-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaar kamid ah beelaha dagan gobolka Sanaag ayaa maanta gudiga dhismaha wadada Ceel daahir iyo Ceerigaabo ku wareejiyay lacag dhan cadadkeeda 70 kun oo doolar. lacagtan ayaa lagu wareejiyay Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo kamid ah gudiga dhismaha wadada Ceel daahir iyo Ceerigaabo. Beeshan ayaa sheegtay in ay ku dhimantahay qoondadii ay ugu talagaleen in ay kaga qayb qaataan dhismaha wadadan lacag dhan 130 doolar oo kale taas oo ay ku soo dari doonaan maalmaha soo socda marka layska soo uruuriyo. Hoos ka dhagayso codka odayaasha wareejiyay lacagtan. Codka odayaasha
-
Nairobi (HOL) - Kenyan police have confiscated a vehicle carrying weapons suspected to have imported from Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Kenyan police have confiscated a vehicle carrying weapons suspected to have imported from Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Madaxda dowladda Garmalka ayaa cadeesay in ay xireen wiil 20-sano jir Soomali ah, kaas oo looga shakiyay in xiriir dhaw uu lalahaa Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Somaliya. Wiilkan oo magaciisa lagu soo gaabiyay Abduqaadir ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyay, in uu ku kacay dambiyo ay kamid tahay in uu gaystay dil. Abduqaadir ayaa waxaa 2012-kii lagu eedeeyay in uu ku biiray Al-shabaab, asagoona ka qayb qaatay tababaro fara badan oo ay kooxda bixisay, waxaana sidoo kale loo haystaa in uu ku lug lahaa weerarka lagu dilay shaqsi ku cibaadeysanayay Masjid ku yaala Magaalada muqdisho. Waxaana sidoo kale Abduqaadir looga shakiyay dilka xubin muhiim ah oo katirsan dowladda federaalka Somaaliya, kaas oo ka badbaaday weerarkii lagu qaaday. Wiilkaan Soomaaliga ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Abduqaadir ayaa dowladda jermalka waxa ay sheegtay in qoyskiisu ay ka soo qaxeen soomaaliya, soona gaareen gudaha dalka Jermalka sanadkii 2014-kii. PUNTLAND POST The post Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Xiray Jarmalka appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Puntland ayaa lagu dhaliilay in ay ka gaabisay howlgalkii bad baadinta doonidii ku soo caariday xeebta magaalada Bosaaso oo shalay laga dajiyay rarkii saarnaa. Shacabka Puntland ayaa mudadii ay socotay bad baadinta hantida saaran doonida Xafiis waxa ay isla dhexmarayeen hadal hayn ah in dowladda ,Wasaarada Dekedaha iyo gaadiidka bada Puntland iyo maamulka lawareegay dhismaha iyo balaarinta dekeda Bosaaso aysan door fir fir coon ka qaadan samatabixinta doontan. Dadweynaha ayaa qaarkood qabay fikir ah in uu jiray dayac kayimid dhanka dowladda Puntland iyagoo fiirinaya sharciga uyaala maamulka lawareegay dhismaha dekeda Bosaaso ee P&O . Wasiir kuxigeenka wasaarada dekedaha iyo gaadiidka bada Puntland C/risaaq Nuur Cumar ayaa sheegay in eedeentaasi dowladda loo soo jeediyay aysan waxba kajirin dowladduna ay mas,uuliyad ka saarantahay ilaalinta iyo badbaadinta hantida shacabka. Wasiirka ayaa waxaa wax laga waydiiyay sababta ay dowladda udiiday in dekeda uu ku soo xirto horantii bishii tagtay Markab waday xoolo Geel iyo Ari isugujiray oo kayimid magaalada Kismayo. Wasiir kuxigeenka ayaa waxa uu ku jawaabay ” Markabkaasi waxa uu ahaa markab baafin kujira ,kabtankii markabka wadayna waxa uu soo galay dambi ah in mid kamid ah shaqaalaha Markabka uu kaga dhacay bada tas oo sababtay in markabkaasi lagu xakameeyo meeshii uu taagnaa isaga oo ka cararayay in uu ku soo xirto dekeda Bosaaso ayaa xoolihi saarnaa lagu dajiyay deegaanka Mareero ,waxaan ka cabsi qabnay in markabkan hadii aan ku soo xirno dekeda Bosaaso uu naga fariisto meesha mana lahayn baroosin uu ku soo xirto hadii ay dhicilahayd in uu uu ku soo xirto dekeda uuna ku ciladoobo waxaa dhicilahayd in guud ahaanba ay istaagto shaqadii dekeda. Hadaba hoos ka dhagayso Wasiir kuxigeenka . Wasiir kuxigeenka wasaarada dekedaha Wakiilkii Markabkaasi ay celisay dowladda Puntland C/laahi Maxamed Cumar ayaa sheegay in maalinimadii shalay uu markabkaasi ka ambabaxay deegaanka Mareero lagana dajiyay gud ahaanba xoolihii saarnaa, waxaana uu sheegay in wax qarashaad ah aysan ku dalacin Dowladda Puntland . Halkan ka dhagayso Wakiilka Markabka. wakiilka markabka
-
Xaflad Cashaa oo lagu soo dhaweynayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamigaa ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa xalay lagu qabtay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka. Munaasabadda casha sharafta ah waxaa soo abaabulay urur siyaasi ah oo ka dhisan Gobolka Ohio laguna magacaabo ( New American Political Action Committee ) waxaana xafladda ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus. Dadka ka hadlay xafladan cashada ah waxa ay intooda badan u hambalyaynayeen Wasiirka oo ay in badan soo wada shaqeeyeen mudadii uu ahaa Safiirka u fadhiyay dowladda Soomaaliya magalada Washington DC, iyaga oo ku tilmaamay in Wasiirku uu yahay shaqsi waxbadan ka qaban kara arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga. Wasiir Cawad ayaa dadka Soomaaliyeed ee Mareykanka dagan ka codsaday in la dhiso guri ay yeelato safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Mareykanka iyo in arintaas la iska xil saaro, waxa uu xusay in mudadii uu safiirka ahaa uu ka gaabsaday in uu soo bandhigo fikirka dhismaha safaaradda isaga oo xusay in dadku u arki karaan in macne kale laga wato ama dano gaar ah laga leeyahay, balse waxa uu xusay in iminka uusan safiir ahayn balse uu ogyahay baahida jirta. Qurba joogta Mareykanka ayuu ku dhiiragaliyay in ay dalkii dib ugu laabtaan isla markaana Indhahooda ku soo arkaan waxa ka jira, waxa uu Wasiirku sheegay in Soomaaliya is badashay isla markaana ay ku taagantahay wadadii Horumarka iyo is badalka. “Waa muhiim in aad waqtigiina qaar siisaan dalka oo aad maskax maal iyo aqoon ku celisaan xitaa hadii intaas aadan awoodin adigu tag oo fasaxaaga ku soo qaado waxaan hubaa in aad la soo laaban doonto wax ka duwan waxa aad aaminsantahay hadeer” ayuu yiri Wasiirka oo dhiiragalinayay qurbaoogta. Waxaa la weydiiyay su’aalo aad ubadan oo meelo kala duwan taabanayay waxana ugu danbayn Wasiirku u balan qaaday in uu samayn doono qorshe isku xiri doona qurba joogta iyo Wasaaradda arrimaha dibadda si loo helo iskaashi wax badali kara. Waxaa la gudoonsiiyay Wasiirka shahaado sharaf oo ka socday dhoowr xaafiis oo ka mid ah xaafiisyada dowladda gobolkan Ohio. Dhanka kale Wasiirka ayaa booqday xarunta codbixinta ee xaafada Soomaalidu ugu badantahay isaga oo la kulmay howl wadeenada xarunta iyo shaqaaleheda isla markana waxaa lagu soo wareejiyay qeybaha xarunta, iyada oo loo sharaxay hanaanka codbixinta casriga iyo sida ay uga shaqeyso halkan. Wasiirka ayaa ujeedka booqashada xaruntan ku sheegay in ay qiimayn ku samaynayaan hananka doorashooyinka caalamigaa ee wadamo badan oo caalamka ku yaal si dowladda Soomaaliya ay u diyaariso waqtiga dhow doorasho madax banaan oo Qof iyo Cod ah. Wasiir Cawad ayaa maalmihii u danbeeyay ku sugnaa Mareykanka isaga oo kulamo la soo qaatay Soomaalida Virginia, Minnesota, Ohio iyo kuwo kale. Xigasho:Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA. The post Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus appeared first on Puntland Post.
-
Bosaso[Puntland Post]-Guddiga Wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo ayaa Bah-wadaagta Reer Saalax kaga gudoomay Deegaanka Midigale ee Gobalka sanaag taakulo lacageed oo dhan Todobaatan kun oo doolar ($70,000) oo ay ugu talagaleen Mashruuca Dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo. Munasabad kooban oo lacagtan lagu wareejinayey ayaa waxa ay ka dhacaday deegaanka midigale oo ka tirasan gobalka sanaag. waxana goobjoog ka ahaa gudoomiyaha gobalka sanaag, gudiga dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo ,odayaal ka socday Bah-wadaagta Reer saalaxa iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanka midigale. Nabadoonka guude ee beesha Reer saalax Cabdiqaadir Maxamed Saalaax oo lacagta ku wareejiyey gudiga wadada aya xusay in markasata ay garab taagan yihiin dhameystirka wadada oo mihiimad u leh buslahada deegaankasi. Aniga oo ku hadlaya afka bulshada Bah-wadaagta Reer saalax waxan halkan ku wareejinaynaa taakulo lacageed oo dhan [$70,000] doolar oo anu ugu talagalnay in aanu ku dhiirigalino guduga gacanta ku haysa dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo si loo dhameystiro. sidaas waxa munasabada wareejinta lacagta ka sheegay Nabadoonka guud ee Bah-wadaagta Reer Saalax. Agaasimaha mashruuca wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo Maxamed Mahad Ciise ayaa cod dheer ku sheegaya in loo baahan yahay in wadada inta ka dhiman meel looga soo wada jeesto dhameystirkeeda. Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo gudoomiyaha dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo oo deeqadan lacageed kala wareegay Bah-wadaagta Reer Saalax ayaa ka mahad celiyey deeqadan waxana uu buslahada kale ugu yeeray in dhankooda ay taageero muujiyaan si guusha loo gaaro. Gudoomiyaha gobalka Sanaag Maxamuud Ismaciil ayaa dhankiisa bulshada Bah-wadaagta Reer saalax ku amaanay sida ay dhiirigalinta ula garab taagan yhiin gudiga gacnta ku haysa dhismaha wadada. Shacabka deegaanka Midigale oo ka tirsan gobalka Sanaag waxaa lagu xasuusta in ay horay u bixiyeen Xoolo isugu jiray geel iyo Ari , waxaana ay sheegeen inay ka go’antahay taageero kasta oo ay kaga qeyb-qaadanayaan Dhismaha wadadaa oo si iskutashi ah lagu hirgelinayo. Cabdiqani Boos Puntland Pos-Bosaso The post Gudiga dhismaha wadada Ceeldaahir -Ceergaabo oo la wareegay lacag dhan [$70,000]doolar appeared first on Puntland Post.
-
Mandera town that was once on her knees due to constant insecurity especially from terror attacks is now back to life. Businessman Aden Hussein has attributed this to the decision by locals to closely work with security agents by volunteering information and reporting suspicious people to the authorities. Residents can now move freely and carry out their daily business without fear. Frequent attacks from the dreaded al Shabaab saw a mass exodus of non-locals who were the main target by the militant group. The Garissa University attack of April 2, 2015 that left 148 people majority of them students dead led to the reshuffle and interdiction of top security chiefs at regional and county level. Residents could close their businesses as early as 5pm because of curfews. Hotel industry and small-scale traders were the most affected. “This town was literally going to the dogs. Everything was at a stand still and most people left,” Hussein said. “Residents, elders, and elected leaders could hold meetings to preach peace so as to save the town from being taken over by the militants,” he added. The executive member of Maendeleo Ya Wanawake Bishara Hussein said Mandera was now peaceful and urged all those who fled the area especially the teachers, doctors, nurses and civil servants to come back. The residents however maintain they are conscious and alert because the threats posed by al Shabaab remain real. Northeastern regional commissioner Mohamud Saleh told residents to work with security teams and peace elders to kick out al Shabaab or risk loosing the region to the terror group. He recently released a list of 35 youth suspected to be working with the terror group, and said Mandera has been the worst hit due to its pproximity to the Somalia. Source: – The Star The post Come back, Mandera is now safe, say residents appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Maraykanka ayaa digniin kasoo saartay xaalada ammaanka dalka Ethiopia kadib markii todobaadkii hore ay ka dhaceen mudaharaadyo ay ku dhinteen toban qof, kuwaas oo ka dhacay dhulka ay ku nool qowmiyada Oromada. Digniintaan ayaa lagu yiri: “Marka la eego tallaabooyinka taxadarka leh, Safaaradda Mareykanka waxay si ku meel gaar ah u hakineysaa dhammaan safarrada ka baxsan magaalada Addis Ababa ee loogu talagalay shaqaalaha nabadgelyada ee safaarada. Dowladda Maraykanka waxay muwaadiniinteeda ku sugan Ethiopia kula talisay inay si dhow ula socdaan isbedelada xaalada amni, dhegtana ku hayaan aqbaaraadka warbaahinta maxaliga ah iyo inay ka feejignaadaan goobaha mudaraharaadyada ay ka socdaan. Hailemariam Desalegn oo ahaa raysal wasaarihii waddanka Ethiopia ayaa is casilay khamiistii todobaadki hore, si xal loogu helo kacdoonada dalkiisa ka socda ee loogasoo horjeedo dowladda. Isbahaysiga talada haya ee Itoobiya, EPRDF ayaa u fadhiya sidii ay usoo magacaabi lahaayeen raysal wasaarihii badeli lahaa Desalegn. Desalegn ayaa Raysal Wasaare Ethiopia ka ahaa tan iyo sannadkii 2012-kii kadib geeridii Meles Zenawi. Puntlandi.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Saraakiisha ciidamada amaanka Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gaari siday Qaraxyo iyo Hub farabadan oo sharci daro ah. Saraakiisha ayaa Gaariga iyo Hubka ku qabtay gobolka Isio ee dalka Kenya waxa ayna xaqiijiyeen inuu ka imaaday Soomaaliya. Saraakiisha oo qabashada Gaariga Qaraxyada siday iyo Hubkaba la wadaagay Saxaafada ayaa sheegay inay la socdeen dhaqdhaqaaqa gaarigaasi tan iyo markii uu kasoo baxay Soomaaliya. Qaraxyada uu siday Gaariga ayaa waxaa kamid ahaa Miinooyinka nooca dhulka lagu Aaso, Qoryo, Bambooyin iyo Mindiyo Afeysan nooca ay isticmaalaan Shabaabka. Sidoo kale, Booliska gobolkaasi Isio ayaa sidoo kale xusay in gaariga ay saarnaayeen waxyaabo la doonaayay in la qarxiyo oo laga sameeyay Kiimiko. Docda kale, Booliska Isio ayaa iminka wadda howlgallo ay ku baadi goobayaan raga la socday Gaariga oo labo ah kuwaa oo ka baxsaday ciidamada. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com The post Gaari siday Qaraxyo & Hub farabadan oo lagu qabtay Kenya xili uu ka baxay Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegaya in kulan uu albaabada u xiran yahay uu dhexmaray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha BF Jawaari. Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa xal loogu raadinaayay Ra’isul wasaare Kheyre oo xiligaan la kulmaaya culeysyo kaga imaanaya dhanka xubno ka tirsan baarlamaanka Somalia. Xogtu waxa ay sheegeysaa in mudada uu kulanka socday uu Madaxweynaha Somalia Farmaajo ka dalbaday Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan in xal degdeg ah loo raadiyo is fahan darida Ra’isul wasaaraha kala dhexeysa baarlamaanka Somalia. Madaxweyne Farmaajo waxa uu Jawaari ka dalbaday in Ra’isul wasaaraha uu kala shaqeeyo xal u raadinta Xildhibaanada u tafaxeydanaaya inay carqaladeeyan Xukuumada kadib furitaanka Kalfadhiga. Waxa uu Madaxweynuhu Guddoomiye Jawaari ka dalbaday in kulamo is arag ah uu ka dhex sameeyo Ra’isul wasaaraha iyo Xildhibaanada garabka kacdoonka wada, si buu yiri loo helo xasilooni Siyaasadeed. Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa la faray inuu ka shaqeeyo xasilinta kacdoonada ay wadaan Xildhibaanada mucaaradka, iyadoo laga duulaayo guuxa ka dhex aloosan Xukuumada iyo baarlamaanka. Kheyre ayaa dhankiisa ka ballanqaaday inuu xooga saarayo xal u helida tabashooyinka baarlamaanka, waxa uuna dhankiisa ka qiray inay jiraan tabashooyin isbiirsaday oo ka imaanaya dhanka mudanayaasha dhaliilsan Siyaasada. Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Jawaari ayaa gudaha asbuucaan bilaabi doona kulamo joogta ah oo ay la kala yeelanayaan Xildhibaanada, waxaana xusid mudan inay sii kordhayaan Xildhibaanada dhaliilsan Siyaasada Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Kulan uu albaabada u xirnaa oo dhexmaray Farmaajo, Kheyre iyo Jawaari appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baraawe ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in halkaa uu ku xirtay Markab weyn. Markabka ayaa la sheegay inuu wado shixnado kala duwan oo u badan qalabka dhismaha oo casri ah, kaa oo ay leedahay Koonfur Galbeed. Shixnada saran Markabka ayaa la xaqiijiyay in lagu dhisi rabo Dekadda iyo Garoonka diyaaradaja magaalada Baraawe ee maamulka Koonfur Galbeed. Shixnada uu sido Markabka ayaa waxaa qeyb ka ah Gaadiid kala duwan oo ay kamid yihiin noocyada dhismaha sida kuwa Cagafta iyo kuwa shiida Shamiindada. Xuseen Bare oo ah Guddoomiyaha Baraawe ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo kala duwan oo lagu horumarinaayo Magaalada Maadaama ay tahay Caasimadda Koonfur Galbeed. Dhinaca kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhawaan la dhisi doono Dekadda iyo Garoonka magaalada Baraawe, si caasimada loogu raro Baraawe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Rar noocee ah ayuu wadaa Markabka weyn ee ku xirtay Dekadda Magaalada Baraawe? appeared first on Caasimada Online.
-
A Kenyan court on Friday sentenced the widow of a radical imam to 10 years in prison for her role in a failed attack on a police station in the port city Mombasa. Source: Hiiraan Online
-
BERLIN (AP) — German authorities have arrested a 20-year-old Somali man on suspicion of being a member of the extremist militia al-Shabab. Source: Hiiraan Online
-
Dhaqdhaqaaqa dibadbaxyada ka socda Ethiopia waa mid ka mid ah khilaafyada ugu saamaynta badan qaaradda waxa uuna [dhaqdhaqaaqaasi] awood u leeyahay in uu wax ka beddelo siyaasadda Maraykanka ee Geeska Africa. Waxa uu sidoo kale carqaladayn karaa dedaallada argagaxiso-la-dirirka ee ka socda Soomaaliya iyo yaraynta tirada ciidamada nabad-ilaalinta u jooga Koonfurta Suudaan. Waxase la yaab leh, dhaqdhaqaaqan laguma soo hadal qaado falanqaynaha siyaasadeed ee Washington ama warbaahinta Maraykanka. Dadweynaha Oromada ee Ethiopia waxa ay maanta u dabbaldegayaan guul aan hore loogu arag taariikhda Africa. Iyada oo aanay dhicin gacan-ka-hadal iyo dhiig-daadasho badan, iyo iyada oo ku dhawaad dhammaan hoggaamiyayaashii muddaharaadayaasha Oromadu ay xabsi ku jiraan, dibadbaxayaashu waxa ay ku guuleysteen in ay ku khasbaan mid kamid ah xukuumadaha ugu awoodda badan Africa in ay oggolaato dalabaadkooda. Markii shaqajoojin iyo muddaharaad abaabulan oo ay ka qaybgelayaan tobanaan kun oo ka mid ah dhallinyarada Oromada ay u soo dhawaadeen magaallo madaxda Addis Ababa, dawladda Ethiopia waxa ay aqbashay in soo dayso koox muhiim ah oo maxaabiis siyaasadeed ah, uuna ku jiro Bekele Gerba, oo ah dhaqdhaqaaqe xooggan oo ay siideyntiisa dawladdu si adag uga meermeertay. Toddobaad ka hor, Bekele waxa lagu xukumay sannad iyo bar dheeraad ah oo xarig ah ka dib markii uu qaaddigii xukumayey ka hor qaaday hees dibadbaxeed. Siideynta Bekele awgeed, dibadbaxyadii Oromada waa la hakiyey, kumanaankii waddooyinka buuxeyna dareen farxadeed baa saaqay. Dabadeed, 14-kii February, dawladdu waxa ay haddana kaga farxisay dibadbaxayaashii ka dib markay sii deysey mucaarad kale oo xagjir ah (oo uu ku jiro Eskindir Nega oo ah qoraa, hoggaamiyihii mucaaradka Andualem Aragie, guddoomiyihii hore ee Gambella Okello Akway, iyo u-dhaqdhaqaaqaha Muslimka ah ee xorriyadda diinta Ahmedin Jebel), waxana ku jira rag lagu xukumay eedaymo la xiriira argagaxisnimo. Raysalwasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalagn ayaa horraantii January ballanqaaday siideynta tiro badan oo maxaabiis siyaasadeed ah, mar danbena waxa uu sii daayey tiro kamid ah qolyaha u dhaqdhaqaaqa siyaasadda, oo uu ku jiro hoggaamiyaha mucaaradka Merera Gudina. Masuuliyiinta dawladdu waxay wakhtigaas sheegeen in tallaabadan looga gonleeyahay ballaadhinta baaxadda siyaasadda iyo in la dardargeliyo wadahadal lala yeesho mucaaradadda siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqa dibadbaxyada qowmiyadnimda ku salaysan. Laakiin badi dibadbaxayaasha iyo kuwa ka shakisan dawladdu waxa ay tallaabadan u akreen mid aan sii ridneyn oo laga yaabo in loogu talagalay iska hor-keenidda mucaaradka, maaddaama oo dadka qaarna la sii daayey, qaar kale oo ay ku jiraan kuwa ugu saamaynta badan mucaaradkuna ay weli ku jiraan xabsiyada. Ka dib dhacdooyinka February 13 iyo 14, waa ay adag tahay in laga shakiyo daacadnimada dawladda ee arrintan. Sida muuqata, dibadbaxyadu waxa ay halis ku noqdeen dawladda, baahida loo qabo karaar-jebinta dibabadbaxyaduna waxa ay noqotay mid cad. Waxa kale oo muhiim noqotay in laga gudbo kala-duwanaanshaha feker ee u dhexeeya kuwa loogu yeero “qunyarsocodka” iyo kuwa “mayal-ka-dag” ee ka tirsan garabka Tigreega (TPLF), oo ah kan ugu awoodda badan gudaha xisbiga talada dalka haya. Werwerka haysta TPLF waa mid laga garaabi karo, weydiinta keliya ee meesha taalla se waa in tanaasulka [TPLF] u sameeyey dibadbaxayasha uu yahay mid aad u yar oo lala soo habsaamay. Carada ka dhalatay maquuninta dhaqaale iyo siyaasadeed ee Tigreega ayaa dabada ka riixaysa dibadbaxyada, halista ah in xasuuq loo geysto qowmiyadda Tigreega uu dhacana waa mid isa soo taraysa. Muwaadiniin Tigree ah oo cabsanaya aya la sheegayaa inay iyaga oo tiro badan ka guureen gobollada Amxaarada iyo Oromadu waddanka ka degto. Sidoo kale, iska hor-imaadyo gacan-ka-hadal oo u dhexeeya qowmiyadaha kale, gaar ahaan Oromada iyo Soomaalida ayaa si xawli ah u kordhay. Xaaladdu waa ay kacsan tahay, dibadbaxyaduna waxa ay la ashqaraarsan yihiin farxad, mucaaradka hadda la soo daayeyna waxa laga yaabaa inay mucaaraddada sii wadaan. Sidaasi darteed, ma jirtaa suurtagalnimo ay dibadbaxyadu ku yaraan karaan? Waxay u eeg tahay inaan suurtagalnimadaasi jirin, walow ay hubanti tahay rajada uu TPLF ka qabo in Bekele Gerba, Ahmedin, Jebel, Eskindir Nega iyo asxaabtoodu ay u garaabi doonaan wadahadallada soo socda. Nimankani, hore uma aysan ahayn xagjir waxa ayna aad uga soo horjeedeen gacan-ka-hadalka, halka mucaaradka caanka ka ah raadiyaha iyo warbaahinta oo ay badankoodu qurbaha jiraan ay caan ku noqdeen maqnaanshahooda, haddana ay majaraha u hayaan mucaaradka. Shacabka reer Ethiopia ma aqbali doonaan dibuhabaynno aan dhammaystirnayn, daacadna laga ahayn maaddaama oo ay guullo ka gaareen dibadbaxyada. Tusaale ahaan, waxa la isla dhexmarayaa in Raysalwasaare Hailemariam lagu beddeli doono qof ka soo jeeda qowmiyadda Oromada. (Lema Megersa oo ah Madaxweynaha Dawlad-goboolleedka Oromada ayaa loo badinayaa in uu noqdo qofka beddeli doona RW hadda). Arrintani waa uun kutirikuteen, haddii se ay run noqon weydo waxa laga yaabaa inay keento dibadbaxyo kale oo hor leh. Muwaadiniin kale oo gacanta ciidamada Ethiopia ku dhinta ama bandow kale oo ay dawladdu waddanka ku soo rogto, waxa ay keeni doonaan isla natiijadii hore. Wakhtiga soo socdana, tanaasulaadka ay samayso dawladda Ethiopia ma noqon doonaan kuwo ku filan inay joojiyaan dibadbaxyada. Haddii wadahadalladu fashilmaan, ciidamadana awoodda laga qaado, dagaalka halkaas ka dhalan doona waxa uu noqon doonaa mid fool xun oo uu dhiig badani ku daato, taasina ma istaajin doonto kacdoonka socda. Saamayn sidee ah ayay tani ku yeelan kartaa siyaasadda Maraykanka? Washington, dabcan, waxay haysataa wax kasta oo ku dhiirriggelinaya in ay ka baaqsato sinaariyo caynkaa ah. Maraykanku wax badan ayuu ku qabaa Ethiopia, oo ciidankeeda iyo iskaashigeedu ay muhiim u yihiin dedaallada Washington ugu jirto xasilinta Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan. Istaraatajiyadda Maraykanka ee Geeska Afrika ku wajahan si daran ayay u sinbiriraxootay, waxaana ay muujisay in ay ku fashilantay gaarista hadafyadeedii (marba haddii xaaladda labada dal [Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan] ay weli ka sii darayso). Laakiin siyaasad taa beddesha ayaan miiska saarnayn, kartida Ethiopia u leedahay taageeridda siyaasadaha Maraykanka ee Afrika khuseeya oo meesha ka baxdaana waa musiibo. Hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya, oo aanay waxba uga danbayn, sida la qiyaasi karo ka ma samatabixi karo xoogagga Ethiopia oo si lamafilaan ah oo aan kalahar lahayn u baxa—nolosha rayid aad u badan ayaana Koonfurta Suudaan halis ku geli doona. Ethiopia khalkhashaa waxay dabcan u nuglaanaysaa daandaansiga kooxda argagaxisada Soomaalida ee al-Qaacida xiriirka la leh, al-Shabaab, oo iyadu mar horaba cagta la heshay gudaha Kenya, oo ay ka jiraan xaalado bulsho oo kuwan shaabbaha (dhallinyaro aan shaqayn oo badan, dadyaw Muslimiin ah oo la hagraday lana yaraystay, iyo cadaawad boolis oo arxan daran). Nasiibxumo, dalal kooban ayaa Maraykanka uga faradhuudhuuban in ay kaalin togan ka qaataan mustaqbalka Ethiopia. Tani waxay ka imanaysaa taariikhda dheer ee Washington ku leedahay siinta taageero miisaaniyadeed xisbiga talada Ethiopia haya, iskaashiga dhaw ee u dhexeeyay militeriga iyo sirdoonka labada dal, iyo ka-warwareegidda soo jiitantay ee mas’uuliyiinta Maraykanku ka gaws adaygayeen in ay dhaliilaan diiwaanka xuquuqda aadanaha ee taliska ama in ay is hortaagaan xarigga kumanaan rayid ah. In Washington ka aamusnaato xuquuqda aadanaha iyo xaaladda amni ee Ethiopia ku xumaanayaa waxay ka dhalatay dhawr qodob. Ta u horraysa uguna doorroon, dabcan, waa in Ethiopia ay noqotay wehelka aan la loodin karin ee “dagaalka ka dhanka ah argagaxisada” tan iyo 2000-nadii. Mar labaadka, ra’iisal wasaarihii hore iyo naqshadeeyihii xisbiga talada haya, Meles Zenawi, wuxuu saaxiibtinnimo shakhsi ah la abuurtay siyaasad-sameeyayaal sarsare oo Maraykan ah, kuwaas oo dabadeed taliska halyey ka dhigay kana difaacay dhaliisha guud. Mar saddexaadka, sida Rwandaba ka jirta, siyaasad-sameeyayaasha Galbeedku Ethiopia waxay ku socodsiiyeen “Tusaale Afrikaan oo Guulaystay” iyaga oo taa u maray u-fududaynta deeq aan kalago’ lahayn iyo maalgashiga qaaradda; in tooshka lagu qabto qisooyinka xuquuqda aadanuhuna wuxuu ahaa mid aan habboonayn. Mar afraadka—oo aan ahayn ka ugu muhiimadda yar—diblomaasiyiinta Maraykanku waxay u arkeen in dhaleecaynta maxfalka ah ee taliska Ethiopia lala beegsadaa aanay waxba soo kordhinayn: sannooyinkan waxay dhaleecayntaasi sababtay in weriyayaal badan, diblomaasiyiin, iyo ururro aan xukuumi ahayn oo Maraykanka laga leeyahay laga soo cayriyo Ethiopia, wax hagaag ahna ku ma ay biirin dhaqanka taliska. Awoodda ay Ethiopia u leedahay gelidda Midawga Afrika (maaddaama xarunta Midaawga Afrika ay ku taallo Addis Ababa) waxay falanqeeyayaal iyo weriyayaal sumcad leh ku kelliftay in ay iyagu isfaafreebaan. Ethiopia waxay sida oo kale muujisay in ay ka go’an tahay in ay ka jawaabceliso cadaadiska dibloomasiyadeed iyada oo la-hayste ka dhigatay danaha amni ee Maraykanka: bishii September 2017, tusaale ahaan, markii Aqalka Guddihoosaadka Arrimaha Afriki isku deyay in uu ansixiyo bayaan tooshka ku ifinaya gaboodfallada xuquuqda aadanaha ee Ethiopia, safiirkii xilligaa Ethiopia u joogay Maraykanku, Girma Birru, wuxuu booqday xubnaha Guddihoosaadkaa, wuxuuna ugu hanjabay in ay ka laaban doonaan wadashaqayntooda argagaxisa-la-dirirka ee Soomaaliya. Markii ay hanjabaaddani soo fool saartay, Guddihoosaadkii durbadiiba way ka noqdeen bayaankii. (Guddihoosaadku waxay shalay ku hanjabeen in ay bayaankii soo celin doonaan si loogu codeeyo February 28, haddii aanay xukuumadda Ethiopia u oggolaan kooxda baarista ee Qaramada Midoobay in ay dalka soo galaan.) Codadka loogu kalsooni badan yahay dhaqdhaqaaqa dibadbaxyadu waxay mar horaba dhaliileen ficil la’aanta Maraykanka, iyo in aanay la qaadanayn wadahadalka mas’uuliyiinta Maraykanka—xaqiiqatan, waxay ku doodeen in haddii ay la xiraan Washington, ay taasi dhaawici doonto kalsoonida lagu qabo, waana ay saxan yihiin. Washington dabcan way awooddaa in ay isku daydo in ay xisbiga TPLF ku qanciso in uu sameeyo isbeddello micno leh oo lagu kalsoonaan karo—laakiin dib-u-eegista ay Washington ku samaynayso taariikhda diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Addis waxay muujinaysaa in dedaallada caynkaas ahi aanay wax miro ah dhalin doonin. Sida oo kale ma cadda nooca isbeddel ee dadweynaha raalliggelinaya: in kasta oo ay jiraan baaqyo ku aaddan in xoogagga amni ee Ethiopia ay faraha kala baxdo Oromada, Amxaarada iyo gobollada kale (sida Soomaalida, ama aagga “Ogaadeen”), haddana cidna ma soo hadalqaadayso doorashooyin daray ah (kuwaas oo taariikh ahaan la fadhataysan jiray) ama halbeegyo dimuqraaddiyadeed oo kale si dib loogu hanto nabadda. Bilaha, iyo maalmaha, soo socdaa waa kuwa go’aan keeni doona. Taliska Ethiopia labo ayay soo kala geli: in ay ku sii dheganaato mawqifkeedan oo ay fidiso kago’naanteeda uu ka go’an yahay isbeddelku, kago’naantaasna waxa muujin kara iyada oo ra’iisal wasaaraha laga dhigo hoggaamiye Oromo ah. Ama waxay labalaabi doonta mawqifkeedii hore, oo waxay ku dhawaaqi doontaa xaalad degdeg ah, laakiin tani waxay noqon doontaa go’aan dhimasho ah, maaddaama xaalad degdeg ah oo cusub ay mucaaradka iyo dibadbaxyayaashu u arki doonaan iclaamin dagaal. Rejada keli ah ee nabadda Ethiopia waa tanaasulaad degdeg ah oo daacad ah, oo ay la yimaaddaan haldoorka TPLF, taas oo ay tahay in ay noqoto dibuqaybin micno leh oo dib loo qaybiyo awoodda dhaqaale iyo siyaasadeed. Shacabka Ethiopia wuu tijaabiyay awooddiisa, si ama si kalana u ma sii jiri doonto taagantu (status quo). The post Ethiopia xaggee ku danbayn doontaa? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa maanta oo sabti ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay kasoo dajiso Maxaabiis Soomaaliyeed. Maxaabiistan ayaa ku jiray gacanta magafayaasha dalka Libya, waxaana lasoo sheegayaa in qaarkood ay qabaan dhaawacyo. Maxaabiistan ayaa tirro ahaan lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 11 Maxaabiis, waxaana la xaqiijiyay in muddo farabadan ay ku jireen gacanta Magafayaasha dalka Libya oo u geestay dhabaatooyin kala duwan. Mas’uul ka tirsan Safaarada Somalia ee dalka Libya ayaa sheegay in Maxaabiistan ay gacanta magafayaasha ku jireen muddo laba sanadood ah, balse iminka laga soo saaray. Danjire Ali Siciid Fiqi oo ah Safiirka DFS u fadhiya Midowga Yurub, ayaa sheegay in juhdi badan ay ku bixiyeen sidii dhalinyaradaasi loo sii dayn lahaa. Waxa uu Danjiraha sheegay in ka shaqeynta deysmada Maxaabiista uu u xil saaray Madaxweyne Farmaajo, hase ahaatee ay ku guuleysteen. Mid ka mid ah Maxaabiista ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu u duulo Magaalada Muqdisho, kadib laba sano oo uu ku xirnaa dalka Libya. Geesta kale, Madaxweyne Farmaajo, ayaa balan qaaday in dowladiisa ay dadaal badan ku bixin doonto sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista Somaliyed ee ku xiran dalalka caalamka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post DFS oo maanta Maxaabiis kasoo dajineysa Garoonka Aadan Cadde (Tirada) appeared first on Caasimada Online.
-
Ethiopian Prime Minister Hailemariam Desalegn resigned unexpectedly on Thursday, the first leader to do so in the country’s recent history. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan xogta ku helnay Safaarada Turkiga ee Somalia ayaa wada qorsho ay ku howlgalineyso qaar kamid ah ciidamadii ay dhawaan tababarka ugu soo xireen Saldhiga Militery ee ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho. Safiirka Imaaraadka u fadhiya Somalia Ambassador Olgan Bekar, ayaa qorshahaan cusub la kaashanaaya Saraakiisha Turkida ee gacanta ku heysa Saldhiga. Qorshaha Safiirka ayaa la sheegay inuu yahay in ciidamada Soomaalida ee tababarka loogu soo xiray Saldhiga lagu wareejiyo amniga Safaarada iyo Xarumaha kale oo ay maamusho Turkiga. Qorshaha ayaa markiisa hore la xaqiijiyay inuu ahaa in dufcada koowaad lagu wareejiyo amniga Saldhiga, Safaarada iyo Isbitaalada ay maamulaan Turkida, hase ahaatee waxaa howshaasi dib u dhigay isku shaandheyn lagu sameynaayo ciidamada. Dowlada Turkiga ayaa kaalmaha koowaad ugu jirta dowladaha garabtaagan Somalia, waxaana xusid mudan in dhammaan howlaha ay kawadaan Somalia ay maamulka u dhiibaan Soomaalida. Dhinaca kale, qorshaha uu wado Ambassador Olgan Bekar, ayaa dib usoo celinkara mooraalka ciidamada dhawaan tababarka loogu soo xiray Saldhiga ee Soomaalida ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Safaarada Turkiga ee Somalia oo wada qorshe cusub oo dhiiri galin leh appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in shaqooyinka halkaa ka socday ay qarka u saran yihiin inay galaan hakat, kadib Wasiiro iyo Xildhibaano Jahwareer galiyey howsha Gobolka Banaadir. Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa la sheegayaa inay buux dhaafiyeen Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho C/raxmaan Cumar ‘’ Yariisow’’, oo la filaayo in dhawaan uu magacaabo Guddoomiyayaal Degmo. Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa kala wata shaqsiyaad ay doonayaan in loogu magacaabo Guddoomiye Degmo, xili uu si hoose u socdo qorshaha lagu bedeli lahaa Guddoomiyayaashii uu horay u magacaabay Guddoomiyihii xilkiisa waayay Taabit. Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa waxaa kaabaaya Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka oo saaxiibo dhow la ah Guddoomiye Yariisow, kuwaa oo qudhooda damac ka qaba in Guddoomiyayaasha cusub ay ku yeeshaan hal iyo laba Guddoomiye, wallow talaabadaasi ay carqalad galinkarto kursiga Guddoomiyaha. Guddoomiyaha Gobolka C/raxmaan Cumar “Yariisow’’, ayaa balamo u kala qabanaaya mas’uuliyiinta inkastoo ay xogtu sheegeyso in qaarkood uu ugu tago goobaha ay degan yihiin si uu uga fal celiyo dalabaadkooda. Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyayaasha cusub ee Degmooyinka ayaa waxaa ka dhex muuqan doona xubno ay wataan Siyaasiyiin ka tirsan Mucaaradka dowlada oo xiriir hoose la leh Yariisow. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Wasiiro iyo xildhibaano jahwareer galiyey howshii xarunta gobolka Banaadir appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Beled Weyne ayaan goor subax ah ka baxnay. Waxaan tagnay barta ciidanku fadhiyo ee lagu baaro baabuurta ee loo yaqaan Centoquindice oo ah 115 oo af Talyaani ah, waxaa loola jeedaa in ay 115 km u jirto Buulo Burte. Halkaas ayaan bidix u weecannay oo ku dhacnay waddada u socota Jihada feer feer oo ah soohdinta Ethiopia oo markaas noo jirta qiyaastii afartameeyo km. Maaddaama Buulo Burte ay noo jirto 115 km, iyaduna ay Muqdisho u jirto 220 Km markaa waxaan caasimadda ka soo fogaannay masaafo dhan 335 km. Waxaa na soo daba galay gaari Landcruiser ah nooca loo yaqaan hardtop. Waxaa saaran dhowr nin oo dhar rayid ah lebbisan. Waan ka shakinnay. Ma badneyn laakiin gawaari la dhaco oo soohdinta lagala tallaabo ayaa jiray beryahaas. Khatartaas oo ah mid mar walba nala deris ah marka laga billaabo Beled Weyne ilaa aan gaarno Boorame maaddaama ay waddadu inta badan la teedsan tahay soohdinta Ethiopia oo jabhada cartamayaa ay isku abaabulayaan kana soo duulaan marka ay karaan. Dhanka Soomaaliyana ay intaa ka goosanayaan saraakiil sare oo militeri ah iyo rag ka baxsanaya in xabsiga la dhigo siyaasad ama fal dambiyeed awgood. Raggaas u tallaabaya Ethiopia, haddii ay caasimadda ka soo baxayaan waa qarsoodi iyo dhuumasho. Laakiin marka halkaan la soo gaaro, waxaa laga yaabaa baabuur lagaa furtay in lagu sii jidmaro, taas oo laba sano ka dib ku dhicday ICRC. Markii aan isku daynay in aan ka dheereeyno oo aan xawaaraheenna kordhinny, sidoo kale ayuu gaariga na daba socdaa sameeyay. Markii aan isku dayno in aan aasheen u soconno si uu noo dhaafo, isaguna xawaaraha ayuu dhimay. Runtii waxaa noo caddaatay in gaarigani uu annaga na daba joogo. Laakiin ma ciidanka amniga oo annaga na hubinaya in aynaan Ethiopia u socon baa mise waa niman annaga nagu maqan oo weerar ah? Annagu jihadeennii ayaan isaga soconnay. Waddadii burbursanayd waxay ku dhammaatay Jawiil. Tog weyn ayaa ag mara. Waxaa keliya oo uu biyo leeyahay xilliga roobku ka da’o degaankaas ama buuraleyda Ethiopia ee uu ka soo billowday. Waxaa dul saaran kaabad aad u dheer. Waa kala-bayr saddex geesood ah. Waxaa ku kala leexda waddada Muqdisho aadda, midda Feer Feer marta oo Ethiopia u gudubta. Iyo waddada aan mari doonno oo xilligii Kacaanka uu Shiinuhu dhisay oo tagta Burco. Waxaan halkaa iigu dhammaaday degaannada aan anigu hore u tegey ama ay gurigeenna si joogta ah u imaan jireen dad ka soo safray. Matabaan ilaa Gaalkacyo Waddada ugu dheer Soomaaliya, uguna dhismo iyo toosnaan wanaagsan ayaan cagta saarnay. Markaan dhankaas u beyrnay ayaa noogu dambeysay gaarigii na daba socday. Matabaan, Guriceel ayaan sii marnay ka dibna waxaan tagnay Dhuusa Marreeb. Waxaa xarunta Qaybta 21aad ee Xooga Dalka Soomaaliyeed oo u xilsaaran Difaaca aagga soohdinta inta u dhexeysa Tiyeeglow ilaa Gaalkacyo, ciidankeeduna uu hoos u gaaro Buulo Burte oo guutooyin Taangiyo iyo madaafiicda goobta ahi ay u deggan yihiin. Waa xarun ciidan iyo basaasiin badan. Xataa Jabhadda Soomaali Galbeed Xafiis ayay ku lahayd. Howlaha ugu badan ee magaalada ka socdaa waa howlaha ciidanka. Waxaan xog badan ka helay muddo markaas laga joogo laba sano oo annaga oo arday iyo macallimiin Jaamacadda isugu jirna uu Taliyihii Qaybta 21aad ee xilligaas General Morgan uu nagu marti qaaday Qaybta. Taxanaha Doodaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo aad isla bartaan ka heleyso ayaad booqashadaas wixii aan ka qoray aad ka akhrisan kartaa. Cadaado ilaa Gaalkacyo ayaan marba meel istaagnay si howsha samafalka ee aan wadno aan dadka ugu fasirno. Gaalkacyo markii aan gaarnay oo aan dadka weydiinnay bal in ay yaqaannaan qoysaska waraaqaha loo soo diray ee degaankaas, ayaa markiiba la gartay hooyo Soomaaliyeed oo ninkeedii uu u soo diray waraaq. Waa ay noo timid. Bartii ayaan isku wareysannay, shaahna aan ku wada cabnay. Markii ay waraaqda ka jawaabtay, waxay na weydiisay waxa ay u diri karto carruurteeda aabbahood. Waxaan u sheegnay waraaq iyo sawirro qoyska ah oo keliya in la oggol yahay. Dib ayay u noqotay waxayna keentay sawir iyada iyo carruurta ah. Garowe Halkaas ayaan uga gudubnay oo aan tagnay Garowe. Waa magaalo markaas la leeyahay aad ayay u cammiran tahay. Sababtu waxay ahayd sharikadda dhiseysa waddada Boosaaso oo keentay darawaliin iyo shaqaale kale oo badan. Xero gaar ahna ajnebigu u deggan yahay. Dad kale oo raba in ay shaqo ka raadsadaan sharikadda ama ay ganacsi u badan makhaayado ay abuuraan oo lacag ka sameeyaan shaqaalaha ayaa iyaguna ka mid ah dadka aan sharikadda u shaqeyn laakiin Garowe u yimid nolol raadis. Inkasta oo dadka magaaladu ay markaas u arkayeen in ay aad u cammiran tahay, haddana waxay ahayd magaalo yar weliba marka loo fiiriyo inta ay hadda tahay. Habeenkaas waxaan xarunta Hanuninta Dadweynaha ku daawaday riwaayad ka socotay halkaas. Ujeeddadeydu waxay ahayd dhexgalka, fahamo isla markaana dareemo nolosha magaalada xilliga yar ee aan joogo. Halkaas ayaan habeen ku hoyannay. Laas Caanood iyo Caynaba Subixii xigay waxaan tagnay Laas Caanood, xarunta Gobolka Sool. Isla howshii ayaan ka fulinnay. Waxaa noo xigtay Caynaba. Magaalo kasta marka aan ka baxno waxaan eber geynayay saacadda mayltiriska ee baabuurka si aan u ogaado masaafada ay magaalooyinku isu jiraan. Caynaba marka aan tagnay oo aan qortay inta ay u jirto Laas Caanood. Ayaan shaah u fariisannay cooshad yar. Rag meesha taagtaagnaa qaarna fadhiyay oo marna gabadha ajnebiga ah eegaya marna annaga na eegaya ayaan weydiiyay tuuladan magaceeda. Jawaabta la i siiyay ma ahayn mid aan marnaba filanayay. “Waar degmaan nahaye ha noo gefin” ayaa mid igu yiri. Waxaaban mar u qaatay in ay i khaldayaan laakiin markii dambe waxaan ogaaday in ay tahay Degmo buuxda. Burco Burco ayaan uga gudbnay oo aan wakhti badan ku qaadannay. Guddoomiyaha Gobolka Cali Xaayow ayaa xafiiskiisa nagu qaabbilay. Mas’uuliyiin kale oo badan oo Gobolka Togdheer iyo Degmada Burco ka socda ayuu soo fariisiyay. Halkaas ayaan ku kala warqaadannay. Howshii aan wadnay ayaan ka warbixinnay. Si wanaagsan ayuuna noo soo dhoweeyay Guddoomiyuhu iyo weliba mas’uuliyiintii kale ee halkaa joogay. Waxay ahayd magaalo aad u dad badan oo cammiran marka la yiraahdo dadka dhex socda. Laakiin marka aan barbardhigo ra’yiga mala awaalka ah ee awal madaxeyga ku jiray, magaalnimo badani ka muuqan Burco. Waa marka la eego xagga dhismayaasha, gawaarida iyo lebbiska dadka magaalada. Go’a garabka saaran, ulaha iyo budadka, dhawaaqa ka baxaya magaalada intuba waxay igu noqdeen wax aanan ka fileyn. Burco oo ay iigu dambeysay 2002 waxaa ka muuqday horumar dhinacyo badan leh oo weyn marka aan barbar dhigo 1987. Laga billaabo Caynaba, waxaa jiray cabsi ahayd SNM oo mar mar weerar gaadmo ah ka geysan jirtay waddada. Waxaan xusuustaa sarkaal ay ehelkiisu in badan na soo weydiiyeen bal in uu maxaabbiista Ethiopia hayso uu ka mid yahay laakiin inta markaas ah aynaan magaciisa ka hayn Ethiopia. Wuxuu ahaa Col. Bashiir oo ay SNM ka qabatay waddada, isaga oo la socda Bas uu Muqdisho ka soo raacay. Shiikh Waxaan Burco uga gudubnay Shiikh. Waa magaalo marka dhanka Burco aad ka timaado aadan dareemeyn in aad dul joogto buur aad u dheer. Magacyadii maxaabbiista ayaan la wadaagnay caa’ilada dariiqada iyo qolyo samafal ah oo ajnebi ah oo aan u maleynayo Help the Aged in ay ahaayeen. Shiikh iyo Cammuud waa meesha macallimiin fara badan oo iskuulka wax igu soo baray ay ka soo baxeen, aadna ay noogu ammaaneen. Waa laba goobood oo aan damacsan ahay in aan ka ogaado waxa aan ka maqlay oo aan ka aamminsan ahay in ka badan. Qormooyinka soo laabadka safarkaan ayaan taas ku sii faahfaahin doonaa insha Allah. Waxaan Burco uga gudubnay Shiikh. Waa magaalo marka dhanka Burco aad ka timaado aadan dareemeyn in aad dul joogto buur aad u dheer. Magacyadii maxaabbiista ayaan la wadaagnay caa’ilada dariiqada iyo qolyo samafal ah oo ajnebi ah oo aan u maleynayo Help the Aged in ay ahaayeen. Shiikh iyo Cammuud waa meesha macallimiin fara badan oo iskuulka wax igu soo baray ay ka soo baxeen, aadna ay noogu ammaaneen. Waa laba goobood oo aan damacsan ahay in aan ka ogaado waxa aan ka maqlay oo aan ka aamminsan ahay in ka badan. Qormooyinka soo laabadka safarkaan ayaan taas ku sii faahfaahin doonaa insha Allah. Gaariga waxaa wadda Beatrix oo ku adkeysatay in aan buur looga sheekeyneyn sida baabuur loo saaro ama looga dejiyo maaddaama ay Swiss tahay. Waxay ku adkeysatay in ay iyadu ka dejineyso buurta. Si xallad leh ayayna u sameysay. Markii aan ka hoobannay Shiikh inkasta oo ay ahayd wax igu cusub, haddana waxaa ii soo baxday in khatarta ay darawaliintu ay ka hadlayeen ay tahay ka hor inta aan waddo laami ah aan kacaanku saarin buurta. Waxaan tagnay meel niman militeri ahi ay bir ku gudbeen waddada oo u dhow Huddisa. Waxay nagu yiraahdeen dib u noqda ma gudbeysaane. In yar wadahadal ah iyo waraaqihii aan u soo bixinnay dartood wuu na fasaxay isla askarigii markii hore noo diiday waddada ka dib marka uu la tashaday qof ama ka badan aan indhaheennu qaban oo meel buush ah ku dhex jira. Bandow Waxaan markiiba gaarnay magaalada Berbera ee xeebta ah. Waa bandow habeenkii. Waxaan ku degnay Hotel Yaxye. Berbera waxaa igu soo dhoweeyay saaxiibkeey Maxamed Siciid Warsame “Kuukaay” oo aan Radio Muqdisho ka wada shaqeynay loona magacaabay mas’uuliyad sare oo aan u maleynayo in uu ahaa ninka u sarreeya Canshuuraha Berbera. Magacaabiddiisu waxay ka dambeysay markii uu shahaaddada MBA ee maamulka ka qaatay Machadka horumarinta Maamulka iyo Maareynta ee SIDAM oo shahaaddadaas ay wadajir u bixin jireen Jaamacad Mareykan ah. SIDAM shaqaalaha Dowladda ayay tababbari jirtay, waxaana ay Jaamacad Mareykan ah la billowday waxbarasho qaarna Muqdisho lagu qaadanayo qaarna Mareykanka oo shahaaddada MBA laga qaato. Maxamed Siciid wuxuu ii sahlay in madaxda Dowladda aan si fudud isu wada arragno iyo in xataa ayadoo Bandow ah naloo oggolaado dhaqdhaqaaq habeenkaas oo aan booqannay goobo iyo dad aan dooneynay in aan aragno. Jawi cakiran oo cadow aan annaga noo muuqan la iska jiro ayaan Berbera ka dareemay. Hal habeen ayaan seexannay. Berri subax Magaalada ugu culus xagga tirada dadka ku nool, xagga tirada hey’adaha Dowladda iyo kuwa ajnebiga ee ku howlan, xagga xamaasadda SNM ee hoosta ka kareysa iyo xagga tirada indhaha hey’adaha amniga ee eegaya dhaqdhaqaaq kasta iyo waxa looga dan leeyahay waa Hargeysa. Waa magaalada ugu xasaasisan inta aan soo marnay. In aan howsheenna ka fulinno ayaan rabnaa annaga oo bed qabna, isla markaana aan xorriyaddeenna iyo xorriyadda qof kale midna aan khatar gelin. Feker iyo farsamo ayay naga dooneysaa. Inkasta oo aan Berbera seexannay, habeenkaas oo dhan waxaan ka fekerayay berri sida aan u wajihi doonno Hargeysa. W/Q. Yuusuf Garaad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Matabaan ilaa Berbera – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Siddeedaad appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha wasiirrada ee waddanka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in xaalad degdeg ah ay dalkaasi ku soo rogeen maalin kaddib markii uu is-casilaadisii gudbiyey Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn. Desalegn ayaa sheegay in iscasilaaddiisa ay muhiim u tahay si wax looga qabto cabashooyinka dawladda lagaga soo horjeedo oo dad badan ay ku dhinteen, kuwa kale oo badanna ku dhaawacmeen. Iscasilaadiisa ayaa ku soo beegmaysa kaddib muddo bilooyiin ah oo ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo. Dibadbaxyada ayaa intooda badan ka socday gobollada Oramada iyo Amxaarada, iyadoo kuwii ugu dambeeyayna ay ku dhinteen 10 qof tira kaalana waa ay ku dhaawacmeen. Dhanka kale, toddobaadkan waxyaabo badan ayaa ka dhacay dalka Itoobiya – oo ay ka mid ahaayeen siyaasiyiin mucaaradka oo xabsiga laga sii daayayiyo ballan qaad loo sameeyay boqollaal qof oo kale oo arrimaha qowmiyadaha u ololeeya in la sii deynayo. Isbahaysiga dalka xukuma waxay kaloo ballan qaadeen wada hadallo si la isugu dayo in xal loo helo dhibaatooyinka siyaasadeed ee dalkaas ka taagan. Xigasho: BBC The post Itoobiya oo xaalad deg deg ah lagu soo rogay appeared first on Caasimada Online.
-
BURAO—Somaliland security forces apprehended on Friday, a citizen who said that he will declare Sahil provincial administration recently. Mr. Saleban Ibrahim Hamud has spoken out of the Dubai Ports World (DPW) takeover of Berbera Port and the oil exploration which is underway in Sahil region. The man who was detained by police made the remarks in Burao but it is not yet clear if he will be brought before the court.
-
By Dr. Hussein M Nur Despite the serious concerns described in the previous part and as articulated in poetic styles, the government did not address them the issues and the Somaliland politicians were unable to rectify the distorted situation. But the widespread dissent and injustices paved grounds for the rise dissidence. A practical show of the rejection of the unification presented itself when a group of junior military officers of Somaliland origin attempted a military coup. Fresh from British and Egyptian military academies and colleges, the junior officers joined the Somaliland Scouts, they were indeed ingenious to evaluate to evaluate the political situation. They immediately became disenchanted with the system and the union state. They faced direct discrimination and injustices within the military force. They rightly predicted the distorted road Somaliland was set. They were young innocent officers who had no taste for power yet. Just before the instatement of the union, in Italian Somalia, there was a frantic race and a mad rush for promotions among the armed forces. There was a wholesale officer promotion open only for the officers in the South. The officers of the Somaliland Scouts regiment of the Somaliland protectorate were not involved in the commotion and mayhem of that matter. The officers from the South before union were all from the Police force (there was no military force in Italian-administered Somalia). Contrarily, however, in Somaliland, there was a well-trained Somaliland Scouts military regiment. Most of the Its junior officers were graduates from distinguished top military academies in Britain such as Sandhurst and Mono as well as Egypt. At the time of unification, besides the well-trained army, the Somaliland Scouts of about 2000 strong. Somaliland also had its police force. Just before the union, in Italian Somalia, many of the police officers were transferred to form a new military force even though they had no military experience and training at all. According to Abdillahi Aden ‘Congo’ and Awil Ali Duale (two of the few members of the aborted coup in 1961 to be discussed), most of the officers in the south were promoted twice. Firstly they were promoted when Somaliland independence was declared on 26 June 1960. For example, those with the ranks of Captains or Majors were promoted a rank up, i.e., dressing as Majors and Lieutenant Colonels respectively and again they were promoted another rank up when Italian Somalia became independent on 1 July 1960 as Lieutenant Colonels and colonels. Even the junior officers dressed two ranks up with some being promoted to seniors. There was plainly a mad rush for promotions. Whilst in Somalia such a scramble for higher ranks and generous bonus promotions were up for grabs, in Somaliland, owing to their loyalty, the officers from the Somaliland Scouts regiment and police did not take part, i.e., they did not make themselves promoted not even once. In the first year of the union, some junior officers (Abdillahi Aden ‘Congo’, Awil Ali Duale and Abdillahi Said Abby) visited Mogadishu to meet up with the newly-appointed Military Commander, General Daud Abdulle Hersi and to make their complaints but the General did not listen to them. General Hersi was a police officer of Italian Somalia. The General was the fourth in a rank of the police force in Somalia whilst General Mohamed Abshir was the highest in rank in the police force followed by General Mohamed Siyad Barre and General Abdalla Sandhere as the third in rank of the police force. General Hersi showed no sympathy to the Somaliland junior officers’ in relation to their complaints. Meanwhile, the government’s top posts of the government were dominated by people from Somalia. Allocations were based on clan system and not on merit. Representatives from the two major clans of Somalia were the candidates for major posts. General Mohamed Abshir and General Mohamed Siyad Barre were from the same main lineage. The allocation of most important posts and portfolios involved taking turns between officers of the two main clans in Somalia (Mogadishu Clan and Darod). Abdillahi Aden Congo compares this act as a Somali children’s traditional riddle or game “ii Cug!, Cirka!’ (‘I Take this! You Take that!’) or ‘qaatay ee qaado’ (I got, you pick). Thus, taking turns was the default formula for power-sharing between the two main protagonist tribal actors. Because of that game in play, General Siyad Barre lost his seniority post. He was second in seniority after General Mohamed Abshir and expected to be allocated to the post of military commander. But nevertheless, since General Abshir was from the same clan as Barre was allocated the post Police Commander, the post of military commander was the turn of the major rival clan. So, therefore, it went to General Daud who was the fourth in the chain of seniority (Mohamed Siyad Barre was, in fact, second the seniority after Mohamed Abshir and Abdalla Sandhere who was the third in seniority chain. Barre, a senior ahead of General Daud, was demoted to the Chief of Staff post of the Military simply because he belonged to the same clan as Mohamed Abshir. Barre was denied the post of Military Commander because of his clan affiliation to general Abshir. Siyad Bare felt bitter injustices. The Somaliland junior officers decided to plan a military coup the aim of which was to bring back the lost independent state of Somaliland so that Somaliland would be in a better position to correct the mistakes incurred during the unification and to eventually address the unforeseen consequential issues of injustices, marginalization and domination. They saw that only in that way would Somaliland be in a stronger position to make reasonable negotiations and adjustments should it wished to unite with Somalia. In fact, it was only the Somaliland Scouts was still intact as an institution not yet touched with the quagmire of the politics. Immediately, after the union, almost all of the civil servants in Somaliland government offices were transferred in masses to the South. The Somaliland government in the North was dismantled and reduced to some fringe offices run by southerners and as a region with a governor. Such injustices were clearly sensed by the public in the North. The cardinal objective of the junior officers was to return Somaliland to back its independent status quo. Who is who of the members of the coup? The core group of the coup was initially composed of eleven officers though later increased to twenty-three. They were: 1.Hassan Abdillahi Walanwal (Hassan Kayd) (2-star lieutenant) (Buroa/Togdheer);2. Abdillahi Mohamed Aden (Abdillahi Congo) (2-star Lieutenant) (Hargeisa);3. Muhumed Abdillahi Robleh (Muhumed Awr) (2-star lieutenant); (Sahil); the rest were one-star lieutenants: 4. Abdillahi Said Abby (aka as Gamadhere) (Hargeisa); 5. Said Ali Ghir (Las Anod); 6. Mohamed Mohamoud Said ‘Bidihleh (Hargeisa); 7. Mohamed Abdirahman Haji Jama (Lugooyo) (?); 8. Faisal Haji Jama Geddi (Buroa); 9. Awil Haji Ali Dualeh (Hargeisa); 10. Abdillahi Abdi Farah ‘Deyr’ (Hargeisa); 11. Daud Ali Yahye (Borama); 12. Hussein Mohamed Bullaleh (Hussein Dakhare) (Berbera); 13. Abdillahi Ahmed Kibar (Gabiley); 14. Mohamed Warsame (Borama); 15. Mohamed Mohamoud Raghe (Berbera); 16. Abdi Yusuf (Hargeisa); 17. Mohamed Sh Muse (Sheikh); 18. Ahmed Haji Deria (Buroa); 19. Ali Harun (Buroa); 20. Said Oogle (Buroa/Togdheer); 21. Abdi Dhala Abdi (Las Anod); 22. Abdikarim Ashur (Las Qoray); 23. Abdi Ali Hussein (Abdi Habashi) (Jigjiga) Abdillahi Aden ‘Congo’ Until today there is an archetypal myth – that those involved in the coup belonged to one clan. However, the truth of the matter is that they represented most of the clans and regions across Somaliland as they shared the same common feelings – the imbalance power, the injustices and inequalities in the military force and the way Somaliland independence was handled at the time. Therefore, the officers stood for a unique experience. Some senior officers who were not involved today express that the junior officers were young fresh graduates, inexperienced and understood no politics. I retain the opinion that the junior officers were right and they did it for that reasons and not for a search of power as seniors would have liked. As retold by Abdillahi Aden and Awil Ali Duale (both of them members of the coup) the plan was to conduct the coup in two years’ time. But nonetheless, for internal technical reasons and for unforeseen circumstances, the coup took place earlier on 10th December 1961. In earnest preparations, some officers already and immediately showed reluctance while others not even endorsed the idea. That brought suspicions among the coup planners and that they would foil the operation by disclosure of the movement of the groups. Therefore, a hasty decision had to be taken – the coup to occur well in advance of its planned timescale. The Commander of the Somaliland Scouts regiment, Colonel Mohamed Ainanshe, the late Colonel Abdillahi Yusuf and other officers from the South were detained on the day. Lieutenant Abdillahi Abdi Farah (Deyr) was posted to take control of the central police station and Lieutenant Mohamed Mohamoud Rage held Radio Hargeisa. The plan was that detainees were to be kept far from the scene of the operation, Hargeisa and Somaliland Scouts Headquarters. They were supposed to be kept at the Government rest house at Ga’an Libah Mountain, near Adadley. That did not happen as the officer who was assigned to the task did not execute the job as planned. Instead, they were kept at a private house owned by Abdillahi Darawal then resided by Awil Ali Duale, one of the coup plotters. The prisoners were under guard by Lieutenant Abdillahi Said Abby and private Abdillahi Ali Hussein. The Somaliland scouts soldiers at Birjeex military base in Hargeisa missed their commander, Colonel Mohamed Ainanshe and other superiors. That itself raised suspicion and as soon as their whereabouts were sighted, the soldiers stormed the house. A fire was exchanged between Lieutenant Abdillahi Said Abby, the officer in charge of the detainees. Officer Abby and a companion, Ahmed Awad, were killed in the exchange of fire as they refused to give up and release the detainees. Hassan Kayd, a senior member of the coup was shot and injured in the knee walking by the gate of Birjeex Military HQ. Within the same day, the coup was aborted. All officers in revolt were imprisoned overnight in Hargeisa but were immediately transferred to Mogadishu. The details of the conditions of the prison and how they were treated were exposed by the surviving individuals of the plotters. The prisoners were taken into custody at a training camp known as ‘Botigo’ (later re-named as ‘Halane’) near Mogadishu. In the jail, they were badly and inhumanely treated in appalling conditions. After several months, they were then transferred to Mogadishu central prison (‘cella morta’ in Italian which means the ‘dead cell’). They were kept in the dark underground at the basement, tunneled under the Indian Ocean Sea. After languishing in jail for about a year and a half, private Indian-Kenyan lawyers were hired from Nairobi, Kenya for them and court proceedings started in Mogadishu. The proceedings of the trial at the court in Mogadishu began in July 1963. The judge was Mr. Hazelwood, a British from the court of Hargeisa in Somaliland oversaw the deliberations and the final verdict ruling with an Italian prosecutor. (St. Ricardo!!). The proceedings took nearly two months. Finally, the prisoners were cleared and acquitted. The verdict was ‘not guilty’. In fact, the judge declared no case at all. The debacle of the case at the court was determined by several reasons: That the officers were never sworn for a country called ‘Somali Republic’. The last time they swore, it was for the Queen of England for Britain. That the judgment was not to be brought under the constitution of a country called (Somali Republic). Instead, it should have been conducted under Somaliland state jurisdiction. Hence, to be judged under the Indian Penal code. The only constitution available (that of Somalia) which was only effective at the time took precedence and the case was taken as a civilian case. Had the case been heard in a Somaliland court, it would have a criminal court and the prisoners would have been tried under the Somaliland legal instruments, i.e., the Indian Penal Code and they would have been court marshaled under the Somaliland Scouts military law. Therefore, article 6 of the Republic’s constitution directed that court marshaling of military officers was inapplicable so long as there was no war situation in the country. In Somaliland, the prisoners would have been convicted as guilty and concluded with a firing squad (death penalties). The court case proved that the union with South was not void and non-existent and there was no binding document ratified bilaterally by the partners of the union. In fact, there was no Act of Union which was ratified as a legal binding contract between the two states. Abdillahi Mohamed Aden (Congo), a senior officer member of the coup, affirms: “Had the court been in Hargeisa, we would have been court marshaled in accordance with the Somaliland Scouts regiment law. We would have surely been shot by a firing squad because we committed a treason crime against the State of Somaliland and not against a country called the Somali Republic for which we had never avowed or taken an oath for”. Soon after the failed coup, punitive measures were taken by the government which was dominated and powered by the South. In the same month of the year 1961, another serious discontent surfaced. The SNL, a northern political party, noticeably expressed discontent and advocated boycott in the referendum. Such episodes clearly constituted some of the early signs of discontent and disagreements as a result of political and administrative differences. They also acted as forms of expression and discontent by the people from the North within the union right from the start the civilian governments that came to power between 1960 and 1969 failed to address the problems and to find out solutions for the standing grievances of the northerners. To be continued