-
Content Count
212,846 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladdii hore ee uu hoggaaminayay madaxweyne Farmaajo. Jaamac oo ka hadlayay xaaladda ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya oo ay dowladdu amartay in lagala baxo maydadka ayaa sheegay in hadda laga rabo in laga dhiso xarun dan guud ah oo loogu adeegayo Ummadda Soomaaliyeed, sida uu ku dooday wasiirka. Isaga oo u jawaabayay siyaasiyiinta qaylo dhaanta ka muujiyay arrintan ayaa waxa u sheegay in dowladdii hore ay isku deyday inay burburiso qabuurahaasi, iyada oo ka leh dano gaar ah, balse laga diiday, kadib markii ay ka horyimaadeen culimada iyo shacabka. “Dowladdii hore kuma kicin anaa beeninaayo, inta ay ku kacday ayay Private u aaday ayaa culimada ka hor istaagtay ciddii rabtana way soo baari kartaa” ayuu yiri wasiir Jaamac. Wasiirka gaashaandhigga ayaa ku eedeeyay Farmaajo iyo kooxdiisa inay rabeen inay dhulkaasi ka dhisaan hoteelo balse ay ku fashilmeen, maadaama ay wadeen dano gaar ah. “Xukuumaddii, xukuumaddan ka horreysay ee madaxweyne Farmaajo dalab ayay culimada Soomaaliyeed u gudbisay waxay codsadeen in culimada ay Ummadda Soomaaliyeed u sharraxdo, kadib culimada way wadiisay waxa meesha lagu qabanaayo waxa ay yiraahdeen hoteelo ka dhiseynaa iyo deegaan wayna diideen culimada,” ayuu sii raaciyay. Intaasi kadib waxaa wasiir Jaamac usoo jawaabay afhayeenka Farmaajo oo sheegay in warka uu sheegay uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn. “Warka uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiggu waa mid aan sal iyo raad toonna lahayn oo laga leeyahay dano gurracan, waxayna ka tarjumaysaa sida dowladda hadda joogta ay u caadaysatay been abuurka iyo musuqmaasuqa xargaha goostay” ayuu yiri afhayeenku. Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ah agaasimihii hore ee warfaafinta madaxtooyada, welina afhayeen u ah Farmaajo ayaa sheegay in dowladda hadda jirta lagu wareejiyay iyada oo la dhowray dhammaan dhulalka danta guud ee ku yaalla magaalada Muqdisho. “Ummadda Soomaaliyeed way ka dheregsan yihiin labada madaxweyne, midka ay caadada u tahay musuqmaasuq, wayna xusuustaan in Maxadweyne Farmaajo wareejiyey dhulkii danta guud iyada oo la dhawray iyo Madaxweynaha hadda xilka haya oo isaga oo aan sannad joogin xafiiska dhaxal wareejiyey inta badan dhulkii danta guud” ayuu mar kale yiri. Waxaa kale oo uu raaciyay “Haddii Eebbe idmo 24-ka saac ee soo socda ayaan ka bixin doonaa jawaab waafi ah warkan been abuurka ah ee ka soo yeeray Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh”. Arrintan ayaa sii murjineysa xaaladda ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya oo qaylo dhaan wayn laga muujiyay, waxaana eheladu ay bilaabeen inay maydadkooda kala baxaan. The post Wasiir Jaamac oo eedeyn yaab leh u jeediyay Farmaajo iyo kooxda NN oo afka furatay appeared first on Caasimada Online.
-
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa Talaadada maanta ah sheegay in ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu dib u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay u hogaansamidda xabad joojinta la soo jeediyay in laga hirgeliyo Gaza. Sida uu sheegay blinken oo wariyeyaasha kula hadlayay Tel Aviv , Xamaas oo kaliya ayaa ilaa iyo hadda aan aqbalin shuruudaha ku jira xabad joojintan. Shalayna Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay qaraar uu soo diyaariyay Maraykanka oo ugu baaqaya Israa’iil iyo Xamaas inay fuliyaan heshiiskan xabbad-joojinta. 14 ka mid ah 15ka xubnood ee Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay Qaraarka, oo ruushka oo kaliya uu ka aamusay. Hindisaha Xabad joojinta Gaza ayaa ka kooban sadex waji: Wajiga hore ayaa ku baaqaya in dagaalka la joojiyo, labada dhinacna ay sii daayaan qaar ka mid ah maxaabiista ay kala heystaan, Gargaarka Gaza oo sare loo qaado, iyo ciidamada Israel oo ka baxa goobaha dadku ku badanyihiin Gaza, si dadku ay guryahooda ugu noqdaan. Wajiga labaad, ayaa dhigaya in si rasmi ah loo joojiyo dagaalka, Maxaabiista oo si buuxda loo sii daayo, iyo in ciidamada Israel ay si buxda uga baxaan Gaza. Wajiga ugu dambeeya ee hindisahan ayaa dhigaya in Gaza lagu bilaabo dib u dhis muddo sanado ah qaadanaysa, iyo in Xamaas ay Israel u celiso haraaga meydadka la heystayaashii Israel ee dhintay intii ay gacanta Xamaas ku jireen. Source
-
Dalka Ingiriiska, waxaa aad loo hadal hayaa kiiska laba wiilal 12 sanno jirro ah oo ay guddi xeer-beegti ah ku heleen danbi ah, in ay maqar ama baangad ku dileen wiil 19 jir ahaa bishi November ee sannadki hore. Labadani wiil oo aanan wali magacyadooda la shaacin sababo la xidhiidha da’dooda oo aad u yar ayaa noqday carruurti ugu da’da yareyd ee lagu helo danbi dil ah, gudaha dalka Ingiriiska. Source
-
Toronto (HOL) — The vibrant spirit of the late Somali-Canadian journalist Hodan Nalayeh was celebrated with zeal on May 29 during the third annual Legacy Day at Hodan Nalayeh Secondary School. What began as a modest gathering has evolved into a significant community celebration, drawing students, families, educators, and local leaders to honour Nalayeh's enduring impact. Source: Hiiraan Online
-
Qaahir Caasimada Online) – Shirkadda diyaarada Masar ee Egypt Air oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay inay bilaabeyso duulimaadyo ay ku imaaneyso magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, waxayna soo saartay wargelin ku aadan duulimaadyadeeda. Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Twitterka ee shirkadda Egypt Air ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradahooda ay isaga kala gooshi doonaan Qaahira, Muqdisho iyo Jabuuti. “War xiiso leh! Diyaaradda Egypt Air waxay bilaabaysaa khad cusub oo ay ku tagi doonto Jabuuti iyo Muqdisho. Soo ogow dhaqamada iyo muuqaalka meelahan cajiibka ah.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay shirkadda. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in duulimaadyadooda ayaa billaabanayaan wixii ka dambeeya 11-ka bisha July ee sanadkaan, ayna tagi doonaan Soomaaliya iyo Jabuuti. Sida lagu sheegay qoraalka todobaad kasta laba maalmood ayay diyaaradahooda kasoo duuli doonaan Qaahira, iyaga soo gaarayo Muqdisho, kadibna kusii hakanaya Jabuuti. “Laga bilaabo 11-ka July 2024, kasoo duul Qaahira Khamiis iyo Sabti kasta. Qaahira illaa Muqdisho oo ku sii hakanaya Jabuuti.” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka. Soomaaliya ayaa waxaa bilihii u dambeeyay kusoo xirmayay duulimaadyo caalami ah oo hadda yimaada Garoonka Aadan Cadde, kuna sii xira dalalka kale ee caalamka. Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli diyaaradda Fly Dubai oo kamid aheyd diyaaradaha caalamiga ah ee yimaada Muqdisho ay ku dhowaaqday inay joojineyso duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Muqdisho wixii ka dambeeya 11-ka bishaan June oo shalay ku beegneyd. Laba arrimood ayaa loo sababeeyay arrintaan, balse mid kamid ah labadaasi qodob waxaa ku hareeraysan waxyaabo daciifinaya. Labada qodob mid waa suuqa midna waa siyaasadda. The post Xilliga ay diyaarada Egypt Air billaabeyso duulimaadyda tooska ee Muqdisho-Qaahira appeared first on Caasimada Online.
-
Dalal badan oo Yurub ku yaalla oo qaati ka taagan kaneecada
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hay’adda caafimaadka ee Midowga Yurub ayaa ka digtay in kiisaska qandhada dengue iyo cudurrada kale ee ay qaaddo kaneecada ay si weyn ugu soo badanayaan qaaradda. Xarunta Yurub ee Kahortagga iyo Xakamaynta Cudurrada ayaa sheegtay in isbeddelka cimilada uu gabbaad wanaagsan u abuurayo kaneecada faafisa qandhada dengue iyo fayraska Zika. Ilaa 13 dal oo ka tirsan qaaradda Yurub, ayna ka mid yihiin Faransiiska, Spain iyo Giriigga, ayay kaneecadu faro kulul ku heysaa. Magaalada Paris, oo cayaaraha Olimbikada ay ka dhici doonaan dhammaadka July, ayaa dowladda Faransiiska waxay sheegeysaa inay isha ku hayaan ayna ka hortagayaan kaneecada. Qaran News -
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa qayb-galay Munaasabad ay soo qabanqaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas iyo kuwa kale ee Scandinavian-ka. Madaxweynaha oo dadkii Munaasabad ka soo qeyb-galay khudbad dheer u jeediyay ayaa la wadaagay guulaha laga gaaray xasilinta dalka, dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso sidii loo qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah, sidoo kalena ay dhammaystirka dastuurka iyo xoojinta dowladnimada diiradda saarayso, wuxuuna intaa ku daray in la joogo xilligii Soomaaliya laga dhaqi lahaa magac xumada colaadaha, kooxaha xagjirka ah, iyo burcad badeedka ay ka dhaxashay, islamarkaana dowladnimada dalku ay maqaam wanaagsan u gaari lahayd. Madaxweynaha Xasan Shiikh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ah ku jooga dalkaasi Norway ayaa kulamo muhiim ah la leh madaxda dalkaas, iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalalka laysku yiraahdo Scandinavian-ka. Source: goobjoog.com
-
Waxaa magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka ka furmay dood-cilmiyeed la xiriirta arrimaha garoomada iyo ammaankooda, kaasi oo ay soo qabanqaabisay hay’adda TSA , ee garoomada dalkan u qaabilsan ammaankooda. Waxaana doodan oo ay kasoo qeybgaleen dalal ka badan 61 , xoogana lagu saarayaa sida dal weliba usoo bandhigi lahaa aqoontiisa sugida ammaanka garoomada iyo sidii loo abuuri lahaa jawi wada shaqeyn oo ka dhexeeya dhammaan dalalka dunida. Soomaaliya waxaa uga qeybgalaya shirkan Maareeyaha garoomada Soomaaliya Abdiweli Ibrahim Garyare iyo Abdifatah Bashir Ali oo ah Taliyaha Saldhiga booliska ee garoonka Aden Cadde . Si gaar ah TSA oo madashay abaabushay ayaa kulanka oo socon doona saddex cisho xooga ku saareysa inay door muuqda ku yeelato kor u qaadista aqoonta hay’addaha duulista iyo ammaanka garoomada. Bishii koowaad ee sanadkan ayaa howl-wadeeno ka socda TSA booqasho ku yimaadeen garoonka Aden Cadde iyo Xarunta hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed ( SCAA ). Taasi oo irida u furtay inoo bilowdo xiriir wada shaqeyn oo dhexmara labada hay’addood. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu, Somalia – Abdia Adan returns to Garasbaley Health Centre, in the heart of Kahda district, Banadir Region, for her 8-month-old son’s final follow-up at the facility. This visit proves different from her previous encounters as young Mohamed Hussein is now healthier. Abdia visited the health centre with Mohamed in November 2023 when he had a fever and was vomiting. His condition has significantly improved since the doctors diagnosed him with pneumonia and malnutrition, thanks to Abdia’s love and the attentive quality medical care received at the facility. Source: Hiiraan Online
-
The U.S. military says it was not involved in the reported killing of two Cuban doctors whom the al-Shabab militant group allege died as a result of a U.S. airstrike in Somalia in February. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — A large crowd gathered today outside the School Policia cemetery (Buluusiya) in Mogadishu as residents from various districts in the Banadir region searched for the graves of relatives buried years ago. The gathering followed the Federal Government's announcement yesterday that it needed the cemetery land and ordered the removal of all bodies within ten days. Source: Hiiraan Online
-
Somalia: Amb. Daccò Coppi received by Interior Minister Ali
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somali politician recalls the strong imprint left by Italy Source: Hiiraan Online -
Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu dib u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay dhaqan-gelinta xabad joojinta laga sameeyo marinka Gaza. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken sheegay in Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu dib u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay u hogaansamidda xabad joojinta la soo jeediyay in laga hirgeliyo Gaza. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay cod aqlabiyad leh ku meel mariyay qaraar uu soo diyaariyay Maraykanka oo ugu baaqaya Israa’iil iyo Xamaas inay fuliyaan heshiiskan xabbad-joojinta. 14 ka mid ah 15ka xubnood ee Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay Qaraarka, oo ruushka oo kaliya uu ka aamusay. Wejiga kowaad ee xabbad-joojinta ayaa ku baaqaya in dagaalka la joojiyo, labada dhinacna ay sii daayaan qaar ka mid ah maxaabiista ay kala heystaan, Gargaarka Gaza oo sare loo qaado, iyo ciidamada Israel oo ka baxa goobaha dadku ku badanyihiin ee Gaza. Wajiga labaad ee xabbad-joojinta ayaa dhigaya in si rasmi ah loo joojiyo dagaalka, Maxaabiista oo si buuxda loo sii daayo, iyo in ciidamada Israa’iil ay si buxda uga baxaan Gaza. Wejiga ugu dambeeya ee hindisahaasi ayaa dhigaya in Gaza lagu bilaabo dib u dhis muddo sanado ah qaadanaysa, iyo in Xamaas ay Israa’iil u celiso haraaga meydadka la heystayaashii Israel ee dhintay intii ay gacanta Xamaas ku jireen. PUNTLAND POST The post Blinken oo shaaciyay in Netanyahu ay ka go’an tahay fulinta Xabbad-joojinta marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
-
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dilkii ciidamada Israa’iil ay u geysteen dad badan oo rayid ah intii lagu guda jiray badbaadinta afar qof oo lagu haystay Qaza Sabtidii in ay noqon karto dambiyo dagaal. Afhayeen u hadlay xafiiska xuquuqul insaanka ee hay’adda ayaa intaa ku daray in Xamaas ay wajihi karto dacwad la mid ah taas oo ku saabsan in maxaabiista lagu hayo goobaha ay dadku ku badan yihiin. Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in in ka badan laba boqol iyo todobaatan Falastiiniyiin ah lagu dilay hawlgalkii badbaadinta ee Sabtidii ka dhacay xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha Gaza. Afarta nin ee Israel ee afduubka loo haystay ayaa dib ula midoobay qoysaskooda. bbcsomali Qaran News
-
The rapid Post Disaster Needs Assessment (PDNA) report prepared and released today by the Government, in collaboration with the United Nations, the World Bank, and the European Union, reveals that the 2023 Deyr floods caused US$176 million in losses and damages across sixteen districts. The floods resulted in 188 fatalities and displaced over 2 million people. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inaysan mas’uul ka ahayn dilka la sheegay in loo gaystay laba dhakhtar oo u dhashay Cuba oo al-Shabaab ay soo jeediyeen eedayn ah inay ku dhinteen duqayn uu gaystay Maraykanku 15-kii Febraayo ee sannadkan. Qoraal Al-Shabaab ka soo baxay 17-kii Febraayo ayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday 15-kii Febraayo, abaare 12:10 am ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, kuna dhinteen Assel Herrera iyo Landy Rodriguez. Al-Shabaab ma shaacin haddii dad kale ay ku dhinteen duqeynta. Taliska Maraykanka ee Afrika AFRICOM waxay qiimaynta saddexdii bilood ee u dambaysay ee ay sameeyeen ay ku xaqiijiyeen in duqayn ay ka gaysteen nawaaxiga Jilib 15-kii Febraayo, hase yeeshee waxay sheegeen in qiimaynta iyo dib u eegista ay sameeyeen kadib ay go’aamiyeen in duqaynta ay ciidamada Mataykanku gaysteen 15-kii Febraayo aysan sababanin wax dhimasho oo rayid ah. AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay inay dhammaystireen qiimaynta laba dhacdo oo kale oo kala dhacay Janaayo 25-keedii iyo Febraayo 22-keedii sannadkan, oo ka kala dhacay nawaaxiga Galhareeri iyo Kurtunwaarey, iyadoo loo jeediyey eedayn ah in duqaymaha Maraykanku gaysteen ay waxyeello kasoo gaartay rayid. Maraykanku waxay sheegeen in qiimayn iyo dib u eegis kadib aan Maraykanku wax hawlgal ka samaynin waqtiga iyo meelaha la cayimay. AFRICOM waxay sheegtay inuu jiro kiis furan oo weli qiimayntiisa ay wadaan, kaasi oo macluumaadkiisa lagu dari doono qiimaynta tan xigta. Ilo-wareedyo ku dhow dowladda Soomaaliya ayaa dhanka kale ku eedeeyey kooxda Al-Shabaab ay ayaga dileen labada dhaqtar, kadib markii ay sanado badan ka faa’iideyteen oo ay dhaqaatiir u tababareen. Dhaqaatiirtan ayaa sanadkii 2019 waxay Al-Shabaab ka soo afduubteen magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, halkaasi oo ay ka wadeen howlo caafimaad. Muddadii Al-Shabaab ay gacanta ku haysay dhaqaatiirta, waxaa fashilmay isku dayo iyo wada-hadallo la doonayey in lagu soo daayo. The post MAREYKANKA oo beeniyey arrin Shabaab ay sheegeen oo la xiriirta dhaqaatiirtii… appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaan maanta tagay qubuuraha Iskool Boliisiya oo aan u raacay nin saaxiibkey ah oo doonay meydka walaalkiis oo ku dhintay qaraxii Tiyaatarka. Waxaan ka lugeynay iskuulka 21ᵏᵃ Oktoobar, maadaama uu jidku u xirmay jaam ka dhashay gawaari ambalaas u badan oo meydad ka soo qaaday qubuuraha. Intii aan sii lugaynayay waxaan jidka ku sii arkay dad wada barooranaya oo salli ku wado meydadka waalidkood, walaalahood, iyo awlaaddooda. Qol yar ku dheggan iridka laga galo isbitaalka Yardameeli waxaa fadhiya koox ka socoto Gobolka Banaadir oo boono laga soo jaranayo. Sandaqadaha ka soo horjeedo isbitaalka waxaa hor tuban wariyayaal kaamirooyin sita oo loo diiday in ay qubuuraha galaan. Iridka darbiga lagu wareejiyay quruubaha waxaa ku jaran gaari Cabdibile ah. Askar tobaneeye ah oo dadka handadeysa ayaa saaran gaariga. Luuq yar oo bannaan ayay ka galayaan dadka boonooyinka wato ee ay fasaxaan. Inta aadan qubuuraha galin waxaa lagu marsiinayaa baaritaan adag, si loo hubiyo in aadan moobeel wadan, si aadan u soo duubin qarracanka gudaha ka jira. Anigu wariyaha Shabeelle TV, saaxiibkey Zakariye Ahmed Muse oo ka mid ah wariyayaasha bannaanka tuban ayaan moobeelkii u dhiibtay. Askari akhyaar ah balse aan go’aanka lahayn ayaa ku jiro. Sarkaal gadaal taagan oo arxandaran ayuu u sheegayaa codsiyada dadka aan boonooyinka haysan. Iridka hore ee qubuuraha waxaa dhooban boqolaal dad ah. Dadka halkan taagan waxaa ka mid ah hooyo waayeel ah oo ku calaacalaysa in fursad loo siiyo in ay gudaha u gasho qubuuraha, si ay u soo hubsato qabriga wiilkeeda oo askari ahaa, ka dibna ay soo raadsato kharashkii ay kula bixi lahayd. Balse lagama aqbalin. Qubuuraha ayaan gudaha u galnay. Waxaa nagu soo kala orday xoogsato badiillo sidata oo u tartamaya in ay qabriga noo faagaan iyo darawallada gawaari ambalaas ah oo u soo shaqategay in ay maanta halkan ka shaqeystaan. Xoogsade iyo ambalaas kasta ma gali karaan ee kuwaan waxaa keensaday Gobolka Banaadir. Qiimuhu ma go’ana balse faaqista qabrigu celcelis ahaan waa $70, kirada ambalastuna waa $40. Waxaan dul tagnay qubuurihii. Dhinac kasta qabri la faagayo ayaa iiga muuqdo. Ehelladii ayaa dul taagan. Tiro ma leh dadka barooranaya ee ii muuqda oo dumar u badan, oo qarracmay markii bannaanka loo soo dhigay meydadkii aan sanado ka hor aaseen. Walaaca ay dadka ugu badan qabaan waa in aysan garaneyn qabriga meydkooda, maadaama aysan qabriyada badankood calaamad lahayn. Waxaa dhinacyadeenna yaacaya dad salli ku daddaaminaya meydadka dad ay jeclaayeen oo ay soo faageen. Waxaa la yaab leh in ehellada qaar loo soo saaray meydkii oo sidiisii ah, qaarna ay qalfooftii kaliya ugu tageen qabriga. Qoysas badan waxaa caawa u yaallla murugada iyo qarracanka waalid iyo walaal ay sanado ka hor duugeen oo maanta lagu qasbay, lacagna looga qaatay in ay soo bixiyaan, waxayna caawa la hoyanayaan naxdin iyo uurkutaallo ka daran tacsidii u taallay maalinkii ay meydkan aaseen. 20kii sano ee la soo dhaafay oo ay Muqdisho martigelisay dhacdo kasta oo qarracan leh ayaan u soo joogay. Maantase waxaan soo arkay dhacdooyinkii ugu naxdinta iyo argagaxa badnaa ee aan waligey arkay. Waxaa layaab iyo amakaag leh in uu amarkaas ka soo baxay dowlad Soomaaliyeed oo ay u fatwoodeen wadaaddo calooshood-u-shaqeystayaal ah. Wasiir Axmed Macallin Fiqi wuu ka runsheegay markii uu shalay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay ayax dalka ku habsaday. Ayaxii maantana waa kaas qabriyada faagaya. Eebbe ha naga dulqaado. Xuseen Sabriye The post Maxaa ka socda qabuuraha Iskuul Booliisiya? – Qalbi taabad iyo qarracan appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay xiray oo albaabada isugu dhuftay xarumihii baalbayeeriyaasha ama Timaha lagu jara jiray ee ku yaalay qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir. Ciidamo ka tirsan NISA oo wata gaadiidka dagaalka ayaa xabsiga u taxaabay dhammaan timajarayaashii ay ugu tageen goobahooda shaqada. Howlgalkaas waxa uu ka dhacay laga soo billaabo isgoyska Sanca ilaa Xaliimo Hiite ee degmada Kaaraan. Qaar ka mid ah dadka ay arrintan samaaysay ayaa sheegay Caasimada Online u sheegay in aysan jirin sharraxaad ay ciidamadu ka siiyeen tallaabadan, isla markaana aysan garaneyn sababta loo xiray timajarayaashii ka shaqeynayey degmada Kaaraan. Xogo ay Caasimada Online heshay ayaa sheegaya in lagu haysto qaabka ay tinta u jaraan, booliska Soomaaliya ayaa dhowaan sheegay inay dhalinyarada ka mamnuuci doonaan in si xun ay tinta u jartaan, balse askarta ayaaba u xiirta habka la dhaliilayo. Hay’adda NISA, boos kuma laha canshuuraha, toosinta anshaxa guud iyo dhowridda kala dambaynta, waxayna ehellada dhalinyarada la xiray qabaa tabasho weyn, maadaama la iska xirtay rag u shaqo tegay nolol maalmeedkooda oo canshuur bixiyaal ah. Waajibaadka NISA, waa inay dabagasho, soo qabato, oo haddii loo baahdana la dagaallanto nabad-diidka, sida Al-Shabaab iyo Daacish, waa marka ay joogto mukhabaaraadka gudaha, dibadana waa inay xooraan ka keento dowladaha cadowga ah ee doonaya inay carqaladeeyaan nabadda wadanka. The post Xog: NISA oo xabsiga dhigtay timo-jarayaashii Kaaraan iyo arrin yaab leh oo loo haysto appeared first on Caasimada Online.
-
Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay 19 eedeysane oo loo haysto in ay baraha bulshada ka wadeen kicin bulsho iyo falal amni-darro. Xafiiska xeer-Ilaaliyha guud ee dowladda Soomaaliya ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyey eed lid ku ah 19 Eedeysane oo dhammaantood loo heysto ku lug lahaanshaha Dagaal isir ah, Khalkhal gelin amni, Naceyb, Kicin Bulsho iyo aflagaado, ayagoo isticmaalaya baraha bulshada gaar ahaan Tiktok. Xafiiska xeer-Ilaaliyaha guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu maxkamadda gobolka Banaadir ka codsaday in ay soo mudeyso dhageysiga kiiskaasi. Xafiiska xeer-Ilaaliyaha ayaa sidoo kale degniin adag u diray dadka baraha bulshada u isticmaala dhaqamada xun xun oo liddiga ku ah dhaqanka suuban ee Islaamka iyo dhaqanka Bulshada Soomaaliyeed, Dhaqan xumadaas oo ah Aflagaadeynta, Iskudirka Bulshada, Been abuurka, naceybka iyo kicinta bulshada. PUNTLAND POST The post Xeer Ilaalinta Soomaaliya oo maxkamad u gudbisay 19 eedaysane oo loo haysto kicin bulsho appeared first on Puntland Post.
-
Maraykanka ayaa sheegay in aysan mas’uul ka ahayn dilka la sheegay in loo gaystay laba dhakhtar oo u dhashay Cuba oo al-Shabaab laga soo xigtay in ay ku dhinteen duqayn uu gaystay Maraykankka 15-kii Febraayo ee sannadkan. Taliska Maraykanka ee Afrika AFRICOM waxay qiimaynta saddexdii bilood ee u dambaysay ee ay sameeyeen ay ku xaqiijiyeen in duqayn ay ka gaysteen nawaaxiga Jilib 15-kii Febraayo, hase yeeshee waxay sheegeen in qiimaynta iyo dib u eegista ay sameeyeen kadib ay go’aamiyeen in duqaynta ay ciidamada Mataykanku gaysteen 15-kii Febraayo aysan sababanin wax dhimasho oo rayid ah. AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay inay dhammaystireen qiimaynta laba dhacdo oo kale oo kala dhacay Janaayo 25-keedii iyo Febraayo 22-keedii sannadkan, oo ka kala dhacay nawaaxiga Galhareeri iyo Kurtunwaarey, iyadoo loo jeediyey eedayn ah in duqaymaha Maraykanku gaysteen ay waxyeello kasoo gaartay rayid. Labada dhakhtar oo la kala yiraa Assel Herrera iyo Landy Rodriguez ayaa Al-Shabaab ay kasoo afduubeen bishii April 2019-kii Waqooyi Bari Kenya. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo beeniyay in uu duqayn ku dilay dhaqaatiir u dhashay Cuba oo Shabaab af-duub u haysteen appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xog cusub laga helay marxaladihii uu soo maray askarigii weerarka toogashada ah ka geystay xerada ciidanka xoogga dalka ee Jeneraal Goordan oo ku taalla magaalada Muqdisho. Halkaas waxaa lagu laayey saraakiil Imaaraad ah, 3 sarkaal oo dhalatay dalka Imaaraadka Carabta iyo hal sarkaal oo u dhashay dalka Baxreyn ayaa ka mid ahaa saraakiishii iyo ciidamadii uu xerada Jeneraal Goordan ku laayey askarigaas. Ninkaas waxaa lagu magacaabi jiray Mustaf Mukhtaar Aadan, inta uusan ku biirin ciidamada dowladda wuxuu ka shaqeysa jira suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, halkaas oo dagaal uu ku gulay. Xogtaan waxay sheegeysaa in Mustaf uu daqar-weyn ka soo gaaray dagaalkii uu ku galay suuqa Bakaaraha oo uu ka shaqeysa jiray, wuxuu galay isbitaal, markii uu ka soo baxana wuxuu mag-dhow u raadsaday ehelka ninkii daqray, balse waxaba waa la sii diiday. Intaas kadib wuxuu u dacwooday Khawaarijta Al-Shabaab oo qoyskii xoog uga qaaday dhiigii ninkaas, intaas kadibna wuxuu ka tegay suuqa Bakaaraha oo Dhar uu ku wareeji jiray, wuxuuna iska aaday gobolka Bakool. Dhamaadkii 2022 ayuu magaalada Xudur ee gobolka Bakool uga soo biiray ciidanka xoogga dalka, waxaana lagu tababaray xerada Jeneraal Goordan ee Muqdisho, tababarkiisa oo wanaagsanaa waxay u fududeysay inuu ka mid noqdo unug qoryo la siiyey oo loo xil-saaray waardiyaha xerada. Kooxda Al-Shabaab markii uu dhacay weerarkaasi waxay soo bandhigtay muuqaalka ay horay uga duubeen Mustaf oo ku hanjabaya inuu weerar geysa doono, inkastoo xiligaas uusan shaacin bartilmaameedkiisa. Ilaa hadda lama ogaan goorta uu ninkaasi ku biiray kooxda, waxayna su’aalo ka taagan yihiin in markii hore ee Bakaaraha uu Dharka ku wareeji jiray uu ka tirsanaa Shabaab, in markii uu u dacwooday si ninkii dilay ay dhiigiisa uga qaadaan ay ku tashkiiliyeen inuu la shaqeeyo iyo in markii uu noqday askariga kadib uu ku biiray. Sarkaalkii ugu sareeyey howlgalkii Imaaraadka ee koonfurta Soomaaliya G/Sare Maxamed Mubaarak ayaa ka mid ahaa saraakiishii uu laayey ninkaas, dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay inay si buuxda u faahfaahiso sidii uu u dhacay weerarkaas. The post Xog: Askarigii xero Goordan ku toogtay saraakiishii Imaaraadka oo xog yaab leh laga helay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal xasaasi ah ka soo saaray amarka ka soo baxay dowladda ee lagu fagayo qabuuraha Iskuul Buluusiya ee degmada Xamarjajab. Kheyre ayaa yaab iyo amakaag ku tilmaamay amarka dowladda, sidoo kale wuxuu la yaab ku tilmaamay in lacag laga sii rabo dadkii lagu amray inay meydadka la baxaan, inkastoo dowladdu ay si adag u beenisay in lacag laga qaaday meydadka. Sidoo kale Xasan Cali Kheyre ayaa ku taliyey in dowladdu ay ka laabato amarkaas oo ay soo saarto raali-gelin, si qalbiga loogu qaboojiyo ehellada iyo dadka Soomaaliyeed ee ka argaagaxay artintaan. Hoos ka akhriso qoraalka Xasan Cali Kheyre: Waxaan aad uga damqanayaa, jirkeyguna la jiriricoonayaa amarka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ee lagu amray in la faago meydadkii ku aasnaa qubuuraha Iskool Polizia. Waa amar gurracan iyo fal argagax leh oo ceeb iyo cambaar ku ah madaxda dalka iyo guud ahaan dowladnimada Soomaaliyeed, taariikhdana ka geli doono baal mugdi ah. Waxaa xusid mudan in mowtada qubuurahaas ku aasan ay u badan yihiin masuuliyiin dowladeed iyo saraakiil ciidan oo dalkan naftooda u soo huray, halkaasna loogu aasay duruufo amni. Waana nasiibdarro in maanta loogu abaalgudo in ehelladooda lagu qasbayo in ay faagaan qabriyadooda, lacagna looga qaato in ay meydadka la baxaan. Waxaan qoysaska iyo ehellada dadka qubuurahaas ku aasan uga tacsiyeynayaa falkan uur-ku-taallada ah. Waxaana madaxda dalka ugu baaqayaa in la xurmeeyo meydadka, si degdeg ahna loo hakiyo fulinta amarkan gurracan, raalligelin buuxdana la siiyo ehellada mowtada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee la anfariirsan warkan dhiillada leh. The post “Jirkeygu wuxuu la jiriricoonayaa amarka DF” Kheyre oo farriin culus u diray dowladda appeared first on Caasimada Online.