-
Content Count
212,846 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii labaad ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa xilkii laga qaaday, sida ay shacisay caawa, waxayna sheegtay in lagu bedelay Jeneraal Cabdalla Cabdalla, iyadoo qoraalkeeda ciwaan uga dhigtay “Xilku waa meerto Difaaca qaranka waa joogto.” “Adeerkeey Gen Abdalla Abdalla Maxamed waxaa leeyahay soo dhawoow, dhaqsana ku soo laabo aan xilka kugu wareejiyee!” Ayey Jeneraal Zakiya ku tiri qoraalka ay ku shaacisay in xilka laga qaaday. Jeneraal Zakiya ayaa Alle uga mahadcelisay fursadda ay u heshay inay shaqeyso muddo ku dhow lix sano, “Rabbigii fursad ii siiyay in intaas oo madax ah aan la soo shaqeeyo, intaas oo mashaariic aan hirgeliyo oo hada i fasaxay anigoo eed la ii heysan ayaa mahad oo dhan leh,” ayey ku tiri qoraalkeeda. Waxay sheegtay in xili adag ay ku soo biirtay booliska Soomaaliya, balse maanta la joogo heer aad u sareeya, iyadoo sheegtay in dadaal badan ay ku bixisay hormarinta booliska. “Waxaa shalay Boliiska ku soo biiray iyadoo sareeyasha ay lebiska ku watan bac iyagoo baqaaya in la dilo. Waxaana maanta ka tagaayaa iyagoo ku faani karo Boolisnimada iyo Bulsho oo haysato meel Boliis kala xiriiraan iyo kala xisaabtamaan,” ayey tiri Zakiya Xuseen. Taliyaha ayaa u mahadcelisay dadkii ku garab istaagay in 5 sano iyo 10 bilood ay Taliye ku xigeen ka ahaato booliska Soomaaliya. “Dadkii igu garab istaagay inaan gaaro guulaha kor ku xusay, abaalkiina ma gudi karo. Inta yareed oo aaminsaneed in caqabo ku ahaa danahooda gaarka ah, garoonka waa idiin baneeyee dhoolatuskiina gala,” ayey qoraalkeeda ku tiri Jeneraal Zakiya Xuseen. Waxay sheegtay in hadda kadib ay u diyaarsan tahay inay u sii qidmeyso qaranka, isla markaana ay diyaar u tahay shaqo kasta oo loo diro, sida ay ku cadeysay qoraalkeeda. “Hada is weydisaan Gaabeey xagee hada ka dhici doontaa? Waxaa idin leeyahay Gaabeey waa Gabar Soomaliyeed oo weli Generaal ah welina Heegan Buuxa ugu jirta u khidmeynta Dalkeeda, Dadkeeda & Diinteeda,” ayey qoraalkeeda ku tiri Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed. Ugu dambeyntii taliye ku xigeenkii labaad ee booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen waxay soo bandhigtay waxyaabihii ay ku guuleysatay mudadii ay xilka heysay, kuwaasi oo kala ah: 5 sano iyo 10 bilood khidmeyn sare 2 Madaxweyniyaal 3 Raisul-Wasaare 3 Wasiiro Amni 3 Taliyaal Boliis Hirgelinta qadka 991 Abuurid koox (50) gabdho ka mid ciidanka gaarka Hirgelinta ILA WADAAG FORUM (Bolis &Bulshada) Hirgelinta Operation 3G (Haweenka & Amniga) Ragga Soomaliyeed baro micnaha TALISO. The post Jeneraal Zakiya oo shaacisay in xilkii laga qaaday iyo sarkaalka lagu bedelay appeared first on Caasimada Online.
-
Taliska Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay inaysan mas’uul ka ahayn dilka la sheegay in loo gaystay laba dhakhtar oo u dhashay Cuba oo al-Shabab ay soo jeediyeen eedayn ah inay ku dhinteen duqayn uu gaystay Maraykanku 15-kii Febraayo ee sannadkan. War kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay ciidamada Mataykanku duqeynta ay gaysteen 15-kii Febraayo aysan sababanin wax dhimasho oo rayid ah. Taliska ayaa sidoo kale sheegtay inay dhammaystireen qiimaynta laba dhacdo oo kale oo kala dhacay Janaayo 25-keedii iyo Febraayo 22-keedii sannadkan, oo ka kala dhacay nawaaxiga Galhareeri iyo Kurtunwaarey, iyadoo loo jeediyey eedayn ah in duqaymaha Maraykanku gaysteen ay waxyeello kasoo gaartay rayid. Maraykanku waxay sheegeen in qiimayn iyo dib u eegis kadib aan Maraykanku wax hawlgal ka samaynin waqtiga iyo meelaha la cayimay. AFRICOM waxay sheegtay inuu jiro kiis furan oo weli qiimayntiisa ay wadaan, kaasi oo macluumaadkiisa lagu dari doono qiimaynta tan xigta. Labada dhakhtar oo la kala yiraa Assel Herrera iyo Landy Rodriguez ayaa Al-Shabaab ay kasoo afduubeen bishii April 2019-kii Waqooyi Bari Kenya. Source: goobjoog.com
-
Ugu yaraan 49 qof ayaa ku dhintay 140 kalena waa la la’yahay ka dib markii dooni ay la socdeen qaxooti iyo muhaajiriin ka yimid Geeska Afrika, kuna socday Yemen ay degtay, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee IOM. Doonta degtay ayaa waxaa la socday ilaa 260-qof oo u badan dad u dhashay dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya, kuwaasi oo ka soo kicitimay xeebaha Waqooyi ee Soomaaliya, iyagoo ku sii jeeday meel 320km u jirta Gacanka Cadmeed si ay u gaaraan dalka Yemen. muhaajiriinta ka imaanaya Geeska iyo Bariga Afrika ayaa si joogto ah ugu dhiiranaya safarka halista ah ee ay ku doonayaan inay ku gaaraan Sacuudiga iyo dalalka kale ee Carabta ee gobolka, iyagoo sii maraya Yemen. Hay’adda IOM ayaa bayaan ay soo saartay Talaadadii ku sheegtay in la soo badbaadiyay 71 qof, kuwaas oo siddeed ka mid ah loo qaaday isbitaal, halka ugu yaraan lix carruur ah iyo 31 haween ahi ay dhinteen. Bishii Abriil, ugu yaraan 62 qof ayaa ku dhintay labo markab oo ku degtay xeebaha Jabuuti, xilli ay isku dayayeen inay gaaraan Yemen, IOM-na waxay sheegtay in ugu yaraan 1,860 qof ay ku dhinteen ama la waayay inta ay ku jireen jidkan halista badan. Source: goobjoog.com
-
Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa marka uu arkay qoddobada 56-aad iyo 57-aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle waxa uu xilka ka qaaday Mudane Maxamed Faarax Cali Wasiirkii Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabeelle. Kaddib markii uu arkay Madaxweynaha aqoonta iyo waayo-aragnimada uu leeyahay Mudane Maxamed Sheekh Maxamuud Yuusuf ayaa waxa uu u magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabeelle. Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa faray Wasiirka cusub inuu dardargeliyo howlaha baaxada leh ee hortebinta u leh Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu horreysay ee ka dhanka ah dhalinyarada caanka ahayd TikTok-ga ee ay dhawaan soo xir xireen Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Xeer-ilaalinta oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay inay maanta maxkamadda gobolka Banaadir u gudbisay illaa 19 eedeysane oo ay ku jiraan gabdhihii dagaalka qabiilka ka waday baraha bulshada ee Internet-ka, waxaana loo haystaa inay wadeen kicin bulsho. “Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay 19 eedeysane oo loo heysto in Social Media ay ka wadeen kicin bulsho iyo falal kale” ayaa lagu yiri qoraalka. Dhalinyaradan ayaa lagu eedeeyay 5 qodob oo culus, sida ay soo bandhigtay xeer-ilaalinta qaranka oo iyadu kiiskan maanta gaysay maxkamadda gobolka, si loo guda-galo. “Xafiiska Xeer-Ilaaliyha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa Sharci ayaa Maxkamadda Gobalka Banaadir u gudbiyey Eed waafaqsan Qod. 71 X.H.C.S oo lid ku ah 19 Eedeysane oo dhammaantood loo heysto ku lug lahaanshaha Dagaal isir sifayn ah, Khalkhal gelin amni, Naceyb, Kicin Bulsho iyo Aflagaado, ayagoo isticmaalaya Baraha Bulshada gaarka ah ee barta TikTok” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Waxaa kale oo intaasi lasii raaciyay “Xafiisku waxa uu Maxkamadda Gobalka Banaadir ka codsaday inay soo mudeyso dhageysiga kiiskaas. Dhinaca kale, xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa digniin culus u diray dadka sida khaldan u isticmaala baraha bulshada, gaar ahaan kuwa faafiya dhaqan-xumada. “Hadaba Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu degniin adag u dirayaa dadka Baraha Bulshada u isticmaala dhaqamada xun xun oo liddiga ku ah dhaqanka suuban ee Islaamka iyo dhaqanka Bulshada Soomaaliyeed, Dhaqan xumadaas oo ah Aflagaadeynta, Iskudirka Bulshada, Been abuurka, naceybka iyo kicinta bulshada” ayaa lagu soo gabagabeeyay. Howlgalka ka dhanka ah dhalinyarada baraha bulshada ayaa soo bilowday bishii hore ee May, waxaana lagu soo xiray dhalinyaro lagu eedeeyay kicin bulsho iyo anshax xumo. Hadal-heyn xoogan ayaa sidoo kale ka dhalatay xarigga dhalinyaradaan, maadaama ay yihiin kuwii ugu caansanaa barta TikTok, waxaana badan dadka qaba in la suuliyo dhaqanka ay wadeen ee qabyaaladda ah, kaas oo kicinaya bulsho nabad ku wada degan Muqdisho. The post Dhalinyaradii TikTik oo loo gudbiyay maxkamad iyo 5 QODOB oo loo haysto appeared first on Caasimada Online.
-
Oslo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Oslo ayaa maanta isaga iyo ra’iisul wasaaraha dalka Norway, Jonas Gahr Støre waxay si wadajir ah u guddoomiyeen Madasha Caalamiga ah ee Nabadda ee Oslo Forum oo ka furantay magaalada Oslo. Waxaa madashan la aasaasey sannadkii 2003, waxaana lagu casuumaa ama ka soo qeybgala hoggaamiyeyaasha caalamka, dhex-dhexaadiyeyaasha colaadaha, qeybaha isku haya khilaafaadka iyo khubaro kala duwan oo halkaasi ku dersa mashaakilaadka ka jira caalamka, isla markaana taageera wadahadal iyo in la abuuro hannaan nabadda lagu gaari karo. Sidoo kale waxaa Madashan si wadajir ah u soo qabanqaabiya Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Norway iyo Hay’adda Wadatashiga ee Centre for Humanitarian Dialogue (HD). Waa markii ugu horreysay ee shirkan wax ka guddoomiyo madaxweynaha Soomaaliya oo hadda booqasho rasmi ah ku jooga Norway, taas oo qaadan doont muddo saddex cisho ah. Dhinaca kale waxaa shirkan ka horreeyay kulan kale oo gaar ah oo saaka wada yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre, wuxuuna madaxweynaha uga warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo sida dowladda federaalka ee Soomaaliya ay uga go’an tahay ka lib keenidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo xaqiijinta xasiloonida dalka iyo tan gobolka. Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu ka mahad-celiyay taageerada dhinacyada kala duwan ee Norway u fidineyso Soomaaliya, taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Norway ayaa isaguna bogaadiyay horumarka ay DFS sameyneyso, waxaana uu ballan-qaaday in dalkiisu sii wadi doono iskaashiga iyo taageerada Soomaaliya. Soomaaliya iyo Norway ayaa waxaa la dhexeeya xiriir wanaagsan oo qoto dheer, iyadoo socdaalka Madaxweynaha uu haatan ku tegay Norway uu muujinayo sida labada dal ay uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda iyo Iskaashiga ka dhexeeya. The post Madaxweyne Xasan iyo Jonas Gahr oo guddoomiyay shir caalami ah + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
London (HOL) - In the vast and unpredictable world of social media, where content creators flicker in and out of existence like digital phantoms, few have managed to capture and sustain public attention with the same finesse as Appie, known off-screen as Abdulahi Mussa Ali. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Amid a severe humanitarian crisis, Somalia's vulnerability to disease outbreaks is high. The country has taken a major step to address this by implementing the Integrated Disease Surveillance and Response (IDSR) system, a move that promises to transform public health responses. Source: Hiiraan Online
-
Somalia’s bidding to access UN funds should be carefully reviewed and examined by the PSC. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhowaaday go’aan culus oo ku aadan dhismaha iyo tababarada ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay bixiyaan dowlado kala duwan oo ay ugu horreysay dowladda Turkiga. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta booqday kuliyadda tababarka TurkSom ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay mideynayso dhammaan tababarrada kala duwan ee ciidanka qalabka sida, ee ay bixiyaan dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya. Xamza ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidanka qalabka sida loo dajinayo hal manhaj oo mideysan taasi oo xoojineysa gudashada waajibaadkooda. Sidoo kale wuxuu saraakiisha iyo ciidanka kula dardaarmay inay yihiin rajada dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin, isla markaana ay u diyaargaroobaan ciribtirka Al-Shabaab. Waxaa kale oo uu raiisul wasaaruhu ballan-qaaday in dowladdu abuureyso hey’ad u xil-saaran daryeelka agoonta ciidamada qalabka sida, isla markaana maalin qaran loo asteyn doono sanad walba maalinta shuhadada. Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyay dowladda Turkiga, oo si weyn u xoojisay taageerada isugu jirta qalabeynta iyo tayeynta ciidankeena, iyo dhinacyada caafimaadka iyo gargaarka xaaladaha degdegga ah. Soomaaliya ayaa haatan sameyneyso dib u kabasho dhanka milatariga ah, waxayna heshay ciidamo badan oo ay usoo tababareen dowlado kala duwan, sida Turkiga, Eritrea, Jabuuti, Uganda iyo dalal kale oo waa wayn. The post DF oo ku dhowaaqday go’aan culus oo ku saabsan Ciidamada + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga Ganacsatada xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi ayaa ka walaacsan hadal uu dhowaan sheegay madaxweynaha Kenya William Ruto, kaasoo ku saabsanaa dhismaha guryaha dhaadheer ee xaafadda. Maalintii Sabtidii, oo ay ku beegneyd sanadguurada 60-aad ee Ciidamada Cirka Kenya, ayaa munaasabadda dabaaldegga wuxuu Madaxweyne William Ruto ka sheegay inay tahay in sharciga la raaco marka guryo laga dhisamyo meel u dhow saldhigga ciidamada ee xaafadda Eastleigh. Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo xerada militariga ee Saldhigga Moi oo ku taalla isla xaafadda. Wuxuu guddigu sheegay in loo baahan yahay in lakala saaro howlaha dhismaha ee sharciga ah iyo kuwa aan sharciga ahayn. Cumar Xuseen oo ah Xoghayaha Guud ee Guddiga Ganacsatada xaafadda oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dadka guryaha dhista ay markii horeba soo maraan sharciga iyo maamulka magaalada Nairobi. “Hadalkan uu hadda madaxweynaha ku dhawaaqay iyo kii uu bil kahor jeediyay ee ahaa in dabaqyada guryaha la dhisanayo la gaarsiin karo 30 maaddaama dhulku ciriiri yahay, wuxuu ganacsatada ku keeni karaa walaac iyo in la dhibaateeyo oo la dhoho sharci maaha gurigan ee jooji” ayuu yiri. Cumar ayaa sheegay in ciidamada cirka ay madaxweynaha kala hadleen dhismaha dhaadheer ee laga ag dhisayo xerada militariga, si aan qalqal loo gelin xerada. “Ganacsatada Islii wya u hoggaansan yihiin sharciga, laakiin waxaan diidannahay in dadka la dhibo oo si aan sharciga waafqsaneyn loo soo maro oo wixii ay ku talogaleen qalqal laga geliyo. Waxaan rabnaa inaan madaxweynaha kala hadalno arrintan.” Dhanka kale, Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada Islii Cabdiraxmaan Daahir oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu guddigu qabtay ayaa sheegay in dadka guryaha dhista ay raacaan sharciga, isla markaana ay tahay in hadalkan uusan saameyn iyaga. “Waxaan rajeyneynaa inaan xoojinno sida ay nooga go’an tahay raacidda tallaabooyinkan annagoo ku dhiirrigelineyna dhammaan dadka guryaha dhisa inay raacaan qorshooyinka la meel mariyay ee ay siisay dowladda hoose ee Nairobi” Ayuu yiri. Madaxweyne Ruto ayaa munaasabadda sanad-guurada Ciidamada Cirka Kenya oo ka dhacday Saldhigga Militaraiga ee Eastleigh ka sheegay in kadib la tashiyo ay dowladdiisa sameysay ay go’aansatay in lagu taagnaado in dadka guryaha dhisaya laga xaddido dabaqyada oo aysan ka dheeraan 12 dabaq. Arrintan ayaa loo aaneeyay xaafadda oo u dhow saldhigga ciidamada cirka, si looga fogaado khataraha ammaan ee ka imaan kara dabaqyada dhaadheer amaba inaysan diyaaradaha saameyn dhismaha dhaadheer. Bil kahor, Ruto ayaa booqday xaafadda Eastleigh wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay ka qaadday xayiraadaha, isagoo sheegay in dadka guryaha dhisa ay xaq u leeyihiin in dabaqyada dhismaha ay Ruto ayaa sheegay in tallaabada looga gol lahaa in guryo badan loo helo bulshada aadka u koreysa ee magaalada. Balse wuxuu ka laabtay hadalkiisii hore, wuxuuna sheegay in dowladda oo la tashi la sameysay dowladda hoose ee Nairobi ay raaci doonto shuruucda lagu xaddidayo dhismooyinka dabaqyadana lagu soo koobayo 12. Dadka guryaha dhisa ayaa haatan ka walaacsan go’aannadan kala duwan, iyo inuu saameyn karo hadalkan dambe ee madaxweynaha, waxayna doonayaan inay kulan la yeeshaay dowladda hoose ee Nairobi, si ay u helaan xal, gaar ahaanna kuwa goor hore la ansixiyay qorsheyaashooda dhismaha guryaha dhaadheer. Bbcsomali Qaran News
-
(ERGO) – Saido, 25, (her real name has been concealed for her privacy), is a distressed victim of skin bleaching products that have become widespread in many parts of Somalia, including in Qardho, Puntland, where she lives. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu, Somalia – Officials from the Somali government issued an order late Monday permitting the exhumation of graves of individuals buried for decades at the Police School Academy, which people have been using as a cemetery. “The relatives of the deceased should remove the buried individuals from here within 10 days,” stated Mohamed Ahmed Diriye, the Deputy Mayor of Mogadishu. No further conditions for the grave exhumations have been announced by the government. On Tuesday morning, many gathered at the Police School Academy cemetery to retrieve their loved ones. They were instructed to obtain a certificate from the local government, costing $20-25, which posed a financial burden on the victims, already distressed about identifying the burial sites of their relatives. “I work as a construction worker, earning an average of $7 a day. I can’t afford to pay $25 to exhume my father, who was killed seven years ago in Mogadishu; he was a member of the government forces,” lamented one individual, recalling the sorrow of burying his loved one years ago. Another man in his 30s expressed to reporters that he could not afford the costs associated with exhuming the bodies buried there. “My father, who served the nation, my wife, and my younger child are buried here. I am tortured while I try to dig them out. And I am also a member of the government forces,” he said, desperately stating that he would sue the Armed Forces Court. Many people are unable to identify where their loved ones are buried and are confused about the bodies’ identities. They appealed to the government not to mistreat the remains. “I don’t know where he is buried. I am asking the government of Somalia, especially President Hassan Mohamud, not to throw his remains into the sea,” said a middle-aged woman, crying from sadness and anger. The Federal Government of Somalia has previously denied intentions to seize the cemetery at the Police School Academy. A famous comedian’s son, who exhumed his father’s body, claimed he did so voluntarily under government pressure. The government faces criticism for its handling and acquisition of public lands, perceived as creating economic benefits for those close to top officials. Prominent politician and MP of the lower house, Abdirahman Abdishakur Warsame, described the decision as undermining public trust in the government. “Trust is crucial between the people and the government. Without it, the government cannot function. The son of the late Abdi Muridi Dheere (AJAKIS) was coerced into denying that the government ordered the exhumation and wanted the land. Instead, he left on his own,” he stated. Warsame also criticized the clerics supporting the government’s stance. “Knowing they are not trusted, government leaders have enlisted clerics to gain trust. It’s regrettable that clerics become a channel for legalization.” Sheikh Abduqadir Somow, a moderate Sufi religious leader, condemned the government’s decision and criticized other supportive clerics. He likened the act to Al-Shabaab’s removal of Sufi priests’ graves, calling it a misunderstanding of religious fundamentalism. By Abubakar Mohamed Ali The post Grave exhumations spark public outrage in Mogadishu appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Norway, Jonas Gahr Støre. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Jonas Gahr Støre ay si gaar ah uga wadahadleen damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya. “Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xadgudubka Itoobiya ee ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo xasiloonida gobolka. Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Ra’iisul Wasaaraha Norway dhibaatada ka dhalatay xadgudubka Itoobiya iyo dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dalka” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia. Kulanka ayaa la sheegay in uu ku soo dhammaaday jawi isfaham iyo is-afgarad ah, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada shaqeynta iyo iskaashiga dhow ee labada dal. PUNTLAND POST The post Xasan Sheekh iyo Jonas Gahr Støre oo ka wadahadlay damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka horyimid tallaabada ay qaaday dowladda federaalka, isla-markaana lagu soo faagayo qaabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho. Warsaxaafadeed uu soo saaray Sheekh Shariif ayaa waxa uu ku sheegay inuu aad uga xumaaday in maydadka laga soo saaro qabuurahaasi kadib amarka kasoo baxay dowladda. “Waxaan aad uga xumahay arrinta dib u faagista qubuuraha Iskool Boolisiya ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku aasan yihiin dad badan oo shacab ah oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay lagu aasayay” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Waxaan la dareen ah bulshada ay ehelkooda ku aasan yihiin qabuurahan ee hadda lagu qasbaayo in lasoo faago”. Shariif ayaa xusay in hadda aysan jirin baahi dhuleed oo ay qabto dowladda Soomaaliya, wuxuuna ayaan darro ku tilmaamay sida loola dhaqmayo maytada. Madaxweynihii hore ee dowladda KMG ka ahayd ayaa sidoo kale dowladda ku eedeeyay inay si sharci darro ah ku bixisay dhulal dan-guud ah iyo xeryo ciidan, haddana la’isla qaaday dhulkii qabuuraha. “Waxaa taasi kasii xanuun badan in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo bixineysa xeryihii ciidamada, dhulalka danta guud, kuna bixineyso hab aan waafaqsaneyn sharciga ay hadda kasoo yeerto dowladda in ay u baahato dhul ay ku aasan yihiin maydad muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan qaarkood awoodin in ay dib dib u aastaan maydadkooda” ayuu yiri. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda inay ka laabtaan go’aankan, isla markaana ay maareeyaan xaaladda ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya. “Waxaan mas’uuliyiinta dowladda usoo jeedinayaa inay hakiyaan fulinta go’aanka faagista qabuuraha, lana yimaadaan xal kale oo lagu maareynayo xaaladda taagan” ayuu ku daray. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maanta ehellada maydadka ku aasan halkaas ay bilaabeen inay kala baxaan, si ay meel kale ugu aastaan maydadkooda. The post Sheekh SHARIIF oo ka horyimid tallaabada ay qaaday DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay mideynayso dhammaan tababarrada kala duwan ee ciidanka qalabka sida, ee ay inaga caawiyaan dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta booqasho ugu tagay Ciidanka Soomaaliyeed ee ku jira kuliyadda tababarka TurkSom, waxaana uu intaa raaciyay in ciidanka qalabka sida loo dajinayo hal manhaj oo mideysan taasi oo xoojineysa gudashada waajibaadkooda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa saraakiisha iyo ciidanka kula dardaarmay inay yihiin rajada dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin, isla markaana ay u diyaargaroobaan ciribtirka Khawaarijta iyo xoreynta dalka. Mudane Xamsa ayaa sheegay in dowladdu abuureyso hey’ad u xilsaaran daryeelka agoonta ciidamada qalabka sida, isla markaana maalin qaran loo asteyn doono sanad walba maalinta shuhadada. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga, oo si weyn u xoojisay taageerada isugu jirta qalabeynta iyo tayeynta ciidankeena, gaar ahaan dhinaca caafimaadka militeriga iyo gargaarka xaaladaha deg dega ah. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Malawi ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay Madaxweyne ku xigeenkii dalka Malawi Saulos Chilima iyo 9 qof oo la socday in ay dhinteen ka dib markii ay la dhacday diyaarad ay shalay kala raceen magaalada caasimadda ah ee Lilongwe. Madaxweynaha dalka Lazarus Chakwera ayaa sidaasi sheegay. Haraaga burburka diyaaradda ayaa laga helay meel u dhow buur “taas oo gebi ahaanba burburtay” iyadoo aanay jirin cid ka badbaaday, ayuu yiri. Burburka diyaaradda uu la socday madaxweyne ku xigeenka Malawi cidina kam badbaadin, sida uu sheegay madaxweyne Lazarus Chakwera. Raadin qaadatay muddo ka badan 20 saacadood ayaa lagu helay diyaaradda oo ku bur burtay buuro ku yaalla Waqooyiga dalkaas. Diyaaraddan oo ahayd nooca ciiddamada waxa socday madaxweyne ku xigeenka, toddoba qof oo rayid ah iyo 3 askari. Cimilada oo xumaatay ayaa loo sababanynaa soo dhicista diyaaraddan. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir guddomiyay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen labada heer ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga jihaynta nidaamka maaraynta Maaliyadda iyo Kheyraadka guud iyo xubnaha deeq bixiyayaasha ee wadashaqaynta la leh Dowladda Soomaaliya. Shirkaan oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta iyo taageerada hey’adaha caalamiga ah iyo dalalka saaxiibada la ah Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo kala shaqeeya horumarinta hannaanka Maaliyadda iyo qorshayaasha dib-u-habeynta hey’ahada dhaqaalaha dalka. Sidoo kale, waxaa shirkaan goobjoog ahaa dhammaan xubno matalayay Dowlad-Goboleedyada Dalka, gaar ahaan xubno ka socday Wasaaradaha Maaliyadda oo isugu jiray Wasiiro, Agaasimeyaal iyo La-taliyayaal. Source: goobjoog.com