Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo War soo saaray ayaa sheegay in ay hayaan liiska dhammaan dadka Xiriirka la leh Argagixisada ISIL, oo aan isku soo dhiibin wakhtigii uu u qabtay Madaxweyne Deni, si ay u caddeeyaan in ay isaga baxeen Kooxdaasi. Af-hayeenka Ciidanka Booliska Puntland G/sare Xasan Cabdullaahi Maxamed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay hayaan liiska dhammaan dadka Xiriirka la leh Argagixisada ISIL oo aan isku soo dhiibin wakhtigii uu u qabtay Madaxweyne Deni, islamarkaana ay Boolisku gacanta ku soo dhigayaan, si sharciga loo horgeeyo. G/sare Xasan Cabdullaahi Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in sidoo kale ay baaritaan ku wadaan eedaysanayaal kala duwan oo loo haysto kiisas ku saabsan Argagixisada, balse aysan weli wax ku caddaan, waxaana uu intaasi ku daray in baaritaanka kaddib maxkamad loo gudbin cid kasta, oo ay ku caddaato in ay xiriir la lee dahay kooxaha Argagixisada ah. Af-hayeenka ayaa dadweynaha Puntland uga digay in ay ka hordhacaan kiisaska ku saabsan eedaysanayaasha loo haysto falalka argagixiso ee baaritaanka lagu hayo, kuwaasi oo natiijada baaritaankooda ay soo gudbin doonaan hay’adaha Amniga, si loo mariyo hannaanka Caddaaladda. PUNTLAND POST The post Puntland: Liiskooda waan haynaa waana soo qabanaynaa dadka xiriirka la leh Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
  2. In ka badan 500 oo qof oo isugu jira shaqaale-sare, hawl-wadeeno, shaqaale hoose, gadiidley iyo xirfadlayaal kala duwan ayaa tan iyo bishii December ee sannadkii hore laga fasaxay shaqooyinkoodii ka dib markii hay’adihii ay u shaqaynayeen ay u waayeen dhaqaale ay mushahar ahaan u siiyaan maadaama mashaariicdii joogsantay. Xafiisyadii hay’adaha ee qaar kamid ah Gobollada Puntland ayaa la qorshaynayaa in la xiro bartamaha sannadkani, kaddib markii hay’aduhu kiradii iska-bixin waayeen. sidoo kale xafiisyo 20 qof ka shaqayn-jireen ayaa 5 qof keli ah hadda joogta hay’adaha qaar sida la xaqiijiyay. Xaaladda ayaa kasii dartay labadii bilood ee lasoo dhaafay oo la fasaxay shaqaalihii ugu badnaa, ka dib markii hay’ada USAID ay dowlada maraykanku ka jartay dhaqaalihii ay siin-jirtey. taas oo badi mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadanimo taageeri-jirtay. Hay’adaha Puntland fadhigoodu yahay horay waxay u waayeen mashaariicdii ay fulin jireen qaarkood, kuwaas oo u xanibmay khilaafka DFS iyo Puntland u dhaxeeya. Shaqa la’aanta dadkaan soo wajahday ayaa saamayn doonta kumanaan qof oo si dad badan ugu tiirsanaa wax-soosaarkooda. sidoo kale mashaariicdaan waxaa macaash ka heli-jirey boqolaal ganacsi oo kale oo iyagu dhaqaale xuma wajihi-doona. PUNTLAND POST The post Hay’adaha Caalamiga ah ee ka hawlgala Puntland oo fasaxay shaqaalihii ugu badnaa kaddib markii ay soo foodsaartay dhaqaale-xumo appeared first on Puntland Post.
  3. Wafti ka kankooban wasiiro iyo hogaanka ciidanka qaranka oo uu weheliyo xildhibaan laga soo doorto gobolka sanaag iyo sidoo kale gudoomiye ku xigeenkaa gobolka Sanaag ayaa màanta booqday deegaanka Kulmiye ee bariga Sanaag. Xaalada gobolka ayaa degan waxana ay xukuumaddu ku guulaystay qaramayntii ciidamadii madaniga ahaa ee ju sugnaa gobolka Sanaag. Qaran News
  4. Xildhibaan Mustafe Calas, oo kamida mudanayaasha golaha deegaanka ee degmada Burco ayaa soo bandhigay Waddooyinka ay burco ka dhiseen shantii bilood ee u dambeeyay. Waxa uu sheegay in ay dhiseen 7 waddo oo kala ah:- 1- Biriijkii hore ilaa saylada xoolaha.- DHB. 2- Wadada isku xidha Cawaale suqaar iyo biriijka Dahabshiil.- DHB. 3- Wadda Ilays, biriijka Deero. -DHB 4- Wadda xarunta Gobalka. -DHB + Contribution. 5- Wadda sekeda. -DHB. 6- Wadda PayPass ilaa kaantaroolka Yuroobe. -Sdf. 7- Wadda Wan-ka iyo Orgiga, Dhakhtarka weyn ilaa xarunta Degmada Burco. Sdf. Waxa kale oo uu sheegay in ay intaasi barbar wadeen waddo banayn, iftiimin iyo bilcintii, dad mareenkii iyo biyo mareennadii oo ah wadooyinka qaarkood. Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta guud ee ciidanka booliska Soomaaliya Korneyl Mahdi Cumar Muumin oo degmada Hodan uga qeyb galay afur wadareed ayaa digniin culus u diray dadka baraha bulshada ku faafiya wax uu ku tilmaamay qalqal gelin amni. “Wiilasha baraha bulshada wax ku qora waxaan leeyahay, Khawaarijtaa qeyb ka noqoneysaa, hadii aad faafiso waxaan jirin, waxay ay kooxdaasi sameyso iyo wax lagu darayba hadii aad sheegto qeyb ayaad ka tahay,” ayuu yiri Macalin Mahdi. Sidoo kale, Taliyaha ayaa shacabka ka codsaday in aysan taageerin dhalinyarada faafisa qalqal gelinta amniga, isagoo cadeeyey in ka boolis ahaan ay diyaar u yihiin in ay xiraan qof kasta oo faafiya farriimo qalqal gelin ah. “Qofkii Khawaarij lacag siiya iyo kan warkooda u faafiya waa isku mid, dadkaan dhibaato intii ku filan waa soo mareen, Xamar waxay joogtaa waqtigii ay ugu amni fiicneed, cid aan ka aqbaleyno ma jirto in baraha bulshada ay ku faafiso farriimo farxad gelinaya Khawaarijta,” ayuu yiri Taliyaha Boolsika Gobolka Banaadir. Taliyaha ayaa hadalkiisa u cuskaday dhibaatada loo marayo amniga dalka, isagoo sheegay in ciidankii qaranka iyagoo Sooman ay duurka fog ee gobollada dalka kula dagaalamayaan Khawaarijta. “Suurtagal maaha in wiil Xamar jooga Hotel ka furaya uu shacabka caasimadda ku nool qalqal geliyo, lagama yeeli doono, waxaana ku xireynaa qol mugdi ah,” ayuu yiri Macalin Mahdi. Taliyaha Booliska Gobolka ayaa sheegay in reer Muqdisho ay amni rabaan, isagoo xusuusiyey in hadda ay heystaan, balse looga baahan yahay inay xajistaan oo sii adkeystaan, dadka qalqal gelinta wadana ay iska qabtaan. Hadalka Taliyaha ayaa ku soo aadaya iyadoo dhowaan xabsiga laga sii daayey Weriye Cali Aadan Muumin oo Muqdisho ku xiraa muddo seddax cisho ah, taliska qeybta guud ee gobolka ayaa Cali Aadan ku eedeeyey inuu ka shaqeynayey qalqal gelin amni iyo aflagaadeynta madaxda qaranka. Hoos ka daawo The post Daawo: Macalin Mahdi “Waa Khawaarijta oo kale qol mugdi ah ayaana ku xireynaa qofkii…” appeared first on Caasimada Online.
  6. Somalia’s House of Cards: The Inevitable Collapse of America’s $50 Billion Mistake KEY POINTS: Turkish Airlines and Qatar Airways suspending flights signals Somalia’s major patron states have lost confidence in security situation Somalia ranks 179th out of 180 countries in corruption with score of 9/100, worsening despite billions in international aid President Hassan Sheikh Mohamud spends lavishly on international travel and Washington lobbying firms while soldiers go unpaid Al-Shabaab now controls more territory than any time since 2011, following Taliban’s successful playbook African Union peacekeeping mission (AUSSOM) faces financial collapse as donors withdraw support Trump administration unlikely to continue funding a government with no accountability or results When Turkish Airlines and Qatar Airways suspended flights to Somalia’s capital last week, few outside the region noticed. They should have. This development, alongside American diplomats fleeing Mogadishu’s airport after militant attacks, isn’t just another security hiccup – it’s the beginning of the end for a Western experiment that has swallowed billions with nothing to show for it. A Corruption Network with a Government Problem Somalia’s corruption isn’t just bad – it’s historic. Ranking 179th out of 180 countries in Transparency International’s 2024 index with a pathetic score of 9/100, Somalia has actually managed to get worse, dropping 2 points since 2023. This isn’t corruption within a system; this is corruption as the system. While Finance Minister Bihi Egeh bemoans the potential loss of $1.5 billion in U.S. aid, he conveniently forgets to mention where previous billions vanished. Military commanders pocket salaries for non-existent “ghost soldiers,” leaving actual units undermanned. Weapons purchased with Western funding routinely disappear from government armories, only to resurface in Al-Shabaab attacks. Intelligence leaks so consistently that security analysts assume Al-Shabaab has penetrated every level of government. Even judicial positions are bought and sold openly, driving desperate citizens to seek justice from Al-Shabaab’s harsh but predictable courts. Patrons Head for the Exit The suspension of flights by Turkish Airlines and Qatar Airways isn’t merely a business decision – it’s a devastating vote of no confidence from Somalia’s most committed international backers. Unlike Western powers who engage from embassy compounds, Turkey manages Mogadishu’s port and airport while maintaining its largest overseas military base in the country. Qatar has bankrolled government operations during funding gaps, while simultaneously keeping communications open with Al-Shabaab – much as it does with Taliban, Hamas, and other terrorist networks. Will these patron states simply work with Al-Shabaab if militants eventually take Mogadishu? Their pragmatism knows no bounds, and it’s entirely possible they don’t care who rules Somalia as long as they maintain their prime position in the country’s economy. Turkey’s infrastructure investments and Qatar’s relationships across the political spectrum practically guarantee they’ll be among the first to recognize any new power reality. “When your closest friends start heading for the exits, it’s time to acknowledge the building is on fire,” notes a Gulf diplomatic source familiar with Qatar’s decision-making. The $50 Billion Experiment That Failed Let’s be brutally honest: Somalia has absorbed over $50 billion in international aid since 1991 with minimal sustainable improvements in governance or security. The Danab Brigade – Somalia’s elite U.S.-trained counter-terrorism unit – remains somewhat effective only because Americans bypassed government structures entirely, maintaining direct oversight of recruitment, payment, and operations. Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud has become infamous as one of the world’s most frequent-flying heads of state, jetting off to international conferences and photo opportunities nearly weekly while his country burns. As Al-Shabaab consolidates control over increasing territory, Mohamud and his inner circle have funneled millions into glitzy Washington lobbying firms to keep American money flowing. These lavish expenditures – paid for ultimately by American taxpayers – represent the perfect microcosm of Somalia’s dysfunction: U.S. aid creates a bloated class of government kleptocrats whose primary skills lie not in governance or security provision, but in separating gullible Western donors from their money. While Mogadishu’s political elites wine and dine at five-star hotels in Western capitals and maintain luxury residences abroad, soldiers on the front lines go unpaid, and Al-Shabaab’s shadow government expands its reach. American billions haven’t brought stability to Somalia – they’ve created a parasitic political class with no incentive to actually defeat the insurgency that justifies their continued international support. The evidence is inescapable: Somalia’s problems aren’t about funding levels but legitimacy, accountability, and trust. More money doesn’t build state capacity; it merely enables more sophisticated corruption networks. As one Western official put it, “We’re not funding a government. We’re funding a money laundering operation with a flag.” Adding to this complex picture, Somalia has increasingly strengthened ties with China, signing onto Beijing’s Belt and Road Initiative while accepting infrastructure deals with limited transparency requirements. This diplomatic balancing act raises questions about whether China might become Somalia’s next financial backer as Western donors reconsider their investments. The challenge for Beijing, should it step into this role, would be avoiding the same patterns of ineffective aid that have characterized Western engagement for decades. Al-Shabaab Executes the Taliban Playbook For anyone who watched Afghanistan’s collapse, Somalia’s trajectory is disturbingly familiar. Al-Shabaab has methodically followed the Taliban’s successful blueprint: focus on rural control while launching just enough urban attacks to demonstrate government weakness; patiently wait out Western resolve; weaponize public resentment against corruption; infiltrate government security structures; and establish shadow governance that, while brutal, appears more competent than the internationally-backed government. Intelligence reports confirm Al-Shabaab now controls more territory than at any point since 2011, collects taxes more efficiently than the government, and dispenses predictable justice in areas under its control. “The reality Western policymakers refuse to accept is that insurgencies don’t need to be loved by the population—they just need to be seen as more competent and less predatory than the government,” notes a former Western counterinsurgency advisor with extensive experience in both Afghanistan and Somalia. “By that measure, Al-Shabaab is winning.” AUSSOM: Peacekeeping Without Peace or Funding Somalia’s last security bulwark, the newly rebranded African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM), teeters on the brink of financial collapse. Despite diplomatic platitudes about “sustainable funding mechanisms,” donor fatigue has set in. The European Union’s willingness to cover troop stipends is waning, while United Nations logistical support grows increasingly tenuous. This financial uncertainty couldn’t come at a worse moment. Ethiopia – AUSSOM’s backbone – is distracted by internal conflicts and maritime disputes with Somalia. Uganda has made it clear that continued troop contributions depend entirely on reliable international funding that isn’t materializing. Without a robust AUSSOM presence, intelligence assessments suggest Al-Shabaab would likely expand control to most population centers outside Mogadishu within months. The bitter irony: Western nations, having spent billions on Somalia’s stability, now appear unwilling to fund the one mechanism that has somewhat contained Al-Shabaab. Trump Administration: No More Blank Checks The Trump administration represents the final nail in Somalia’s financial coffin. President Trump’s “America First” approach and Secretary of State Marco Rubio’s hawkish stance make additional funding for Somalia virtually unthinkable. The White House team sees Somalia’s corruption rankings, territorial losses to Al-Shabaab, and decades of squandered aid as textbook examples of failed investment. “The days of writing blank checks to failing states are over,” a Republican foreign policy advisor remarked privately. “The President wants concrete returns on American taxpayer dollars, and Somalia has consistently proven it cannot deliver.” This policy shift comes exactly when Somalia’s government is most desperate for support, creating a perfect storm where years of mismanagement, corruption, and security failures are finally coming due. The chickens, as the saying goes, are coming home to roost. The Next Kabul Awaits Somalia’s internationally-backed government is approaching a point of no return. The combination of endemic corruption, resurgent Al-Shabaab, wavering international support, and AUSSOM’s precarious funding creates conditions eerily similar to pre-collapse Afghanistan. For Western nations that have poured billions into this failed experiment, it’s time to acknowledge reality rather than writing more checks. Additional money without addressing core governance failures will simply disappear into the same corrupt systems that have swallowed previous investments. The fall of Kabul shocked the world in 2021. The fall of Mogadishu – when it comes – should surprise no one. Somaliland Chronicle Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, waxaa soo baxayay digniino ku aaddan weerarro argagixiso oo lala maagan yahay Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho. Talaadadii la soo dhaafay, Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa uga digtay muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku sugan Soomaaliya ‘weerarro laga cabsi wabo’ oo ka dhici kara goobo badan oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Muqdisho. Saacado kadib digniinta Mareykanka, shirkadaha diyaaradaha ee Qatar Airways iyo Turkish Airlines ayaa si ku-meel-gaar ah u hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi lahaayeen Muqdisho, inkast oo aysan caddayn xiriirka ka dhexeeya duulimaadyada la hakiyay iyo digniinta Mareykanka. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fardowsa Cismaan Cigaal oo wareysi siisay Idaacadda VOA, ayaa sheegtay in wax khatar ah aysan dalka ka jirin, isla markaana ay helaan xogta ammaanka dalka iyadoo dhameystiran. “Ma jirto khatar kaliftay in duulimaadyadaas ay ka baaqdaan Muqdisho, sidoo kale ma jiraan wax nalala wadaagay oo khatar ah,” ayey tiri Wasiir Fardowso Cismaan Cigaal. Wasiirka ayaa sheegay in shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ay su’aalo ka weydiiyey sababta ay u baajiyeen safarkoodii Muqdisho, isla markaana ay sheegeen in digniintaas ay la kulmeen. “Waan u cadeynay in digniintaas aysan naga soo bixin, mid ay dowladda Soomaaliya ku shaqeysatana uusan aheyn, marka waa nala qaateen dhowr beri ayey duulimaadyadooda kansalee, lkn ugu dambeyntii waa ay naga aqbaleen,” ayey hadalkeeda ku sii dartay waaiirka gadiidka Fardowso Cigaal. Hoos ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2025/03/77ea5e0a-8169-4c58-00ea-08dd5c8b1668_32k.mp3The post DF oo ka hadashay digniinaha amni ee garoonka Muqdisho iyo diyaarado ka cabsaday appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa maanta ansixiyey heshiiska lagu dhisay urur-goboleedka IGAD. Heshiiskan ayuu goluhu ku tilmaamay mid xoojinaya iskaashiga gobolka iyo doorka Soomaaliya ee arrimaha diblomaasiyadda iyo horumarka wadajirka ah. Soomaaliya ayaa xubin firfircoon ka ah urur-goboleedka IGAD, waxayna haatan kamid tahay hoggaankiisa. Sidoo kale, Soomaaliya waxay ururkan ka tahay ku-xigeenka xoghayaha guud ee IGAD. IGAD ayaa hore ula safatay Dowladda Federaalka Soomaaliya xilligii ay taagneyd xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya, taasoo salka ku haysay xadgudubkii ay Addis Ababa kula kacday qarannimada Soomaaliya. Madaxda IGAD ayaa markaas si wadajir ah uga soo horjeestay xadgudubka ay Dowladda Itoobiya ku sameysay madax-bannaanida dhuleed ee JFS. Sidoo kale, waxay hoosta ka xarriiqeen waajibnimada ah in Dowladda Federaalka ay saxiixdo heshiis kasta oo lala galayo Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, kulankii maanta ee Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale laga soo saaray go’aanno dhowr ah oo la xiriira amniga. Golaha ayaa shacabka ku wargeliyey inay ka fogaadaan aagagga ku dhow goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, maadaama dowladdu qorshaynayso weerarro cirka iyo dhulka ah, sida ay sheegtay. Sidoo kale, dowladdu waxay sheegtay inay tallaabo ka qaadi doonto dadka baraha bulshada ku faafiya wararka been-abuurka ah ama la macaamila kooxda Al-Shabaab. Qofkii lagu helo falalkan waxaa lala tiigsan doonaa tallaabooyin waafaqsan sharciga, oo ay ka mid yihiin in maxkamad la soo taago iyo in la mariyo ciqaab adag oo sharciga waafaqsan. The post Golaha wasiirada oo maanta ansixiyay heshiiska lagu dhisay… appeared first on Caasimada Online.
  9. SYDNEY, Australia (HOL) — Australian police have arrested a 16-year-old boy in western Australia after he allegedly made an online threat to attack Al-Bayt Al-Islaam Mosque in Sydney, drawing parallels to the 2019 Christchurch mosque massacre. Source: Hiiraan Online
  10. CAPE TOWN, South Africa (HOL) — Three South African police officers have been arrested for allegedly robbing a Somali-owned shop while on duty, an incident that has fueled concerns over police corruption and the vulnerability of immigrant businesses. Source: Hiiraan Online
  11. Beijing (Caasimada Online) – Shiinaha ayaa ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay la dagaallanka Mareykanka “nooc kasta” oo dagaal ah, kadib markii uu ka horyimid canshuuraha ganacsiga ee sii kordhaya ee madaxweyne Donald Trump. Labada waddan ee ugu dhaqaalaha badan adduunka ayaa ku dhawaaday dagaal ganacsi kadib markii Trump uu canshuuro badan ku soo rogay dhammaan badeecadaha Shiinaha. Shiinaha ayaa si deg-deg ah uga aarguday, isagoo 10-15% canshuur ah ku soo rogay badeecadaha beeraha ee uga yimaada Mareykanka. “Haddii dagaalku yahay waxa Mareykanku doonayo – ha ahaado dagaal canshuureed, dagaal ganacsi, ama nooc kasta oo dagaal ah – waxaan diyaar u nahay inaan dagaallano ilaa dhammaadka,” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta X, oo ay safaaradda Shiinaha ku xustay bayaanka dowladda ee Talaadadii. Hadalladan ayaa noqonaya kuwa ugu xoogganaa ee illaa hadda kasoo baxa Shiinaha tan iyo markii uu Trump noqday madaxweynaha Mareykanka. Sidoo kale, waxay ku soo beegmaysaa xilli hoggaamiyayaal sare ay iskugu yimaadeen Beijing si ay uga qayb galaan shirweynaha sanadlaha ah ee Golaha Shacabka Qaranka. Hoggaamiyeyaasha ku sugan Beijing ayaa isku dayaya inay fariin u diraan shacabka Shiinaha, iyagoo muujinaya kalsoonida ay ku qabaan kobaca dhaqaalaha waddanka, xitaa haddii ay jirto khatarta “dagaal ganacsi.” Shiinaha ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu rajeynayo inuu ka faa’iideysto ficillada madaxweyne Trump ee la xiriira xulafada Mareykanka, sida Canada iyo Mexico, kuwaas oo sidoo kale uu ku soo rogay canshuuro. Beijing ayaa dhawaan xaqiijisay in Shiinuhu sii wadi doono furfurnaantiisa iyo rajada uu ka qabo soo jiidashada maalgashi shisheeye oo badan. Shiinaha ayaa horey u muujiyey inuu diyaar u yahay dagaal, iyadoo dhammaadkii bishii Oktoobar Madaxweyne Xi uu ku baaqay in ciidamadu xoojiyaan diyaar-garowgooda dagaal, iyagoo sameynaya tababaro milateri oo ka dhacaya agagaarka jasiiradda Taiwan, oo iskeed isu maamusha. Inkasta oo la hakiyay tacriifaddii uu Madaxweyne Trump saaray Mexico iyo Canada, haddana weli waxba lagama beddelin canshuuraha uu ku soo rogay badeecadaha uu Shiinaha u dhoofiyo Mareykanka. The post Shiinaha oo ku dhowaaqay arrin uga sii dareysa xiisadda Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  12. Boosaaso (Caasimada Online) – Hal bil ka hor, subaxnimadii Febraayo 4-teedii, ciidammo ka tirsan maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday dagaalyahannada kooxda argagixisada ah ee Dawladda Islaamiga ah ama Daacish. Dagaalyahannada ayaa weerarka kaga jawaabay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, weerarro ismiidaamin ah, iyo weerarro lug ah. Saraakiil goboleed ayaa sheegay in 15 askari lagu dilay dagaal ka dhacay meel u dhow tuulada Qurac. Hase yeeshee, saacado ka dib, dagaalyahannada argagixisada ah ayaa lagu qasbay inay ka baxaan goobihii ay ku sugnaayeen, iyaga oo ka tagay ugu yaraan 57 meyd ah. Toddobaadkii xigay, Dawladda Islaamiga ah, oo sidoo kale loo yaqaanno IS, ISIS ama Daacish, ayaa fulisay weerar rogaal celis ah oo xooggan, iyaga oo soo diray qaraxyo ismiidaamin ah oo is daba joog ah iyo dagaalyahanno badan oo weerar ku qaaday ciidamada Soomaaliya ee dooxa Togjaceel, oo ku yaalla buuraha Cal Miskaad ee Puntland. Saraakiil goboleed ayaa sheegay in dagaalka hubaysan uu sababay qiyaastii 100 dhimasho, oo kala ah 28 askari iyo in ka badan 70 dagaalyahan. Mar kale, dagaalyahannada IS ayaa ku qasbanaaday inay dib u gurtaan, waxaana si degdeg ah ciidamada Puntland uga qabsadeen saddex saldhig oo ay ku sugnaayeen. Dagaalladan ayaa qayb ka ah olole dhawaanahan lagu qaaday dagaalyahannada Dawladda Islaamiga ah ee ku dhuumaaleysanaya buuraha maamul goboleedka iskiis u madax bannaan ee Puntland. Dadka indha-indheeya ayaa sheegaya in guushan, inkastoo ay tahay mid la soo dhaweynayo, ay ku timid si lama filaan ah. Taliyeyaasha ciidamadu waxay filayeen in markay u soo dhowaadaan goobaha ugu waaweyn ee Daacish ay ku xooggan tahay, sida Shebaab, Dhaadaar, iyo Dhasaan, in kooxda argagixisada ah ay si adag u dagaallami doonto oo ay bilaabi doonto weerarro rogaal celis ah oo joogto ah. Si kastaba ha ahaatee, taasi ma dhicin. Ciidamada Puntland waxay qabsadeen godad iyo tuulooyin yaryar midba midka kale ka dib, waxayna Daacish ka saareen dooxa istaraatiijiga ah ee Togjaceel, oo dhererkiisu yahay 40 kiilo mitir, laga soo bilaabo Turmasaale ilaa Dhasaan. Daacish oo baxsatay Saraakiil Soomaaliyeed ayaa u sheegay VOA in ay muuqato in dagaalyahannada Daacish, halkii ay isku dayi lahaayeen inay difaacdaan goobihii ay ku sugnaayeen, ay baxsadeen, iyaga oo u kala jabay saddex kooxood, dhammaantoodna u socda jihooyin kala duwan. Qiyaastii 100 dagaalyahan oo Daacish ah, oo ay weheliyaan qaar ka mid ah xubnaha qoysaskooda, ayaa isku dayay inay u baxsadaan Karinka Qandala, oo ah goob buuraley ah oo ku taal waqooyiga goobtii ay kooxdu ku xoogganayd ee dooxa Togjaceel. Laba kooxood oo waaweyn ayaa u baxsaday Tog Miraale iyo Tog Curaar, oo ku yaalla galbeed iyo waqooyi-galbeed. Kooxda u baxsaday waqooyi-galbeed, sida ay saraakiishu sheegeen, waxaa lagu weeraray duqeymo cirka ah oo ka dhacay meel u dhow tuulada Miraale. “Qiimeynta sirdoonka ayaa muujineysa suurtogalnimada sare ee isku dayo lagu sameynayo goobo ammaan oo cusub ka dib markii ay dib u gurteen,” ayuu yiri Brigadier General Axmed Cabdullaahi Sheekh, taliyihii hore ee ciidamada Danab ee Soomaaliya ee ay tababaraan Mareykanka. “Weerarku, in kasta oo uu u muuqdo mid caadi ah, had iyo jeer wuxuu ku lug lahaa xeelado jabhadeed,” ayuu yiri Sheekh, oo si dhow ula socday ololaha ka socda gobolkiisa. “Guuldarrada dooxa Togjaceel waxay u badan tahay inay Daacish ku riixdo inay kordhiso dagaalka aan simanayn, iyada oo bilaabaysa olole jabhadeed oo ka dhan ah Puntland.” Sheekh wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in ciidamada la dagaallanka argagixisada ee Puntland ay haystaan tirada iyo agabka ay ku fulin karaan dagaal dheer oo ay la galaan Daacish. Tageerada Imaaraadka iyo Mareykanka Imaaraadka Carabta ayaa bixinayay taageero dhanka cirka ah, oo ay ku jiraan duqeymo cirka ah oo lagu beegsanayo dagaalyahannada. Mareykanka ayaa sidoo kale fuliyay laba wareeg oo duqeymo cirka ah oo lagu beegsaday IS bishii hore. Duqeymaha Mareykanka ayaa la rumeysan yahay inay ku dileen 16 dagaalyahan, oo uu ku jiro Axmed Maeleninine, oo ay saraakiisha Mareykanka ku tilmaameen “qoraha, maalgeliyaha, iyo hoggaamiyaha hawlgallada dibadda ee mas’uulka ka ah daadgureynta jihaadiyiinta Mareykanka iyo guud ahaan Yurub.” Aqalka Pentagon-ka ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo markii la weydiiyay dib u gurashada muuqata ee Daacish. Laakiin sarkaal difaac oo Mareykan ah, oo ku hadlay shuruud ah inaan magaciisa la shaacin si uu uga hadlo hawlgalka socda, ayaa tilmaamay in Washington ay diyaar u tahay inay bixiso caawimaad dheeri ah. “Waaxdu waxay sii waddaa inay ka go’an tahay taageeridda la-hawlgalayaashayada dadaalladeena wadajirka ah ee lagu carqaladeynayo, lagu wiiqayo oo looga adkaanayo ururrada argagixisada ah ee Geeska Afrika,” ayuu sarkaalku u sheegay VOA. Dadka kale ee indha-indheeya ayaa sheegay in cadaadiska “joogtada ah” ee ay sameeyeen ciidamada Soomaaliya, oo ay weheliso caawimaad ka timid Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, ay u muuqato mid miro dhalaysa. “Tilmaamuhu waxay yihiin in ciidamada Puntland ay horumar dhab ah ka sameynayaan meelaha ay Daacish ku dhuumaaleysato ee Soomaaliya,” ayuu u sheegay VOA sarkaal sare oo hore oo reer Galbeed ah oo la dagaallama argagixisada, isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin si uu uga hadlo horumarka socda. “Su’aashu waxay tahay haddii ay [ciidamada Puntland] awoodi doonaan inay sii hayaan meelaha ay qabsadeen, ama haddii IS ay awoodi doonto inay ku soo laabato toddobaadyada iyo bilaha soo socda,” ayuu yiri sarkaalku. Haddii ciidamada Soomaaliya ay awoodaan inay hayaan dhulka ay qabsadeen, si kastaba ha ahaatee, burburka kooxda argagixisada ah ayaa laga yaabaa inuu ka gudbo xuduudaha Soomaaliya. “Iyada oo la tixgelinayo doorka dhexe ee xafiiska al-Karrar ee maalgelinta shabakadda IS ee ballaaran, waxaa jiri kara saameyn xiga,” ayuu yiri sarkaal hore oo reer Galbeed ah oo la dagaallamay argagixisada. Al-Karrar waa mid ka mid ah sagaal xafiis goboleed oo Dawladda Islaamiga ah loo aasaasay si ay u caawiyaan joogteynta awoodaha kooxda argagixisada ah. Tan iyo 2022-kii, xafiisku wuxuu ahaa qalab muhiim ah oo ku jira shabakadda maaliyadeed ee kooxda argagixisada, isaga oo lacag u gudbinaya xubno ku sugan Afghanistan iyo meelo kale oo Afrika ah. Si kastaba ha ahaatee, walaacyo ayaa weli jira. Cabsi soo rogaal celin Falanqeeyayaasha amniga gobolka ayaa ka digaya in Dacaish ay dib u habeyn sameyn karto haddii ciidamada la dagaallanka argagixisada ee Puntland ay awoodi waayaan inay sii wadaan raadintooda. “Ciidamadooda gaarka ah ee guurguura ayaa ahaa hormuudka weerarka,” ayay tiri Samira Gaid, oo ah falanqeeye amniga Geeska Afrika. “Hadda, waxay u muuqataa in ciidamada Puntland ay ka go’an tahay oo ay helaan agab ku filan,” ayay u sheegtay VOA. “Si kastaba ha ahaatee, wax badan waxay ku xirnaan doonaan sida ciidamada Puntland ay u sugaan oo ay u ilaaliyaan dhulalka ay xoreynayaan si loo hubiyo in kooxdu aysan dib u soo laaban.” Dhanka Daacish, kooxda argagixisada ah “waxay isku dayayaan inay ku dhex milmaan dadweynaha, inkastoo ay taasi adag tahay,” ayay tiri Gaid. “Waa horumar dabiici ah marka ay wajahayaan ciidan ka awood badan.” Xeeladda ayaa sidoo kale laga yaabaa inay Daacish u iibisay waqti ay ku qariyaan qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashooda ugu caansan uguna muhiimsan. Ciidamada Soomaaliya ma helin wax raad ah oo Abdul Qadir Mumin ah, oo loo maleynayo inuu hoggaamiyo ma aha oo kaliya Daacish-ta Soomaaliya laakiin dhammaan howlgalka argagixisada ee Daacish. Taliyaha howlgallada Daacish-Soomaaliya, Cabdiraxmaan Faahiye Ciise, iyo madaxa maaliyadda Daacish-Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Yuusuf, ayaa sidoo kale ku dhuumaaleysanaya. Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Soomaaliya ayaa ugu baaqay, gaar ahaan Faahiye, inay is dhiibaan. “Dadka aad u maleyneyso inay hoy ku siinayaan ayaa hagaya ciidanka,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Puntland, General Adan Cabdihashi, ka dib markii uu qabsaday xarunta Mumin 1-dii Maarso. “Ha gelin dhalinyarada halis,” ayuu yiri Cabdihashi. “Waxaan ku dhaaranayaa Ilaahay, waxaad heli doontaa ciqaabta aad mudan tahay.” Saciid Cabdullaahi Deni, oo ah hoggaamiyaha gobolka Puntland, ayaa sidoo kale u soo bandhigay xubnaha Daacish ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, fursad ay isku dhiibaan, iyo dagaalyahannada ajnabiga ah inay xitaa suurtogal tahay inay ku laabtaan dalalkoodii. “Waxay [IS] u maleeyeen inay tahay meel aan lagu arki karin, istaraatiiji ahaan meel adag, oo siinaysa marin Badda Hindiya iyo Gacanka Cadmeed iyo Gacanka Carabta,” ayuu yiri. Laakiin wuxuu ka digay in ciidamada Puntland ay diyaar u yihiin inay ugaarsadaan oo ay baabi’iyaan haraadiga kooxda argagixisada “ilaa dhammaan argagixisada, dhaqdhaqaaqooda iyo saldhigyada laga saarayo.” Qiyaaso kala duwan oo ka yimid saraakiil Soomaaliyeed iyo kuwa reer Galbeedka ah oo la dagaallama argagixisada ayaa tirada dagaalyahannada Daacish ee Soomaaliya ku sheegay ilaa 1,600, oo ay xoojisay soo galootiga dagaalyahanno ka yimid Itoobiya, Morocco, Suudaan, Suuriya, Tansaaniya, iyo Yemen. Khubarada sida Samira Gaid ayaa sheegay in tirada sii kordheysa ee Daacish-Soomaaliya oo ay weheliso dhulka adag ee buuraha Puntland ay keentay is-aamin xad dhaaf ah. “Qaladka ay sameeyeen ee ah inay wajahayaan ciidamada Puntland ayaa u muuqday inay ahayd doqonnimadooda,” ayay tiri, iyada oo intaa ku dartay in qiyaastii 500 dagaalyahan oo Daacish ah lagu dilay dagaalladii dhawaa. Daacish-Soomaaliya ayaa la kulantay “khasaare xun,” ayay tiri Gaid, “waxayna u badan tahay inaanay soo kaban doonin muddada gaaban iyo tan dhexe.” The post Baxsashada Daacish iyo sida Puntland ay uga adkaatay – W/Q: Harun Maruf, Jeff Seldin appeared first on Caasimada Online.
  13. Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijisay in uusan jirin wax xayiraad ah oo saaran Garoonka Diyaaradaha ee Baardheere, islamarkaana duulimaadyadu ay si caadi ah u socdaan. Bayaan kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in wararka la faafinayo ee sheegaya in dowladda federaalka ay xanibtay garoonka aysan sal iyo raad toona lahayn. Hadalkan ayaa yimid kadib markii siyaasiyiin iyo masuuliyiin qaarkood ay ku eedeeyeen dowladda inay xannibaad kusoo rogtay garoonka, taasoo ay sheegeen in ay dhibaato ku tahay shacabka ku nool gobolka Gedo. Si kastaba ha ahaatee, hay’adda duulista ayaa carrabka ku adkeysay in duulimaadyada Baardheere ay sidoodii u shaqeynayaan, isla markaana aysan jirin wax faragelin ah oo ay dowladda ku sameysay hawlaha garoonka. Source: goobjoog.com
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyed ee Jubbaland ayaa ka hadlay dhacdo argagax leh oo ka dhacday gobolka Gedo, kadib markii hooyo Soomaaliyeed oo umul ahayd ay silac dartiis ugu geeriyootay degmada Baardheere ee gobolkaasi. Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray Farxiyo Xuseen ayaa markii ay umushay kadib waxa lasoo daristay xaalad adag oo wax laga qaban kari waayey isbitaalka degmada. Waxay ehelladooda waayeen diyaarad soo qaada maadaama weli xayiraadda dowladda federaalka ay saaran tahay gobolka Gedo, iyada oo markii dambe lasoo saaray gaari, nasiib xumase geeriyootay intii lagu soo jiray waddada. Jubbaland oo arrintan si adag uga hadashay ayaa marka hore tacsi u dirtay ehellada marxuumadda, waxaana intaasi kadib mas’uuliyadda dhacdadan xanuunka leh dhabarka u saartay dowladda dhexe. “Dowladda Jubbaland waxay aad uga xuntahay cunaqabataynta iyo xayiraadaha sharci-darrada ah ee saaran diyaaradaha ka degi lahaa gobolka Gedo iyo guud ahaan Jubbaland,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubbaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar. Waxa uu intaas kusii daray “Silicii iyo duruufihii ay Farxiya ku dhimatay, mas’uuliyaddeeda waxaa Alle hortii iyo shacabka Soomaaliyeed kula xisaabtamaya madaxdii cunaqabataynta duulimaadyada kusoo rogay gobolka Gedo”. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeysiran:- Allaha u naxariisto Farxiya Xuseen. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa ehelkeeda, qaraabadeeda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, innagoo Ilaahay uga baryeyna inuu sabar iyo iimaan ka siiyo. Farxiya waxay ahayd hooyo Soomaaliyeed, kadib markii ay umushay waxay la kulantay xanuun iyo dhiigbax, waxna lagama qaban karin magaalada Baardheere. Dhakhaatiirta waxay ku taliyeen in loo qaado magaalada Muqdisho, hase yeeshee dhammaan garoomada gobolka Gedo way xiran yihiin, taasoo ay xirtay dowladda federaalka Soomaaliya. Farxiya waxay 14 maalmood oo silac ah kula jirtay xanuunkii magaalada Baardheere, ugu dambeyntiina way geeriyootay. Si aan arrintaan u xaqiijino, waxaan la xiriirnay maamulka degmada Baardheere. Silicii iyo duruufihii ay Farxiya ku dhimatay, mas’uuliyaddeeda waxaa Alle hortii iyo shacabka Soomaaliyeed kula xisaabtamaya madaxdii cunaqabataynta duulimaadyada kusoo rogay gobolka Gedo. Dowladda Jubbaland waxay aad uga xuntahay cunaqabataynta iyo xayiraadaha sharci-darrada ah ee saaran diyaaradaha ka degi lahaa gobolka Gedo iyo guud ahaan Jubbaland. W/Q: Wasiirka Warfaaftinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dawladda Jubaland. Cabdifatax Maxamed Mukhtaar. The post Jubaland oo war ka soo saartay hooyo ku geeriyootay GEDO kadib tallaabadii DF appeared first on Caasimada Online.
  15. Kismayo (HOL) – The Jubbaland regional parliament has approved a three-month extension for President Ahmed Mohamed Islam Madobe to form his new cabinet during the parliamentary session in Kismayo on Thursday. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, Saalax Axmed Jaamac ayaa laga soo saaray go’aanno dhowr ah oo la xiriira amniga. Kulanka golaha ayaa waxaa looga hadlay dardar-gelinta dagaalka Khawaarijta, oo haatan ka socda qeybo kamid ah dalka, iyadoo goluhu bogaadiyay guulaha ay soo hooyeen ciidanka qaranka iyo geesiyaasha deegaanka. Go’aannada culus ee ay soo saareen Golaha Wasiirrada ayaa ku wajahan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo inta badan ka ratibmi doonaan tallaabooyin sharci iyo ciqaabo kala duwan. Go’aannada uu goluhu soo saaray ayaa u dhigan sidan: 1- Golaha Wasiirradu waxa ay bogaadiyeen Ciidamada Qalabka Sida iyo geesiyaasha Ciidamada Madaniga ee dagaalka kula jira kooxaha Khawaarijta ah. 2- Sida sharciyadii iyo xeerarkii horay u marey Golaha Wasiirrada ku xusan, waxaa muwaadiniinta mar kale la xusuusinayaa inay mamnuuc tahay in si khaldan loo isticmaalo ama been abuur laga sameeyo, si toos ah amaba si dadban, iyada oo la isticmaalayo warbaahinta kala duwan oo baraha bulshada ay ka mid yihiin. Qofkii lagu helana waxaa lala tiigsan doona tallaabooyin sharciga waafaqsan oo ay ka mid yihiin in maxkamad la soo taago, ciqaab adag oo sharciga waafaqsanna la marin doono. 3- Waxaa taa la mid ah muwaadinkii u oggolaada gurigiisa, rugtiisa ganacsi iyo gaadiidkiisa in lagu fuliyo fal dembiyeed amniga wax u dhimaya, waxa ay ka dhigan tahay adigoo si buuxda uga qeyb qaatey falal argagixisanimo oo wax u dhimaya nabadgelyada Qaranka. Sida ku xusan xeerka ka hortagga iyo la dagaallanka argagixisada. Waxaa falalkan ka dhalan-doona ciqaab adag oo waafaqsan sharciga iyo xukunno adag oo la mid ah kuwa lagu qaado argagixisada, iyada oo tallaabooyinka ay laamaha amniga qaadi doonaan ay ka mid yihiin la wareegista iyo qarameynta hantida lagu geystay falalka argagixisanimo. 4- Sidan horeyba ugu digi jirnay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degaannada iyo tuulooyinka ay ka socdaan hawlgalada lagu sifeynayo argagixisada, waxaa mar kale DFS ay uga digeysaa shacabka inay ka fogaadaan kana taxaddaraan goobaha ay argagixisada Khawaarijta ku sugan yihiin, maadaama ay DFS go’aansatay in sare loo qaado hawlgallada cirka iyo dhulka ee ka dhan ah Khawaarijta banneysatey dhiigga shacabka. 5- Ugu dambeyn Amniga Garoonka, waxaa la go’aamiyay in aan wax hub iyo gaadiid dagaal lala geli karin xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Faah-faahinta sida qodobkan loo fulinayo waxaa dhowaan soo saari doona laamaha amniga. The post Golaha wasiirada oo soo saaray go’aanno adag oo shacabka saameynaya appeared first on Caasimada Online.
  17. Shirkii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu Khamiista maanta ah guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, Saalax Axmed Jaamac, ayaa looga hadlay dardargelinta dagaalka Argagixisada, bogaadinta guulaha ciidanka, iyaga oo soo saaray go’aanno dhowr ah oo la xiriira amniga. Go’aanno culus ee ay soo saareen Golaha Wasiirrada ayaa ku wajahan dhammaan Shacabka, kuwaas oo inta badan ka ratibmi doonaan tallaabooyin sharci iyo ciqaabo kala duwan, waxaana go’aannadaasi kala yihiiin sidan: Sida sharciyadii iyo xeerarkii horay u marey Golaha Wasiirrada ku xusan, waxaa muwaadiniinta mar kale la xusuusinayaa inay mamnuuc tahay in si khaldan loo isticmaalo ama been abuur laga sameeyo, si toos ah amaba si dadban , iyada oo la isticmaalayo warbaahinta kala duwan oo baraha bulshada ay ka mid yihiin, qofkii lagu helana lala tiigsan doono tallaabooyin sharciga waafaqsan oo ay ka mid yihiin in maxkamad la soo taago, ciqaab adag oo sharciga waafaqsanna la marin doono. Waxaa taa la mid ah muwaadinkii u oggolaada gurigiisa, rugtiisa ganacsi iyo gaadiidkiisa in lagu fuliyo fal dembiyeed amniga wax u dhimaya , waxa ay ka dhigan tahay adigoo si buuxda uga qeyb qaatey falal argagixisanimo oo wax u dhimaya nabadgelyada Qaranka, sida ku xusan xeerka ka hortagga iyo la dagaallanka argagixisada. Waxaa falalkan ka dhalan-doona ciqaab adag oo waafaqsan sharciga iyo xukunno adag oo la mid ah kuwa lagu qaado argagixisada. iyada oo tallaabooyinka ay laamaha amniga qaadi doonaan ay ka mid yihiin la wareegista iyo qarameynta hantida lagu geystay falalka argagixisonimo. Sidan horeyba ugu digi jirnay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degaannada iyo tuulooyinka ay ka socdaan hawlgalada lagu sifeynayo argagixisada, waxaa mar kale DFS ay uga digeysaa shacabka inay ka fogaadaan kana taxaddaraan goobaha ay argagixisada Khawaarijta ku sugan yihiin, maadaama ay DFS go’aansatay in sare loo qaado hawlgallada cirka iyo dhulka ee ka dhan ah Khawaarijta banneysatey dhiigga shacabka. Ugu dambeyn Amniga Garoonka- Waxaa la go’aamiyay in aan wax hub iyo gaadiid dagaal lala geli karin xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Faahfaahin sida qodobkan loo fulinayo waxaa dhowaan soo saari doona laamaha amniga. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo soo saaray go’aanno culus oo ku saabsan Sugidda Amniga appeared first on Puntland Post.
  18. Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta digniin culus ka soo saaray faafinta wararka khatar gelin kara amniga qaranka iyo baahinta wararka been abuurka ah. Golaha Wasiirada ayaa uga digay warbaahinta iyo bulshada Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan baahinta xogaha marin-habaabinta ah iyo kuwa wax u dhimaya amniga qaranka. Waxay xuseen in hay’adaha amniga ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu helo faafinta warar been abuur ah oo keeni kara qalqal amni. Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa amar ku bixiyey in xeendaabka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde aan lala geli karin wax hub ah ama gaadiid dagaal, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u soo saartay tallaabooyin ay ku xakameyneyso faafinta wararka marin-habaabinta ah, iyada oo xukuumaddu ay si gaar ah ugu digtay dadka baraha bulshada u adeegsada faafinta xogaha khaldan ee keeni kara cabsi-gelin iyo jahwareer bulsho. Source: goobjoog.com
  19. Mogadishu (HOL) – Somalia’s Council of Ministers has announced new security measures to intensify the fight against the militant group Al-Shabaab during its weekly meeting in Mogadishu on Thursday. Source: Hiiraan Online
  20. Minneapolis (Caasimada Online) – Haweeney Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay isku dayday inay laaluush siiso xeerbeegti intii lagu guda jiray maxkamadayntii ugu horreysay ee kiiska Feeding Our Future sanadkii hore, iyadoo sidatay boorso ay ku jiraan $120,000 oo lacag caddaan ah, ayaa sidoo kale gacanta ku haysay shirkad heshay ugu yaraan $1.6 milyan oo ka timid hay’ado kale oo ku lug lahaa khiyaanadaasi, sida lagu sheegay dukumeenti maxkamadeed oo Talaadadii la shaaciyey. Ladan Mohamed Ali, oo 31 jir ah kana soo jeeda Seattle, ayaa sannadkii 2018 ka hirgelisay St. Paul shirkad cunto-sameeye ah oo la yiraahdo Afro Produce, sida ku cad diiwaanka shirkadaha ee Xafiiska Xoghayaha Gobolka Minnesota. Sanadihii 2020 iyo 2021, Afro Produce waxa lagu xusay inay tahay shirkad cunto keenta oo la shaqaynaysa shirkado ay gacanta ku hayaan dad horay u qirtay dambiyo la xiriira khiyaanadii lagu lunsaday $250 milyan oo laga xaday barnaamijka nafaqaynta carruurta ee dowladda federaalka Mareykanka, sida ku cad gal-dacwadeedka iyo markhaatifurkii maxkamad ka socota bishan oo la xiriirta kiiska agaasimihii Feeding Our Future, Aimee Bock, iyo gacan-yarihiisii la tuhunsanaa, Salim Said. Bock ayaa lagu eedeeyay inay hoggaaminaysay qorshaha laaluushka iyo wax is-dabamarinta, mid ka mid ah khiyaamooyinkii ugu waaweynaa ee la xiriiray deeqaha la bixiyay xilligii COVID-19. Pauline Roase, oo ah xisaabiye la socodka dhaqaalaha oo ka tirsan FBI, ayaa Talaadadii ka marag furtay maxkamadda Bock iyo Said, iyadoo sheegtay in baaritaankeedii la xiriiray xisaabaadka bangiga ee Afro Produce aysan u suuragelin inay ogaato haddii wax cunto ah dhab ahaan la iibsaday iyo in kale, iyo haddii ay yihiin xisaab-xiryo la been abuuray. Warqad baaritaan oo Talaadadii la shaaciyey ayaa xustay in sarkaalka FBI Kevin Kane uu sheegay in tuhmanayaashu ay Afro Produce u adeegsadeen inay raadkooda qariyaan, iyagoo gudbinaya “qaansheegad been abuur ah” oo muujinaysa iibsashada cunto aan waligeed la keenin. Shirkaddan fadhigeedu wuxuu ahaa St. Paul, cinwaankeeduna wuxuu ahaa 2554 Como Av. Qaansheegado la mid ah kuwaasi ayaa la hor keenay maxkamadda Bock iyo Said, iyadoo wakiillada FBI ay soo bandhigeen dukumentiyo Afro Produce ay ku sheegtay inay siisay shirkado lagu eedeeyay inay khiyaaneeyeen barnaamijka cuntada oo malaayiin dollar lagu lunsaday. Warqadda baaritaanka ayaa muujisay in Ladan ay heshay “jeegag waaweyn” oo ka yimid Afro Produce intii u dhaxaysay 2021 iyo 2022. Dukumeentigu wuxuu xambaarsan yahay koobiyada saddex jeeg oo isku dar ahaan lagu siiyay $40,000, laguna qoray magaca Ladan. Qareenka Ladan, Eric Newmark, ayaa Talaadadii sheegay inuusan wali arkin warqadda baaritaanka, wuxuuna ka gaabsaday inuu faallo ka bixiyo. Ladan waxa kale oo ay xiriir la lahayd Gar Gaar Family Services, oo ah hay’ad samafal oo fadhigeedu yahay Minneapolis, taasoo ay Waaxda Waxbarashada Minnesota ka saartay barnaamijka cuntada dabayaaqadii 2021, kadib markii ay heshay in ka badan $21 milyan oo magdhow ah oo lagu sheegay in lagu quudiyey 7 milyan oo cunno ah. Sida ku cad warqadda baaritaanka, Ladan waxay Gar Gaar u xustay inay tahay shaqa-bixiyeheedii markii ay furtay xisaab bangi sanadkii 2021. Mulkiilayaasha Gar Gaar Family Services laguma soo oogin wax dacwad ah. Hay’addu waxay racfaan u gudbisay Maxkamadda Racfaanka Minnesota si ay u buriso go’aankii dowladda, balse maxkamaddu waxay xukuntay in gobolka uu u maray xeerarka federaalka. Gar Gaar waxa ay oggolaatay inay xirto howlaheeda sanadkii hore, kadib markii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Keith Ellison uu baaris ku sameeyay, taasoo lagu ogaaday inay jebisay sharciyada la xiriira hawlgalkeeda iyo dhaqdhaqaaqeeda maaliyadeed. Ladan waxay qiratay dambiga maxkamadeed xagaagii hore, iyadoo ogolaatay inay jeebkeeda ku shubatay $80,000 oo ay siisay difaacayaal maxkamadaysan si ay laaluush ugu siiso xeerbeegti. Falkaasi oo aad u dhif ah—oo ah isku daygii ugu horreeyay ee laaluush xeerbeegti ah Minnesota ka dhaca muddo ka badan 60 sano—waxay xeer-ilaaliyayaashu ku tilmaameen weerar ka dhan ah nidaamka cadaaladda. Arrintan ayaa keentay in garsooraha kiiska uu xeerbeegtida go’doomiyo si loo sugo badqabkooda, iyagoo xukminayay kiiska sannadkii hore. Tallaabooyin amni oo dheeraad ah ayaa lagu kordhiyay maxkamadda, si gaar ahna loogu dabaqay dacwadda socda ee bishan. Maxkamadda xigta ee Ladan waxay dhici doontaa Khamiista, waxaana lagu falanqayn doonaa haddii ay jebisay shuruudihii xabsiga lagaga sii daayay, kadib markii lagu xiray dambiga DWI bishii Febraayo. Sida lagu xusay dacwad ka furan Maxkamadda Degmada Hennepin, sarkaal ka tirsan State Patrol ayaa joojiyay Ladan kadib markii ay si kadis ah u jiirtay gaari kale, ka dibna goobta ka carartay. Baaritaanka neefta ee la qaaday ayaa muujiyay in heerka khamriga dhiigeedu ahaa 0.28%. The post Arrin yaab leh oo aan horey loo ogeyn oo ka soo korortay kiiska Ladan Mohamed Ali appeared first on Caasimada Online.
  21. Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta digniin culus ka soo saaray faafinta wararka khatar gelin kara amniga qaranka iyo baahinta wararka been abuurka ah. Golaha Wasiirada ayaa uga digay warbaahinta iyo bulshada Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan baahinta xogaha marin-habaabinta ah iyo kuwa wax u dhimaya amniga qaranka. Waxay xuseen in hay’adaha amniga ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu helo faafinta warar been abuur ah oo keeni kara qalqal amni. Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa amar ku bixiyey in xeendaabka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde aan lala geli karin wax hub ah ama gaadiid dagaal, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u soo saartay tallaabooyin ay ku xakameyneyso faafinta wararka marin-habaabinta ah, iyada oo xukuumaddu ay si gaar ah ugu digtay dadka baraha bulshada u adeegsada faafinta xogaha khaldan ee keeni kara cabsi-gelin iyo jahwareer bulsho. Source: goobjoog.com
  22. Gaza (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa Arbacadii xaqiijiyay wadahadallo toos ah oo aan horay loo arag oo ay la yeesheen Xamaas, iyagoo diiradda saaray arrinta la haystayaasha, xilli Israa’iil ay ku hanjabtay inay dib u billaabi doonto dagaalka ay ka waddo Gaza, inkastoo xabbad-joojin jilicsan ay jirto. Aqalka Cad ayaa sheegay in ergayga Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee arrimaha la haystayaasha, Adam Boehler, uu wadahadallo la yeeshay Xamaas, kuwaas oo diiradda lagu saarayay muwaadiniinta Mareykanka ee weli lagu haysto Gaza. “Israa’iil waa lagala tashaday arrintan,” ayay tiri Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, oo la hadashay wariyeyaasha. “Madaxweynaha wuxuu aaminsan yahay in la hadalka dadka caalamka si loo ilaaliyo danta Mareykanka ay tahay arrin sax ah,” ayay raacisay. Xamaas ayaa sidoo kale Arbacadii xaqiijisay in ay wadahadallo toos ah la yeesheen ergay Mareykan ah oo ku saabsanaa sii deynta la haystayaasha Gaza lagu haysto. “Dhowr xiriir ayaa dhexmaray Xamaas iyo wakiillo Mareykan ah, tii ugu dambeysayna waxay ahayd mid lala yeeshay ergay Mareykan ah, waxaana looga hadlay la haystayaal Israa’iiliyiin ah oo haysta dhalashada Mareykanka, kuwo nool iyo kuwo dhintay labadaba,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Xamaas oo codsaday in aan magaciisa la shaacin. Sarkaal kale oo sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in “laba kulan oo toos ah ay dhawaan ku dhexmareen masuuliyiin ka tirsan Xamaas iyo Mareykanka magaalada Dooxa.” Tan iyo markii Mareykanku mamnuuceen Xamaas sannadkii 1997 iyagoo u aqoonsaday urur argagixiso, ma aysan la yeelan xiriir toos ah. Hase yeeshee, Leavitt ayaa sheegtay in ergayga arrimaha la haystayaasha uu xilkiisa u ogolaanayo inuu la hadlo cid kasta. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa xaqiijiyay in Israa’iil lala tashaday, wuxuuna war-saxaafadeed ku sheegay in ay “soo jeediyeen aragtidooda” ku aaddan wadahadallada tooska ah. Wadahadalladan ayaa markii ugu horraysay waxaa laga soo xigtay warbaahinta Axios ee Mareykanka, kaas oo sheegay in Boehler uu Xamaas kula kulmay Qatar si uu uga wada hadlo muwaadiniinta Mareykanka ee la haysto, iyo sidoo kale xabad-joojin waqti dheer ah. Waxaa la rumeysan yahay in shan muwaadin oo Mareykan ah ay weli ku jiraan la haystayaasha la qafaashay intii lagu jiray weerarkii ballaarnaa ee Xamaas ku qaaday Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023. Afar ka mid ah ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen, halka kan kale, Edan Alexander, la rumeysan yahay inuu weli nool yahay. – Israa’iil oo hanjabtay – Wejigii koowaad ee xabbad-joojinta ayaa dhammaaday dhammaadkii toddobaadkii hore kadib lix toddobaad oo xasillooni ah, taasoo la isku badalaynayay la haystayaal Israa’iili ah iyo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku xirnaa xabsiyada Israa’iil. In kasta oo Israa’iil ay sheegtay inay rabto in wejigan koowaad la gaarsiiyo bartamaha April, Xamaas ayaa ku adkeysanaysa in loo gudbo wejiga labaad, kaasoo horseedi lahaa dhammaadka buuxa ee dagaalka. Hase yeeshee, Israa’iil ayaa ku dhawaaqday dhammaadka wejiga koowaad in ay joojisay dhammaan sahaydii iyo agabkii gali jiray Gaza, oo burbur xooggan uu soo gaaray kadib sannad iyo bar weerarro Israa’iil ka geysatay halkaas. “Xamaas dhab ahaantii waa la garaacay si xun, laakiin weli lama jabin. Howsha weli lama dhammayn,” ayuu yiri taliyaha cusub ee ciidamada Israa’iil, Eyal Zamir. Hadaladiisa ayaa u muuqday kuwo la mid ah digniintii Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ee ahayd “waxaad arki doontaan cawaaqib aan la qiyaasi karin” haddii Xamaas aysan sii dayn la haystayaasha. Dhammaan 251 qof ee la qafaashay intii lagu jiray weerarkii Xamaas, waxaa weli Gaza ku harsan 58, oo 34 ka mid ah ay Israa’iil xaqiijisay in ay dhinteen. Faransiiska, Britain iyo Jarmalka ayaa si wadajir ah Arbacadii u sheegay in xaaladda bini’aadannimo ee Gaza ay tahay “musiibo,” iyagoo ugu baaqay Israa’iil in ay fududeyso gargaarka bini’aadantinimo. Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay in xannibaadda Israa’iil ee gargaarka Gaza tan iyo dhammaadka toddobaadka ay la mid tahay in macaluul loo adeegsado hub dagaal. Weerarkii Xamaas ayaa sababay dhimashada 1,218 qof, intooda badan shacab, halka weerarka Israa’iil ay kusii dileen ugu yaraan 48,440 qof oo kale, iyaguna u badan dad rayid ah, sida ay xaqiijiyeen labada dhinac. – Shaki laga muujiyay qorshaha Carabta – Madaxweyne Trump ayaa ballanqaaday taageero ballaaran oo Israa’iil la siiyo, isagoo xitaa soo jeediyay in Gaza la qabsado lagana raro dadkeeda, taasoo si weyn looga cambaareeyay caalamka. Hoggaamiyeyaasha Carabta ayaa isku dayay inay taageero ay u helaan qorshe kale oo ay soo bandhigeen, kaasoo Gaza dib loogu dhisayo iyada oo loo marayo sanduuq dhaqaale. Qoraal qabyo ah oo AFP ay aragtay ayaa xusayay in qorshuhu yahay mid shan sano ah oo ku kacaya $53 bilyan, taasoo u dhiganta qiyaasta QM ee dib-u-dhiska Gaza, hase yeeshee tiradaas laguma sheegin bayaankii ugu dambeeyay ee shir-madaxeedka. Shirku wuxuu sidoo kale ku baaqay in wakiilnimada Falastiiniyiinta lagu mideeyo hoos tagga Ururka Xoreynta Falastiin (PLO), kaasoo ah kooxda siyaasadeed ee ugu weyn Maamulka Falastiiniyiinta, tallaabo keeni karta in Xamaas la dhaafiyo, maadaama aysan xubno ka ahayn ururkaas. Si kastaba ha ahaatee, suurtagalnimada ah in Maamulka Falastiiniyiinta uu Gaza dib u maamulo weli waa mid aan la hubin, maadaama Israa’iil ay gebi ahaanba diidday doorkooda mustaqbalka ee Gaza, oo Xamaas ay xukumaysay tan iyo 2007. Hugh Lovatt, oo ah falanqeeye ka tirsan Golaha Xiriirka Dibadda ee Yurub, ayaa sheegay in qorshahan cusub uu yahay “mid ka dhabta ah marka loo eego waxa ay Trump wadaan marka la eego hirgelintiisa.” Hase yeeshee, Ghassan Khatib, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo Falastiini ah iyo wasiir hore oo ka tirsan Maamulka Falastiiniyiinta, ayaa shakiga geliyay hirgelintiisa, isagoo tilmaamay caqabadaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee hortaagan. “Labada dhinac ee Gaza ka jira waa Israa’iil iyo Xamaas… labadoodana mowqifyadoodu ma waafaqsana qorshahan,” ayuu yiri. “Ma jirto fursad ay Israa’iil kaga tanaasulayso qorshaha Trump oo ay ku aqbalayso midka Carabta. Taasi suurtagal ma aha.” The post Mareykanka oo wada-hadal sir ah la billaabay ururka Xamaas – Maxaa isbedelay? appeared first on Caasimada Online.
  23. Balcad (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay qaaday tallaabo culus oo ku aadan xaaladda degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii todobaadkii hore ay gudaha u galeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ugu horreeyaan saraakiisha laamaha amniga ayaa xalay tegay degmada Balcad, iyaga oo halkaas ka sameeyay kormeer ballaaran. Xubnaha booqday Balcad waxaa kamid ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi, Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir Cabdifitaax Shaaweeye, saraakiil ka tirsan Boolis Milataaro iyo mas’uuliyiin kale. Xubnahan ka socda dowladda federaalka ayaa kormeer kadib la kulmay maamulka degmada Balcad iyo qaybaha bulshada, iyaga oo kala hadleen xaaladda degmadaasi. Guddoomiye Yabooh oo warbaahinta hadal kooban ayaa sheegay in ujeedkooda uu ahaa kormeer ku saabsan amniga, wuxuuna tilmaamay in xaaladda Balcad ay dagan tahay, isla markaana ay kamid a meelaha laga ilaaliyo caasimada dalka ee Muqdisho. Yabooh ayaa sidoo kale ka digay in bulshada la marin habaabiyo, iyada oo looga faa’iideysanyo dano gaar ah oo siyaasadeed,. “Dadka isku dayaya in ay bulshada marin habaabiyaan, haka digtoonaadaaan, amniga Muqdisho iyo degmooyinka Afgooye iyo Balcad waa isku xiran yahay” ayuu yiri Yabooh. Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Balcad Qaasim Cali Nuur oo soo dhaweeyay mas’uuliyiinta tegtay Balcad ayaa sheegay in amniga degmada uu wanaagsan yahay, isla markaana ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan argagixisada. “Al-Shabaab ma qabsan karto magaalada Balcad, waana amni, wararka been abuurka ah dadka faafinaya ha joojiyaan, waxaan wadnaa howlgallo iyo Roondo joogto ah oo lagu xaqiijinayo Amniga guud” ayuu yiri guddoomiye Qaasim Cali Nuur. Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo todobaadyadii u dambeeyay ay kooxda Al-Shabaab culeys soo saartay gobolka Shabeelaha Dhexe, iyada oo isku deyday inay qabsato deegaanno horay looga saaray waxaase ka hortegay ciidamada isbaheysanaya. The post DF oo tallaabo culus qaaday kadib weerarkii Shabaab ee Balcad + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  24. Mogadishu (HOL) – The federal government deployed additional troops to the Adan Laxey area in the Middle Shabelle region on Thursday as part of ongoing military operations against the extremist group Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  25. The United States broke a longstanding diplomatic taboo by holding secret talks with Hamas on securing the release of U.S. hostages held in Gaza, sources told Reuters on Wednesday, while President Donald Trump warned of "hell to pay" should the Palestinian militant group not comply. Source: Hiiraan Online