-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidamada difaaca Puntland oo maanta hawlgal amni ka sameeyay degaanka Cascasey ee gobolka Bari ayaa halkaasi ku dilay xubno kamid ah firxadka Argagixisada ISIS ee baxsadka ah, sida uu shaaciyay Taliska Ciidamada difaaca Puntland. Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada u qaabilsan Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamadu hawlgalkaasi ku dileen xubno kamid ah firxadkii Argagixisada oo dhammaantood ajaanib ah, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayay degaanka Cascasey ee waqooyiga Dhaban-qooxley ee gobolka Bari. “Ciidanku waxay maanta hawlgal ku dileen xubno ka mid ah firxadka Argagixisada Ajaanibta ah ee Daacish, oo ku dhuumalaysnayey deegaanka Cascasey, Waqooyiga Dhaban-qooxle” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada u qaabilsan Taliska Ciidamada difaaca Puntland. Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale baahiyay sawirro iyo muuqaallo ay ka duubeen meydadka ajaanibtii firxadka ahayd ee lagu dilay Cascasey, balse ciidamadu faahfaahin kama bixin khasaaraha dhankooda ka soo gaaray hawlgalkaasi. PUNTLAND POST The post Ciidamada difaaca Puntland oo maanta hawlgal ku dilay xubno kamid ah Firxadkii Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howl-gallo dhacay saacadihii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab looga dilay horjoogaal iyo Dagaal-yahaanno badan. Howl-galladan oo dhacay xalay iyo saaka ayaa marar kala duwan lagu beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayaa waxaa kooxda looga dilay ku dhowaad 50 xubnood kooxda, sida ay sheegtay dowladda. “Ciidanka qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa deegaanka Biya-Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ka fuliyay howlgal duqeyn ah oo lagu dilay 44 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleyshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Howl-galladan ayaa waxaaa sidoo kale lagu burburiyay ilaa saddex gaadiid oo ahaa nooca dagaalka oo ay wateen kooxda Al-Shabaab. “Ciidanka qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka iyo geesiyaasha deegaanka ayaa sii wada howlgalka lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha Khawaarijta ah,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda. Ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoojiyay howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyagoo kooxda ka xoreeyay deegaano muhiim ah. Sidoo kale waxaa howl-galladan barbar socda duqeymo cirka ah oo ay fulinayaan saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, oo gacan ka helaya hay’adda nabad-sugidda qaranka ee NISA. The post Xogta duqeyn culus oo lala beegsaday Al-Shabaab iyo horjoogayaal sare oo la… appeared first on Caasimada Online.
-
AQPNIu6x4ktYpNhWCFCkGhvWViV3Syf-eez5GzHr1lQ-Tr5ZaFjoPMN3gYqnk4w44hnfQ8_lIV9n9cQ7u3FLs7MU Qaran News
-
LONDON —Shirweyne deg deg ah oo ay Yurub uga hadleyso xasaradaha ka taagan Ukraine iyo xal u helidda dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu ka furmo magaalada London. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgali doona madaxda dalalka Faransiiska, Jarmalka, Denmark, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Poland, Spain, Turkey, Finland, Sweden, Jeekiya iyo Romania, iyo sidoo kale xoghayaha guud ee Gaashaanbuurta NATO iyo madaxda Guddiga iyo Golaha Yurub. Madaxweynaha Ukrain Volodymyr Zelenskyy ayaa shalay oo Sabti aheyd gaaray London, kaddib maalin adag oo uu ku soo qaatay Washington Jimcihii, halkaas oo uu kula soo kulmay madaxweyne Trump. Zelenskyy iyo Trump ayaa ka soo hormuuqday shaashadaha caalamka iyaga oo is weydaarsanaya hadallo adag oo ku tacalluqay soo afjaridda dagaalka Ukraine iyo qaabka loo mari karo heshiis xabbad joojin ah, iyo waliba saxiixa heshiis dhanka macdanta ah oo la rabay in Mareykanka iyo Ukraine kala saxiixdaan. Shir weynahan oo uu soo qaban qaabiyay ra’iisulwasaaraha Britain Keir Starmer, ayay Yurub xoogga ku saari doontaa qaabka ugu wanaagsan oo loo soo dhameyn karo dagaalka Ukrain iyo sida ay isu difaaci karto Yurub, iyadoo aanan kaalmo weydiisan Mareykanka. Turkiga ayaa la filayaa in uu soo bandhigo qorshe uu ku heshiisiinayo Ukraine iyo Ruushka. Horay ayay Ankara ugu yaboohday fidinta gogol nabadeed oo ay ku heshiisiineyso dalalkaasi deriska ah. Qaran News
-
Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgallo saacadihii la soo dhaafay ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Mareykanka oo iskaashanayaahi ka fuliyeen deegaanno ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle. Warka ay soo saartay dowladdu ayaa lagu yiri “ Howlgallo wada jir ah oo ay ka qeyb qaadanayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa waxaa lagu guuleystay in duqeyn istaraatiiji ah oo dhanka cirka ah laga fuliyay agagaarka deegaanka Ceelbaraf, oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Qiimaynta horudhaca ah ee hawlgalkan ayaa muujinaya natiijooyin wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin in lagu burburiyay gaadiid badan oo ay daabulaayeen maleeshiyada Al-Shabaab iyo soo qabashada walxaha qarxa oo la doonayay in mustaqbalka lagu weeraro. Muhiimad ahaan, ma jiro wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah oo la xiriira howlgalkan. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo si dhow ula shaqeeya Mareykanka AFRICOM, ayaa si firfircoon uga qeyb qaata howlgallada iyo duqeymaha cirka ah ee lagu doonayo in lagu burburiyo awoodda Al-Shabaab. Qorshayaashan ayaa muhiim u ah horumarinta amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyo ka ilaalinta guud ahaan bulshada caalamka khataraha uga imaanaya ururkan argagixisada ah”. Source: goobjoog.com
-
Beeraleyda deegaanno ka tirsan gobolka Awdal ayaa khasaara xoog leh uu kasoo gaaray dab gubay guryo ay ku noolaayeen iyo dalagyadii ay ku tabceen beerahooda. Dadkaasi oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dabkaasi oo aan la garaneyn cidda hursay uu muddo todobaad ah guryahooda gubaaye, khasaare badanna geystay . Haashim Shekh Cumar oo la kulmay dadka dhibku soo gaaray ayaa warbixintan ku eegaya. 2663b4ad-c7d9-48c7-061b-08dd4a817621_32k Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa qaylo dhaan ka muujiyay xaaladda dalka, gaar ahaan tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaaday dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh. Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si weyn u cambaareeyay xarigga loo gaystay Wariye Cali Aadan Muumin oo xalay xabsiga la dhigay iyo sidoo kale is hortaaggii lagu sameeyay xildhibaannada Jubbaland ee laga celiyay Kismaayo. Siyaasigan oo si weyn weerar ugu qaaday Xasan Sheekh ayaa sheegay in tallaabooyinka uu qaaday ay muujinayaan taag-yaradiisa, maadaama uu dhammaanayo muddo xileedkiisa, waa sida uu hadalka u dhigay. Warsame ayaa su’uaal ka keenay waxa loo cuksaday xarigga Wariye Cali Aadan Muumin, wuxuuna yiri “Bal eeg sababta loo cuskaday xarigga wariyaha “Qalqalgelin amni iyo aflagaaddo madax”. Waxaa kale oo uu ku eedeeyay dowladda federaalka iyo madaxweyne Xasan jebinta shuruucda dalka oo uu ugu horreeyo dastuurka iyo burburinta hantida guud ee qaranka. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:- Waxaan canbaaraynaa xarigga wariye Cali Aadan Muumin, waana in degdeg loo sii daayo, xoriyaddiisana loo soo celiyo. Xarigga Cali, Xildhibaannadii safarka laga xayiray, iyo kulamada siyaasadeed ee la hor istaagay waa ififaalo muujinaya taagyarida rajiimka muddo xileedkiisu dhammaanayo. Waxay kaloo caddayn u tahay in xeeladdii xil iyo xoolo ku aamusinta ee caadada u ahayd rajiimka ay shaqayn la’dahay. Bal eeg sababta loo cuskaday xarigga wariyaha “Qalqalgelin amni iyo aflagaaddo madax” Madax dastuurkii dalka beddeshay, sharcina uusan xakamaynin, awoddii dowladeed iyo hantidii qaranka ku takrifalaysa ayaa ku leh ciddii wax naga sheegta waa danbiile. Dhurwaa baa laga sheegay gano Doofaar baa ii sahansan, innaguna waxaan leenahay Tiiro-dhigga rajiimka inoo sahansan. The post CC SHAKUUR oo qeyliyey, weerarna ku qaaday Xasan kadib arrin soo korortay appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — In the past year, nearly 600 improvised explosive device (IED) attacks have killed or injured more than 1,400 people in Somalia, underscoring the scale of the threat that continues to destabilize the country. With Al-Shabaab using roadside bombs as a primary weapon of war, Somalia’s roads remain treacherous, security forces are stretched thin, and civilians live in constant fear. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay awood buuxda u leedahay goobaha ay ka howlgalayaan ciidamada howlgalka cusub ee AUSSOM, islamarkaana dhowaan ay go’aan ka gaari doonto arrintaas. Wasiir dowlaha arrimaha dibedda xukuumaddan Federaalka Soomaaliya Cali Balcad oo wareysi siiyay TV-ga Dowladda ayaa sheegay in Wasaaradda gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka xoogga dalku ay go’aanka kama dambaysta ah ka gaari doonaan meelaha la dejinayo Ciidanka cusub ee AUSSOM oo lix dal ka kala socda. Ciidanka Midowga Afrika oo dhowr iyo toban sano ka howlgalayay Koonfur iyo bartamaha Soomaaliya ayaan la ogeyn sida ay ugu hoggaansami doonaan go’aamada Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, maadaama inta badan xoogaggaasi ay ku shaqeeyaan siyaasadda dalalkooda. Source: goobjoog.com
-
TORONTO, Canada (HOL) — After decades of advocacy and political hurdles, the Somali community in Toronto is one step closer to realizing a long-standing dream. The federal government has committed $20 million to construct the Somali Centre for Culture and Recreation (SCCR) in the city’s Rexdale neighbourhood, marking a significant milestone for Black and Muslim communities in Canada’s largest metropolis. Source: Hiiraan Online
-
Dr. Guleed Saalax Barre oo xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland ayaa sheegay in Argagixisada ISL ay aad u xoogaysatay lixdii sanno ee uu xilka hayay Madaxweyne Siciid Deni, kaddib markii Xukuumaddiisu dayacday Amnigii Puntland. “Waxaa muuqata dayac masuuliyadeed oo aad u wayn oo ay tahay in la iswaydiiyo lagana xisaabtamo. 6 da sano ee Madaxweyne Deni xilka hayay waa waqtigii ay si mug leh u saldhigteen cadawga ISIS fursad wayn oo sidaas ay iskugu diyaariyaana ay heleen” ayuu yiri Guleed. Dr. Guleed Saalax Barre oo si adag ugu dhaliilay Madaxweyne Deni dayaca Amni oo uu u horseedday Puntland, kaasi oo ay ka faa’idaysatay Argagixisada ISIS ayaa ka dalbaday in uu cudur-daar ka bixiyo mas’uuliyad-darradii keentay in wakhtiga intaasi le’eg Argagixisada lagu eegto Shacabka. “Ha u cudurdaarto dadka reer Puntland si le’eg sida uu ugu faanayo guusha dagaalka. Sida aan ugu garab istaagnay dowladda dagaalkaan xaqqa ah si le’eg waa in aynu ula xisaabtanaa uuna u qaataa dayaca masuuliyadeed iyo hagrashada 6 dii sano ee cadawgu dhulka ku xididaystay” ayuu sii raaciyay Guuleed Saalax. Siyaasi Guuleed Saalax Barre ayaa sidoo kale sheegay in loo baahanyahay isla xisaabtan dhab ah si aysan mar danbe u soo noqon dayaca Xukuumadda Deni ku samaysay shacabka Puntland, islamarkaana mudda lix sano ah aysan wax tallaabo ah ka qaadin Argagixisada ISIS oo is urursanaysay mudadaasi. PUNTLAND POST The post Guleed Saalax: Daacish waxay aad Puntland ugu xoogaysatay lixdii sanno ee Siciid Deni xilka hayay appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — Somali government forces and allied local militias launched a large-scale military operation on Sunday in Middle Shabelle, targeting Al-Shabaab strongholds near Biyo Adde. The offensive comes a day after fierce clashes in the area, where Al-Shabaab militants attacked government positions, sparking hours of intense fighting. Source: Hiiraan Online
-
MINNEAPOLIS, Minn (HOL) — A Minneapolis man who allegedly praised an Islamic State-linked attack in New Orleans and attempted to travel to Somalia to join the terrorist group has been charged with providing material support to a foreign terrorist organization, federal prosecutors announced Friday. Source: Hiiraan Online
-
Mileeshiyaad gadoodsan oo xalay saqdii dambe la wareegay Xarumaha shirkadda Golis ee ku yaalla degmada Burtinle ee gobalka Nugaal ayaa jaray xargaha Internertka u kala gudbiya gobaladda Nugaal iyo Mudug. Wararka ayaa sheegaya tallaabadaasi sababtay in khadka Internertka ee shirkadda Golis uu saacado badan ka maqnaado degmooyinka ay ka mid yihiin Burtinle, Gaalkacyo, Xarfo, Galdogob iyo Bursaalax. Dhawaan ayay hayd markii sidaan oo kale ay mileeshiyaad la wareegeen Dugsiga sare ee degmada Burtinle, ka dib markii ay bulshada degmada qaarkood diideen maamule ay wasaaradda waxbarashada Puntland u magacawday schoolka, waxaana la sheegay in Xariir ka dhexeeyo khilaafka Iskuulka iyo arinta shirkadda Golis lagu beegsaday, Maahan markii ugu horaysay ee la beegsado shirkadaha is-gaarsiinta Puntland, balse marar kala duwan ayay la kulmeen weeraro ugu yimaadda Mileeshiyaad, taasi oo dhibaato ku keenta shacabka Puntland oo si weyn ugu tiirsan shirkadaha Isgaarsiinta. PUNTLAND POST The post Mileeshiyaad gadoodsan oo jaray xargaha Internet-ka Golis ee degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Khamiistii, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Muqdisho si uu ula kulmo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Safarkan ayaa jawaab u ahaa booqashadii lama filaanka ahayd ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu bishii hore ku tagay Addis Ababa. Kulamada rasmiga ah ee labada hoggaamiye ayaa imanaya kaddib markii ay bishii December 2024 kala saxiixdeen Heshiiskii Ankara, kaas oo soo afjaray sannad dhan oo khilaaf iyo xiisado siyaasadeed ah oo ka dhashay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya la gashay Somaliland. Dad badan ayaa u arka booqashada Ra’iisul Wasaare Abiy mid xoojinaysa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya, oo go’naa tan iyo Janaayo 2024. “Waxaan wadahadallo qoto dheer ka yeelanay arrimo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga, dhaqaalaha, diblomaasiyadda, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaale ee wadajirka ah. Geeska Afrika waa gobol hodan ku ah kheyraad dabiici ah—dhul beereed bacrin ah, biyo nadiif ah, iyo xoog shaqaale oo ballaaran. Hase yeeshee, wali waxa aan la tacaaleynaa sidii aan isku filnaan dhaqaale u gaari lahayn,” ayuu Ra’iisul Wasaare Abiy ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada. “Tani waxay ka dhigaysaa is-dhexgalka goboleed mid lagama maarmaan u ah gaarista himilooyinkeena guud. Gobolkeennu waxa uu leeyahay awood aad u weyn oo aan si wadajir ah uga faa’iidaysan karno. Uma horumari karno kaligeen, balse wadajir ayaan u kobci karnaa. Ka fikiridda xalka gobolka iyo iskaashiga waa lama huraan, waxaana diyaar u nahay inaan Soomaaliya kala shaqeyno sidii tani dhab u noqon lahayd.” Booqashadan ayaa muujinaysa horumar la taaban karo oo ku aaddan hirgelinta heshiiska Ankara, iyadoo sidoo kale muujineysa in Itoobiya ay dib uga sii durugtay heshiiskii is-afgaradka ee ay la gashay Somaliland. Arrintan waxay la jaanqaadaysaa mowqifka hoggaanka cusub ee Somaliland, kaas oo aan si cad u muujin xiisaha uu u qabo fulinta heshiiskaas. Dhanka kale, Soomaaliya ayaa ka laabatay qorshe ay Itoobiya u diiday in ay uga mid noqoto waddamada ciidamadooda ka qeyb qaadanaya hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika (AU) ee ka socda gudaha Soomaaliya. Waxaa toddobaadkan lagu dhawaaqay in ciidamada Itoobiya ay qeyb ka noqon doonaan Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta ee Midowga Afrika (AUSSOM), kaas oo bishii hore si rasmi ah u billowday. Isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda gobolka Falanqeeyayaasha siyaasadda gobolka ayaa rumeysan in horumarkan uu muujinayo isbeddel weyn oo ku yimid xeeladaha diblomaasiyadeed ee gobolka, iyadoo dhowaan la arkay burburka isbahaysigii Soomaaliya, Eritrea, iyo Masar. Sida ay qabaan khubaradu, sameysanka iyo burburka isbahaysiyo siyaasadeed ee Geeska Afrika waa arrin soo noqnoqota. “Xiriirka dowladaha Geeska Afrika mar walba wuu is-bedbedeli jiray. Mar waa saaxiib, marna waa colaad. Kaliya xiriirka Itoobiya iyo Kenya ayaa inta badan ahaa mid xasilloon. Sidoo kale, Itoobiya iyo Jabuuti, iyo Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan, waa kuwo deggan. Laakiin Itoobiya iyo Suudaan, Itoobiya iyo Eritrea, iyo Itoobiya iyo Soomaaliya, waxay soo mareen waqtiyo kala duwan oo xasillooni darro ah,” ayuu yiri Dr. Constantinos Berhutesfa, oo horey uga tirsanaa Midowga Afrika kana faallooda siyaasadda gobolka. Waxa uu aaminsan yahay in is-afgaradka cusub ee Muqdisho iyo Addis Ababa uu ka dhashay Heshiiskii Ankara iyo mowqifka aan caddayn ee Somaliland ee ku aaddan heshiiskii is-afgaradka. Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Abdirahman Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa horey u sheegay in maamulkiisu dib u eegis ku sameyn doono heshiiska, taas oo siisay Itoobiya fursad ay ku hakiso heshiiskaasi, oo sababay xiisadaha gobolka sannadkii la soo dhaafay. Sidoo kale, heshiiskan cusub wuxuu meesha ka saaray dadaalladii Masar ee lagu go’doominayey Itoobiya iyada oo loo marayo Suudaan iyo qorshe ay ciidamo ugu soo dirtay Soomaaliya. Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea oo halis ku jira Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha siyaasadda gobolka waxay sheegayaan in xiriirka sii xumaanaya ee Itoobiya iyo Eritrea uu sababi karo xiisado cusub. Tan iyo markii Itoobiya ay dib usoo celisay xiriirkeeda Soomaaliya, waxaa jira walaac laga qabo in Eritrea ay dareento in la go’doomiyay. “Horumarka laga gaaray xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya waa mid wanaagsan, balse waxaa laga yaabaa in Eritrea ay ka carootay. Kahor is-afgaradka cusub ee Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaa jiray isbahaysi saddex geesood ah oo ay wada saxiixdeen Masar, Eritrea, iyo Soomaaliya bishii Oktoobar 2024. Hadda, Soomaaliya waxay isku hallaynaysaa Itoobiya, taasoo la micno ah in heshiiskii Asmara uu burburay,” ayuu yiri Constantinos. Wuxuu intaa ku daray: “Laakiin su’aashu waxay tahay, Soomaaliya ma sii ahaan doontaa mid xasilloon? Maxay samayn karaan dalalka Masar iyo Eritrea, oo horey uga shaqeynayay in Itoobiya laga go’doomiyo? Ma taageeri doonaan Al-Shabaab? Ma sii wiiqi doonaan xasilloonida Soomaaliya?” Dhowaan, Mareykanka ayaa duqeyn la beegsaday saldhigyo Al-Shabaab ku leeyahay gudaha Soomaaliya, taas oo xoojinaysa doorka Washington ee ku aaddan xaaladda gobolka. Itoobiya oo dib u dhiseysa sumcadeeda caalamiga ah Iyadoo Itoobiya ay heshiis la gaartay Soomaaliya, haddana waxaa weli taagan xiisadda kala dhaxeysa Masar ee ku saabsan biyo xireenka GERD, iyo sidoo kale walaacyada amni ee gobolka. Heshiiskii ay la gashay Somaliland wuxuu Itoobiya ku yeeshay saameyn diblomaasiyadeed oo ba’an. Constantinos wuxuu ku taliyay in Itoobiya ay abaabusho shir caalami ah oo looga hadlayo nabadda iyo xasilloonida gobolka. “Maadaama guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika uu ka soo jeedo Geeska Afrika, wuxuu kaalin ka qaadan karaa shirkan. Itoobiya waa in ay diiradda saartaa abaabulidda shir caalami ah oo nabadda iyo ammaanka looga hadlayo. Tani waxay gogol xaar u noqon kartaa isku xirka gobolka,” ayuu yiri. Sidoo kale, wuxuu xusay in Kenya ay hadda raadineyso inay la wareegto doorkii Itoobiya ee xasillinta gobolka, iyadoo dhawaan shaacisay howlgallo nabad ilaalin ah oo ka socda xadka ay la leedahay Itoobiya. “Tani waa inay noqotaa doorkii Itoobiya,” ayuu yiri Constantinos, isagoo tilmaamay in Addis Ababa ay tahay xarunta Midowga Afrika (AU), Guddiga Dhaqaalaha Afrika (ECA), iyo in ka badan 120 safaaradood iyo hay’ado caalami ah, taas oo ka dhigaysa caasimadda siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee Afrika. “Waxaa la joogaa xilligii Itoobiya ay dib u dhisi lahayd doorkeeda gobolka,” ayuu yiri, isagoo xusay in shir heer caalami ah uu sare u qaadi karo sumcadda Itoobiya ee caalamka, isla markaana uu xallin karo xiisadaha taagan. The post Mustaqbalka isbaheysigii Asmara kadib heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira midnimada guud ahaan culimada Soomaaliyeed. Roobow ayaa shaaca ka qaday in wasaaradda uu hoggaamiyo ee Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ay u taagan tahay in ay mid noqdaan dhammaan culimad Soomaaliyeed oo laf dhabar u ah bulshada, iyaga oo door wayn ka qaata dhanka wacyi-gelinta. “Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka waxay u taagan tahay waa culimada Soomaaliyeed in aad mid noqotaana waa farxadeena,” ayuu yiri Wasiie Roobow. Waxaa kale oo uu intaas sii raaciyay “Wasaaraddu waxay qaadim u tahay dhammaan culimada Soomaaliyeed oo waa diin adeegeysaa, waxaan rajeyneyaa inaad nala sii shaqeysaan”. Sidoo kale Wasiir Sheekh Mukhaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan, wuxuuna guud ahaan dadka Soomaaliyeed ku boggaadiyay inay sanadkan isku raaceen maalinta 1-aad ee Soonka. “Waxaa kaloo aad in loogu farxo ah bilashada Ramadaan waa maalin la sugayay waxaana cajiib ah in iyadoo Ramadaanka la’isku wada waafaqsan yahay oo la wada sooman yahay kuwa sooman iyo kuwa leh wa beentood aanay jirin” ayuu hadalkiis sii raaciyay. Waxaa kale oo uu horumar iyo barwaaqo u rajeeyay dhammaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale guul u rajeeyay ciidamada la dagaalamaya kooxaha Khawaarijta. Hadalkan ayaa Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka wuxuu ku sheegay madal ay ku sugnaayeen culimo badan oo Soomaaliyeed, taaas oo xalay lagu daah-furay Gole ay ku mideysan yihiin culimada Soomaaliyeed oo looga dhawaaqay magaalada Muqdisho. The post Daawo: Mukhtaar Roobow oo arrin xasaasi ah kala hadlay culimada Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho – Guddiga Doorashooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa shaaciyey jadwalka doorashada kuraasta bannaan ee Golaha Shacabka, kuwaas oo ay baneeyeen dhowr masuul oo loo magacaabay xilal cusub iyo halka laba ruux ay geeriyoodeen. Sida ku cad jadwalka guddiga, 6-da Maarso 2025 ayaa la qaban doonaa doorashada kursiga uu banneeyey Saadiq Joon, kaddib markii loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA). Sidoo kale, 8-da Maarso 2025 ayaa lagu wadaa in la qabto doorashada kursiga uu banneeyey Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Dhanka kale, waxaa la filayaa in la buuxiyo kuraasta ay ka geeriyoodeen xildhibaanadii hore, Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Maxamuud Sey Sey, doorashadoodana lagu qaban doono magaalada Jowhar. Guddiga Doorashooyinka ayaa ku baaqay in doorashooyinkaan lagu qabto si hufan, iyagoo adkeynaya in la ilaaliyo xeerarka doorashooyinka iyo hannaanka saxda ah ee loo marayo buuxinta kuraasta bannaan. Source: goobjoog.com
-
Somalia was elected to serve on the U.N. Security Council as a non-permanent member for the second time since independence in 1960 and assumed its seat on Jan. 1, 2025. Somalia joined Denmark, Greece, Pakistan and Panama in serving on what is considered the most powerful global political and diplomatic council entrusted with steering the world toward peace, stability and sustainable development for the next two years. Source: Hiiraan Online
-
Muuqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinkaqaranka ayaa qaaday tallabo culus oo ku aadan qabashada doorashada kuraasta ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya, si loo soo buuxiyo, loona helo xubnihii soo buuxi lahaa kuraasta bannaan. Guddiga oo warqad soo saaray ayaa haatan iclaamiyey doorashada kuraasta HOP#248 iyo HOP#049, isla markaana ay horay u banneeyeen Saadaq Cumar Xasan (Joon) iyo Mustaf Sheekh Cali (Dhuxulow) oo xilal sare looga magacaabay dowladda federaalka. Saadaq Joon ayaa loo magacaabay agaasime ku xigeenka hay’adda NISA, halka Mustaf Dhuxulow isaguna loo magacaabay agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, waxayna sidaas ku waayeen xubinimadoodii baarlamaanka 11-aad. Labadaan kursi oo deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa doorashadooda la qaban doonaa 6-da, ilaa 8-da bishaan , sida lagu shaaciyay warqadda kasoo baxay guddiga madaxa banaan ee doorashada. Waxaa sidoo kale weli jira kuraas kale oo ka bannaan baarlamaanka Soomaaliya, waana illaa 3 kurs oo kala ah kursigii uu ka tegay agaasimaha hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo laba kuraas kale oo ay ka geeriyoodeen AUN xildhibaanada kala ah Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamud Maxamed Seeseey. Si kastaba, Tallaabada uu maanta qaaday guddiga doorashada ayaa ka dambeysay, kadib markii 25-kii Bishii lasoo dhaafay gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu warqad uu u diray guddiga doorashooyinka, isaga oo ka dalbaday inay si dhaqsa leh kusoo buuxiyaan kuraasta ka banaan Golaha shacabka Soomaaliya. The post Kuraastii ay baneeyeen Saadaq Joon iyo Mustaf Dhuxulow oo la buuxinayo appeared first on Caasimada Online.