-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa loo doortay Madaxweynaha maamulka waqooyi bari 5-ta sano ee soo socata, ka dib markii ka guulaystay afartii murashax ee la tartamaysay, islamarkaana uu u tanaasulay Cabdirasaaq Khalif oo ahaa tartamihii ku xegay dhanka codadka. Doorashadan ayaa ku soo dhammaatay guushii uu hantay Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), kaas oo xubnaha golaha wakiillada maamulka cusub ay cod aqlabiyad leh ugu doorteen hoggaanka maamulka. Doorashada oo lagu qabtay jawi amni oo aad loo adkeeyey, ayaa waxaa goob joog ka ahaa madax dhaqameed, siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan dowladda federaalka iyo bulshada rayidka. Doorashadan waxaa lagu tilmaamay mid xasilloon oo muujisay biseyl siyaasadeed iyo kalsooni ku saabsan qaabka loo dhisayo maamulka cusub. Guusha Firdhiye ayaa loo arkaa inay astaan u tahay rajo cusub oo ku wajahan mustaqbalka maamulka Waqooyi Bari, iyadoo la filayo in hoggaankiisu noqdo mid mideeya bulshada, dib u dhisa kalsoonida, kana shaqeeya horumar dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqaalaha. Taariikh Nololeedka Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye)Madaxweynaha cusub, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), waxa uu ku dhashay magaalada Taleex sanadkii 1972. Waxbarashadiisa hoose iyo dhexe ayuu ku qaatay magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, halka waxbarashadiisa sare uu ka sii watay gudaha Bariga Afrika.Waxbarashada Jaamacadeed: Firdhiye waxa uu ku takhasusay Culuumta Diinta Islaamka jaamacadda Umma University ee Kenya, halka shahaadada heer jaamacadeed ee Maamulka Ganacsiga (Business Administration) uu ka qaatay Jaamacadda Nairobi. Xirfadaha iyo Shaqada: Waxa uu muddo ka shaqeynayay magaalada Nairobi, halkaas oo uu ka ahaa maareeye ku-xigeenka shirkadda Amal Company. Waxaa kale oo uu door muuqda ku lahaa arrimaha bulshada iyo siyaasadda deegaanka, gaar ahaan dadaallada la xiriira dhismaha maamul u gaar ah SSC-Khatumo. Firdhiye waxa uu caan ku noqday dedaallada uu ugu jiray dibu heshiisiinta bulshada iyo dhismaha nidaam cadaalad iyo wadaag ku dhisan, taas oo ku kasbatay taageerada ballaaran ee ay maanta golaha wakiillada ugu doorteen madaxweynaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari. Markii uu la hadlay taageerayaasha iyo shacabka kadib guushiisa, Madaxweyne Firdhiye waxa uu ballanqaaday in uu noqon doono hoggaamiye u dhigma rajada shacabka, isagoo sheegay in mudnaantiisa ugu horreysa ay noqon doonaan:Dib u heshiisiinta bulshadaSugidda amniga iyo xasilloonidaHorumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadkaIyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka. Doorashadan ayaa loo arkaa mid taariikhi ah oo fure u noqon karta dhismaha maamul rasmi ah oo xasilloon oo ka hanaqaada Waqooyi Bari, taas oo shacabku si weyn ugu hanweyn yihiin mustaqbal siyaasadeed iyo nololeed oo ka wanaagsan kii hore. Source: goobjoog.com
-
Doorashada Madaxweynaha iyo ku xegeenkiisa ee maamulka waqooyi bari oo ka socata magaalada Laascaanood Laascaanood ayaa maanta martigelinaysa doorashada Madaxweynaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari, taas oo noqotay dhacdo soo jiidatay indhaha shacabka iyo daneeyayaasha siyaasadeed ee gudaha iyo dibaddaba. Doorashadan oo u muuqata mid dhidibka u taagaysa maamul cusub ee Waqooyi Bari ayaa waxaa ku tartamaya hoggaamiyaha haatan talada haya Cabdulqaadir Aw Cali Firdhiye iyo afar Musharax oo kale. Xubnaha golaha wakiillada oo ka kooban 83 mudane ayaa u kala codeyn doona musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo ku xegeenkiisa, iyadoo doorashadu tahay mid si weyn loo sugayey. Musharrixiinta ayaa horay u soo bandhigay aragtiyo kala duwan oo ku saabsan maamul wanaagga, amniga, iyo kobcinta adeegyada bulshada, ayadoo hoggaamiyaha haatan kursiga fadhiya Cabdulqaadir Aw Cali Firdhiye uu sheegay in haddii laga guulaysto uu la shaqayn doono cidda soo baxda, asagoo xusay xittaa inuu askari noqan doono. Shacabka magaalada Laascaanood guud deegaanada maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa dareen gaar ah u leh doorashadan, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee si rasmi ah loo sameeyo hannaan doorasho oo ku dhisan tartan hoggaamineed oo hufan. Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imanaya dalka Mauritania ayaa sheegaya in dooni ay saarnaayeen muhaajiriin uu ku degay xeebaha dalkaasi horaantii toddobaadkan, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 49 qof, iyadoo ku dhowaad 100 kale la la’yahay. Warbaahinta caalamiga ah, oo ay ku jirto AFP, ayaa soo werisay in howlaha gurmadka ay socdaan, balse xaaladda ay aad u adag tahay sababo la xiriira badweynta iyo qalabka gurmad oo kooban. Mas’uuliyiinta Gudaha ayaa sheegay in Doontaan uu ka soo shiraacatay xeebaha galbeedka Afrika, iyadoo la rumeysan yahay in muhaajiriintu ay ku sii jeedeen Jasiiradda Canary ee dalka Spain. Xeebaha Mauritania iyo waddamada deriska ah ayaa muddo dheer u noqday marin halis badan oo ay muhaajiriinta Afrikaan ahi ku doonayaan inay kaga gudbaan badda Atlantic iyagoo rajaynaya nolol ka wanaagsan Yurub. Ma aha markii ugu horreysay ee musiibo noocan oo kale ah ka dhacdo xeebaha Mauritania. Sannadihii la soo dhaafay, boqolaal muhaajiriin ah ayaa ku naf waayay biyahaas, halka kumannaan kale ay ku guulaysteen inay gaaraan Canary Islands. Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ku baaqay in la xoojiyo badbaadada muhaajiriinta iyo in waddamada gobolka ay qaadaan tallaabooyin lagu joojinayo safarrada khatarta ah. Maamulka Mauritania ayaa sheegay in meydadka dadka la soo saaray la geeyay xarun caafimaad si loo aqoonsado, halka kuwa badbaadayna la siiyay gargaar caafimaad iyo hoy ku-meelgaar ah. Source: goobjoog.com
-
Qaahira (Caasimada Online) – Xildhibaan Masaari ah ayaa sheegay Jimcihii in go’aanka Qaahira ay ciidamo ugu direyso Soomaaliya, kuwaas oo ka tirsan howlgalka xasilinta ee Midowga Afrika, uu yahay mid sharci ah oo ay si buuxda u taageersan yihiin Muqdisho iyo Midowga Afrikaba, isagoo meesha ka saaray diidmada Ethiopia oo uu ku tilmaamay isku day xiisad lagu abuurayo. Mustafa Bakhri, oo ka tirsan baarlamaanka Masar, ayaa u sheegay weriyeyaasha in dirista ciidamada “ay ku timid codsi ka yimid dowladda Soomaaliya iyo oggolaanshaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, taasoo siinaysa sharciyad buuxda.” Wuxuu sheegay in dhaleecaynta Ethiopia “ay tahay mid aan la aqbali karin oo kaliya looga gol leeyahay in lagu kiciyo xasillooni darro.” Hadalladan ayaa daba socda war ay Soomaaliya soo saartay 26-kii Agoosto, kaasoo lagu sheegay in ciidamo Masaari ah ay ku biiri doonaan Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) toddobaadyada soo socda. Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in cutubyadaasi ay tababar ku soo qaateen magaalada Qaahira, isla markaana la dejin doono gobollada Hiiraan, Shabeellaha Hoose, iyo Gedo, halkaasoo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa xulafada la ah ay kula dagaallamayaan dagaalyahannada al-Shabaab. “Ciidamada Masar waxay taageero toos ah siin doonaan ololaha Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyagoo isla markaana xoojinaya xasiloonida dowladda,” ayuu yiri Bakhri, isagoo ku nuux-nuuxsaday in ka qaybgalka Qaahira uusan xiriir la lahayn muranka kala dhexeeya Ethiopia ee ku saabsan Biyo-xireenka Weyn ee Ethiopia. Horraantii toddobaadkan, Safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya, Suleyman Didefo, ayaa u sheegay telefishinka Soomaaliga ee Universal TV in dowladdiisu ay ka soo horjeeddo geynta ciidamada Masar, isagoo sheegay in Addis Ababa ay “si weyn uga walaacsan tahay” qorshahaas. Danjiraha ayaa tilmaamay in Itoobiya aysan wax cabsi ah ka qabin haddii la keeno ciidanka Masar, wuxuuna diray farriin cad oo uu ku sheegay inay awood u leeyihiin inay is difaacaan goor kasta. “Annagu ma nihin kuwa cabsi qaba ama dareemaya khatar, waana awoodnaa inaan is difaacno,” ayuu wareysiga ku yiri Danjire Suleyman Dedefo. “Waxaan ognahay in Masar aysan wax taageero ah ka geysan doonin xasilinta caqabadaha amni ee Soomaaliya. Suudaan waa dal daris la ah Masar, haddana kama aysan helin wax kaalmo ah. Libya sidoo kale waa daris, iyaduna kama aysan helin caawimaad. Ciidanka Masar ma laha taariikh muuqata oo nabad-ilaalin caalami ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Ka qaybgalka Masar waxaa oggolaaday Midowga Afrika dabayaaqadii 2024-kii, kaddib wadahadallo lala yeeshay mas’uuliyiinta Soomaaliya, waxaana si rasmi ah loogu meel mariyay heshiis amni oo labo geesood ah oo la saxiixay bishii Janaayo. Bishii Luulyo, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Masar kula kulmay Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi, halkaasoo ay Qaahira ku ballanqaadday inay kordhinayso tababarka iyo hubeynta ciidamada Soomaaliya, ayna soo saartay digniin ka dhan ah tallaabooyinka loo arko inay halis gelinayaan amniga Badda Cas. Xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa cirka isku shareertay bishii Janaayo 2024 markii Addis Ababa ay heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Somaliland, kaasoo siinaya marin badeed ay isticmaasho dekad iyo saldhig ciidan badeed, iyadoo beddelkeeda laga yaabo in la aqoonsado madax-bannaanida Somaliland. Muqdisho ayaa si degdeg ah heshiiskaas ugu tilmaantay xadgudub sharci-darro ah oo ka dhan ah madax-bannaanideeda, waxayna ku hanjabtay inay eryi doonto ciidamada Ethiopia. Dalka Turkiga ayaa markii dambe dhex-dhexaadiyay Baaqii Ankara bishii Diseembar, kaasoo lagu soo celiyay xiriirkii diblomaasiyadeed. Dhinaca Masar, ka qaybgalka howlgalka xasilinta Soomaaliya waa mid ay ku muujinayso garab istaagga ay la garab taagan tahay Muqdisho iyo sidoo kale qayb ka ah istiraatiijiyaddeeda ballaaran ee Badda Cas. Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi wuxuu ka digay in damaca Ethiopia ee dhinaca badda uu khatar ku yahay amniga gobolka, gaar ahaan marinnada maraakiibta ee gala Kanaalka Suweys. Dhanka kale, Soomaaliya waxay isku dayday inay isku dheellitirto xiriirkeeda, iyadoo soo dhoweysay taageerada Masar, balse ku adkaysanaysa inaan lagu soo jiidi doonin siyaasadda Webiga Niil. Diidmada Ethiopia waxay salka ku haysaa loollan juquraafi-siyaasadeed oo soo jireen ah oo kala dhexeeya Masar. Qaahira iyo Addis Ababa waxay sanado badan isku khilaafsanaayeen Biyo-xireenka Weyn ee Ethiopia (GERD), kaasoo Masar ay ka cabsi qabto inuu xaddidi doono saami-qaybsigeeda biyaha Webiga Niil. Xiisadda ayaa sii qoto dheeraatay bishii Janaayo 2024 kaddib heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhex maray Ethiopia iyo Somaliland. Bakhri wuxuu ka digay in iska caabbinta joogtada ah ee Ethiopia ay kordhin karto halista isku dhacyo. “Ethiopia ma rabto in Masar ay door muhiim ah ka ciyaarto Geeska Afrika,” ayuu yiri.
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Cumar Jamaal, oo muddo dheer ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota, ayaa Khamiistii lagu xiray bartamaha magaalada Minneapolis, kaddib markii ay qabteen saraakiil ka tirsan Waaxda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (U.S. Immigration and Customs Enforcement – ICE). Wuxuu hadda ku xiran yahay xabsiga Freeborn County ee magaalada Albert Lea, oo loo adeegsado xarun lagu hayo dadka ay qabtaan ICE, sida uu sheegay qareenkiisa, Abdiqani Jabane. Illaa fiidnimadii Jimcaha, mas’uuliyiinta ICE weli ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xarigga Jamaal, mana cadda sababta dhab ahaantii keentay tallaabada la qaaday Khamiistii. Cumar Jamaal, oo 52 jir ah, ayaa dalka Mareykanka soo galay in ka badan 20 sano ka hor isagoo qaxooti ahaan uga soo cararay abaarihii iyo dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya, wuxuuna tan iyo xilligaas ahaa waji caan ka ah jaaliyadda Soomaalida ee Minnesota. Qareenkiisa Jabaane ayaa ku sifeeyay “hoggaamiye bulsho oo Soomaali-Mareykan ah oo tixgelin leh,” kaasoo sannado badan u soo halgamayay amniga guud, is-dhexgalka diimaha, iyo adkeynta xiriirka ka dhexeeya laamaha ammaanka iyo bulshooyinka soo-galootiga ah. Diiwaannada maxkamaddu waxay caddeynayaan in Cumar Jamaal sannadkii 2005-tii lagu helay dembi ku saabsan wax isdaba marin dhinaca socdaalka ah, xilligaas oo uu ku sugnaa gobolka Tennessee. Waxaa lagu xukumay hal sano oo kormeer shuruudeysan ah (probation), iyadoo amarka maxkamaddu uu dhigayay in loo gudbiyo hay’adaha socdaalka ee federaalka si looga baaraandego in la tarxiili karo. Racfaan uu ka qaatay xukunkaas waa laga diiday, balse wuxuu sii degganaa dalka Mareykanka. Markii uu yimid Minnesota, Jamaal wuxuu ku soo shaac baxay jagada agaasimaha fulinta ee Xarunta U doodista Caddaaladda Soomaalida (Somali Justice Advocacy Center), oo ah urur aan macaash doon ahayn oo ujeeddadiisu ahayd inuu Soomaalida ka kaalmeeyo hannaanka sharciga ee dalka. Wuxuu noqday shakhsi ay joogto u ahaayeen warbaahinta maxalliga ahi, isagoo ka faalloon jiray mowduucyo xasaasi ah sida toogashooyinka ay boolisku geystaan iyo baaritaannada argagixisada ee heer federaal. Inkastoo qaar ka tirsan jaaliyadda ay su’aal gelin jireen inuu matalo iyo in kale, Cumar Jamaal wuxuu marar badan ku adkeystay in howshiisu ay tahay oo keliya inuu gacan siiyo dadka la daalaa dhacaya arrimaha socdaalka ama laamaha sharciga. Sannadkii 2020, Jamaal wuxuu ka mid noqday Xafiiska Sheriff-ka Degmada Ramsey, isagoo qabtay xilka sarkaal rayid ah oo qaabilsan adeegga bulshada. Steve Linders, oo ah afhayeenka waaxdaas, ayaa Jimcihii sheegay in Jamaal uu ka soo baxay “door aas-aas u ahaa isku xirka anaga iyo jaaliyadda Soomaalida ee Minnesota, oo ah tan ugu ballaaran ee ku nool dalka.” “Shaqo heersare ah ayuu ka qabtay doorkaas,” ayuu Linders hadalkiisa ku daray.
-
Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa Jimcihii ku dhawaaqay, xilli uu baarlamaanka khudbad uga jeedinayay xasaradda Gaza, in Ankara ay hawadeeda ka xiratay diyaaradaha rasmiga ah iyo kuwa militariga ee Israel. “Gebi ahaanba waxaanjarnay xiriirkeennii ganacsiga ee aan la lahayn Israel. Waxaan dekedaheena ka xirnay maraakiibta Israel, mana u oggolin in maraakiibta Turkiga ay ku xirtaan dekedaha Israel. Ma jiro dal kale oo si buuxda xiriirka ganacsiga ugu jaray Israel sida aan annagu yeelnay,” ayuu yiri Fidan. “Waxaan ka mamnuucaynaa maraakiibta konteenarrada ee u sida hubka iyo rasaasta Israel inay soo galaan dekedaheena, sidoo kalena uma oggolin diyaaradaha Israel inay isticmaalaan hawadeena sare.” Ku dhawaaqista Fidan ee siyaasadda duulimaad-la’aanta ee ka dhanka ah diyaaradaha Israel ayaa la yaab ku noqotay dad badan oo ku sugan Ankara. Si kastaba ha ahaatee, saraakiil Turki ah oo la hadlay warbaahinta Middle East Eye, oo codsaday inaan magacooda la shaacin, ayaa caddeeyay in Turkigu uu horeyba hawadiisa uga xiray duullimaadyada rasmiga ah iyo kuwa militariga ee Israel dabayaaqadii sanadkii 2023-kii. Illo wareed kale oo Turki ah oo arrintan la socday ayaa sheegay in diyaaradaha caalamiga ah ee ganacsiga ee ku wajahan Israel ay weli awoodi doonaan inay isticmaalaan hawada Turkiga, isagoo beeniyay warbixinno lagu daabacay warbaahinta Israel iyo Turkiga. Sida uu sheegay il-wareedka, diyaaradaha rasmiga ah, kuwa militariga, iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Israel ayaa muddo dheer laga mamnuucay hawada Turkiga, balse aan la qaadin wax tallaabooyin cusub ah oo looga hor istaagayo duullimaadyada ganacsiga ee shisheeye inay isticmaalaan. Sarkaal labaad oo Turki ah ayaa xusay in mas’uuliyiinta Turkigu ay bishii November hor istaageen duullimaadkii madaxweynaha Israel, Isaac Herzog, ee uu ku tegi lahaa Azerbaijan. “Waxaan si joogto ah u diideynay codsiyada duullimaadyada rasmiga ah ee Israel muddo aad u dheer,” ayuu yiri sarkaalkaasi. Fidan ayaa tallaabooyinkan ku sababeeyay inay jawaab u yihiin falalka Israel ee Gaza, daandaansiga ay ka waddo Masaajidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus, iyo rabshadaha joogtada ah ee dadka deegaanka ee Yuhuudda ay ka wadaan Daanta Galbeed ee la haysto. Horaantii toddobaadkan, Fidan wuxuu sidoo kale ugu baaqay dalalka Islaamka inay ku dadaalaan in Israel laga joojiyo ka qaybgalka shirarka iyo hawlaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. “Waa inaan mideynaa dadaalkeenna si aan u joogteyno una ballaarino dardarta lagu doonayo aqoonsiga Falastiin, iyadoo sidoo kalena aan hindise ka bilowno Qaramada Midoobay oo lagu doonayo xubinnimada buuxda ee Falastiin. Intaa waxaa dheer, waa inaan ka fikirnaa in Israel laga joojiyo hawlaha Golaha Guud,” ayuu yiri isagoo ka hadlayay shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka. Turkigu wuxuu dhowaan soo rogay xayiraado dheeri ah oo saaran maraakiibta ay leedahay Israel iyo kuwa xiriirka la leh, isagoo ka mamnuucay inay ku soo xirtaan dekedaha Turkiga. Tallaabooyinkan dhinaca maraakiibta ah ayaa daba socda ku dhawaaqistii Ankara ee bishii hore ee lix cunaqabataynood oo ka dhan ah Israel, kuwaasoo waafaqsan bayaan wadajir ah oo ka soo baxay Kooxda The Hague (The Hague Group) ee ka dhashay Shirkii Degdegga ahaa ee Falastiin ee lagu qabtay Bogota. Xiriirka Turkiga iyo Israel ayaa si weyn u xumaaday tan iyo sannadkii hore, markii uu Turkigu ku biiray dacwaddii South Africa ay ka gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, taasoo Israel ku eedeysay xasuuq. Tan iyo xilligaas, Ankara waxay si isa soo taraysa u isticmaashay fagaarayaasha caalamiga ah si ay u dhisto isbahaysi ka dhan ah xasuuqa ay Israel ka waddo Gaza.
-
Kigali (Caasimada Online) – Dowladda Rwanda ayaa Khamiistii ku dhawaaqday in toddoba muhaajiriin ah oo laga soo tarxiilay Mareykanka ay soo gaareen dalkaas bishan Agoosto, xilli ay dhowaan labada dal kala saxiixdeen heshiis oggolaanaya in Kigali ay qaabisho illaa 250 qof. Afhayeenka dowladda Rwanda, Yolande Makolo, ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in “kooxdii ugu horreysay ee toddoba muhaajiriin ah oo si rasmi ah loo hubiyey ay soo gaareen Rwanda bartamihii Agoosto.” “Saddex qof oo ka mid ah muhaajiriintan waxay muujiyeen rabitaan ah in dib loogu celiyo dalalkooda hooyo, halka afarta kalena ay doonayaan inay nolol cusub ka dhistaan Rwanda. Iyadoo aan loo eegin baahiyahooda kala duwan, dhammaan waxay heli doonaan taageero iyo ilaalin ku habboon oo ka timaadda dowladda Rwanda,” ayay raacisay. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qaaday siyaasad adag oo socdaalka la xiriirta, isagoo ku hanjabay inuu tarxiili doono malaayiin qof oo sharci-darro ku jooga dalkaas, isla markaana ku dadaalaya in muhaajiriinta qaarkood loo raro dalal saddexaad. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Khamiistii sheegay in wixii faahfaahin ah ee la xiriira masaafurinta bishan loo gudbiyey Rwanda ay khuseyso dowladda Kigali, isaga oo ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo wada-hadallada diblomaasiyadeed ee Washington la yeelatay dowladaha kale. “Dhaqan-gelinta siyaasadaha socdaalka ee maamulka Trump waa mudnaanta koowaad ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Sida uu sheegay Xoghaye Rubio, weli waxaan u heellan nahay in aan soo afjarno socdaalka sharci darrada ah iyo socdaalka baahsan, isla markaana aan xoojino ammaanka xuduudaha Mareykanka,” ayuu yiri afhayeenka. Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi falcelin oo arrintan la xiriira. Bilowgii Agoosto ayay Rwanda iyo Mareykanku kala saxiixdeen heshiis dhigaya in Kigali ay qaabisho illaa 250 muhaajiriin ah, iyadoo Washington ay dirtay liiska 10 qof oo la baaray in lagu bilaabo. Sanadihii la soo dhaafay, Rwanda waxay isu muujisay in ay tahay meel ay dejin karaan muhaajiriinta ay dalalka reer Galbeed doonayaan inay ka saaraan dhulkooda, inkasta oo hay’adaha xuquuqda aadanaha ay walaac ka muujiyeen in Kigali aysan si buuxda u dhowrin xuquuqda aasaasiga ah. Maamulka Trump ayaa ku dooda in tarxiillada loo raro dalalka saddexaad ay dedejiso ka saarista muhaajiriinta, gaar ahaan kuwa dambiyada galay ee aan si fudud loogu celin karin dalalkooda hooyo isla markaana loo arko khatar ku wajahan bulshada. Si kastaba ha ahaatee, mucaaradku waxay siyaasaddan ku tilmaameen mid “naxariis darro iyo khatar ah,” maadaama dadka lagu celin karo dalal ay ka jirto rabshad ama colaado, isla markaana aysan lahayn wax xiriir bulsho ama aysan ku hadlin luqadda dalkaas. Makolo ayaa bishan horaanteedii sheegtay in, heshiiska Washington lala galay kadib, muhaajiriinta loo soo tarxiilo Rwanda lagu siin doono tababaro shaqo, adeegyo caafimaad iyo hoy. Khamiistii, waxay mar kale xaqiijisay in dadkaas ay la socdaan hay’ad caalami ah, isla markaana ay helayaan daryeel joogto ah oo ka imanaya Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ee IOM iyo adeegyada bulshada ee dowladda Rwanda.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Shanta Musharax ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa la sheegay in caawa ay bixinayaan lacago ay codkooda uga beddelanayaan xildhibaanada, inta aan la gaarin doorashada Sabtiga berri ah ka dhaceysa Laascaanood. Musharaxiinta ayaa la sheegay in hadda ay loolamayaan codad 20 ah, iyadoo musharax kasta dhankiisa uu dadaal badan ku bixinayo in uu helo, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo si hoose ula socda doorashada. Lacag ku dhaw $4 ilaa 5 Milyan ayaa lagu qiyaasay wadar guud ee ololaha ka socda Laascaanood ku baxaysa, sida ay dhinacyadu sheegayaan. Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye iyo Villa Somalia ayaa la sugayaa furitaanka qiimaha suuqa, maadaama musharaxiinta kale ay dhankooda caawa lacagta bixiyeen, walaw qiimaha bilowga ah uu durba ka kacay 20 kun oo dollar, sida lagu hayo xogta. Dawladda Federaalka musharaxeeda waa Firdhiye, oo u baahan in uu wareega 1-aad helo codad dhan 38-42 cod, kooxdiisa waxaa walaac kuhaya in ay ka hooseyaan 30-cod, taas oo kadhigan in isbeddel-doonku ay u midoobi karaan, si guusha loo dhaafiyo. Musharax kasta oo aan Firdhiye aheyn, wuxuu iska reebayaa musharaxa kale, wuxuuna u baahan yahay 22-18 cod inta u dhaxaysa. Dhammaan musharaxiinta la baxay Isbedel-doonka ayaa mid kastaba kaalinta 2-aad u dagaalamayaa, isbaheysiyo ay todobaad kahor dhinacyadan kuwada hadleen ayaa u muuqda caawa in aysan shaqeynin, kadib markii ay qaarkood go’aansadeen in ay awoodooda fuulaan oo lacag la baxaan. Laascaanood waa furin siyaasaddeed, mid ciidan iyo mid midnimo, waxayna reer Waqooyi-bari u baahanyihiin iney berri doortan qof ay dhab ka tahay inuu Somaliland gacan ciidan isaga difaaco, Puntland siyaasad la ciyaaro, Dowladda Federaalkana la shaqeysto. Musharaxii aan saddexaas karin, waxaa laga dhaxli doonaa shan sano oo khasaaro ah, oo aaney waxba u siyaadin dadka iyo deegaannada Waqooyi-bari.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa taliska ciidanka xoogga dalka dul dhigtay amar cusub oo si dhaqso ah kooxds Al-Shabaab looga saarayo deegaanada dhaca xeebaha ee isku xira Marka ilaa Baraawe. Wajiga labaad ee howlgalka nadiifinta xeebaha koonfureed ee dalka ayaa la qorsheeyey in uu noqdo Marka ilaa deegaanka Gandarshe. Qorshahaan ayaa looga golleeyahay in kooxda laga fogeeyo deegaanada Xeebta ah oo la fahamsan yahay in ay hubka kala soo degaan, dadkana ku baadaan, sidoo kale waxaa u sahlan in weerarro badda ah ay geystaan. Taliyaha Guutada 6-aad ee qaybta 60-aad ee fadhigeedu yahay Baraawe Liibaan Yuusuf Garre oo dhawaan la magacaabay ayaa shalay gaaray Baraawe, waxaana la faray in howlgalka uu dhaqaajiyo. Furista deegaanada xeebta ah ee Baraawe, Marka, Gendarshe ilaa Jazeera ee Koofur Galbeed ayaa kordhin doonta dalxiiska bulshada, maadaama aad looga cabsado kooxda. Dowladda Soomaaliya ayaa xoreynta dhulka xeebaha ah ugu gogol-xaareysa heshiis lagu baaraayo shidaalka dhulka, goobo aan la cayimin oo ku yaalla Koofur Galbeed Soomaaliya. Sidoo kale, waxaa dowladda u qorsheysan in dhulka xeebaha ah laga faa’iideysto, sida aagga Gandarshe ilaa Jazeera, oo ah dhul istaraatiiji ah, waxaana suurtagal ah in Turkigu saldhig ka sameysto, hadii la xoreeyo, sida warar hoose ay sheegayaan. Dhowr mar oo hore ayaa la isku dayey in dhulka xeebta ah la xoreeyo, laakiin Al-Shabaab oo dareensan muhiimadda aaggaas ayaa ku fara-adeygaya, dowladda Soomaaliya ayaa hadda go’aansatay xoogga la saaro xoreynta deegaanadaas.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sida muuqata ku fashilmay xal u helidda gadoodka ciidamada tabashada ka qaba maamulkiisa. Ciidamada gadoodsan ayaa inta badan xirta waddooyin iyo kontaroolo muhiim u ah isku socodka, iyagoo ka cabanaya inaysan helin mushaarkooda iyo xuquuqdii ay ku lahaayeen maamulka Puntland. Laba maalmood ka hor ayay ahayd markii cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo mushaar la’aan ka gadoodsan ay xirteen laamiga dheer ee deegaanka Kalabayr ee gobolka Bari. Ciidanka gadoodsan ayaa halkaasi ku xanibay gaadiid badan oo rar ka soo qaaday dekedda magaalada Boosaaso. Ciidankan oo wata gaadiid dagaal, kana yimid buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, ayaa ka cabanaya mushaar la’aan, waxaana ay xukuumadda Puntland ka dalbadeen in sida ugu dhaqsaha badan loogu soo celiyo xuquuqdooda. Isla bishan August, sidoo kale ciidamo gadoodsan ayaa xirtay kastamkii canshuuraha degmada Xarfo ee gobolka Mudug, kaas oo in ka badan 10 maalmood ay haysteen ciidanka ka cabanaya mushaar la’aanta. 16-kii August, ciidamo gadoodsan ayaa sidoo kale xirtay waddada hormarta isbitaalka weyn ee Boosaaso, iyagoo markaas xanibay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee mara waddadaasi oo halbowle ah. Ciidamadaas oo ka tirsan kuwa difaaca Puntland ee ku soo dhaawacmay hawlgalka Calmiskaad ayaa ka cabanayay inaysan helin daryeelkii ay mudnaayeen, isla markaana ay dayacday xukuumadda Puntland. Sidoo kale, bishii hore ee July, waxaa dhacay dhacdooyin la mid ah kuwaan. Gadoodka ciidamada ayaa saameyn xooggan ku yeeshay bulshada ku nool maamulka Puntland, kuwaas oo wajaha dhibaatooyin markii ciidamadu xirtaan waddooyin ama kastamo muhiim ah. Xukuumadda Puntland oo lagu eedeeyo inay halakeysay musuqmaasuq xooggan, ayaa la sheegay in qayb ka mid ah ciidamadeedu la kulmeen mushaar la’aan, halka arrintan ay xitaa saameysay shaqaalaha dowladda, oo mararka qaar xuquuqdooda ka maqnaata muddo bilooyin ah.
-
Tripoli (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dalka Liibiya ayaa howl-gal ay ka fuliyeen gudaha magaalada Tripoli kasoo furtay 62 tahriibayaal ah. Muhaajiriintan ayey ciidamadu ka soo badbaadiyeen gacanta magafayaasha, kuwaas oo ay ka mid yihiin Soomaali ay qoysaskoodu horey u bixiyeen lacag madax-furasho, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta maxalliga ah. Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in howl-galka uu dhacay Khamiistii, ayna fuliyeen ciidamada Waaxda Macluumaadka iyo Baarista ee Tripoli, iyagoo beegsaday xarun ku taallay xaafadda Tagoura, Al-Naeam. Muhaajiriinta la soo badbaadiyay ayaa ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Suudaan, Eritrea iyo Liberia. Waxaa ku jiray siddeed dumar ah iyo ilmo aan weli gaarin 20 maalmood, kuwaas oo lagu hayay xarunta si qoysaskooda looga helo lacag madax-furasho. Warbixinta ayaa xustay in dadkaasi ka mid ahaa Jaamac Maxamed Somal oo ah muwaadin Soomaaliyeed. Inkastoo qoyskiisu ay kooxaha tahriibka siiyeen lacag ku dhow $18,530, haddana wali waxaa lagu haystay xarunta ilaa ciidamada ay soo furteen. Saraakiisha ayaa sheegay in howl-galka lagu qabtay xubno ka tirsan shabakad tahriib ah, kuwaas oo lagu tilmaamay inay ahaayeen muwaadiniin Afrikaan ah, kuna howl-galayay iskaashiga koox Liibiyaan ah oo xarunta ilaalinayay. Sidoo kale waxay intaas ku dareen “in eedeysanayaasha la marsiinayo cadaaladda, halka muhaajiriintii la soo badbaadiyayna loo diyaariyay gargaar caafimaad iyo kaalmo bani’aadannimo.” Si kastaba, Liibiya ayaa weli ah marin halis badan oo ay tahriibayaashu u adeegsadaan socdaalka ay ku doonayaan inay ku gaaraan Yurub, iyagoo inta badan ku dhacaya gacanta shabakadaha magafayaasha.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti, Cabdulqaadir Xuseen Cumar oo horkacaya wafdi culus oo ka yimid dalka Jabuuti ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wafdigan oo halkaasi ku soo dhaweeyeen wasiirka arrimaha gudaha maamulka HirShabelle, guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Duqa Beledweyne, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale, waxaana loo galbiyay mid kamid ah xeryaha ciidanka Jabuuti. Wasiirka Jabuuti ayaa maamulka HirShabelle uga sii gudbi doonta maamulka Galmudug, gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi. Wasiirka ayaa inta uu ku sugan yahay gobolka Hiiraan waxa uu halkaasi kula kulmi doona saraakiisha kala duwan ee ciidamada. Kulamadan ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta howl-gallada nabad ilaalinta, iyadoo gobolka Hiiraan ay ku taallo xarun weyn oo saldhig u ah ciidanka Midowga Afrika. Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa xalay la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Booqashada wasiirka ee Soomaaliya ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee uu ku yimaado dalka. Wasiirka ayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda gaarsiiyay salaan iyo dhambaal uu ka siday dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Iyadoo labada dhinac diirada saareen howl-gallada ka dhanka ah Daacish iyo Al-Shabaab. Soomaaliya iyo Jabuuti oo leh xiriir saaxiibtinimo oo qoto dheer ayaa waxay haatan dhinacyadu sii xoojinayaan xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal, kaas oo ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi qotodheer, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo arrimaha gobolka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u safraya dalka Mareykanka, halkaasi oo uga qeyb-geli doono kalfadhiga 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA). Kalfdhigan oo furmaya 9-ka September 2025 ayaa ka qabsoomi doona xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo diblomaasiyadeed. Kalfadhigan ayaa halku dhiggiisu yahay “wadajir ayaa wanaag badan: 80 sano iyo wixii ka dambeeya nabadda, horumarka iyo xuquuqda aadanaha.” Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo, taas oo noqonaysa markii labaad ee kalfadhiga Golaha Guud ee QM ka hadlo tan iyo markii uu dib ugu soo noqday xafiiska. Inkastoo kalfadhiga golaha uu furmayo 9-ka bisha soo aadan, haddan doodda heerka sare ee madaxda dalalka ayaa qeybtooda ugu muhiimsan waxay bilaaban doonta 23-ka September. Golaha Guud ee QM waa hay’adda ugu sarreysa ee ururka oo qaabilsan dejinta siyaasadaha waaweyn. Golaha oo ay xubno ka yihiin dhammaan dalalka QM, wuxuu fursad siinayaa in la gorfeeyo arrimaha caalamiga ah ee ku cad Axdiga Qaramada Midoobay. Dal kasta oo ka tirsan 193-ka xubnood wuxuu leeyahay cod siman. Si kastaba, safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli uu xoogeystay ololaha aqoonsi raadinta ee Somaliland, kaasi oo Mareykanka looga dalbanayo inuu dal madax banaan u aqoonsado. Inkastoo dowladda Mareykanka ay si cad u sheegtay inay si adag ugu taagan tahay siyaasaddeeda muddada dheer soo jirtay ee taageeridda midnimada Soomaaliya, haddana Washington waxaa kusii kordhaya cadaadiska lagu doonayo in la aqoonsado dhulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland. Yaa riixaya ololahan? Ololaha aqoonsi-raadinta ee Somaliland ayaa waxaa riixaya Imaaraadka Carabta oo door hoggaamineed ka qaadanaya dadaallada lagu horumarinayo qadiyadda Somaliland ee ka socda Washington iyo caasimadaha Yurub. Imaaraadka ayaa maalgelin ballaaran ku samaynaya mid ka mid ah shirkadaha ololeynta (lobby) ee ugu awoodda badan caalamka, si loo dhiso taageero siyaasadeed loona saameeyo warbaahinta caalamiga ah, sida ay muujinayaan diiwaannada rasmiga ah iyo ilo-wareedyo siyaasadeed. Somaliland oo iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaani sanadkii 1991, ayaa muddo dheer raadineysay aqoonsi rasmi ah oo ka yimaada Mareykanka iyo dalal kale. Maadaama aanay lahayn xiriir diblomaasiyadeed, waxay si weyn ugu tiirsan tahay shirkado gaar loo leeyahay oo ololeyn ah si ay u gaarto go’aan-sameeyayaasha iyo warbaahinta. Xudunta ololahan waa FGS Global, oo ah shirkad caalami ah oo ka shaqeysa isgaarsiinta istaraatiijiga ah iyo lobbiga, kuwaas oo macaamiishooda caalamiga ah ay ka mid yihiin Imaaraadka. Diiwaano la helay ayaa muujinaya in Abu Dhabi ay siisay FGS Global ku dhowaad $2.6 milyan muddo lix bilood, iyadoo kharashka sannadlaha ah ee Imaaraadku ku bixiyo shirkaddan uu gaari karo $5 milyan. Haatan, taageerada dhaqaale iyo midda siyaasadeed ee Imaaraadku waxay Somaliland ka caawisay inay ka soo muuqato ajandaha Washington. Laakiin ilaa uu isbeddel ku yimaado siyaasadda Mareykanka, khubaradu waxay aaminsan yihiin in dadaalka aqoonsi raadinta uu weli ahaan doono mid adag, iyadoon loo eegin awoodda lobbiga ee gadaashiisa taagan.
-
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa u sheegay Fox News in aysan hadda jirin wax wada-hadallo firfircoon oo ay la wadaan wakiillada Somaliland si loogu aqoonsado dowlad madax-bannaan. Tani waxay timid kadib markii Senator Ted Cruz uu dhowaan ugu baaqay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu Somaliland si rasmi ah u aqoonsado. Somaliland ayaa muddo dheer ku doodaysay in loo aqoonsado dowlad madax-bannaan, iyadoo tan iyo 1991 ka go’day Soomaaliya inteeda kale. Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si cad uga soo horjeedo in Somaliland loo aqoonsado si gaar ah, iyadoo ku adkaysanaysa midnimada iyo wadajirka dalka. Maraykanka iyo beesha caalamka badankood waxa ay sii wadaan siyaasadda hal-Qaran ee Soomaaliya , inkastoo ay la shaqeeyaan Somaliland dhinacyada horumarinta iyo amniga. Warbixinta Fox News ayaa xustay in inkasta oo ay jiraan siyaasiyiin Maraykan ah oo dhiirrigelinaya aqoonsiga Somaliland, dowladda Maraykanka aanay qaadin tallaabo rasmi ah, isla markaana mowqifka rasmiga ah uu yahay mid ku wajahan taageerada Soomaaliya oo dhan. Source: goobjoog.com
-
Maamulka magaalada Laascaanood ayaa soo rogay bandow habeenkii ah, ka hor doorashooyinka madaxtinimada iyo ku-xigeenka ee ka dhici doona maalinta berri. Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolka, tallaabadan oo ay ku dhawaaqeen Guddiga Doorashada Gobolka ayaa lagu doonayaa in lagu sugo nabadgelyada magaalada inta ay socdaan codbixinta, taasoo imaneysa kaddib bilo badan oo xiisado siyaasadeed iyo dagaal ka jiray waqooyi bari ee Soomaaliya. Guddiga doorashada ayaa sheegay in shacabka loo ogolaan doono in ay iibsadaan badeecadaha daruuriga ah ka hor inta aan bandowgu dhaqan gelin, isla markaana uga digay shacabka in aysan ridin rasaas iyo in magaalada aysan soo gelin kooxo hubeysan oo aan sharciyeysneyn. Shan musharax ayaa ku tartamaya xilka Madaxweynaha maamulka maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, halka tiro lamid ahna ay ku tartamayaan xilka Madaxweyne ku-xigeenka. Horraantii toddobaadkan, xildhibaanadu waxay doorteen guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka, arrintaas oo ay falanqeeyayaashu u arkaan talaabo lagu xoojinayo hay’adaha siyaasadeed ee gobolka. Mas’uuliyiintu waxay ugu baaqeen muwaadiniinta in ay la shaqeeyaan maamulka si loo xaqiijiyo in hab nabadeed iyo nidaamsan ay ku dhacdo doorashada, maadaama gobolkaasi ka mid yahay meelaha ugu xasaradaha badan siyaasadda Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyootay Khadiijo Maxamuud Yuusuf ( Khadija Qalanjo) oo kamid ahayd hooballadii ugu caansanaa fannaaniintii qaranka, gaar ahaan kooxdii Waaberi. Khadija Qalanjo waxay ahayd fannaanad caanka ku ahayd cod macaan, qurux dabiici ah iyo hibo faneed aan caadi ahayn, waxaana geerideeda si weyn looga dareemay gudaha iyo dibadda Soomaaliya, iyadoo masuuliyiin iyo hay’ado dowladeed ay ka tacsiyeeyeen. Nolosheedii iyo Bilowgii FankaKhadija Qalanjo waxay ku dhalatay waqooyiga-galbeed ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Boorame bartamihii qarnigii 20-aad, xilli lagu qayaasayo 1940-meeyadii, quruxdeeda iyo hees qaadisteeda ayaa soo jiidatay indhaha bulshada xilligii uu fanka Soomaaliyeed ku jiray marxaladda koboc ah,gaar ahaan 1970-meeyadii. Waxay ahayd gabadhii ugu horreysay ee loo aqoonsado “Miss Somalia” ama gabadha ugu quruxda badan Soomaaliya intii u dhaxeysay 1975–1983, taas oo sumcad ballaaran u horseeday. Xilligaas, waxay si rasmi ah ugu biirtay masraxa fanka, iyadoo si dhaqso ah ugu muuqatay cod gaar ah, qoob ka ciyaar soo jiidasho leh iyo muuqaal dadka ku reebay xusuus aan la ilaabi karin. Safarkii Faneed Qalanjo waxay ahayd fannaanad hormuud ah oo kaalin weyn ku leh casriyeynta muusigga dhaqanka, gaar ahaan qoob ka cayaarka iyo muusigga, waxayna ka mid ahayd tiirarkii dhiirrigeliyay isticmaalka qalab muusig casri ah, taas oo keentay in heesaha dhaqameed loo qaado heer cusub oo ku habboon jiilal badan. Sanadihii 1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii waxaa lagu tilmaamaa xilligii ay ku jirtay heerka ugu sarreeya ee fanka, iyadoo heesaha ay qaaday ay si qoto dheer ugu dhex milmeen qalbiyada dadka Soomaaliyeed. Heesihii Caanka AhaaKhadija Qalanjo waxa ay xasuus gaar ah kaga tagtay heeso badan oo si weyn loogu jecel yahay, oo ay ka mid yihiin: Caashaqa Sal iyo Baar Ragga iyo Haweenkuba Deesha Sharaf Hooyo Soohor Caashaqa (ay la qaaday Xasan Aadan Samatar) Diriyam — hees ay fannaaniinta Itoobiyaanka ahi dib u qaadeen sanadkii 2016, taas oo muujisay in codkeeda iyo farshaxankeeda ay ka gudbeen xuduudaha Soomaaliya. Dhaxalka FankaDhaxalka ay Khadija Qalanjo ka tagtay waa mid muuqda oo weli nool,waxayna ahayd fannaanad astaan u ah isku dhafka dhaqanka iyo casriyeynta. Heesaha ay qaadday waxay xambaarsanaayeen fariimo jacayl, sharaf iyo bulsho-wadaag, halka qaabkeeda masraxa uu dhiirrigelin u noqday jiilal badan oo haween iyo ragba ah. Xusuusteeda iyo dhaxalkeeda faneed ayaa sii noolaan doona, iyadoo bulshada Soomaaliyeed iyo taageerayaasheeda ku xusuusan doonaan codkii macaanaa, hibadii aan la ilaawi karin iyo kaalintii ay ka qaadatay kobcinta iyo ilaalinta dhaqanka. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay shir muhiim ah oo looga hadlayay Isku-xiridda Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha, ayaa sharaxay siyaasadaha maalgashiga ee dowladda iyo fursadaha khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale soo bandhigay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay.Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay ganacsatada Shiinaha in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay soo dhoweyso, isaga oo ku casuumay in ay si toos ah u sahmiyaan fursadaha waaweyn ee dalka ka jira. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay meelaha mudnaanta leh ee iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha, kuwaas oo ay kamid yihiin:Horumarinta tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah,Kobcinta beeraha iyo dhaqaalaha xoolaha, iyo Horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha. Shirka oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha iyo Ismaamulka Gobolka Ningxia, ayaa lagu magacaabay “Shirka Isku-xiridda Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee Ningxia, Waxaana isugu yimid in ka badan boqol shirkadood oo Soomaali iyo Shiinays ah, iyadoo ujeeddadu ahayd in la xoojiyo iskaashiga dhaqaale iyo maalgashi ee labada dhinac, ayna Soomaaliya noqoto xarun muhiim ah oo ganacsiga iyo isku xirka Carabta,Afrika iyo Aasiya. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar oo booqashadiisii ugu horreysay ku yimid dalka. Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyay salaan iyo dhambaal uu ka siday dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Intii uu kulanka socday, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wasiirka la wadaagay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dadaallada socda ee dib u dhiska, horumarinta iyo howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta Daacish iyo Al-Shabaab, isaga oo uga mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Jabuuti hiilka walaalnimo ee ay la garabtaagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed. Sidoo kale, kulanka ayaa la iskula qaatay in la sii xoojiyo xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti ka dhexeeya kaas oo ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi qotodheer, gaar ahaan dhinacyada amniga, iyo arrimaha gobolka. Source: goobjoog.com
-
Xukuumadda Puntland oo go’aan rasmi ah soo saartay ayaa dhammaan kalluumeysada ka mamnuucday jillaabashada, iibinta iyo dhoofinta Aargoosatada, si loo hubiyo in ay helaan fursad ay ku tarmaan. Go’aankan oo ay si wadajir ah u soo saareen wasaaradaha Kalluumeysiga, Degaanka, Amniga, Arrimaha gudaha iyo Ganacsiga Puntland ayay ku sheegeen laga bilaabo 1Sep ilaa 31Dec ee sannadkan 2025 in ay mamnuuc tahay jillaabashada, iibinta iyo dhoofinta Aargoosatada, si loo hubiyo in ay helaan fursad ay ku tartmaan. “Go’aankan ayaa ku qotoma ilaalinta iyo badbaadinta khayraadka dabiiciga ah ee badda Puntland, gaar ahaan Aargoosatada, si loo hubiyo in ay helaan fursad ay ku tarmaan loona sugo waaraanshaha khayraadka kalluumaysiga ee jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka” ayuu u qornaa go’aankan ka soo baxay dowladda Puntland. “Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan kalluumaystayaasha iyo ganacsatada ku hawlan kalluumaysiga, in ay si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarkan iyo xirmaynta lagu dhawaaqay. Waxaa mamnuuc ah kalluumaysiga, iibinta iyo dhoofinta Aargoosatada inta lagu jiro muddada xirmaynta.” “Waxaa la farayaa hay’adaha amniga iyo masuuliyiinta ku shaqada leh kalluumaysiga iyo deegaanka in ay si adag u fuliyaan go’aankan, ayna tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo ku xadgudubta. Dowladda Puntland waxay ku boorrinaysaa muwaadiniinta in ay si wadajir ah uga qaybqaataan ilaalinta khayraadka badda, iyadoo xasuusinaysa in ilaalinta deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ahi ay tahay masuuliyad wadareed” ayuu sii raaciyay qoraalkan. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo mamnuucday jillaabashada, iibinta iyo dhoofinta Aargoosatada appeared first on Puntland Post.
-
Initial work is set to commence on a planned new road linking Djibouti with Somaliland after the African Development Bank (AfDB) published a request for consultancy services on the first phase of the cross-border project In a statement published on the bank’s website, the government of Somaliland said it had received financial assistance from the AfDB for the construction of phase one of the Lowyaddo-Borama road — stretching from Lowyaddo to Zeila, a distance of 30km — as part of a broader highway project known as the Negad-Lowyaddo-Borama road project. The first phase of the project, estimated to cost around US$44mn, is being managed by the Somaliland Roads Development Agency in Hargeisa. Earlier in the year, the AfDB also invited bids from contractors for the upgrading of the road to bituminous standard, including a seven-metre-wide wide carriageway, drainage and other ancillary works. The flexible pavement structure comprises asphalt concrete surfacing, crushed stone base and gravel sub-base. Construction of the first 30-km section of road is expected to take 15 months after initial groundbreaking works. The overall goal, according to the AfDB, is to boost regional integration and trade links between Somaliland and its neighbours in the Horn of Africa and beyond. The bank says the project will also improve transport and communication along the road corridor by reducing travel times and costs, as well as enhancing safety. The new consulting agency to be hired will provide expert assistance to the Somaliland Roads Development Agency in procurement and contract management services as the project advances. Separately, the AfDB is moving ahead with plans for a one-stop border post at Lowyaddo on the Somaliland-Djibouti border again as part of efforts to improve regional communications links and connectivity. Africa review Qaran News
-
FBI-da Maraykanka oo ayaa baadhaysa toogasho ka dhacday iskuul ku yaalla Minneapolis oo ay ku dhinteen 2 caruur ah, 17 kalena ay ku dhaawacmeen. Waa dhacdo lagu tilmaamay dambi nacayb ka dhan ah Catholic-ga, sida ay sheegtay FBI-du. “FBI-du waxay u baadhaysaa toogashadan oo ah fal argagixisanimo gudaha ah iyo dembi nacayb oo ka dhan ah Catholic-ga,” ayaa uu yidhi Agaasimaha FBI-da Kash Patel oo qoraal uu soo dhigay barta X. Labada carruurta ah ee dhintay ayaa da’doodu kala ahayd 8 iyo 10 jir, waxaanay geeriyoodeen markii uu ninka weerarka soo qaaday uu rasaas kaga furay daaqadaha Kaniisad ku taalla magaaladaasi, Subaxnimadii Arbacada xilli ay carruurtu dabaaldegyo samaynayeen. Ninka weerarka geystay oo ku dhintay isla goobta ayaa sheegaya in uu is dilay, ayaa mar dambe booliisku waxay magaciisa ku sheegeen Robin Westman oo 23 jir ah. Baadari Leo XIV, oo ah baadarigii ugu horeeyay ee Maraykan ah ayaa ka mid ahaa dadka tacsida u diray eheellada dadkii dhacdadaasi ku waxyeeloobay, isagoo sheegay in uu aad uga xun yahay weerarka dhacay. Bbcsomali Qaran News
-
Mileeshiyaad hubaysan oo wata gaadiid dagaal ayaa saaka qabsaday wadada u dhexaysa Amal Banka iyo saldhiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Mileeshiyaadkan xirtay wadada saldhiga Gaalkacyo ayaa la sheegay in maxkamadda derejada kowaad ee degmada Gaalkacyo u qortay warqad fulin ah oo ay ku dhistaan dhul bannaan oo ku yaalla wajahda hore ee Amal Bank, balse dowladda hoose ee Gaalkacyo diiday amarkaasi maxkamadeed. Dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa ku doodaysa in dhulka bannaan ee ku yaalla wajahda hore ee Amal Bank uu yahay dhul dowladeed oo baakin ah, halka maxkamadda derejada kowaad u xukuntay in ay dhistaan raggan hubaysan oo sheeganaya in ay meesha deganaayeen ilaa sannadkii 1998. Sida wararku sheegayaan go’aannada isdiidan ee dowladda ayaa sababay in raggii maxkamaddu u xukuntay dhulka oo hubaysan qabsadaan halkaasi oo ay doonayaan in ay xoog ku dhistaan, maadaaama ay haystaan warqad fulin maxkamadeed oo sharci ah, inkastoo dowladda hoose diiday go’aankaasi. PUNTLAND POST The post Puntland: Rag hubaysan oo xoog ku qabsaday waddo muhiim ah oo ku taalla magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada difaaca Puntland ayaa saaka soo bandhigay keyd dhan oo hubka noocyadiisa kala duwan ah, kuwaasi oo ku qarsoona godad dhulka hoostiisa, islamarkaana shalay ciidamadu heleen. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay heleen keydkii hubka mileeshiyaadka Daacish ee togga Baallade, halkaasi oo ay ka soo saaraan hub iyo saanad ciidan oo tiro badan, oo ay ku jiraan nooc kasta qoryaha lagu dagaallamo ah gaar ahaanna kuwa fudud ee garbaha lagu qaato. Ciidamada oo hawlgal ka sameeyay gudaha togga weyn ee Baallade ayaa gacanta ku dhigay hubkaasi tirada badan, waxaana ay halkaasi ku dileen xubno ka tirsan argagixisadii Daacish oo ilaalo u ahayd keydkii hubka ee kooxda, sidan ka xigannay saraakiisha hoggaaminaysa Hawlgalka Calmiskaad. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo soo bandhigay keydkii hubka Daacish oo ay gacanta ku dhigeen ciidanku appeared first on Puntland Post.