-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) oo ka dhacay Magaalada Muqdisho 6–7 May 2025 ayaa noqday mid muhiim u ah dib-u-habaynta siyaasadeed, amni, iyo hannaanka dowlad-dhisidda ee Soomaaliya. Shirkan oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo wada-tashiga siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka. Waxaa sidoo kale lagu lafo-guray arrimo la xiriira amniga qaranka, geeddi-socodka doorashooyinka, iyo horumarinta nidaamka federaalka. 1. Warbixin GWQ waxa uu warbixino faahfaahsan ka dhagaystay: a. La-taliyaha Amniga Qaranka oo golaha uga waramay xaalada dagaalka lagula jiro argagixisada iyo qorshaha looga nadiifinayo goobaha ay dhawaanahan xasilooni darada ka wadeen. b. Gudoomiyaha Guddiga Doorashada oo si faahfaahsan uga warbixiyay habsami u-socodka diiwaangelinta cod bixiyeyaasha, iyo diyaargarowga guud ee ka billaabmay Gobolka Banaadir. 2. Bogaadin a. GWQ waxa uu u hambalyeeyay geesiyada ciidamada qaranka iyo xoogagga difaaca bulshada guulaha ay ka gaareen la dagaalanka argagixisada. Sidoo kale wuxuu bogaadiyay sida ay dowladda federaalka u maaraysay qaab-dhismeedka iyo hawsha shaqo ee Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM. b. Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyay habsami u socodka howlaha diiwaangelinta dadweynaha ee ka bilaabatay Gobolka Banaadir, wuxuuna ku dhiirrigeliyay in la gaarsiiyo deegaanada dowlad-goboleedyada dalka. 3. Go’aamada Shirka In la wada qaato mas’uuliyadda la dagaalanka argagixisada lana garab istaago ciidamada qaranka. In la adkeeyo ixtiraamka hay’adaha dastuuriga ah ee dalka si loo xoojiyo nidaamka dowladeed. In dowlad-goboleedyadu kala shaqeeyaan guddiga doorashada dardargelinta iyo baahinta diiwaangelinta dadweynaha. In la soo dhaweeyo nidaamka xisbiyada badan, lana dhiirrigeliyo kooxaha daneeya siyaasadda inay is diiwaangeliyaan. In la dardargeliyo wada-tashiga siyaasiyiinta iyo waxgaradka si loogu midoobo la dagaalanka argagixisada, dimuqraadiyadda, iyo dib-u-dhiska dalka. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib-u-heshiisiinta ay keento talo iyo soo-jeedin la xiriirta xaalada Maamul Goboleedka Jubaland si waafaqsan dastuurka. In SSC-Khaatumo si rasmi ah loogu aqoonsado xubin ka tirsan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, laguna dhammeystiro shirweynaha la qorsheeyay iyadoo la raacayo dastuurka dalka. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Warsaxaafadeed soo saaray ayaa Madaxweynaha dalka, Xasan Sheekh Maxamuud wuxu ku eedeeyay”Burburinta Madasha Wadatashiga Qaranka iyo qorshaha xukun-maroorsiga ah ee uu ku doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu Madasha u beddelo xisbi isaga u gaar ah waxay khatar ku tahay midnimada iyo xasilloonida dalka, waxayna dib u dhigaysaa dowlad-dhiska iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.” “Waxaan sida ugu adag u cambaareynayaa damaca gurracan ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku doonayo qabsashada doorasho hal dhinac ah, isaga oo adeegsanaya guddi doorasho oo aan haysan wax sharciyad ah, loona marin dhismihiisa habraacyadii dastuurka iyo shuruucda kale ee heshiiska lagu ahaa, taas oo caddeyn u ah in Madaxda dowladdu rabaan oo kaliya qabashada doorasho hal dhinac ah” ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo. Wuxuu sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in muddada kooban ee ka hartay muddo xileedkiisa dastuuriga ah aanu dalka gelin xaalad halis ah oo dhaawacaysa dowladnimada iyo wadajirka, mudnaantana siiyo shaqada qaran ee laga sugayey ee ka hortagga khatarta argagixisada, raadinta dowlad-goboleedyada ka maqan Madasha iyo qabashada gogosha uu ballanqaaday ee Wadatashiga Qaran. Madaxweyne hore Farmaajo wuxu sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada hadda qeybta ka ah shirarka Villa Soomaaliya, ee Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, SSC-Khaatumo iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ugu baaqay in ay garowsadaan in waajib ka saaran yahay maslaxadda guud ee dalka iyo hannaan siyaasaddeed oo loo dhan yahay, ayna ka fiirsadaan ka mid noqoshada hanaan siyaasadeed iyo xisbiyo aan ku dhisneyn shuruuc la isla ogol yahay, taas oo dalka u horseedi karta kala tag siyaasadeed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne hore Farmaajo oo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu isku diyaarinayo doorasho hal dhinac ah oo uu xukunka ku sii joogo appeared first on Puntland Post.
-
Xilli xiisadda dalalka Hindiya iyo Pakistan ay cirka isku sii shareerayso, islamarkaana labada dhinac ay dhowaan duqeymo cirka ah is waydaarsadeen ayaa umuurtaasi waxay saameyn ku yeelatay isku socodka duullimaadyada gobolka. Dhawr shirkadood oo diyaaradeed oo qaar Aasiya ka howlgala ayaa sheegay inay baajiyeen duullimaadyadii aadi jiray ama uga iman jiray Yurub sababo la xariira dagaalka u dhexeeya Hindiya iyo Pakistan. Hindiya ayaa saacado ka hor weerartay magaalooyin ku yaalla gudaha Pakistan iyo deegaanno ka tirsan dhulka Kashmir, qeybta ay Pakistan maamusho, waxayna weerarradaasi sababeen dhimashada in ka badan 26 qof iyo dhaawac ku dhowaad 50 kale. Pakistan dhankeeda waxay sheegtay inay soo ridday shan diyaaradood oo ay leedahay Hindiya, ayadoo kale burburisay saldhigyo militari oo ku yaalla gudaha dalkaas, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Pakistan. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa weerarka Hindiya ku qaaday Pakistan ku tilmaamay fal ceeb ah, ayadoo Xoghayihiisa arrimaha dibadduna uu wada-hadal degdeg ah la yeeshay masuuliyiin qaabilsan arrimaha hubka Nuclear-ka ee Mareykanka. Source: goobjoog.com
-
Taliska ciidamada difaaca Puntland oo aan la xiriirnay ayaa xaqiijiyay wararka ku saabsan in markii u horraysay Puntland soo iibsatay diyaarado qaabilsan fulinta duqeymaha cirka. Saraakiil sare oo ka tirsan Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa xaqiijiyay in dowladdu soo iibsatay diyaarado dagaal oo casri ah, kuwaasi oo qaabilsan fulinta duqeymaha cirka, islamarkaana qeyb ka noqon doona hawlgalka burburinta kooxaha argagixisada ah ee Calmiskaad iyo Calmadow Saraakiisha ciidamada Puntland, waxay sheegeen in afar diyaaradood oo nooca dagaalka ah dowladdu ka soo iibsatay dal aan la magacaabin, kuwaasi oo laba kamid ah la keenay magaalada Boosaaso, si ay qeyb uga noqdaan dhammaystirka hawlgalka Calmiskaad iyo bilowga hawlgalka xiga ee buuraha Calmadow. Mareykanka iyo Imaaraatiga Carbeed oo si weyn u garab istaagay dagaalka Puntland ku qaaday kooxaha argagixisada ah ayaan la ogayn doorka ay ku lee yihiin diyaaradaha dagaalka ee Puntland soo iibsatay, oo aan faahfaahin badan laga helin. PUNTLAND POST The post Puntland oo xaqiijisay in ay diyaarado dagaal ka soo iibsatay dal aysan magacaabin appeared first on Puntland Post.
-
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya ayaa laba Heshiis Is-Afgarad (MOU) oo gaar ah la saxiixatay Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia (MCMC) iyo Hay’adda Amniga Internetka ee Malaysia (CyberSecurity Malaysia). Heshiisyadan ayaa xoojinaaya iskaashi dhinacyo badan leh oo ku saabsan maamulka dhijitaalka, wadashaqeynta farsamo iyo kobcinta amniga internetka. Heshiiska ugu horreeya oo lala saxiixday Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia ayaa diiradda saaraya iskaashi ku wajahan arrimo la xiriira: Xeernidaamiyeyaasha iyo qaab-dhismeedka farsamada ee 5G, isweydaarsiga siyaasadaha maamulka isgaarsiinta, iyo barnaamijyo tababaro gaaban iyo khibrad is-dhaafsi oo lagu xoojinayo awoodda hay’adaha; Heshiiskan ayaa waxa uu saldhig u noqonayaa iskaashi ballaaran oo ku aaddan la wadaagga waayo-aragnimada maamulka isgaarsiinta iyo horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah. Heshiiska labaad oo lala saxiixday Hay’adda Amniga Internet ka Malaysia (CyberSecurity Malaysia) ayaa lagu qeexay iskaashi wadajir ah oo lagu wajahayo caqabadaha guud ee dhinaca amniga internetka, gaar ahaan qodobo la xiriira ka hortagga iyo ka jawaabista weerarrada internetka, isdhaafsiga xogta khatarta ah iyo isbeddellada amniga Teknoolojiyadda, iskaashi ku saabsan diblomaasiyadda internetka, iyo in Dalkeena uu qeyb ka noqdo barnaamijka caalamiga ah ee tababarada ee Global ACE. Guddoomiyaha Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia, YBhg. Tan Sri Maxamed Salim bin Faatix Din, ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee dhanka horumarinta xeernidaamiyeyaasha, isagoo ku tilmaamay heshiiskan inuu yahay madal lagu dardargelin karo isweydaarsiga aqoonta iyo iskaashiga farsamo. Dhanka kale, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, ayaa sheegay in heshiiskan uu ku soo beegmay xilli muhiim ah isla markaana uu door weyn ka ciyaari doono kobcinta xirfadaha howlwadeennada Hay’adda iyo dardargelinta isbeddelka dhijitaalka ee dalka. Sidoo kale, intii ay socotay munaasabadda saxiixa heshiiska la galay Hay’adda Amniga Internet ka Malaysia, Madaxa Fulinta ee hay’adda, Dato’ Ts. Dr. Haji Amirudiin Bin Cabdul Wahab, ayaa ku tilmaamay iskaashigan fursad muhiim u ah in la xoojiyo adkeysiga wadajirka ah ee ka dhanka ah khataraha cusub ee internet ka. Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa uga mahadceliyay doorkooda aqooneed iyo diyaar garowgooda wadashaqeyn, isagoo xusay in iskaashiga noocan ahi uu udub dhexaad u yahay dhisidda awoodda amniga internetka ee Soomaaliya. Heshiisyada waxaa u kala saxiixday Maareeyaha Guud ee HIQ, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, iyo YBhg. Tan Sri Maxamed Saalim bin Faatix Diin, Guddoomiyaha Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia. Halka Dato’ Ts. Dr. Xaaji Amiirudiin Bin Cabdul Wahaab, Madaxa Fulinta ee Hay’adda Amniga Internet ka Malaysia, uu saxiixay heshiiska dhinaca amniga internetka. Source: goobjoog.com
-
Hindiya ayaa saacado ka hor weerar bartilmaameedyo ku yaalla gudaha dalka Pakistan, ayadoo sheegtay inay beegsaday xurumo ay lahaayeen kooxo ka dagaallama gobolka Kashmir, islamarkaana ay taageerto dowladda Pakistan. Duqeymaha Hindiya ay ka geysatay gobollada Kotli, Bahawalpur’s Ahmedpur, Bagh, Muzaffarabad, iyo Muridke ayaa sababay geerida ugu yaraan 8 qof, halka 35 kalena ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Pakistan oo lagu magacaabo Janeraal Ahmed Sharif Chaudhry. Dhanka kale militariga Pakistan oo tillaabadan ka jawaabaya ayaa soo riday 5 diyaaradood oo ay leeyihiin ciidamada Hindiya, ayagoo sidoo kale duqeyn ku burburiyay mid kamida saldhigyada ciidanka lugta Hindiya, sida uu sheegay TV-ga dowladda Pakistan. Labada dhinac oo maalmihii la soo dhaafay hanjabaado culus hawada isku marinayay ayaa hadda u muuqda inay billaabeen gacan ka hadal militari, waxaana walaac laga muujinayaa in xiisadda dalalka awoodda Nuclear-ka ku gaashaamani ay horseedo dagaal ku faafa gobolka iyo dunidoo dhan. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka gaashasndhigga, iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo kala duwan la yeeshay Taliyaha ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM, Jeneraal Michael E. Langley oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulamo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jeneraal Michael E. Langley, kala hadlay xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, ayadoo sidoo kale kulankooda diiradda ku saaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Alshabaab. Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimadda taageerada joogtada ah ee dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah. Ciidanka AFRICOM ayaa kaalin weyn ku leh dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo Daacish, ayagoo duqeymo cirka ah ku taageera ciidanka xoogga dalka, kuwa Daraawiishta dowlad goboleedyada, iyo xoogagga deegaanka ee macawiisleyda. Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne Deni wuxuu sheegay inuu qabanayo shir lagu badbaadinayo Soomaaliya. Garoowe (Faallo) — Shalay Guddoomiyha Golaha Guurtida ee maamulka goosashodoonka ah la magaxbaxay Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan wuxuu sheegay in dowladda federaalka aan laga maarmin iyo in maamulka Sool, Sanaag, Cayn iyo Khaatumo uu ka mid noqday maamullada ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Saleebaan wuxuu dul istaagay saameynta ay dowladda federaalku leedahay, waana saameyn uu maamulka Puntland yaraysto. Dhowr tallaabo oo dowladda federaalka Soomaaliya qaadday ayaa si ba’an u saameeyay Hargeysa: xannibaadda lagu soo rogay ergada dibloomisiyiinta ee Taiwan oo aan raaci karin diyaarad u soo socota Soomaaliya; ganacsade gaar ah oo loo xilsaaray dhoofinta xoolaha. Muddo 13 sano ah dowladda federaalka Soomaaliya saameyn weyn ayay ku leedahay sida ay Puntland u dhisan tahay. Sanadkii 2012kii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dooday in maamulkii kowaad ee Khaatumo uu metelaad federaal yeesho. Shir ka dhacay Nayroobi Juunyo 2012kii ayaa xildhibaannadii siddeeda ahaa loo kala qeybiyay sidan: 5 Khaatumo soo xusho; seddex ay Puntland soo xusho. Habkaas wuxuu meesha ka baxay 2016kii, markuu uu Madaxweynihii Puntland Cabdiweli Gaas uu shuruudaha uu ku aqbalayo hab doorasho dadban ay Puntladn ka qeybgasho ay ka mid noqoto in Puntland soo wada magacawdo xildhibaanndda si waafaqsan Cahdigii Puntland lagu dhisay 1998kii. Meeshaas waxaa ka baxay metelaaddii heer federaal ee Khaatumo lahayd. Sanadkii 2016kii dhulka maamulka SSCK badankiis wuxuu ku jiray gacanta goosasho-doonka; ma jirin siyaasad dadka SSCK ku mideysnaayeen. Ma dhicin dagaal saameyn weyn oo siyaasadeed Geeska Afrika ku yeeshay, dagaalkii Goojacadde ee 2023kii. Sanadkii 2022kii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu adeegsaday xeerkii Deegaan Doorasho uu Gaas dejiyay 2016kii. Deni xildhibbaannada isaga ayaa soo xushay si uu ugu tartamo doorashadii dhacday 2022kii. Sanadkan 2025kii dowladda federaalka Soomaaliya waxay u aqoonsataay SSCK maamul xubin federaal oo ka taliya dhulkiisa. Puntland hore ayay u aqoonsatay maamulka SSCK , hase ahaatee Deni dhowaan wuu dhibsaday aqoonsiga SSCK heshay. Odayaasha SSCK waxay 2023kii keeneen xal Puntland ka badbaadiyay colaad kaddi markii ay ku taliyeen in habkii 66ka xildhibaan lagu noqdo maadaama habka doorasho qof iyo cod aan la isku raacsanayn Puntland. Maxaa sababay in maamulka goosasho-doonka xildhibaannada metela ay Muqdihso kaga awood-bataan maamulka Puntland oo ah maamul loo asaasay ilaalinta midnimada Soomaaliya? Puntland weli ma helin hoggaamiye si wanaagsan ugu adeega dadka Puntland. Awoodda siyaasadda, maaliyadda iyo sharcidejinta oo ku wada jirta gacanta madaxweynaha talada muddo xileed kasta Puntland haya ayaa keentay in Puntland siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan hoos u dhac weyn uu ku yimid. Iyada oo ka kooban lix gobol ayay la wood noqotay Galmudug. Cahdigii Puntland lagu asaasay 1998kii wuu burburay. Puntland ma soo saarin hoggaamiyayaal xaqa dadka Puntland ku leeyihiin dowladda federaalka u soo dhiciya. Shalay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Lugatoor wuxuu dadka ku boorriyay inay isku tashadaan maadaama Puntland aysan heli doonin deeqihii ay heli jirtay. Waa talo la mid ah taladii uu Wasiirka Arrimmaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) uu soo jeediyay dadka Puntland sanadkii hore: dhaqaale xumo baahsan ayaa soo socota, guntiga giijista! Lacagaha Puntland uga soo xerooda maraakiibta kalluumeysiga ee shirkadaha shisheeyuhu leeyihiin waxay ku dhacaan jeebabka dhowr qof; Puntland ma laha hantidhowr madaxbannaan’ waa sabab ka mid ah sababaha Puntland ula gorgortami la’dahay dowladda federaalka Soomaaliya oo xubin ka ah Guddiga Maamulka Maaliyadda (Financial Governance Committee). Puntland sida maamulka goosashodoonka uma qareemin hab si gaar ah deeqaha loogu siinayo. Waxay ku qanacday in dowladda federaalka Soomaaliya noqoto meesha deeqaha la soo mariyo, waa mowqif qiraya in dalku leeyahay dowlad la aqoonsan yahay oo ay la macaamilaan deeq-bixiyayaashu. Maanta Puntland waxay bannaanka ka taagan tahay dowlad-dhisidda Soomaaliya oo ay maal iyo waqti Punland u hurtay. Madaxweyne Deni marnaba ma sheegin sababta Puntland u heli weysay deeqihii kala duwanaa ay xaqa u lahayd. Ka bixitaanka Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu u ekeysiiyay Puntland maamul ka baxay heshiisyadii uu galay. Kaalinta mucaaradka Puntland wuu ka gaabinayaa sidii la filayay inkastoo dhowaan Madasha Siyaasadda ee Puntland ay soo jeedisay in shir dib loogu yagleelayo Puntland la iskugu yimaado maadaama SSCK noqotay maamul madaxbannaan. Axmed Ciise Cawad, Wasiirkii hore ee Arrimmaha Dibedda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya wuxuu maanta sheegay in Somaliland ka maqan tahay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ka socda Muqdisho. Goorma ayuu maamulka goosasho-doonka ahi ka qeybgalay shir la mid ah shirka hadda ka socda Muqdisho? Maamulkaas metelaad siyaasadeed wuu ku leeyahay hay’adaha federaalka. Waxaa shirka maanta u fadhiyay Saalax Jaamac, Ra’iisal Wasaaraha Ku Xigeenka Soomaaliya. Labaatan sano ka hor, Puntland waxay ahayd horseedka dowlad dhisidda Soomaaliya iyo ilaaliyaha midnimada Soomaaliya. Is martiyeyn siyaasadeed baa dhigtay Puntland meesha ay maanta taallo. Waa in siyaasiyiinta Puntland si dhab ah isula xisaabtamaan si loo helo xaqa siyaasadeed iyo dhaqaale ka maqan dadka Puntland. Puntland inta aysan abaabulin waxa Madaxweyne Deni ku tilmaamay shir lagu badbaadinayo Soomaaliya, waa inay si dhab ah u wada tashato si loo helo awood siyaasadeed oo lagala xisaabtami karo go’aammada siyaasadeed oo sida xun u saameeya dadka Puntland. © Puntland Post, 2025 The post Puntland Waxay U Baahan Tahay Shir Wadatashi Dhexdeeda appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu wehelinayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashi ha Caalamiga ah Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa maanta Xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dawladda Itoobiya u fadhiya Somaliland, Mudane Teshome Shunde Hamito. Labada dhinac waxa ay caddeeyeen in ay ka go’an tahay sii xoojinta arrimaha diblomaasiyadda iyo joogtaynta kulanno wax tar u leh labada dhinacba. Ugu dambayntii, labada dhinac waxa kale oo ay ka wada hadleen in laga wada shaqeeyo arrimaha xagga socdaalka iyo isu-socodka bulshada. Kulanku waxa uu ku soo gabagaboobay guul iyo is-afgarad. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
Somaliland,UK ink MoU to strengthen statistical systems Somaliland’s Ministry of Planning and National Development has signed a Memorandum of Understanding (MoU) with the United Kingdom’s Office for National Statistics (ONS), in a step toward strengthening Somaliland’s statistical infrastructure. The agreement focuses on collaboration in statistical development, data governance, and capacity-building. It outlines a shared commitment to improving data production, collection, analysis, and dissemination, while promoting knowledge exchange and technical support. As part of the initiative, training programs will be introduced to equip staff from Somaliland’s Statistics Department with the skills needed to meet international standards. “This partnership represents a significant milestone in our journey to build a modern, evidence-based policy environment,” said a spokesperson from the Ministry. “By working with the UK ONS, we hope to develop a resilient statistical system that meets both local needs and global benchmarks.” Horndiplomat Qaran News
-
Wasiir ku-xigeenka Beeraha JSL Oo Soo Xidhay Tababbar 3 Maalmood Ka Socday Xarunta Dhexe Ee Wasaaradda Beeraha Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Beeraha JSL Mukhtaar Xaaji Muxumed Faara, ayaa soo xidhay Tababbar xarunta Wasaaradda Beeraha ee Hargeysa ka socday saddexdii maalmood ee u dambeeyay. Tababbarkan oo ay ka qayb-qaateen madax-qaybeedyada waaxaha kala duwan ee Wasaaradda Beeraha, ayaa ku saabsanaa hawl-gelinta siyaasadda sugidda cuntada (Food Security Policy Operationalization) oo dhawaan la soo gunaanaday. Xidhitaanka Tababbarka waxa ugu horrayn ka hadlay Xidhiidhiyaha (Project Coordinator) Mr. C/Qani Xasan Cabdi, waxa uu ugu horaytii u mahad-celiyay madaxda wasaaradda horumarinta beeraha ugu horeeyo wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta beeraha oo si wanaagsan ula socday marxaladihii ay soo martay siyaasadda sugidda cuntadu Xidhiidhiyuhu wuxuu kula dardaarmay ka qayb-galeyaashu in aqoonta ay ka heleen Tababbarka inay u gudbiyaan hawl-wadeenada aan fursadda u helin inay ka qayb-qaataan. Cabdiqani Xasan waxa kale oo uu sheegay in Hay’adda WFP oo Wasaaradda Beeraha ka taageertay mashruucani aanay halkaa kaga hadhayn, balse ay dedaalkeeda sii wadayso illaa inta siyaasadda sugidda cuntada qaran ahaan loo dhaqan-gelinayo. Munaasibadda Tababbarka lagu soo xidhay oo ay sidoo kale ka hadleen Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee gobolka Maroodi-Jeex Khadar Maxamed Ibraahim, Cabdirisaaq Sheekh Muxumed Gaboobe oo ka mid ah khuburrada Wasaaradda Beeraha ee siyaasaddan ka qayb-qaatay, ayaa waxa soo gunaanaday Wasiir ku-xigeenka Beeraha Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax. Wasiir Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax, ayaa xidhiidhiyaha Mashruuca Cabdiqani Xasan ku bogaadiyey dedaalka iyo wakhtiga uu galiyey hirgelinta siyaasadda sugidda cuntada Wasiir ku-xigeenku waxa uu kula dardaarmay xubnaha ka qayb-galay inay aqoonta ay barteen ay Wasaaradda Beeraha iyo guud ahaan Qaranka ugu adeegaan. Ugu dambayn, Wasiir ku-xigeenka ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey ka qayb-galayaashii Tababbarka, halka xidhiidhiyaha mashruuca Cabdiqani Xasan uu shahaado mahad-celin ah guddoonsiiyey Wasiir ku-xigeenka Beeraha Prof. Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax. Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Qaran News
-
Magaalada Muqdisho waxaa galinkii dambe ee maanta shir uga furmay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada. Shirkan oo qeyb ka ah gogoshii uu fidiyay Madaxwayne Xasan Sheekh waxaa ka soo qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 1-aad Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac, madaxda Dowlad-goboleedyada; Koonfur-galbeed Cabdacasiis Xasan Maxamed, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen, Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-cali iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Amiir. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia, shirkan waxaa looga arrinsanaya xaaladda dalka, dagaalka argagixisada, dhammaystirka dastuurka & hannaanka dimuqraadiyada, dib u dhiska ciidamada iyo horumarinta dowladnimada. Shirka waxaa ka maqan madaxda Puntland iyo Jubaland. Puntland ayaa horay u sheegtay in aysan ka qaybgalayn shirka, halka Jubaland aan lagu casumin. PUNTLAND POST The post Shir qaran loo dhammayn oo ka furmay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
AQO8TtXKrveRjAjn_wITeCwHOrWVwAwA1M6AJlK8tRFJxXy4X1nCcyIPUUTq0XsQI4uTJOTFG8dSqMjabniDH1CW Tirada ilaa hada ku dhimatay roobkaasi waa 4 qof oo laba caruur ay yihiin labada caruurta ah ayaa saaka iyagu ku naf waayay dooxa ka danbeeya iskuula Kuwaitiga ee bariga Hargeysa iyaga oo ku socda iskuulka Xaga labada qof ee kale uu iyaga iyo gaadhigii ay wateenba dhuftay kadib markii ay is yidhaahdeen ka talaaba Laag yar oo aad u rogmanaysa. Qaran News
-
Dowladda Puntland oo go’aanno ka soo saartay amniga Garoowe ayaa sheegtay in ay ciidamo soo galinayso caasimadda, si ay hub ka dhigis ugu sameeyaan guud ahaan magaalada. Guddiga amniga gobolka Nugaal oo maanta shir ku yeeshay Garoowe ayaa shaaciyay in ay ciidamo soo galinayaan Garoowe, si loo dardar geliyo sugidda ammaanka oo siday sheegeen habacsanaan ka jirto dhawaanahan, kaddib markii todobaadkan laba nin lagu dilay bartamaha magaalada. Guddoomiyaha gobolka Nugaal G/sare, Cabdiraxmaan Xaaji Abshir Faarax oo warbaahinta la wadaagay go’aannada ka soo baxay dardar gelinta ammaanka Garoowe ayaa sheegay in hawlgalkaasi lagu beegsan doono dhammaan cid kasta oo hub ku dhex sidata magaalada, gaar ahaanna kooxaha hubaysan ee ka ganacsada maandooriyaha Khamriga iyo Xashiishka. “Ciidan baa magaalada soo gali doona amniga xaqiijinaya oo hubka dhigis ku samaynaya dhammaan cid kasta oo hub ku dhex sidata caasimadda, gaar ahaanna kuwa Khamriga iyo Xashiishka caadaystay ee waayadan danbe dib madaxa u soo qaaday” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir Faarax. Sidoo kale, wuxuu faahfaahin ka bixiyay dilkii todobaadkan Garoowe ka dhacay, waxaana uu sheegay in baaritaan kaddib si rasmi ah loo aqoonsaday gacan-ku-dhiiglayaashii dilka fuliyay, islamarkaana xabsiga la dhigay oo dhawaan sharciga loo gudbin doono. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay Garoowe soo galinayso ciidamo hub ka dhigis ku sameeya guud ahaan magaalada appeared first on Puntland Post.
-
Algiers (HOL) — The Algerian government has pledged to support Somalia in its fight against terrorism, offering to share its extensive experience in counterinsurgency during a high-level meeting between Algerian Parliament Speaker Ibrahim Boughali and Somali Lower House Speaker Sheikh Aden Mohamed Nur (Aden Madoobe) in Algiers. Source: Hiiraan Online
-
Garowe (HOL) — Puntland military forces stationed along key frontlines in the Calmadow mountain range have withdrawn from their positions in Galgala, Afurur, and Bali-Khadar and regrouped in the Cowsane area of Sanaag region, citing dissatisfaction with political leadership and financial grievances. Source: Hiiraan Online
-
Kenya’s President William Ruto fended off a shoe thrown at him during a speech about the cost of living which has been a source of public anger, videos shared on social media showed. Source: Hiiraan Online
-
Jobless builders in Galkayo blame hiring of foreign workers
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Unemployment in the construction sector in Galkayo, in central Somalia’s Mudug region, is causing families who were once stable to move into displacement camps as they can no longer support themselves. Source: Hiiraan Online -
Ciidamo ka tirsan Puntland oo sheegay in ay mushaar la’aan ka gadoodsan yihiin ayaa ka soo baxay degaanka Af-Urur oo dhaca silsiladda buuraha Golis, gaar ahaanna Calmadow. Qaar kamid ah ciidamadii ku sugnaa difaaca degaanka Af-Urur ee gobolka Bari ayaa soo banneeyay halkaasi, waxaana ay sheegeen in ay ka cabanayaan mushaar kaga maqan dowladda Puntland, islamarkaana ay dalbanayaan in si deg deg ah loogu fasaxo mushaarka iyo xuquuqda Ciidan ee ka maqan. Saraakiil hoggaaminaysa ciidankaasi gadoodsan oo cod soo duubay ayaa sheegay in aysan wax mushaar iyo xuquuq ah qaadan mudda dhawr bilood ah, taasina sababtay in ay ka soo baxaan difaacii hore ee degaanka Af-Urur ee buuraha Calmadow. PUNTLAND POST The post Ciidamo ka tirsan Puntland oo mushaar la’aan uga soo baxay difaacii degaanka Af-Urur ee buuraha Calmadow appeared first on Puntland Post.
-
Ruushka ayaa sheegay in Ukraine ay qaaday weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), oo lagu bartilmaameedsaday magaalada Moscow habeenkii xalay – taasoo noqoneysa habeenkii labaad oo isku xiga oo weerar noocan ah la fuliyo. Hay’adda duulista hawada ee Ruushka, Rosaviatsia, ayaa ku sheegtay barteeda Telegram in afarta garoon diyaaradeed ee waaweyn ee caasimadda Moscow si ku-meel-gaar ah loo xiray si loo hubiyo bad-qabka dadka garoomadaasi adeegsanaya. Duqa magaalada Moscow, Sergei Sobyanin, ayaa ku sheegay baraha bulshada in ugu yaraan 19 diyaaradood oo drones ah oo laga soo direy Ukraine la burburiyey kahor inta aysan magaalada gaarin, iyagoo ka imaanayey jihooyin kala duwan. Wuxuu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah burburka diyaaradaha ay ku dhaceen mid ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada soo gala, balse aysan jirin wax khasaare ah oo nafeed. Marka laga reebo Moscow, guddoomiyeyaasha gobollada kale ee Ruushka sida Penza iyo Voronezh ayaa la sheegayaa in lagu weeraray drones habeenkii Isniinta ilaa xalay. Warar aan la xaqiijin oo ay baahiyeen milatariga Ruushka ayaa sheegay in daaqadaha guri ku yaalla koonfurta Moscow ay burbureen kadib weerarka. Tani waa habeenkii labaad oo xiriir ah oo Ruushka uu sheegayo in Ukraine ay qaaday weerar drone ah – Isniintii, wasaaradda difaaca Ruushka ayaa sheegtay inay burburiyeen 26 diyaaradood oo drones ah oo Ukraine leedahay. Tan iyo markii Ruushku si buuxda u bilaabay duullaanka Ukraine saddex sano ka hor, Kyiv waxay dhowr jeer ku qaaday Moscow weerarro drone ah. Xigashada Sawirka,Reuters Qoraalka sawirka,Bishii Abriil, Moscow waxay sheegtay in ay dib ula wareegtay gacan ku haynta guud ahaan gobolka Kursk. Arrintan ayaa timid kaddib warbixino Isniintii la helay oo sheegayay in Ukraine ay markale isku dayday inay soo gasho gobolka Kursk ee Ruushka. Kyiv ayaa sheegtay in ay Axaddii beegsadeen unug xukuma diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) oo ku sugan gobolka Kursk, meel u dhow tuulada Ruushka ka tirsan ee Tyotkino, sida uu sheegay taliska guud ee Ukraine. Bishii Abriil, Moscow waxay sheegtay in ay dib ula wareegtay gacan ku haynta guud ahaan gobolka Kursk, sagaal bilood kadib markii ciidamada Ukraine ay si lama filaan ah u galeen gobolkaas. Hase yeeshee Kyiv ayaa ku adkeysanaysa in ay wali ciidamo ka hawlgalaan gudaha xadka Ruushka. Sidoo kale gobolka Kursk, mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in xarun koronto oo ku taalla magaalada Rylsk ay korontadu ka go’day Isniintii kadib markii ay waxyeello kasoo gaartay weerar ay Ukraine geysatay. Laba matoor oo ka mid ah kuwa xaruntaas ayaa la waxyeelleeyay, sida uu sheegay guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee gobolka Kursk, Alexander Khinshtein, oo warkaan ku baahiyay bartiisa Telegram. Wuxuu intaas ku daray in laba dhallinyaro ah ay ku dhaawacmeen qaraxa, kadib markii uu heleelay firir. Milatariga Ruushka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Ukraine ay isku dayeen in ay galaan tuulada Tyotkino, iyagoo baahiyay sawirro aaney weli xaqiijin BBC –du oo muujinaya baabuurro jebinaya xayndaabyadii taangiyada ee xadka la dhigay. Isniintii, sida ay sheegeen, ciidamada Ukraine gantaallo ayaa lagu tuuray xadka waxayna adeegsadeen gawaari khaas ah si ay uga gudbaan meelaha miinooyinka lagu aasay. “Cadowgu wuxuu habeenkii ku qarxiyay buundooyinka gantaallo, wuxuuna aroortii ku qaaday weerar kooxo gaashaaman ah,” ayuu yiri mid k amid ah milatariga Ukarine, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. “Baabuurta miino-baarista ayaa bilowday inay jid ka sameeyaan meelaha miinooyinka lagu aasay, waxaana daba socday gaadiid dagaal oo ciidamo wada. Dagaal culus ayaa ka socda xadka.” Bayaan ay Ukraine soo saartay Isniintii ayaa lagu yiri: “Sagaal bilood kadib markii ay billowday hawlgalka Kursk, Ciidamada Difaaca ee Ukraine waxay weli joogaan iyagoo milatari ah ku gobolka Kursk ee Ruushka.” Inkasta oo aysan jirin wax war rasmi ah oo kasoo baxay Moscow, haddana milatariga ayaa baahiyay khariirado muujinaya in labada dhinac ay isku dayayaan inay xadka kasoo gudbaan laba meelood oo u dhow Tyotkino – halkaas oo fadhiisin u ahayd unugga drones-ka ka shaqeeya ee la beegsaday. Dhinaca kale, magaalada Sumy – oo qiyaastii 12-kiiloo mitir u jirta xadka Tyotkino ee waqooyi-bari Ukraine – ayaa mas’uuliyiinta deegaanka ugu baaqay dadka inay ka baxaan laba tuulo, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Reuters. Ukraine waxay markii ugu horreysay weerarkan lama filaanka ah ku qaaday Kursk bishii Agoosto 2024-kii, si ay u abuurto aag difaac ah oo ay ka ilaaliso Sumy iyo deegaannada ku dhow, isla markaana ay ku gorgortanto mustaqbalka. Bbcsomali Qaran News
-
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa u oggolaaday Netanyahu, inuu ku wajaho xaaladda marinka Qasa, hab kasta oo u arkayo inay la habboontahay, xilli golaha amniga Israa’iil ay ansixiyeen inay Israa’iil la wareegto marinka Qasa, si la mid ah Daanta Galbeed, iyadoo go’aamada ay ku soo aaddeen xilli uu Trump toddobaadka dambe booqanayo ; Sacuudiga, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, sida ay warisay shabakadda Axios. Source