-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Khasaaraha ka dhashay roobabkii saacadihii la soo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa sii kordhaya, waxaana isi soo taraya xogaha ku saabsan tirada dhimasho iyo burburka uu roobku sababay. Meydadka dad ay daadku qaadeen ayaa laga soo saaray qaar kamid ah biya dageenada magaalada, sidoo kale guryo dumay ayaa sababay waxyeello dhimasho iyo dhaawacba len. Jidadka qaar ee caasimadda biya ku rogmaday ayaa isku socodka dadka iyo gaadiidka hakad geliyay, ayadoo xaafadaha qaar ay bulshadu ay miciin biday baabuurta cagaf cagafta, ka dib markii ay waayeen si kale oo ay biyaha hor ceegaaga uga gudbaan. Si kastaba ha ahaatee dadka reer Muqdisho waxay la daalaadhacayaan mid kamid ah musiibooyinka dabiiciga ah ee soo noq noqda, balse ma muuqdaan baraarug iyo birmad dadka waxyeelladu gaartay lagu taageerayaahi. Source: goobjoog.com
-
Taliska Booliska qaybta gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku guulaystey inay gacanta ku dhigaan xukume Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor) Qabashada xukumanaha ayaa waxaa gacan wayn ka gaystay ciidamada Macawisleyda iyo dadka shacabka ah ee deeggaanada Wisil iyo Bacaadwayne. Xukumanaha ayaa ka tirsanaa shabakad dad badan ku dishay gobolka Mudug, gaar ahaana magaalada Gaalkacyo iyada oo horey garsoorka dowladda Puntland ay dil toogasho ku xukuntay, balse uu ka baxsadey gacanta dowlada. Taliska qaybta Mudug iyo guud ahaanba laamaha ammaanka dowladda Puntland oo baadi goobayay xukumanahan isla markaana madaxiisa lacag dul saartey ayaa lagu qabtey deegaanka Bacaadwayne ee gobolka Mudug, Galmudug. Xukumane Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor) ayaa loo gudbiyay xabsiga dhexe ee gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Puntland: Xukmane ku eedaysan argagixiso oo horay xabsi uga baxsaday oo dib loo qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Dalalka Hindiya iyo Pakistan oo maalmihii la soo dhaafay ay xiisad xooggani ka dhex aloosnayd, islamarkaana dhawr duqeymo iyo weerarro toos ah iswaydaarsaday ayaa ugu dambeyn gaaray heshiis xabbad-joojin ah. Wada-hadal uu Mareykanku dhexdhaxaadiyay ayaa lagu gaaray is afgaradka hordhaca ah ee heshiiska xabbad-joojinta ah, sida uu ku dhawaaqay madaxweyne Donald Trump. Trump oo heshiiskan shaacinaya ayaa yiri “waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in India iyo Pakistan ay ku heshiiyeen xabbad joojin dhamaystiran oo degdeg ah, Waxaan u hambalyeynayaa labada dal ee muujiyay masuuliyadda sare, waxaanan uga mahadcelinayaa xiisaha ay arrintan u qabaan arrintan”. Xiisadda labadan dal ee awoodda Nuclear-ka ku hubaysan ayaa dib u qaraxday 22-dii bishii hore ee Abriil, ka dib markii gobolka Kashmir qeybta Hindiya lagu 26 qof oo dalxiiseyaal ah, waxayna Xukuumadda New Delhi falkaas ku eedeysay Pakistan iyo kooxaha ay taageerto. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa,(Qaran news)-Shilinka Somaliland ayaa dhowrkii cishe ina soo dhaafayba kor u soo kacaayay marka la isku sarifaayo dollar’ka Maraykanka. Boqolka dollar ayaa hore u gaadhay Hal milyan iyo 80 kun oo shilinka Somaliland ah xaga uu maanta ku soo dhacay Hal milyan iyo 10 kun oo shilinka Somaliland. Dadaalkani kor loogu soo qaadaayo qiimaha shilinka Somaliland ayaa waxa qaaday xukuumadda Somaliland iyada oo Banka Somalilandna uu si fiican uga hawlgalay dib u soo celinta qiimaha shilinka iyada oo Baanku uu suuqa ku soo daayay lacag dollar ah oo aad u faro badan. Waxana la filayaa in ayaamaha soo socda uu shilinka Somaliland uu sameeyo isbedel aad u balaadhan. Sidoo kale waxa maanta hoos u dhacay shiidaalka siiba Badroolka iyada oo la filaayo in maceeshada iyo alaabooyinka kale ay iyana hoos u dhici doonaan. Qaran News
-
Hindiya iyo Pakistan oo wada-hadal yeelanaya. Hindiya iyo Pakistan ayaa ka wada hadli doona arrimo dhowr ah, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio. Wuxuu sheegay in labada dal “ay isku raaceen xabbad-joojin degdeg ah ayna bilaabaan ka wada hadalka arrimo dhowr ah kuwaasoo lagu qabanayo goob dhexdhexaad ah”. Qoraal uu soo dhigay barta X, wuxuu intaa raaciyay: “Waxaan ku bogaadineynaa raysal wasaareyaasha Modi iyo Sharif xikmaddooda, digtoonaan, iyo dawladnimo lagu dooranayo waddada nabadda.” Wuxuu sheegay in isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ay 48 saac ee lasoo dhaafay la qaateen saraakiisha Hindiya iyo Pakistan, oo ay ku jiraan raysal wasaareyaasha Narendra Modi iyo Shehbaz Sharif. Bbcsomali Qaran News
-
Golaha Wakiilada ayaa loo gudbiyay Mooshin lagu dalbanayo in la joojiyo wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, kadib markii Xukuumaddu hore u soo jeedisay arrintaasi. Mooshinkan oo ay soo gudbiyeen Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa lagu wareejiyay la taliyaha sharciga ee Golaha si uu eego in uu waafaqsan yahay shuruucda iyo nidaamka mooshinada loo soo gudbiyo. Xukuumadda Somaliland ayaa hore u sheegtay in ay joojinayso wadahadalada Soomaaliya oo ay ku eedaysay in ay faro galin ku hayso arimaha khuseeya qaranimada iyo Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Saab Qaran News
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa ka hadlay xaaladda degdegga ah ee ka dhalatay roobab mahiigaan ah oo si daran uga da’ay magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda. Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu qaaday tallaabo kasta oo suuragal ah si loo yareeyo saameynta daadadka iyo roobabka dabaasha wata ee sababay waxyeelo ballaaran oo gaaray waddooyin, guryo, iyo xaafado ka mid ah Caasimadda. “Howl adag ayaan ka wadnaa maareynta saameynta roobka. Waxaan diyaarinay matoorro waaweyn oo tuura biyaha iyo booyado dhaqaajinaya biyaha fadhiya meelaha muhiimka ah,” ayuu yiri Guddoomiyaha. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in warbixin dhamaystiran oo ku saabsan saameynta roobka la soo saari doono goor dhow, si loo ogaado baaxadda khasaare ee dhacay. Waxa uu intaa ku daray in gargaar degdeg ah la gaarsiinayo dadka ay waxyeellada ka soo gaartay roobabka, gaar ahaan kuwa ku barakacay daadadka ama guryahooda ay galeen biyo. “Waddooyinkii uu roobku burburiyay si degdeg ah ayaa loo dhisi doonaa, waxaana fareynaa shirkadihii hore u dhisay waddooyinkaasi in ay markale dib u dhisaan laamiyo tayo leh oo ka adkaysan kara roobabka iyo daadadka,” ayuu yiri Maxamed Axmed Amiir. Ugu dambayn, Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka Caasimadda in ay la shaqeeyaan maamulka, ayna muujiyaan dulqaad iyo feejignaan inta laga maareynayo xaaladda degdegga ah. Source: goobjoog.com
-
Geesigii Galbaday ! Ganacsade Maxamed Xaaji Cabdilaahi Abu-Zite Rabbi Naxariistii Janno ha ugu deeqee waxaa maanta oo Jimce ah magaalada Hargeysa lagu aasay Marxuum Maxamed Cabdillaahi X. Abu-Zite. Marxuumkan oo ka soo jeeda Reer Magac iyo Maamuus weyn ku dhex leh Ummada Reer Somaliland iyo Ummada Soomaaliyeedba, waxa uu ahaa Halyeey garasho dheer, oo dadnimo iyo sharaf Allah u dhaliyay oo naxariis badan, ummadana aad u caawiya. Arrimaha Gobonimada leh ee aan Kaysar ahaan uga soo joogay waxaan ka xusi karaa in maalin aniga oo ku sugan Xaafada Southall ee Galbeedka London oo qiyaas ahaan ahayd sanadkii 2003, ayaa Marxuum Maxamed Abu-site nin ku yidhi Xaaji Cabdi Waraabe ayaa lasoo sheegay inuu Hargeisa ku xanuunsanayo. Markiiba Marxuum Maxamed intuu Taleefan diray ayuu qof Qoyskiisa reer Abu-site ka mid ah oo Hargeysa jooga uu la hadlay, wuxuu ku amrray inay degdeg Xaaji Cabdiwraabe ugu tagaan oo ay soo eegaan xaalkiisa, safar Caafimaad oo Dubai ahna ay u diyaariyaan. Xiligaas Maxamed wuxuu maamuli jiray diyaarada Daallo Airlines oo ka bixi jirtay Madaarka Gatwick Airport. Isla wakhtiyadaa 2003 aniga oo Olole ugu jiray sidii Dalka Ciraaq loo soo daad-gurayn lahaa Arday badan oo reer Somaliland ahaa oo Dalkaas ku xanibnaa oo weerar ay ku qaadayeen Ingiriiska iyo Maraykanu, ayaan dedaal xooggan u galay in Ardaydaasi Ciraaq ka soo baxaan. Allah ha u Naxariistee Marxuumka oo aan arrinkaas ula tegay wuxuu igu yidhi Ciraaq cunoqabatayn ayaa saaran oo diyaarad uma diri karno, laakiin haddii ay meel kale ama Imaaraadka soo gaadhaan inay wax u tari karaan. Si kale ayaanu ardaydaas ku soo saarnay intoodii badnayd oo qaadhaano ayaanu ururinay. Shakhsi Gob ah oo wax tar ah ayuu Allah ha u Naxariistee Marxuum Maxamed Abu-site. Waxa uu ahaa Nin lagu xisaabtamo oo naxariis badan, dad aad u tiro badana si joogto ah u caawin jiray. Allah Naxariistii Janno ha ugu deeqo, Qoyskii balaadhnaa ee uu ka baxay iyo dhamaanteenba Samir iyo Iimaan haka siiyo. Aamiin. Kaysar Qaran News
-
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo dhowaan safar ku tagi doona Sucuudiga iyo qaar kamid ah dalalka kale ee Khaliijka Carabta ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqi doono aqoonsiga dowlad madax-bannaan oo falastiiniyiintu leeyihiin, sida ay qorayso Warbaahinta Bariga Dhexe. Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa bishan dhexdeeda martigelin doonta shir-madaxeedka Mareykanka iyo dalalka Khaliijka,waxaana la isla dhexmarayaa ku dhawaaqis weyn oo ku saabsan dawlad Falastiini ah, iyo iskaashiga nukliyeerka ee Maraykanka iyo Sucuudiga u dhexeeya. Booqashada Trump oo ah tii ugu horreysay ee uu ku tago dal shisheeye taniyo markii uu Xaafiiska la wareegay horraantii sanadkan ayaa isha lagu wada hayaa, ayadoo Mareykanka uu dalalka gobolka la geli doono heshiisyo waaweyn oo balaayiin doollar ku kacaya. Shir madaxeedka Mareykanka iyo dowladaha Khaliijka oo Sucuudigu marti galinayo ayaa waxaa ka horeeyay saadaalo badan oo la xariira ku dhawaaqis uu Trump ku tilmaamay oo mid muhiim, xilli Talaadadii uu kula kulmay Ra’iisal wasaaraha Canada, taas oo lagu wado inuu ku aqoonsado falastiin. Tillaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli maamulka Trump la sheegay inuu xariirka u jaray Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, islamarkaana uu heshiis la galay kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen oo si joogto ah weerarro gantaallo ah uga geysta dhulka la haysto. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (PP Editorial) — The US Department of State, commenting on the National Consultative Council summit recently concluded in Mogadishu, has called for consensus on the Somali electoral model, just one year before the term of the incumbent administration ends. It made no mention of the recent amendments to the draft constitution. Groups opposed to the constitutional changes focused on the statement’s emphasis on elections. Like its predecessor, the current Federal Government of Somalia aims to hold one person, one vote elections in 2026 or 2027. The Federal Government also plans to conduct district-level elections in Mogadishu this year. If successful, it would mark the first time since 1969 that elections have been held in the capital under a non-dictatorial regime. During his first term (2012–2017), President Hassan Sheikh Mohamud oversaw the creation of three federal member states and introduced a bicameral legislature. In his second term, he is seeking to reform the prime ministerial system and hold universal suffrage elections based on political parties. Puntland State has opposed the constitutional amendments passed by the bicameral legislature last year. Both Puntland and Jubaland have amended their own constitutions through their respective parliaments. This leaves little room for renegotiating constitutional changes at the federal level. If Federal Member States can override decisions made by the bicameral legislature in Mogadishu by simply opposing any amendment, the executive branch may be tempted to capture the legislature. If a Federal Member State president can unilaterally appoint MPs and Senators to increase his re-election chances or strengthen ties with a future federal administration, the bicameral legislature risks being bought off by the highest bidder. Puntland has expressed concern over Somaliland MPs and Senators in Mogadishu, viewing them as natural allies of any incoming federal administration, often at the expense of Federal Member States that frequently clash with Mogadishu over constitutional and electoral issues. In 2023, Puntland President Said Abdullahi Deni justified downgrading ties with the Federal Government of Somalia on several grounds, including the continued federal representation of Somaliland in the bicameral legislature, despite Somaliland’s claim to sovereignty based on unilateral secession. He described this as a distortion of the federal model and a violation of good governance. No Federal Member State consulted its MPs and Senators on the constitutional amendments prior to their passage in the bicameral legislature. While not legally required, this absence of input highlights the risk that the legislature is highly vulnerable to executive capture. How MPs and Senators are selected directly affects the quality of representation and the level of accountability expected from the bicameral legislature. The burning question remains: Who bears the responsibility for setting an example of good governance: the Federal Government of Somalia or the Federal Member States? Answers on a postcard, please. © Puntland Post, 2025 The post Call for Electoral Unity as Somali Federal Government’s Term Winds Down appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (PP Report) —The President of Puntland State of Somalia Said Abdullahi Deni earlier this week proposed a national salvation conference for the Federal Republic of Somalia. Four years ago, President Deni convened a summit to challenge the attempted term extension expedited by Somali bicameral legislature in 2021 for President Mohamed Abdullahi Farmajo. That summit resulted in the “Alliance for Salvation”, a coalition that unseated President Farmaajo on 15 May 2022. The electoral model used was initially proposed by President Deni, who ran on a reform platform but lost to President Hassan Sheikh Mohamud. During the 2022 elections, mid-election negotiations between Jubaland’s President Ahmed Mohamed Islam and MPs and Senators from Jubaland allegedly undermined Deni’s candidacy. A Jubaland MP, Hamza Abdi Barre, was later appointed Prime Minister, sparking a breakdown in relations between Puntland and Jubaland. In 2023, Puntland cut ties with the Federal Government, while Jubaland maintained support for Mogadishu despite disagreements on elections in federal member states. Tensions between Jubaland and the Federal Government worsened in late 2024 when President Islam opposed a federal proposal to extend the tenure of federal member state administrations. The proposal clashed with his plan to seek a third term in Jubaland. Both Puntland and Jubaland boycotted the latest National Consultative Council (NCC) summit in Mogadishu. The summit was attended by Sool, Sanaag, Cayn and Khaatumo (SSCK), a new federal member state recognised by the Federal Government, covering areas formerly claimed by Puntland and Somaliland, a secessionist administration. Despite shared grievances with Villa Somalia, Puntland and Jubaland have major obstacles to surmount to form a joint political front as they did in 2021. Economic constraints have made such a move costly: budgetary support for their administrations is tied to participation in federal state-building initiatives. Puntland’s 1998 Charter is now defunct, after the federal recognition of SSCK administration, which will select MPs and Senators under the next electoral model. Puntland recognised the legitimacy of SSCK administration in 2023 before it had been granted a federal member status. Since the 2022 presidential election of Somalia, Presidents Deni and Islam have not reconciled their political differences. One recent NCC resolution tasked the Federal Ministry of Interior with proposing solutions to the Jubaland political crisis. The Federal Government of Somalia does not recognise Jubaland’s 2024 presidential election. While international partners urged both Puntland and Jubaland to attend the NCC summit, they declined to participate in the summit. Donors view participation in NCC summits as vital to unlocking dialogue. Jubaland supports the proposed constitutional amendments, while Puntland rejects them. Puntland also demands the exclusion of Somaliland MPs and Senators from Somalia’s political process until Somaliland formally abandons its secessionist claims. Jubaland, in contrast, does not view the representation of Somaliland MPs and Senators in Mogadishu as a problem. These fundamental differences outweigh any shared interests, leaving Villa Somalia to benefit from a fractured opposition. © Puntland Post, 2025 The post Puntland and Jubaland Diverge Despite Shared Discontent with Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho – Wadada muhiimka ah ee KM4 oo ku xiriirisa caasimadda Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga Aadan Cadde ayaa gabi ahaanba go’day kaddib roobab mahiigaan ah oo ka da’ay magaalada xalay. Go’itaanka wadadan ayaa si weyn u saameeyay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha, gaar ahaan boqolaal ruux oo u socday gudaha iyo dibadda dalka. Laamiga yaraha Soobe oo sidoo kale muhiim u ah isku socodka xaafadaha kala duwan ee magaalada ayaa si buuxda u go’ay, iyadoo biyaha roobka iyo daadadku ay gaadiidka u diideen inay maraan. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in biyuhu ku fataheen guryahooda iyo goobahooda ganacsi, taasoo keenay khasaare hantiyeed oo aan wali si buuxda loo qiyaasin. Roobabka xalay da’ay ayaa ahaa kuwo si aan caadi ahayn u da’ay muddo saacado ah, taasoo muujisay baahida degdegga ah ee loo qabo hagaajinta nidaamka biyo-mareennada iyo kaabayaasha waddooyinka ee magaalada. Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaan weli si rasmi ah uga hadlin xaaladda wadada KM4 iyo qorshaha wax looga qabanayo dhibaatada ka dhalatay. Dadweynaha ayaa codsanaya in dowladda degdeg wax uga qabato sidii loo furfurilahaa waddooyinka muhiimka ah, si ay mar kale u suurtagal noqoto isu socodka dadka iyo gaadiidka. Source: goobjoog.com
-
Doon u rarnayd ganacsato reer Puntland ayaa xalay ku gubatay dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaddib markii uu dab qabsaday, sida laga soo xigtay goob-joogayaal. Doonta gubatay oo lagu magacaabo Faa’isa Suldaan ayaa ka timid dalka Hindiya, waxaana la sheegay in ay raashin u sidday dekedda Boosaaso, halkaasi oo ay ku gubatay ka hor inta aysan dejin raashinkii, siday xaqiijiyeen xubno kamid ah ganacsatadii ay u rarnayd doontaasi. Inta badan badeecaddii raashinka ahayd ee saarnayd doonta oo u rarnayd shirkad lagu magacaabo JAABO ayaa la sheegayaa in la badbaadiyay qaarkeed, waxaana weli socda deminta dabkii xalay qabsaday doonta oo lala tacaalayo, kaasi oo lagu guulaystay in uusan sii fidin. PUNTLAND POST The post Doon raashin sidday oo xalay ku gubatay dekedda magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Horaantii todobaadkan, Hindiya ayaa weerar gantaalo ah ku qaadday sagaal goobood oo gudaha Pakistan ah, taas oo jawaab u ahayd weerar khasaara badan dhaliyay oo ay mintidiinta ku qaadeen dalxiisayaasha Hindiya ee Kashmir laba toddobaad ka hor oo ay ku dhinteen 26 qof. Hindiya waxa ay sheegtay in goobaha ay bartilmaameedsatay ay ahaayeen “kaabayaasha argagixisada,” iyada oo sharraxaysa in la beegsaday masaajidka Subhan Allah ee Bahawalpur, bariga Pakistan. Maamulka Hindiya ayaa ku eedeeyay kooxda xagjirka ah ee la mamnuucay ee Jaish-e-Mohammed (JeM) inay masaajidka u isticmaalayeen xarun “qorista, diyaarinta milatariga, iyo tababarida fikradaha xagjiriinta.” Hoggaamiyaha kooxda, Mascuud Azhar, oo Qaramada Midoobay ay u aqoonsatay argagixiso, ayaa sheegay in weerarrada Hindiya ay ku dileen xubno badan oo qoyskiisa ah. Haddaba maxaan ka ognahay kooxda la mamnuucay ee Jaish-e-Mohammed iyo hogaamiyahooda? Waa kuma Mascuud Azhar Mascuud Azhar waxa uu caalamku u yaqaanaa xag-jir kaas oo ku kiciyay “Islaamiyiinta” adduunka oo dhan in ay geystaan dil iyo falal kale oo argagixisanimo iyaga oo wata calanka “dagaal barakeysan”. Azhar waxa uu dhashay1968-kii waxa uuna ka dhashay qoys diimeed oo ku nool Bahawalpur, aabihiis waxa uu ahaa dhakhtar iyo faylasuuf. Wuxuu wax ka bartay Jaamacadda Culuumta Islaamka ee Karachi, oo ah magaalada ugu weyn Pakistan. Ka dib markii uu ka qalin jabiyay Jaamacadda Banouria ee Xarunta Waxbarashada Diinta, waxaa loo magacaabay macalin. Azhar waxa ay Afgaanistaan kula dagaalameen mujaahidiin sanadkii 1989-kii, Tahir Hamid, oo ah kaaliye u dhow Masood Azhar, ayaa u sheegay Rasail al-Jihad, oo ah majalad jihaad doon ah. Ka dib markii uu ka soo laabtay Afgaanistaan, wuxuu sii waday inuu ku baaqo rabshado meelo kale ka dhaca, oo ay ku jiraan Karachi, Hyderabad, Sukkur, Nawabshah iyo meelo kale. Waa kuma Mascuud Azhar Mascuud Azhar waxa uu caalamku u yaqaanaa xag-jir kaas oo ku kiciyay “Islaamiyiinta” adduunka oo dhan in ay geystaan dil iyo falal kale oo argagixisanimo iyaga oo wata calanka “dagaal barakeysan”. Azhar waxa uu dhashay1968-kii waxa uuna ka dhashay qoys diimeed oo ku nool Bahawalpur, aabihiis waxa uu ahaa dhakhtar iyo faylasuuf. Wuxuu wax ka bartay Jaamacadda Culuumta Islaamka ee Karachi, oo ah magaalada ugu weyn Pakistan. Ka dib markii uu ka qalin jabiyay Jaamacadda Banouria ee Xarunta Waxbarashada Diinta, waxaa loo magacaabay macalin. Azhar waxa ay Afgaanistaan kula dagaalameen mujaahidiin sanadkii 1989-kii, Tahir Hamid, oo ah kaaliye u dhow Masood Azhar, ayaa u sheegay Rasail al-Jihad, oo ah majalad jihaad doon ah. Ka dib markii uu ka soo laabtay Afgaanistaan, wuxuu sii waday inuu ku baaqo rabshado meelo kale ka dhaca, oo ay ku jiraan Karachi, Hyderabad, Sukkur, Nawabshah iyo meelo kale. Azhar wuxuu qoray maqaallo uu ku cabirayo aragtidiisa oo uu ku hurinayo colaadda jihaad doonka ah, wuxuuna bishii Janaayo 1990-kii daabacay cadadkiisii ugu horreeyay ee majaladda bilaha ah ee “Sada al-Mujahid”. Majaladdan ayaa la rumeysan yahay inay saameyn ku yeelatay Xarrakatul Mujaahidiin oo la mamnuucay oo hadda la kala diray, kuwaasoo dhaqdhaqaaqyadooda hubeysan ka waday gobolka Kashmiir, waxayna ka doodeen fikradaha Xarrakatul Shabaab. Mascuud Azhar waxa uu qoray in ka badan 30 buug oo ka hadlaya Jihaadka Islaamka, Taariikhda Islaamka, Tababarka Jihaadka iyo Maamulka Jihaadka. Waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in lagu dagaalamo Afgaanistaan si loo difaaco qiyamka Islaamka, sida ay sheegeen saxafiyiinta iyo khubarada. Qaabkii xabsiga looga sii daayay markii Hindiya lagu xiray Xigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Sannadkii 1994-kii, waxaa lagu xiray Kashmir qeybta ay Hindiya maamusho, isagoo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa falal argagixisanimo. Mascuud Azhar waxa uu aaminsan yahay rabshadaha jihaad doonka ah ee caalamka waxa uuna booqday waddamada Hindiya, Bangladesh, Sacuudi Carabiya, Zambia, iyo UK, sida ay sheegeen qaar ka mid ah gacanyareyaashiisa. Sannadkii 1994-kii, waxaa lagu xiray Kashmir qeybta ay Hindiya maamusho, isagoo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa falal argagixisanimo. Bayaan uu soo saaray isagoo xabsiga ku jira, Azhar wuxuu u sheegay sirdoonka Hindiya, sida ay sheegtay warbaahintu xilligaas, inuu u aaday Hindiya si uu u qiimeeyo suurtagalnimada “jihaadka” halkaas. Markii hore Bangladesh, ka dibna caasimadda Hindiya, Delhi, isagoo wata baasaboor Portuguese ah. Magaca Azhar wuxuu caan noqday sanadkii 1995-tii, ka dib markii lix dalxiisayaal ajnabi ah lagu afduubtay Kashmir oo ay Hindiya maamusho; Afduubayaashii dadkaas ayaa dalbaday in Mascuud la sii daayo, taas oo dowladda Hindiya ay diiday. Shan ka mid ah lixdii dalxiisayaasha ee la afduubay ayaa la rumeysan yahay in la dilay, halka mid ka mid ah uu u suurtagashay inuu baxsado. December 24, 1999, diyaarad Air India ah ayaa la afduubay iyadoo ka soo duushay caasimadda Nepal ee Kathmandu, kuna sii jeeday Delhi. Diyaaradda ayaa ku degtay magaalada Kandahar ee koonfurta Afgaanistaan, halkaasoo ay maamulayeen kooxda Taliban. Ka dib, afduubayaashu waxay dalbadeen in Azhar la sii daayo si ay u sii daayaan 155 la haystayaal ah oo diyaaradda la socday. Wadahadal dheer ka dib, waxaa la sii daayay labo kale oo kala ahaa Cumar Siciid Sheekh iyo Mushtaaq Zargar. Bbcsomali Qaran News
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/05/AQMiCDwociZsLprJAwBj-X429c6uDv-tO-PbLpyOHi5GzVPdOPUPqlMFtC6l3hj-kOULXQX3ZE998QeQkoYibQct.mp4 Qaran News
-
Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo Warsaxaafadeed soo saaray ayaa xaqiijiyay in ay ku guulaysteen qabashada eedaysane loo haysto dil caawa ka dhacay magaalada Garoowe. “Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, ayaa xaqiijiyey in laamaha amniga ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan eedaysane loo haysto fal dil ah oo ka dhacay magaalada Garoowe” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Booliska. Eedaysane Abuukar Axmed Diiriye oo loo haysto dilka marxuum Cabdisalaam Maxamed Cumar ayay ciidanka Booliska gacanta ku dhigeen, waxaana sida Booliska sheegay falkaasi ka dhacay jidka Soddonka gaar ahaan nawaaxiga shirkadda NECSOM saacaddu markay ahayd 7:45 fiidnimo. “Falkaasi ayaa dhacay caawa oo ay taariikhdu tahay 09 May 2025, saacadda markay ahayd 07:45 habeenimo, waxaana uu ka dhacay jidka Sodonka, agagaarka shirkadda NEC ee magaalada Garoowe. Eedaysaha falka dilka ah loo haysto ayaa ay ciidamada ammaanku ku qabteen howlgal degdeg ah, waxaana uu haatan ku xiran yahay saldhigga Booliska” ayuu sio raaciyay Warsaxaafadeedka. Baaritaanka kiiskan waxaa si toos ah gacanta ugu haya Ciidanka Baarista Dembiyada (CID) ee Gobolka Nugaal, kuwaas oo wada baaritaanno qoto dheer si loo xaqiijiyo faahfaahinta dhacdada iyo cid kasta oo suurtagal ah in ay arrintan la xiriirto, waxaana la filayaa in Warbixin dhameystiran oo ku saabsan natiijada baaritaanka la shaaciyo marka baaristu dhammaato. PUNTLAND POST The post Ciidanka Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay nin ku eedaysan dil caawa ka dhacay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xogta qaab dhismeedka Hoggaanka Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo ay ku mideysan yihiin Madaxda DFS iyo dowlad Goboleedyada, kaas oo madaxweyne Xasan Sheekh uu musharax u yahay. Wadatashiyadii ugu dambeeyay ayaa la isku afgartay qaab dhismeedka Xisbiga oo wax laga bedelay sidii markii hore la saadaalinayay inuu noqdo, waxaana qaab dhismeedkiisa laga dhigay: 1- Guddoomiyaha Xisbiga, ahna Musharax Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud 2- Guddoomiye ku xigeenka ee Xisbiga 1-aad Cabdicasiis Lafta Gareen 3- Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Ra’iisul Wasaare Xamse 4- Xoghayaha Guud ee Xisbiga Cabdiraxmaan Odawaa Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo markii hore dood ka keenay hannaanka qaab dhismeedka Xisbiga ayaa maalinta berri dib ugu soo laabanaya magaalada Muqdisho. Markii uu yimaado waxaa la guda-gelayaa dhameystirka wadatashiyada ugu dambeyn maalinta Talaadada ah ayaa la qorsheynayaa la isla qaato inay dhacdo Xafladda shaacinta Xisbiga. Haddii si rasmi ah loogu dhawaaqo isbaheysigan cusub ee ay ku mideysan yihiin Madaxda xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ayaa durba wuxuu u muuqan doonaa mid loo bedelay Xisbi. Tijaabadan oo kale horay ayey dalka u soo martay, iyadoo hal Xisbi oo xubnaha sare ee dowlad oo idil sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaare, Guddoomiye Baarlamaan, Xildhibaanada, saraakiisha dowladda oo dhan ku wada jiraan, xiligii dowladdii kacaanka. Dad badan ayaa is waydiinaya sida uu Xisbigu ku soo socon karo, maadaama uu yahay isbahaysi isku danaysi ah oo dhinacyada ka mid ah ay muddo dheereysi iyo inay xukunka sii joogaan ka fikiraya.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, qeybta qaabilsan Arrimaha Afrika ayaa qoraal ay uga jawaabayso war-murtiyeedkii Madasha Wadatashiga Qaranka waxay ku sheegtay in go’aan kasta oo aysan dhammaan Dowlad Goboleedyadu u dhammeyn uusan sharciyad haysan. “Dhammaan daneeyayaasha khuseeya waa in ay ka qayb qaataan go’aan ka gaarista isbeddelada nidaamka federaalka iyo doorashooyinka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka. Dawladda Mareykanka ayaa u sheegtay Villa Somalia in loo baahan yahay in go’aanada la xariira arrimaha Faderaalka (Maamulada) iyo doorashooyinka ay tahay in laga qeybgaliyo dhammaan daneeyayaasha muhiimka ah. “Go’aannada aan haysan taageero ballaaran waxay noqon doonaan kuwo aan sharciyad lahayn, waxayna carqaladayn doonaan dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga ee taagan,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka. Si cad ayay Mareykanku u sheegeen in go’aanada aan haysan wadar ogolka iyo wadatashi dhan ay halis ku yihiin daganaanshaha aysan sharciyad dhab ah aheyn. Go’aanadii madasha ayaa lagu sifeeyey in ay halis ku yihiin Amniga iyo dib u kabashada loogu jiro in looga gudbo marxaladda amni darada. In la share-gareeyo farriinta afka Soomaaliga ee war-saxaafadeedkii Madasha ee bogga Villa Somalia ayaa ah waji gabax ka dhigan in si toos ah loogu cadeynayo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada in go’aanadan aysan haysan sharciyad iyo ogolaansho loo dhan yahay.
-
Abuja (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (Network of African Data Protection Authorities – NAPDA), kadib kulankii 8-aad ee Ururka oo lagu qabtay magaalada Abuja ee dalka Nigeria. Mareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, Maxamed Nuur Colow, oo ka qeyb-galay shirkaas, ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xogta shakhsiyeed, asturnaanta dijitaalka ah iyo ka qeyb-galka madasha heer goboleed ee arrimaha dhowrista xogta. Kulanka NAPDA waxaa isugu yimid madaxda hay’adaha dhowrista xogta ee dalal Afrika, kuwaas oo si qoto dheer uga dooday xoojinta iskaashiga dalalka xubnaha ah, is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo sidii loo horumarin lahaa sharciyo iyo hannaan mideysan oo lagu wajahayo caqabadaha dijitaalka ah. Intii uu socday shirka, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda hay’adaha kale ee ka qeyb-galayay shirweynaha. Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray adkeynta muhiimada iskaashi dhow oo dhex mara Soomaaliya iyo dalalka Afrika si wadajir loogu wajaho caqabadaha xagga xog-ilaalinta. Soomaaliya ayaa tallaabadan ku muujisay ka go’naanshiyo buuxa oo ku aaddan la jaanqaadka dalalka Afrika ee dhinaca dhowrista xogta iyo ilaalinta xuquuqda dijitaalka ah ee muwaadiniinta.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho. Sheekh Shariif ayaa shirkiisa jaraa’id uga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan siyaasadda iyo amniga, isagoo sheegay in dalka uu ku jiro xaalad aan indhaha laga qarsan karin una baahan in looga gudbo midnimo iyo wadajir. “Dareenka bulshada Soomaaliyeed ee amni waa mid meel ay joogaanba khatar, maxaa yeelay laba sano ka hor deegaanadii laga xoreeyay Al-Shabaab inay dib ugu soo laabteen, uusan soconin dadaal ku wajahan arrimahaas oo wax looga qabanayo, taas oo runtii abuureysa walwal iyo walaac,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Shariif ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay in ay dayacday masuuliyaddii amniga, ayna dowladda Xasan Sheekh ku mashquushay waxyaabo aan wax kusoo kordhineyn dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. “Dagaalka gaabis weyn ayaa ku yimid illaa dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba khatar dareemayaan. Waxaan ugu baaqayaa dowladda inay wajahaan marxaladda adag ee la joogo, dadka Soomaaliyeed waxay ka filayeen in sidan si ka wanaagsan u wajahdo xaaladda amniga.” Waxa uu intaas kusii daray “Shirkii madasha waxaa la soconaa inuu kusoo gaba-gaboobay kaambeyn iyo in umaddii lasii kala geeyo oo la yiraahdo waxaa loo xuubsiibanayaa xisbi weyn, taasna waxay muujinaysa aragti gaabnimada.” Dhinaca kale, waxa uu bogaadiyay ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee furimaha hore ku sugan, kuwaas oo uu sheegay in aysan helin taageeradii loo baahna oo ay ka gaabis dowladda, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan rabaa in aan marka hore u hambalyeeyo, bogaadiyo ciidamada qalabka sida iyi ciidamada difaaca shacabka, oo runtii muujiyay dhabar adayg xaaladda adag ee lagu jiro. Waxaan rabaa in aan uga tacsiyeeyo dhimashada iyo dhaawaca soo gaadhay, intii dhimatay Allaha u naxariisto, inta dhaawacana caafimaad deg-deg ah Allaha siiyo,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Hoos ka daawo muuqaalka
-
GUDOOMIYAHA JABHADDA LAASCAANOOD FIRDHIYE WUXUU GUUL KA DHIGAYAA SAWIRKA UU LA GALAY XASAN SHIIKH (GURGUURTE). Waxaynu warbaahinta ka daawanaynay jabhadda Laascaanood oo la buunbuuninayio Xamse iyo fiqi oo dhawaan yimid Laascaanood si ay colaad uga huriyaan Waxa loogu soo raray diyaaradaha JAMAC BULUU qoryo iyo rasaas jaabo jaabo ah oo uu Fiqi si cadaawad ah ku keenay laascaanood. Waa ayaan darro waqtigan oo nabad la raadinayo inuu maamulka xalane dadka reer laascaanood uu u adeegsado dhulkooda inaanay nabadi ka dhicin. FIRDHIYE dadkii maamul GOBOLEEDKA ka sugayay wuxuu u hayaa sawir uu la galay Xasan Shiikh iyo colaad cusub oo ay hurinayaan, waa waxtarkii safarkii Firdhiye. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
Muxuu Fahad Yaasiin ka yiri khilaafka xisbiga Xasan Sheekh?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay khilaafka dib u dhigay munaasabadda shaacinta xisbiga madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Xisbigan oo ah kii hore ee UPD oo magac beddel lagu sameeyay iyo ballaarin, laguna soo daray qaar kamid ah maamul goboleedyada, ayaa waxaa ka biyo diiday hanaanka loo qeybsaday hoggaanka, madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen. Fahad ayaa khilaafkan ku tilmaamay “wax lala yaabo” maadaama ah dhinacyadu isku haystaan wax aan soconeyn. “Haddeer, Xisbiga lagu murmaayo ee xilalkiisa lagu dagaalayo ee dooddeeda Villada ka dhex socoto maalmahan waa beenta ha iga beeneynin ee ii dhaaf beentayda,” ayuu yiri Fahad. Shaacinta xisbigan cusub ee madaxweynuhu dib u habeynta ku sameeyay ayaa imanaya, iyadoo weli lagu muransan yahay hanaanka doorasho qof iyo cod ee gadaal ka riixayso Villa Soomaaliya. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran: BEENTA HA IGA BEENEYN Laba nin oo reer Burco baa murmay. Mid baa yiri, waryaahee LAND-TAAN aad maqashaa waa been, oo wali nalama aqoonsan. Ninkii kale, baa ugu jawaabay. Waar heedhe i maqal, beentaas qudheeda ha iga beeneynin, ee ii dhaaf beentayda. Haddeer, Xisbiga lagu murmaayo ee xilalkiisa lagu dagaalayo ee dooddeeda Villada ka dhex socoto maalmahan WAA BEENTA HA IGA BEENEYNIN EE II DHAAF BEENTAYDA. War illeen tanoo kale.