-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) — Uganda's Defense Minister, Hon. Jacob Marksons Oboth, warned Friday that Somalia's security is rapidly unravelling after Al-Shabaab militants launched a major assault on a Somali military base in the Middle Shabelle region, urging immediate reinforcement of African Union forces. Source: Hiiraan Online
-
Nin u dhashay dalka Morocco oo lagu magacaabo Khalid Abu Ciza ayaa la soo xiriiray Ciidanka Booliska Puntland, isagoo raadinaya wiilkiisa oo la waayey kadib safar uu ugu baxay dalka Itoobiya. Sida uu sheegay Aabbaha, wiilkiisu wuxuu si lama filaan ah uga baxay dalka Morocco isagoo aan waalidkiis ogeysiis siin, wuxuuna ugu dambeyntii la hadlay isagoo ku sugan dalka Itoobiya 13-kii Sebtember 2024, waxaa sidaasi shaaciyay Taliska ciidanka Booliska Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray. “Muuqaal uu wiilku u soo diray waalidkiis xilligaas ayaa muujinaya in uu ku sugnaa meel u muuqata hotel, hase yeeshee xaaladda ka dambeysa safarkiisa iyo wixii dhacay tan iyo intii uu ka tagay Itoobiya weli lama caddeyn” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Booliska Puntland oo xiganaya muuqaal uu soo duubay Khalid Abu Ciza. Aabbaha wiilka, Khalid Abu Ciza, ayaa u sheegay Booliska in wiilkiisu uu u sheegay in uu ka baxay Morocco 28-dii Luulyo 2024 isagoo aan waalidkiis oggolaansho ka heysan, isla markaana uu ku biiray kooxda argagixisada ee Daacish oo ka dagaalamaysa Buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari. Waxaa sidoo kale laga qaaday dhammaan dukumiintiyadii uu watay. “Ciidanka Booliska Puntland waxay baaritaan rasmi ah ku wadaan arrintan, waxayna bulshada ka codsanayaan in ay gacan ka geystaan helitaanka xog kasta oo horseedi karta in la helo halka uu wiilkaasi ku sugan yahay” ayuu sii raaciyay warsaxaafadeedka Booliska Puntland. PUNTLAND POST The post Nin u dhashay dalka Morocco oo Puntland ka codsaday in la raadiyaan wiilkiisi oo ku biiray Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Masar iyo Jabuuti ayaa ku heshiiyey in “maamulka iyo amniga” badda cas iyo gacanka cadmeed ay “mas’uuliyad ka saaran tahay” dalalka xuduudka la leh biyahaas, sida uu yiri madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi. Arbacadii ayuu Madaxweynaha Masar Al-Sisi u dhoofay dalka Jabuuti, halkaasoo uu booqasho hal maalin ah ku tegey. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay ka wadahadleen arrimaha gobolka. Waxaa kaloo khudbadda lagu soo qaaday arrimaha Soomaaliya iyo Suudaan. Sida uu sheegay madaxweyne Geelle, arrin kale oo gobolka ah oo ay labada hoggaamiye ka wadahadleen ayaa ah badda cas iyo gacanka cadmeed. Labada dal ayaa sidoo kale ka wada hadlay marinka Bab el-Mandeb ee isku xira badda cas iyo gacanka cadmeed, sida uu sheegay madaxweynaha Jabuuti. Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in “ganacsi badeed oo xor ah” uu ka jiro marinka muhiimka ah ee ganacsiga caalamiga ah ee Badda Cas, waxayna isku raaceen in la xoojiyo iskaashiga iyo “xaqiijinta xasiloonida” badda. Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa sheegay in uu Madaxweynaha Jabuuti la yeeshay wadahadallo ballaaran oo ay kaga wadahadleen xaaladda Koonfur Afrika iyo gobolka Badda Cas, labada dal ayaa sidoo kale ka wada hadlay caqabadaha caadiga ah ee ka jira Badda Cas. Madaxweyne Al-Sisi ayaa khudbadiisa ku yiri “waxaan dib u xaqiijinay diidmadayada aan leexleexadka lahayn ee ka soo horjeeda wax kasta oo khatar ku ah ammaanka iyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa ee marinnada muhiimka ah ee ganacsiga caalamiga ah”. Waxa uu intaa ku daray inay sidoo kale isku raaceen “muhiimadda ay leedahay ilaalinta mabaadii’da amniga deegaanka”. Al Sisi ayaa sheegay in arrin kale oo uu sheegay in uu la gaaray madaxweynaha Jabuuti ay quseysay maamulka badda cas iyo gacanka cadmeed. Labada hoggaamiye waxay ku dhawaaqeen inay “ku heshiiyeen in maamulka iyo amniga” marinnada ganacsiga badaha caalamiga ah ee muhiimka ah” uu yahay mas’uuliyadda keliya ee dalalka deriska ah”. Xigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Markab ganacsi oo maraya kanaalka Suweys ee badda cas Ma aha markii ugu horeysay oo Masar ay sheegto in maamulka badda cas uu yahay mid ay mas’uul ka yihiin oo kaliya dalalka xuduudka la leh biyaha. Mawqifka Masar ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu dhowr jeer ku celceliyay muhiimadda ay badda cas u leedahay ammaanka, isagoo sheegay in arrintan ay tahay “arrin badbaado iyo badbaado la’aan u ah Itoobiya. Masar, oo sanado badan ka ashtakooneysay biyo xireenka weyn ee Itoobiya oo gabagabo ku dhow, ayaa iskaashi la lahayd wadamada gobolka oo ka soo horjeeda rabitaanka Itoobiya ee ah inay hesho marin badeed ku xira badda. Markii uu Ra’iisal Wasaare Abiy ku dhawaaqay in Itoobiya ay doonayso in ay deked ku yeelato Badda Cas, waxa uu yiri, “Badda Cas iyo Niilku waa khayraadka dabiiciga ah ee qeexaya Itoobiya”. Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badri Abdellati ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in badda cas loo baahan yahay in ay adeegsadaan dalalka deriska ah oo kaliya, isla markaana aysan jirin cid kale oo soo geli karta badda cas. Xiisadda badda cas ee soo jiidatay indhaha dalalka kulaala baddaas ayaa soo jiitamaysay tan iyo markii ay Itoobiya heshiiska isfaham la gashay Somaliland, kaasoo dhigayey in buqcad 20 KM ah ay Itoobiya ka hesho xeebaha badda cas ee Somaliland arrintaasoo muran xoog leh dhalisay Bbcsomali Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uu uga qaybgalayo shirka dalalka xubnaha ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM. Shirkan ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo maanta, iyadoo lagu gorfeyn doono horumarka iyo qorsheyaasha mustaqbalka ee hawlgalka AUSSOM oo ah mid muhiim u ah xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu socdo shirka la wadaagi doona madaxda kale ee ka qaybgaleysa guulaha ay Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed iskaashiga uga gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Madaxweynaha ayaa sidoo kale diiradda saari doona sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo taageerada dalalka deriska ah iyo kuwa Midowga Afrika si Soomaaliya looga ciribtiro khatarta argagixisada una suurtagasho nabad waarta iyo horumar. Shirka Kampala ayaa muhiimad weyn u leh wadamada ka qayb qaadanaya hawlgalka AUSSOM, waxaana lagu falanqeyn doonaa xoojinta wadajirka, taageerada amniga iyo qorshaha kala guurka ee ay Soomaaliya ku wajahdo mas’uuliyadda buuxda ee sugidda amnigeeda. Source: goobjoog.com
-
Khudbadii madaxweynaha Somaliland ee wax qabadka xukuumadda
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/04/AQNE8ovyd7ezJ1rSJXw2H3u6iQ6zXm6C9vyg3FquqX7AbUZiXyzJ2rt2Dq4No6ndpwcUkhtDEJ-7cVFJHm4k6Iu1.mp4 Qaran News -
Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ka hadlaya shirka Kampala ee dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, ayaa si cad u sheegay ineysan wax dhaqaalo ah u hayn ciidanka midowga Afrika ee ATMIS. Dowladda Somaliya ayaa waqti iyo xoogba ku bixisay sidii mushaar loogu heli lahaa ciidanka nabad ilaalinta u jooga Somaliya, balse Mareykanka oo ah qaadhaan-bixiya ugu badan ayaa si cad u diiday inuu wax dhaqaale ah bixiyo. Qaran News
-
War uu Guddiga Kheyraadka Dabiiciga iyo Bii’ada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka soo saaray heshiiska shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa lagu yiri ” Guddiga Kheyraadka Dabiiciga iyo Bii’ada Golaha Shacabku wuxuu u caddaynayaa shacabka Soomaaliyeed in heshiiska shidaalka ee la sheegay in ay wada galeen Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga in aanu wax ka ogayn. Haddii uu jiro heshiiskan wuxuu si cad u baalmarsan yahay shuruucda dalka, waxayna khiyaano ku tahay kalsoonida ummadda iyo xilka qaran ee ay hay’adaha Xukuumaddu u hayaan shacabka Soomaaliyeed, maadaama heshiisyada is-afgaradka ah ee u dhexeeya laba dal ay waajib tahay in loosoo gudbiyo Baarlamaanka JFS. Guddigu markuu falanqeeyay nuqulka heshiiskan, ayna la tashadeen khubaro madax-bannaan oo aqoon u leh arrimaha shidaalka iyo qandaraasyada la xiriira, wuxuu ogaaday in heshiisku si toos ah uga hor imanayo qodobo muhiim ah oo ka mid ah Sharciga Batroolka. Guddigu wuxuu la wadaagayaa dareenka ay dadweynaha ka muujiyeen sida Heshiiskan uusan uga turjumeyn danaha jiilkan iyo jiilka mustaqbalka ee ku saabsan ka faa ideysiga kheyraadka shidaalka dalka. Ugudambayn, Guddiga Kheyraadka isaga oo gudanaya waajibaakiisa dastuuriga ah wuxuu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu yeeri doonaa Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya si ay fasiraad uga bixiyaa heshiiskan”. Source: goobjoog.com
-
London (Caasimada Online) – Dokumentiyo cusub oo laga helay Ingiriiska ayaa daaha ka qaaday in Sheikh Zayed Bin Sultan Al Nahyan, aasaasaha iyo madaxweynihii hore ee Isutagga Imaaraadka Carabta, uu rumeysnaa in Mareykanku ka tegi doono xulafadiisa Carbeed haddii ay la kulmaan kacdoon shacab. Sheikh Zayed iyo adeerkiis, Taliyaha Guud ee ciidanka, Sheikh Surour, ayaa walaacan la wadaagay xildhibaan Ingiriis ah oo lagu magacaabo Julian Amery, ku dhawaad 40 sano kahor. Sida ku cad diiwaannada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha UK oo ay heshay warbaahinta Middle East Monitor (MEMO) intii ay baareysay Kaydka Qaranka, labada hoggaamiye waxay shaki gelinayeen in Mareykanku dhab ahaantii garab istaago xulafadiisa. Bishii May 1986-kii, Sheikh Zayed — oo loo aqoonsaday “ninka xikmadda badan ee Carabta” sababo la xiriira aragtidiisa fog iyo garaadkiisa siyaasadeed — ayaa ku casuumay Julian Amery magaalada Abu Dhabi. Amery, oo ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka ah kana soo noqday Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda (1972–1974), waxa uu xiriir dhow la lahaa gobolka Bariga Dhexe. Aabbihii, Leo Amery, oo isna ahaa xildhibaan, waxa uu ahaa difaace weyn oo gumeysigii Ingiriiska ah. Sidoo kale, Julian Amery waxa uu si adag uga soo horjeeday burburka gumeysiga Ingiriiska, wuxuuna ka tirsanaa kooxda backbench-ka ee Suez Group. Kulankan waxa uu dhacay xilli uu Imaaraadka booqanayay Richard Murphy, kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka u qaabilsanaa Bariga Dhexe iyo Koonfurta Aasiya. Intii lagu guda jiray kulankaas, Sheikh Zayed iyo Sheikh Surour waxay si cad u muujiyeen shakigooda ku saabsan diyaar u ahaanshaha Mareykanka ee difaaca waddamada Khaliijka. Waxay si adag u dhaliileen maamulka madaxweyne Ronald Reagan oo ay ku eedeeyeen “inuu ku guul-darreystay” inuu Congress-ka ka helo oggolaansho ku saabsan “iibinta hubka ee waddamada Carbeed ee saaxiibka la ah Mareykanka.” Sida ay muujinayaan qoraallada Amery, labada hoggaamiye waxa ay guul-darrooyinkaas u arkayeen “tilmaam tabar-darro ah.” Xilligaas, gobolka Khaliijka waxa uu la daalaa dhacayay cabsi ka dhalatay faafitaanka dagaalkii Iran iyo Ciraaq ee bilowday 1980-kii. Waddamada Khaliijka badankood waxay taageereen Ciraaq, iyaga oo ka baqayay in colaaddaasi ku faafto guud ahaan gobolka. Sheikh Zayed iyo Sheikh Surour waxay is weydiiyeen: “Haddii dagaalka Iran iyo Ciraaq uu dhab ahaantii ku faafo Khaliijka, ma tallaabo ayey qaadi doonaan maamulka Mareykanka si ay u difaacaan waddamada Khaliijka, sida ay ballan-qaadeen, mise Congress-ka iyo ra’yiga dadweynaha Mareykanka ayaa ka hor istaagi doona?” Amery waxa uu sheegay in hadallada labada Sheikh ay caddeyn u ahaayeen “in hoos u dhaca kalsoonida lagu qabo Mareykanka” uu ahaa “tilmaanta ugu weyn ee xilligaas ka jirtay Imaaraadka.” Waxa uu intaas ku daray in kalsooni-darradu aysan si gaar ah ugu xirnayn taageerada Mareykanka ee Israa’iil, balse ay ka dhalatay dareen ah in maamulka Mareykanku uusan awood u lahayn in uu ka dhabeeyo siyaasadaha uu qaatay. Sheikh Zayed iyo Sheikh Surour waxa ay muujinayeen “xanuun xooggan” oo ka dhashay “aragti ah in Mareykanku aanu weligiis garab istaagin saaxiibadiisa,” sida uu qoray Amery. Si ay u muujiyaan doodooda, waxa ay tusaale u soo qaateen dhacdooyin taariikhi ah, sida ka bixitaankii Mareykanka ee taageeradii Shaah-ii Iran, Jean-Claude Duvalier ee Haiti, iyo Ferdinand Marcos ee Filibiin. Labada hoggaamiye waxay xuseen in Washington ay ogolaatay in Mohammad Reza Pahlavi, Shaah-ii Iran, laga tuuro xukunka intii lagu jiray kacdoonkii 1979, inkasta oo uu ahaa xulafo dhow oo Mareykanku lahaa. Sidoo kale, Jean-Claude Duvalier oo muddo dheer ka talinayay Haiti isla markaana ahaa saaxiib Mareykan ah oo ka soo horjeeday shuuciyadda, ayaa xukunka laga tuuray horraantii 1986 kadib mudaharaadyo shacab oo ballaaran. Dhanka kale, Ferdinand Marcos oo ahaa kaligii taliye ka talinayay Filibiin iyo xulafo muhiim u ahaa Mareykanka gobolka Aasiya, ayaa xukunka laga tuuray intii lagu jiray kacdoon shacab oo nabadeed bishii Febraayo 1986. Sheikh Zayed iyo Sheikh Surour waxay ku doodeen in inkasta oo hoggaamiyeyaashaasi, gaar ahaan Duvalier iyo Marcos, lagu eedeeyay maamul xumo, haddana ay muddo dheer ahaayeen xulafada dhow ee Mareykanka, isla markaana Washington ay si buuxda ula socotay falalkooda. Sidaas darteed, sumcadooda xumayd ma ahayn sabab Mareykanka ugu dhiirran waayay inuu si sharaf leh ula dhaqmo. Waxay si toos ah u weydiiyeen: “Haddii saaxiibada Mareykanka sidaas loola dhaqmo, maxay faa’iido u leedahay in la noqdo saaxiibkooda?” Amery, oo qoraal u diray ra’iisul wasaaraha Ingiriiska iyo wasiirka arrimaha dibadda, waxa uu bixiyay falanqeyn ku saabsan maskaxda hoggaamiyeyaasha Imaaraadka. Waxa uu sheegay: “Arrintani waxay muujinaysaa sifo aad ugu badan hoggaamiyeyaasha Bariga Dhexe oo muhiimad weyn siiya xiriirrada shakhsi ahaaneed, isla markaana ka tixgeliya xiriirradaas mid aad uga sarreeya sida aan ugu aragno Reer Galbeed ahaan.” Amery waxa uu tusaale u soo qaatay bixitaankii Ingiriiska ee gumeysiga Yemen (Aden) 1967. Kadib bixitaankaas, Boqortooyada Sacuudiga ayaa martigelisay hoggaamiyeyaashii hore ee Aden, taas oo uu Amery u arkay tallaabo muujinaysa daacadnimo ay si weyn u qiimeeyaan hoggaamiyeyaasha Bariga Dhexe. “Martiqaadkii Sacuudigu siiyay hoggaamiyeyaashii Aden ee aanu dayacnay waa tusaale cad,” ayuu qoray. Sidoo kale, waxa uu xusay kiiskii Idi Amin, hoggaamiyihii kaligii taliye ka ahaa Uganda, kaas oo xukunka laga tuuray 1979 kadibna magan gelyo ka helay Liibiya iyo Sacuudiga, inkasta oo lagu eedeeyay xadgudubyo ba’an oo xuquuqda aadanaha ah, oo ay ka mid yihiin dilal iyo jirdil ballaaran. Amin waxa uu ku noolaa qaxooti ahaan illaa uu geeriyooday 2003. Ra’iisul Wasaarihii Ingiriiska Margaret Thatcher ayaa warbixintii Amery ku tilmaantay “mid xiiso leh oo xog badan bixisay.”
-
Beijing (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa booqasho rasmi ah oo shan maalmood qaadatay ku jooga dalka Shiinaha waxa uuna halkaas kula saxiixday heshiis istiraatiijiyadeed oo qiimihiisu gaarayo $1 bilyan. Heshiiskan ayaa ah mid lagu xoojinayo xiriirka labada dal iyadoo xoogga la saarayo mashaariic horumarineed oo dhaxalgal ah. Waxaa si gaar ah loo eegi doonaa horumarinta warshadaha, kor u qaadidda wax-soosaarka beeraha, iyo kobcinta dalxiiska. Heshiiskan ayaa si rasmi ah loo shaaciyay Arbacadii, waxaana uu si gaar ah u taageerayaa Barnaamijka Isbeddelka Dhaqaale ee Kenya ee loo yaqaan “Bottom-Up Economic Transformation Agenda (BETA)”. Barnaamijkan ayaa ah mid madaxweyne Ruto ku doonayo in uu dhaqaale ballaaran ku dhiso lagana faa’iideeyo ilaha gudaha ee dalka Kenya, iyadoo loo marayo iskaashi caalami ah oo la taaban karo. Madaxweyne Ruto, oo khudbad ka jeediyay magaalada Beijing, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal ka dhexeeya. Wuxuu xusay in mashaariic badan oo uu Shiinuhu maalgeliyay ay wax weyn ka beddeleen dhaqaalaha Kenya. Tusaale ahaan, wuxuu si gaar ah u tilmaamay tareenka xawaaraha dheereeya (SGR), dekedda Lamu, iyo wadada casriga ah ee Nairobi Expressway. Sida uu Ruto sheegay, Kenya waxay kamid tahay Barnaamijka Belt and Road Initiative (BRI) ee ay Shiinuhu hoggaamiso, waxaana la dareemayaa miro-dhalka barnaamijkaas. Isku xirka laga gaaray gobolka Geeska Afrika, sida tareenka ka socda Mombasa ilaa Naivasha iyo xarunta shidaalka ee Mombasa, ayaa ka mid ah guulaha la taaban karo ee laga gaaray iskaashigaas. Maxaa lagu heshiiyay? Waxaa lagu heshiiyay in in ka badan $950 milyan oo kamid ah lacagta la saxiixay lagu maalgeliyo dhinacyada muhiimka ah ee mudnaanta u leh Kenya. Warshadaha ayaa helaya $320 milyan, taas oo lagu dhisi doono xarumo wax-soo-saar iyo kobcin farsamo. Dhanka beeraha waxaa la gelinayaa $430 milyan si loo kordhiyo wax-soosaarka iyo badbaadinta cunnada. Halka dalxiisku helayo $230 milyan oo loogu talagalay in lagu kobciyo adeegyada dalxiiska iyo soo jiidashada Kenya. Booqashada Madaxweyne Ruto ayaa ah tiisii saddexaad ee uu ku tago Shiinaha tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, taasoo muujinaysa sida uu uga go’an yahay in uu sii xoojiyo xiriirka Nairobi iyo Beijing. Booqashadan ayaa kusoo beegantay xilli isbeddello waaweyn ay ka socdaan is xulufeysiga dhaqaale iyo siyaasadeed ee caalamka, taasoo ay Kenya dooneyso in aysan ka hariin. Ruto waxa uu caddeeyay in Kenya diyaar u tahay in ay ka faa’iideysato saaxiibtinimada ay la leedahay Shiinaha si loo dardargeliyo qorsheyaasha horumarka. Wuxuu sheegay in saaxiibtinimadan aysan aheyn mid cusub balse ay tahay mid soo jireen ah oo u baahan kobcin dheeraad ah si ay u gaarto yoolalka cusub ee Kenya hiigsanayso. Mashaariicda cusub ee la maalgelinayo ayaa lagu wadaa in ay si toos ah uga qeyb qaataan shaqo abuurka, gaar ahaan dhalinyarada, iyada oo sidoo kale la filayo in ay kor u qaadaan dakhliga dalka. Sidaas darteed, heshiisyadan waxay u muuqdaan kuwo si toos ah u saameyn doona nolosha muwaadiniinta caadiga ah. Dowladda Kenya ayaa sidoo kale diiradda saaraysa in maalgashiyadan ay noqdaan kuwo waara, iyadoo laga fogaanayo deyn xad-dhaaf ah. Tani waxay muujinaysaa taxaddarka dowladda ee ku aaddan in is-dhexgalka caalamiga ah uu noqdo mid dheellitiran, horumarka ka dhashaana uu ahaado mid bulsho ahaan loo wada dareemo. Si kastaba, booqashada Ruto ee Shiinaha iyo heshiiska la gaaray ayaa muujinaysa sida dowlad goboleedyo Afrika ku yaalla ay uga faa’iideysan karaan iskaashiyo dhaqaale oo miisaan leh si ay u gaaraan horumar waara, loogana dhabeeyo himilooyinka horumarineed ee qaran.
-
Maydh, Qaran news)- Ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ee aaga bariga ayaa maanta gacanta ku soo dhigay doonyo si sharci daro ah uga kaluumaysnaayay xeebaha bariga Somaliland. Doonyahan oo ka koobnaa 3 doonyood waxa saarnaa dad lagu qiyaasay ku dhawaad 40 qof waxana ay baryahanba aagaasi ka guranayeen Aargoostada iyo kaluunka noocyadiisa kala gadisan. Ilaa hada ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland kamayhadal dhacdadani Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa bogaadiyay guusha ay geesiyaasha xoogga iyo dadka deegaanka ka gaareenka dagaalka Shariif ayaa muujiyay sida ay muhiim u tahay in dagaalka kooxaha argagixisada looga hortago midnimo iyo wadajir, isahoo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay garab-istaag buuxa u muujiyaan geesiyaasha xoogga iyo deefegaanka ee iska diiday gabood-fallada kooxahaan caadeystay daadinta dhiiga shacabka. “Waxaan halkaan farriin boggaadin ah uga dirayaa geesiyaasha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xoogaga difaaca shacabka oo saakay si geesinimo ah leh uga jawaabay,” ayuu Shariif ku yiri qoraal uu maanta soo saaray. Hoos ka aqrisi qoraalka oo dhameystiran: Waxaan halkaan farriin boggaadin ah uga dirayaa geesiyaasha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xoogaga difaaca shacabka oo saakay si geesinimo ah leh uga jawaabay, kagana hortagay duullaanka nafle-caariga ahaa ee kooxda argagixisada Al-Shabaab ay ku qaaday deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellada Dhexe. Waxaan sidoo kale naxariista Ebbe u rajaynayaa halyeeyada ku shahiiday dagaalka xaqa ah ee ka socda qaybo badan oo dalka ka mid ah, anigoo u duceynaya kuwa ku dhaawacmay iyagoo u dagaalamaya sharafta, karaamada iyo difaac dalkooda. Argagixisadu, waxay khatar ku tahay jiritaanka dowladnimada, horrumarka iyo xasilloonida guud ahaan ummada Soomaaliyeed. Waxaa dhammaanteen waajib nagu ah in looga hortago midnimo iyo wadajir islamarkaana garab-istaag loo muujiyo Ciidanka Qaranka iyo xoogaga difaaca shacabka ee iska diiday gabood-fallada kooxahaan caadeystay daadinta dhiiga shacabka.
-
Somalia Expels Top AU Official Over Al-Shabaab Remarks, Deepening Its Rift with International Partners. The Somali government has declared the deputy head of the African Union stabilization mission in Somalia persona non grata following remarks he made regarding the April 9 Al-Shabaab offensive, which reportedly angered Muqdishu administration. This latest expulsion adds to a troubling pattern in which Mogadishu has repeatedly resorted to the diplomatic tool of declaring foreign officials unwelcome—a trend that risks damaging Somalia’s international standing. Somalia has previously expelled Nicholas Haysom, the former head of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM), in 2019, after he questioned the legality of arrests surrounding a regional election. A senior officer at the Ethiopian Embassy in Mogadishu was also expelled in 2024 amid tensions over Ethiopia’s relations with Somaliland. In another incident, the Danish ambassador to Somalia was threatened with being declared persona non grata simply for praising Somaliland’s peaceful and democratic elections—comments that apparently clashed with the Muqdishu administration’s political sensitivities. Somalian regime’s overuse of persona non grata declarations has alarmed diplomats and observers alike, signaling an increasingly hostile posture toward international partners. Such repeated diplomatic ejections not only undermine Somalia’s credibility on the international stage but also risk isolating the country at a time when regional cooperation and international support are more critical than ever. Inside Africa Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka, Maxamed Baari Shire, ayaa shir-Guddoomiyey Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee (Hillaac) oo wejigii saddexaad marayo meel gebogebo ah. Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka, ayaa Madaxweynuhu warbixin uga dhegaystay masuuliyiinta, wuxuuna boggaadiyay shaqada la qabtay iyo qorsheyaasha lagu dhameystirayo hawlgalka. Go’aamada kasoo baxay Shirka : 1. Waxaa la faray Laamaha Amniga in tallaabo adag laga qaado Hubka sharci darada ah, Gaadiidka lagu keeno iyo cidkastoo ku lug leh. 2. Waxaa markale lagu celiyay mamnuucida Ajaanibta Sharci darada kusoo gelaysa Puntland iyo qulqulka tahriibta, masuuliyiinta heer degmo, Gobol iyo saraakiisha Amniga waxaa la farayaa in ay ka hawlgalaan qululka tahriibta . 3. Illaa Amar danbe waxaa Gaadiidka Badda (Saxiimadaha/ Doonyo) ee rakaabka iyo xamuulka laga mamnuucay xeebaha deegaannada hawlgalku ka socdo, wixii xaalad gaar ah waxay ku safrayaan ogolaansho. 4. Waxaa la joojiyay in wax Raashin iyo sahay ah oo aan ogolaansho haysan, ama la aqoon meesha ay u socoto, u gudbaan deegaannada hawlgalku ka socdo. Kulanka waxaa lagu boggaadiyay shacabweynaha Puntland, dalka iyo dibaddaba sida ay garab istaaga ugu muujiyeen Ciidankeenna geesiyaasha ah ee hawlgalka kujira, waxaana lagu booriyey in ay halkaasi kasii wadaan garab istaaga Hawlgalka. PUNTLAND POST The post Puntland oo go’aano culus ka soo saartay dardar gelinta dagaalka argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda maamulka Jubbaland ayaa maanta si adag u cambaareeyay tallaabooyin ay ku tilmaameen kuwo halis ku ah nabadda iyo xasiloonida gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Beled-Xaawo. War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen ayay ku sheegeen in Dowladda Federaalka ay si bareer ah u hurinayso xiisado siyaasadeed iyo amni oo halis gelinaya deegaanka. Sida ay xildhibaanadu sheegeen, Dowladda Federaalka ayaa si toos ah u adeegsanaysa awood ciidan si ay uga hortagto maamulka Jubbaland iyo nidaamka dowladnimo ee deegaankaas ka hana qaaday. Waxay arrintan ku tilmaameen duullaan lagu hayo shacabka Jubbaland, taas oo ujeedadeedu tahay burburinta nidaamka maamul ee deegaannadooda. Fara-gelinta ciidanka iyo dastuur jabinta Xildhibaanadan oo tiradoodu dhan tahay 32, waxay sheegeen in dowladda dhexe ay ku kacday falal ay ku tilmaameen ciqaab wadareed, oo ay ka mid yihiin siyaasadeynta deeqaha caalamiga ah, iyo xadgudubyo baal marsan Dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka. Waxay carrabka ku dhufteen in faragelin joogto ah lagu hayo maamulka Jubbaland, taas oo ay ugu wacan tahay hanjabaado iyo amarro aan sharciyad lahayn oo ka imaanaya madaxda sare ee dowladda. War-saxaafadeedka waxaa lagu xusay in falalka noocan ah ay si toos ah u dhaawacayaan nidaamka federaalka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Xildhibaanadu waxay hoosta ka xariiqeen in Dowladda Federaalka looga baahan yahay in ay joojiso faragelinta militariga, kana fogaato ficillo keeni kara kala fogaansho iyo xasarado cusub. Sidoo kale, xildhibaanadu waxay ka digeen in la diro guddiyo aan dastuur waafaqsanayn oo loo soo diro gobolka Gedo. Waxay sheegeen in guddiyadaasi ay horseedi karaan qalalaase cusub oo dhaawici kara nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada. Xasuusina ayay u jeediyeen dowladda in ay qaadan doonto mas’uuliyadda wixii ka dhasha tallaabooyinka aan laga fiirsan. Xildhibaanada ayaa fariin gaar ah u diray shacabka Jubbaland, iyagoo ugu baaqay in ay garab istaagaan maamulka Jubbaland, iskuna duubnaadaan si loo sugo amniga loona ciribtiro khatarta Alshabaab. Waxay sheegeen in xasiloonida deegaanka ay tahay mas’uuliyad wadaag ah oo ay tahay in dadku kaalin muuqata ka qaataan. Ugu dambeyn, xildhibaanadu waxay ugu baaqeen Beesha Caalamka in ay si dhow ula socoto dhaqanka madaxda Dowladda Federaalka ee ku aaddan Jubbaland. Waxay sheegeen in la joogo xilligii beesha caalamka ay si cad u muujin lahayd mowqifka ay ka taagan tahay xadgudubyada Dastuurka iyo hurinta colaadaha cusub ee dalka ku sii baahaya.
-
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, ayaa Shir-Guddoomiyey Shir lagu dardargelinayay dhameystirka hawlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ee wejigii saddexaad maraya. Dhammaadkii shirka waxaa laga soo saaray qodobadan: 1. Waxaa la faray Laamaha Amniga in tallaabo adag laga qaado Hubka sharci darada ah, Gaadiidka lagu keeno iyo cidkastoo ku lug leh. 2. Waxaa markale lagu celiyay mamnuucida Ajaanibta Sharci darada kusoo gelaysa Puntland iyo qulqulka tahriibta, masuuliyiinta heer degmo, Gobol iyo saraakiisha Amniga waxaa la farayaa in ay ka hawlgalaan qululka tahriibta. 3. Illaa Amar danbe waxaa Gaadiidka Badda (Saxiimadaha/ Doonyo) ee rakaabka iyo xamuulka laga mamnuucay xeebaha deegaannada hawigalku ka socdo, wixii xaalad gaar ah waxay ku safrayaan ogolaansho. 4.Waxaa la joojiyay in wax Raashin iyo sahay ah oo aan ogolaansho haysan, ama la aqoon meesha ay u socoto, u gudbaan deegaannada hawlgalku ka socdo. Kulanka waxaa lagu boggaadiyay shacabweynaha Puntland, dalka iyo dibaddaba sida ay garab istaaga ugu muujiyeen Ciidankeenna geesiyaasha ah ee hawlgalka kujira, waxaana lagu booriyey in ay halkaasi kasii wadaan garab istaaga Hawlgalka. Source: goobjoog.com
-
Xiisadda y dhexeysa dalalka Hindiya iyo Pakistan ayaa cirka isku sii shareeraysa ka dib markii Xukuumadda New Delhi ay Islamabad ku eedeysay dad lagu diley gobolka lagu muransanyahay ee kashmir. Xukuumadda Hindiya ayaa dalkeeda ka ceyrisay dublumaasiyiin uu kamid yahay u qaabilsanihii arrimaha difaaca ee safaaradda Pakistan, taas oo xaaladda uga sii dartay. Dhankeeda Pakistan waxay hakisay ganacsigii kala dhexeeyay Hindiya oo ay ku jiraan badeecadaha ka imanayo waddan kasta oo saddexaad oo soo mara dhulkeeda. Pakistan waxay sidoo kale ku dhawaaqday in la taliyayaasha difaaca Hindiya ee safaaradda Islamabad uu si degdeg ah uga baxo dalkeeda, ayadoo diiday ku dhawaaqista Hindiya ee hakinta heshiiska biyaha ee Indus. Labadan dal oo haysta hubka Nuclear-ka ayaa horay dhawr mar u dagaalamay, lamana ogga halka ay ku dambeyn doonto xiisadda haatan soo cusboonaatay. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo haatan sii kordhisay dhaq-dhaqaaqeeda ayaa la timid qorsheyaal cusub oo ku aadan dagaalka adag ee ay kula jirto Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo sii xoogeysanayay maalmihii lasoo dhaafay. Al-Shabaab ayaa hadda la timid xeelad cusub oo ku aadan dagaalkeeda, waxayna culeys soo saartay inta badan goobihii laga sheegay Shidaalka, sida uu shaaciyay Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Macallimuu oo la hadlay Telefishinka Universal ayaa sheegay in kooxda ay mar walba diiradda saarto meelaha laga sheego horumarka, wuxuuna tusaale usoo qaatay goobihii laga sheegay Shidaalka oo uu tilmaamay in culeyskeeda ugu xoogan isugu keentay. “Meelaha ay mar walba Al-Shabaab aadaan waxaa kamid ah goobaha la yiraahdo shidaal ayaa laga qodayaa horumar ayaa la sameynayaa, dhaq-dhaqaaqooda aad ayuu u badan yahay, wuxuuna ku badan yahay meelahaas la tuhmayo in shaqooyinka laga qabanayo” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka qayb-galay dood uu qabtay Universal Tv. Xildhibaanka ayaa xusay in nimankan ay ku dhex jiraan shisheeye, isla markaana looga faa’iideysanayo dagaalka ay ka wadaan gudaha dalka, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan leeyahay nimankan waa lagu dhex jiraa waa la wataa siyaasadda Soomaaliya, ayayna qayb ka yihiin Ajnabi ayaana ku dhex jiro, sideedaba mabda’ ay wataan ayaa waxa uu yahay ajende shisheeye” ayuu mar kale yiri Xildhibaanka. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Wax dan ah oo ay Soomaali ka leeyihiin ma jirto, mana rabaan horumar iyo wanaag”. Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo hadalkiisa sii wata ayaa carrabka ku dhuftay dowladda looga guuleystay dhanka dacaayadda ee dagaalka, isaga oo sheegay in Al-Shabaab ay ku daydeen ururo kale oo caalami ah oo dhiggooda ah. “Dacaayadda annaga waa nalooga badiyay, sababtoo ah nimankan style ayay sameeyeen meelo aduunyada kamid ah ayay koobiyeyeen” ayuu yiri Macallimuu. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Al-Shabaab ay xoogooda isugu gaysay gobolka Shabeellaha Dhexe oo kamid ah goobaha laga sheegay Shidaalka, isla markaana uu ku wajahan qorshaha dowladda ee ku aadan sahminta iyo qodistiisa.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay guulaha ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanka oo toddobaadkan guulo taariikhi ah ka soo hooyay furimaha dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada. Shirka Golaha oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Xamza Cabdi Barre ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga, guulaha laga gaaray furimaha dagaalka. Sidoo kale, waxa golaha lagu soo bandhigay warbixinta hawsha iyo dadaalka ay waddaan guddiga taakuleynta dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah. Dhinaca kale, Golaha ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka wax ka beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda oo qeexaya dib-u habeynta nidaamka shaqo iyo ilaalinta xuquuqda Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda. Sharcigan ayaa la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP 2025-2029), sida ay sheegtay xukuumadda federaalka Soomaaliya. Si kastaba, dagaalka kooxaha argagixisada ayaa maraya marxalad xasaasi ah, iyadoo kooxdu ay xoojisay dhaq-dhaqaaqyada ku dooneysay inay dib ula wareegto deegaanadii hore looga xoreeyay, kuwaas oo haatan ku sugan yihiin ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaankam
-
Guddoomiyaha degmada Laasqoroy ee gobolka Sanaag u qaabilsan Puntland cabdikariin Yuusuf Dibbad ayaa sheegay in mileeshiyaad ka tirsan Somaliland ay laba doomood oo kalluumeysi ka afduubteen xeebta Laasqoroy, kaddib markii ay dhinaca badda ka soo weerareen degaankaasi. Guddoomiye Cabdikariin Dibbad oo wareysu bixiyay ayaa sheegay in mileeshiyaad ku abtirsada Somaliland oo aroornimadii hore ee saaka dhinaca biyaha Caalamiga ah ka soo weeraray xeebtay degmada Laasqoroy ee gobolka Sanaag, ay halkaasi ka afduubteen laba doomood oo kalluumeysi, kuwaasi oo ay lee yihiin ganacsatada degaanka. “Subaxnimadii hore ee saaka abbaare 6:20am ayaa waxa degmada Laasqoroy dhinaca biyaha Caalamiga ah ee badda ka soo weeraray mileeshiyaad ku abtirsada Somaliland, waxaana mileeshiyaadkaasi si gaadmo ah u soo galeen biyaha degmada Laasqoroy, waxaana ay halkaasi ku afduubteen laba doomood oo ay lee yihiin ganacsatada degmada Laasqoroy” ayuu yiri Cabdikariin Yuusuf Dibbad. Guddoomiye Dibbad ayaa sidoo kale intaasi raaciyay in labada doomood ku tilmaamay kuwa sharciyaysan oo ka diiwaangashan Puntland, islamarkaana ay lee yihiin ganacsato u dhashay Puntland, waxaana uu beeniyay wararka ku saabsan in ay hub sharci-darro ah sideen. PUNTLAND POST The post Puntland oo ka hadashay laba doomood oo Somaliland ku af-duubtay xeebta Laasqoroy appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU, Somalia – Oil and gas exploration holds great promise for Somalia’s economic future. But turning underground resources into national wealth has never been as simple as drilling wells. For a country still recovering from decades of conflict and rebuilding its institutions, the critical question has never been whether Somalia has oil — the real question is how to unlock these resources safely, responsibly, and without putting the nation’s finances at risk. The recent agreement between Somalia and Turkey has sparked heated debate, much of it focused on the widely misquoted “90%” figure. However, to truly understand the agreement, one must step back and consider the global history of oil contracts, the financial reality of exploration, and why production-sharing agreements with cost recovery are the global standard for countries at Somalia’s stage of development. The cost of oil exploration: Why going solo was never an option Oil exploration—especially offshore—is one of the most expensive and risky undertakings in the world. Before oil can be produced, a company must spend heavily on seismic surveys, drilling rigs, offshore platforms, pipelines, and safety systems. Drilling a single offshore well can easily exceed $100 million, and there is no guarantee of success. For Somalia, attempting to fund and operate this exploration alone would require borrowing vast sums of money or diverting critical funds from healthcare, education, and security. Even worse, if the exploration were to fail, Somalia could be left with nothing but debt. With these realities, Somalia’s government opted for a more strategic approach: attracting international investment through a Production Sharing Agreement (PSA) with a cost recovery mechanism — a model successfully used by dozens of countries worldwide. What is cost recovery — and why is it standard practice? Production Sharing Agreements are designed for countries with natural resources but lack the capital and technical capacity to explore and develop them independently. Under a PSA: The contractor (the investor) pays for all the upfront exploration, drilling, and production costs. If oil is discovered, the contractor first recovers its investment from a portion of the oil produced — this is known as cost recovery. After the investment has been recovered, the remaining production — profit petroleum — is shared between the government and the contractor, according to a profit-sharing formula set in the agreement. Throughout the process, the ownership of the oil remains fully with the host country. In the Somalia-Turkey agreement, the contractor may recover up to 90% of annual production as cost recovery — but this is limited to the period required to repay the approved investment costs. Somalia still receives up to 5% royalty from the first barrel produced, regardless of cost recovery. After cost recovery is completed, the profits are shared between the two parties, though the exact profit-sharing percentages are determined in the PSA annexes. This structure ensures that Somalia benefits from its resources without taking on the financial risks of exploration. Global context: Somalia follows a path many have taken Somalia is not the first country to start its energy sector through cost recovery agreements — and it will not be the last. Many nations that are now major oil producers began with similar or even less favorable terms. Over time, as their capacity, experience, and bargaining power grew, they renegotiated stronger deals. A few well-known examples include: Saudi Arabia: In the early years, American companies (Aramco) controlled 100% of Saudi oil production, with the Saudis receiving only minimal royalties. It was not until 1950 that Saudi Arabia negotiated a 50/50 profit-sharing agreement. Full nationalization came much later, in 1980. Iraq: British and American oil companies dominated Iraq’s oil sector until the government nationalized the industry in 1972. Iran: The Anglo-Iranian Oil Company (now BP) controlled Iran’s oil for decades. Nationalization was first attempted in 1951, followed by years of renegotiation. Venezuela: After many years of foreign control, Venezuela achieved a 50/50 profit-sharing arrangement in 1948 and later fully nationalized its oil sector in 1976. Ghana, Uganda, and Mozambique: These more recent producers have used PSAs with cost recovery similar to Somalia’s agreement, gradually improving national participation and negotiating better terms as their industries mature. These examples show that early-stage agreements with cost recovery are not a sign of weakness — they are the global norm for emerging producers. The 90% myth: Separating headlines from reality Much of the controversy surrounding Somalia’s deal has centered on the claim that “Turkey will take 90% of Somalia’s oil.” This statement is not only inaccurate — it misrepresents the very nature of cost recovery agreements. The truth is: The 90% figure applies only to cost recovery — the portion of oil used to repay the investor’s upfront spending on exploration and production. This cost recovery share is temporary and disappears once the investment is repaid. Somalia earns royalties of up to 5% from the start, plus its share of profits after cost recovery ends. At no point has Somalia lost ownership of its oil. This arrangement allows Somalia to begin earning from its resources immediately without the burden of debt or financial exposure. Learning, building capacity, and negotiating better deals over time No country begins its oil journey with perfect bargaining power. But countries that succeed — like Norway, Ghana, and Saudi Arabia — did so by: Learning how the industry operates Building local expertise and national institutions Using early contracts as stepping stones toward stronger future agreements Somalia’s leadership has chosen a similar path: secure investment today, gain experience, and strengthen its position for the future. The agreement with Turkey is not the end of Somalia’s energy strategy — it is the beginning of it. Conclusion: A strategic first step toward energy independence The Somalia-Turkey oil agreement represents a pragmatic, globally recognized approach to developing natural resources in the safest way possible for an emerging producer. By sharing risk with an investor, Somalia: Maintains full ownership of its oil Avoids debt and financial uncertainty Earns revenue from royalties immediately Shares in profits once costs are recovered Builds the knowledge and leverage to negotiate better deals in the future This is not a story about giving away resources. It is a story about managing them wisely—with strategy, not slogans.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale guul wayn kasoo hoysay Qaaradda Afrika, kadib dadaallo dheeraad ah oo ay sameysay, waxaana maanta ay la wareegtay hogaanka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa la wareegay hogaanka Madashan oo ah mid muhiim ah, kadib qabsoomidda shirka 24-aad ee madasha oo ay ku midaysan yihiin Wasiirada Maaliyadda dhowr dal oo ku yaalla Geeska Afrika. Wasiirada ku mideysan Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika ayaa kala ah Somalia, Jabuuti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Sudan iyo South Sudan. Inta badan waxaa madasha diiradda lagu saaraa wadaaga mashaariicda horumarineed, waana madal loogu talagalay in ay isku xirto dalalka dhaca geeska qaaradda Afrika, doorkaas oo hadda hoggaamintiisa ay majaraha u qaban doonto dowladda federaalka. Waxyaabaha illaa iyo hadda la hirgalinayo waxaa ugu muhiimsan waddooyinka isku xiraya dalalka geeska, si ganacsiga iyo dhaqaalaha uu u noqdo mid sahal meel walba ku gaaro. Wasiir Biixi Imaan Cige oo qoraal kooban soo saaray kadib la wareegidda guddoonkq madasha ayaa ka hadlay waxa ay Soomaaliya uga dhigantay hoggaaminta Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika. Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya ay door firfircoon ay ku lahayd aas aaskii madashaan, haddana ay hoggaamin doonto labada sano ee soo socota. “Sharaf ayey inoo tahay in aan xilka guddoomiyaha Iskaashiga Dalal Geeska Afrika kala wareego wasiir Axmed Shide. Soomaaliya waxa ay xubin muhiim ah ka aheyd aas-aaskii madashan, hadana waxa ay sidoo kale hoggaamin doontaa 2-da sano ee soo socota, Is dhexgalka gobolka iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa ah mudnaan muhim u ah himiladeena” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiir biixi Imaan Cige. Waxaa kale oo uu sii raaciyay Inta lagu guda jiro 2 sano ee soo socota, waxa aan ku dadaali doonaa si kor loogu qaado ganacsiga, maalgalinta kaabayaasha guud ahaan Geeska Afrika”. Si kastaba ha’ahaatee, Hindisaha Iskaashiga Geeska Afrika waa barnaamij goboleed lagu horumarinayo isdhexgalka ganacsiga, dhaqaalaha, iyo maalgelinta kaabayaasha dhaqalaaha. Soomaaliya oo kamid ah aasaasayaasha ururkani waxa ay xubin muuqdo ka tahay madashani lagu maalgalinayo dalalka geeska Afrika. Soomaaliya ayaa horay guullo waa wayn uga soo hoysay Afrika iyo Caalamka, waxaana kamid ah ku biiristii Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee (EAC) iyo ku guuleysiga xubinimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
-
Cadale (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guul wayn ka sheegatay dagaal culus oo ay saaka Al-Shabaab kula gashay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay halkaas weerareen maleeshiyaadka Khawaarijta. Weerarka oo ku bilowday qaraxyo, isla markaana uu xigay dagaal toos ah ayaa waxaa jab culus lagu gaarsiiyay xubnihii weerarka soo qaaday, ka gadaal markii ay jilibka u dhigeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka. Abaanduulaha Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor Maxamed Ibraahim Intarfeer oo dagaalka wax ka hoggaaminayay ayaa muuqaal kasoo duubay jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan isaga oo taagan aargada Wargaadhi, wuxuuna sheegay inay cashir u dhigeen Al-Shabaabkii soo weeraray deegaankaasi, ayna dib uga celiyeen deegaanka. “Saaka waxaan joognaa halka lagu magacaabo Wargaadhi waad arkeysaan aargada, kooxdaha Khawaarijta ayaa waxa ay soo weerareen deegaanka, balse ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka way iska caabiyeen” ayuu yiri Abaanduuluhu. Sidoo kale wuxuu beeniyay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay qabsadeen magaalada, isaga oo meesha ka saaray warar been abuur ah oo goor sii horreysay la faafiyay. “Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa beenta iyo borobagaanka lagu hayo halaga dhaafo Al-Shabaab meeshaan way soo weerareen, laakiin wax guul ah oo ay ka qaadeen ma jirto, iyaga oo indho xun ayay meesha isaga tageen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Dhanka kale, qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab badan lagu laayay Wargaadhi, isla markaana ay hadda socoto qiimeyn guud, “Qiimeynta khasaaraha gaaray Khawaarijta oo meydadkooda ay dhooban yihiin goobihii lagu dagaalamay ayey ku howlan yihiin Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Wargaadhi, waxaana bulshada la wadaagi doonaa xogta khasaaraha rasmiga ah ee saakay la gaarsiiyey cadowga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda. Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana si buuxda Wargaadhi oo ah taliska labaada ee ugu wayn ee Shabeellaha Dhexe, kadib qabsashadii Aadan Yabaal gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa xaq-u-dirirka ee dadka deegaanka. Al-Shabaab ayaa horay u qabsatay Aadayaan Yabaal, waxayna weli isku sii fidineysaa qaybo kale oo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda. Si kastaba, Labada Shabeelle ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
-
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saaka jab xooggan u geystay kooxda Shabaab kadib markii ay si geesinimo leh uga hortageen weerar ay kooxdaasi ku soo qaadday deegaanka Wargaadhi . Ciidanku waxay muujiyeen feejignaan sare iyo karti dagaal, iyagoo si degdeg ah u fashiliyey weerarkii kooxda. Dagaal culus kadib, waxaa kooxda laga saaray deegaanka, iyadoo laga dilay xubno badan oo ka tirsanaa, halka kuwo kalena ay dhaawacmeen. Intaas kadib, waxaa la fuliyey duqeyn cirka ah oo ay fuliyeen diyaarado dagaal, kuwaas oo si toos ah u beegsaday fariisimo muhiim ah oo kooxda Shabaab ku lahayd nawaaxiga Wargaadhi. Duqeyntaasi waxay sababtay burbur baaxad leh iyo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray kooxda. Waxaa sidoo kale la duqeeyay xubno ka mid ah Kooxda oo dib u laabtay markii lagu jabiyay dagaalkii Saaka. kuwaasoo laga gubay gaadiidkii ay wateen. Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa sheegay in guushan ay markhaati u tahay awoodda iyo heegan joogtada ah ee ciidanka Qaranka. Wuxuu sidoo kale bogaadiyey sida ay uga go’an tahay ciidanka in ay ka hortagaan weerarada noocaan oo kale ah. “Ciidankeennu waxay mar kale muujiyeen geesinimo, firfircooni iyo u heellan inay difaacaan shacabka Soomaaliyeed. Guusha laga gaaray weerarkii Wargaadhi waa mid kamid ah tallaabooyinka xoreynta dalka,” ayuu yiri Wasiir Fartaag. Wasiirku wuxuu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, ayna sii xoojiyaan taageerada ay u hayaan ciidanka Qaranka si dalka looga ciribtiro kooxda Shabaab. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hadda magaalada ka wadda Howlgallo Nadiifin ah. Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ayaa si weyn uga horyimid qorshe culus oo ay damacsan tahay Dowladda Federaalka, kaas oo la xiriira arrimaha bani’aadanimada. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Puntland oo iyadu faafisay bayaanka ayaa walaac xoogan ka muujisay in adeegyada dowladda dhexe, gaar ahaan howlaha gargaarka lagu xiro qaadashada kaarka ay bixiso Hay’adda Qaran ee NIRA. Puntland ayaa sheegtay inay la socoto kulan dhex-maray madaxda NIRA iyo Hay’adda SoDMA, kaas oo lagu soo bandhigay soo jeedin ah in la mideeyo diiwangelinta dadka barakacayaasha ah (IDPs), isla markaana gargaarka bani’aadanimo lagu xiro nidaamyo diiwaangelin oo heer Federaal ah. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in soo jeedintan ay ka hor imaaneyso awoodaha sharci ee Dowlad Goboleedyada Dalka, waxayna Puntland ku dooday inay xaq u leedahay diiwaangelinta iyo maareynta dadka ku nool gudaha deegaannadeeda. “Soo jeedi-mahani waxay si toos ah uga hor imaanayaan awoodaha dastuuriga ah ee Dowlad Goboleedyada xubnaha ka aha Federaalka (FMS), kuwaas oo si cad mas’uul uga ah diiwaangelinta iyo maareynta dadka ku sugan dhulkooda” ayaa lagu yiri qoraalka. Wasaaradda Gargaarka Puntland ayaa sidoo kale ku eedeysay dowladda dhexe inay siyaasadeyneyso gargaarka bani’aadanimada, ayna aad uga xun tahay. “Dowladda Puntland waxa ay si cad u diideysaa isku day kasta oo lagu siyaasadeynayo gargaarka bani’aadanimo iyo isku-dabaridka kaalmada” ayaa mar kale lagu yiri warka. Hadalkan kasoo yeeray Puntland ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu faray hay’adaha dowladda in aysan adeeg gaarsiin cid aan qaadan aqoonsiga ay bixiso Hay’adda NIRA oo ay horay u diiday xukuumadda Puntland. Labada dhinac oo siyaasad ahaan si weyn iskuugu hayaya ayaa haddane mar kale isku qabtay arrimaha bani’aadanimada, taas oo uga sii dareysa xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Garoowe. Dhowaan dowladda dhexe ayaa Madaxweyne Saciid Deni ku eedeysay in uu ku kacay xadgudub wayn oo ka dhan ah dowladnimada Somaliy, kadib markii uu ku dhowaaqay dhismaha hay’adda aqoonsiga Puntland ee (PID), oo uu ka garab dhisay hay’adda NIRA.