu ka helay martiqaad rasmi ah Waa dalkii sadexaad ee uu Madaxweynuhu uu u safray tan iyo intii uu xilka qabtay isaga oo todobaadkani ka soo laabtay dalka Jabuuti oo uu iyagana ka hrlay martiqaad iyo sidoo kale dalka Imaaraadka oo ahaa dalkii ugu horeeyay ee uu booqday isaga oo dalkaasi laba jeer booqday. Madaxweynaha Somaliland ayaa booqan doona sidoo kale dalalka Itoobiya iyo Maraykanka dh Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Masar, Sarreeye Gaas Cabdilmajiid Saqar. Wada-hadalkan dhexmaray wasiirrada difaaca labada dal ayaa ku salaysnaa muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo u dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan dhinaca amniga iyo difaaca. Intii uu socday wada-hadalku, labada wasiir waxay si qoto dheer uga wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar. Waxa ay sidoo kale diiradda saareen sidii loo sii kobcin lahaa kaalinta ciidamada Masar ee qaybta ka ah hawlgalka AUSSOM, si ay u taageeraan nabad ilaalinta iyo xasilloonida Soomaaliya. Sidoo kale, wasiirradu waxay isla qaabeeyeen hindisayaal wadajir ah oo lagu horumarinayo tayada iyo xirfadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, taas oo muujinaysa in labada dhinac ay u arkaan tababarka iyo tayeynta ciidamada mid muhiim u ah sugidda amniga gudaha ee Soomaaliya. Labada wasiir waxa ay si gaar ah u xuseen xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar. Waxa ay muujiyeen in xiriirkaas qoto dheer uu yahay saldhig u ah dhammaan iskaashiga labada dhinac, si gaar ah marka ay timaaddo dhinacyada difaaca iyo nabadgelyada. Wasiirka Difaaca Masar ayaa ballan-qaaday in dalkiisu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, isagoo muujiyay in Masar ay diyaar u tahay in ay xoojiso doorka ay ku leedahay dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed. Waxayna noqonaysaa tallaabo kale oo muhiim ah oo lagu taageerayo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib-u-habaynta hay’adaha amniga. Wada-hadalkan ayaa lagu tilmaami karaa mid miro-dhal ah oo muujinaya isfahamka iyo ka go’naanta labada dal ee ku aaddan horumarinta iskaashiga milatari iyo guud ahaan xiriirka laba geesoodka ah. Wuxuu sidoo kale ka tarjumayaa dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan helidda taageero caalami ah si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar ballaaran.
-
Qaar kamid ah Golaha Wasiiradda dowladda Puntland oo ay weheliyaan Maamulka Gobolka iyo Kan Degmada Garoowe ayaa si wadajir udhagax dhigay Mashruuca Biyo-saarka Garoowe. Sido kale Munaasibada Dhagax-dhiga mashruuca Biyo-saarka Garoowe waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland, dowladda hoose iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kunool Caasimadda Garoowe. Xoghayaha Dowladda Hoose, Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Qaar kamid ah Waxgradkii ka hadlay Munaasibadda ayaa bogaadiyay Hirgalinta mashruucaan muhiimka ah ee laga hirgaliyo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Duqa Caasimadda Garoowe ayaa sheegay in mashruuca Biyo-saarka Garoowe uu ahmiyad weyn uleeyahay Hormarka Caasimada Garoowe. Sido kale Duqa ayaa umahadceliyay shacabka caasimadda gaar ahaan xaafadaha laga shaqaynayo Mudada mashruucu socdo. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Dowladda Puntland iyo Wasiirka Howlaha Guud ayaa bogaadiyay mashruuca waxa ayna bulshada Caasimadda ka codsadeen Dowladda hoose iyo Shirkada Dhisaysa Mashruuca in ay kala shaqeeyaan sidii mashruuca looga guul gaari lahaa. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo maanta dhagax-dhigay Mashruuca Biya-saarka Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gudaha magaalada Muqdisho ayaa haatan kasii dareyso, taas oo u dhexeyso dowladda federaalka iyo xubnaha mucaaradka oo intooda badan soo laabtay, si loo wajaho arrimaha doorashooyinka dalka. Xiisadda ayaa saameyn ku yeelatay kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu u baaqday kooram la’aan, sida auu shaaciyay guddoonka golaha shacabka. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray kulanka ayaa qaylo dhaan soo saaray, wuxuuna tilmaamay inay joogto noqotay in xildhibaannadu iska maqnaadaan, ayna saameysay howlihii shaqo ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. “Xildhibaannada imaatinkooda ciriiri ayuu iska noqday afar saac markii la gaaray waxaa lagu daray hal saac markii lagu darayne waxaan rabnay xildhibaannadii inay yimaadaan mana imaan” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka usoo xiray kooram la’aan. Sidoo kale wuxuu qiray in xildhibaannada iyaga oo joogo Muqdisho aysan soo xaadirin kulanka maanta, taas oo muujineyso inay ku milmeen siyaasadaha is diidan ee dalka. Xildhibaannada ayaa kuwooda mucaaraadka ah waxay haatan qayb ka yihiin abaabulka culus ee socda iyo kulamada ka dhanka ah qorshaha Villa Somalia ee qof iyo codka ah. “Dad kooramka buuxiyo magaaladaan waa joogaan laakiin waa laga fiican yahay in mar kasta kooramka uu baryo noqdo oo la’isku rafaado aad ayaan uga xumahay” ayuu raaciyay. Sheekh Aadan Madoobe ayaa farriin culus u diray guud ahaan xildhibaannada, wuxuuna ka codsaday inay soo xaadiraan kulanka Arbcada, maadaama la galayo fasaxa ciidda, xajna la aadayo. Muqdisho ayaa haatan marti-gelineyso siyaasiyiintii ugu badnaa oo mucaarad ah, kuwaas oo ku kacsan madaxweyne Xasan waxaana socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogleh. Xubnaha mucaaradka ayaa Jimcihii lasoo dhaafay isugu tegay Mowlaca Macalin Nuur oo ay ku yeesheen shir siyaasadeed ay ku muujiyeen cududooda, kadibna waxay kulamo gaar gaar ah la bilaabeen wakiilada beesha caalamka oo ay kala hadlayaan xaaladda dalka. Waxaa kale oo la filayaa inuu bilowdo wada-hadal u dhexeeyo saamileyda siyaasadda iyo Villa Soomaaliya, kaas oo uu aqbalay madaxweyne Xasan Sheekh oo haatan sii bilaabay la kulanka xubnaha mucaaradka, wuxuuna xalay qaabilay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo dhowaan kusoo laabtay Muqdisho. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed, waxaana la’isku fahmi la’yahay doorashada, iyada oo arrintaas ay sii dheer tahay dagaalka Al-Shabaab ee sii xoogeysanaya, maadaama gobollada Shabeellooyinka ay culeys soo saartay kooxda.
-
Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Masar, Sarreeye Gaas Cabdilmajiid Saqar. Intii uu socday wadahadalku, labada dhinac waxa ay ka wada-hadleen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca difaaca iyo ciidamada dalka Masar ee qeybta ah hawlgalka ciidamada AUSSOM iyaga oo sidoo kale isla eegay hindisayaal wadajir ah oo lagu taageerayo kor u qaadidda tayada ciidamada Soomaaliya. Labada wasiir waxa ay hoosta ka xariiqeen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay in la ballaariyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada danaha wadaagga ah. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa maanta tegay xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA), xilli ay taagan tahay fadeexad wayn oo ay lugaha hay’adda kadib gargaarkii ay dhowaan gaysay gobolka Hiiraan. Taliye Asad Diyaano ayaa waxaa xarunta SoDMA kusoo dhaweeyay guddoomiyaha hay’adaasi Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo ku xigeenkiisa, halkaas oo ay ku yeesheen kulan gaar ah. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay SoDMA labada mas’uul aaa ka wada-hadlay xoojinta wadashaqeynta labada dhinac iyo in Taliska Booliiska hay’adda ka saacido ilaalinta amniga goobaha gargaarka la geynayo. Booqashadan deg-deg ah ee Taliyaha Booliska ayaa timid saacado uun kadib markii ay Hay’addu mid kamid ah fadeexadihii ugu waynaa ay kala kulantay gargaar ay gaysay Hiiraan oo uu haatan ka socdo halgan culus oo ay dadka deegaanka kula jiraan Al-Shabaab Guddoomiyaha gobolkaas Muuse Salaad Wehliye oo ka carooday fadeexaddan ayaa tilmaamay mid aan ka tarjumeyn baahida dhabta ah ee ciidanka Macawiisleeyda. Waxa uu sheegay in gargaarkaasi uu ahaa dhowr kartoon oo aan ka turjumeyn doorka muhiimka ah ee ay ciidamadu kaga jiraan dagaalka Al-Shabaab. Muuse Salaad ayaa si gaar ah u muujiyay sida uu uga niyad-jabay qaabka ay Dowladda Federaalka iyo Hay’adda SoDMA ula dhaqmeen ciidanka Macawiisleyda, oo uu ku sifeeyay geesiyaal u huray naftooda difaaca dalka. Wuxuu sheegay in lagu gefay karaamadooda markii loo keenay gargaar yar oo aan la jaanqaadi karin waxqabadkooda. Tan yaabka leh ayaa ah in gargaarkan saluuga laga muujiyay lagu soo qaaday laba diyaaradood, uuna ku baxay kharash illaa xad ka badan agabka lagu sheegay gargaarka. SODMA ayaa inta badan lagu eedeeya inay safka hore uga jirto hay’adaha uu musuqa biyo dhigay ee dowladda Soomaaliya. “Dadka meeshaan jooga in hay’adda SODMA u keento dhowrkan kartoon oo ay ku qancan una sacbiyan maahan mid inaga suurta-galeyso, ciidamada Macawiisleyda waxay naftooda u hureen difaaca dalka, umana qalmaan in loo keeno dhowr kartoon oo magac loogu raadinayo waa arin fadeexad iyo ceeb weyn ku dowladda,” ayuu yiri Guddoomiye Muuse Salaad. hinaca kale, shacabka gobolka Hiiraan ayaa dhankooda si weyn baraha bulshada uga muujiyay caro iyo niyad-jab ku saabsan gargaarkii SODMA ee Moqokori, iyagoo is-barbardhig ku sameeyay gargaarka ballaaran ee la gaarsiiyay deegaanno ka tirsan Sh/Dhexe. Waxayna cadaalad-darro ku tilmaameen in Hiiraan oo dagaal culus ku jirta loo keeno kartoono kooban. Si kastaba, arrimahan ayaa imaanaya xilli ciidamada Macawiisleyda ay sare u qaadeen hawl-galladooda gobolka Hiiraan, gaar ahaan xuduudda ay la wadaagto Sh/Dhexe, iyagoo guulo la taaban karo ka gaaray dagaallo ay ku qaadeen fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanno muhiim ah.
