Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garaad Cabdilahi Cali Ciid Af-hayeenka Isimada Puntland oo la hadlayay Radio Garowe isagoo ku sugan Muqdishu ayaa sheegay inaysan aqbali doonin shir ay wado dawlada Somaliya oo Jabuti lagu wado in lagu qabto kaas ay ku wada hadli doonaan Somaliland iyo Somaliya. Garaadka ayaa tilmaamay in ay tahay iyaga ama Wax-garadka gobolada SSC in wax laga waydiiyao ay tahay aayaha gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ,haddii lagala tashan waayo oo laga dulboodo aysan aqbali doonin shirikaasi. Dhanka kale Af-hayeenka Isimada Puntland Cabdilahi Cali Ciid ayaa sheegay in shir ay isamadu isugu imaan doonaan kaasoo ay oga hadli doonaan deegaanada iyo gobolada Puntland ka maqan oo ay ka mid tahay deegaanka Tukaraq iyo dhamaan gobolada maqan sidii lagu soo celin lahaa. Halkaan Ka Dhegeyso Waraysiga. Garaad Cabdulaahi Cali Ciid Puntlandi.com
  2. Ku xigeenka dhinaca banii’aadantinimada Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya,Peter De Clercq ayaa dowaladda Puntland ku amaaney doorka iyo kaalinta siyaasadeed ay ka qaadatay Nabadda, iyo Xasilinta Soomaaliya. Mr.Peter De Clercq ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu maanta Garoowe kula yeeshay madaxweyne Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas),wuxuuna sidoo kale Puntland ku ammaanay in ay door weyn ka qaadatay ka shaqeynta arrimaha banii’aadantinimada. Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas)ayaa oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in Puntland ay marwalba u taagan tahay sidii loo heli lahaa dowladnimo soomaaliyeed oo buuxda,taasoo ku dhisan caddaalad,isla markaana haysata kalsoonida shacabka soomaaliyeed, si loo helo shacab iyo dowlad isku duuban oo si wadajir ah u wajaha xaaladda cakiran ee haatan Soomaaliya ka jirta. Dhinaca kale madaxweyne Gaas ayaa Mr.Peter De Clercq u sheegay in loo baahan yahay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen, isagoo Qaramada Midoobay ka codsaday in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee reer Puntland. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo gurmad deg deg ah weydiisatay Qaramada Midoobay. appeared first on Puntland Post.
  3. HARGEISA– The President of Somaliland, Musa Bihi Abdi met today with a delegation from the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) in East Africa. The delegation is led by Hon. Mohamed Guyo and is accompanied by IGAD special adviser, Hon. Abdikarim Mohamed. President Musa and the IGAD delegation discussed areas of mutual interest pertaining to the security, stability and the Horn of Africa in general. The two sides have discussed on the issue of Tukaraq which the incumbent president has reiterated its stance that Somaliland is securing its borders and has no intention to invade any. They also have spoken on projects that IGAD implements in the country in line with the national development plan. The president and IGAD have talked about the Somaliland-Somalia dialogue which is about to restart after a short pause.
  4. Buq Aqable (Caasimadda Online) – Xarakada Al-shabab ayaa sheegay in Fagaatre ku yaalla Degaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan ay ku dileen Sahal Axmed Rasle,kaas oo ay ku sheegeen in uu ahaa Askari ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ay tababartay Imaaraadka. Al-shabaab ayaa sheegay in Maxkamadda Al-shabaab ee degaankaas ay askariga xukun dil ah ku ridday islamarkaana lagu toogtay fagaare ku yaalla degaankaas. Fagaare kuyaal degmada Buq-aqable ayaa lagu toogtay askariga, qaaddiga maxkamadda xukunka ridday ayaa sheegay in askarigu qirtay dhammaan dambiyadii lagusoo eedeeyay wuxuuna maxkamadda ka hor sheegay in lasiiyay lacago si uu diyaarad ugu raaco balse isagu uu naftiisa ka bakhiilay uuna go’aansaday in uu safarka dhanka ah ku aado Caabud Waaq. Al-shabab waxaa ay sheegeen in Ninka ay toogteen ee ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay kala dageen Garai nooca dadweynaha ah oo uu la socday. Waxaa ay sheegeen in uu ka baxay Muqdisho kuna jeeday Cabudwaaq,isaga oo ka mid ahaa Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ay tababartay Dowladda Imaaraadka Carabta. Dadweyne isu soo baxay goobta fagaaraha oo ay Al-shabaab maamulaan ayaa daawanayay xukunka dilka ah ee lagu riday Sahal Axmed Rasle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ninkii ay Al-Shabaab Maanta ku toogteen Gobolka Hiiraan oo la ogaaday waxa uu ahaa iyo sababta loo dilay appeared first on Caasimada Online.
  5. Todobaad ka badan waxaa xiran dekedda Muqdsiho oo waxba kama soo degaan sababo la xiriira Canshuuraha oo la kordhiyey taasoo u cuntami weydey Ganacsatada shixnadaha kala soo degta dekedda weyn ee Magaalada Muqdsiho, hadaba su’aashu waxey tahay xaggee wax iska qaban la’yihiin. Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Beyle oo amarka canshuur kordhinta soo rogey ayaa sheegey iney sidaa u yeeleen si ay ula jaan qaadaan wadamada dunida oo ay u farax geliyaan Hay’adda lacagta aduunka ee IMF oo ay dowlada Soomaaliya ka quuddareyneyso iney ka cafiso deymaha faraha badan ee lagu leeyahay. Ganacsatada gobolka banaadir oo ka duulaya canshuur kordhinta la soo rogey ayaa saxaafada la hadlay waxayna sheegeen in aaney aqbali Karin hadalada ka soo yeeray Wasiirka Maaliyada oo hore u shaciyey in la kordhiyey canshuuraha laga qaado badeecooyinka kasoo dekeda Muqdsiho,. Ganacsatadu waxay sheegeen iney yihiin canshuur bixiyaal daacad u ah Dowlada Federaalka Soomaaliya oo aaney kala maarmin iyaga iyo dowladoodu, waxayna intaa ku dareen in aaney suurtagal aheyn in dekeda muqdsiho oo kaliya la takooro oo lagu kordhiyo canshuuraha iyadoo aan canshuuraha lagu kordhin dekedaha kale ee dalku leeyahay. In badan oo ka mid ganacsatada waxaa ka careysiiyey wareysi uu bixiyey Cabdiraxmaan Beyle oo uu ku sheegey in ganacsatadii diidda bixinta canshuuraha dheeraadka ah ee uu soo regey ay aadaan dekeda kismaayo oo ka qiima jaban dekeda muqdisho, waxay dad badani su’aal ka keeneen cidda xukunta dekeda kismaayo? Intaa kadib waxaan isticmaalay xirfadeyda oo waxaan soo ogaadey qaabka canshuuraha looga qaado badeecooyinka kala duwan ee ka soo dega dekedda Muqdisho. Ha ahaadeen Bagaash, Maacuun, Electaroonik IWM. Kartoon caadi 3$. S. Koli ama Kartoon weyn18$. Xirmo oo ka kooban qiyastii laba kartoon 7$. Inta badan ma dhacdo iney Moobeelada kasoo degaan dekedda Magaalada Muqdisho, waxayna ka soo degaan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaana halkii kIilo oo Moobeyl ah la canshuuraa 4$. MAXAA LA ISKU HAYAA?. Waxaa la isku hayaa bixinta canshuurta Value Added Tax. oo loo yaqaan VAT. waxaa isweydiin leh sidee la isaga rabaa canshuurta VAT? Wasaarada uu madaxda ka yahay Mr. Beyle waxay soo rogtey in badeecada (Alaabta) oo dekeda ku jita laga qaado canshuurta VAT. Taasoo ah 5%. Waa lacagtii laga rabey bakhaareeyda marka ay badeecadoodu u gadmaan. Si kastaba Mr. Beyle Wasiirka Maaliyadda waa uu diidey inuu gorgortan la galo Ganacsatada Muqdisho si looga fara geliyo canshuurta uu soo rogey iyaguna haddii ay yihiin Ganacsatada waa ay diideen iney bixiyan lacagta lagu soo rogey, waxay ku wanagsaneyd in loo gar naqo.si looga baxo dhbaatada jirta. Wararka I soo gaaraya ayaa sheegaya in heshiis hoose ay wada gaareen ganacsatada raashinka keena sida Bariiska, Baastada, Burka IWM iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxayna ku heshiiyeen in aan badeecooyinka qutul daruuriga ah la saarin wax canshuur dheeraad ah, waxaana durba soo gaarey suuqa Bakaaraha gawaarida sida badeecooyinka aan kor kusoo sheegay, waxaana intaa dheer in la shaaciyey Maanta iney dib u furantay dekedda Muqdiho tasoo ah mid laga badbadiyey.. Cabdinaasir Xersi Iidle Mail. naasirx1@gmail.com Tel. 00252615503978. The post Beyle iyo Ganacsatada haloo gar naqo appeared first on Caasimada Online.
  6. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku Qaabilay Wafdi uu Hoggaaminayey Ku-Xigeenka Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee Dhinaca Aadanaha Peter De Clercq . Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 Feb 2018 qasriga madaxtooyada Garoowe waxa uu ku qaabilay wafdi uu hogaamineyey ku-xigeenka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, dhinaca aadanaha Peter De Clercq, Wafidigaas ayaa waxa ay ka soo kici timeen magalada Muqdisho. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliaya, dhinaca aadanha Peter De Clercq ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha arimaha siyaasada, abaaraha kajira Puntland iyo xaaladaha guud ee Soomaaliya. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliaya dhinaca aadanaha Peter De Clercq ayaa inta uu socday kulan kooda waxaa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa mashaariicda hormarineed ee UN ku ka fuliyaan Puntland. Dhinca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa tilmaamay in Puntland ay marwalba u taagan tahay sidii loo heli lahaa dawladnimo soomaaliyeed oo buuxda oo ku dhisan caddaalad isla markaana haysata kalsoonida shacabka soomaaliyeed, si loo helo shacab iyo dawlad isku duuban oo si wada jira uga hor taga xaalada cakiran ee Soomaaliya . Sidoo kale ku xigeenka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya dhinaca aadanha Peter De Clercq ayaa dawaladda Puntland ku amaaney doorka iyo kaalinta siyaasadeed ay ka qaadatay Nabadda, iyo xasilinta Soomaaliya, islamr ahaantaana wuxuu Peter De Clercq dawladda Puntland Ku amaaney inay qayb lixaad leh ka qaadato ka shaqaynta arimaha bini aadantinimada. Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa Peter De Clercq iyo weftiga la socdey si qoto dheer ugaas xog Waramey xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland, isagoona Madaxweynahu sheegay in loo baahan yahay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen, dhinaca kale wuxuu tilmaamey madaxweynhu in ay muhiim tahay in beesha caalamku ay qayb libaax leh ka qaataan kana qayb galaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee reer Puntland. —DHAMMAAD—
  7. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Gulleed (Khadar) ayaa maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyey dad tahriibayaal Soomaaliyeed ah oo laga soo qaaday dalka Liibiya, halkaasi oo ay muddo ku xannibnaayeen. Dadkan ayaa iskood u go’aansaday in ay dalkooda hooyo dib ugu soo laabtaan kaddib markii ay dhibaatooyin kala kulmeen kooxaha dadka ka ganacsada ee loo yaqaan “Magafayaasha”. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Xukuumaddu ay dadaal badan ku bixinayso sidii ay u soo badbaadin lahayd muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka dibadiisa, isla markaasna horay dalka loogu soo celiyey maxaabiis laga soo qaaday dalal dhawr ah oo ay muddo sanooyin ah ku xirnaayeen. Mudane Khadar ayaa sidoo kale xusay in Xukuumaddu ay sii wadayso dadaalada ay ugu jirto badbaadinta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalalka caalamka, isagoo hadlayana waxa uu yiri: “Aad baan runtii ugu faraxsanahay inaan Garoonka diayaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyo dad Soomaaliyeed oo iskood u go’aansaday inay dalkooda hooyo dib ugu soo laabtaan, iyagoo ka tanaasulay tahriibka” “Xukuumadda Federalka Soomaaliya, wax dadaal ah lama hari doonto sidii ay u soo badbaadin lahayd muwaadiniinta ku dhibaataysan dalalka caalamka. Waxaa jira dadka kale oo Soomaaliyeed oo laga soo qaadi doono dalka Liibya.” Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa tilmaamay in dhillinyaradan ay billow u yihiin kooxo kale oo ku sugan dalka Liibiya, kuwaas oo dalkooda dib loogu soo celin doono. Xukuumadduna waxay diyaarinaysaa sida ugu haboo uguna dhaksiyaha badan ee lagu soo qaadi lahaa shacabka ku dhibaataysan Liibiya. DHAMAAD PUNTLAND POST The post R/W ku Xigeenka oo Garoonka Muqdisho ku qaabilay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Xukuumaddu ka soo qaadday Liibiya appeared first on Puntland Post.
  8. Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa xariga ka jarey dhismaha cusub ee Hotelka Bixin oo ay magaalada Garowe ka hirgalisay Shirkadda Bixin Group. Dhismaha hotelkaan oo ka mid noqonaya kuwa ugu bilicda quruxsan ee Caasimadda Dowladda Puntland waxaa ka qeybgalay xafladii xariga looga jarey qeybo kala duwan oo ka socda bulshada magaalada Garowe sida Culimo, Odoyaal, Aqoonyahano, Dhalinyaro iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland. Maamulaha Shirkadda Bixin Group Xaamid Cabdi Samatar ayaa faahfaahin ka bixiyay dhismaha hotelka iyo guud ahaan asaaskii shirkadda Bixin oo xarumo ganacsi oo waaweyn ku leh Garowe, Hargeysa iyo Meelo kala duwan oo ka tirsan Dalka Soomaaliya. Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne ayaa uga mahadceliyay Shirkadda Bixin Group hindisahan oo uu sheegay inuu qeyb weyn ka qaadanayo horumarka dalka, Wuxuuna ugu baaqay qurba joogta iyo waliba Ajaaniibta inay qeyb ka noqdaan maalgashiga Garowe. Dhinaca kale Xildhibaan Maxamuud Faarax Warsame oo ah Gudoomiyaha Guddiga Hawlaha Guud ee Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Baarlamanka Puntland oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo furitaanka Hotel Bixin. Isku soo wada duuboo 10-kii sano ee u dambeeyay waxaa kusoo kordhayay Caasimadda Puntland horumar dhanka dhismayaasha. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Magaalada Garowe oo laga hirgaliyay dhisme hotel casriya. appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shir jaraa’id oo ay maanta magaalada Muqdisho, gaar ahaan suuqa bakaaraha ay ku qabtayn qaar ka mid ah Ganacsatada gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegeen in ay joojiyeen Guud ahaan Ganacsigii suuqa Bakaaraha kadib cabashooyin ay sheegeen in wax laga qaban waayay oo ka yimid dhinaca Dowladda arintaas darteedna ay u joojinayaan ganacsigii suuqa weyn ee Bakaaraha ee maagalada Muqdisho. Ganacsatada ayaa waxa ay sheegeen in dhowr mar cabashadooda wax laga qaban waayay sidaas darteedna ay ay joojinayaan Ganacsigii Suuqaweyn ee bakaraha wixii beri ka bilaawda. Tallaabadaan shaqa joojinta ah ayaa waxa ay Ganacstadu ku sheegeen in ay ku keentay kadib markii ay xamili waayeen bixinta lacago dheeraad ah oo ay ku soo rogtay wasaaradda Maaliyadd Soomaaliya sida ay hadalka u dhigeen,iyaga oo madaxda Dowladda ugu baaqy in ay waxka qabato cabashadooda. Ganacstada ayaa sheegay in ay xamili wayeen lacago dheeraad ah oo ay ku soo kordhisay Dowladda Soomaaliya iyagoo ugu baaqay madaxda Dowladda in ay wax ka qabtaan Cabashadooda ku saabsan canshuurta dheeraadka ah ee lagu soo rogay. Halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/02/Ganacsatada..mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ganacsatada Gogoblka Banaadir oo Berri joojin doona shaqada Suuqa Bakaaraha appeared first on Caasimada Online.
  10. Baidoa, Somalia (CNN)The murderous al Qaeda affiliate al-Shabaab is making millions of dollars each year by exploiting foreign aid money sent to Somalia by the very western nations who are trying to eliminate the terror group. Source: Hiiraan Online
  11. ilaa iyo 11 Maxbuus oo kuxirnaa dalka libiya ayaa maanta laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho . Siidaynta Maxaabiistan ayaa timid kadib markii wafdi ka socday Dowlada fadaraalka soomaaliya ay gaareen dalkaasi liibiya ,una Suurtagashay in ay soo daayaan dadkan oo ku xirnaa xabsiyada dalkaasi Libiya. Dowlada ayaa sheegtay sidookale in ay soo dayn doonto 30 qof oo kale oo kuxiran xabsiyada dalkaasi liibiya . Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra’isalwasaare Xasan Cali Khayre ayaa balan qaaday markii ladoortay in maxaabiista Soomaaliyeed ee kuxiran Xabsiyada dalka dibadiisa ah ay soo deen doonaan.
  12. Mogadishu (HOL) - The Somali government has welcomed nearly a dozen Somali's who have been evacuated from Libya on Saturday. Source: Hiiraan Online
  13. Gudoomiyaha Guud ee Culimadda Ahlusuna Wal-Jamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarx ayaa shacabka ku dhaqan gobolada Gal mudug ugu baaqay xoojinta Amniga, horumarinta gobolka , wada shaqaynta ciidamada iyo shacabka , iyo dib uxoraynta gobolada ay gacanta ugu jiraan Al-shabaab. Waxa uu sheegay in Ciidamadii Ahlusuna Wal-Jamaaca ee ka xoreeyay Al-shabaab goboladaasi ay haatan diyaar uyihiin in ay Al-shabaab ladagaalamaan oo ay ka saaraan goobaha fara kutiriska ah ee ay gacanta ku hayaan. Hoos ka dhagayso Madaxa Warfaafinta Culimada Ahlusuna Sheekh Cali Jaamac Jakuula oo Warbaahinta usharaxaya go,aanadii ka soo baxay Gudoomiyaha Guud ee Culimadda Ahlusuna Wal-Jamaaca. Codka Jakuula
  14. Degmada Ufayn ee gobolka bari ayaa lagu soo gaba gabeeyay maanta kulan looga arinsanayay dhismaha wadada Caluula iyo kala beer . kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay maamulka gobolka bari, kan degmada Bosaaso, Isimada dhaqanka, xildhibaano, iyo sidookale Gudoomiye yaasha 11 degmo oo ay wadadani dhexmari doonto. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa deeq lacageed oo gaaraysa 100 kun oo doolar iyo 100 rati oo geel ah ku yaboohay Beeljaade Cali faarax . Hadaha hoos k adhagayso gudoomiyaha degmada Uafayn Cali jaamac jibril oo faah faahinaya qodobadii kulanka ka soo baxay. codka gudoomiyaha Ufeyn
  15. Hay’addaha ka shaqeeya samafalka ayaa lagusoo rogay amar ku saabsan in iyagoo aan oggolaansho ka haysan wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladda hoose aysan wax barnaamij ah ka fulin karin xarumaha barkacayaasha iyo tuulooyinka. Ujeedada ka dambeysa go’aankaan ayaa ah, kadib markii ay dowladdu ogaatay inay jiraan shakhsiyaad iyo hay’adddo ku shaqaysta inay macluumaad ka buuxsadaan dadka danyarta ee ku dhaqan xarumaha barakacayaasha iyo tuulooyinka, iyagoo u sheegaya inay caawinayaan. Dowladda hoose ee Garowe, oo amarkaan fulinaysa ayaa maanta isugu yeertay guddiyada xarumaha barakacayaasha waxaana lagu wargaliyay inaysan wax macluumaad ah la wadaagin cidii u timaada iyagoo aan dowladda ka haysan oggolaansho. Mid kamid ah guddoomiyayaasha barakacayaasha oo la hadlay warsidaha Puntlandi, ayaa u sheegay in lasoo ogaaday in hay’addaha qaarkood xogta ay ka qaataan xarumaha barakacayaasha ee kuyaala Puntland, markii ay mashruuc kusoo helaan inay ka fuliyaan meelo aan ahayn Puntland. Puntlandi.com
  16. ADDIS ABABA, Ethiopia — Ethiopia’s defense minister has ruled out a military takeover a day after the East African nation declared a new state of emergency amid the worst anti-government protests in a quarter-century. Source: Hiiraan Online
  17. Nairobo (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay Magacyadda raggii ka dambeeyay weerarkii Macaliinta lagu laayay ee ka dhacay jimcihii Iskuul ku yaalla Magaalada Gaarisa halkaas oo lagu dilay saddex Macalin. Ciidamada Booliska ayaa waxa ay sheegeen Baaritaano ay sameeyeen in kala ahaayeen raggii weeraray Macaliinta Maalim Yusuf Abdullahi, Daud Ahmed Mohamed iyo Abdirashid Ibrahim Osman. Maxamuud Saalax oo ah isku duwaha amniga Gobolka waqooyi Bari ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay ku daba jirraan raggaasi, islamarkaana ay gacanta kusoo dhigi doonta. Waxaa uu sidoo kale sheegay in weerarkaasi uu hoggaaminaayo Macallin Cabdullahi kaas oo uu sheegay in uu ka soo jeedo degaanka Bojigaras,isaga oo xusay in uu yahay Xaasle saddex carruur ah leh. Maxamuud Saalax ayaa dhawaan soo bandhigay Magacyada 35 Qof oo uu sheegay in ay ka tirsanyihiin AL-shabaab,kuwaas oo u dhashay Waqooyi Bari,kuna biiray Al-shabaab. Magacyada Dadkaas,Carruurtooda,Xaasaskooda iyo meelaha ay degganyihiin ayuu sheegay isaga oo ehelka 35 qofna ku amray in Ciidamada amaanka ay kala shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa. Waxaa uu baaq u diray xubnaha u dhashay degaanka ee ku biiray Al-shabaab isaga oo sheegay in haddii ay isu dhiibaan dowladd ay nabad gelyo heli doonaan. Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraro nuucaan oo kale ah waxa ay ka geysteen dalka Kenya, halkaasi oo ay ku dileen Macalimiin, kuwo kalena ay ku afduubteen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Magacyadda Raggii Weeraray Macalimiinta Kenya oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online.
  18. Mr. Abdirashid Mohamed Said Dualeh, CEO of Dahabshiil Group of Companies has called on fellow businessmen, community leaders and members of the general public to lend their support and promote in the development of Somali youth athletes achieving the sports abilities and competitiveness. The CEO of Dahabshiil Group of Companies was among the people from many nationalities who participated in 10 km Hargeisa marathon which took place on Friday. Dahabshiil group was one of the leading sponsors of the event providing logistical and material support for the event with the aim of developing our youth capabilities to achieve outstanding results in their sporting activities. “In Hargeisa, today and in the rest of the world, wherever young Somali youth gather for sporting events such as Football, track and field, and form of sports, it is important they should to be supported and encouraged to succeed in their sporting activities,” Mr Abdirashid said while addressing those attending the event held at the Hargeisa sports stadium. He further lauded, all those involved in the planning and organizing the successful international event in Hargeisa and Darlington Foundation founders of future Somaliland International Marathon Run www.somalilandmarathon.com, the ministry of sports and youth affairs, the sponsors of the event and all those other organizations and persons(local and foreign)who contributed to this event. Mr. Abdirashid, in a his blue sports suit, mingled and shared his experience with the youth who participated in the event and more importantly reiterating Dahabshiil group commitment towards elevating youth empowerment and social betterment of all citizens. In the 42 Kilometre, David Hallard (2:55:27) was the victor while Mr. Guled Abdullahi Mahmud (3:01:45) in second place and while on the third spot was Robert Michalski(3:16:44). On the men’s 10 thousand meters, the winner was Mr. Said Farhan Omer, 34’ 12”, 2ndplace Hamse Haybe Aden and Mahmud Ibrahim Mumin in the 3rd spot with 34’ 33’. Ms. Vicky Burford, was the winner of Somaliland International Marathon Run women 10 thousand meters, in the second spot was Shaylene Tomarty and Fozia Ahmed Omer clinching third place. Hon Mohamed Kahin Ahmed, the Somaliland minister of interior and Hon Boos Mire Mohamed, minister of sports and youth affairs presented the awards. Somaliland International Marathon Run, which is expected to become a yearly event, is the first time such an international event to be held in Somali territories since 1991. The event was largely organized by a team from Untamed Borders Ltd led by James Wilcox, including co-organizers Enda Nevin and Oliver Sills. Ahmed Salan played a leading role in bringing the event to Somaliland.
  19. Guddoomiyaha golaha wakiillada maamulka Hargeysa Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa walaac xoogan ka muujiyay saami­qaybsiga kuraasta baarlamaanka Somaliland iyo cadaalad darrada beesha Isaaq ku hayso beelaha kale ee martida ah Hargeysa. Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay in golahoodu uu ka kooban yahay 56 kursi oo beesha dhexe ah (Beesha Isaaq) iyo 26 kursi oo beelaha darafyada ah taasina ay tahay cadaalad­darro weyn oo ka jirta Somaliland gudaheeda. “ Haddii aad leedihiin 56 ha fadhido 26 ka kale mooshin ma keeni karaan, sidaasi ma suurtoobayso in beelina 56 haysato 10 beeloodna 26kursi haystaan. Doorashadu haddii ay dib u dhacayso iyo haddii aanay dib u dhacaynba arrintaas waxaan u aragnaa bahdil loo geystay beelaha kale. Puntlandi.com
  20. Dowladda federalka Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 11 qof oo ah muwaadiniin Soomaliyeed, kuwaas oo kamid ahaa maxaabiistii Soomaaliyeed ee ku xirnaan jiray xabsiyada dalka Libya, kadib markii halkaas ay Tahriib ku galeen. Dadkaan oo isugu jiray dhalinyaro, carruur iyo haween ayaa noqonaya tiradii ugu horeysay ee Soomaali ku dhibaataysanayd dalka Libya oo dalka dib loogusoo celiyo, iyadoo arrintaan ay iska kaashadeen dowladda federalka iyo hay’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladda federalka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro iyo xildhibaano ayaa soo dhaweeyey muwaadiniintaan maanta dib loogusoo celiyay Muqdisho. Puntlandi.com
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – 10; ka mid ah dhallinyarada Maxaabiista ku ahaa dalka Liibiya ayaa maanta laga soo dejiyay Garoonka diyaaradah Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Dhallinyaradan waxaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana ka mid ahaa Ra’isalwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya. Dhallinyarada maanta yimid Muqdisho waxaa ay ka mid ahaayeen dhallinyaro badan oo u xir xiran Magafayaasha iyo dowladda Liibiya,iyada oo dad badan oo Soomaali ah ay ku jiraan xabsiyada dalkaas. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro katirsan xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaano matalayey labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey muwaadiniintaan maanta dib uga soo laabtay dalka Liibiya oo muddo ay ku heystay dhibaatooyin xoogan. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ku bixisay sidii dalka dib loogu soo celin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibanaa dalka Liibiya, iyadoo natiijada dadaalkaasi uu keenay in maanta qaarkood dalka dib loogu soo celiyo. Maryan Yasiin oo ah Ergayga gaarka ah ee Xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda tahriibayaasha ayaa sheegtay in muwadiniinta maanta lagu soo celiyey dalka ay qabaan dhib badan oo ay u geesteen kooxaha arxanka daran ee Magafayaasha loo yaqaan. The post Sawirro:-Qaar ka mid ah dhalinyaro ka soo badbaaday Magafayaasha Libya oo Muqdisho soo gaaray appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqdiso ayaa sheegaya in Diyaarad hub sida ay Jimcihii shalay kasoo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Diyaaradan oo hubka ay siday u badnaa qoryaha fudud iyo saanad laga keenay Shiinaha. Ilo ku sugan garoonka ayaa sheegay in hubku u socday dowladda Soomaaliya. Sidoo kale dowladda Shiinaha ayaa la sheegay in qandaraas lagu siiyay in hubkan ay u geyso dowladda Soomaaliya. Hubkan ayaa ah kii labaad oo Muqdisho la keeno, kaasoo ah mid Sacuudiga uu horay qandaraas ugu siiyay Shiinaha. Madaxtooyada ayaa wada qorshe la doonayo in hubkan lagu geeyo maamul goboleedyada, si loogu keydiyo, maadaama hubkan uu aad u badan yahay, suura galna aheyn in Muqdisho lagu haayo. Dowladda Sacuudiga ayaa la sheegay inay bixisay dhaqaalaha Hubkan loogu soo iibiyey Shiinaha oo hubka iyo saanadda kale u soo daabulaya Soomaaliya. Waa markii labaad ee Hub iyo saanad noocan oo kale ah la keeno Muqdisho. Hubkan ayaa la sheegay in lagu qalabeyn doono ciidamada Qaran ee dhowaan la isu keeni doono, kana kala imaan doona maamul Goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Faahfaahin dheeraad ah oo laga helayo dowladda oo hub farabadan kala soo dagtay garoonka Aadan Caade appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa isku shaandheyn ku sameeyay waaxda Dakhliyada dowladda Hoose ee Muqdisho, iyadoo kala bedel lagu sameeyay, isla markaana xubno hore dib loo soo celiyay. Iyadoo muran weyn ka taagan yahay qaabka awood qeybsiga beelaha ee miisaanka ka dhex muuqda isbedelka uu sameeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaanu idin soo gudbiyneynaa mas’uuliyiinta loo magcaabay Dakhliyada G/banaadir iyo beelaha ay kasoo jeedaan. HOOS KA AKHRISO LIISKA Xasan Xuseen C/llaahi -Agaasimaha Dakhliyada kala duwan [Abgaal / Daa’uud] Xamdi Cali Nuur – Agaasimaha Khasnadaha D/hoose ee Xamar [Murusade] Ayaan Cabdi Maxamed – Agaasimaah Canshuuraha [Murusade] Maxamed Macalin Dhicisow – Aagaasimaha Gaadiidka iyo Ganaaxyada [Xawaadle] C/raxmaan Muxyadiin Maxamed – Agaasimaha Suuqyada iyo Iibinta Xoolaha [Abgaal / East Sanaag Clan] C/raxmaan Cismaan Ibraahim – Agaasimaha Miisaaniyadda [Reer Aw-Xasan] Xuseen Axmed Culusow – Aagaasimaha Adeegga & Khidmadaha [Saruur] Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso Magacyada & Beelaha ay kasoo jeedaan mas’uuliyiinta loo magacaabay Dakhliga ee G/Banaadir appeared first on Caasimada Online.