Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. President Uhuru Kenyatta has chosen Noordin Haji to replace Keriako Tobiko as the Director of Public Prosecution. The DPP selection panel had shortlisted three applicants including Lucy Kambuni and Jacob Nyakundi. Read: Three shortlisted for DPP post after Tobiko takes up CS job Noordin is the son of Garissa Senator Yusuf Haji. He has had a career spanning many years at the National Intelligence Service and is currently a senior director. Uhuru announced his DPP pick via Twitter on Tuesday saying he had also asked the National Assembly to vet Paul Kihara for the position of Attorney General. Tobiko is now Environment Cabinet Secretary while Githu Muigai resigned as Attorney General other interests.
  2. 13 Maarso, 2018–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ( Eng. Yarisow) oo ka qeyb galayey munaasabad ay heshiis dhanka waxbarashada ah ku kala saxiixanayeen Maamul Gobolka iyo Wasaaradda Waxbarashada Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dar-dar gelinayaan dadaallada horumarinta waxbarashada asaasiga ah ee gobolka. Heshiiskan ayaa dhigaya in Maamulka Gobolka Benaadir lagu wareejiyo gacan ku heynta iskuulka 15ka May ee magaalada Muqdisho oo dhawaan dib loo furay. Guddoomiyaha Gobolka ayaa tilmaamay in iskuulkan uu qeyb weyn ka soo qaatay waxbarashada kumanaan shacab ah oo ku dhaqnaa gobolka Benaadir xiigii Kacaankii haatanna dib loo furay kaddib dayactir iyo dib u habeyn lagu sameeyey. “Iskuulkan waxa uu ka mid ahaa goobihii ku tilmaamnaa waxbarashada asasaasiga oo haatan aan ku dadaaleyno sidii aan dib ugu soo nooleyn lahayn, gaar ahaan in aan soo celinno fursadaha waxbarashada bilaashka ah ee tacliinta asaasiga.” Eng.Yariisow waxa uu sheegay in la qorsheynayey in sannad dugsiyeedkan lagu bilaabo furitaanka dugsiga 15ka May 60 arday oo kaliya, balse muddada saddexda todobaad ah ee uu furanyahay la diiwaan geliyey arday kor u dhaafeysa 600 oo arday, taas oo ka tarjumeysa baahida loo qabo dib u soo nooleynta tacliinta bilaashka ah ee ay ku tiirsanyihiin qooysaska danyarta ah. Guddoomiyaha waxa uu uga mahad celiyey dawladda Masar kaalinta ay ka qaadatay dib u furitaanka dugsigan, isagoona ugu baaqay in ay soo kordhiyaan tirada macalimiinta haatan wax ka dhiga dugsigan si loo buuxiyo baahida ay sababtay tirada ardayda dheeraadka ah ee la diiwaan geliyey. Heshiiskan waxaa Maamulka Gobolka Benaadir u saxiixay Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed halka Wasaaradda Waxbarashadana uu u saxiixay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Xasan Maxamed Cali, iyadoo uu goob joog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxman Daahir Cismaan, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow), Guddoomiyaha degmada Warta-Nabadda iyo Danjire Ku Xigeenka Safaaradda dalka Masar ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Benaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada XFS oo kala saxiixday heshiis ku saabsan Waxbarashada Asaasiga ah appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tababar u soo xiray in kabadan 600 oo askari oo ka mid noqonaya ciidamada Daraawiishta ee ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo saaka ka shaqa tagay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo hooy iyo xafiisba u ah ayaa gaaray Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye, halkaas oo khudbad uu ugu jeediyey ciidamada tababarka uu u soo xiray. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyaradan oo u damqanaya shacabka Soomaaliyeed ay go’aansadeen in ay ku biiraan ciidanka si ay ula dagaallamaan cadawga Alshabaab, jawaabna u ah baaqii uu jeediyey 18kii bishii Oktoobar ee ku saleysnaa in aan loo kala harin dagaalka lagula jiro argagixisada. “Waxaa halkan iiga muuqada ciidan u diyaarsan in ay dalkooda ka xoreeyaan hororka nabad diidka ah ee Alshabaab oo ah Khawaarij nagu soo duulay, dalkeenna tafaha heysa oo diiday in aan la tartanno caalamka intiisa kale.” “Maalin walba waxa ay xasuuq ku hayaan caruurteenna, gabdhaheenna iyo hooyooyinkeenna, idinkuna waxaad jawaab cad u tihiin baaqii aan u jeediyey shacabka ee ahaa in aan u midoowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.” Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidamada tababarka loo soo xiray ku adkeeyey in ay ka dhabeeyaan ballantii ay qaadeen ee ahayd difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda, isagoona ballan qaaday in uu ku hoggaamin doono sidii ay waajibaadkooda u gudan lahaayeen. Munaasabadda xiritaanka tababarkan waxaa goob joog ku ahaa Wasiirka iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Boliiska, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Tababar u soo xiray Ciidamo appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa xilka ka qaaday Xoghayihiisii Arrimaha Dibadda, Rex Tillerson, wuxuuna ku bedelay agaasimihii CIA-da, Mike Pompeo. Xil-ka-qaadista Tillerson ayaa kusoo beegmaysa kaddib markii uu dhawaan ku marayay booqasho dalal ku yaalla Afrika oo ay ka mid yihiin; Kenya iyo Itoobiya oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya. “Agaasimihii CIA-da, Mike Pompeo ayaa noqon doona xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka. Shaqo cajiib ah ayuu qaban doonaa,” ayuu Trump kusoo qoray bartiisa Twitter-ka. Isagoo hadalkiisa ku daray. “Rex Tillerson waad ku mahadsan tahay shaqadaadii aad qabatay intii aad xilka haysay.” Sidoo kale, Warbaahinta Mareykanka qaarkeed ayaa baahisay in Trump uu Jimcihii ka dalbaday Rex Tillerson inuu xilka banneeyo, taasoo keentay inuu Tillerson soo gaabiyo Isniintii shalay booqasho uu Afrika ku marayey isagoo ku laabtay magaalada Washington DC. Dhanka kale, Trump wuxuu kaloo sheegay in ku-xigeenkii Agaasimaha CIA-da oo ah gabadh lagu magcaabo Gina Hapsel ay noqon doonto Agaasimaha cusub ee hay’addaas. Sababaha keenay in Rex Tillerson xilka laga qaado ayaa lagu sheegayaa kala aragti-duwanaan u dhexeeya Trump iyo Tillerson. Iyagoo aragtiyadooda ay ku kala duwanaadeen khilaafkii dalalka Khaliijka, iyadoo xoghayaha xilka laga qaaday uu dhawr jeer cambaareeyay Sacuudiga, Imaaraadka, Masar. Ugu dambeyn, Donald Trump ayaan isagu qarsan inuu taageeray go’aankii lagu go’doomiyay Dowladda Qatar, isagoo sheegay in Qatar ay taageerto kooxaha argagaxisada ah. PUNTLAND POST The post Trump oo xilkii ka qaaday Xoghayihii Arimaha Dibadda isagoo ku bedelay mas’uul cusub appeared first on Puntland Post.
  5. Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda Rex Tillerson. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu ku shaaciyay in Mike Pompeo oo ahaa Madaxii CIA-da uu u magacaabay xilka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, isla markaana uu qaban doono howlo cajiib ah. Donald Trump ayaa uga mahad celiyay shaqadii uu soo qabtay Mr Tillerson, mudadii sanadka aheyd uu hayay xilka Xoghayaha Arrimaja Dibadda Mareykanka Waxa uu yiri “Wuu ku mahadsanyahay Rex Tillerson shaqadii uu qabtay. Agaasiamaha cusub ee hay’adda CIA ayaa waxa noqoneysay haweeneydii ugu horeysay ee madax ka noqota CIA, Gina Haspel, hambalyo dhamaantiin.” Eryidda Tillerson, ayaa waxay ku soo beegmaysaa isagoo safar shaqo ah ugu maqan qaaradda Afrika. Todobaadyo ka hor farriimo Email ah oo ay heshay BBC ayaa muujinayay in Imaaraadka Carabta uu dadaal ku bixiyay in Rex Tillerson xilka laga qaado, kaddib markii uu taageeri waayay go’doomintii Qatar ay saareen Xulafada Sacuudiga uu hoggaamiyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Donald Trump oo xilka ka qaaday Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda Rex Tillerson appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa heshiis la saxiixatay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadta Carabta, kaas oo ay ku maamulayso dekeda Berbera. Arrintaasi waxaa ka dhashay muran badan. DP World waxa ay saamiga dekada yeelanaysaa 51% boqolkiiba, Somaliland waa $30 boqolkiiba, halka dowladda Itoobiya ay qaadatay boqolkiiba 19%, heshiiskana waxa uu soconayaa muddo 30 sanadood ah. Falcelinta dowladda federaalka Kadib dadaalo ay dowladda Soomaaliya u gashay sidii ay isu hortaagi lahayd heshiiska, kuwaas oo aanan mirodhalin, wasiiradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee dowladda federaalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys waxa 2-dii bisha March, 2018-ka ay soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegtay in heshiiskaas yahay mid sharci darro ah, islamarkaasna aanan la aqbali karin. Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre oo maalintaas ka soo laabtay safar uu ku joogay Imaaraatka Carabta ayaa isaga oo ay hareer taagantahay wasiiradda ku celiyay hadalkii wasaaradda, sheegeyna heshiiska uu xad gudub ku yahay ‘qaranimadda Soomaaliya’, aysan jiri karin shirkad shisheeye oo dalka heshiis ka gali karta iyada oo aysan ka warhaynin dowladda federaalka. Hadalkaas waxaa ku celiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo markii uu furayay kalfadhiga labada aqal, isaga oo aanan carrabka ku dhufan Berbera iyo DP World toona, ayuu yiri “Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay maalgashi iyo ganacsi ay la wadaagto waddamada caalamka, si kastaba ha ahaatee cid kasta oo doonaysa in ay maalgashato Soomaaliya waa in ay ogolaansho rasmi ah ka hesho hay’adaha dastuurida ah ee dowladda federaalka, waxaan uga digayaa in waddamada iyo shirkadaha shisheeye in aysan ku xad gudbin qaranimada iyo midnimada Soomaaliyeed”. Markii uu baarlamaanka furmay, ajandihii koowaad ee laga dooday, loona codeeyay waxa uu ahaa heshiiska Berbera, waxayna natiijada noqotay in baarlamaanka uu shirkadda DP World ka mamnuuco in ay ka hawlgasho Soomaaliya, heshiisyadii au gashayna wuxuu kasoo qaaday kuwa aanan jirin. Mamnuuciddaasi waa inuu Aqalka sare iyo madaxweynuhuba ansixiyaan sii uu dhaqan galo. Lahaanshaha sawirkaREUTERS Jawaabta Somaliland Falcelinta dowladda federaalka waxaa jawaab ka bixiyay maamulka Somaliland, waxaana u hadlay wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Cabdillahi Guri-Barwaqo oo yiri “Dowladda Soomaaliya waxaan u sheegeynaa in Somaliland ay leedahay dastuur, kaas oo shacabka u codeeyeen boqolkiiba 97%, rubuc qarnina lagu soo dhaqmayay” wasiirka warfaaafinta Wuxuu xusuusiyay in madaxweyneyaashii hore ee Somaliland iyo Soomaaliya , Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay heshiis ku wada gaareen magaalada Jabuuti sanadkii 2014-kii, kaas oo uu wasiirka sheegay in ay isla ogolaadeen arrimaha maalgashiga iyo xaqa ay Somaliland u leedahay in la maalgashto. Golaha wakiilada Somaliland oo iyaguna maanta kulan yeeshay ayaa cambaareeyay go’aankii baarlamaanka federaalka iyo kan dowladda, waxayna sheegeen in ay ansixiyeen heshiiska lala galay DP World iyo Itoobiya. Saamiga Itoobiya Heshiiska DP World lala galay waxa uu soo biloowday sanadkii 2016-kii, xilligaas oo golaha wakiiladda Somaliland ay ansixiyeen taariikhda markii ay ahayd 9-kii bishii Agoosto, 2016-kii. Heshiiska markaas la ansixiyay meelna kagama xusnayn saamiga Itoobiya ay leedahay, dib ayayna kasoo baxday 19% -ka saamiga ah oo la sheegay in 14% ka mid ah ay ka iibisay shirkadda DP World, 5%-ta kalena ay ka iibisay Somaliland. “Dhinaca Itoobiya, markasta si qaldan ayaa loogu celceliyaa, dadka in ay wax fahmaan ayaa fiican, DP World iyo Somaliland ayaa heshiiska wada galay, kadibna DP World ayaa saamigeedii ka gadday Itoobiya, marka labada dhinac ee jira ee asal ahaan heshiiyay waa Somaliland iyo DP World, haddii markaas DP World uu heshiiskeeda sharci noqdo, markaas ayuu kan Itoobiyana sharci noqonayaa, haddii uusan noqon waayana Itoobiya jid u furan maba lahan” ayuu yiri Abukaate Sakariye Cabdullaahi oo ah falanqeeye siyaasadeed oo Geeska Afrika darsa. Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn, ayay dekada Berbera noqonaysaa tan kaliya ee ay Itoobiya saami ku leedahay. Dowladda Itoobiya kama aysan hadlin heshiiska, tan Soomaaliyana ma aysan soo hadalqaadin saamiga Itoobiya ku leedahay Berbera, marka laga reebo baarlamaanka federaalka oo soo xigtay ‘heshiiskii ururkii OAU ee 2002-dii oo ka hadlaya mabaadii’da xurmada gobanimada iyo midnimada geyiga dalalka Afrika’. Xasarad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiska Waxaa labada dhinac la’is dhaafsanayaa hadalo kulkulul oo warbaahinta la’isu marsiinayo iyo waliba qoraalo lagu faafinayo baraha bulshada. Taas ka sokoow durba waxaa jira sii kala fogaansho labada dhinac ah, waxaana dib loo dhigay wadahadaladii dhexmari lahaa Somaliland iyo dowladda Federaalka, kuwaas oo ka furmi lahaa dalka Jabuuti. Somaliland waxa ay dhankeeda mamnuucday in astaanta internetka ee Soomaaliya (.So) laga mamnuuco gudaha Somaliland maalin uun kadib markii astaantaas lagu wareejiyay wasaaradda isgaarsiinta ee dowladda federaalka. Shirkadaha kale maxaa laga yeelayaa? Sida ku cad xeerkii uu ansixiyay baarlamaanka federaalka, heshiis kasta oo la galayo waa in uu ansixiyaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya, haddii kale sharci ma ahan. Haddaba waxaa jira heshiisyo kale oo lala galay shirkado meelo dalka ka mid ah, heshiisyana galeen shirkado shisheeye, iyada oo aanan baarlamaanka la hor geeynin. Lama oga sida xeerkan baarlamaanka u saamayn doono shirkadahaasi marka uu madaxweynaha saxiixo, laguna soo saaro faafinta rasmiga ah. Lahaanshaha sawirkaWAREYSI: MADAXWEYNAHA LA DOORTAY EE SOMALILAND Hase yeeshee waxa ay u egtahay in xeerka baarlamaanka haddi la ansixiyo uu si toos ah u taabanayaa heshiiskii dekada Boosaaso oo shirkadda DP World ay qandaraas ay la gashay dowlad goboleedka Puntland maadaamaa shirkadan gabi ahaanba laga mamnuucay in ay ka hawlgasho geyiga Soomaaliyeed. Waxaa kale oo jira labo shirkadood oo Turkiga laga leeyahay oo kala maamula dekada Muqdisho iyo garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan, kuwaas oo uusan baarlamaanka ansixinin heshiiskooda. Xigasho: BBC SOMALI Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Is jiid jiidka heshiiska dekedda Berbera iyo ismari waaga taagan appeared first on Caasimada Online.
  7. Hargeysa (Caasimadda Online) – Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynaha Somaliland ayaa looga yeedhay dalka Imaaraadka Carabta kadib markii maanta Diyaarad khaasa looga soo diray dalkaas. Wararka ka baxay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegaya in madaxwayna iyo wefdi wasiiro ah ay galabta ka dhoofi doonaan Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa. Safarka madaxweynah ayaa la filayaa in madaxda imaaraadka iyo wafdiga Soomaaliland ay ka wada hadlaan heshiiska dekadda Berbera ee shirkada laga leeyahay imaaraadka ee DPworld ay qeyb ka tahay. Imaaraadka ayaa la filayaa inay kala hadlaan Muuse Biixi arrimaha muranka dhaliyay ee wareejinta dekada Berbera iyo sidoo kale qoraalo ay Baarlamaanka iyo dowlada federaalku ka gudbiyeen heshiiskaasi. Madaxwaynaha Soomaaliland ayaa maanta la kulmay shir gudoonka Baarlamaanka Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka iyagoo ka wada hadlay arrimaha muranka dhaliyay ee shirkadaha Dp World. Waxay noqon doontaa markii u horeysay ee madaxweynaha Somaliland safar ku tago dalka Iimaaraadka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Madaxwaynaha Soomaaliland oo si deg deg ah looga yeeray Dalka Imaaraadka Carabta iyo Xaaladda oo.. appeared first on Caasimada Online.
  8. Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeel Maxamed Cabdi Waare oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in deegaanada uu ka arimiyo Maamulkiisa ee Hir-shabeel ay dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Hay,ado Caalami ah ay ka fulin doonaan deegaanadasi Mashaariic horumarineed. Madaxweyne Waare ayaa shacabka deegaanadaasi ugu baaqay in ay ka faaiidaystaan Mashaariicdan oo ay wax kabartaan gobolada kale ee ka dhisma horeeyay Maamulkiisa . Waxa uu sheegay Madaxweyne Waare in uu rajaynayo in Mashaariicdan ay hir gali doonaan iyadoo ilaa iyo lix wasaaradood oo ka tirsan Xukuumada Soomaaliya iyo Maamulka Hir-shabeele ay ka samayn doonaam deegaanadaasi mashaariic lagu horumarinayo Gobolka. Maamulka Hir-shabeele ayaa labaso gudahood waxaa soomaray labo Madaxweyne , waxaana gaabis galay adeegyadii loo qaban lahaa Bulshada qaybaheeda kala duwan. Halkan ka dhagayso. Madaxweyne Waare
  9. Mogadishu (HOL) - The Somali parliament voted on Monday to declare the contentious tripartite port deal involving DP World, Ethiopia and Somaliland "null and void", declaring it a threat to sovereignty. Source: Hiiraan Online
  10. Musharaxa duqa degmada Boosaaso Maxamed Faarax Xaaji Mire ayaa maanta 13 March, 2018 waxa uu booqday xarunta Dawladda Hoose ee degmada Boosaaso waxaana halkaa si diiran ugu soo dhoweeyay duqa KMG ah ee degmada Boosaaso ahna Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan. Cabdisalaan Bashiir ayaa Musharax Maxamed Mire ugu hambalyeeyay inuu kamid noqdo musharixiinta u tartamaya hogaaminta magaalada Bosaso, sidoo kale wuxuu ku ammaanay qorshah musharax Mire uga degsan horumarinta magaalada Boosaaso. Musharax Maxamed Faaraxa Xaaji Mire ayaa dhankiisa uga mahad celiyay duqa KMG ah ee Boosaaso sida wanaagsan ee uu ugu soo dhoweeyay magaalada Boosaaso gaar ahaan xafiiskiisa, wuxuuna caddeeyay inuu isu soo sharaxay horumarinta Boosaaso iyo in wax laga bedelo qaabka ay u shaqayso. Labada masuul ayaa isla qaatay in Boosaaso ay u baahan tahay in loo shaqeeyo iyada iyo bulshada ku dhaqan, isla markaana lala yimaado qorshayaal daah-furan oo is beddel dhab ah u horseedi kara magaalada iyo dadweynaha ku dhaqan maadaama ay tahay magaalada ganacsiga Punland. Puntlandpost – Boosaaso The post WARBIXIN:- Musharaxa Duqa Degmada Boosaaso Maxamed Faarax Mire oo Booqday Xarunta Dawladda Hoose ee Boosaaso. appeared first on Puntland Post.
  11. Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi iyo Wafdi Balaaran oo uu hogaaminayo ayaa u duuli doona Dalka Emaraatka Carabta kadib markii ay heleen Casuumad Khaada. Casumaadaan ayaa Madaxweyne Biixi waxay soo gaartay Kamcadii sida ay howlwadeenada warka ku heleen. Wafdiga Soomaaliland ayA loo soo diri doonaa Diyaarad khaasa, Arintaan ayaa u muuqata mid Jawaab u ah ku biirida Ay Dpwlada Federaalka Soomaaliya ay ku biirtey Xulufada Dowlada Qadar ee khilaafka Dalalka Varabta iyo colaada ay Villa Soomaaliya u muujiyeen Xulufada Sacuudiga. Puntlandi Hargeysa
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa kulan ay yeeshaan maanta cod ugu qaaday kiiska weerarkii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee Imaaraadku tababarray ku qaadeen Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid). Arrintan ayaa doodeeda ku bilaabatay iyadoo Cabdi C/qaybdiid hadal u jeedyay xildhibaanadda Aqalka Sare, isagoo u sheegay in macluumaadkii gurigiisa lagu weeraray ay ahaayeen kuwo khaldan oo ay bixisay hay’adda NISA, kadib markii ciidankii Imaaraadka ee weerarka gurigiisa fuliyay loo sheegay xog ku saabsan in guriga uu ku sugnaa ninkii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho. Wuxuu Qeybdiid sheegay baaritaanka dhacdadii lagu weeraray gurigiisa aanan laga haynin natiijo sax ah, isaguna aany ku qanacsaneyn Guddigii Dowladda uxil saartay arrintaasi. Guddoonka Aqalka Sare ayaa golaja hor keenay in loo codeeyo laba qodob oo kala ah: 1- In Guddi cusub oo ka kooban labada Gole ee Baarlamanka loo saaro arrinta weerarkii Guriga Cabdi Qeydiid 2- Iyo In loo yeero Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo wax laga weydiiyo kiiska. Codkii la qaaday ayaa natiijadiisu noqotay in xildhibaannada Aqalka Sare ee shirka maanta ku sugnaa oo dhan 28 ay 23 ka mida u codeeyeen in Guddi loo saaro arrinta, halka 4 xubnood ay u codeeyeen in loo yeero Ra’iisal wasaaraha, halka hal senator uu ka aamusay. Dhinaca kale Xildhibaanada Aqalka sare ayaa xilligan shir ka leh arrinta Dekeda Berbera iyo shirkadda DP World oo shalay xeer uu soo saaray Golaha Shacabka dalka looga mamnuicay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Aqalka Sare oo Go’aan ka soo saaray Weerarkii ciidamo uu tababarray Imaaraadku ku qaadeen Guriga Cabdi Qeybdiid appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (PP) ─ Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka, C/casiis Cali Ibraahim oo ku magac-dheer Xildhibaan ayaa uga digay ganacsatada, gaar ahaan kuwa Muqdiso inay qaataan amarada kooxda Al-shabaab. Mudane C/casiis Xildhibaan oo maanta war-fidiyeenka kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay la socdaan ganacsatada qaar oo Al-shabaab siiya lacago uu ku tilmamaya kuwo baad ah. Sidoo kale, Afhayeenka ayaa xusay inay hayaan liiska ganacsato uu sheegay inay lacago siiyaan kooxda Al-shabaab oo uu ugu yeeray argagxiso, isagoo ugu hanjabay inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan. Afhayeenka ayaa faray milkiilayaasha garoomada yar-yar ee lagu cayaaro kubadda cagta inaysan amarka Al-shabaab ku xiri karin garoomadooda, isla markaana ay tahay inay furaan si ay bulshadu uga faa’iideysato. “Waxaan ugu baaqaynaa milkiilayaasha garoomada salaxa inaysan amarka Al-shabaab ku xiri karin garoomada, Al-shabaab kama taliso Xamar,” ayuu yiri C/casiis Xildhibaan.. Hadalka xildhibaanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo kooxda Al-shabaab ay dhawaan amarro kusoo rogay garoomada Salaxa ah ee ku yaalla qaybo ka mid ah Muqdisho, waxaana la sheegay in qaarkood ay fuliyeen amarka, isla markaana xireen. Ugu dambeyn, Ganacsatada Muqdisho ayaa ku jah-wareersan amarrada iska soo hor-jeeda ee Dowladda Somalia iyo Kooxda Al-shabaab ku soo rogaan, iyadoo ay jiraan ganacsato looga yeero deegaanka Tooratoorow oo la siiyo amarro la xiriira bixinta lacagaha loo yaqaano Zakada. PUNTLAND POST The post Wasaarada Amniga oo ganacsatada ku war-gelisay inaysan qaadan Amarada Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  14. Hargeysa (Caasimadda Online) – Golaha Wakiilada Soomaaliland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Hargaysa waxay kaga hadlayn go’aankii ay Shalay Shirkada DP World ka qaatay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo dalka looga mamnuucay DPWorld. Baarlamaanka Soomaaliland ayaa soo saaray Lix qodob oo ay kaga hadlayaan xiisadda siyaasadeed ka taagan magaalooyinka Muqdisho iyo Hargaysa taas oo salka ku haysa heshiiskii Dekadda magaalada Bar-Bara ee Soomaaliland. Golaha Wakiillada Somaliland ayaa cambaareeyay go’aanka uu shalay golaha shacabka Soomaaliya ka soo saaray dekadda Berbera. Golaha wakiillada Somaliland ayaa ayiday maalgeshiga kheyraadka dabiiciga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha si loo xaqiijo kobac dhaqaale Golaha waxaa uu taageeray heshiiska maalgeshiga Berbera. Golaha waxaa uu go’aamiyay in cid walba oo ka qeyb qaadata ama taageerta ama si uun gacan u siisa xukuumadda Soomaaliya dhaq-dhaqaayada lidka ku ah jiritaanka iyo madaxbannaanida Somaliland loo aqoonsado cadaw qaran Golaha wuxuu ururka qaramada midoobey, midowga Afrika, Jaamacadda carabta, IGAD ka taageera horumarka iyo dimoqoraadiyadda u caddeynayaa in dhaq-dhaaqyada Soomaaliya ka waddo geeska Afrika in ay yihiin kuwa keenni kara xasilooni darro amni iyo mid siyaasadeed. Golaha waxaa uu ku baaqay dhammaan muwaadiniinta Somaliland inay si buuxda isu garabtaagaan golayaasha qaranka iyo ciidamada dalka ilaalinta madaxbannaanida, sharafta iyo midnimada dad ahaaneed iyo dhul ahaaneed ee jamhuuriyadda Somaliland. Hadalada iska soo hor jeeda ee ka soo baxaya Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa sii hurinaya Xiisadda siyaasadeed ka dhalatay heshiiskii Dekadda magaalada Ber Bera ee Soomaaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Golaha Wakiilada Soomaaliland oo ka soo horjeestay go’aankii Golaha Shacabka ka qaatayn Shirkadda DP World. appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay mid kamid ah waraaqihii ay dowladda Soomaaliya lacagaha ugu aruurin jirtay dowladaha Carabta 1975 kuwaas oo xilligaas ku jiray xaalado aad u adag. Waraaqdaan ayaa ah mid lacag looga qaaday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamuud Xasan Caawiye. Sida ku cad waraaqda muwaadinkaan ayaa laga qaaday lacag gaareyso ilaa 20 Shilin oo Soomaali ah. Sababta looga qaaday ayaa ah sida waraaqda ka muuqato deeq loo aruurinayo Dowladaha Carabta. Muwaadinka lacagta laga qaaday ayaa daganaa Ceel Jaale oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose waxaana waraaqdaan ku saxiixan Abshir Shiikh Xasan oo ahaa qasnajigii Gobolka Shabeelada Hoose u qaabilsanaa Ceel Jaalle. Dowladda Soomaaliya ayaa deeqo lacageed u aruurin jiray dowladaha Carabta kuwaas oo xilligaas ku jiray abaar iyo Gaajo aad u daran, waxaana hadda muuqato inay adduunyada is badashay maadaama ay dowladaha Carabta ka shaqeenayaan sidii loo burburin lahaa dalka Soomaaliya halka ay Soomaaliya 1975-tii ka shaqeeneysay sidii dowladaha Carabta loo badbaadin lahaa. Dowladaha Carabta oo ay ugu horeyso dowladda Imaaraadka Carabta ayaa faragelin ku heyso madax banaanida Soomaaliya waxayna iska hor keeneysaa Maamul Goboleedyada iyo dowladda Dhexe kadib heshiisyo aan sharci aheyn oo ay kula wareegeyso Dekaddo ku yaalo Gobolada Soomaaliya. Halkaan hoose ka akhriso waraaqdaas: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso mid kamid ah waraaqihii ay Soomaaliya lacagaha deeqaha ah ugu aruurin jirtay dowladaha Carabta 1975 appeared first on Caasimada Online.
  16. Adis Ababa (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Adis ababa ayaa sheegaya in dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka wadahadleen muranka ka taagan heshiiska dekadda Berbera ee ay Itoobiya ka mid noqotay saamileyda dekaddaasi. Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa xiriir toos ah la sameeyay dhigiisa dalka Itoobiya Workneh Gebeyehu iyagoo ka wadahadlay xaalada dekadda Berbera iyo heshiiska ay Itoobiya ay qeybta ka noqotay ee ka dhacay dalka Imaaradka Carabta. Xogta ayaa sheegeysa in dowladda Soomaaliya ay u gudbisay cabasho ku saabsan heshiiskaasi oo dowladda Itoobiya ay si sharci darro ah uga mid noqtay, heshiiskaasina uu xadgudub ku yahay qaranimada Soomaaliya. Itoobiya ayaa la sheegay inay arrintaasi u aragtay mid ganacsi oo aan shaqo ku lahayn wax siyaasad ah, isla markaana waxay balanqaad ku siisay dowladda Soomaaliya inay ku taagan tahay qaranimada iyo midnimada Soomaaliya. Lama oga inay dowladda Soomaaliya ku qanacday faahfaahinta dowladda Itoobiya ka bixisay heshiiska dekadda Berbera oo ay saami dhan 19% ku yeelatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wadahadlay heshiiska Dekadda Berbera iyo hal arrin oo la isku fahmay appeared first on Caasimada Online.
  17. Golaha wakiiladda Maamulka Somali-land oo maanta kulan ku yeeshay magaaladda Hargeysa ayaa taageeray heshiiskii seddex geesoodka ahaa ee Dekadda Magaaladda berbera maamulka Somali-land, Shirkadda DP World ee dalka imaaraadka Carabta, iyo Dowladda Ethopia. Wakiiladu waxa ay canbaareeyeen xeerkii ay shalay soo saareen Xildhibaanadda Golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaliya, kaasi oo lagu joojiyay heshiiska, sidoo kalana dalka loogu mamnuucay shirkadda Dekaddaha DP World. PUNTLAND POST The post Golaha Wakiilada Soomaaliland oo si kulul ugu jawaabay Go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  18. The pilot on a US-Bangla Airlines flight that crashed at Nepal's main airport, killing 49 of the 71 people aboard, was apparently confused about which direction the plane should use to approach the runway. Source: Hiiraan Online
  19. Hargeysa (Puntlandi) Barlamaanka maamulka Somaliland ayaa maanta oo Talaado ah soo saaray go’aan uu ku taageeerayo heshiiska maamulkooda la galay shirkada DP-World, heshiiskaas oo ku saabsan maamulka dekeda Berbera. Waxaa kale oo ay barlamaanka Somaliland kasoo horjeesteen go’aankii shalay kasoo baxay barlamaanka Soomaaliya ee lagu mamnuucay shirkaas iyo dhammaan heshiisyada aysan dowladda federalka Soomaaliya waxna ka ogayn. Halkaan hoose ka akhriso.
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa qarxiyey weerarkii lagu qaaday Gurigiisa ee ay ka dambeeyeen ciidamada uu tababarray Imaaraadka ee Muqdisho, wuxuuna dalbaday in baaritaanka kiiskaasi loo soo bandhigo shacabka. Isagoo ka hadlayay goor dhoweyd fadhiga aqalka sare ee Baarlamaanka oo iminka ka socda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gurigiisa loo weerarray tuhun ah inuu ku jiray ninkii ka danbeeyay weerarkii 14-ka Oktoobar ee Isgoyska Soope. “Natiijada Baaritaanka la xiriira weerarka gurigeyga waa in lala wadaagaa baarlamaanka iyo shacabka..” ayuu yiri Senator Cabdi Qeybdiid oo dhinaca kale sheegay in 60 maalmood kadib weerarkii lagu qaaday gurigiisa aan wax tallaabo ah laga qaadin dadkii ka damnbeeyay weerarkaasi. Cabdi Qeybdiid oo warbixinta weerarkii lagu qaaday Gurigiisa 30-kii Disembar 2017 ka jeediyay Aqalka sare ayaa Baarlamaanka ka codsaday in Sharciga la horgeeyo cidii weerarkiisa ka dambeysay, isla markaana lasoo bandhigo baaritaankii lagu sameeyay weerarka. Kulanka koowaad ee kalfadhiga 3aad ee Aqalka sare ayaa maanta ka furmay magaalada Muqidsho iyadoo looga hadlo weerarkii lagu qaaday guriga Senator Qeybdiid. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Cabdi Qeybdiid oo Kashifay sababtii Ciidamada Imaaraadku tababarray u weeraray Gurigiisa appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasmadda Online) – Golaha Fulinta Madatasha Talo-wadaag oo shir isugu yimid kuna falanqeeyay xaaladda siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho ee dalka ayaa ka soo saaray warmurtiyeedkan. Haddaba halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka kasoo baxay Talo Wadaag Tr.(02/MTW/2018) Warmurtiyeed Xaaladda dalku jiro (Muqdisho: 13/03/2018) Golaha Fulinta Madatasha Talo-wadaag oo shir isugu yimid kuna falanqeeyay xaaladda siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho ee dalka ayaa ka soo saaray warmurtiyeedkan. Madasha Talo-wadaag oo u taagan sareynta sharciga, ilaalinta dastuurka qaranka iyo hanashada umadda soomaaliyeed ee horumar la taaban karo waxay u aragtaa in faragalinta dalalka shisheeye ku hayaan umadda soomaaliyeed aan la aqbali karın taasoo ay ka mid tahay heshiisyada sharci darrada ah ee la saxiixay iyadoon loo marin dariiqii saxda ahaa. Madashu waxay bogaadinaysaa soona dhawaynaysaa goaankii taariikhiga ahaa ee uu gaadhay baarlamaanka federaalka soomaaliyeed ee cinwaankiisu ahaa gobanimada iyo geyiga soomaaliyed. Madashu waxay soo dhawaynaysaa waxkasta oo ku saabsan horumarka dalka iyo dadka soomaaliyeed. Madashu waxay ugu baaqaysaa Madaxda qaranka oo ugu horreeyo madaxwaynuhu in la hirgaliyo goaankii ay qaateen barlamaanku, xukuumadana lagula xisaabtamo meelmeerinta goaankaasi. Madashu waxay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan in ay u istaagaan ilaalinta Qaranimada Soomaaliya, si taas loo xaqiijiyana waa in laga shaqeeyo dib heshiisiinta iyo isku duubnaanta shacabkaa soomaaliyeed. Madashu waxay ku boorinaysaa dhamaan dadka soomaaliyeed in wixii khilaafaad ah ee jira dhexdooda lagu xalliyo wada-hadal iyo isfaham. Dhamaad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Madasha Talo-Wadaag oo soo saartay Warmurtiyeed ku saabsan Xaaladda dalku jiro appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo markasta caddeeya Mowqifkiisa ku aadan sidii looga taqalusi lahaa Kooxda Shabaab ayaa ciddii lasocotay khudbaddii uu 10-kii Maarso 2018 ka jeediiyey Furitaanka Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka waxa uu dhowr jeer ku celiyey sida ay muhiimka u tahay in dowladdu ay ka guuleysato Argagixisada. Maalin kadib Madaxweyne Farmaajo waxa uu qaaday talaabo muhiim u ah arrintaas oo ah in uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee Seexda Wasaaradda Wasaaradda Gaashaandhiga 27 kadib, isaga oo xiran Tuutaha Ciidanka arrintaas oo timid kadib markii uu shaaciyey in hawlmaalmeedkiisa uu u wareejiyey Wasaaradda Gaashaandhiga. Waxaan rabaa in aan ku xasuusiyo wax aad ogtahay oo ku saabsan taariikhda aan wada aragnay ee Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha hadda talada haya waxaa ka mid ah taariikhda ay Shacabka Soomaaliyeed ku xasuustaan in isaga oo ra’iisul wasaare ka ah dalka uu hoggaan ka noqday in Alshabaab laga saaro Magaaladda Muqdisho, iyaga oo xilligaas heystay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, marka aan tusaalahaas ku qalin qabsado dad badan oo aan ka mid ahay ayaa rumeysan in Madaxweyne Farmaajo uu ku guuleysan karo nabadeynta guud ahaan dalka. Sawir noocee ah ayey bixineysaa in Madaxweynuhu uu ku hoydo Wasaaradda Gaashaandhiga? Dadka dowladnimada jecel ee laga yaabo in ay qabeen aragti ah in Madaxda dalku aysan daacad ka ahayn dagaalka lagula jiro argagixisada waxa ay u tahay jawaab cad oo ay ku qanci karaa haddiiba Madaxweynihii dalku waqtigiisa iyo shaqadiisaba usoo wareejiyey meesha ugu sarreysa ee Ciidanka Xooga laga maamulo, dhinaca kale waxa ay muujineysaa in ay adag tahay in ay sii jiraan Alshabaab oo waxa ay u egtahay in dowladdu ay isticmaaleyso awoodeedii ugu dambeysay oo ay u taqaluseyso. Madaxweyne Farmaajo in uu ku hoydo Wasaaradda Gaashaandhiga waxa uu dheer dadaal badan oo ku bixinayo dib u hagaajinta Ciidanka Xooga dalka iyada oo Dowladda dhexe arrintaas la kaashaneyso Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka, marka la fiiriyo dadaaladaan oo dhan waxa ay muujinayaan in Soomaaliya ay gashay soo kabasho fiican oo dhinaca ammaanka ah. Madaxweyne Farmaajo oo si Alshabaab loo soo afjaro sameeyey talaabo uu uga duwan yahay Madaxweynayaashii ka horreeyey oo ah in uu 27 sano kadib ku hoyday, hawlmaalmeedkiisana u wareejiyey Wasaaradda Gaashaandhigga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Madaxweyne Farmaajo oo si Alshabaab loo soo afjaro sameeyey talaabo uu uga duwan yahay Madaxweynayaashii ka horreeyey!!! appeared first on Caasimada Online.
  23. The authorities of Balad-Hawo have closed the town’s borderline with Kenya’s Mandera town following encroachment allegations against the government of Kenya. Source: Hiiraan Online
  24. The authorities of Balad-Hawo have closed the town’s borderline with Kenya’s Mandera town following encroachment allegations against the government of Kenya. Source: Hiiraan Online
  25. The authorities of Balad-Hawo have closed the town’s borderline with Kenya’s Mandera town following encroachment allegations against the government of Kenya. Source: Hiiraan Online