-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warbixin sanadkii hore uu Bangiga Adduunka ka soo saaray dhaqaalaha ku bixi kara amniga Soomaaliya waxaa lagu sheegay in Muqdisho u baahan tahay ilaa 10 Milyan oo Dollar si ay u dhisato Ciidamada Cirka 10-ka sano ee soo socota. Hadda 170 qof ayaa u qoran Ciidamada Cirka, mana heystaan wax qalab ah. Bangiga Adduunku waxaa uu ku taliyay in canshuurta kor loo qaado si qarashkaasi u soo xaroodo, awoodda ciidamadana, gaar ahaan kuwa cirka, loo dhiso. Bangigu waxaa uu qarashka ku baxaya amniga gudaha ku qiyaasay sanadkii $150-220 million. Mar uu ka hadlayey horumarinta Ciidamada Cirka, waxaa uu sheegay Bangigu in loo baahan yahay qarash dhan $50 million muddo 10 sano ah. Taariikh ahaan, Soomaaliya waxaa ay laheyd Ciidamo Cir iyo diyaarado military oo ay ku jiraan diyaaradaha guuxa ka dheereeya iyo helicopters. Ciidanka Cirka: Tirada guud ee Ciidanka Cirka waxaa ay ahaayeen 1,000 askari, tirada duuliyeyaasha 40, nooca(MIG 19, 29 xabbo iyo 15 duuliye), nooca MIG-21(11 xabbo iyo 9 duuliye), nooca MIG 17/15(13 xabbo iyo 6 duuliye) iyo diyaaradaha wax-daabula noocyada G-222, AN-24 iyo AN-26 min labo xabbo, qeybtan dambe 10 duuliye ayay lahaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post $50 Million ayey ku xiran tahay dhismaha Ciidamada Cirka Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Florida (Caasimadda Online) _ Ugu yaraan 17-qof ayaa dhimatay kadib markii nin 19 sano jir ah uu rasaas ku furay Dugsi sare oo ku yaalla magaalada Parkland ee gobolka Florida ee dalka Mareykanka sida ay xaqiijiyeen ciidamada Boliiska. Wiilkan loo qabtay inuu geystay falkaasi ayaa lagu magacaabaa Nikolas Cruz ,kaas oo horay uga mid ahaa ardayda Dugsigaasi, ka hor inta aan laga eryin. Wuxuuna adeegsaday xeelad ah inuu shido qalabka digniinta, kadibna markii ay ardayda kasoo wada yaaceen fasaladda uu rasaas ku bilaabay. Shilkaan ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca goob wax barasho marka laga yimaado weerarakii lagu dilay 26-ruux ee ka dhacay Dugsi ku yiillay gobolka Connecticut sanadkii 2012-kii. Wiilkaasi ka dambeeyay dilka dadkaasi waxaa lagu qabtay deegaanka Coral Springs, daaweyn ka dib waxaa la dhigay xabsiga Boliiska. Madaxweyne Trump ayaa cambaareeyay falka toogashada ah. The post Sawiro: Wiil 19 jir ah oo arday ku dhow 20 ku laayay Dugsi ku yaalla Dalka Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasuimadda Online) – Todobaad kaan ayey aheed markii howgal ay hogaaminayeen ciidamada DANAD, iyo kuwoo kale oo ka mid ah ciidamda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo ciidamo Mareykan ah ay ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, oo badi ciidamadaas ay lawareegeen deegaanadii ay gaareen. Ciidamada ayaa howgalka waxay ka sameeyeen Ow-dheegle, Qoryoolay, Mubaarak Kuntuwaarey , Janaalle iyo meelo kale oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa dhamaan la sheegay in ay qabsadeyn goobahaan Ciidamada Milatariga oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Maraykanka. Sidoo Kale Ciidamada ayaa la sheegay in ay qabsadeyn Tuulooyinka Arimooy, Durgaal iyo saldhigii ugu weynaa ee Al-shabaab oo la sheegay in uu ku yaalay deegaanka Doon-buraale ee gobalka Shabeelaha Hoose ka mid ah. Laakiin isla maalintii ayaa ciidamaadan waxay ka soo baxeen oo ay dib ugu soo laabteen deeganadii ay la wareegeen oo horay ay ugu sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab. Masuuliyiin ka mid ah maamulka Koofur Galbeed iyo Dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa ku dhaliilay saraakiishii hogaamineysay ciidamadii todobaadkaan la wareegay dibna ugu soo laabtay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose. Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Golaha Shacabka oo la hadlay KNN ayaa saraakiisha ciidamada dowlada ka dalbaday in ciidamada Soomaaliya eysan sameymin dhaq dhaqaaq ciidan oo ay kula wareegayaan deegaano gacanta ugu jira dagaalamayaasha Al-shabaab hadii aysan u diyaarsaneen ciidamada in goobaghaas ay ku sugnaadaan. Dalabkaan loo soo jeediyay Saraakiisha Ciidamada dowlada ayaan la ogeen sida u meel-mari doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaan Dalxa”Dowladda ha joojiso howlgalada Sh/Hoose, hadii aysan ku nagaan karin goobaha ay qabsadaan” appeared first on Caasimada Online.
-
Tan iyo wixii ka dambeeyay bur burkii dowladii dhaxe ee dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay xubo katirsan dowldda fadaraalka soomaaliya waxa ay gaareen dalka Libya oo kamid ah wadamada Soomaalidu ku go,doonsanyihiin laguna dhibaateeyo. Soomaali farabadan oo dalka ka tahriibay aya ku dhintay gudaha dalkaasi libya, halka qaarkoodana lagu jirdilo xabsiyada kuyaala dalkaasi oo ay ladageen dagaalo sokeeye kadib markii ay dhacyad xukuumadii uu hogaaminayay mucamar Al-qadaafi. Dowladda fadaraalka soomaaliya ayaan kulahayn dalka Liibiya safaarad u adeegtay shacabka soomaaliyeed ee ku dhibaateesan dalkaasi Libya. Madaxa Hay,ada Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliya Axmed Daahir Cabdikariim oo kamid ah wafdigii Dowladda fadaraalka Soomaaliya ay udirtay halkaasi ayaa sheegay in sababta ay utageen dalka libya ay tahay sidii ay usoo ogaan lahaayeen dhibaatada haysata dadka kujira xabiyada dalkaasi iyo in Hay,ada qaabilsan arimahan ay gacan uga heli lahaayeen siidaynta dadkaasi. Halkan ka dhagayso Agaasimaha barakacayaasha
-
Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland maanta waxaa ka dhaceeyso Doorashada Kursigii uu ka dhintay Allaha u naxariistii Marxuum Ex Wasiir Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji. Magaalada Kismaayo waxaa ku sugan Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yareey. Doorashada Kursigaan ayaa waxaa ku tartamaya Musharixiin doonaya in ay ku guuleeystaan xilkaasi. Dadka Tartamaya waxaa ku jira Walaalka Marxuum Cabaas Siraaji oo la yiraahdo Maxamuud Siraaji. Wali Waxaa ka maqan Baarlamaanka Soomaaliya 3 kuraas taasi oo dhowaan doorashadooda ay ka dhaceeyso qaar kamid ah xarumaha maamul goboleedyada. Faah Faahinta kala soco Puntland Post Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Doorashada Kursigii uu ka Geeriyooday Wasiir Siraaji oo Kismaayo ka dhaceeyso appeared first on Puntland Post.
-
Dr Cabdiqawi Axmed oo dhowaan loo doortay Madaxweynaha Maxkmada Caalamiga ah ee aduunka ayaa ka hadlay Dacwada badda ee u dhaxeeyso Soomaaliya iyo Kenya. Xaakim Cabdiqawi oo la hadlay BBC-da ayaa ugu horeeyn wax laga weeydiiyay sida ay u saameeyneeyso Maadaama isaga uu ka soo jeedo dalka Soomaaliya. “Dhalashada xaakimka iyo ka qeybgalkiisa dacwooyinka shaqo iskuma lahan, xaakimada maxkamadda waxaa loo doortaa in dacwooyinka yimaada oo idil uu xukun iyo go’aan ka gaaro , marka sidaasi daraadeed dacwad kasta xaakimadda waa ay ka qeybgalaan” ayuu yiri Garsoore Cabdiqawi. Waxa uu sheegay in aanu ka baxeeynin Dacwada islamarkaasina uu qaadayo ” “mana ahan haddii xaakimkan waddankiisu dacwad keeno in uu dacwadaasi isaga ka boxo haddaysan jirin sabab gaar ah sida in uu isaga wax kasoo abaabulay dacwada”ayuu markale yiri ugu dambeeyntii Garsoore Dr Cabdi qawi ayaa sheegay in aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa uu ugu faa’iideeyn doono Dalkiisa hooyo ee Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Garsoore Cabdiqawi oo ka hadlay dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
-
East Africa’s security landscape is currently confronted by a significant increase in the activities of violent extremist groups, chief among them being the Al Shabaab, Al Qaeda and the so called Islamic State of Iraq and the Levant. Violent extremism has increasingly become a transnational security threat that is undermining international peace and security as clearly expounded in the 2016 UN Secretary General Plan of Action for Preventing Violent Extremism (PVE). This PVE plan of action urged national governments and regional bodies to develop strategies on how to coherently prevent and counter violent extremism. Strategies Commendably, Kenya and Somalia took a bold move and developed national strategies. We encourage the other countries to follow in their footsteps. It is in this context that in July 2016, we at the Intergovernmental Authority on Development (Igad), embarked on developing a regional strategy for preventing and countering violent extremism through a highly comprehensive and inclusive consultative process that also involved Tanzania. The first challenge we encountered was agreeing on a common conceptual definition of violent extremism. We defined it as an ideology that rejects the principles and values that underpin a peaceful orderly and non-violent society, instead espousing violence, terror and coercion as a pathway to change and to realising specific beliefs and vision of society. We therefore see preventing and countering violent extremism as a grand strategy that highlights non-coercive approaches designed to address the drivers, enablers or root causes of extremism in order to deny extremists an environment to radicalise and recruit followers to violence. We are excited to note that regional experts on prevention and countering violent extremism drawn from governments, civil societies, academia and development partners met in Djibouti on March 1-2, 2017 and adopted this strategy. Our region is historically volatile. Terrorists are taking advantage of a mix of civil wars, conflicts and insurgencies, tapping into criminal networks, occupying weakly governed and sparsely populated spaces. They exploit widespread grievances relating to poverty, joblessness, exclusion, injustice and repression to radicalise and recruit to violence using radio and social media platforms to spread messages of hate against sections of communities. Counter terrorism Since 2006, Igad has been engaged in building capacity of the criminal justice system to prevent and counter terrorism through the framework of Igad’s Security Sector Programme. The contemporary global shift has refocused attention to local solutions to the challenge of radicalisation to violence and Igad welcomed the recommendations and initiatives arising from the series of high-level meetings which called for new commitment to broad-based partnerships involving governments and non-state actors such as civil society, women, youth, private sector and religious leaders. These consultations at the regional and global levels culminated in the launch of the UN Secretary General’s Plan of Action to Prevent Violent Extremism in January 2016, which embraced the “whole of society” approach. Efforts Igad has directed its efforts to enhancing the soft power capabilities, co-ordination and partnerships. First, through the development of the regional strategy and secondly, by the establishment of Igad Centre of Excellence for Preventing and Countering Violent Extremism (ICEPCVE) in Djibouti. The regional strategy deepens our understanding of the drivers and the push-pull factors of violent extremism and offers concrete measures to diminish the appeal of radical ideologies and messages. It also stresses the role of research and analysis to deepen our understanding of the drivers of extremism and sites of radicalisation and recruitment such as refugee camps, remand facilities and prisons, social media, religious and educational institutions and to underpin evidence-driven policy responses. Second, the newly created Igad Centre of Excellence for Preventing and Countering Violent extremism will support the region’s efforts by providing a dedicated platform for research, capacity building, strategic communication as well as a framework for civil society organisation and other non-state actors to engage and support the work of the region’s governments. Cooperation Together with regional and international partners, the centre will enhance the capacity of local communities to offer alternative narratives and counter messaging. The centre will also provide guidance to ensure the effectiveness of activities and programmes proposed by the strategy. The implementation of the strategy and setting up of the ICEPCVE signals a new beginning in our determination to rid the region of extremist ideologies. It is our trust that these regional initiatives will contribute to the region’s peace and security architecture. Mahboub Maalim is the executive secretary of Igad and Dr Simon Nyambura is the director of ICEPCVE Source: – The East African The post IGAD confronting violent extremism in East and Horn of Africa appeared first on Caasimada Online.
-
Two Kenya Defence Force (KDF) soldiers were killed Wednesday evening in Mandera County during a brief gun battle with police officers. The shootout between the forces at Sheikh Barrow village was described as “friendly fire”. Mohamed Barre, a military officer at Mandera camp said the KDF soldiers were conducting operations between Lafey and Arabia towns when they came under attack. “The officers were carrying out operation before engaging in gun battle with Administrative police officers who travelling along Lafay and Arabia road. Two KDF were killed and five sustained injuries. The injuries and the bodies of fallen soldiers were brought here at the camp,” said Barre who spoke to Hiiraan Online. Nguyo Wambua, the officer in charge of Rural Border Patrol Unit (RBPU) said the two KDF officers were killed by soldiers attached to the unit after KDF soldiers who mistook RBPU officers for bandits started fighting. “We cannot understand how the KDF officers mistook our team for armed bandits because they were in a known camp complete with government vehicles which could be identified,” said Wambua who spoke to Kenyan Media. It is the first such accident reported since Kenya declared war against Al-Shabaab. Kenyan forces have been recently carrying out security operations to pursue Al-Shabaab forces alongside the border with Somalia. The post Two Kenyan soldiers killed in friendly fire in Mandera appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada kismaayo ee xarunta maamulka jubaland waxaa haatan ka socota doorsahada kursi ka banaan Aqalka hoose ee degmada kismaayo ,kaas oo uu ka geeriyooday Allaha unaxariisteen Wasiirkii hore howlaha guud iyo guryenta Xukuumadda Soomaaliya Cabaas Siraaji. Hoolka ay ka socoto doorashada saaka waxaa kusugan wakiilka qoyska uu ka soo jeeday Wasiirkii hore ee howlaga guud iyo guryenta Maxamuud Siraaji ,wararku waxa ay sheegayaan in qaar kamid ah xubnihii utar tamayay kursigan ay ka tanasuleen doorashadiisa kadib cadaadis uga yimid dhinacyo kala duwan. Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Xaliimo Yaraye oo lahadashay Warsidaha Puntlandi.com ayaa noo xaqiijisay in doorashada ay bilaaban doonto goordhaw ayna soo dhamaystireen dhamaan Ergadii wax dooranlahayd iyo Amniga goobta ay doorashada ka dhacayso oo lasugay.
-
Muqdisho (Caasimada Online)- La-taliyaha dhanka Siyaasadda Madaxweynaha Somalia, Maxamuud Axmed Nuur ‘’Tarsan’’, ayaa si kulul uga hadlay waddooyinka sida maalaayacniga ah uga xiran dadka shacabka ah. Tarsan, waxa uu sheegay inaanu suuragal aheyn in shaqsi waliba uu dhagxaan dhigto wadada hormarta hooygiisa, waxa uuna taa ku tilmaamay mas’uuliyad daro cad oo ay muujinayaan shaqsiyaadka xilalka ka ahay dowlada. Tarsan waxa uu si toosa ficilada ceynkaas ah ugu weeraray Wasiirada, Xildhibaanada, Taliyayaasha iyo Saraakiisha qaar oo uu sheegay in kala bar ay kala xirteen waddooyinka magaalada Muqdisho. Waxa uu Tarsan Su’aal ka keenay cida dusha saran doonta mas’uuliyada ciqaabta ku dhaceysa dadka shacabka ah ee laga xirtay waddooyinka muhiimka ah. ‘’Waa mas’uuliyad daro cad in shaqsi waliba oo xil ka haya dowlada uu jarto wadada hormarya hooygiisa, waxaan ku baaqeynaa in la garwaaqsado xaqiiqda oo dib loo furo waddooyinka la kala xirtay’’. Waxa uu Mr Tarsan cadeeyay in waxa dhibka loo kordhinaayo ay yihiin keliya shacabka, waxa uuna cod dheer ku sheegay in la furo waddooyinka xiran. Wuxuu sheegay in uusan amni sugin Dhagax, balse keliya amniga lagu sugi karo Sharci, Aqoon iyo Ciidan, wuxuuna tilmaamay wadooyinka xiran in shacabka Soomaaliyeed ay u arkaan mid ciqaab ah, oo lagu xakameynayo dhaq dhaqaaqooda. Sidoo kale, Tarsan ayaa sheegay marka ay dalka ka dhoofayaan ama ay imaanayaan Madaxda dalka oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha daqiiqahaas wadada la xirayo muhiim in ay tahay shacabka in lagu wargeliyo, si aysan ugu noqon arrin aysan filyen, oo culeys ay ku keento. Haddalka Tarsan ayaa imaanaya xili kala bar waddooyinka magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo u xiran Madaxda dowlada Federaalka ah ee Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Tarsan oo weerar ku qaaday Madaxda xilalka ka haya dowlada Federaalka ah ee … appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wadahadalka maalmahan magaalada Nairobi uga socda maamulka DDSI iyo Jabhada xoriyadoonka ah ee ONLF. Wadahadalka oo iminka maraaya heerkii ugu wanaagsanaa ayaa furmay 11-kii bishan February 2018, waxa ayna dowlada Somalia sheegtay inay aad usoo dhaweyneyso wadahadalka socda. Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo u waramaayay Idaacad VOA laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in wadahadalka socda uu kusoo beegmay xili munaasib ah. Waxa uu Wasiirka sheegay in wakhtigaan aanu jirin wax ka wanaagsan wadahadal iyo in xal laga gaaro wixii khilaaf ah, sida uu hadalka u dhigay. Wasiir Cawad, waxa uu intaa ku daray in dowlada Somalia ay saadaalineyso in wadahadalka socda uu saldhig u noqon doono Nabad, Xasilooni iyo Wanaag, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in dowlada Somalia ay taageereyso wadahadlka socda. Nuqul kamid ah haddalka Wasiirka ayaa ahaa “Dowlada Somalia waxay u aragtaa wadahadal kasta oo Nabad, Xasilooni iyo Wanaag u keenaya Gobolka, faa’iidana u leh waan soo dhaweyneynaa, waana taageereynaa wadahadalka maamulka DDSI iyo ONLF uga socda Kenya.” Sidoo kale, Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay Juhdi badan galin doonto isku soo dhawaan shiyaha maamulka DDSI iyo ONLF, waxa uuna ku baaqay in loo degdego dhanka Nabadda iyo Xasiloonida. Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaa sheegtay inay diyaar u tahay dadaal waliba oo lagu xalinaayo xiisad ka dhacdaa Gobolka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post DFS oo markii ugu horeysay cadeysay Mowqifkeeda ku aadan wadahadalka Ethiopia & ONLF appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Waxaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ay ka dhacdo doorashada mid kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka ee faaruqa ah. Doorashada ayaa waxaa ku tartami doona musharaxiin dhowr ah, waxaana Kursiga loo tartamaayo horay u baneeyay Marxuum Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji oo sanadkii hore lagu hor dilay Villa Somalia. Doorashaddan ayaa waxaa ku tartami doona xubno dhowr ah oo ka mid ah Beesha iska leh Kursiga, waxaana Magaalada Kismaayo diyaar ku ah dhammaan Ergooyinkii loogu tala galay in ay xubinta Kursiga doortaan. Xubnaha ku tartami doona doorashada ayaa waxaa kamid noqon doona wiil la dhashay marxuumka oo isaga la saadaalinaayo inuu qaban doono xilka. Sidoo kale, Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka, ayaa sheegay in ay shalay bilaabeen hubinta Ergooyinka, sidoo kalena ay xaliyeen wixii tabasho ah, islamarkaana doorashada maanta ay ku dhaceyso sidii loogu talo galay. Docda kale, doorashada ayaa u muuqaneysa mid ay guusheeda u janjeeri doonto wiilka la dhashay Marxuumka oo ay wadato dowlada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com The post Doorashada Kursiga uu ka dhintay Siraaji oo ka dhaceysa magaalada Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalooyinka Bosaaso iyo Qardho inta udhaxaysa waxaa todobaadyadii aynu soo dhaafnay ka dhacay ilaa iyo ku dhaad 25 shil oo kala duwan ,kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. shilal kaasi dhacay ayaa kii ugu darnaa waxa uu haa shir gaari oo ka dhacay gudaha magaalada Bosaaso kaas oo oo uu gaystay gaari waaraad ah oo qof shacab ah ku jiiray bartamah magaalada Bosaaso kadibna darawalkii wadaha ka ahaa garigaasi uu goobta ka baxsaday . Taliyaha laanta taraafikada gobolada bari, karkaar, haylaan iyo garda fu Maxamed Faniin yuusuf ayaa Puntlandi uga warbixinayay shilalkaasi dhacay iyo khasaarihii ay gaysteen. faniin
-
Madaxweynihii dalka koonfur Afrika Jacob Zuma, ayaa saaka iska casilay xilkii uu hayay mudo dheer kadib markii uu Zuma cadaadis xoogleh uu kala kulmay xubno badan oo kamid ah xisbigiisa ANC , kuwaas oo maalmahanba waday olole ka dhan ahaa sidii uu xilka uga dagilahaa. Baarlamaanka koonfur Afrika ayaa ku balansanaa maanta oo Qamiis ah hadii uusan Jacob Zuma kadagi lahayn xilka in ay Baarlamaanku uu ka keeni lahayeen mooshin xilka looga xayuubinayo. Madaxweyne kuxigeenka dalka koonfur Afrikac ninka lagu magacaabo Cyril Ramaphosa, ahna hogaamiyaha Xisbiga cusub ee ANC-da. ayaa lafilayaa in Zuuma uu xilka ku wareejiyo sida uu sharciga dalkaasi uu dhigayo. Jacob Zuma oo ah 75 jir ayaa koonfur Afrika soo xukumayay tan iyo wixii ka dambeeyay sanadii 2009kii, waxaana soo wajahay caqabado ay kamid yihiin in xukuumadiisa lagu so eedeeyay musuq maasuq ku baahay Ha,adaha dowlada .
-
Mogadishu – Shamsa Abdullahi Bybook was a young nurse in her twenties when she fled the mounting chaos and tensions of Mogadishu in 1989 to start a new life in the United Kingdom. She became an experienced midwife at a North London hospital with a master’s degree from Middlesex University and raised a family. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxaweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa xilkii madaxtinmo ee dalkaasi iska casiley kadib buuq maalmihii dhowaa hareeyey xukunkiisa. Madaxweyne Zuma ayaa loo soo jeediyey eedo la xiriira musuq-maasuq, eedahaas oo ka imanayey badi xubnaha xisbigiisa. Jacob Zuma oo markii hore dhagaha ka fureystay baaqyadan kaga imaanaayay xubnaha xisbigiisa ayaa ugu dambeyn Tv-ga dowlada ka sheegay in xilkii madaxtinimo ee Koonfur Afrika uu ka degay xili uu jeedinaayay Khudbad. Goor sii horraysay xisbiga ANC ayaa Zuma u sheegay inuu xilka banneeyo haddii kale uu wajahi doono in baarlamaanka uu maalinta Khamiista ah u qaado in lagala laabto codka kalsoonida. Jacob Zuma oo ah 75-jir ayaa waxaa saarnaa caddaadis ballaaran oo ah inuu xilka ku wareejiyo Madaxweyne ku xigeenka Cyril Ramaphosa, kaas oo ah hogaamiyaha cusub ee xisbiga ANC-da. Dhinaca kale, Jacob Zuma ayaa xilka Madaxweynaha Koonfur Afrika soo hayay tan iyo 2009, waxa uuna wajahayaa eedo dhowr ah oo musuq maasuq. Waxa ay is casilaadan kusoo beegmeysaa xili ay saaxiibada caalamka qudhooda soo jeediyeen is casilaad ka hor inta uusan dalka galin xaalad adag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Madaxweynaha Koonfur Afrika oo si kadis ah xilka isaga casilay appeared first on Caasimada Online.
-
Shirkii Nabadaynta Beelaha Cumar Maxamuud iyo Baharsame ayaa lasoo gabagabeeyey is afgarad Colaadii ka dhexaysay labada beelood. Qodobadii lagasoo saaray waxaa kamid ah:- 1:In Colaadii La Joojiyo. 2:In Qolo Kasta Joogto Deegaankeeda Laysku Soo Gudbin Inta Magta La Kala Qaadanayo. 3:In Qolo Kasta Saddex Sano Ku Bixiso Magta. 4:In Dowlada Itoobiya la shaqeyso Gudiyada Nabadeenta. Iyo qodobo kale. Halkaan aqiso qaar kamid ah qodobadii kasoo baxay.
-
LAMU, Kenya, Feb. 14 (Xinhua) -- Kenyan soldiers on Wednesday killed three Al-Shabaab terrorists during a security operation in the vast Boni forest in the coastal Lamu region. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkadda Tabaarak ICT Solutions oo ah shirkad si weyn looga yaqaan dalka Soomaaliya ayaa soo kordhisay adeeg cusub oo ay kugu magac dartay Beeciye kaasoo wax badan u tari doono macaamiisha shirka iyo dhammaan Soomaalida. Waa maxay adeega Beeciye? Beeciye market waa adeeg casri ah oo ah website iyo mobile APP oo ay kuu keentay shirkadda Tabaarak ICT Solutions. Waa suuq ay ku kulmayaan dadka wax iibinaya iyo macaamiisha ka iibsanaysaaba. Qofkasta oo wax iibinaya, sida guryaha, gawaadhida, dahabka IWM waxa uu galin karaa oo ku iibin karaa alaabtiisa Beeciye Market. Supermarket-yada, hotel-lada, dahablayaasha, shirkaddaha dhismaha iyo qof kasta oo ganacsi leh waxa uu alaabtiisa ku iibin karaa oo isticmaali karaa waa suuqa Beeciye Market. Waa isku xidhaha dalka iyo debbeda iyo soo dhoweeyaha alaab aad in badan raadin lahayd. Faaiidooyinka oo u leeyahay bulshada Waa lacag la,aan Waqtiga ayuu kuu beekhaaminaa Si fudud ayaad u arkeysaa alaab raqiis ah oo waliba tayo leh Si fudud ayaa isaga iibin kartaa alaabahaada. Macaamiil badan oo meela kala gadisan joogta ayaad ku xirmeeysaa Toos ayaad ula hadli kartaa iska iibiyaha alaabta. Waad la gorgortami kartaa qofka leh alaabta hadii aad ku qanacdo Sidee loo isticmaalaa? Kala soo deg play store ama apple store adiga oo ku qoraaya Beeciye Sameeyso username and password ama ku gal Facebook account ama Google account Markii soo gasho waxaad awood u leedahay inaad badeecadaada ku soo bandhigto adiga oo sawir kaqaadaya ama sawir hore soo galinaya sidoo kale waxaa awood u leedahay inaad aragto badeecado horay loo soo galiyay adiga toos ula xariiri kara qofka iska leh Waxaa arki doona badeecada aad soo galisay malaayin qof oo macaamiil ah. The post Shirkadda Tabaarak ICT Solutions oo dalka Somalia kusoo kordhisay adeeg casri ah appeared first on Caasimada Online.