-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Imaaraadka carabta ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadeeda ku sugan dalka Yemen ay gacanta ku dhigeen diyaarad laga soo buuxiyay walxaha Qarxa. Dowlada Imaaraadka ayaa tilmaantay in diyaaradaasi la doonaayay in lagu haligo ciidamadeeda ku sugan dalka Yemen. Diyaarada oo nooceeda yahay kuwa yaryar ayey Imaaraadku sheegen in ay ka buuxeen walxaha qarxa,waxaana ay ku sheegeen in Iraan ay la damacsaneyd in ay ku weerarto Saldhigyada Ciidamada Imaaraadka iyo kuwa Sacuudiga ee Yemen. Dowlada Imaaraadka ayaa tilmaantay in khubaradeeda ku taqasusay Qaraxyada ay sheegen in Diyaaradda nooceedu yahay Qassef-1,taas oo lagu qabtay Xeebaha Badda cas ee dalka Yemen. Ciidanka Imaaraadka ee jooga Dalka Yemen ayaa waxaa ay sheegeen in Diyaaraddaas haddii ay qarxi lahayd ay saameyn taban ku yeelan lahayd isu socodka Biyaha Badda Cas ee dalka Yemen. Sidoo kale, waxa ay khasaaro nafeed u geysan laheyd boqolaal dad ah, waa haddii ay Qarxi laheyd, sida ay Imaaraadku hadalka u dhigeen. Dhinaca kale, Dowladda Iraan oo lagu eedeeyay in ay leedahay diyaaraddan ayaan wali ka hadlin eedda loo jeediyay. HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa ka hor imaaday hanaanka ay dowlada Federaalka Somalia, gaar ahaan Wasaarada Dastuurka u wado dhameystirka Dastuurka qabyada ah. Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Sheeh Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Wasaarada Dastuurka dalka ay mashruuc u bedeshay dhameystirka Dastuurka qabyada ah. Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland waxa uu tilmaamay in dhameystirka Dastuurka laga doorbidayo in dhaqaale lagu raadiyo, waxa uuna cadeeyay inaanu jirin dan laga leeyahay Dastuurka. Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuu sheegay dhawr jeer inuu arkay in laab laabyo badan ay jiraan, midaasina ay tahay wax aan wanaagsaneyn, muhiimna ay tahay in wax ka bedel lagu sameeyo. ‘’Wixii aan horay u dareemay ayaan iminka sheegayaa Dastuurka dalka waxaa laga dhigay mashruuc lagu dhaqaale raadsado’’ Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuu tilmaamay in ay mas’uul ka yihiin shacabka, loona baahan yahay howsha in loo qabti si ay ku jirto mas’uuliyad loo dhan yahay. Dowlada Somalia ayuu ugu baaqay inay waxbadan ka bedesho qaabka loo maraayo dhameystirka Dastuurka dalka, waxa uuna cadeeyay inaan dhameystirka uu aheyn diyaarad la raaco. Haddalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Wasiirka Dastuurka uu inta badan wakhtigiisa ku dhameystay safari iyo shirar aan mirro dhal laheyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The United Arab Emirates (UAE) and its allies, including notorious Blackwater private militia founder Erik Prince, continue to pursue acts of sabotage against Somalia. Source: Hiiraan Online
-
After the collapse of Somalia in the early 1990s, the UAE, like other GCC countries, attracted Somali businesses and trade. Most of the influential business people and political leaders lived in the UAE, Saudi Arabia and Qatar. The UAE’s geopolitical interests in Somalia begun to take shape becoming a foreign policy priority in the wake of the 9/11 attacks where it began to establish links with both formal and informal actors in the pretext of countering the threat of piracy and terrorism. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa soo saaray go’aan cusub oo lagu soo hormarinaayo doorasho madaxweynaha iyo tan Barlamaanka Turkiga. Erdogan waxa uu ku dhawaaqay in labada doorasho laga soo hormarin doono wakhtigii loogu tallo galay, si uu usoo degdego isbedelka. Waxa uu tilmaamay in Doorashada Turkiga la qaban doono 24 bisha June ee sanadkan, waxa uuna sheegay in Turkiga ay u baahan tahay Madaxweyne isaga ka fiican. Erdogan ayaa sheegay in dalka si deg deg ah uu ugu baahan yahay madaxweyne awood buuxda leh oo wax ka qabta dhibaatooyiinka haysta dalka. Haddii doorasho la qabto dalkaasi ayaa waxaa madaxwaynaha la doorto uu helayaa awooda uusan imika lahayan madaxwaynaha. Turkiga ayaa u muuqda mid kusii siqaaya xaalado dagaal, waxaana sii kordhaayay dowladaha kasoo horjeeda tan iyo markii la doortay Madaxweyne Erdogan. Lama oga sababta soo dadajineysa doorashada uu ku dhawaaqay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya oo kulankoodii qamiislaha ah maanta ku yeelanay Xafiiska Ra’isilwasaaraha ayaa magacaabayo safiirada qaar kamid ah wadamada caalamka. Safiiradaan ayaa tiradooda lagu sheegay 11 safiir kuwaasi oo badali doono safiiro hore shaqadaasi u baneeyay. 11 Dal oo caalamka ku yaala ayaa hadda aanay joogin safiiro rasmi ah hayeeshee waxaa jooga ku simayaal iyo safiiro ku xigeeno. Dowlada Soomaaliya ayaa iska dayeeysay baryihii ugu dambeeysay in ay xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed ee caalamka. Shirka Golaha wasiirada ayaa sidoo kale lagu wadaa in looga hadlo xaalada amniga iyo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo xumaaday. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta magacaabayo Safiiro appeared first on Puntland Post.
-
Hay’adda u dooda Xuquuqda Adaanaha ee Human Rights Watch waxay soo saartay War Dheer oo ay kaga hadashay Tacadiga Qaxootiga iyo Magangelyo-dioonka loogu geysto dalkaasi, waxaana si gaar ah loo xusay in Ciiddanka Yemen ee ay Dowladda Imaaraadka tababartay xadgudub baahsan u geystaan Qaxootiga ku nool magaalladda Cadan. Human Rights Watch (HRW) oo Xarunteeda Dhexe ku taallo magaalladda Washington ee dalka Maraykanka waxay kaloo sheegtay inay Dowladda Yemen diidan tahay inay muhiimad siiyaan Qaxootiga magangelyo-doonka ah, isla markaana ay si khaasab ah uga masaafuriyaan Dekedda Cadaan. Qaar ka mid ah Qaxootiga ku xirnaa Yeman ayaa u sheegay Hay’adda Human Rights Watch inay Ilaaladda Yemeniyiinta jir-dil iyo Kufsi u geystaan Qaxootiga, kuna hanjabaan inay dili doonaan ama masaafurin doonaan. Agaasimaha Xuquuada Qaxootiga ee Human Rights Watch, Bill Frelick ayaa sheegay in Ilaaladda Xarunta Qaxootiga lagu hayo ee magaalladda Cadan inay jir-dilaan ragga, kuna xad-gudbaan Haweenka iyo Wiilasha, waa sida uu haadalka u dhigay. Waxa uu intaasi ku daray in Boqolaal Qaxooti la masaafuriyey, iyagoo la saaray doonyo aad loo buux dhaafiyey. Dhinaca kale,Warbixinta Human Right Waech waxaa kaloo lagu sheegay in xarunta lagu fara-xumeeyo Qaxootiga oo ku taallo Deegaanadda ay Dowladda Yemen ka taliso, inkastoo ay Ciiddamo ay tababareen Imaaraadka Carabta gacanta ku hayaan Xaruntaasi. Warbixinta waxaa lagu muujiyey inay Dowladda Yemen iyo Ciiddanka Imaaraadka ka gaabsadeen inay ka hadlaan Tacadiyadda Qaxootigaas loogu geysto Xarunta Qaxootiga lagu hayo ee magaalladda Cadan. PUNTLAND POST The post HRW” Qaxootiga Soomaalida ah ee Yemen ku Sugan Waa la Kufsadaa” appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Dowladda Imaaraadka Carabta oo xiriirka kala dhexeeya Dawladda Federaalka Somalia uu sii xumaanayay mudooyinkii u dambeeyay ayaa markii ugu horreeyey ka hadashay mowqifkeeda ku aaddan xiriirkaas, tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu joojiyay barnaamijyadii uu ka waday Somalia. Wasiir-u-dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Imaaraadka, Anwar Maxamed Qarqaash ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin midnimada guud ee Somalia, balse aysan jirin cid ay gaar u aqoonsan yihiin. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in heshiiska Dekedda Berbera oo la filayo inuu muranka dhaliyay ay kala hadleen Dowladdii ka horraysay tan hadda ka jirta Somalia ee uu hoggaaminayo Farmaajo. “Arrinta heshiiska dekedda Berbera waxay ku dhacday is-fahan cad oo aan la yeelannay Xukuumaddii hore ee Somalia, waxayna ahaayeen kuwo cad-cad. Innaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradna kuma lihin, xiriir gaar ahna lama lihin Somaliland. Waxaan kaalin fududeyn ah ku lahayn inaan kulammo u qabanno madaxda Soomaalida. Waxay ku kulmeen Abu Dhabi iyo Dubai. Kaalinteennu waxay ahayd fududayn. Is-fahannadu waxay ku qotomeen haddii aan aqoonsan-nahay siyaasadda Soomaali mid ah inaysan naga reebayn dhinacyada horumarinta, gargaarka aadaminimo iyo kaalmada in aan Somaliland ka sameyno,”. ayuu yiri Anwar. Wasiir u dowlaha u hadlay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay arrinka khilaafka ka gasho wadahadal furan oo aan lagu qaban qol xiran. “Haddii ruux ku caawinayay 20 illaa 25 sano ay wax idin dhex-maraan waa inaad kala hadashaa. Ma ahan in aad qabsato 47-askari oo Imaaraadka u dhashay oo ciidamadaada tababaraya oo ku dhawaad 10-malyan oo Doollar oo ah wixii ku baxayay ciidan badan oo Somai ah siday oo go’aankaas inta aad qaadatay aad tiraahdo arrinta waxaan ku xallinaynaa qol xiran. Maya… Maya.. Sidaas hawsha kuma dhamaanayso. Waa in arrintu cadaataa,” ayuu hadalkiisa ku daray. Dhanka kale, Xiriirka labada Waddan ayaa sii xumaanayey tan iyo markii Todobaadkii hore ay Dowladda Soomaaliya la wareegtay lacag ku dhaw 10-milyan oo Doollar oo la sheegay in lagu qabatay garoonka dayaaradaha ee Muqdisho. Ugu dambeyn, Hadal ay soo saartay Dowladda Imaaraadka Carabta ayay ku sheegtay inay joojisay gabi ahaan hawlihii ay ka wadday Somalia, Waxaana billowday dhaqdhaqaaqyo uu alaabbadiisa kaga qaadanayo Muqdisho. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Imaaraadka oo ka hadashay cidda ay la gashay Heshiiskii Dekedda Berbera appeared first on Puntland Post.
-
An asylum seeker from Norway, who was stripped of citizenship in that country, will be deported from Iceland. Source: Hiiraan Online
-
Egypt's President Abdel-Fattah El-Sisi received a phone call from his Somali counterpart President Mohamed Abdullahi in which he praised Cairo's support for Mogadishu's efforts to restore order and stability in the country, El-Sisi's office said in a statement. Source: Hiiraan Online
-
Growing up in Portland, Maine, junior Mohamed Nur said he’d regularly volunteer at his mosque or spend time tutoring kids at the local after-school center, “doing things that would make someone’s day a little easier and happier.” Now thanks to a Truman Scholarship, Nur will have the chance to deepen his interest in public service after graduating from Bowdoin. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, April 18 (Xinhua) -- Somali forces on Wednesday took control of five villages in Middle Shabelle regions in southern Somalia which had been under al-Shabab rule, military officials have said. Source: Hiiraan Online
-
Garowe-[Puntland Post]-Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay taliye kuxigeenka ciidamada Daraawiishata ama Difaaca ee Puntland, booskaas oo uu horey iskaga casilay kuxigeenkii hore ee taliska ciidamada Daraawiishta. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Sareeye Guuto Siciid Axmed Maxamed (Shoodhe) taliye kuxigeenka ciidamada Difaaca ee Puntland, wuxuuna horey uga mid ahaa Saraakiisha Difaaca ee Soomaaliya. Hoos ka eeg wareegtada Cabdiqani Boos Puntland Post The post Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Taliye Xigeenka Ciidanka darawiishta Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu: The Ambassador of Qatar to Somalia Hassan Hamza Asad Hashim handed over the aid from Qatar to the Somali Government. The donation included 30 transport buses and two large cranes and was within the efforts to consolidate joint cooperative relations. Source: Hiiraan Online
-
Bosaso-[Puntland Post]-Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo soo noqday Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadii Kacaanka Soomaaliya, ahna Jeneraal Milateri ayaa kaga dhawaaqay magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, in uu yahay musharax u taagan xiilka Madaxweynaha Puntland doorashada nagu soo aadan ee dhici doonta bilowga sannadka 2019-ka. Jeneraal Morgan ayaa sheegay in ay isku sharaxay sidii uu Puntland uga bedeli lahaa marxalado badan oo ay maanta ku sugan tahay, gaar ahaana wuxuusi gaar ah uga hadlaya Amaanka oo uu sheegay in ay saldhig u yihiin kabaayasha iyo horumarinta ilaha dhaqaale ee dal kasta leeyahay. Musharaxu waxa sida oo kale uu ka hadlaya shaqo abuur uu sheegay in uu u sameyndoono dhalinyarad reer Puntland oo ka cabanaya shaqo laan baahsan. Morgan wuxuu sheegay in uu aqbalay dalab uga yimid Shacab badan oo kunool mandiqada Puntland, ayna ka codsadeen in uu noqdo musharax Madaxweyne, si loogu doorto xilka Madaxtinimada waqtigan oo ay mandiqadu ku jirto marxalad xasaasi ah. Hoos ka Daawo Muuqalka Jeneraalkan oo aysan inta badan jecleyn deriska Puntland ee Somaliland ayaa musharaxnimadiisa ku soo beegay waqti ay is horfadhiyaan ciidamo ka kala socda labada maamul, oo cabsi laga qabo in ay ku dagaalamaan gacan kuheynta gobalka Sool. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Jen Morgan ‘’Waxan u Taaganahay Xilka Madaxweynaha Puntland 2019 ‘’ appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiiru dowlaha dalka Imaaraadka Carabta ayaa kashifay in heshiiska Imaaradka ee Dekadda Berbera ay ogaaleen, waxna ka ogaayeen heshiiska ay la galeen Somaliland iyo Dekadda Berbera. Wasiiru dowlaha Areimaha dibadda Imaaraadka Anwar Qarqaash ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin midnimada Soomaaliya, isla markaana aysan Somaliland ku lahayn Qunsuliyad, ujeedkooduna ahaa inay taageeraan horumarka dhaqaale, iyadoo uu caddeyay in heshiiska Dekadda Berbera ay ogaayeen dowladihii hore ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa si weyn u cambaareeyay falkii lagula kacay diyaarad ay lahayd Imaaraadka iyo lacag loo waday ciidamada Soomaaliya oo lagu qabtay, wuxuuna sheegay in arrintaasi ay sharci darro ahayd oo aan loo baahneyn in qol mugdi ah xal looga qaado. “Wax kasta waa inay noqdaan wax cad oo aan mugdi lahayn, ma aqbali karno in lacag iyo ciidamo wada la xayiro, kadibna lala wareego lacagtii oo la yiraahdo qol ayaan ku xalineynaa..” ayuu yiri wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Anwar Qarqaash oo wareysi siiyay BBCArabic. Sidoo kale Anwar Maxamed Qar-qaash Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa dhaliilay qaabkii loola dhaqmay Diyaaradii dhawaan lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho taas oo laga lahaa Dalka isu tagga Imaaraadka. “Dal muddo 15 sano ilaa 20 sano Saaxiib kula ahaa ku caawinayay maahan in khilaaf yar oo yimid kula dhaqanto sida Cadowgaaga oo kale , in la qal qal geliyo Saraakiil tababaray Ciidamo Soomaali ah iyo in lala wareego lacag ugu talagalnay in dadkaaga aan ku caawaino”ayuu mar kale yiri Anwar Maxamed. Dhinaca kale Anwar Maxamed Qar-qaasha Wasiiru Dowladaha Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in kaalin ay ka qaateen dhex dhexaadinta Soomaaliya iyo Soomaaliland dhowr jeerna ay shirar ugu qabteen Magaalooyinka waa weyn dalkaasi waxa ay raadinayaan ay tahay Midnimada iyo Madaxbanaanida Soomaaliya. Sida ay Dowladda Soomaaliya u wado wadahadalka hada Socda ayuu dhaliilay Wasiirka. “In qol mugdi ah lagu xaliyo wixii dhacay oo aan ka fiirsasho lahayn waxaan u arkaa in aysan waxbo ku hagaagayn” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda Imaaraadka Carabta. Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa mudooyinkaan waxaa ka taagnaa khilaaf Culus kaas oo saameeyay gaar gaar badan oo ay Imaaraadka ka wadeen Soomaaliya, sidoo kale Imaaraadka ayaa lagu eedeeyay faragelin toos ah ku sameeyay Dowladda soo koreysa ee Soomaaliya. Xaaladda siyaasadeed ee Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa meel xun mareyso, waxayna xogta sheegeysaa inay imaaraadka ku dhawaaqi rabto go’aan ay ku joojineyso sharciyada ay siiso muwaadiniinta Soomaaliya, waxayna sidoo kale qorsheeneysaa inaysan sharciyada u cusbooneysiin haddii ay muwaadiininta Soomaaliya ka dhacdo inta laga xalinayo xiriirka labada dal ee xumaaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU, April 18 (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Tuesday lauded Ugandan soldiers for ensuring a safer and stable Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Abu Dubai (Caasimadda Online) – Sida ay sheegayaan xogta la helayo dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqi rabto tallaabo dhibaato weyn ku noqon doonto Kumanaan qof oo Soomaali ah. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa qorsheeneyso inay ku dhawaaqdo xayiraad la saari doono dadka u dhashay Soomaaliya ee ku nool dalkaas. Dowladda ayaa joojin rabto inay dadka soomaalida siiso Sharciga Iqaamada u ogolaaneyso inay ku noolaadaan dalkaas isla markaasna ay ka shaqeystaan. Dowladda ayaa joojin rabto soo saarista Iqaamada la siinayo dadka Soomaalida ah, sidoo kale waxay joojin rabtaa inay cusbooneysiiso kuwa hadda heysto iqaamada marka la gaaro waqtiga dhicista. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa arrintaan sabab uga dhigtay xiriirka labada dal oo sii xumaanayo, waxayna tallaabadaan saameyn xoog leh ku yeelan doontaa Kumanaan qof oo Soomaali ah oo ka shaqeysto dalkaas. Dowladda Imaaraadka ayaa tallaabadaan ka noqon doonto haddii uu soo fiicnaado xiriirka ka dhaxeeyo labada dal sida uu qorshu yahay, waxaana muuqato inay Imaaraadka dooneyso inay dowladda Soomaaliya cadaadis ku saarto inay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo celiso xiriirkii ka dhaxeeyey labada dal. Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya ayaa lahaa xiriir aad u weyn iyadoo inta badan Soomaalida ay ganacsigooda ku xirnaa dalkaas, wuxuuna xiriirkaan xumaaday sababi doonaa dhibaato hor leh oo soo wajahdo Soomaalida. Tallaabada sii xumeysay xiriirka labada dal ayaa aheyd kadib markii ay dowladda Soomaaliya qabatay lacag ay Imaaraadka sheegtay inay ugu talagashay ciidamada ay u tababartay Soomaaliya. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa hore ugu dhawaaqday inay joojisay howlihii tababara ciidamada ay ka waday Soomaaliya, sidoo kalana waxay xirtay Ibsitaal ay ku laheyd Magaalada Muqdisho. Haddii ay si rasmi ah Imaaraadka ugu dhawaaqdo go’aankaan waxaa hubaal ah inay noqon doonto saameyn aan muddo ku imaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku nool dalkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com