-
Content Count
212,846 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
In her first book, Guardian journalist Aamna Mohdin explores her Somali family’s refugee experience in Kenya, Saudi Arabia, the Netherlands and Britain, confronting many different versions of herself in the process. As she rests in a hotel after visiting the Kenyan beach where her mother had landed, heavily pregnant with her, after fleeing the carnage in Mogadishu, Mohdin reflects on a quote from William Faulkner’s novel Requiem for a Nun: “The past is never dead. It’s not even past.” Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Heshiis ka kooban 3 qodob ayaa laga gaaray colaadkii dadka badan lagu laayey ee beelaha Dir iyo Mareexaan ku dhex martay waqooyiga gobolka Galgaduud, waxaana ku baxay madaxda ugu sareysa Galmudug. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo hoggaaminaya wafdi culus oo maamulkiisa ka tirsan ayaa gaaray deegaanadii lagu dagaalamay maalmihii lasoo dhaafay ee u dhaxeeya Caabudwaaq iyo Xeraale. Madaxweyne Qoor Qoor oo halkaas ka furay gogol nabadeed ayaa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac, isagoo kala hadlay sida ay muhiim ugu tahay in ay gaaraan xal deg deg ah iyo nabad waarta oo labada dhinac dhex marta. Isla maanta waxaa la gaaray heshiis bilow u ah gogosha, kaas oo ka kooban 3-qodob oo kala ah: 1: In xabbad joojinta la is la qaatay, sidoo kalana lala shaqeeyo ciidammada amniga. 2: In la kala qaado maleeshiyaadka. 3: Iyo in dhinacyadu usoo diyaar garoobaan gogol nabadeed oo caasimadda Dhuusamareeb la dhigay. Dadka ku geeriyooday dagaal maalmo kooban ka socday deegaanada u dhaxeeya Xeraale iyo Caabudwaaq waxaa ku geeriyootay ku dhowaad 100 qof oo labada dhinac ah, waxaana ku dhaawacmay dad intaas ka badan. Deegaano ayey kala qabsadeen labada beelood, waxaana adkaatay in la kala dhexgalo, waxayna dileen askar boolis ah oo lagu amray inay dagaalka joojiyaan oo beelaha kala dhexgalaan. The post Sawirro: QOOR QOOR oo heshiis 3 qodob ah dhex-dhigay beelihii is laayey appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Dowlada Puntland ayaa joojisay dhamaan qorista, magacaabista, ansixinta iyo wax ka bedelka shaqaalaha Puntland. Amarkaan ayaa kasoo baxay Madaxweyne Siciid Deni, sidda lagu sheegay digreeto kasoo baxday xafiiska wasiir ku xigeenka shaqada iyo arimaha bulshada Puntland Jaamac Faarax Boos. Wasiirada cusub ee dhawaan la magacaabay ayaa qaarkood bilaabay inay qoraan shaqaale cusub oo u badan dad ay iyagu wataan. Sidoo kalena waxay sameeyeen in shaqaalaha qaarkood ay boosaaskooda ka bedelaan. Talabaadaas ayaa meesha ka saaraysaa in shaqaale tiro badan layska qoro, wasiirada yo madaxda hay’adaha madaxa banaana ay awood u yeesheen ku tagrifalka xaquuqda shaqaalaha. Halkan ka akhriso warqadda PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo joojisay qorista iyo ansixinta dhammaan shaqaalaha cusub appeared first on Puntland Post.
-
Kooxda Xizbullah ee ka dagaalanta dalka Lubnaan ayaa gantaalo is xigxigay ku garaacday waqooyiga Israa’iil, ka dib markii Israa’iil ay duqeyn cirka ah ku dishay taliye sare oo ka tirsan oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan maalin ka hor. Xizbullah ayaa si maalinle ah waxa gantaallo ka gudba xuduudda isku weydaarsanayeen Israa’iil tan iyo markii ay xulafadooda Falastiin ee Xamaas ay weerar ku qaadeen koonfurta Israa’iil 7-dii October, taasi oo dhalisay dagaalka ka socda Gaza. Is-dhaafsiga gantaallada ayaa kordhay toddobaadyadii tegay, ayada oo Xizbullah ay sare u qaaday adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha la socon, si ay u weerarto xarumaha militariga Israel, halka Israa’iil ay ku jawaabtay weerar beegsi oo ka dhan ah kooxda. Xizbullah ayaa sheegtay in ay “tobanaan gantaalaha Katyusha ah” ku garaacday saddex saldhig iyo xero ku taalla waqooyiga Israa’iil. Kooxdan ay Iiraan taageerto ayaa sheegtay inay gantaallo la hagayey ku garaaday “warshad militari” ayada oo “ka jawaabeysa dilka ay fuliyeen cadowga Sahyuuniyadda.” PUNTLAND POST The post Xizbullah oo gantaalo is xigxigay ku garaacday waqooyiga Israa’iil appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa-soo tareysa cabsida caafimaad ee laga muujinayo soo faagista maydadka ku aasan qabuuraha Iskuul Buluusiyo, kadib amarkii dowladda ay 10 cisho gudahood ugu qabatay dadka eheladooda ku aasan yihiin inay kula baxaan. Yuusuf Garaad oo qoraal kasoo saaray arrinkaan ayaa sheegay inay sareyso khatarta caafimaad ee ka dhalan karta tallaabadan, maadaama dadka qaarkii ee halkaasi ku aasan ay u dhinteen Covid iyo cudurro kale oo halis ah. “Dadka godadka fagaya, kuwo dul dhooban ee murugeysan, kuwa daawanaya ee aan shalay arkay iyo ciidanka dul tuban ma jirtaa cid hubin karta in aanay cudurro ka qaadin qabuuraha marka la faago?,” ayuu yiri Yuusuf Garaad. Sidoo kale waxa uu muujiyay sida uu uga xun yahay go’aanka dowladda, waxa uuna yiri “Waan ka murugooday xaaladda ka taagan qabuuraha Scuola Polizia. Dhan kasta marka aan ka eegay waxay iigu muuqata go’aan aan aad looga fiirsan.” Waxa uu intaas kusii daray “In ehelka meytada laga xishoon waayo, lagana horkeeno Dowladda, ma aha talo u adeegeysa danta dadka iyo Dowladda toona. Ma aha in sas la qaadsiiyo agoon iyo rajo waalidkood ku aasan yahay qabuurahaas.” Hoos ka aqriso qoraalka Yuusuf Garaad Waan ka murugooday xaaladda ka taagan qabuuraha Scuola Polizia. Dhan kasta marka aan ka eegay waxay iigu muuqata go’aan aan aad looga fiirsan. Marka hore, qabuuro waa la kor degaa, laakiin waa marka sannado hore dadka lagu aasi jiray. Qabuuro weli la adeegsado, murugadii geerida dadka ku aasan aan weli ehelkoodu ka soo kaban, ma ahan in logo yeero in ay soo fagaan meydka. Marka labaad, meyd in la aaso waxaa ka dhib badan oo ka culus in la soo saaro lafahiisa oo dhammaystiran iyo haddii xubnihiisa kale ay wax ka hareen. Waxay u baahan tahay farsamo iyo aqoon u gaar ah. Qofka qodayaa ma og yahay in 206 lafood ay ku jiraan jirka aadanaha? Mise og yahay sida ay u eg yihiin iyo sida uu u raadin karo? Midda kale, dadka qaarkii waxay u dhinteen Covid iyo cudurro kale oo halis ah. Dadka godadka fagaya, kuwo dul dhooban ee murugeysan, kuwa daawanaya ee aan shalay arkay iyo ciidanka dul tuban ma jirtaa cid hubin karta in aanay cudurro ka qaadin qabuuraha marka la faago? Muqdisho dhul Dowladeed kuma yara. Hore ayaan ugu nooleyn caasimad laga waayay beer lagu nasto, bannaan lagu lugeeyo iyo Xeeb munaasib ah oo dhismayaashu ka fog yihiin oo nadiif ah oo lagu dabaasho, lagu nasto, lagu fekero ama lagu istareexo. In ehelka meytada laga xishoon waayo, lagana horkeeno Dowladda, ma aha talo u adeegeysa danta dadka iyo Dowladda toona. Ma aha in sas la qaadsiiyo agoon iyo rajo waalidkood ku aasan yahay qabuurahaas. Ugu dambeyn, Soomaaliya ma aha Xamar oo keliya. Maxaa qasab ka dhigay in dhul kasta oo Federaalku u baahdo, laga doondoono Xamar gudahihiisa? Maskaxdu ha shaqeyso, shacabkana yaan lagu dhiirran ee ha la xaqdhowro. The post Cabsi horleh oo kasoo korortay ‘dib u faagista’ qabuuraha Iskuul Buluusiya appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta yeeshay kulankoodii 2aad ee Kalfadhiga 10aad, waxaana shir Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Dr Maxamed Nur Gacal oo ay ku wehliyeen labadiisa Ku xigeen. AJANDAHA KULANKA: 1. Ansixinta Sharciga Degmeynta Degmooyinka Gadoon, Godinlabe iyo Xeradhagaxley 2. Taageerada dadaalka Nabadda ee Guddiga Xukuumaddu ka wado Deegaanada Cabuudwaaq iyo Xeraale 3. Dhaarinta Wasiirada Cusub ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Galmudug. Ugu horey Kulanka maanta ee Golaha ayaa lagu dhaariyey Wasiirada Gaadiidka iyo Duulista Hawada, ku xigeenkiisa iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug. kadib Golaha ayaa Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyey kuna meel-mariyey Sharciga Degmeynta, Degmooyinka Gadoon, Godinlabe iyo Xeradhagaxley oo kamid noqonaya Degmooyinka Dawlad Gobaleedka Galmudug, kadib markii ay soo buuxiyeen Shuruudihii Degmanimo ayna soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Galmudug. Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gadoon, Godinlabe iyo Xeradhagaxley ayaa Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiillada Galmudug uga mahad-celiyay Ogolaashaha iyo Ansixinta Degmooyinkaas. Kulanka Golaha ee maanta ayaa baaq nabadeed loogu diray beelihii ay dirirtu ku dhex martay deegaanada Cabuudwaaq iyo Xeraale, waxaana Goluhu Magacaabay Guddi Baarlamaan oo kala shaqeeya Xukuumadda Heshiisiinta Beelaha uu dhex maray Dagaalka Sokeeye. Source: goobjoog.com
-
Beirut (Caasimada Online) – Kooxda Xizbullah ee ka dagaalanta dalka Lubnaan ayaa gantaalo is xigxigay ku garaacday waqooyiga Israa’iil Arbacada, ka dib markii Israa’iil ay duqeyn cirka ah ku dishay taliye sare oo ka tirsan oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan maalin ka hor. Xizbullah ayaa si maalinle ah waxa gantaallo ka gudba xuduudda isku weydaarsanayeen Israa’iil tan iyo markii ay xulafadooda Falastiin ee Xamaas ay weerar ku qaadeen koonfurta Israa’iil 7-dii October, taasi oo dhalisay dagaalka ka socda Gaza. Is-dhaafsiga gantaallada ayaa kordhay toddobaadyadii tegay, ayada oo Xizbullah ay sare u qaaday adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha la socon, si ay u weerarto xarumaha militariga Israel, halka Israa’iil ay ku jawaabtay weerar beegsi oo ka dhan ah kooxda. Xizbullah ayaa sheegtay in ay “tobanaan gantaalaha Katyusha ah” ku garaacday saddex saldhig iyo xero ku taalla waqooyiga Israa’iil. Kooxdan ay Iiraan taageerto ayaa sheegtay inay gantaallo la hagayey ku garaaday “warshad militari” ayada oo “ka jawaabeysa dilka ay fuliyeen cadowga Sahyuuniyadda.” Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in; in ka badan 150 “gantaal” looga soo weeraray koonfurta Lubnaan, kuwaas oo ka koobnaa saddex duqeymo oo xiriir ah. “Waqti yar ka hor, ku dhawaad 90 madfac ayaa la aqoonsaday iyagoo ka soo gudbaya Lubnaan,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay ciidamada Israa’iil, oo intaas ku daray in dhowr laga qabtay hawada, balse kuwa kale ay ku dhaceen gudaha Israa’iil, ayna dhaliyeen dab ka kacay qeybo ka mid ah waqooyiga. Duqeymihii hore ayaa waxaa xigay wareeg labaad oo duqeymo ah oo ka koobaa 70 gantaal, iyo wareeg saddexaad oo ahaa 10 gantaal. Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ayaga oo ka jawaabaya ay beegsadeen goob gantaallada laga soo tuuro oo ku taalla koonfurta Lubnaan, iyo “afar xarumo argagixiso oo horey weerar gantaallo looga soo qaaday waqooyiga Israa’iil. Weeraadan ayaa imanaya kadib markii duqeyn ay fuliyeen ciidamada Israa’iil lagu dilay taliye sare oo ka tirsan Xizbullah Talaadadii. Kooxda Xizbullah ayaa magaca taliyaha ku sheegtay Taleb Sami Abdallah, oo sidoo kale loo yaqaan Abu Taleb, kaasi oo dhashay1969-kii. Waxaa lala dilay saddex saaxiibadiis ahaa oo ka tirsanaa Xizbullah, weerar ay Israa’iil ku qaadday Jouaiyya, oo 15 kilometer u jirta xudduudda, sida ilo-wareedyo ku dhow kooxda ay u sheegeen AFP. Ilo-wareedyo ka tirsan militariga Lubnaan ayaa sheegay in taliyaha uu ahaa “kii ugu muhiimsanaa ee Xizbullah lagu dilo ilaa hadda tan iyo markii uu dagaalka bilowday”. The post Xizbullah oo weerar culus ku qaaday ISRAEL kadib dilka taliye sare appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed u magacaabay Taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliyeed. Ninkan oo beddelaya Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed, ayaa horey usoo noqday taliye ku-xigeenka hay’adda NISA, ayada oo shaqada laga eryay waqtigii dowladda madaxweyne Farmaajo. Cabdalla Cabdalla ayaa waxaa lagu xasuusta inuu shaqadiisa ku waayay dacwad uu xilligaasi ka gudbiyay Fahad Yaasiin, isaggoo sheegay inuu Fahad la shaqeeyo kooxo argagixisada, uuna cadeymo hayo. Madaxweyne Farmaajo oo markaasi ka carooday dacwadda uu Cabdalla Cabdalla ka gudbiyay Fahad ayaa xilligaasi ka qaaday xilkii iyo weliba darajaddii ciidannimada. Ninkan oo dib u helay darajadiisi ciidamo kadib dib usoo laabashadii madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana haddana loo magacaabay taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka ilaaladda gaarka ah. Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa xajiisay in xilkii laga qaaday, uuna beddelay Jeneraal Cabdalla Cabdalla, iyadoo qoraal ay soo saartay ciwaan uga dhigtay “Xilku waa meerto Difaaca qaranka waa joogto.” “Adeerkeey Gen Abdalla Abdalla Maxamed waxaa leeyahay soo dhawoow, dhaqsana ku soo laabo aan xilka kugu wareejiyee!,” ayey Jeneraal Zakiya ku tiri qoraalka ay ku shaacisay in Cabdalla Cabdalla lagu beddelay. Cabdalla ayaa madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dib ugu soo celiyay dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka 30-kii Ogoosto 2022. The post Ninkii Fahad kusoo oogay dacwaddii uu Farmaajo ka carooday oo xil loo magacaabay appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) James Swan ayaa magaalada muqdisho ku yeeashay kulan looga hadlayay horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka kooxda Alshabab, dhimista ATMIS, iyo dib u habeynta ammaanka dalka. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed oo ka warbixiyay horumarka baaxadda leh ee laga gaaray howl-galadda ay ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanku ka wadaan gobollada ddalka, dhanka kalena wuxuu tilmaamay muhiimada ay xiligan leedahay xoojinta taageerada UNSOM. Siihayaha ergayga gaarka ee Qaramada, Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) James Swan ayaa dhankiisa Dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadiyay sida naf hurnimada le ee uu uga go’anyahay dagaalka ka dhanka kooxda Alshabaab, si Soomaaliya looga dhigo dal nabad oo xasilloon. Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Soomaaliya dhowaan xubin ka noqatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, islamarkaana ay qeyb ka noqan doonto go’aamo iyo tillaabooyin badan oo nabadyada dunida ku saansan. Source: goobjoog.com
-
Oslo (Caasimada Online) – Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali Dige oo haatan qayb ka ah wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ee ku sugan magaalada Oslo ee caasimada dalka Norway ayaa usoo jawaabay kooxda Nabad iyo Nolol iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo siyaabo kala duwan uga hadlay xaalada ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya, kadib markii kasoo baxay dowladda. Ugu horeyn agaasime Dige ayaa sharraxaad ka bixiyay baahida keentay in dhulka Iskuul Buluusiya laga saaro maydadka, wuxuuna tilmaamay in laga dhigayo xero ciidan oo loo diyaarinayo ciidanka badda Soomaaliyeed. “Dhulka qabuuraha laga rarayo waa halkii ahaan jirtay Xaruntii Ciidanka Badda Soomaaliyeed, waxayna dowladdu hadda ka hirgalineysaa dhismaha xarun lagu tababaro, dibna loogu hawlgaliyo Ciidankii Badda Soomaaliya, oo hada Qaranku baahi weyn u qabo in ay kaalin tooda ka qaataan difaaca madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalkeenna.” Intaas kadib wuxuu u jawaabay kooxda Nabad iyo Nolol iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuuna sheegay in labadaas dhinac aanay u doodi karin shacabka, isaga oo sheegay inay horay u gaysteen dambiyo waa wayn oo ay ka galeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed. “Siyaasiga kabahooda ku aasay meydka askar Soomaaliyeed oo uu xaqdaro ku laayay islamarkaana qabriyadooda ilaa maanta aysan ehelkoodu aqoon meesha ay ku yaalaan, mayahay qofkii dhihi lahaa “Waxaan aad uga damqanayaa, jirkeyguna la jiriricoonaya. Ma waxaa Xurmada Qabuuraha ka hadli kara siyaasiga askari Soomaaliyeed oo nool gacanta u galiyey cadawga maanta baddeena doonaya?” ayuu qoraalkiisa ku yiri agaasimaha Dige. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Siyaasiga baddii uu muranka geliyay la soo celiyay miyaa garan kara muhiimadda ay Qaranka u leedahay dhismaha xarunta ciidamada badda Soomaaliyeed?”. Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ah agaasimihii hore ee warfaafinta madaxtooyada, haatana afhayeen u ah Farmaajo ayaa isaga oo ka hadlay xiisadda qabuuraha Iskuul Buluusiya sheegay in dowladda hadda jirta lagu wareejiyay iyada oo la dhowray dhammaan dhulalka danta guud ee ku yaalla magaalada Muqdisho, hadana ay ku kacday dhul boob. “Ummadda Soomaaliyeed way ka dheregsan yihiin labada madaxweyne, midka ay caadada u tahay musuqmaasuq, wayna xusuustaan in Maxadweyne Farmaajo wareejiyey dhulkii danta guud iyada oo la dhawray iyo Madaxweynaha hadda xilka haya oo isaga oo aan sannad joogin xafiiska dhaxal wareejiyey inta badan dhulkii danta guud” ayuu yiri. Dhankiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu horay uga yiri arrintan “Aaminaadda waa cunsurka ugu wayn ee shacabka iyo dowladda u dhexeeya, haddii la waayana aysanba dowladnimadu shaqayn karin. Wiilka uu dhalay AUN Cabdi Muruudi Dheere (AJAKIS) markii uu maydka aabihii la baxay, waxaa lagu qasbay in uu beeniyo in dowladdu ay ku amartay arrinkaas oo ay dhulka doonaysay, laakiin taa bedelkeeda uu iskiis ula baxay. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Maadaama ay ogyihiin in la aaminaynin, ayey madaxdii dawlada iska soo hormariyeen culimo si loo aamino. Waa arrin laga xumaado in culimadu ay noqoto marin wax lagu xalaalaysto”. The post Villa Somalia oo u jawaabtay kooxda N&N iyo CC Shakuur appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeisa,(Qaran news)-Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Somaliland kana mid ah aqoonyahanada reer Somaliland oo ka soo jeeda gobolka Gabiilay oo aad looga qadariyo ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Xaflad soo dhawayn ah oo ay maanta xisbiga Waddani u sameeyeen Dr Maxamed Cabdillaahi ayuu ku sheegay in uu garab taaganyahay musharaxa xisbiga Waddani oo uu sheegay in uu maanta Somaliland ka saari karo dhibka haysta. Waxa uu yidhi waxa aan maanta si rasmi ah ugu soo biiray xisbiga rajada Somaliland ee Waddani. Waxana aan dhisyaa Dr Cabdiraxmaan Cirro Qaran News
-
Kenya’s Port of Mombasa has ranked below Berbera for the second consecutive year as East Africa’s largest harbour dropped further in the latest World Bank report. In the newly released Container Port Performance Index, Mombasa fell two positions to 328 in overall ranking globally last year, down from 326. A total of 405 ports were ranked. In stark contrast, the Port of Berbera surged to position 106, a significant leap from its previous rank of 144, underscoring its rising prominence in regional cargo handling efficiency. Despite Mombasa’s decline, it showed a marked improvement over Dar es Salaam, which plummeted to position 367 from 312 last year. Berbera Port outshines Mombasa again. Image: WB. Additionally, Mombasa outperformed Djibouti, which saw a dramatic drop from 26 to 379 in the latest rankings. Berbera’s impressive performance can be attributed to the operational takeover by DP World in 2017. Since then, cargo volumes have increased by 35 percent, and vessel productivity has soared by 300 percent. The implementation of new digital systems and sustainable practices has also reduced vessel waiting times from days to mere hours. Mombasa’s decline in the World Bank rankings has been consistent since the index’s inception in 2020. In the 2021 report, the port was ranked 296. However, the Kenya Ports Authority (KPA) asserts significant improvements in cargo handling at East Africa’s major gateway. According to KPA, the turnaround time for container vessels decreased from an average of three days in 2022 to two days in 2023. Additionally, the average container dwell time reduced to 3.5 days from 3.9 days in 2022, marking a 10 percent improvement. Ship waiting time for containerised vessels dropped to 0.2 days, with gross vessel turnaround time decreasing from 90.5 hours in 2022 to 64.1 hours in 2023. The port rankings are based on efficiency, measured by the elapsed time between a ship’s arrival and its departure after completing cargo exchange. The World Bank emphasises that efficient port operations are crucial for regional trade development, noting significant improvements since 2020, following the COVID-19 pandemic-induced downturn. The ranking methodology used in the report combines an administrative approach, reflecting expert judgment, and a statistical approach using factor analysis to ensure the rankings are both accurate and statistically robust. “The rationale for using two approaches was to try and ensure that the ranking of container port performance reflects as closely as possible actual port performance, whilst also being statistically robust,” the World Bank stated. gandae@businessdayafrica.org Qaran News
-
Qarankii Soomaaliyeed askari Maxamed Siyaad Barre la yidhaahdo ayaa dumiyay. Inuu dumiyo la yaab ma lahayn oo xoog iyo qori caaradii ayuu ku qabsaday. Qaar dano gaar ah iyo tolnimo ugu dhinta ayaa ku gacan siiyay hoogga iyo halaagga uu Soomaali baday oo ilaa maanta dunsan. Ilaa uu xadka dhaafay qaar baa moodayay inuu jab maagan yahay oo ay jirto wax u qarsoon. Balse bes ayay ka ahayd. Cashar waa inoogu filan yahay askarigaasi waxa uu ina baday. Guuleed Dafac absolutely Qaran News
-
Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo aay wehliyaan Xildhibaanno iyo siyaasiin ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Wafdiga taliyaha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Ciidamada Difaaca Deegaanka Cali Jeyte Cismaan, Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax. Maamulka demada Maxaas masuuliin kala duwan saraakiil ciidan ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay degmada Maxaas. Masuuliyiintan ayaa degmada Maxaas u soo gaaray dhameestirka shirweynaha mid kamid ah beelaha degan gobolka Hiiran oo ka socdey degmada Maxaas, isla markaana uu go-gosha shirka uu dhigay Taliyaha hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta furay shirka ansixinta qorshaha shanta sano ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Shirka oo socon doona mudo laba maalmood ah, ayaa aad loogu lafoguri doonaa qorshaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee shanta sano ee soo socota, sidii loo horumarin lahaa adeegyadda ay shacabka u hayso, ilaalinta xogta shakhsiga iyo amniga qaranka. Wasiirka Amniga ayaa ku amaanay maamulka iyo shaqaalaha hay’adda Socdaalka, dedaalka iyo horumarka ay ka sameeyeen shaqada, isla markaana ay sii laba jiraan, isagoo intaas ku daray in hay’adu ku tallaabsatay isbedel iyo horumar lataaban karo oo ay ku dabooshay baahiyaha socdaal iyo adeegga baasaboor bixinta dalk Source: goobjoog.com
-
Matabaan (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA, Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Sanbaloolshe ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya xildhibaanno iyo siyaasiin ay kamid yihiin madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha ciidamada deegaanka Cali Jeyte Cismaan, xildhibaan Cabdiraxmaan Gurey iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax. Mas’uuliyiintan waxa ay marka ay tageen magaalada kusoo dhaweeyay maamulka demada Maxaas mas’uuliin kala duwan saraakiil ciidan iyo boqolaal dadweyne ah. Ujeedka taliyaha NISA iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ah dhameestirka shirweynaha mid kamid ah beelaha degan gobolka Hiiran oo ka socdey degmada Maxaas, isla markaana uu go-gosha shirka uu dhigay Taliye Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). Gogoshaas nabadeed oo uu taliyaha horay ugu dhigay jifadiisa hoose ee Cali Madaxweyne ee beesha Xawaadle ayaa lagu macneeyay mid aayo ka tashi ah oo ay ku sameysanayaan hoggaamiye dhaqameed ay isku raacsan yihiin. Sanbaloolshe ayaa sheegay in markii hore beeshaan uu Nabadoon u ahaa Cilmi Hagar Guure oo lagu dilay dagaaladii Al-Shabaab iyo beesha Xawaadle ku dhexmaray gobolka Hiiraan. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in jufadiisa Cali Madaxweyne ay talo iyo towfiiq lahaayeen markii ay galeen dagaalkii Al-Shabaab, balse hadda aysan jirin wax talo ah. Hiiraan ayaa ah halka uu ka billowday kacdoonka dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab, kaas oo haatan ku fiday qaybo badan oo kamid ah dalka. The post Sawirro: Taliyaha NISA oo gaaray Maxaas + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo aay wehliyaan Xildhibaanno iyo siyaasiin ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Ciidamada Difaaca Deegaanka Cali Jeyte Cismaan, Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax. Maamulka demada Maxaas masuuliin kala duwan saraakiil ciidan ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay degmada Maxaas. Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo mas’uuliyiinta wehelisa ayaa sida la sheegayo halkaasi kaga qayb galaya shir beeleed ka dhacaya Maxaas. PUNTLAND POST The post Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya oo shir beeleed kaga qayb galaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.